| |
MAXAAN KU MUTEYSTEY HEYB-SOOCA?)DOOD FURAN (QAYBTII LABAAD
& QALINKII (MR GABOYE)
Qoraaga weyn ee Mr Barkhad Gabooye
Walalayaa waa qeybtii labaad ee dooda aheyd (maxaan ku muteystey
heyb-sooca ,)waxaan qeybtii hore doodeydan ku soo bandhigey guud ahan
quursiga & dulmiga heyb-sooca ee lagu takoorayo umad dhaan oo islama oo
idinla mida ,qeybtan labad waxaan ku eegidoona ,alleh ,st.& diinteena
islaamku waxey ka qabto quursiga dulmiga & dhalanteedka nasabnimo.
Intaan uguda galin arintaas waxaan doonaya ineynu bal wada ogaano halka
uu ka yimid & cidii bilowdey quursiga & nasab ku faanka dhalanteedka ah
,hadaba su aashu waxey tahey:
Su'aal:- Yaa bilaabey quursiga ?muxuuse muteystey ?
J- Jawabtu waxey tahey, Allah (st) Markii uu abuurey, nabiyuna Aadan
(cs) Aabihii Aadamiga inuu ku amrey Malaaiigtiisu iney u Sujuudaan Nabi
Aadan (cs) waxaa amarkaas Allah (st) jabiyyey waxuu ahaa Ibleys (Nacali
korkiisa ha ahatee), waakii Ibleys diidey Amarka Allah (st) kuna faaney
inuu ka dhalasho wanagsanyahey yidhina ( ma anigood Naar iga abuurtey,
halkaasna uu Ibleys uga jeedey ma anigood Naar iga abuurtaa u su juuda
Aadan (sc) ood ka abuurtey Dhoobo) taasi waxey ku tuseysaa inuu Ibleys
quudhsi & isla weynaan aan meel jirin & nasab dheeridba sheegtey,
waxaanu ku muteystey Kibirka & qabka sareynta uu sheegtey inuu Allah (st)
ugu bushaareeyey Ibleys Naarta jahanabo isaga iyo inta raacdaba
subxaanalaah Rabi inagama dhigee aamiiiiin,
Hadaba walaalayal ma shaki baa ku jira quudhsiga & Dulmiga uu Allah (st)
xaaraan-timeeyey iney yihiin Hadimadii & kibirkii uu ibleys ku halaagmey
kuwa ku deyda ee jidkiisa maraana ee aaminsan iney Adoomada ilaahey ka
sareeyaan kana dhalasho nasab wanagsanyihiin ee caadeystey dhaqano &
caadooyin dhalanteeda ee umad islaama yasaya kuna tilmaamaya dad ka
liita, sow ibleys mey waheshan darisna lamey noqon, cadaabna mu
teysanmaayan.
Qoraaga weyn ee Mr
Barkhad Gabooye
kuwa xaqa dabooley ee Diinta yaqaana ee Culimaa-udiinkuna sow ma aha
kuwa xaqa Allah (st)& Aayadihiisa indhaha ka qarsadey ee u nixi waayey
dadka caamaha ah ama jaahiliinta ah sow kuma qariyey ma aha ayaadii
Allah (st)
"Ina akramakum cid dallaah atqaakum?".
Sow Aayadii Allah (st) ee qeexeysey ma aha, umadeyda cid cid ka
sareysaa ma jirto waxey kukala sareeyana ma jirto, waxeyse ku kala fadli
badanyihiin umadeydu waa Allah (st) Ka cabsiga & cibaadada Allah (st)
sow mey aheyn ,yaa qariyey, yaa la bakheyley Aayaadka illaahey, sow
culimaa-udiinka ma aha, waxaad arkeysa, walalayal, boqolaal cajaladood
oo ay duubeen, kuwa ugu waaweynaa culimaa-u diinka Soomaaliyeed oo
xadiis & mukhaadaraba ah, hal cajalad oo uu midkood kaga hadlayo
Quursigan umadoodu ay ku heyso ummad Islaama oo walaladoona kuma jirto
iska daa cajalad ay u duubaane masaajidada kagama hadlaan xaqa Allah.
