Ka Baro Diinta
Islaamka
Live online Islamic courses |
Maxaa Dhibaatada Soomaalida Xal Loogu Waayey? Yaa u raadiyay horta! Horta intaynaan su’aashan ka jawaabin, waxaa haboon inaynu isla garano dhibaatada ina haysta hada iyo wakhtiyadii tagay. Waxaan odhan karaa, umada soomaaliyeed waligeedba qabiilo qayb-qaybsan, oo midba kakale col layahay, oo wax aan macno lahayn ku dagaalama ayay ahayeen. Taasina waa dhibaatada maanta inaga inahaysta. Soomaalida waxaa cadow goodi wax walba ku sameeyay, ee dhulkoodii bilaashka ku qaatay, illaa maantana bilaashka ku hasyta, ee kaaga darane intii hadhayna kugu haysta, xataa wax kale iska daayo ay maanta itoobiya shanta meelood ee ay midwalba dusha ka xukunto aynu nahay, waa dhibaato ay qabyaaladd & qabiilaysigu inoo gaystay. Laga soo bilaabo 47 sano ee tagay, soomalida waxa ay dawlad hagaagsan oo loo aayo oo caddaalad ku dhisan, u diiday waa qabyaaladda. Dawladii habaarka qabtay ee Siyaad Bare waxa sababay inay 21 sano dadka gumaado waa dadka qabyaaladdu qayb-qaybisay waayo “yay is cunaysaa waraabe iskama cilisaa layidhi”. Dagaalka sokeeye ee soomaalidu waa mid waligii ilaa maanta is xumayn iyo is xinin ah, oo ka dhex taagan qabiillooyinka weli ku jira dhaqankii iyo dabeecadahii badwaanimada ee qabiillooyinka. Waana jaahilnimo iyo xumaan layska idha tiraayo oo aan larabin in laxaliyo. Waxa C/llaahi Yuusuf oo habaar qaba, oo dad & dal toona dan ka lahayn madax uga dhigay koonfurta soomaaliya waa qabyaalada iyo qabiillaysiga jaahilnimda ee ay beelaha soomaliyeed u qaybsanyihiin. Daahir Riyaale iyo wasiiradiisa sida indha la’aanta ah sharciga wadanka ugu tumanaaya ee aan cidmna ka baqanahayn, wadanka dhaqaalihiisi curyaamiyay ee horumar & caddaalad u diidanai waa beelaha qabyaaladu lafta kaga wada jirto ee aan naftooda daacada u ahayn. Hadaba waxba yaanu hadalku ila sii fogaane aan u soo noqdo dulucda hadalkeeyaga. Si aan xalka u garano iswaydii su’aalahan soo socda:
1.Ku-Dhawaaq in aad ka baxday qabiilka laguugu yeero. Adigoo aan ka baqayn Alle mooye cid kale, waxaad si cad oon cabsiyi ku jirin ugu sheegtaa kuwa kugu tirinaaya in aad qabiilkooda tahay, in aad ka baxday oo aad Soomalinimada & Islaamka ka dooratay. Weliba aadan cid kale ka sii ahayn. Iska fur silisiladda qabiilka ee qoorta kuu sudhan oo ka xorow adigoon cid kale ka sugin in ay kaa bixiso. Markaa ka dib ayaad ummaddaada kalena ka furddaamin kartaa qoolka ay gelisay qabyaaladu iyo kuwa aaminsan qabiilaysiga jaahilnimada ah. 2.Jooji kaftanka qabyaaladeed. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa; Waayeelku kaftankuu ku dana dhameystaa.” Kuwa ku kaftamaaya qabyaaladda ka fogow. Waayo waa badow aan sheeko kale aqoon, amaba waa aqoon-gaabyo dan la’aani hayso, oo aan ogaynba khatarta halista ah ee ay naftooda iyo umada kaleba u gaysanayaan. Marka iska jooji in aad la jiibiso oo aad adiguna iyaga ka mid noqoto. Si cad ugu sheeg in aad tahay Soomali ay ummaddiisu u siman tahay. Ogow Soomaalinimadu way ka wax tar badan tahay qabiil hoose. Oo umada Soomaaliyeed ama Soomaliland oo dhan wixii ay kugu biirin weyday qabiil keliyii ku siin maayo. Kaftanka qabyaaladeed wuxuu dhidibka u sii aasaayaa qabyaaladda. Qabiilka oo lagu kaftamaa waxay la mid tahay jinsiyadda oo lagu kaftamo. Duniduna kaftan jinsiyadeed (racial jokes) waa ay iska madnuuceen. Meelaha qaarna waaba dambi. Waayo waxay ogaadeen xumaanta iyo nacaybka ka dambeeya. Maxaad isugu soo koobeysaa qabiil qura adigoo ummadda aad isku wadanka tihiin oo dhami ay ku walaaleysanayso. 3.Jooji murti-qabyaaladeedka. Haddii aad tahay gabyaa ama heesaa, ka ilaali murtidaada qabyaaladda. Waayo, “Dhawaaqu meel dheer ayuu gaaraa dhagaxna meel dhow.” Ha u gabyin, ha u heesin, ha u buraanburin qabiil. Xirfaddaada u leexi wanaag iyo waxyaabaha bulshada midaynaaya waayo, mar haddaad abwaan ama fannaan ama musikiste tahay waxaa dhab ah in aad Soomaali oo dhan abwaan/fannaan/musikiste u tahay ee aadan qabiil keliya u ahayn. Badi murtida iyo maaweelada qaranka dhisaysa xumahana reebaysa, oo Soomaali oo dhami kaa dhegeysan karto. 