Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka39

Home
Up

ILAALADII MAXAMMED BINU MASLAMA

Markii Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ka soo laabteen duullaammadii Axsaab iyo banuu Qureyda, ciidankii ugu horreeyey ee Rasuulku SCW diro wuxuu ahaa ilaalo uu hoggaaminayey Maxammed binu Maslama oo ka koobnayd 30 nin, waxayna ilaaladaasi u baxday dhinaca Najdi oo uu deggenaa qabiil la yiraahdo banii Bakar, waxaana meeshaas Madiina looga socon jirey 7 habeen. Waqtigaas taariikhdu waxay ahayd 10kii Muxarram, sannadkii 6aad ee hijriga.
    
     Ciidanki markii ay meesha tageen ayey qabiilkii ka carareen meeshii, muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen xoolohoodii qaar ka mid ah, waxayna soo qafaasheen nin la oran jirey Thumaama binu Uthal oo odey u ahaa reer banuu Xaniif. Waxayna Madiina ku soo laabteen 28kii ama 29kii Muxarram iyagoo wata Thumaama binu Uthal Al-xanafi. Waxaa ninkaas lagu xiray tiir ka mid ah tiirarka masaajidka, Nabiga SCW ayaa u yimid oo ku yiri “maxaa haysaa Thumaama?”, wuxuu yiri “kheyr ayaa agtayda ah Maxammed, haddiii aad i disho nin dhiig leh ayaad didhey, haddii aad i deysana nin wax mahadiya ayaad deysey, haddii aad maal dooneysidna i weydiiso wixii aad doontid ayaan ku siinayaa”. Rasuulku SCW wuu ka tegey, wuxuuna ku soo laabtay mar kale oo ku yiri sidii oo kale, Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu jawaabay. Mar saddexaad ayuu Rasuulku SCW ku soo laabtay oo sidii oo kale ku yiri, Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu jawaaabay. Ka dibna Rasuulku SCW wuxuu yiri “sii daaya”, waana la sii daayey.
    
     Markii la sii daayey ayuu intuu baxay oo geed timireed masaajidka u dhowaa tegey ayuuu soo qubeystay, ka dibna ku soo laabtay Rasuulka SCW oo islaamay, wuxuuna Rasuulka SCW ku yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa weji aan ka necbaa  wejigaaga, haddana wuxuu noqday  wejigaagu kaan ugu jeclahay wejiyaasha, Ilaah baan ku dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa diin aan ka necbaa diintaada, haddana waxa ay noqotay midda aan ugu jeclahay diimo oo dhan. Fardahaaga ayaa i soo qabtay aniga oo cimro u socda”. Markaas ayaa Rasuulku SCW u bishaareeyey wuxuuna amray in uu cimradiisii guto. Ka dib Thumaama wuxuu aaday Makka markii uu Qureysh u tegey ayey ku dheheen “Thumaamow waad iilatay”, markaas ayuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye maya ma iilan ee waan islaamay Maxammed maciisa (la jirkiisa), Ilaah baan ku dhaartaye Yamaama idinkaga imaan meyso xabbad raashin ah ilaa Rasuulkii Alle SCW idiin idmo”.
    
     Dabadeed markii uu magaaladiisii ku laabtay ayuu ka joojiyey Makka raashinkii, markaas ayey Qureysh dhibaatootay oo waxa ay Rasuulka SCW u soo direen warqad ay ku leeyihiin “riximnimada ayaa wax kugu weydiisaneynaaye Thumaama warqad u qor oo ha noo soo daayo raashinka na loo soo rarayo”. Rasuulku SCW wuu ka yeelay oo Thumaama ayuu kala hadlay.

DUULLAANKII BANUU LIXYAAN

Banuu Lixyaan waxa ay ahaayeen qabiilkii khiyaameeyey Rasuulka SCW markii uu tobankii nin ku daray, ka dibna ay ku dileen meeshii la oran jirey Rajiic. Wuxuuna Rasuulku SCW ugu duuli waayey markii ay arrintaasu dhacday muslimiinta oo xaalad adag ku jirey oo ay ku furnaayeen duruufo adag sida cadowgi Qureysh iyo reer baadiyihii Madiina agagaarkeeda degganaa oo Madiina ku soo qamaamayey iyo yahuuddii Madiina wax ka deggageyd, sidaa darteed Rasuulku SCW maslaxo uma arag in uu markaas ku duulo. Laakiin markii uu duullaankii Axsaab dhammaaday oo yahuuddii iyo in badan oo carabtii reer baadiyaha ka mid ahaa uu iska meeleeyey, qureyshna ay weerarradii joojisey oo difaac gashay, ayaa Rasuulku SCW munaasib u arkay in uu ku duulo banii Lixyaan oo degganayd Makka duleedkeeda si uu uga jiseeyo khiyaanadii ay sameeyeen iyo muslimiintii ay laayeen.
    