Waxaa laga yaaba Culimaa-udiinka kuwa geysanaa quursiga & dulmiga lagu
hayo umadan beesha Gaboye kuwa u geystaa iney yihiin kuway wadaadadu
dhaleen, kuwa ay walaalo yihiin, kuwa waalid ay u yihiin amaba iyaga loo
waalid yahey, sow xaqu muu aheyn iney ummada u soo bandhigaan Diinta
Islaamka & Aayadaha Allah (st) ee xaraan timeynaya dulmiga & quursiga.
waxaa uu rasuulkeenii muxamaed aha ,cst. Uu xadiis ku
yiri: "Qof islaama waxa danbi ugu filan inuu dulmo qof islaama oo
walaalkiiya Subxaanallaah, yaa qariyey xaqa Allah (st), bal
walaalayaal eega aayadkan Allah (st) & xadiista qaar ka mid ah
Rasuulkeenii Muxamaed (csw) ee inoo sheegaya halka uu Allah ka
abuurey Aadamigiisa & inaaney jirin wax kala sareyni, sow kuwa inaga
qariyey ee aan xaqa Allah (st) indhaha ka qarsadey ma aha,
Culima-udiinkan, qeyb weyna sow kamey qaadan quursiga & dulmiga allah uu
xaaraan tiimeyey culimaa udiinku.
Marka qofkii Ilaah isku taaga wuxuu Allaah milicsiiyaa meeshuu ka yimid
sida aayadaha Qur’aanka ugu horreeyaba xuseen:
أَوَلَمْ يَرَ الْإِنسَانُ أَنَّا
خَلَقْنَاهُ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ
Ilaahay wuxuu leeyahay miyuuna qofku arag oo u dhabbogelin inaan ka
abuurnay biyo waana isagooba ah doodbadane cad.
Bal Xaddiiskani oo Abuu Daa’uud soo saaray hanoo bayaansho meeshaan ka
nimid
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم إن الله عز وجل قد
أذهب عنكم عبية الجاهلية وفخرها بالآباء مؤمن تقي وفاجر شقي أنتم بنو
آدم وآدم من تراب ليدعن رجال فخرهم بأقوام إنما هم فحم من فحم
جهنم أو ليكونن أهون على الله من الجعلان التي تدفع بأنفها النتن
Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: ALLAAH CAZA WAJALLA wuxuu idin ka
tagsiiyey sheegsheega iyo isugu faanka jaahiliyadda aabbayaasha (qabiilka);
waxaa jira mu’min taqi ah iyo faajir hoogay; kulligiin ilmo Aadam baad
tihiin, Aadamna ciid baa laga abuuray; wey ka tagayaan niman ku faanka
qolo noqotay dhuxushii Jahannamo (mushrikiintii dhimmatay) ama waxay
Ilaahay agtiisa ka ahaanayaan kuwa ka liita xaar-walwaalka/doorshaanka.
Sidoo kale qofkii Ilaah ka baqa isaga laftiisa waxaa la milicsiiyaa
halkaan ka nimid oo ah aabbaheen Aadan iyo hooyadeen Xawaa laakiin waxaa
lagu sheegay inuu yahay kan dadka ugu sharaf badan. Bal aayaddan
cajiibka ahna aan ku darno:
يَا أَيّهَا النَّاس إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَر وَأُنْثَى
وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِل لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمكُمْ
عِنْد اللَّه أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّه عَلِيم خَبِير
Aayaddu waxay leedahay: dadoow waxaan idin ka abuurnay nin iyo haweeney
waxaanna idin ka dhignay shucuub iyo qabaa’illo si aad isugu garataan;
qofka idiin ku sharaf badan Ilaahay agtiis waa kiinna ugu taqisan.
