Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka38

Home
Up

DUULLAANKII BADARTII LABAAD
    
     Markii Rasuulku SCW uu ka soo laabtay qabiilooyinkii reer baadiyaha ahaa wuxuu galay tabaabushe iyo is diyaarin uu isku diyaarinayo ballantii ay qureysh wada galeen maalinkii Uxud oo ahayd in sannadka dambe Badar la isugu yimaaddo. Markii la marayo bishii Shacbaan, sannadkii 4aad ee hijriga ayaa Rasuulka SCW oo hoggaaminaya ciidan gaaraya 1500 nin ka soo baxay Madiina, wuxuuna Madiina madax uga soo dhigay Cali binu Abii-dhaalib, waxa ayna wateen 10 faras. Wuxuu Rasuulku SCW tegey ceelkii Badar, halkaas oo uu degey kuna sugayey gaaladii qureysheed.
    
     Dhinicii reer Makka, Abuu Sufyaan oo ahaa hoggaamiyahooda wuxuu Makka kala soo baxay ciidan gaaraya 20000 oo nin, waxa ayna wateen 50 faras. Abuu Sufyaan iyo ciidankiisii markii ay marayaan meesha la yiraahdo Marri Dhahraan ayaa isaga oo ilaa markii uu Makka ka soo baxay caga jiidayey, waxaa Ilaahay ku diray baqdin iyo argagax, isaga oo ka baqaya in Badartani noqoto Badartii hore oo kale, sidaa darteed wuxuu go’aansaday in uu laabto, ciidankiisiina wuxuu ku yiri “qureyshey idiinma wanaagsada (dagaal) sannad barwaaqo ah mahane, sannadkanina waa sannad abaareed, marka anigu waa laabanayaaye ha la laabto”. Ciidankii qureysh oo awalba caga jiida ahaa, aadna u niyad xumaa waxa ay halhaleel u qaateen go’aankii Abuu Sufyaan waxa ayna ku laabteen Makka.
    
     Ciidankii muslimiintu waxa ay Badar degganaayeen 8 maalmood, dabadeedna markii ay ogaadeen in ay qureyshi baqday oo ay Makka ku noqotay ayay ganagsi galeen oo alaabtii ay wateen gadeen kana faa’iideen suuqii, waxay u baahnaayeenna ka gateen, maxaa yeelay Badar waxa ay ahaan jirtey meel lagu kulmo oo badeecada lagu kala beddesho. Ka dibna waxa ya ciidankii muslimiintu ku laabteen Madiina iyaga oo Cisi iyo guul wata, lana ogaaday awooddooda iyo in qureysh ka baqday.
 

DUULLAANKII DUUMATUL-JUNDUL

Markuu Rasuulku SCW ka soo laabtay Badartii labaad, waxaa la arkay awooddii muslimiinta, mandiqaddiina waxa ay noqotay amni iyo nabadgelyo, cid walbana candhuuftay dib u liqday. Hase yeeshee markii lix bilood laga joogo Badartii labaad ayaa waxaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey in qabiilooyin degganaa meesha la yiraahdo Duumatul-Jnudul oo dhinaca Shaam xigta, loogana socod Madiina 15 beri, ay jid gooyayaal (burcad) noqdeen oo ciddii jidkaa martaba dhacaan isla markaasna ay isu diyaarinayaan sidii ay duullaan Madiina ugu soo qaadi lahaayeen. Wuxuu markaas Rasuulku SCW la baxay ciidan gaaraya 10000 nin, wuxuuna Madiina madax uga dhigay Subaac binu Curfada, waqtigaas oo ahaa 25kii bishii Rabbiicul-Awa, sannadkii 5ad ee hijiriga. Intii uu jidka ku sii jirey, Rasuulku SCW wuxuu qabtay nin reer banii Cudra ah oo la oran jirey Madkuur, wuxuu kaxaystay si uu waddada u tusiyo.
    
     Rasuulka SCW iyo ciidankiisu waxa ay soconayeen habeenkii, maalinkiina way degayeen si ay acdaa’daa Ilaahay u qabtaan iyaga oo khabardaar ah. Hase yeeshee markii ay muslimiintu u soo dhow yihiin ayey maqleen oo kala yaaceen. Rasuuulku SCW meeshii ayuu gaaray oo maalmo degganaa, wuxuu dhinacyada u kala diray ciidamo laakiinse waxba lama soo helin, ka dibna Rasuulku SCW Madiina ayuu ku soo laabtay.
    
     Rasuulka SCW iyo ciidankiisii markii la arkay in ay Shaam ku duuleen oo cid kasta o rabsho laga dareemo meesheeda loogu tegayo ayaa qabiil walba edeb yeeshay oo aamusay, in uu hoos ka guuxo maahee, mandiqaddiina  waxay noqotay nabadgelyo iyo amaan, waxaana fududaaday mashaakilkii muslimiinta ka heysta gudaha iyo dibedda, munaafiqiintii muslimiinta ku dhex jirteyna way aamuseen. Sidoo kale qabiiilkii yahuudda ahaa ee haray wuxuu ku dadaalay ilaalintii ballantii ka dhexeysay iyaga iyo muslimiinta. Reer baadiyihii awal Madiina ku soo qamaamayeyna waxa ay qaateen dersi oo waa degeen. Sidoo kale nimankii qureysh ee awal kibirka iyo isla weynidu ku jirteyna waxa ay joojiyeen duullaamadii, muslimiintiina waxa ay heleen fursad ay ku fidiyaan dacwadoodii islaamka, degaankiina iyaga ayaa hogaanka u qabtay.

DUULLAANKII AXSAAB

Markii Ilaahay muslimiintii cisi siiyey oo ay ku xoogeysteen mandiqaddii Jasiiratu-Carab, carabtii iyo yahuuddii ag degganaydna ay qolo gaar u haweysata muslimiinta yaraatay oo cid walba ka baqday, nimankii ugu xoogga iyo dhibka badnaa ee qureyshna ay salka dhulka ku dhufteen, ayaa yahuuddii laga raray Madiina waxay sameeyeey khiddo ay rabaan in ay qabiilooyinka oo dhammi (yahuud iyo carab) ugu kulmaan muslimiinta oo dabar gooyaan.
    
     Khiddadaas waxa ay ahayd: 20 nin oo ahaa odeyaashii yahuuddiii reer binuu Nadiir ayaa Khaybar ka tegey oo Makka aaday, waxayna qureysh ku boorriyeen la dagaallanka Rasuulka SCW iyo muslimiinta ikyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen. Qureysh oo sumcadeedii iyo magaceedii hoos u dhacay markii ay baqeen ballantii Badartii labaad oo dhexda ka laabteen, kana cabsadeen oo ku dhici waayeen in ay keligood Nabiga SCW la dagaallamaan waxa ay u arkeen in fursaddani tahay fursad dahab ah oo aan la heli karin, waxayna isla markiiiba qaateen fikraddaas ay yahuuddu u so jeedisay.
    
     Labaatankii nin waxay sidii oo kale ugu tageen oo ugu boorriyeen la dagaallanka Rasuulka SCW qabiilooyinkii reer Qadafaan. Ka dibna waxay u tageen qabaa’ilkii kale ee reer baadiyaha ahaa, dhammaantoodna gacmo furan ayey ku soo dhoweeyeen, wayna u riyaaeen fikraddaas maxaa yeelay waxaa dhammaantood buuxiyey ciil iyo caro ay u qabeen Nabiga SCW iyo axaabtiisa. Yahuuddu way ku najaxda siyaasaddii iyo khiddadii ay wadatay, waxayna isku soo ururisay acdaa’dii Alle ee dhulkaas degganayd si ay Nabiga Alle SCW ula dagaallamaan, nuurkii Allena u damiyaan.
    
     Waxaa intaa dabadeed soo baxay oo Madiina duullaan ku soo qaaday ciidamo aad u tiro badan oo ka kooban qabiilooyin kala duwan, waxayna dul degeen Madiina. Dhinaca koonfurta waxaa Madiina uga yimid qureysh iyo xulafadoodii, waxayna ciidammadoodu gaarayeen 4,000 oo nin, waxaana hoggaaaminayey Abuu Sufyaan, dhexdana waxaa kaga soo darsamay reer banuu Suelym. Dhinaca bari waxaa Madiina kaga yimid qabaa’ilkii reer Qadaafaan oo kala ahaa: banuu Fasaara oo uu hoggaaminayey Cuyeyna binu Xusin, banuu Murra oo uu hoggaamineyey Xaarith binu Cawf, banuu Ashjac oo uu hoggaaminayey Mascar binu Rukheyla iyo banuu Asad. Qabiilooyinkaas reer Qadafaan waxay ciidammadoodu ahaayeen 6,000 oo nin. Dadkii muslimiinta ahaa ee waqtigas Madiina deggenaa, haddii ragooda, dumarkooda iyo carruurtooda la isku daro, ma aysan gaareyn tiradaas.
    
     Rasuulku SCW markii la soo gaarsiiyey duullaanka qabiilooyinkaas iyo ciidammada ay wateen oo isku soo bahaystay sidii ay u dabar goyn lahaayeen islaamka iyo muslimiinta, ayuu muslimiinta ahaa isugu yeeray shir guud oo loo dhan yahay, lagagana wada hadlayo sidii looga hortegi lahaa acdaa’daas Alle. Muddo markii arrinkii laga wada hadlayey ayaa nin asxaabta ka mid ahaa oo la oran jirey Salmaanul-Faarisi, oo ahaa reer Faaris, wuxuu yiri “Rasuulkii Allow annagu markii aanu Faaris joogney haddii nala hareereeyo godad ayaan qodan jirney”. Rasuulku SCW wuu ku farxay ra’yigaas iyo khiddadaas uu Salmaan keenay taas oo ahayd khiddaad cajiib ah oo aysan caRabbi horey u aqoon, wuxuuna markaa Rasuulku SCW bilaabay fulinteedii, Tobanki ninba wuxuu amray in ay qodaan god dherekiisu yahay 40 dhudhun, baliciisuna yahay 9 dhudhun, dhammaan godkii laqodayeyna waxaa uu dherekiisu ahaa 500 oo dhudhun.
    