     Wuxuu markaa Rasuulku SCW baxay bishii Rabbiicul-Awal ama Jamaadul-Awal, sannadkii 6aad ee hijriga isaga oo wata 200 oo asxaabtiisa ka mid ahayd, Madiina wuxuu uga tegey Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum, wuxuuna muujiyey in uu dhinaca Shaam ku duulayo si aysan munaafiqiintu u warramin oo u bixin sirta muslimiinta. Rasuulku SCW wuxuu markaa tegey meeshii lagu laayey asxaabtiisii oo u dhoweyd meesha ay degganaayen reer banuu Lixyaan. Markii ay reer banuu lixyaan maqleen ayey ka carareen degaankoodii, Rasuulkuna SCW wuxuu meeshaa joogey 2 maalmood, dhinacyadana wuxuu u kala direy ilaalooyin hase yeeshee waxba ma aysan soo helin. Ka dibna Rasuulku SCW wuxuu ku soo laabtay Madiina, wuxuuna maqnaa 14 habeen.
    
     Waxaa is weydiin leh inta aynaan munaasibadaan ka gudbin Rasuulka SCW qabiil kasta oo uu ku duulo way kala cararaan isaguna dhulkooda ayuu maalmo degganaanayey, marka sidee qabiil dhan oo degganaa u sal kacayaan?. Arrintaa jawaabteedu waxaa weeye Rasuulku SCW markii uu ku duulo qabiil oo ay maqlaan in aysan ka hor tegi karin, raggooda hubka wataa way kala carari jireen. Sidaa darteed haddii ay raggii dagaallamayey carareen ma aysan keeni siyaasadda xakiimka ah ee Rasuulka SCW iyo ciddii raacdaba in maatada la laayo oo la bililiqeysto ama nin dhulkiisii ka qaxay la daba kaco sida ay maanta ku dhisan tahay siyaasadda caalamku. Sidoo kale Rasuulka SCW iyo muslimiintu ma dili jirin ragga aan hubka wadan oo aan dagaallamayn.

ISRAACRAACII ILAALOOYINKA

Waxaa israacraacay duullaamadii iyo ilaalooyinkii uu Rasuulku SCW u kala dirayey jihooyinka, waxayna ahaayeen sidatan:
    
     1. Wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Rabbiicul-Awal ama Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga koox ilaalo ah oo ka koobnayd 40 nin oo uu hoggaaminayey Cukaasha binu Muxsin, waxayna aadeen meesha la yiraahdo Qamri oo reer banii Asad degganaayeen. Cukaasha iyo raggiisii markii ay gaareen meeshii loo direy ayey qabiilkii kala carareen, muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen 200 oo halaad oo dadkaasi lahaayeen, waxayna ku soo laabteen Madiina.
    
     2. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Awal ama Rabbiicul-Aakhir,  , sannadkii 6aad ee hijriga, wuxuu Rasuulku SCW u direy meesha la yiraahdo Dil-qasa oo ay degganaayeen reer banii Thaclaba koox ilaalo ah oo ka koobnayd 10 nin uuna madax u ahaa Maxammed binu Maslama. Maxammed binu Maslama iyo kooxdiisi way bexeen, markii ay meeshii gaareen ayaa iyaga oo hurda waxaa u yimid qabiilkii ay u socdeen oo 100 nin gaaraya ayaa iyaga ayey wada dileen kooxdii muslimiinta ahayd ilaa Maxammed binu Maslama oo dhaawac ahaan uga fakaday maahane.
    
