Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka37

Home
Up

DUULLAAMADII CIIDAMEED EE KU XIGEY UXUD

Markii dadkii muslimiinta ahaa dhaawac ku soo gaaray Uxud ayaa waxaa yaraaday cabsidii iyo baqdintii laga biqi jirey muslimiinta, waxaana bilaabmay guux iyo cadaawad loo muujinayo dadkii muslimiinta ahaa. Guuxaas wuxuu ka imaanayey gudaha muslimiinta, sida munaafiqiinta, iyo dibedda sida yuhuuddii Madiina wax ka degganayd iyo qabiilladii reer baadiyaha ee hareeraha Madiina ku noolaa.
    
     Qolooyinkaas oo dhammi markii ay arkeen in muslimiinta dhaawaca soo gaaray ayey doobbida listeen, qaarkoodna waxa ay ku hammiyeen in ay muslimiinta duullaan ku soo qaadaan sida reer banuu Asad oo labo bilood ka dib (Uxud) isu diyaariyey in ay duullaan Madiina ku soo qaadaan. Sidoo kale qabiilooyinka kala ah Cadal iyo Qaara waxay afar bilood ka dib sameeyeen shirqool ay ku dileen 10 nin oo asxaabtii Rasuulka SCW ah. Qabiillada banuu Caamir iyo banuu Suleym ayaa iyaguna sidoo kale waxa ay si khiyaamo ah u dileen 70 nin oo asxaabtii Rasuulka SCW ah. Sidoo kale qabiiloyinkii reer Qadafaan waxa ay ku hammiyeen in ay Madiina soo weeraraan.
    
     Haddaba arrimahaas iyo kuwo kaleba waxaa sameyey qabiilooyinkii reer baadiyaha ahaa oo degganaa Xijaas ilaa Najdi iyagoo doonayey in a islaamka iyo muslimiinta cirib tiraan maxaa yeelay waxa ay u arkayeen in muslimiintu yihiin khatar ku soo socata Khaliijiul-carab.
    
     Waxaa iyaguna sidoo kale cadaawad daran muujiyey, har iyo habeenna ku fekerayey sidii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa dhib u gaarsiin lahaayeen yahuuddii reer banii Qaynuqaac oo Rasuulku SCW ka raray Madiina iyo yahuuddii kale oo Madiina ku hartay (banuu Nadiir iyo banuu Qureyda), siiba banuu Nadiir oo maleegay shirqol ay rabeen in ay ku dilaan Nabiga SCW.
    
     Markii arrimahaas oo dhan gudaha iyo dibeddaba ah ay soo food saareen muslimiintii ayaa Rasuulku SCW la qaabbilay xikmadiisii iyo kaartadiisii dagaalka ee wanaagsanayd, wuxuuna muslimiintii ka saaray ciriirigii iyo dhibtii, Acdaadii Ilaahayna xumaatadoodii iyo makrigoodii ayuu ku celiyey, wuxuuna soo celiyey cisigii iyo heybaddii muslimiinta.
    
     Tallaabooyinkii uu qaaday Rasuulku SCW waxaa ugu horreeyey duullaankii Xamraa-ul-Asad oo uu uga daba tegey ciidankii qureysheed ee Uxud ka laabtay, halkaas oo uu deggenaa saddex maalmood. Waxaa ayna dhammaan acdaadii Ilaah ogaadeen awoodda iyo geesinnimada muslimiinta iyo sida aysan marnaba u jixinjixeyn. Haddaba waxa aynu mid mid u xoo qaadanaynaa arrimihii iyo dhacdooyinkii dhacay intii u dhexeysey dagaalkii horeeyeen inkastoo qaarkood la isku khilaafo siday ukala horreeyeyn haddaana waxaan qaadanaynaa sida loo badan yahay.
    
     1) ILLAALADII ABUU SALAMA
    
     Markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud oo la joogey labo bilood iyo bar, ayaa wardoonkii Madiina wuxuu soo gudbiyey in labada nin oo la kala oran jirey Dhalxa iyo Abuu Salama oo ilma Khuweylid ahaa ay ciddoodii iyo wixii kale oo raacayba ugu yeereen la dagaallanka Rasuulka SCW. Rasuulku SCW markii uu arrinkaa maqlay ayuu sidii caadadiisa ahaydba wuxuu diray ciidan gaaraya 150 nin, wuxuuna madax uga dhigey Abuu Salama. Waqtigaas wuxuu ahaa kowdii bishii Muxarram, sannadkii 4aad ee higriga.
    