     Ciidankii muslimiintu si firforcooni iyo hawlkarnimo ka muuqato ayuu u hawl galay, Rasuulkuna SCW amar intuu bixiyey is kama fariisane hawshii ayuu dhiniciisa ka qabtay isaga oo muslimiinta dhiirrigelinaya una duceynaya oo leh “Allahayow nolosha Aaskhiro ma ahane nolol kale ma jirto, una Dambi dhaaf Muhaajiriin iyo Ansaar”, asxaabtuna iyagoo hawshii qabanaya waxay lahaayeen “waxa aan nahay kuwii Maxammed SCW kula baayactamay Jihaad inta aannu nool nahay”. Saxabigii Baraa’ ibnu Caasim isaga oo ka hadlayay Rasuulka SCW shaqadiisa wuxuu yiri “waxa aan arkay Rasuulkii Alle oo ciidda ka rogaya godkii ilaa aan ka arkay calooshiisa haraggeedii oo boor qariyey, wuuna timo badnaa, waxa aan maqlay isaga oo akhrinaya tix uu tiriyey Cabdullaahi binu Rawaaxa isaga oo ciidda rogaya, wuxuuna lahaa “Allahayow adiga haddii aadan ahayn ma hunuunneen, ma sadaqaysanneen, mana tukanneen, nagu soo deji deggenaaan, gommodahayagana sug haddii aan la kulanno (cadowga), hore ayey noogu qooqeen haddii ay fitno (gaalnimo) nala dooneenna waan diidneay”.
    
     Waxaa Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa intii ay godadkaas qodayeen oo ay hawshaas ku jireen la soo gudboonaatay gaajo aad u daran ilaa ay ka gaareen in ay calooshooda dhagaxyo ku xirtaan. Saxaabiga la yiraahdo Abuu Dhalxa isaga oo arrinkaa ka hadlaya wuxuu yiri “Rasuulka SCW ayaan u sheegannay gaajada na haysey, waxaannuna feydnay caloolahayagii oo hal hal dhagax ku xiran yahay, markaas ayuu Rasuulku SCW calooshiisii feydey mise labo dhagax baa ku xiran”. Waxyaalihii goobtaa ka dhacay, oo aan la soo koobi karin, haddii aan wax ka soo qaadanno dhinicii mucjisaadka iyo calaamooyinkii Nabinnimada. Waxa uu yiri Jaabir ibnu Cabdullaahi “waxaan arkay Rasuulka SCW oo gaajo darani ka muuqato, markaas ayaan guriga tegey oo neef (ari ah) qalay, saac qamadi ahna xaaskaygii ayaan u geeyey oo ku iri “u muufee Rasuulka Alle scw iyo dhowr nin oo soo raacda”. Markii muufadii la dubey, hilibkiina bislaaday ayuu Jaabir Rasuulka SCW hoos ula hadlay, markaas ayaa Rasuulku SCW u dhawaaqay wax Alle wixii godadka ku jirey oo dhan, markaas ayey ka cuneen xeeradii hilibku jirey iyo xoogaagii muufada ahaa ilaa ay dhamaaantood ka wada dhergeen raashinkii oo weli sidiisi ah”.
    
     Sidoo kale gabar la dhalatay Nucmaan binu Bashiir iyada oo timir yar u wadda aabbeheed iyo abtigeed ayey Rasuulka SCW soo martay, markaas ayuu intuu timirtii ka qaaday u yeeray ciidankiii oo dhan, markaas ayey cuneen ilaa ay ka wada dhergeen timirtii oo intii ka badan.
    
     Waxyaalihii kale ee meeshaa ka dhacay oo muujinayey mucjisaadka Rasuulka SCW waxaa ka mid ahaa in Baraa’ ibnu Caasim uu yiri “maalinkii Khandaq godadkii qaarkood waxaa naga hor yimid dhagax aan loodin weyney, markaas ayaannu Rasuulka SCW u sheegnay, markii uu yimid ayuu “Bismillaah” intuu yiri hal mar ku dhuftay dhagaxii, dhagaxii ayaa qayb ka jabtay, wuxuu markaas yiri “Allaahu Akbar waxaa la i siiyey furayaashii Shaam, Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo hadda eegaya sarahoodii gudguduudnaa”, markaas ayuu mar kale ku dhuftay dhagaxii, qayb kale ayaa jabtay wuxuuna yiri “Allaahu Akbar waxaa la i siiyey furayaashii Faaris, Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo hadda u jeeda sarahoodii cadcaddaa”. Mar saddexaad ayuu ku dhuftay dhagaxii intuu “Bismillaahi” yiri, waxaa markaas jabtay qaybtii dhagaxa ugu dambaysay, markaas ayuu yiri “Allaahu Akbar waxaa la i siiyey furayaashii Yaman, Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo meeshan uga jeeda albaabadii Sanca”.
    
     Nimankii munaafaqiinta ahaa, ee afka islaamka ka sheeganayey, markii ay maqleen hadalladaas Rasuulka SCW ayey dheheen “godad baannu qodanaynaa oo baqdin darteed madaxa ayaannu kor u qaadi la’nahay, isna wuxuu noogu sheekeynayaa in aanu furan doonno dowladihii waweynaa ee Ruum iyo Faaris”.
    
     Hadii aan wax ka soo qaadanno khiddadii muslimiinta, Madiina waxaa ku wareegsanaa buuro iyo beero dhinaca woqooyi maahane, sidaa darteed wuxuu Rasuulku SCW amray in dhufeysyada laga qodo dhinacaas woqooyi, maxaa yeelay wuxuu ahaa dhinaca ugu daran ee Madiina looga imaan karayey. Ciidankii msulimiintu waxa ay dhufeystka qodi jireen maalinkii, habeenkiina guryahooda ayey u hoyan jireen ilaa uu dhufeyskii ka dhammaaday, ciidammadii gaaladuna ka yimaaddeen.
    
     Ciidammadii gaalada, oo sidii aan soo sheegnayba ahaa ciidammo aad u xoog badan , iskuna soo bahaystay in ay muslimiinta cirib tiraan, markii ay dadkii muslimiinta ahaa arkeen waxa ay dheheen hadalka ay aayaddani tilmaantay:
     ((MARKAY MU’MINIINTU ARKEEN ASXAABTII WAXAY DHEHEEN KANI WAA KII ALLE IYO RASUULKIISU NOO YABOOHEEN, ALLE IYO RASUULKIISUNA WAA RUN SHEEGEEN, UMANA SIYAADIN WAXAAN IIMAAN IKYO HOGAANSAMID AHAYN)), (Suuratul-Axsaab 22).
    
     Laakiin kuwii munaafaqiinta ahaa markii ay arkeen ciidammada aadka u tirada badan ayaa waxaa ku dhacay cabsi iyo argagax, Allahna isaga oo ficilladoodii tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
     ((MARKAY YIRAAHDEEN MUNAAFIQIINTII IYO KUWII QULUUBTA KA JIRANAA ALLE IYO RASUULKIISU SCW WAXAN DHAGAR AHAYN NOOMA YABOOHIN)), (Suuratul-Axsaab 12).
    
     Ka dib Rasuulku SCW wuxuu diyaariyey ciidammadiisii, wuxuuna la soo baxay ciiidan gaaraya 3,000 oo nin, waxayna tageen dhufeyskoodii, Shicaarka ciidanku wuxuu maalinkaas ahaa (XAAMIIM LAA YUNSARUUN). Magaalada Madiina wuxuu Rasuulku SCW u xilsaaray Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum.
    
     Ciidankii qureysh oo ahaa 4,000 oo qof wuxuu degey meesha la yiraahdo Majmuucul-Asyal oo ah dhinaca woqooyi ee Madiina, qabiilooyinkii reer Qadafaan oo gaarayey 6,000 waxay degeen dhinaca bari ee buurta Uxud. Ciidammadaasi markii ay arkeen khiddadii muslimiinta iyo dhufeyska ay qoteen ayey la cajabeen waxayna dheheen “tani waa khiddad aysan carab hore u aqoonin”, waxayna ku wareegaaleysteen dhufeyska hareerihiisii iyaga oo raadinaya meel uu ka gaaban yahay oo ay ka geli karaan. Ciidankii muslimiintu wuxuu la socday dhaqdhaqaaqooda, wuxuuna ku ganayey fallaaro. Ciidankii farooleyda qureyshtu wuxuu aad isugu hawlay meel uu godku karin gaabo ka leeyahay, wax ay ku wareegaanba waxay markii dambe koox ka mid ihi heshay meel yar oo ciriiri ah. Kooxdaas waxaa ku jirey Camar binu Cabdi-wuddi, Cikrama binu Abii-Jahal iyo Daraar binu Khadhaab. Waxaa markaa ka hor tegey kox muslimiin ah oo uu ku jirey Cali binu Abii-dhaalib, markii meeshii la isugu tegeyna Camar binu Cabdi-wuddi, oo ka mid ahaa geesiyadii qureysh, ayaa dalbaday mubaaraso (wax u soo baxa). Cali binu Abii-dhaalib ayaa markaas u soo baxay, intii aan foodda la is darin ayaa Cali la hadlay oo ku yiri “Camaro waxa aad (hadda ka hor) Alle ballan uga qaadday in haddii nin qureysh ihi kuugu yeero labo arrimood midkood aad ka qaadanayso, marka waxa aan kuugu yeerayaa Alle iyo Rasuulka SCW iyo islaamka”. Camar wuxuu yiri “waxaas dan kama lihi”, markaas ayaa Cali ku yiri “waxa aan marka kuugu yeerayaa in aad soo degtid”, Camar wuxuu yiri “sabab, walaalkey wiilkiisiiyow, Ilaah baan ku dhaartaye ma jecli in aan ku dilo”. Cali ayaa markaa ku yiri “laakiin Ilaah baan ku dhaartaye aniga ayaa jecel in aan ku dilo”. Markaas ayuu Camar xanaaqay oo faraskiisii boqno gooyey, wejigana seeeg uga dhuftay (si aysan baqdin u gelin). Ka dib foodda ayaa la daray, muddo yar ka dibna Cali waa ka takhallusay ninkaas. Kooxdii la socotey markii ay arkeen waxa ku dhacay saaxiibkood Camar iyo sida dhakhsaha leh oo loo diley ayey baqdeen oo cagaha wax ka dayeen ilaa uu ninkoodii khatarta ahaa ee Cikrama binu Abii-Jahal ka cararay warankiisii.
    