     3. Markii la laayey asxaabtii Rasuulka SCW ee uu hoggaaminayey Maxammed binu Maslama ayaa Rasuulka SCW isla meeshii Dil-qasa ee reer banii Thaclaba u diray ciidan kale oo gaaraya 40 nin, uuna madax u yahay Abuu Cubeyda ibnu Jarraax, waqtigaas oo ahaa bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga. Abuu Cubeyda iyo ciidankiisii markii ay gaareen meeshii goor subax ah ayaa reer banii Thaclaba ka baqday meeshii. Waxay markaa muslimiintu soo kaxeysteen xoolo ay lahaayeen, ninna way soo qafaasheen, wuuna islaamay ninkaasi.
    
     4. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga wuxuu Rasuulku SCW diray ciidan uu hoggaaminayo Seyd binu Xaarith, wuxuuna u direy meesha la yiraahdo Jumuum oo ay deggenaayeen reer banuu Suleym oo ahaa nimankii Bi’ru Macuuna ku laayey 70kii oo asxaabta Rasuulka SCW aha. Seyd iyo ciidankiisii markii ay meeshii gaareen ayey waxay qabteen haweeney oo kaxaysteen si ay u tusto meesha ay joogaan reer banuu Suleym, markii ay tageen meeshii ayey dadna ka soo qafaasheen xoolona ka soo kaxeysteen.
    
     5. Sidoo kale bishii Jamaadul-Awal isla sannadkii 6aad ee hijriga wuxuu Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 170 nin oo uu madax uga dhigay Seyd binu Xaarith, wuxuuna ciidankaas u direy meel la yiraahdo Ciis. Seyd iyo ciidankiisii way bexeen, waxayna meeshii ka soo qafaasheen safar qureysheed oo uu waday Abul-Caas, oo ahaa ninkii  qabay gabadhii Rasuulka SCW ee Seynab. Markii safarkii iyo Abul-Caas la keenay Madiina ayaa markii salaadda subax la tukanayey Seynab ay gadaal ka hadashay oo tiri “dadow aniga ayaa magan geliyey Abul-Caas”, markaas ayaa Rasuulku SCW asxaabtiisa ku yiri “waad maqasheen waxa ay tiri, marka waxaan idiinka codsanayaa maalkiisiina haddii aad u celin kartaan in aad u celisaad”, markaas ayey asxaabti u wada celiyeen maalkiisii, waana la iska sii daayey isaga iyo maalkiisiiba.
     
     Abul-Caas wuxuu ku laabtay Makka, wuxuuna xoolihii u celiyey dadki lahaa, ka dibna wuu islaamay oo Madiina ayuu u soo hijrooday. Markii uu Madiina yimidna Rasuulku SCW wuxuu ku celiyey Seynab, nikaaxoodii hore ayuuna isugu celiyey oo nikaax kale ma samayn. Waxa ayna kala maqnaayeen saddex sano iyo bar, mana ka furmin intii uu Abul-Caas gaalnimada ku jirey oo waxay ahayd intii aan muslimiinta iyo gaalada la kala xarriimin. Laakiin intii muslimiinta iyo gaalada la kala xarrimay wixii ka dambeeyey haddii labo qof oo is qaba midkood islaamo, midna gaalnimadii ku haro way kala furmaayaan, waana kala xaaraan in ay is qabaan labo qof oo midi muslim yahay midna gaal, ismana guursan karaan ilaa waxa keliya oo laga soo reebay in ragga muslimiinta ahi guursadaan dumarka Ehlu-kitaabka ah (yahuud iyo nasaara) ee dhowrsan, in kastoo ay ka kheyr badan tahay in ninka muslimka ihi guursado gabar dhowrsan oo muslim ah. Gabadha muslimadda ah iyada xaaraam ayey ka tahay in ay guursato nin gaal ah loomana oggola, nikaaxooduna ma ansaxayo.
    
     6. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Jamaadul-Aakhir, isla sannadkii 6aad ee hijriga ilaalo uu hoggaaminayo Seyd binu Xaarith oo ka koobnayd 15 nin, wuxuuna u direy meel la oran jirey Dharifi, oo ay daganaayeen reer Banii Thaclaba. Hase yeeshee reer Banii Thaclaba waxa ay u maleeyeen in Rasuulku SCW ku soo baxay markaas ayey carareen. Seyd iyo kooxdiisii waxa ay ku soo laabteen Madiina, waxa ayna maqnaayeen afar habeen.
    