     Abuu Salama iyo ciidankiisii markii ay tageen guryihii reer banuu Asad, oo ahaa qabiilkii duullaanka soo waday, ayaa qabiilkii Ilaahay wuxuu ku ridey rucbi iyo baqdin meeshiina way ka carareen. Muslimiintii waxa ay meeshaas ka soo kaxeysteen geel iyo ari ay qabiilkaasu lahaayeen, waxayna soo laabteen iyaga oo aan dagaal gelin soona qaniimeystey. Abuu Salama oo ciidanka watay, markuu Madiina ku soo laabtay, ayaa waxaa ku soo kacay nabar ku dhacay dagaalkii Uxud, muddo yar ka dibna waa uu shahiiday.
    
     2) DILITAANKII KHAALID BINU SUFYAAN AL-HUDALI
    
     Sidoo kale isla bishii Muxarram 5teedii ayaa waxaa Rasuulka SCW loo soo gudbiyey in ninkii la oran jirey Khaalid binu Sufyaan Al-hudali uu ciidan u ururinayo la dagaallanka muslimiinta, markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu direy Cabdullaahi binu Uneys si uu ninkaas uga soo takhalluso. Cabdullaahi wuxuu Madiina ka maqnaa 18 habeen, wuxuuna Madiina ku soo laabtay iyada oo ay 7 habeen ka dhiman tahay Muxarram isagoo soo diley Khaalid binu Sufyaan oo madaxiisii wada, wuxuuna madaxii dhigay Rasuulka SCW hortiisa. Rasuulku SCW arrinkaa wuu ku farxay, wuxuuna Cabdullaahi siiyey ul uu yiri “tani waa inoocalaamad aniga iyo adiga maalinka qiyaamaha”. Cabdullaahi ushii wuu hastay jirey ugu dambayntiina markii uu dhimanayey wuxuu dardaarmay in usha kafantiisa lala geliyo.

MURUGADII RAJIIC


Bishii Safar, isla sannadkii 4aad ee hijriga, ayaa waxaa Rasuulka SCW u yimid wafdi ka socda labadii qabiil ee la kala oran jirey Cadal iy Qaara, waxayna Rasuulka SCW u sheegeen in ay soo islaameen, ka dibna waxay codsadeen in uu ku daro rag diinta bara oo qur’aanka u akhriya. Waxaa markaa Rasuulku SCW ku daray 10 nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa, wuxuuna madax uga dhigay Caasim binu Thaabit. Markii ay is raaceen oo ay sii marayaan meesha la yiraahdo Rajiic, oo uu degganaa qabiilka reer Hudeyl, ayaa waxaa maqlay qabiil Hudeyl ka mida ahaa oo la oran jirey banuu Xayaan, markaas ayey 10kii nin oo asxaabta ahaa ka daba direen 100 nin. Dabadeedna way hareereeyeen, waxa ayna ku dheheen “ballan baan idinka qaadaynaa haddii aad is dhiibtaan in aannaan cid idinka dilin”, laakiin Caasim oo 10kaa madax u ahaa wuu diidey arrinkaas, wuuna dagaallamay isaga iyo raggiisii ilaa ay ka dhinteen 7 nin oo uu Caasim ku jiray. Mar labaad ayey 3dii nin oo soo hartay ku yiraahdeen “haddii aad is dhiibtaan waxa aannu idiin ballanqaadaynaa in aannaan hal nin idinka dilin”. Markii ay 3dii nin is-soo dhiibeen ayey ula soo baxeen xargo ay rabeen in ay ku xiraan, markaas ayaa nin 3dii ka mid ihi yiri “tani waa ballan jebintii ugu horreysey”, wuuna dagaallamay ilaa ay ka dileen. Labdii nin oo soo hartay, oo kala ahaa Khubeyb iyo Seyb binu Dathina, ayey qafaasheen, waxa ayna u geeyeen oo ka iibsadeen reer Makka.
    