     Ciidammadii gaaladu waxay soo qaadeen weerarro is dabajoog ah oo aad u daran hase yeeshee si fiican ayaa loo caabbiyey, iyadoo waxa lagu dagaallamayey ahaayeen fallaaro iyo warmo, maxaa yeelay seefo laguma dagaallami karin oo labada ciidan god baa u dhexeeyey. Weerarradaasi waxa ay sababeen in maalmaha qaarkood muslimiintii tukan kari waayaan, markarka qaarkoodna madaxa kor u qaadi waayaan. Saxiixeynku waxa ayka wariyeen Jaabir binu Cabdullaahi in Cumar binu Khadhaab yimid isaga oo caayaya gaaladii querysheed wuxuu yiri “Rasuulkii Allow ma karin in aan tukado (casar) ilaa ay qorraxdii ka dhacday”, markaas ayaa Nabiga SCW yiri “aniguba ma tukan Ilaah baan ku dhaartaye”, markaas ayey isu raaceen meel la yiraahdo Budxaa oo ku weyso qaateen, casarkiina ku tukadeen markii qorraxdii dhacday, dabadeedna maqribkii ayey tukadeen. Rasuulkuna SCW wuu habaaray gaaladaas, salaaddii ay ka tagsiiyeen darteed. Bukhaari wuxuu ka weriyey Cali binu Abii-dhaalib in uu Rasuulku SCW yir i”Ilaah ha ka buuxiyo (gaalada) guryahooda iyo qubuurohooda naar sida ay nooga mashquuliyeen Salaatu-Wusdhaa (Salaadda Cassar) ilaa ay qorraxdu ka dhacday. Sidoo kale Axmed binu Xanbal iyo Shaafici waxay weriyeen in gaaladu maalintaa muslimiinta ka mashquuliyeen salaadihi duhur, casar, maqrib, iyo cishe, ka dbna hal mar ayaa la wada tukaday.
    
     Waqtigaas dadka muslimiinta ah ay salaaduhu ka tegayeen wuxuu ahaa intii aan la jideyn Salaatul-Khawfka. Ka dib waxaa la jideeyey Salaatul-Khawfka oo uma bannaana in ay salaad ka tagto qofka muslimka ah jihaad kasta oo uu ku jiro iyo xaalad kasta oo la soo derista illaa labo arrimood maahane: Hilmaan iyo hurdo, iyagana markii uu qofku xusuusto ama tooso ayuu salaaddisii tukanayaa. Halkaas waxaa laga garanayaa weynida salaadda iyo meesha ay islaamka ka joogto oo ah in aan marnaba la oggoleyn in qof muslim ah uu salaadda dayaco. Salaadduna waa xiriirka ka dhexeeyea qofka iyo Rabbigiis, waan waxa kala sooca islaamka iyo gaalnimada sida ay nusuustu caddeysey.
    
     Haddaba waxaa la yaab ah in salaaddii sidaas ahayd, oo xitaa ninkii jihaadka ku jirey oo Ilaahay diintiisa u dagaallamayey in uu tukado la amray, ayaa maanta dad badan oo muslimiin sheeganayaa fududeysteen oo markiii ay doonaanna tukanayaan markii ay doonaana iska dhaafayaan. Allaahna isaga oo dadka noocaas ah ka hadlaya wuxuu qur’aankiiisa ku yiri:
     ((WAXAA HALAAG U SUGNAADAY KUWA TUKANAYE EE HADDANA HILMAANSAN SALAADDOODA, DADKANA IS TUSA, UNA DIIDA (DARISKA) ALAABTA (ADEEGA AH)), (Suuratul-Maacuun 4-7).
    
     Sidoo kale Allaah isaga oo ka hadlaya markii dadkaas la geliyo naarta Saqaro ah wuxuu yiri:
     ((MARKII LAGU YIRAAHOD MAXA IDIN GALIYEY NAARTA SAQARA AH, WAXAY DHAHAAN KAMA AANAAN MID AHAYN KUWA TUKADA)), (Suuratul-Muddathir 42-43)
    
     Haddii aan Axaadiista Rasuulka SCW oo salaadda ka hadashay wax ka soo qaadanno, wuxuu Rasuulku SCW yiri “annaga (muslimiinta) iyo iyaga (gaalada) salaadda ayaa noo dhexeysa, qofkii ka tagana waa gaaloobey”. Sidoo kale wuxuu Xadiis kale ku yiri “waxaa la i amray in aan dadka la dagaallamo ilaa ay Allaah ka qiraan oo salaadda ka tukadaan, sakadana ka bixiyaan. Haddii ay sidaas sameeyaan way iga ilaaliyeen dhiigooda iyo maalkooda xaqa islaamka maahane”. Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu yiri “qofka waxa ugu horreeya ee qiyaamaha laga xisaabinayo waxaa weeye salaadda. Haddii ay salaaddiisu wanaagsanaato, camlkiisa kalena waa wanaagsanaanayaa”. Asxaabtii Rasuulka SCW iyagoo salaadda ka hadlaya waxa ay dheheen “waqtigii Rasuulku SCW camal laga tago gaalnimo kuma aannan tirin jirin illaa salaadda maahane”. Haddaba nusuusta ku soo aruurtay ama ka hadashay mawduuca salaada iyo waxay cullimadu ka yiraahdeen haddii aan dhex galno in aan ka hadalno aad ayey u dheeraanaysa, mowduuceennuna ma ahayn in aan salaadda ka hadalno eearrinta ayaa nal dhex gashay sidaa darteed intaas ayaannu ku ekeyneynaa, qofkii u baahan mawduucan salaadda ah ha akhristo kutubada ay culimadu ka qoreen salaadda.
    
     Haddii aan dib ugu laabanno dagaalkii Axsaab, si daran ayaa la isku dhaafsaday fallaaraha iyo warmaha iyo wixii la tuuri karo oo dhan maxaa yeelay sidii aan soo sheegnayba seefo laguma dagaallami karin oo godkii ayaa u dhexeeya labada ciidan. Falaarahaa la is dhaafsanayey waxaa musimiinta uga dhintay 6 nin, gaaladan 10 nin in kastoo hal ama labo ka mid ah (kuwa gaalada ) seef lagu diley.
    
     Haddaba goor ay arrintu sidaas tahay oo dagaal darani socda, ciidankii muslimiintuna u beer dhigeen 10,000 kun oo isa soo bahaysatay, iyadoo ay weliba gajadu u sii dheer tahay, ayaa waxaa ku soo kordhay arrin kale oo aysan fileyn. Arrinkaas oo ahaa in qabiilkii yahuudda ahaa ee reer banuu Qureyda oo Madiina wax ka degganaa uu ballantii ka baxay, dagaalna ku dhawaaqay, sababtuna waxa ay ahayd ninkii la oran jirey Xuyey binu Akhdhab ee madaxda u ahaa yahuuddii reer banuu Nadiir ee Madiina laga saaray, kuna jirey labaatankii nin ee ciidammadaan isu keentay, ayaa wuxuu u tegey odeygiii reer banuu Qureyda oo la oran jirey Kacab binu Asad. Kacab markii uu gartay Xuyey ayuu albaabka ka xirtay maxaa yeelay wuu ogaa in uu san kheyr u wadin hase yeeshee Xuyey kama tegin oo wuu ku celcelikyey ilaa uu markii dambe albaabkii ka furay oo uu lahadlay.
    
     Xuyey markii albaabkii laga furey oo uu soo galay ayuu yiri “Kacabow waxaan kuu wadaa samanka sharaftiisii, qureysh baan kuu keenay oo madaxdeedii iyo hoggaamiyayaasheedii wadata ilaa aan soo dejiyey Majmacu-Asyal, sidoo kale waxaan kuu wadaa Qadafaan oo wadata madaxdeedii iyo hoggaamiyayaasheedii ilaa aan soo dejiyey Uxud dhiniciisa. Waxayna iga ballan qaadeen oo ay iga gunteeen in aysan noqoneyn ilaa ay jirrid gooyaan Maxammed iyo cidda raacsan”. Kacab wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waxaad iila timid samanka hoogiisii, war hooge Xuyey iiga tag aniga iyo waxa aan ku sugnahay (heshiiska). Aniga Maxammed kama arag wax aan run iyo (ballan) oofin ka ahayn”, hase yeeshee Xuyey kama uusan suulin in uu ku celcelinayo ilaa uu weliba markii dambe ka qaaday ballan o ku yiri “haddii qureysh iyo Qadafaan laabtaan iyaga oo aan Maxammed waxba yelin waaan kuula gelayaa dhufeyska ilaa ay igu dhacaan wixii kugu dhaca”. Sidaa ayuu Kacab binu Asad ballankiii uga baxay, uuna ugu dhawaaqay dagaal uu muslimiinta uga soo horjeedo, isaga iyo qabiilkiisa waxay xulafo la noqdeen gaaladii kale.
    