     7. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW bishii Rajab isla sannadkii 6aad ee hijriga direy ilaalo ka koobnayd 12 nin oo uu madax u ahaa Seyd binu Xaarith, wuxuuna u direy meesha la yiraahdo Waadil-Quraa si ay u soo ogaadaan dhaqdhaqaaqa cadowga, hase yeeshee markii ay meeshii tageen ayaa waxaa weerar ku soo qaaday dadkii meeshaa degganaa, waxa ayna dileen sagaal nin, saddex uu Seyd ku jirana way ka baxsadeen.
    
     8. Wuxuu sidoo kale Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 300 oo nin oo uu u direy in ay ka hortagaan safar qureysheed, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay Abuu Cubeyda ibnu Jaraax, waxaana ciidankani intii uu maqnaa qabatay gaajo aad u daran, waxa ayna qasheen saddex neef oo geel ah oo ka mid ahaa gaadiidkii ay wateen, Abuu Cubeyda oo ahaa amiirkii ciidanka ayaa markaa ka joojiyey arrintaan ah in ay qashaan   gaadiidkooda. Dabadeed baddii ayaa u soo tuurtay Cambar (nibiri) iska weynaaday oo ay cunayeen bil barkeed, ka dibna waxa ay ku soo laabteen Madiina iyaga oo hilibkiisii wax ka mid ah wata. Markii ay Rasuulka SCW u sheegeen wuxuu ku yiri “waa risqi Ilaahay idiin soo saaray ee wax ma ka haysaan hilibkiisii��, markaas ayey u keeneen.
    
     Waxa aan in badan siirada ku arkaynaa in Rasuulku SCW uu marar badan dirayey cidamo ilaalooyin ah oo cadadkoodu yar yahay, arintaas oo xikmaddo ku jirta uu Alle garanayo, waxaa hadana ugu muhiimsanaa sadex qodob oo kala ah sidan:
    
     1) Ciidanka wayn oo aan had iyo jeer bixi karin, una baahnaa dhaqaale badan iyo tabaabushe, maxaa yeelay qof walba waa garan karaa dhaqaalaha uu u baahan yahay ciidan gaaraya 2,000, oo maqnaanaya bil iyo ka badan, maalinkiina qalanaya 20 geel ah.
    
     2) Ciidamadaas la dirayey waxa ay u badnaayeen ilaalooyin cadadkoodu intuu doono uu noqon karo, ilaalana waa la yaqaannaa maata oo waxaa weeyey ciidan loo direy arrin, oo aan ahayn dagaal musalax ah, inkasta oo aan arkayno in ilaalooyinka qaarkood ay ahaayeen ciidan xoog badan oo duullaan qaaday.
    
     3. Waxa ay ahaayeen ciidamadaas ducaad dadka ugu yeeraya diinta Alle, waxayna muhiimaddooda ahayd in ay dadka gaarsiiyaan dacwada islaamka, iyaga oo adeegsanaya habkii wanaagsanaa ee Rasuulku SCW u baray, sidaa daraadeed haddii loo diido in ay xaqii dadka gaarsiiyaan, oo lagula dagaalamo diinta Alle, waxa ay raggii ducaada ahaa oo jilicsanaa isku badali jireen kumaandoos manexeyaal ah, oo hoojiya cadawga Alle.

DUULLAANKII BANII MUSDHALIQ

Waxa uu dhacay duullaankan banii Musdhaliq bishii Shacbaan sannadkii 6aad ee hijriga. Sababtiisuna waxay ay ahayd: Waxaa Rasuulka SCW soo gaadhay in odeygii reer banuu Musdhaliq oo la oran jirey Xaarith binu abii Daraar uu qoladiisii iyo wixii kale oo raacay u diyaarinayo sidii uu Rasuulka SCW ugu soo duuli lahaa. Wuxuu Rasuulku SCW si uu arrintaa u xaqiiqsado wuxuu direy Bureyda binu Xuseyb Al-aslami. Bureyda ayaa markaa u tegey oo la hadlay ninkii madaxda u ahaa, ka dibna ku soo noqday Rasuulka SCW oo warka dhabnimadiisa u soo sheegay. Rasuulku SCW markii uu arrintii xaqiiqsaday ayuu asxaabtiisiii la soo baxay, wuxuuna Madiina madax uga soo dhigay Seyd binu Xaarith ama Abaa Dar Al-qafaari ama Thumayla binu Cabdullaahi Laythi.
    