     Labadan nin waxay ka mid ahaayeen asxaabtii dagaalkii Badar ka qayb gashay oo wax ka laayey madaxdii qureysh. Seyb binu Dathina waxaa gatay Safwaan binu Umaya oo uu aabihiis diley, Khubeybna wax xireen ka dibna waxay ay ku xikumeen dil. Waxay khubeyb ka soo bixiyeen xaramka iyaga oo u wada meesha la yiraahdo Tanciim oo ay rabeen in ay ku dilaan. Wuxuuna ku yiri “i daaya aan labo rakcadood tukadee”, way u oggolaadeen, markii uu labadii rakco tudadayna wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye haddii aydaan dhahayn wuu argagaxay waan badsan lahaa (salaadda)”, sidaa darteed Khubeyb waa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey in uu qofku labo rakcadood tukado marka la dilayo. Ka dibna Allaah ayuu baryey oo wuxuu yiri “Allahayow tiradooda koob una laa si kala taksan, axadna ha ka reebin”. Abuu Sufyaan ayaa markaa ku yiri “Ma ku farax gelineysaa in uu Maxammed nala joogo oo aan qoorta u dheereyno, adiguna aad reerkaagii la joogtid?”. Khubeyb wuxuu ku jawaabay “maya, Ilaah baan ku dhaartaye ima farax gelineysto in aan reerkaygii la joogo, Nabi Maxammedna SCW booskaan aan joogo uu joogo oo qodax dhibeysaa ay muddo”. Ka dib waxay Khubeyb dilkiisa u saareen Cuqba binu Xaarith, oo aabihiis uu Khubeyb Badar ku dilay.
    
     Khubeyb intii uu xirnaa waxaa la arkay isaga oo cunaya Canab aan markaa Makka oollin. Sidoo kale isaga oo xiran ayaa reerkii uu u xirnaa wiil kamid ah u keenay mindi, markaas ayaa reerkii ka naxeen arrintaas hase yeeshee Khubeyb waxba ma yeelin wiilkaas.
    
     Qureyshtu waxay cid u dirsadeen meeshii lagu laayey 8dii nin ee kale si qaby ka mid ah jirkii Caasim, hoggaamiyihii 10ka xaabi loogu keeno maxaa yeelay Caasim wuxuu maalinkii Badar diley rag badan oo odeyaashii qureysh ka tirsanaa. Allaah, oo had iyo jeer ah gargaaraha mu’miniinta, wuxuu meydkii Caasim u soo diray oo isku hareeraysay shinni aad u tiro badan. Markii ay ku dhici kari waayeen ayey ka tageen oo dheheen galabta aan u soo laabanno hase yeeshee intii ay maqnaayeen ayaa Alle u soo diray daruur roob ah oo daad ayaa qaaday meydkiisii, meel uu geeyeyna lama oga. Markii ay gaaladii galabtii u soo laabteena waxay yimaadeen meeshii oo aan waxba oollin sidaa awgeed shayna jirkiisii kama aysan helin. Caasim intii uu noolaa wuxuu Ilaahay kula ballamay in aan mushrik taaban jirkiisa isna uusan taaban.
    
     Cumar binu Khadhaab, oo arrintaas ka hadlaya, wuxuu yiri “Allaah addoonkiisa mu’minka ah wuu xifdiyaa markii uu dhinto sida uu markaa noolyahayba u xifdiyo”.

MURUGADII BI’RU MACUUN

Isla bishii Safar ee ay dhacday murugadii Rajiic, ayaa waxaa dhacday murugo kale oo ka daran, lana yiraahdo Bi’ru Macuun. Sababtuna waxa ay ahayd in nin la oran jiray Abuu Baraa’ (Caamir binu Maalik) uu Rasuulka SCW Madiina ugu yimid. Rasuulku SCW wuxuu yiri “Rasuulkii Allow haddii aad asxaabtaada u dirtid reer Najdi si ay diintaada ugu yeeraan waxaan rajaynayaa in ay yeeli lahaayeen”. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri “asxaabtayda waan uga baqayaa reer Najdi”, Abaa Baraa’ ayaa yiri “aniga ayaa badbaadinaya”. Waxa uu markaa Rasuulku SCW ku daray 70 nin oo ka mid ahaa raggii ugu wanaagsanaa qur’aanka, uguna badiyey asxaabta, wuxuuna madax uga dhigay Mundir binu Camar oo lagu naaneysi jirey (kii isu xoreeyey dhimashada). Raggani waxa ay ahaayeen kuwo aad u qiimo badan, habeenkii oo dhan waxa ay u soo jeedi jireen qur’aan akhris iyo salaatu-leyl, maalintiina inta ay soo xamaalaan ayey cunto u soo gadi jireen dadkii asxaabta ahaa oo aan waxba haysan.
    