     Warkaasi markii uu soo gaaray Rasuulka SCW ayuu Rasuulku SCW si uu arrinkaas u hubsado wuxuu u direy dhowr nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa Raggaasi waxay kala ahaayeen: Sacad binu Mucaad, Sacad binu Caubaada, Cabdullaahi binu Rawaaxa iyo Khawaat binu Jubeyr wuxuuna Rasuulku SCW ku yiri “baxa oo soo fiirsha warka naga soo gaaray raggaas, ma sax baa mise ma aha. Haddii ay sax tahay dadka dhexdiisa ha iigu sheegginnina ee ii baaqa, haddii ay oofiyeenna (ballantii) kor ugu sheega dadka”. Nimankii markii ay u tageen yahuuddii reer banuu Qureyda waxa ay kala soo kulmeen arrinkii xumaa oo weliba yahuuddii way soo caydey, waxayna muujisatay cadaawad waxayna tiri “annaga iyo Maxammed wax ballan ihi nagama dhexeyso”.
    
     Raggii way soo noqdeen, markii ay Rasuulka SCW u yimaaddeenna sidii ay isla ogaayeen ayey ugu baaqeen. Ugu dambayntii muslimiintii markii ay ogaadeen warkii reer banuu Qureyda arrintii dhib ayey ku noqotay maxaa yeelay iyaga iyo reer banuu Qureyda wax u dhexeeya ma jirin oo magaalada ayey wada degganaayeen, weliba waxay yahuuddu degganaayeen geeska ciidankii muslimiintu Madiina ka joogey maahane geeskiisa kale, wax dumarkii iyo carruurtii ka difaacayeyna ma jirin, ciidanka muslimiintuna meeshan kama tegi karin, umana qaybsami karin labada dhinac. Allaahna isagoo arrintaas tilmaamaya dhibteeda iyo wadciga ay muslimiintu ku jireen wuxuu yiri:
     ((XUSUUSTA MARKAY IDIN KAGA YIMAADEEN KOR IYO HOOS OO AY INDHIHII IISHEEN QULUUBTUNA GAARTAY DHUUNTA OO AAD ALLE U MALAYSEEN MALOOYIN (SIDII IN UUSAN IDIIN GAR GAARAY) HALKAASAA LAGU IMTIXAAMAY MU’MINIINTA, GILGILID DARANA LAGU GILGILAY)), (Suuratul-Axsaab 10-11).
    
     Munaafaqiintii iyo wixii aan Ilaahay ku kalsooneyn ee iimaankoodu daciifka aha waxaa ku dhacay baqdin iyo argagax, waxayna qaarkood yiraahdeen “Maxammed wuxuu noo yabohay in aan ka cuni doonno keydadka Kisraa iyo Qeysar, axadkayana maanta kuma aamin aha naftiisa in uu aado bannaanka”. Sidoo kale argagaxoodii waxaa ka mid ahaa in ay meeshii joogi kari waayeen oo cudurdaarro been ah keenteen si ay goobta uga baxsadaan, waxaana ka mid ahaa hadalladoodii “guryahayagii way af bannaan yihiin oo waxay xigaan dhinaca cadowga oo waannu u baqaynaa ee na idan (in aad baxno)”. Sidoo kale waxa ay yiraahdeen “Alle iyo Rasuulkiisu waxa ay noo sheegayeen kedo uun bay ahad iyo in aan halaagsanno”. waxayna jeclaysteen in ay Madiina ka cararaan oo baadiyahaas dadka ka wareystaan dagaalka. Allaahna isaga oo ficilladoodii tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((XUS MARKAY MUNAAFIQIINTU LAHAAYEEN IYO KUWA QALBIGA KA JIRRAN ALLE IYO RASUULKIISU SCW WAX AAN KADO AHAYN NOOMA YABOOHIN, MARKAY LAHAYD KOOX IYAGA (MUNAAFIQIINTA) KAMID AH REER YATHRIBOW MEEL AAD KU NAGAATAAN IDIINMA AHAANIN EE NOQDA (OO GOOBTA DAGAALKA KA SOO KACA), KOOX IYAGA KAMID AHNA WAXAY IDAN WAYDIISANAYSAY NABIGA IYAGOO LEH GURYAHAYAGII WAA DAYACAN YIHIIN, MANA DAYACNAYN EE WAXAAN CARAR AHAYN MA AYSAN DOONAYN, HADDII LOOGA SOO GALO (MADIINA) DHINACYADEEDA OO GAALNIMO LA WAYDIISTO (OO LA YIRAAHDO GAALOOBA) WAY LA IMAAN LAHAAYEEN, KUMANA NAGAADEEN MADIINA WAX YAR MA AHANE, XAQIIQDIINA ALLAY HORAY ULA BALLAMEEN IN AYSAN DABADA JEEDIN, BALLANKA ALLENA WAXA UU AHAADAY MID LA IS WAYDIIYO, WAXAAD DHAHDAA IDINMA ANFACAYO CARAR HADDII AAD KA CARARTAAN DHIMASHO AMA DIL, HADDABA LA IDINKU RAAXAYN MAHAYO (ADDUUNKA) WAX YAR MA AHANE, WAXAAD DHAHDAA YAA IDINKA ILAALIN ALLE HADDUU XUMAAN IDINLA DOONO AMA NAXARIIS, MA HELAYAAN ALLE SOKADII WALI IYO GARGAARE, XAQIIQDII ALLE WAA OG YAHAY KUWA REEBAYAALKA AH (CIIDANKA TASHWISHKA KU FURAYA) OO IDINKA MIDKA AH, IYO KUWA KU LEH WALAALAHOOD (MUNAAFIQIINTA AH) NOO IMAADA, DAGALKANA MA YIMAADAAN WAX YAR MOOYEE, WAA IDINKU BAKHAYL BADAN YIHIIN (MUNAAFIQIINTU), MARKAY CABSIDU TIMAADANA WAXAAD ARKAYSAA IYAGOO KU FIIRINAYA OO INDHAHOODU WAREEGAYAAN SIDII KII LA MIYIR DABOOLAY EE DHIMANAYEY, MARKII CABSIDU TAKTANA WAXAY IDINKU DIIRANAYAAN CARRABO AF BADAN, KHAYRKANA WAA IDIINKA BAKHAYLAYAAN, KUWAASI (XAQA) MA AYSAN RUMAYN ALLENA WAA HOOBIYEY CAMALKOODII, ARRINTAASINA ALLE WAA U FUDUDAHAY, WAXAY U MALAYNAYAAN INAYSAN AXSAABTU TAGAYN, MARKII AY AXSAABTU (COLKU) YIMAADAANA WAXA AY JECEL YIHIIN IN AY BAADIYAHA JIRAAN OO AY WARKIINA WARSADAAN, HADDAY IDINLA JOOGAANA MA AY DAGAALAMEEN WAX YAR MA AHANE)), (Suuratul-Axsaab 12-20).
    
     Dhinicii muslimiinta oo ayagu ahaa rah Ilaahay ku kalsoon, diintiisana u istaagay, mar walbana Ilaahay ka rajaynayey khayr iyo guul iyo in labada wanaagsan (shahiidnimo iyo guul) midkood siiyo, waxa ay arrintaani u xiyaadisay iimaan iyo geesinnimo.
    
     Rasuulku SCW markii uu arkay muslimiinta iyo xaalada adag oo ay marayaan, haddii ay ahaan lahayd ciidammada aadka u badan ee har iyo habeen dul taagan ama yahuuddii reer Madiina oo dagaal caddeysatay, heeganna ah oo qaqti kasta laga baqayo in ay dhabar jebin muslimiinta ku sameeyaan ama xasuuqdo dumarka iyo carruurta iyo haddii ay ahaan lahayd munaafiqiintii oo intaa tashwiish ku ridaya ciidanka muslimiinta iyo dhibka gaajada oo ay weliba dagaal ugu taagan yihiin maalin walba, ayuu wuxuu sameeyey in uu ciidankii dhiirrigeliyo, uuna u sheego in aan Ilaahay hoojineyn, nasriga iyo guushana ay iyaga lahaan doonaa, wuxuuna yiri �������Allaahu Akbar, muslimiineey ku bishaaraysta fatxiga Alle iyo nasrigiisa”, ka dibna wuxuu Rasuulku SCW bilaabay in uu khiddaad u dejiyo duruuftaas adag oo ay muslimiintu marayaan, wuxuuna Madiina u direy ciidan dumarka iyo carruurta ka ilaaliya yahuudda.
    
