Ka Baro Diinta
Islaamka
Live online Islamic courses |
Kaalinta Xaalada Joqoraafiyeed ka Ciyaarto Qabyaaladda Soomaalida. Inkasta oo dhulka soomaalidu degtaa uu ku dhaco joqoraafi ahaan, dhulbadhaha iyo agagaarkiisa, hadana malaha dhulka soomaalidu intiisa badani xaalada cimilo ee lagu yaqaano dhulka badhaalaha ah iyo ta kulaylahayaasha toona. Culimada cilmiga joqoraafiguna, waxay raaciyaan cimilada dhulka soomaalidu degto ta lamadegaan-u-eekaha. Waayo, cimilada dhulkeenu inta badan waa xilliyood leh afar xili oo kala ah: Gu, Xagaa, Dayr iyo Jilaal iyo weliba roobyaraan ama roob la’aanba xiliyada intooda badan. Waxaana lagu doodi karaa, in xaaladdan cimilo ee adagi ay atahay ta salka u ah Reerguuraanimada soomaalida & xoolodhaqashadaba. Sababtoo ah, roob yaridu waxay keeni kartaa, in aanu qofku noqon beeraley meel degan. Hadii uu beeraley noqdana, aanu noqon beeraley ku tiirsan nolol ahaan dalaga beerta ka soo baxa oo kali ah. Waayo, mar hadii roobku xilliyood yahay oo aan laysku halayn Karin, beertuna waxay noqonaysaa wax aan lagu kalsoonaan Karin. Macnaha aynu taas ulajeedna waxaa weeye, in dhulka cimiladiisu sidaa tahay ay xooluhu kaga fiican yahiin beerashada iyo beeralaynimada. Dhinaca kale hadii aynnu ka eegno, hadii aanu roobku ku di’in halka aad dagan tahay; xoolaha waxaad ula guuri kartaa halka dooga iyo biyaha leh, beertuse kuu socon mayso kuna doogdhabi karimaysid halka dhibicdu ka hoortay. Sidaa aan dalaga ama beerta loo doogdhabi karahayna waxaa inoo caddayneynsa, tixdan calaacalka ah ee uu tiriyay nin soomaaliyeed oo beeralay ahaa, wuxuuna yidhi: “Cirka meel dushaada ah illayn dooxid lama gaadhid, oo illayn hadhuudh laguma doogdhabo roob aan kugu daadan”. Isla-markaasna waxa ay tahay xaaladdan cimilo ee dhulkeenu ta dhalisay, in ay dadka soomaaliyeed u degaan Geeska Afrika, si baahsan iyo filiqsan oo aan xadaysnayn. Waxa kale oo ay xaaladan joqoraafiyeed sababtay, in aan cidina sugi Karin tirada dhabta ah ee dadka soomaaliyeed. Arintaasi oo ah ta dhalisay, in ay tirada guud ee soomaalidu weligeed ahaato, male’awaal & ku-tidhi-kuteen aan hubaal lahayn. Xaaladan cimilo ee ba’ani, waxa kale oo ay dhalisaa geedi iyo sugnaan la’aan xaga deegaanka ah. Waayo, xooladhaqashada reer guuraanimda ku dhisan ee teena oo kale ahi, waxay u baahantahay naqraac (doojin) xilliyada roobka iyo ceelfadhiisiga wakhtiga jillaalka ah. Labadan xaaladood ee naqraaca iyo ceelfadhiisiguba waxay dhaliyaan xamaasado dagaal iyo gardarro ah oo dhexmara reeraha ama beelaha naqraaca ama ceelfadhiisiga ah iyo kuwii hore u sii daganaa meesha ee deegaanka lahaa oo difaac ah. Mararka qaarkoodna, waxaaba isku dhaca beelaha hayaanka ah laftooda oo daaqa isku laaya. Halkaasna waxaa sida badan ka dhasha hiil iyo habarwacasho keenta dagaal dhiig badan oo layska daadsho oo kadhashay halgankaa nolasha ee ah: ninkii roonow reerka u hadh. Waxaa kale oo aynu odhan karaa, in ay nolashan adagi tahay ta sababtay, nolashan dhaqan ahaan, in markuu wiil qoys u dhasho loo riyaaqo oo xabado loo rido, gabadhana laga naxo. Waayo, wuxuu wiilku hiil iyo hooba ku soo kordhin jirey nolashaa adag ee colka iyo ciidanka, ceelshubida, carraabaha, iyo kun la cayn ah, oo cisho noolba joogta. Hadaba wiilku qiimhiisii maanta ma leeyahay?. Waxaynu odhan karaa, wilkii wuxuu noqday maanta mid u taagan, qaad, qiiq, qas, dhac,dil iyo naxdin waagii baryaba joogta oo aan macnolahayn. Waxaanu taagan yahay qiimihiisi ma siinaa gabadha?. Read moore. |
Islamic Links
|
|