     Abuu Mundir iyo asxaabtii uu hoggaaminayey waxa ay Madiina ka baxeen iyaga oo ducaad ah oo Ilaahay iyo Rasuulkiisu SCW ay u doorteen dacwadaas islaamka. Raggaas oo uu la socdo ninkii ahaa Abuu Baraa’ waxaqy degeen meesha la yiraahdo Bi’ru Macuuna, oo u dhexeysey labadii qabiil ee reer banuu Caamir (qabiilkii Abuu Baraa’) iyo reer banuu Suleym. Ka dib waxa ay direen Xaraam binu Malxaan, oo ahaa Ummu Suleym walaalkeed, waxayna u dhiibeen waraaq uu Rasuulku SCW u soo direy cadowgii Alle ee Caamir binu Dhufeyl oo ka mid ahaa odeyaashii reer banii Caamir. Cadowgaas Alle markii ay warqaddii Rasuulku SCW u tagtay ma uusan fiirin ee wuxuu amray in la dilo ninkii waday, Xaraam binu Malxaan. Waran ayey ku dhufteen, hase yeeshee markii uu arkay nabarkii iyo dhiiggii ayuu yiri “Allaahu Akbar, waan liibaanay kacbada Rabbigeeda ayaan kudhaartaye”. Ka dib Cadowgii Alle ee Caamir ahaa wuxuu reer banuu Caamir ka dalbay in ay soo laayaan inta ka hadhay raggii Abuu Mundir la socday hase yeeshee reer banuu Caamir wey diideen amarkaas iyagoo tixgelinaya magangelyadii Abaa Baraa’. Wuxuu markaa Caamir u qeylo dhaansaday reer banuu Suleym, waxaana amarkiisii yeelay oo soo raacay qabiilooyin ka mid ah banii Suleym oo kala ahaa Rucul, Dakwaan, Lixaan iyo Cisiya.
    
     Waxay qabiilooyinkaasi ku duuleen oo hareereeyeen asxaabtii Rasuulka SCW. Asxaabtu way dagaallameen ilaa laga diley 67 nin. Saddexda nin oo soo hartay waxay kala ahaayeen: Kacab binu Seyd binu Najaar oo labo meyd ku kala dhex jirey, ayna meyd ahaan uga tageen hase yeeshee noolaa. Wuxuuna ku dhintay dagalkii Axsaab iyo Caamir binu Umaya iyo Mundir binu Cuqba oo iyagu ka maqnaa goobta. Markii ay meeshii u soo dhowaayeen ayey arkeen haadda ku degtey meeshii ay ragga ku ogaayeen, markii ay goobtii soo gaareenna Mundir wuu dagaallamay ilaa laga diley, Carna way qafaashen. Cadowgii Alle ee Caamir markii uu ogaaday in uu Camar ka dhashay reer banii Mundir ayuu foodda intuu ka gooyey ku yiri �����waxaan kuu xoreeyey qoor ay hooyaday xoreyn lahayd” ka dibna wuu sii daayey.
    
     Camar markii la soo daayey wuxuu soo aaday Madiina, markuu jidka dhexe sii marayo ayuu geed hoos degay, ka dibna waxaa u yimid oo geedkii la degay labo nin oo reer banii Kulaba ah. Muslimiinta iyo reer banii Kulaaba waxaa ka dhexeeyey heshiis. Camar wuxuu u maleeyey in qabiilka labadaas nin uu ka mid ahaa qabiilladii asxabta wax ka laayey. Camar, oo aan heshiiska Rasuulka SCW iyo reer banuu Kilaaba ogeyn, ayaa labadii nin markii ay seexdeen diley. Ka dib Camar wuxuu u tegey Rasuulkii SCW isaga oo wada warkii murugada lahaa iyo ki labadii nin ee uu soo dileyba. Rasuulku SCW wuxuu markaas yiri “waxa aad dishay labo nin oo aan magtooda bixinayo”, dabadeedna wuxuu Rasuulku SCW guda galay in uu magtii ka soo ururinayo muslimiinta.
    
     Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa waxaa aad u xanuujisay una murugo gelisay dhacdadan Bi’ru Macaana isku mar ayuu Rasuulka SCW u yimid. Murugadani waxay ka weyned tii Uxud maxaa yeelay Uxud dagaal ayaa lagu talo galay, kuwaanse waxay ahaayeen khiyaamooyin iyo makri ay cadowyada Ilaahay u sameeyeen asxaabtii Rasuulka SCW. Wuxuu Rasuulku SCW muddo bil ah habaarayey qabiilladii ku kacay falkaas foosha xun. Bukhaari wuxuu ka weriyey Anas binu Maalik in uu yiri “Rasuulku SCW wuxuu soddon subax ku habaarayey kuwii asxaabtiisa Bi’ru Macuuna ku laayey Salaadda Fajar dhexdeeda. Wuxuu habaarayey Rucul, Dakwaan, Lixaan iyo Cisiya isaga oo leh “Cisiya Ilaah iyo Rasuulkiisa ayey caasiday”. Ilaahay wuxuu Rasuulkiisa SCW ku soo dejiyey qur’aan aan akhrinnay haddana la nasakhay. Qur’aankaas wuxuu micnihiisu ahaa (Allahayow gaarsii dadkayagii in aan la kulannay Rabbigayo oo uu naga raalli noqday annaguna aan ka ralli noqonnay), markaas ayaa Rasuulku SCW iska daayey Qanuuddii uu salaadda subax oran jirey”. Sidaa darteed markii ay muslimiinta ku timaaddo musiibo waa shey wanaagsan in mar mar la qanuudo, laakiin wax daliil ah islaamka kama haysato in salaadda subax lagu gaaryeelo ama caado looga dhigo salaadda subax. Arrinkaas ah in salaadda subax la qanuudo ma aysan samayn Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa iyo dadkii wanwanaagsanaa (Salafu Saalix) ee waddadii Rasuulka SCW qaaday.
 

DUULLAANKII YAHUUDDII REER BANUU NADIIR

Sida aan soo marnayba yahuuddii Madiina deggenayd waxa ay islaamka iyo muslimiinta u hayeen cadaawad iyo xumaan, wax ay ula hareeenna ma jirin, in aysan dagaal caddaan ah ugu soo bixin mslulimiinta maahane, taasna waxaa u diidey markii ay arkeen wixii ku dhacay yahuuddii reer bani Qaynuqaac oo Madiina laga raray iyo dilitaankii cadowgii Alle Kacab binu Ashraf. Arrimahaasina waxay sababeen in yahuuddu qalaanqalkii iyo rabshadihii xoogaa joojiso, hase yeeshee markii dagaalkii Uxud dhacay, oo muslimintii xoogaa dhaawac soo gaaray ayey ku noqdeen sidoodii hore, waxayna muujisteen xumaan iyo cadaawad iyaga oo hoos kala xiriiraya qureyshtii Makka iyo munaafaqiintii muslimiinta ku dhex jirtey.
    
     Rasuulku SCW intaas oo dhan yahuudda wuu u sabrayey maxaa yeelay heshiiskiii ay lahaayeen ayuu ilaalinayey, dagaallana way ku furnaayeen, dhaawacna wuxuu soo gaaray ciidankii muslimiinta oo dhowr bilood gudohood ayaa waxaa shahiidey 150 asxaabtii Rasuulka SCW ka mid ah. Yahuudna arrintani waxa ay u siyaadisey qooq iyo xadgudub ilaa ay go’aansadeen in ay Rasuulka SCW dilaan, sababtuna waxa ay ahayd: Rasuulka SCW ayaa kaxeystay koox asxaabtiisa ka mid ah oo u tegey reer banii Nadiir, wuxuuna kala hadlay in ay la bixiyaan magtii labadii nin ee Camar binu Umaya diley, maxaa yeelay heshiiskii u dhexeeyey ayaa sidaas farayey. Markaas ayey dheheen “waan kuu yeelaynaa Abal-Qaasim halkaan noo fariiso inta aannu dantaada kaaga fulineyno”. Rasuulku SCW wuxuu fariistay meeshii ay u tilmaameen oo ahayd derbi guryahooda ka mid ah dhiniciis, isaga oo sugayo in ay u fuliyaan ballantaas.
    