     Sidoo kale wuxuu sameeyey khiddad uu doonayey in uu dagaalka uga saaro reer Qadafaan oo 6,000 gaarayey si uu yahuud iyo qureysh abaalkooda u marsiiyo. Khiddadaas oo ahayd in uu la heshiiyo Cuyeyna binu Xusin iyo Xaarith binu Cawf oo reer Qadafaan madax u ahaa si ay dagaalka uga baxaan, isaguna u siiyo timirta Madiina ka soo go’day sannadkaas saddex meelood meel ahaan, wuxuuna arrinkaas kala tashaday Sacad binu Mucaad iyo Sacad binu Cubaada, waxayna dheheen “Rasuulkii Allow, haddii Ilaahay uu arrintaa ku amrayo waan maqalnay, waanuna yeelnay. Hadiise ay tahay shey aad annaga (muslimiinta) noogu daneyneysid ma dooneyno maxaa yeelay waxa aannu ahaan jirney annaga (Ansaar) iyo reerkaas (Qadafaan) kuwo Ilaahay u wada shariik yeela oo caabuda Asnaam, kumana aysan cunin mirahayaga wax aan amaah iyo iiib ka ahayn, haddaba ma hadda oo Alle nagu karaameeyey islaamka oo uu nagu hanuuniyey, adigana nagu kaa ciseeyey miyaan siineynaa xoolahayaga?, Ilaah baan ku dhaarannaye wax aan seef ahayn ma siineyno”. Rasuulku SCW wuu yeelay ra’yigoodii, wuxuuna yiri “waxay ahayd arrin aan idiin samaynayey markii aan arkay in carab oo dhan hal qaanso idin noqotay”.
    
     Ka dib waxay xaaladdu sidaa ahaataba markii ay tagtay muddo ku dhow bil ayaa waxaa timid arrin uu Alle ku hoojiyey axsaabtii isa soo baheysatey, muslimiintana uu uga kaafiyey dagaalkii. Arrinkaas wuxuu ahaa: Waxaa Rasuulka SCW u yimid nin reer Qadafaan ah oo la oran jirey Nuceym binu Mascuud oo ka mid ahaa ciidankii Qadafaan. Wuxuu ninkaasi Rasuulka SCW ku yiri “Rasuulkii Allow waan soo islaamay, reerkayguna ma oga islaamnimadayda ee marka i amar wixii aad doontid”. Rasuulku SCW wuxuu yiri “hal nin keliya ayaad tahaye ee bal nooga dhagar wixii aad doontid, dagaalku waa dhagare”.
    
     Nuceym wuu baxay wuxuuna u tegey yahuuddii reer bannu Qureyda oo ay saaxiibbo ahaayeen, wuxuuna ku yiri “waad garanaysaan jacelka aan idiin hayo gaar ahaan waxa aniga iyo idinka ka dhexeeyey”, waxay yiraahdeen “waa runtaa”. Nuceym ayaa markaas yiri “qureysh lama mid tihidin, magaaladani waa magaaladiinnii, waxaana ku sugan maalkiinnii, dumarkiinnii iyo carruurtiinni, mana awooddaan in aad ka guurtaan. Qureysh iyo Qadafaan waxa ay u yimaadeen dagaalka Maxammed iyo asxaabtiisa, idinkuna waad u kaalmeyseen; dhulkoodii, maalkoodii iyo dumarkoodiina nabad bay ugu sugan yihiin, haddii ay guuleystaan waa u fursad haddii kalena waxay aadayaan dhulkoodii, wayna iskaga kiin tegeyaan idinka iyo Maxammed, wuuna idinka aar gudan doonaa”, waxay dheheen “maxaa samaynaa, Nuceymow?”, wuxuu yiri “dagaalka ha la gelina ilaa ay Rahan idiin keenaan”, waxay dheheen “Xaqiiqdii taladii waad ishaartay”.
    
     Nuceym wuxuu haddana aaday qureysh wuxuuna ku yiri “qureysheey waad i tagaanniin jaceylka aan idiin hayo iyo sida aan idiinla taliyo”, waxay dheheen “haa”, wuxuu markaas yiri “yahuuddu waxay ka qoomameysey wixii ay samaysay oo ahaa ballantii ay Maxammed iyo asxaabtiisa kula jireen oo ay buriyeen, waxayna Maxammed u fareen in ay Rahan ragga qureysh ugu akhyaarsan ah u keeni doonaan. Marka haddii ay rahan idin weydiiyaan ha siinina”. Ugu dambayntii wuxuu Nuceym u tegey reerkiisii Qadafaan oo ku yiri intii uu qureysh ku yiri oo kale.
    
     Xaaladdu markii ay halkaas marayso ayaa habeen Sabti ah bishii Shawaa, sannadkii 5aad ee hijriga, waxay qureysh iyo Qadafaan u cid diren yahuuddii reer banuu Qureyda, waxayna ku dheheen “annagu dhulkaygii ma joogno, xoolihii aan wadanayna way nooga baab’een ee soo dhaqaaqa aan Maxammed la dagaalannee oo dabar goynnee”. Yahuuddii waxa ay ku soo jawaabeen “horta maalin Sabti ah annagu ma dagaalanno o waad og tihiin wixii ku dhacay kuwii naga horreeyey markii ay gefka la yimaadeen. Haddana iyadoo ay taasi jirto idinla dagaal geli mayno ilaa aad Rahan noo soo dirtaan”.
    
     Qureysh iyo Qadafaan markii ay maqleen jawaabtaas yahuudda ayey yiraahdeen “Ilaah baan ku dhaaranaye Nuceym run buu noo sheegay”. Ka dibna yahuuddii waxay ku dheheen “annagu Ilaah baan ku dhaarannaye in aannaan qof idiin soo direyn ee soo baxa dagaalka nala gala” hase yeeshee yahuuddii reer banuu Qureyda markii ay aragtay in Qureysh iyo Qadafaan rahantii diideen ayey isku yiraahdeen “Ilaah baan ku dharannaye run buu idiin sheegay Nuceym”, sidaas ayaa markaa labadii qolo u kala shakiday, Ilaahayna dhexdooda ugu riday kala tag iyo caro.
    
     Dadkii muslimiinta ahaa Allaah ayey baryayeen mar walba, waxaana ducooyinkoodii ka mid ahaa “Allahayow cawradayada astur aamminna ka yeel ilaaliyayaashayada”. Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu baryayey Rabbigiis, waxaana ducooyinkisii ka mid ahaa “Allaha kitaabka soo dejiyey xisaabtiisuna degdegga badantahayow jebi axsaabta, Allow jebi oo nooga gargaar”. Allaah wuu ka aqbalay Rasuulka SCW iyo muslimiinta baryadoodii, wuxuuna keenay nasrigiisii iyo gargaarkiisii, wuxuuna gaaladii oo uu awalba isku diray oo kala jabtay u keenay dabayl aad u daran, dabayshaas oo dharyihii ka daadisay, dhistiina ka dumisay, una diidday xasillooni, quluubtoodana wuxuu ku riday cabsi iyo argagax. Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:
     ((DADKA MU’MINIINTA AHOW XUSUUSTA NIMCADUU ALLE IDIIN GALAY MARKAY CIIDAMMADU IDIIN YIMAADEEN OO AAN KU DIRNAY DABAYL IYO CIIDAMO AYDAAN ARKAYN, ALLENA WAXAAD CAMAL SAMAYNAYSAAN WUU ARKAA)), (Suuratu-Axsaab 9).
    
     Rasuulku SCW habeenkii dabaysha iyo qabowga darani dhacayey direy Xudeyfa binu Yamaam, wuxuuna ku yiri “soo fiiri oo warkooda noo keen, waxna ha samaynin”. Xudeyfa markii uu u tegey wuxuu arkay dabasha Alle ku salliday iyo xaalada ay ku jiraan iyo in aysan u ekeyn dad meesha sii deggenaan kara, wax ayar ka dibna hoggaamiyahoodii Abuu Sufyaan ayaa ciidankii isugu yeeray, Xudeyfana ciidankii ayuu dhex galay. Abuu Sufyaan oo ahaa nin ku dheereeyey arrimaha militariga iyo hawlaha dagaalka ayaa markii uu ciidankii isugu yeeray wuxuu ku yiri “nin walbow ninka kugu xiga iska hubso oo gacanta qabo”, markaas ayuu Xuudeyfa kala hormaray ninkii ku xigey oo ganta qabtay kuna yiri “kumaad tahay?”, markaas ayuu isku sheegay. Ka dibna Abuu Sufyaan wuu hadlay oo wuxuu ciidankii u sheegay in aysan meesha deggenaan karin oo ay ku rafaadeen, hadday noqoto dabaysha iyo qabowga iyo hadday noqoto muddada dheer ay meesha joogeen. Dabadeedna wuxuu yiri “ha la guuro anigu waan guurayaaye”.
    
     Xudeyfa wuxuu ku soo laabtay Rasuulka SCW oo tukanaya, markaas ayuu Rasuulku SCW maro weyn oo uu ku tukanayey dhinac ka huwiyey maxaa yeelay qabow daran ayaa dhacayey, ka dibna markii uu Rasuulku SCW salaaddii dhammaystay ayuu khabarkoodi u sheegay iyo in ay guureen. Ka dib waxay Rasuulkii SCW iyo muslimiintii waaberiisteen iyaga oo uu Alle u gargaaray oo uu ku xoojiyey ciidammadiisa, ciidammadii isa soo bahaystayna keligiis (Allaah) ayaa jebiyey oo ku celiyey caradoodii iyaga oo aan wax faa’iido ah gaarin. Allaahna isaga oo tilmaamaya faa’iido darrada ku dhacday gaalada iy sida uu muslimiinta uga kaafiyey dagalka wuxuu yiri:
     ((ALLE WAXA UU KU CELIYEY KUWII GAALOOBAY CARADOODII IYAGOON WAX KHAYR AH GAARIN, ALLENA WUU KA KAAFIYEY MU’MINIINTII DAGAALKA, ALLENA WAXA UU AHAADAY MID AWOOD LEH O QAALIB AH)), (Suuratul-Axsaab 25).
    