     Ninkii la oran jirey Xaarith binu Diraar ee madaxda u ahaa reer banii Musdhaliq wuxuu dirsaday nin jaajuus ah si uu war uga keeno ciidanka muslimiinta hase yeeshee ciidankii muslimiinta ayaa ninkaa qabtay oo diley. Xaarith iyo ciidankiisii markii ay maqleen in Rasuulka SCW iyo Ciidankiisii soo baxeeen, ninkoodii wardoonka ahaana la diley ayaa Ilaahey cabsi ku ridey oo ka baqdeen meeshii. Muslimiintiina meeshii ayey tageen waxayna soo qafaasheen dumarkoodii, caruurtoodii iyo maalkoodii. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW qaniimadii iyo dadkii la soo qafaashay u qaybiyey asxaabtiisii. Dadkaas la soo qafaashay waxaa ka mid ahayd gabar uu dhalay ninkii madaxda u ahaa qabiilkaas oo la oran jirey Juweyriya bintu Xaarith, waxaana qayb ahaan u helay Thaabit binu Qays, markaas ayuu kitaabeeyey, Rasuulka SCW aya markaas xoolihii ka bixiyey oo guursaday. Markii ay asxaabtii arrinkaa wada arkeen ayey wada xoreeyeen dumarkii ay qayb ahaanta u heleen oo dheheen “waa xididkii Rasuulka SCW”.
    
     Duullaankan Banii Musadhaliq markii laga soo laabtay waxaa dhacay laba arrimood oo ay sameeyeen nimankii munaafiqiinta ahaa oo iyagu had iyo jeer muslimiinta dhexdooda ku rida khalkhal iyo tashwiish, dacaayado been ahna fidiya. Nimankaas oo sidii aan soo sheegnayba uu hormuud u ahaa Cabdullaahi binu Ubay oo isagu xiqdi iyo xaasidnimo u hayey islaamka iyo muslimiinta, weliba gaar ahaan cadaawad gaar ah u hayey Rasuulka SCW maxaa yeelay sidii aan usoo sheegnayba isaga oo loosharraxayo madaxnimo ayaa islaamku yimid Madiina, markaas ayey dadkiisi islaamka qaateen, madaxnimadiisiina iska joojiyeen, sidaa darteed wuxuu u arkayey in islaamku ka qaaday madaxnimadiisii, wuxuuna bilaabay xiqdi iyo xumaan, laga soo bilaabo markii Rasuulka SCW iyo muhaajirintu ay Madiina yimaadeen. Waxaana dhacday in Rasuulku SCW markii uu Madiina yimid oo uu muddo yar joogey uu soo baxay isaga  oo raba in uu soo booqdo Sacad binu Cubaada oo jirran, markaas ayuu isaga oo dameer saaran soo maray meel ay fadhiyeen rag uu ku jiro Cabdullaahi ibnu Ubay, markaas ayuu qur’aan ku dul akhriyey, dacwadana ugu yeeray. Cabdullaahi ibnu Ubay intuu sanka qabsaday ayuu Rasuulka SCW ku yiri “ha na booraynin, gurigaagana joog oo meelaha aan fariisanayno ha noogu imaan”.
    
     Cabdullaahi binu Ubay iyo raggiisu waxa ay gaalnimadoodii ku jiraan waxay islaameen markii ay arkeen in ay muslimiintu Badar ku guuleysteen hase yeeshee xumaatadoodii iyo cadaawaddoodii ayey hoos ka wadeen, waxa aanna soo marnay in uu munaafaqaani ku hagoogtay yahuuddii reer banii Qaynuqaac. Sidoo kale dagaalki Uxudna wuxuu la laabtay 300 oo nin oo muslimiinta garabkooda ayuu ka baxay. Sidoo kale munaafaqan iyo munaafaqiinta kaleba waxa ay muujisan jireen wanaag iyo kheyr, qalbigoodana waxaa buuxiyey nifaaq iyo gaalnimo. Waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu dadka u muujin jirey marka Rasuulku SCW Jimcaha u istaago ayuu asxaabta ku dhihi jirey “kani waa Rasuulkii Alle idinku karaameeyey idinkuna ciseeyey ee u gargaara, xoojiya, maqla oo adeeca” hase yeeshee markii dagaalkii Uxud dhacay, oo sidii la ogaa uu sameeyey, ayuu Jimcihii ka dambeeyey istaagay isaga oo raba in uu hadalkiisii oo kale jeediyo, markaas ayaa asxaabtii dharkii ka jiideen oo dheheen “nafa fariiso cadowgi Allow, ehel uma tihid (arinkane) wixii aad samaysay baad samaysaye”, markaas ayuu iska baxay isaga oo dadka luquntooda ka tallaabsanaya, markaas ayaa waxaa ka hor yimid nin asxaabta ka mid ah wuxuuna ku yir “war hooggaaga ee laabo Rasuulku SCW ha kuu dembi dhaaf weydiiyee”, markaas ayuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma doonayo in uu ii dembi dhaaf weydiiyo”.
    