     Yahuuddii sheydaan ayaa xumaan u qurxiyey, waxayna qaateen shir ay uga hadlayaan sidii ay ku dili lahaayeen Rasuulka SCW waxayna ugu dambayntii isku raaceen in ay dilaan Rasuulka SCW maaddaama uu maanta u soo gacan galay. Haddaba yahuudda oo lagu yaqaanno in aysan si toos ah wax u dilin ee shirqool iyo dhuumasho wax ku dilaan waxa ay isku raaceen in derbiga gadaashisa inta la istaago dhagax weyn madaxa looga tuuro Nabiga SCW, markii uu dhintana ay dhaheen “dhagax ayaa ku soo dhacay oo annagu ma aannaan dilin”. Waxaa markaa hadlay koodii ugu caqliga badnaa oo la oran jirey Salaam binu Mashkam oo yiri “arrintaas ha sameynina, Ilaah baan ku dhaartaye waa loo khabrayaa (Rusuulka SCW) waxa aad damacdeen, ballantii naga dhexeysana way bureysaa”, hase yeeshee fikraddaas dheg jalaq uma aysan siin, waxayna dhehee “yaa hawshan fulinaya?”, waxaa markaa yiri “aniga” koodii ugu shar badnaa oo la oran jirey Camar binu Jaxash. Rasuulka SCW waxaa u yimid Malaku Jibriil oo u sheegay waxa ay go’aansadeen, markaas ayuu iska tegey oo aaday dhinicii Masaajidka. Rasuulku SCW wuxuu markaa yahuuddii reer banii Nadiir u soo direy Maxammed binu Maslama wuxuuna ku soo yiri “ku dheh ka guura Madiina ila degganaan maysaane, waxaanna idiin qabtay 10 beri, ka dibna qofka aan ku arko oo idinka ah qoorta ayaan u dheereynayaa”. Yahuuddii amarkii Rasuulka SCW wey diideen, wayna iska sii deggenaayeen magaalada. Munaafaqii weynaa ee Cabdullaahi binu Ubayna wuu sii dhiirrigeliyey oo hoosta ayuu kala xiriirey wuxuuna ku yiri “jooga oo ha bixina, guryihiinnana yaan la idinka saarin, aniguna waxaan hastaa 2000 nin oo dhufeyskiina idinla gelaysa idinlana dhimanaysa”. Allaahna SW haddalkaas munaafaqa isaga oo tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((MA OGTAHAY IN KUWII MUNAAFIQIINTA AHAA KU LEEYIHIIN WALAALAHOODII GAALOOBAY (YAHUUDA) OO EHELU KITAABKA KA MID AHAA HADDII LA IDIN BIXIYO WAA IDIINLA BAXAYNAA, QOFNA IDIIN ADEECI MAYNO WELIGEED, HADDII LA IDINLA DAGAALAMANA WAAN IDIN GAR GAARAYNAA. ALLASE WAA OG YAHAY IN AY (MUNAAFIQIINTU), HADDII LALA DAGAALAMANA UMA AY GAR GAARAYAAN, HADDII AY ISKU DAYAAN IN AY U GAR GAARAANA DABADAY JEEDIN KA DIBNA LOOMA GAR GAARO)), (Suuratul-Xashir 11-12).
    
     Yahuuddii markii ay hadalladaas munaafiqiinta maqleen ayey ku kadsoomeen, wuxuuna ninkii madaxda u ahaa oo la oran jirey Xuyey binu Akhdhab farriin u soo direy Rasuulka SCW uu ku leeyahay “ka bixi mayno guryahayga ee waxaad doonto samee”. Rasuulka SCW markii uu warkaasi soo gaaray ayuu takbiirsaday, asxaabtiisiina way takbiirsadeen, ciidankiisiina wuu soo kexeeyey, calankii muslimiintana wuxuu u dhiibey Cali binu Abii-dhaalib. Madiinana wuxuu uga so tegey Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum. Yahuuddii markii ay Rasuulka SCW iyo ciidammadiisii arkeen ayey dhufeysyadoodii galeen. Rasuulkuna SCW waa dul degey oo hareereeyey, wuxuuna amray in beerahooda la gooyo oo la gubo si aysan ugu dhuuman una biilanin. Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:
    
     ((WIXII AAD GOYSAAN OO GEED AH (OO CADAWGU LEEYAHAY) AMA AAD KA TAKTAAN IYADOO KU TAAGAN SALKEEDA WAA IDANKA ALLE IYO IN UU HOOJIYO FAASIQIINTA)), (Suuratul-Xashir 5).
    