     Duullaankan Axsaab oo dhacay bishii Shawaal, sannadkii 5aad ee hijriga, waxaa la is dul fadhiyey muddo gaareysa hal bil. Culimada qaarkood waxa ay yiraahdeen duullaankan Axsaab ma ahayn mid muslimiinta khasaare ugu sugnaa ee wuxuu aha mid ay faa’iido ugu jirtay. Faa’iidooyinkaas waxaa ka mid ah: isaga oo ahaa duullaankii ugu xoogga badnaa ee Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa lagu soo qaado, haddana Allaah muslimiinti wax kuma yeelin, gaaladiina iyaga oo bil dhan joogey oo aan waxba u hirgelin balse khasaare ayey la noqdeen. Sidoo kale gaaladii waxay ogaatay in haddii carab iyo yahuud isugu tagto muslimiinta aysan waxba ka qaadi karin maxaa yeelay iyaga oo intaas oo ciidan ah watay yahuuddii Madiina deggenaydna raacday, ayey waxba geysay kari waayeen, ciidan intaas ka badanna ma aysan ururin karin.
    
     Sidoo darteed duullaankani wuxuu ahaa kii ugu dambeeyey ee Madiina lagu soo qaado, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri isaga oo arrinkaa ishaaraya “hadda (ka dib) annaga ayaa ku duuleyna, naguma soo duuli doonaan”.
     Ninkii la oran jirey Sacad binu Mucaad, oo ahaa odeygii Ansaar, gaar ahaanna reer Aws, kana mid ahaa raggii uu Rasuulku SCW aadka ula tashan jirey aanna soo marnay mowqifyadiisii iyo sidii Alle diintiisa ugu ciseeyey ayaa fallaarihii la is dhaafsanayey ka dhaawaceen lawga, waxaana dhaawacay nin qureysh ka mid ahaa oo la oran jirey Xibbaan binu Curqa. Markaas ayuu Sacad Ilaahay baryey oo yiri “Allahayow waad og tahay in uusan jirin axad iga jecel in aan dartaa ula jihaado dad beeniyey Rasuulkaagii oo saaray, Allahayow waxaan malaynayaa in aad joojisey dagaalkii (axsaab ee ka dhex socday) annaga iyo iyaga (qureysh), haddii uuu haddaba baaqi yahay dagaal qureysh lala geli doono i baaqi yeel ilaa aan daraadda ula jihaado, haddii aad dhammaysayna i burqi dhiigga oo ka yeel dhimashadayda (isaga oo jecel in uu shahiido)”. Sidoo kale Sacad wuxu Alle ka baryey in uusan dhiman ilaa uu ka arko waxa reer banuu Qureyda lagu sameeyo iyo ciribtooda. Ka dib Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu waxay ku laabteen Madiina, waxaana duullaankan Axsaab ka hadashay Suuratul-Axsaab.


DUULLAANKII REER BANII QUREYDA

Isla maalinkii Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ka soo laabteen Axsaab oo ay guryahoodii yimaadeen ayaa Malaku Jabriil u yimid Rasuulka SCW oo ku qubeysanaya gurigiisii Ummu Salama. Jibriil ayaa markaas ku yiri “hubkiinnii miyaad dhigteen, malaa’igtu weli hubkoodii ma dhigine?”, waxaanna hadda u soo laabtay raadin aan raadinayo ee u soo baxa adiga iyo wixii kula socda reer banuu Qureyda, aniguna waan kaa sii hormarayaa oo waxaan quluubtooda ku ridayaa argagax, waxaanna gilgilayaa dhufeyskooda”. Wuxuu markaa Rasuulku SCW amar ku bixiyey in si degdeg ah loogu baxo reer banii Qureyda, wuxuu yiri “qofkii Alle iyo malaalinka aakhiro rumeeyey yuusan casarka ku tukan meel aan reer banii Qureyda ahayn, calankii muslimiintana wuxuu u dhiibay Cali binuu Abii-dhaalib oo faray in uu sii hormaro, Madiinana wuxuu u xilsaaray Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum.
    
     Ciidankii muslimiinta oo (hal bil) dhufeys ku jirey ayna ka muuqato daal, gaajo iyo rafaad, markaasna guryahoodii yimid oo aan weli nasan, ayaa markii ay maqleen dhawaqii jihaadka iyo amarkii Rasuulka SCW hal mar yaacay, iyaga oo aan u aabba yeelin dhib kasta oo ay ku jireen, dantoodii khaaska ahaydna ka doortay dantii guud ee islaamka. Taasina waxay ku tusineysaa sida iimaanku quluubtooda u buuxiyey, har iyo habeenna ay heegan ugu ahaayeen uguna taagnaayeen diita Rabbi iyo u jihaadka kalimaddiisa in ay kor noqoto.
    
     Asxaabtii markii ay bexeen oo ay dhex sii marayaan, iyaga oo aan weli reer banuu Qureyda gaarin ayaa salaaddii Casar u soo gashay, markaas ayaa qaarkood dheheen “aan tukano”, qaarkii kalena yiri “tukan mayno ilaa aan gaarno reer banii Qureyda maxaa yeelay Rasuulku SCW wuxuu na amray in aannaan ku tukan meel ka sokeysa reer banuu Qureyda guryohooda”. Markaas ayey kuwii hore  dheheen “Rasuulku SCW ulama jeedin arrinka sidaas ee wuxuu ula jeeday in aan degdeg ku baxno”. Sidaas ayey markaa isku khilaafeen oo qolona dhexda ugu tukatay, qoladii kalena tukadeen markii ay gaareen meeshii reer banuu Qureyda. Rasuulkuna SCW markii loo sheegay labadii qolo midna wax ma dhihin oo wuxuu u sugay in ay labaduba sax yihiin maxaa yeelay mid walbaba wuxuu fuliyey sidii uu amarkii Rasuulka SCW ka fahmay.
    
     Culimada fuqahadu waxay ka hadlaan Labada qolo kii sii saxsanaa,  qolo waxay tiri “waxaa sii saxsanaa kuwii salaadda dib dhigay maxaa yeelay amarkii Rasuulka SCW ayuu siduu u ahaa u fuliyeen ta ta’wiilkiina way iska daayeen”, qoloda kalena waxay tiri “kuwii dariiqa ku tukaday ayaa sii saxsanaa maxaa yeelay salaaddii ayey wakhtigeedii ku tukadeen amarkii Rasuulka SCW ee bixitaanka ahaana way fuliyeen sidii uu Rasuulku SCW ula jeeday ayeyna u fahmeen, kuwaanaana faqiihsanaa, labadii ajarna way wada kulan sadeen��. Calaa kuli xaal labada qoloba waa sax siduu Rusuulku SCW u sugay. Arrintaani waxay ka mid tahay meelaha laga qaato khilaafka furuuciga ah ee culimadu isku khilaafaan in uusan dhib lahayn haddii aan nas cad la khilaafayn, Rasuulkuna SCW wuxuu xadiis ku yiri “haddii ninka xaakimka ihi dadaalo oo uu asiibo labo ajar ayuu leeyahay, haddii uu gefana hal ajar”.
    
     Ciidankii ugu horreeyey ee gaara degaankii reer banuu Qureyda waxaa ka mid ahaa Cali Abii-dhaalib, oo waday calankii muslimiinta, Rasuulkuna SCW hore usii direy. Markii uu Cali meeshii tegey ayuu maqlay cay daran oo ay yahuuddu caayayaan Rasuulka SCW, markaas ayuu u adkeysan waayey oo meeshii ka soo noqday, wuxuuna ka hor yimid Rasuulka SCW oo la socda ciidankii dambe, markaas ayuu ku yiri “Rasuulku Allow ha tegin meeshaas way caytamayaane”. Rasuulku SCW wuxuu yiri “iska daa haddii aan u tago ma caytami doonaane”, markii uu u tegey oo ay arkeen ayey caydii joojiyeen oo baryootameen. Rasuulku SCW ciidankii uu watay wuxuu ahaa 3,000, waxayna wateen 30 faras. Wuxuu Rasuulku SCW hareereeyey yahuuddii, iyagiina waxay galeen dhufeysyadoodii. Muddo markii ay ku jireen oo ay rafaadeen ayaa ninkii madaxda u ahaa oo la oran jirey Kacab binu Asay wuxuu u soo jeediyey dadkiisii saddex fikradood:
    
     Arrinta koowaad wuxuu yiri “Islaama oo gala diinta Maxammed, dhiiggiina, maalkiinna, carruurtiinna iyo dumarkiinnuba aammin bay noqonayaane, Ilaah baan ku dhaartaye way idiin caddahay in uu yahay nabi la soo direy, waana kii aad ka helayseen (ku yaalay) kitaabkiinna dhexdiisa”. Waxay dheheen “Tawreet ka tegi mayn”.
    
     Wuxuu markaas yiri ��haddii aad taas diiddeen laaya carruurtiinna iyo dumarkiinna, ka dibna idinka oo seefihiinna keliya wata dagaalka gala ilaa aad kan idiinku dambeeyaa uu dhinto, haddii la idinka guuleysto dumar iyo carruur aad u baqaysaan oo la idinka helayo ma jiraan, haddii aad guuleysataanna dumar iyo carruur waayi meysaan”. Waxay dheheen “ma dumarkayaga iyo carruurtayada ayaan gacantayada ku dilnaa, ma jirto taasi”.
    