     Sidoo kale waxa aan soo marnay in markii yahuuddii reer banuu Nadiir ay ballantii ka baxday oo Rasuulku SCW go’aansaday in uu ku duulo, uu munafaqaani hoos kala xiriiray oo ku yiri “ha bixina”. Sidoo kale Dagaalkii Axsaab waxa ay munaafaqaas iyo raggiisu muslimiinta ku dhex fureen tashwiish iyo dacaayado. Sidoo kale gaaladi qureysheed intaa hoos ayey kala xiriiri jireen.
    
     Haddaba nimankaas munaafaqiinta ah dusha ka sheeganayey islaam, hoostana uu uga buuxay nifaaq iyo gaalnimo, had iyo jeer dacaayada ku dhex fidinayey dadkii muslimiinta ahaa sida dacaayaddii ay fidiyeen markii uu Seyd furay Seynaba bintu Jaxshi oo Rasuulku SCW eeddadiis dhashay, dabadeedna uu Rasuulku SCW guursaday ayna dheheen “Maxammed wuxuu guursaday gabadhii uu furay wiilkii mowlihiisa ahaa” arrintaas oo carabta dhexdeeda waqtigii jaahiliga ceeb ka ahaan jirtey, maxaa yeelay ninku wiilka mowlihiisa ah wuxuu ka soo qaadi jirey wiilkiisii oo kale sidaa darteed islaamku caadadaas xun wuu baabi’iyey sidii uu caadooyinkii xumaa oo kaleba u baabi’iyey, waxaan aarrintaan lagu bilaabay Rasuulka SCW laftiisa, wuxuuna Alle yiri:
    
     ((XUSUUSO MARKAAD KU LAHAYD KII ALLE U NIMCEEYEY ADNA AAD U NIMCAYSAY (SAYD) HAYSO XAASKAAGA ALLENA KA BAQ, WAXAADNA NAFTAADA KU QARINAYSAY SHAY ALLE MUUJIN DOONO, WAXAADNA KA BAQAYSAY DADKA, ALLAASE U XAQ LEH IN LAGA BAQO, (HADDABA) MARKII SAYD DANTIISA KA GUTAY (OO UU FURAYNA) AAN KUU GUURINAY SI AYSAN MU’MINIINTU DHIB UGALA KULMIN HAWEENTA (WIILASHA) AY ISUGU YEERAY MARKII AY KA DHAMAYSTAAN XAAJADOODA, ALLE AMRKIISUNA WAXA UU AHAADAY MID LA FULIYO)), (Suuratul-Axsaab 37).
    
     Sidoo kale Seynab waxa ay ahayd haweentii shanaad ee Rasuulku SCW markaas ayey dheheen “qur’aanku afar haween ah ayuu banneeyey ee maxay tahay haweenta 5aad”. Haddaba nimankaas oo mar walba dacaayad hoosaad ku waday Rasuulka SCW iyo mu’miniinta waxaa ficilladooda had iyo jeer muujinayey Allaah oo wax walba ka war  haya, wuxuuna Alle yiri isaga oo Rasuulkiisa SCW la hadlaya:
    
     ((MUNAAFAQIINTU WAXA AY KA DIGTOON YIHIIN IN AY KU SOO DEGTO SUURAD KA WARAMAYSA WAXA QULUUBTOODA KU JIRA, WAXAAD TIRAAHDAA ISKA JEES JEESA ALLE WAA SOO BIXIN WAXA AAD KA DIGTOONTIHIINE, HADDII AAD WAYDIISO WAXA AY DHAHAYAAN (XOOGAA) BAAN TIIMBANAYNAY OO CIYAARAYNAY, DHEH MA ALLE, AAYAADKIISA IYO RASUULKIISAAD KU JEES JEESAYSAAN HA CUDURDAARANINA WAAD GAALAWDEEN IIMAANKIINII KA DIBE, HADDAAN CAFINNO KOOX IDINKA MID AH WAXAA CADAABAYNAA KOOX MAXAA YEELAY WAXA AY AHAAYEEN MUJIRIMIIN)), (Suuratu-Tawbah 64-66).
    
