Home Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Qabyaaladda

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Raaxada Guurka9
Heyb Sooca
Qexida Qabyalada
Qabyaaladda1
Qabyaalada2
Qabyaalada3
Qabyaalada4

WAXYAABAHA BULSHADA AMA DADKA WALAALAHA AH KALA FOGEEYA, SABABNA U NOQDA IN DIINTA LAGU DHAQMI WAAYO OO LA HALAAGSAMO:

1. Daggalka, 2.Khilaafka, 3. Qabyaalada, 4. Is-xaqirida, 5. Is-ceebaynta, 6. Malaha, 7. Xanta, 8. Basaasnimada, 9. Naanneysta, 10. Is-dhaca, 11. Xaasidnimada, 12. Kaftanka Xun. Dhamaana Waa wax Allaah SWT uu Dadka ka xaaraantinimeeyey oo Reeban.

Bal aynu soo qaadano Diinta Islaamku waxay ka tidhi Qodobada aan kor ku xusnay:

Waxa halkan Allaah SWT uu ku xusayaa dadka muslimiinta ah hadii qaarkood khilaaf & xurguf iyo dhibaato ay dhexmarto sida loo dhamaynaayo. Markaas waa amuurta Ijtimaaciga ah ee Muslimiinta dhexdooda. Hadii qaar ka mida oo kuwan ayadahan soo socodaa kuway tirinayaan ka midyihiin aynu soo qaadano, waxaa kamida in uu Nabigu (S.C.W) uu diidaday in dadku kala tagaan, tusaale ahaan, laba qof baa wax isla yara seegaya oo afkay isku buurayaan dibna uma wada hadlayaan, taasna waa ladiiday oo waa wax reeban.

Waxaaba Rabbi uu ku sifeeyay dadka Muslimiinta ah inay isu dabac sanyihiin oo ay isjecelyihiin. Sida Rasuul keenii kasoo aroortay (SCW) maaha qofka Muslimka ahi inuu walaalkii saddex cisho wax kabadan u cadhaysnaado oo calool xumo u hayo, saddexdaas cisho hadii ay dhaafto waa inuu mid kood ka-kale salaama, hadii markaas isagu diido (kii lasalaamay) isagaa lawareegaya dambiga laakiin kan wax cafiyay sidaas buu ku xil baxayaa. Rasuulku SCW isagoo dadka Musliminta u sheegaya samaanta iyo wanaaga aad dadka dhex dooda ka samaysaa darajada ay leedahay wuxuu yidhi: “Waar maydin tusiyaa wax ka qiimo badan darajada lagu gaadhaayo Soonka, Salaada & Sakada markii ay haa yidhaah deena: Wuxuu ugu jawaabay: Waa umada dhexdooda oo la hagaajiyo”. Micnaha waa dadka muslimiinta ah qabaa’ilkooda, shakhsiyaadkooda & kooxohoodaba".

Dadka Muslimiinta ah ee xurguf ay dhex dooda martana wuxuu ku tilmaamay: waa tii xiiraysay (Al-xaaliqa) odhan maayo way xiirta laakiin diintay xiirtaa buu yidhi.

 Dagaalka & Khilaafka

Ayadan wuxuu Rabbi SWT kula hadlayaa haday laba Qolo oo muslimiin ahi dagaalamaan Waxa layeelayo: Alle Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:

 “Haday Laba qolo oo Mu’miniinta ah dagaallamaan heshiisiiya dhex-dooda, Haday midu ku xadgudubto tan kale la dirira tan xadgudubtay intay amarka Alle uga noqoto (xaqa aqoonsato), Haday u noqotana si caddaalada ah u wanaajiya dhexdooda una Garsoora, Alle wuxuu jecelyahay kuwa garsoore”. (Al-Xujuraat:9)

Mu’miniintu waa Walaallo ee wanaajiya

Alle Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:

“Mu’miniintu waa uun walaalo, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhowrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariiste". (Al-Xujuraat:10).

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

 

"Waa Dad u nugul Muuminiinta, ku ad-adag gaalada". ( Al-Ma'ida:53).

Yasida & Is ceebaynta waa layska Reebay

Allaah Subxaana Watacaala isagoo ka hadlaaya Qabiilka, is-xaqirida, is-ceebeynta iyo Naanneysaha layskugu yeedho wuxuu yiri:

“Kuwa xaqa rumeeyow Qolana yeyna qolo yasin inay ka khayr badanyihiin baa laga yaabaaye, Ragna Rag (kale) yuuna yasin waxay u dhawdahay inuu kaa khayr badanyahaye, Haweenayna yayna Haweenay yasin waxay u dhawdahay inay ka khar badanyahaye, Hana ceebeynina Naftiina, Hana isugu dhawaaqina naanays xun, Waxaa xun magaca Faasiqnimda iimaan kadib, ciddaan towbad keeninna waa Daallimiin”. (Al-Xujuraat:11).