     Wuxuu ugu dambayntii ku yiri “haddii aad taasna diiddeen berri waa Sabti, Maxammed iyo asxaabtiisuna way is dhiganayaan oo waxay og yihiin in aannaan Sabtida dagaallamin, marka aan weerar ku qaadno”, waxay dheheen “ma Sabti baannu dagaallanaa?, yeeli mayno”.
    
     Kacab binu Asad markii uu saddexdaa talo keenay oo ay ku diideen ayuu isaga oo careysan wuxuu ku yiri “nin idinka mid ihi ma baryin habeen samanka ka mid ah isaga oo go’aan leh, laga soo bilaabo markii ay hooyadiis dhashay”.
    
     Muddo markii ay yahuuddii meeshii ku jireen oo ay ku rafaadeen, kana bixi waayeen ayey Rasuulka SCW u soo fareen in uu u soo diro Abaa Lubaaba si ay ula tashadaan maxaa yeelay Abaa Lubaaba xiliif ayuu la ahaa, wuxuuna degganaa aaggooda. Rasuulka SCW wuu ka yeelay oo wuu u diray Abaa Lubaaba. Markii uu Abaa Lubaaba u tegey ayaa raggii u istaageen, dumarkii iyo carruurtiina ku soo yaaceen iyaga oo ku hor ooyaya, waxayna dheheen Abaa Lubaaba “ma aragtaa in aan isu dhiibno xukunka Maxammed?”, wuxuu yiri “haah”, waxay dheheen muxuu nagu samaynayaa, wuxuu gacantiisa ku ishaaray dhuuntiisa oo u sheegay in la gowracayo, markaas ayuu xasuustay in uu Alle iyo Rasuulkiisii khayaanay oo bixiyey sirtii muslimiinta. Orad ayuu markaa is xaabiyey oo Rasuulkii SCW iyo muslimiintii kuma uusan leexane wuxuu toos u tegey masaajidkii Rasuulka SCW, wuxuuna isku xirey tiir ka mid ahaa tiirarka masaajidka, wuxuuna ku dhaartay in uusan iska fureynin ilaa uu Rasuulku SCW gacantiisa uga furo, sidoo kale wuxuu ku dhaartay dhulkii reer banuu Qureyda oo dambigaasu uga dhacay in uusan dib dambe u tegin.
    
     Markii Rasuulka SCW loo sheegay arrinkii Abaa Lubaaba wuxuu yiri “haddii uu ii imaan lahaa waan u dembi dhaaf weydiin lahaa, laakiin haddii uu isagu sidaa isku sameeyey ka furi maayo ilaa Ilaahay uu ka toobad aqbalo”. Arrinkaan iyo kuwo la mid ah waxaa laga qaadanayaa sida asxaabtii Rasuulka SCW haddii uu gef ka dhaco uu dhulku ugu ciriiriyoon jirey, Rusuulka SCW wuxuu xadiis ku caddeeyey in haddii qofka mu’minka ah gef ka dhaco uu buur ku soo dhacaysa kala weyn yahay, laakiin haddii uu munaafaqa dambi ka dhaco  uu diqsi hortiisa maray kala fudud yahay.
    
     Nimankii reer banuu Qureyda wuxuu Ilaahay ku riday cabsi iyo argagax, Allaahna garabkooda ayuu ka baxay, ciddii Allaah garabkooda ka baxana wax u gargaari kara ma jiraan. Reer banuu Qureyda iyaga oo awooday in ay muddo dheer dhufeyska ku jiraan ama ay dagaallamaan oo ciidan iyo hubba heystey, ayaa Alle ku riday cabsi iyo badin waxayna isu dhiibeen xukunka Alle iyo Rasuulkiisa SCW.
    
     Rasuulku SCW markii ay is dhiibeen wuxuu amray in raggooda la xirxiro, dumarkoda iyo carruurtoodana laga fogeeyo goobta. Raggii iyaga oo xirxiran ayaa guri lagu xareeeyey, waxaa markaa Rasuulka SCW u yimid rag asxaabta ka mid ah oo u dhashay reer Aws, oo ay reer banuu Qureyda xulufo ahaan jireen (islaamka ka hor) waxayna Rasuulka SCW ku dheheen “Rasuulkii Allow yahuuddii hore ee reer Qaynuqaac waa tii aad iska deysey markii ay walaalahaya Khasraj oo ay xulufo ahaan jireen kaala hadleen, annagana (Aws) kuwan baa xulufadayada ahaan jirey ee wanaaji”, wuxuu Rasuulku SCW yiri “ma ku raalli noqoneysaan in uu xukumo nin idinka mid ah (Aws)?”, waxay dheheen “waa ku raalli noqoneynaa”, wuxuu yiri “waa Sacad binu Mucaad”, waxay dheheen “raalli baanu ku nahay”.
    
     Wuxuu markaa Rasuulku SCW u cid diray Sacad binu Mucaad, dameer ayaa markaas la soo saaray Sacad. Markii la keenay ayaa rag reer Aws ihi dhinacyada ka galeen iyaga oo leh “Sacadow wanaaji xulufadaadii, Rasuulku SCW wuxuu kaaga xaakim yeelay in aad wanaajiso”, hase yeeshee Sacad uma jawaabin laakiin markii ay hadalkii ka badiyeen ayuu ku yiri “Alle dartiis  uga biqi maayo nin dagaallamaya dagaalkiis”. Ka dib markii Sacad soo gaaray meeshii uu Rasuulku SCW joogey ayaa Rasuulku SCW yiri “u istaaga sayidkiinna”, dabadeed markii dameerkii laga soo dejiyey ayaa lagu yiri “Sacad kuwani waxa ay sugayaan xukunkaaga”, markaas ayuu yiri “xukunkeygu ma ku fulayaa?”, waxa la yiri “haa”, wuxuu yiri “muslimiintuna ma fulinayaan?”, waxay dheheen “haa”, markaas ayuu haddana tilmaamay Rasuulka SCW in uu fulinayo, Rasuulkuna SCW “haa” ayuu yiri. Sacad ayaa markaa xukumay, wuxuuna ku xukumay in raggooda la laayo, maatadooda iyo maalkoodana lala wareego. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri “Waxaad ku xukuntay xukunkii uu Alle ku xukumay”.
     
     Sacad binu Mucaad wuxuu acdaa’daa Alle ku xukumay xukunkaas aadka u wanaagsan oo caddaaladda badan, kaas oo waafaqay kii Alle, waxaana acdaa’daa la mariyey abaalkoodii maxaa yeelay waxa ay xiqdi iyo xaasidnimo darteed u beeniyeen Rasuulkii Alle SCW iyaga oo og, kitaabkoodana loogu sheegay, waxayna la dhinactameen Alle iyo Rasuulkiisa SCW, waxayna ka bexeen ballantii Alle iyo Rasuulkiisa SCW ay la galeen weliba markii ugu xumeyd iyaga oo caddeystay dagaal oo rabay in Ilaahay nuurkiisa ay damiyaan. Waxay intaas islaamka iyo muslimiinta u maleegayeen makri, waxayna muslimiinta u diyaarsadeen hub gaaray 1,500 oo seefood, 2,000 oo waran, 300 oo canbuur bireed iyo 500 oo gaashaan. Hubkaas iyo xoolohooddii oo dhanba wuxuu Alle ku wareejiyey Rasuulkiisa SCW.
    
     Markii la xukumay ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in raggooda lagu xereeyo daar lahayd haween reer banii Najaar ah, suuqii Madiina agtiisa waxaa looga qoday godad, ka dibna inta la soo bixiyo oo goddadka la dul geeyo ayaa qoorta loo dheereynayey. Markii shaqadii iyo dilkii lagu bilaabay ayey odeygoodii Kacab binu Asad ku dheheen “xaggee na loo wadaa?”, markaas ayuu ku yiri “weli wax ma fahmaysaan miyaa, miyeydaan u jeedn qofkii lala baxo in uusan soo laabanayn, Ilaah baan ku dhaartaye waa dilniin”.
    
     Waxaa raggaas reer banuu Qureyda ee la leynayey ku jirey sheydaankii reer banuu Nadiir oo ahaa ninkii ka dambeeyey soona abaabulay duullaankii Axsaab, lana oran jirey Xuyey binu Akhdhab, wuxuuna ninkaasi dhalay gabar Rasuulka SCW xaaskiisa ka mid ahayd oo la oran jirey Safiya bintu Xuyey oo uu guursaday sannadkii 7aad ee hijriga. Wuxuuna ninkaas Xuyey dhufeyska kula jirey reer banuu Qureyda maxaa yeelay waa tuu awal ballanta ku qaaday in uu Kacab dhufeyska la geli doono haddii ay Qureysh iyo Qadafaan laabtaan iyaga oo aan Rasuulka SCW waxba gaarsiin. Sidaa darteed isaga oo fulinaya ballantaas ayuu dhufeyska la galay. Markii la soo bixiyey isaga oo qaba jaakad uu meel walba ka jeex jeexay si aan muslimiintu ugu intifaacin, gamihiisa iyo qoortiisuna isku xiray yihiin, ayuu Rasuulka SCW la hadlay oo ku yiri “Alle ayaan ku dhaartaye naftayda kuma dagaalayo la colleytankaaga, laakiin qofkii Alle guusha siiyo ayaa guuleysanaya”, wuxuu misna la hadlay dadkii oo ku yiri “dadow dhib ma leh amarka Alle, waana qoraal iyo qaddar iyo imtixaan uu Alle u qoray reer banii Israa’iil”. Ka dib quu fadhiistay oo qoorta ayaa loo dheereeyey, sidaas ayaana loo wada laayey raggii reer banuu Qureyda, waxayna tiradoodu u dhexeysay  600 ilaa 700 oo nin oo ahaa raggii qaangaaray, wuxuuna Rasuulku SCW amray in la dilo wiilkii ay timaha hoose u soo bexeen, kii aysan u soo bixinna la iska daayo. Waxaana raggii aysan u soo bixin oo la iska daayey ka mid ahaa Cadiyatul Quradi oo ka dib soo islaamay. Dumarkii reer banuu Qureyda waxaa laga diley hal naag, iyadana waxaa loo qisaasay nin muslimiinta ka mid ahaa oo ay dhagax ku soo duurtay ka dibna dhintay. Ninkaas waxaa la oran jirey Khilaad binu Suweyd.
    