4.Ha u hoggaamin ummadda qabyaalad. Haddii aad damacdo in aad ummadda hoggaamiso waxaad tahay birta dhexe ee miisaanka. Waxaa kula gudbboon in aad marka hore tahay nin-qaran oo aadan adeegsan qabyaalad si aad wax u maamusho. “Nin-Qabiil ma hoggaamiyo Qaran.” Ka bilow naftaada, carruurtaada, ehelkaaga iyo qaraabadaa la dagaalanka qabyaaladda. Markaad saafi ka noqota qabiil u soo leexo in aad dawlada wadankaga hooyo hoggaamiso. Sidoo kale ha taageerin hoggaamiye adoo u taageeraya waa nin qabiilkaaga ah darteed oo kaliya. Waxaa ka habboon in mid kaga habboon uu hoggaamiyo ummadda. Qabiilaystuhu, wuxuu aqoon u leeyahy in uu hoggaamiyo qabiil qudha ee ma awoodo in uu hoggaamiyo ummadda oo isku duuban. 5.Garddaro qabyaaladeed ha taageerin. Cid xaq-darro ku socata ha ku taageerin ficilkooda. Ha ka mid noqon kooxo u kacay in cid kale ay soo mooraduugaan oo ay soo dhacaan iyagoo qabyaalad adeegsanaaya. Ha hor kicin oo ha hoggaamin kooxo la mid ah kooxahaas. Ha ka qaybqaadan duminta ama waxyeelidda qaran-nimada guud waayo, jiritaanka qaranimadu adigay dan kuu tahay. 6.Ka fogow ka-qaybgalka iyo qabanqaabinta shirarka qabyaaladeed. Waqtigaaga ku bixi meelaha dantaada gaarka iyo tan guud ee ummaddaada ay ku jirto. Ka qayb gal shirarka dib u dhisidda qaran-nimada ummadda. Waxaad ku dadaashaa in aad ka sheekeyso macaanka qarinimadu leedahay iyo qadhaadhka qabiilku leeyahay. Runta kaga dhawaaq meelaha la isugu yimaado adigoo dhaleeceynaya qabyaaladda, dhibteedadana muujinaaya. 7.Maalkaaga iyo muruqaaga ka mamnuuc qabyaalad. Waad ogtahay in wixii aad ku bixiso qabyaalad in aanay adna dan kuu ahayn ummaddaada dan u ahayn. Weliba Akhiro waxaa laguu haystaa wax kasta oo xumaan-qabyaaladeed oo ka yimaada maalkaaga, muruqaaga iyo afkaaga oo aad ku bixiso taageero qabiil. 8.Iska daa dacaayadaha nacaybka(hateful criticism). Dacaayadaha riqiiska ah af ama qoraal ee bulshada Soomaaliyeed ee aad ka mid tahay iska jooji. Cadiifada qabyaalada ee bulshada kala kaxaynaysa. Waxaad ka digtoonaataa in ay caadifadda qabyaaladu ku beer-qaaddo. Ha u jixin-jixin qabiil gaar ah adigoo u jixin-jixi kara qaranka Somaliland /Soomaaliyeed oo dhan. Ogow, dhammaan ummadda Soomaaliyeed way kuu siman yihiin. Kala saarna mabda’a siyaasadeed iyo soomalinimada. Somalilander ahoow ama konfur soomaliyeed Gaf loo geysto qayb ka mid ah ummadda Soomaaliyeed waxay la mid tahay mid loo geystay dhammaan ummaddu sida ay u dhan tahay. Qir jirintaanka Somaliland iyo jirintaanka soomaliya midba ka kale. Waayo, inaguunbaa walaalo ah, isku cadowna ah. 9.Saaxiibbo badan sameyso. Sameyso saaxiibbo badan oo kala duwan adigoo adeeg sanaayaa dabeecadda, nooca-sheekada, aqoonta iwm. Iska ilaali kuwa la wareegaaya qabyaaladda iyo nacaybka qayb ka mida ummaddeenna. Waayo qof aad ku saaxiibteen qabyaalad waa qof aad ku saaxiibteen godob iyo dhagar ummadeed. Saxiibadaa hanoqdeen kuwa kugu garab-gala wanaagga. Waa kuwa aad ceeshoo-milix tihiin ee ma aha kuwa aad kula saaxiibtay qabyaaladda. U noqo oo cafis ka doon saaxiibadaadii hore ee waayo-waayo kuwaas oo ay idin kala kaxaysay colaaddii ay qabyaaladu abuurtay muddadii colaadda ummadda. 10.Taageer cid kastoo wadda wadajirka umada. Taageer oo ka mid noqo Ururada samawadayaasha Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan. Ku biiri fikradahaaga waayo waxaad tahay xubin lagama maarmaan ah oo ka tirsan ummadda Soomaaliyeed. Haddii aad fuliso arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaad ka xoroowday suntii iyo jaahilnimadii qabyaalada. Waxaanad ka mid noqotay Somalis Against Tribalism (S.A.T). Ururka Laddagaalanka Qabyaaladda ee Soomaliyeed. Allaaha Xaqa ha ina Waafajiyo Dhamaanteen Aamiin. Q: Ali Muuse |
Islamic Links
|
|