Waa kee qofka noqon kara taqi? Wey dhici kartaa qof fidrada ku taagan oo
fahmay meeshuu ka yimid inuu noqdo qof wanaagsan hadduu helo culumo
fiican laakiin sida qaalibka ah taqwadu waxay rabtaa cilmi iyo camal.
Bal aan fiirinno aayaddii Ilaah ku lahaa:
نَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ
عِبَادِهِ الْعُلَمَاءُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ
Waxaa Ilaahay ka baqa adoomadiisa culumada ah.
Yacni waa baqdinta saxda ah maxaa yeelay qofka caalimka ah wuu u jeedaa
wuxuu sameynayo iney sax tahay iyo in kale halka qofka caamiga ahi uu
cid kale ku xiranyahay.
Marka haddaynu xaggii cilmiga ka gaabinnay waa ineynaan hilmaanin
halkeynu ka nimid. Marka qofka caalimka ah ma qabato maahmaahyaha ah:
fiqi tolkiis kama janno tago. Ama: tolkaa iyo kabtaadaba bartankaa looga
jiraa. Caalimkaasi ma aha kitaab-gaab oo sida walaalo badan soo qoreen
dhaha: haddii qabiilkeygu saxanyahayna waa saxnahay hadduu xumaadana
waan la xumaan. Laakiin caalimku wuxuu maqlaa Ilaah. Waxyaalaha caalimku
daliishado waxaa ka mid ah aayaddan:
لَا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ
يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءهُمْ أَوْ
أَبْنَاءهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُوْلَئِكَ كَتَبَ فِي
قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ وَيُدْخِلُهُمْ
جَنَّاتٍ تَجْرِي م��ن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا رَضِيَ
اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ أُوْلَئِكَ حِزْبُ اللَّهِ أَلَا إِنَّ
حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ
Aayaddu waxay leedahay: ma heleysid qolo Ilaahay iyo Aakhiro rumeysan
oo kalgacal u haya dad ka horyimid Ilaahay iyo Rasuulkiisa, dadkaasi
haba ahaadeen aabbayaashood, ilmahooda, walaalahooda iyo xigaaladooda
ilaa dhammaadka aayadda.
Sidoo kale waxay maanka ku hayaan xaddiiskii nabiga (SCW) ee ahaa
qofna laguma adeecayo macsida Abuuraha. Marka duulkaas Ilaah ka baqa
cidna xumaan kuma raacaan haba ahaadeen dadka dad ugu dhow sida waalid,
wiilashooda iyo walaalahoodaba.
Hadaba walaalayaal, waxaan doodan u soo bandhigey inaad igala
qeybgashaan walaalaheyaga ka Xoroobey jahliga & Aqoondarida ee leh
Damiir bini-Aadanimo, Damiir dadnimo, Damiir islaanimo inay aragtidooda
caafimadka leh ka dhiibtaan waxaa iman doonta walee Maalin aan wax la
qarin- karin Xaqu ii dilaaci, qofkastaba wax laga weydiin nolashiisa,
maaliintasoo Qabiil wax kuu taraya, Ehel wax kuu taraya, Tol wax kuu
taraya uusan jirin ee waxa kaliya ee qofkasta badbaadinaya ay tahey ku
dhaqanka Saqa Allah & macalka suuban ee walaalayaal xaqa aynu is-tusno
hana laga waantoobo dhalanteedka aan meel jirin.
WABILAAHI TOWFIIQ
Qoraagii weynaa ee Barkhad Xaaji Cabdi "Mr Gaboye"
Ontario, Canada
email:abokoriye1@hotmail.com
| |
Home Up
Qur'aan Self-Study
Islamic
Links
Isfa Online Academy
Sheekhdirir.com
Houseofquran.com
Duruus
Daarulcilmi.com
|