     Waxaa reer banuu Qureyda ka islaamay intii aysan is dhiibin koox, kuwaas oo loo daayey maalkoodii iyo carruurtoodii. Sidoo kale waxaa habeenkii ka baxay nin la oran jirey Camar oo ahaa nin aan ka qayb gelin dhagartii iyo ballan jebintii yahuudda, markaas ayaa waxaa arkay Maxammed binu Maslama oo Rasuulku SCW madax uga dhigay ciidankii ilaalinayey markaas ayuu iska daayey meel uu ninkaasi aadeyna lama yaqaan.
    
     Rasuulku SCW intaa ka dib maalkoodii ayuu asxaabtii u qaybiyey markii uu ka bixiyey Khumuskii, wuxuuna u kala siiyey sidan: ninkii faras watey saddex saami ayuu siiyey, kii aan wadanna hal saami ayuu siiyey. Arrinkaasna xikmadda ku jirta waxay ahayd dhiirrigelin lagu dhiirrigelinayo in ay fardo gataan si ay ugu xoogeystaan jihaadka maxaa yeelay waxa ay farduhu waagaasi joogeen booska ay maanta diyaaraduhu u joogaan ciidammada. Rasuulku SCW wuxuu maatadoodii u dhiibay koox uu madax u yahay Sacad binu Seyd Al-ansaari si uu u geeyo dhulka Najdi oo uu ugu soo beddelo fardo iyo hub.
    
     Duullaanka reer banuu Qureyda waxaa muslimiinta uga dhintay oo ay yahuuddu dileen ninkii ay haweeneydu ka dishay. Waxa kale oo muslimiinta intii ay ku hareereysnaayeen banuu Qureyda ka dhintay nin la oran jirey abuu Sinaan binu Muxsin.
    
     Markii arrintii reer banuu Qureyda ay dhammaatay oo Madiina lagu laabtay ayaa Sacad binu Mucaad dhaawicii ku soo kacay, Rasuulkuna SCW Khaymad ayuu masaajidka dhexdiisa uga dhisay si uu had iyo jeer u soo booqdo, ka dibna dhiiggii ayaa burqaday ilaa uu ka dhintay. Sacad Alle wuxuu u aqbalay ducadiisii uu ka baryey markii nabarku ku dhacay. Sacad oo ahaa nin islaamka boos weyn u joogay waxa ay saxiixaynku ka weriyey Jaabir ibnu Cabdullaahi in Rasuulku SCW yiri “Carshigii Raxmaanka ayaa u ruxmay geerida Sacad binu Mucaad”. Sidoo kale Tarmadi wuxuu weriyey  in Anas binu Maalik yiri “markii la qaaday janaasadii Sacad binu Mucaad ayey munaafiqiintii dheheen “maxaa fududeeyey janaasadiisa?” markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “malaa’igta ayaa xambaarsanayd”.
    
     Ninkii ahaa Abaa Lubaaba wuxuu tiirkii masaajidka ku xirnaa lix habeen, xaaskisa ayaana cuntada u keneysey, una fureysay salaadaha iyo bannaankaba. Markii Rasuulku SCW soo laabtay ayaa waqtiga suxuurta Ilaahay tawbaddiisii ku soo dejiyey Rasuulka SCW oo jooga guriga xaaskiisa Ummu Salama, markaas ayey Ummu Salama qowladdeedii horteedii inta ay istaagtay tiri “Abaa Lubaabow bishaareyso Ilaah waa kaa tawbad aqbalaye”. Asxaabtii masaajidka joogtay ayaa ku yaacay si ay xariga uga furaan hase yeeshee wuu diidey in cid aan Rasuulka SCW ahayn furto”. Markii uu Rasuulku SCW salaaddi subax yimid ayuu ka furay.
    
     Duullaankan reer banuu Qureyda wuxuu dhacay bishii Dulqacda, sannadkii 5aad ee hijriga, waxaana la dul deggenaa oo lagu hareereysnaa 25 habeen. Allaahna isaga oo si kooban uga hadlaya qisadan reer banuu Qureyda wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((KUWII U KAALMEEYEY (GAALADA) EE EHELU KITAABKA AHAA, WUXUU KASOO DAJIYEY (KASOO SAARAY) DHUFEYSYADOODII, WUXUUNA QULUUBTOODA KU RIDAY ARGAGAX, QAARNA WAAD DISHEEN QAARNA WAAD QAFAALATEEN, WUXUUNA IDIN DHAXALSIIYEY DHULKOODII, GURYAHOODII, MAALKOODII IYO DHUL AYDAAN TAGIN, ALLENA WAXA UU AHAADAY SHAY WALBA KII AWOODA)), (Suuratul-Axsaab 26-27).
    

DILITAANKII ABUU RAAFIC

Markii arrinkii reer banuu Qureyda dhammaaday ayaa niman asxaabta ka mid ahaa oo reer Khasraj ahaa Rasuulka SCW u soo jeediyeen in ay soo dilaan nin la oren jirey Salaam binu Abil-xaqiiq, kunyadiisana la oran jirey Abuu Raafic, oo ka mid ahaa mujrimiintii ugu waaweynaa yahuudda, degganaana Khaybar, qayb weynna ka qaatay abaabulkii duullaankii Axsaab, maal badanna ku bixiyey, islaamkana aad u dhibay.
    
     Iyadoo hore loo diley mujrimkii kale ee Kacab binu Ashraf, asxaabtii disheyna ay wada ahaayeen reer Aws ayaa markii ninkaas dhibtiisa la arkay rag asxaabta ka mid ah oo reer Khasraj ihi waxay Rasuulka ka dalbadeen in ay soo dilaan kan, iyaga oo raba in ay khayrka kula tartamaan walaalohood Aws, Rasuulkuna SCW wuu u idmay in ay soo dilaan, wuxuuna ka reebay in ay dumar iyo carruur dilaan. Waxaa markaas baxday shan nin oo reer Khasraj  ah oo uu madax u yahay Cabdullaahi binu Cuteyk. Markii ay tageen Khaybar oo ay u dhowaadeen qalcaddii uu degganaa Abuu Raafic oo aad u albaabbo badnayd, waardiye adagna laga hayey, ayey sugeen ilaa ay qorraxdu ka dhacdo. Markii ay qorraxdii dhacday dadkii shaqaalaha ahaana ay soo carraabayeen, ayuu Cabdullaahi binu Cuteyk raggiisii ku yiri “meeshan sii jooga, albaabbada ayaan aadayaaye, waxaana la arkaa in aan galo”. Cabdullaahi meeshii ayuu tegey oo u dhowaaday, ka dibna wuxuu iska dhigay nin dadka meesha ka mid ah oo albaabkii buu galay, dabadeedna albaabkii waa la xiray furayaashiina meel ayaa la saaray.
    
     Cabdullaahi wuxuu yiri “furayaashii ayaan qaatay ka dibna albaabbadii baan furey, Abuu Raaficna qowlad kore ayuu joogey, agtiisana waa la joogey. Markii ay ka tageen (dadkii) ayaan u koray, albaab kasta oo aan furana markii aan galo ayaan sii xirayey ilaa aan ugu dambayntii ugu tegey qol mugdi ah isaga oo la jiifa reerkiisa, mana ogayn qolka dhinac uu ka jiifo, markaas ayaan iri “Abuu Raafic”, wuxu yiri “waa kuma?”, markaas ayaa inta aan dhinicii codku  ka yeeray aaday seef ku dhuftay, waxbase kama tarin, markaas ayuu qayliyey. Inta aan guriga ka baxay ayaan mar kale ku soo laabtay oo ku iri “muxuu ahaa dhawaaqu Abuu Raafic?”, markaas ayuu yiri “war hooyadda ha hoogtee nin guriga ku dhex jira ayaa seef igu dhuftay”. Markaas ayaan ku dhaqaaqay oo seef ku dhuftay, markii aan arkay in uusan weli dhimanna seeftii ayaan caloosha ka geliyey ilaa ay ka baxday dhabarkiisa, markaas ayaan ogaaday in aan diley. Ka dibna waan soo baxay oo albaabbadii ayaan mid mid u furay ilaa aan ka wada baxay laakiin meel ayaan ka dhacay oo dhudhunka ayaa i jabay, markaasaan cimaamaddaydii iskaga xiray, waxaanna fariistay albaabkii agtiisa aniga oo niyada ka leh “caawa bixi maayo ilaa aan ka hubsado in aan diley”. Markii qayladii isku yeertay ayaan raggaygii u tegey oo ku iri “soo baxa cadawgii Alle waan dilaye”. Dabadeedna Nabiga SCW ayaannu u tagnay oo arrintii u sheegnay, markaas ayuu i yiri “fidi lugtaada”, markii aan fidiyey wuu iga masaxay, waxayna noqotay sidii iyada oo aan xanuunsanba.

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:39