     Haddaba ragga arrimahaas samaynaya oo Rasuulkii Alle SCW iyo mu’miniinta xumaatada kula dhex wareegaya waxa ay Cumar binu Khadhaab iyo rag la mid ihi soo jeediyeen in la laayo hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW ku yiri Cumar “ma waxaad dooneysaa in ay dadku ku sheekaystaan Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?” maxaa yeelay dadka dibedda ahi waxa ay u haysteen in munaafiqiintaasi asxaabta ka mid yihiin.
    
     Haddaba haddii aan usoo laabano labadii dhacdo oo ay sameeyeen munaafiqiintu duullaankan reer banii Musdhaliq waxa ay ahaayeen:
    
     1. Markii la aday duullaankii ayey raaceen cidankii iyaga oo aan u siyaadineyn ciidanka wax aan ka ahaydn culeys iyo fitno sidii uu Allaahba ku sheegay aayaaddan:
    
     ((HADDAY BAXAAN DHEXDIINA (OO AY IDIN RAACAAN) IDIIN SIYAADIN MA HAYAAN WAXAAN KA AHAYN XUMAAN IYO (SHAR) WAXAYNA U DAGDAGI LAHAAYEEN FITNAYNTA DHEXDIINNA IYAGOO IDINKA DOONAYA FITNO, WAXAANA IDINKA MID AH (MUSLIMIINTIINNA) KUWA MAQLAYA (OO QAADANAYA WARKA MUNAAFAQIINTA)), (Suuratu-Tawbah 47).
    
     Haddaba markii la soo laabtay ayaa meel la degey, markaas ayaa meel biyo laga dhaansanayey waxaa ku dagaallamay labo wiil, mid Cumar binu Khadhaab adeege u ahaa lana oran jirey Jahjaahul-qafaari iyo mid Ansaari ah oo la oran jirey Sinnaan binu Wabar Al-juhani, markaas ayaa Sinnaan yiri “yaa Ansaar ahey”, Jahjaahna yiri “yaa Muhaajiriin aheey”. Arrintii ayaa waxaa maqlay munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay oo la fadhiya koox raggiisii ah oo uu ku jirey Seyd binu arqam oo wiil yara, markaa ayuu munaafaqaasi carooday oo yiri “ma sidaas ayey sameeyeen (muhaajiriin)?. Magaaladayadii ayey ku faafeen oo ku bateen Ilaah baan ku dhaartaye annaga iyo iyagu waxaan isku nahay sidii hore loo yiri oo ahayd “naaxi eygaaga ha ku cunee”. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aan Madiina ku noqonno kan casiiska ihi (isagaa iska wada) waxa uu ka saari doonaa Madiina kan dulliga ah (oo uu ula jeedo Rasuulka SCW)”, markaas ayuu lahadlay kuwii la fadhiyey oo ku yiri “tani waa wixii aad naftiinna ku samayseen, magaaladiinnii baad u oggolaateen, maalkiinniina waad la qaybsateen. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad waxa gacantiina ku jira ka haysan lahaydeen meel kale ayey idiin dhaafi lahaayeen”.
    