Malaha, Xanta & Basaasnimada Waa Xaaraan Waana Layska Reebay

“Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah, maxaa yeelay malaha qaarkii waa dambi, hana is jaajuusina, qaarkiinna qaar yuusan xamanin, miyuu jecelyahay midkiina inuu cuno Hilibka walaalkii oo mayd ah, waad necebtihiin arintaa, Eebana ka dhawrsada waa toobad aqbale naxariiste”. (Al-Xujuraat:12)

Ilaahay SWT wuxuu Aayadan ku cadeeyay in Mala-awaalka, Isjaajuusida, Xanta iyo Isceebeynta intuba wax reeban oo Alle dadka ka madnuucay yihiin. Markaas waa in layska jiraa qofkii Alle ka baqayoow iska jir waa kaa xaaraane.  Waxba kuu tarimayso Ruux walaalkaa ah oo aad xamato, ceebayso ama aad wax xun aad ku malaysid adigoon hubin, hadaad dayn waydana adiga uun bay hadhowto kugu soo noqon doontaa oo maan odhanin iyo waa laga been sheegay iyo nacnac iyo dhulkoo ku soo yaraada ayuun baad ku dambayn doontaa.  Alle na wuxuu ku tilmaamay xanta adigoo walaalkaa hilibkiisa cunaaya oo kale. Runtii xantu wax sahlan maaha ee halayska jiro intii karaankiina ah. Allaahu Aclam.

Xadiis uu Abuu Hurayrah (A.K.R.) Warinaayo wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yidhi: Iska illaaliya  malo awaalku waa wax been u weyne. (Bukhaari & Muslim).

Xadiis kale oo isna Abuu Hurayra (A.K.R.) Warinaayo wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yidhi: Qofka waxaa shar ugu filan inuu yaso walaalkiisa Muslimka ah. (Muslim).

Allaah Subxaana Watacaala isagoo la hadlaaya dadka wax xanta  wuxuu yidhi:

“Waxaa hoog u sugnaaday mid kastoo Xan iyo Ceebeyn badan”. (Al-Humazah:1)

Qabiilka ayuu Alle Subxaanah Watacaala  ka hadlayaa isagoo leh:

 Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:

“Dadow waxaan idinka abuurray lab iyo dhadig (Aadan & Xaawa), waxaana idinka yeelay shicibyo iyo qabiilooyin si aad isugu aqoonsataan, Ruuxase ugu sharafta badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan”.(Al-Xujuraat:13)

Aayadan Qur'aanka wuxuu Alle ku cadeeyay oo yidhi waxaan idinka oo dhan idinka khalaqanay Aadaan iyo Xaawa (C.S), markaas kadib ayaan idinka dhignay shicibyo usii kala qaybsami doonta qabiilooyin, waxaan sidaas u yeelnay inaad is aqoon sataan oo qaraabadiina garataan oo is xidhiidhisaan oo qof walba qofka ehelkiisa ah uu xidhiidh gaara ku xidhiidhiyo. Rabbi ma dhinhin inaad dirirtaan, Rabbi ma dhihin inaad is-dhacdaan, Rabbi ma dhihin inaad wadan-wadan iskugu duushaan. Laakiin Rabbi SWT wuxuu yidhi inaad is aqoon sataan oo is xidhiidhi saan baan shacbiyo iyo qabiilooyin idiinka dhigay. kuligiina isku aabo iyo hooyo ayaad tihiin, qabiil laan dheere la yidhaahdo  Alle ma sheegi Subxaana Watacaalaa. Qabiil meel gaara ka yimid oo aan dumarkiisu guursi galin na Alle SWT ma sheegin, Qabiil Midgo la yidhaah oo dadka kale ka hooseeyana Alle ma sheegin Subxaana Watacaala ee wuxuu yidhi kuligiin waxaad ka soo fircanteen Nin iyo Haweenay xagood.

Allaah SWT wuxuu yidhi dhamaantiin waxaad ka timaadeen Aadam & Xaawa (C.S), idinkuna Carruurtii Aadam ayaad tihiin. Aadamna carada ayaa laga Abuuray. Nabeguna (SCW) wuxuu yidhi Aadam waxaa laga abuuray Caradda aduunka oo dhan, caradda aduunkuna way kala midaba duwan tahay oo midi waa casaan, midi waa cadaan, midi waa madoowdahay, midina waa isku dhafan tahay. Sidaas awgeed ayuu ilma aadaamku uu mid nooc gaara u eegyahay oo midabada u kala duwanyahay. Markaas midabka iyo quruxdaba Ilaahay baa bixiya oo qofba in ka siiyay Rabbi baana sidaas ugu talagalay. Markaas waa in qof walba wuxuu Rabbi siiyay ku mahadiyaa. Qabyaalada, Is-xaqiirida iyo xumaanta oo dhana waa in layska joojiyaa cidii Alle ka baqaaysaa ee naxariista Rabbi rabtaa.

Xaasidnimada

Allaah SWT isaga oo la hadlaaya dadka wax xaasida een waxba u quudhin dadka kale wuxu yidhi:

Dadka ma waxay ku xasdaan nicmadda Alle ugu deeqay?. (An-Nisaa:53).

Xadiis uu Abuu Hurayra (A.K.R.) Warinaayo wuxuu yidhi: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yidhi: Iska Jira xaasidnimada, maxaa yeelay xaasidnimadu waxay u cuntaa xasanaadka sida dabku u cuno xaabada. (abuu Daawuud).

Allaahu Aclam.

La soco Qaybaha dambe hadii Eebe idmo.

Admin@alimuse.com

Home
Raaxada Guurka9
Heyb Sooca
Qexida Qabyalada
Qabyaaladda1
Qabyaalada2
Qabyaalada3
Qabyaalada4

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:13