     Seyd binu Arqam ayaa markaas arrintii adeerkiis u sheegay, adeerkiisna wuxuu u sheegay Rasuulka SCW oo uu la joogo Cumar binu Khadhaab, Camar ayaa markaas yiri “Rasuulkii Allow amar Cubaada binu Bishir ha dilee (munaafaqaas)”,  markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “Cumar ma waxa aad doonaysaa in uu dadku ku sheekeysto Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?” (maxaa yeelay dadka dibadu waxa ay u qabaan in uu asxaabta ka mid yahay) ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in la guuro waqtigaas oo aad u kululaa oo uusan Rasuulku SCW guuri jirin, markaas ayaa Useyd binu Xudeyr oo nin odeya ahaa u yimid Rasuulka SCW oo ku yiri “Rasuulkii Allow waxaad guurtay waqti xun”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “miyeysan ku soo gaarin waxa uu saaxiibkiin yiri?”, Useyd wuxuu yiri “muxuu yiri?”, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “wuxuu sheegtay in haddii uu Madiina ku laabto kan casiiska ihi ka saari doono Madiina kan dulliga ah”, markaas ayuu Useyd yiri “Rasuulkii Allow adiga ayaa haddii aad doontid Madiina ka saaraya. Ilaah baan ku dhaartaye isaga ayaa dulli ah adiguna casiis baad tahay”, ka dib wuxuu yiri Useyd “Rasuulkii Allow isaga tartiibi, Ilaah baan ku dhaartaye Allaah ayaa noo kaa keenay isaga oo reerkiisu madaxtinimo u diyaarinayaan sidaa darteed wuxuu u arkaa in aad boqortooyadiisii kala wareegtay”. Rasuulku SCW geeddigii ayuu ku jirey  ilaa laga gaaray maalinkii dambe duhurkii oo uu degey, markaas ayey asxaabtii geedaha ku kala yaaceen oo daateen, Rasuulkuna SCW wuxuu arrinkaan u sameeyey si aan warka munaafiqa loogu sheekeysan oo looga mashquulo, asxaabta dhexdeedana aysan fitno ugu noqon.
    
     Cabdullaahi binu Ubay markii uu arkay in talo faro ka baxday ayuu inkiray hadalkii oo sidii munaafaqiinta lagu yaqaaney dhaar been ah maray isaga oo leh “Ilaah baan ku dhaartaye ma dhihin”, markaas ayaa asxaabtii  qaar ka mid ahi Rasuulka SCW ku dheheen “Rasuulkii Allow waxaa la arkaa in wiilka yari is moodsiiyey oo uusan weelayn oraahdii ninka” hase ahaatee Allaah SW oo wax kasta la socday ayaa u rumeeyey seyd hadalkii uu ka sheegay munaafaqaas, wuxuuna ku soo dajiyey Suuratul-Munaafiquun oo ay ku jiraan aayadahaan:
    
     ((MUNAAFAQIINTU WAA KUWA LEH HAQUDININA KUWA RASUULKA SCW LA JOOGA ILAA AY KA KALA TAGAAN, ALLAA ISKA LEH KHASNADAHA SAMAWAADKA IYO DHULKA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA FAHMAYAAN, WAA KUWA LEH HADDII AAN MADIINA KU NOQONNO WAA IN KAN CASIISKA IHI KA BIXIYOAA (MADIINA) KAN DALIILKA AH, WAXAA CISA ISKA LEH ALLE, RASUULKIISA IYO MU’MINIITA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA OGA)), (Suuratul-Munaafaqiin 7-8).
    
     Waxa ay saxiixaynku wariyeen in markii ay suuradaan soo dagtay uu Rasuulku SCW u cid direy Seyd markii uu u yimidna uu ku dul akhriyey suuradan Munaafiquun, kuna yiri “Alle wuu kuu rumeeyey (hadalkaagii) Seydow.
    
     Sheekadii waxaa maqlay wiil uu dhalay munaafaqaas oo la oran jirey Cabdullaahi binu Cabdullaahi binu Ubay oo ahaa nin saxaabi ah oo wanaagsan. Markaas ayaa markii Madiina la soo gelayey Cabdullaahi seeftiisii galka kala baxay oo aabbihiis hor istaagay kuna yiri “Ilaah baan ku dhaartaye in aadan meeshaan dhaafayn ilaa Rasuulkii Alle kuu idmo, isaga ayaana casiis ah adiguna dulli baad tahay”. Rasuulku SCW markii uu meeshii soo maray ayuu u idmay, ka dib Cabdullaahi Rasuulka SCW ayuu u tegey oo ku yiri “Rasuulkii Allow waxa aan maqlay in aad rabtid in aad dishid aabbahay. Ilaah baan ku dhaartaye reerkayagu waa og yihiin in nin aabbihiis iiga baarrisani uusan jirin, marka haddii uu qof dilo waxaa laga yaabaa in aan wax u qaado qofkaas ee haddii aad doontid in aad disho aniga i amar, Ilaah baan ku dhaartaye madaxiisa ayaan kuu keenayaa”.


Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:39