     Munaafaqiintii muslimiinta ku dhex jirtey oo awal ballan qaaday in ay yahuud dhufeyska la geli doonaan una gargaari doonaan, far ma aysan dhaqaajin. Sidoo kale yahuuddii reer banii Qureyda oo Madiina wax ka degganayd iyo qabiilooyinkii reer qadafaan oo ay xulafada ahaayeen midna uma soo dhaqaaqin oo uma soo gurman. Rasuulku SCW wuxuu ku hareereysnaa 6 beri waxaa kaloo la dhahaa 15 maalmood. Waxaana Ilaahay yahuud quluubtoodii ku ridey rucbi iyo argagax, wayna is dhiibeen, hubkiina way dhegeen, waxayna u soo cid direen Rasuulka SCW iyaga oo leh “Madiina waan kaaga guureynaa”. Rasuulkuna SCW wuu ka aqbalay laakiin wuxuu yiri “waxaad la bixi kartaan naftiina iyo ratigu wuxuu idiin qaado oo aan hubku ku jirin”. Ka dib sidii ayey yeeleen oo hubkii ayey dhigeen, guryihiina wixii ay sii kharaabin kareen way sii kharaabiyeen. Allaahna isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri:
    
     ((ALLE WAA KAN KA BIXIYAY KUWII GAALOOBAY EE EHELU KITAABKA KA MIDKA AHAA GURYAHOODII KULMINTII HORABA, MA IDINNAAN MALAYNAYN IN AY BAXAYAAN, IYANA WAXAY MALEEYEEN IN DHUFAYSYADOODA ALLE KA CELINAYAN, ALLASE WAXA UU UGA YIMID MEE3L AYSAN FILAYN, WAXA UUNA QULUUBTOODA KU TUURAY ARGAGAX, WAXAY GURYAHOODII KU KHARAABIYEEN GACMAHOODA IYO GACMAHA MU’MINIINTA, KU CIBRO QAATA DADKA ARAGTIDA LAHOW (WAXA KU DHACAY DADKII ILAAHAY DIINTIISA LA COLAYTAMAY), HADDUU ALLE KU XUKUMIN IN AY BAXAAN WAXA UU CADAABI LAHAA ADDUUNKA, AAKHIRANA WAXA AY LEEYIHIIN CADAAB DARAN, MAXAA YEELAY WAXA AY LA DHINAC TAMEEN ALLE IYO RASUULKIISA SCW, QOFKII ALLE LA DHINAC TAMANA, ALLE CIQAABTIISU WAA DARAN YAHAY)), (Suuratyl-Xashar 2-4).
    
     Waxa ay rarteen 600 oo rati, in badan oo iyaga ka mid ahaa oo ay ku jireen odeyaashoodii waxa ay u guureen Khaybar, qaarkii kalena waxa ay u guureen dhinaca Shaam. Waxaa dadkaas ka islaamay laba nin oo keliya, waxayna kala ahaayeen Yamin binu Camar iyo Abuu Sacad binu Wahab. Labadaa nin xoolohoodii waa loo celiyey.
    
     Waxaa Rasuulku SCW la wareegay guryahoodii, dhulkoodi, beerahoodii, maalkoodii iyo hubkoodii. Qaniimadaas laga helay reer banii Nadiir waxay khaas ku ahayd Rasuulka SCW in uu sidii uu doono yeelo, khumusna lagama bixin, ciidankiina looma qaybin, maxaa yeelay dagaal laguma soo qabsan. Allaahna wuxuu arrintaa ku magacaabay “Fey” (Feygu waa xolaha cadawga laga furto iyada oo aan dagaal dhicin). Rasuulku SCW wuxuu qaniimadaas u qaybiyey Muhaajiriin keliya, Ansaarna wuxuu ka siiyey labo nin oo keliya, labaad oo ceyr ahaa, kalana ahaa Abuu Dujaana iyo Sahal binu Xuneyf. Waxaa kale oo Rasuulku SCW ka nafaqeeyey xaasaskiisa oo sannad biilkood ugu dhigay, xoolaha intoodii kalena wuxuu Rasuulku SCW geliyey hub iyo wixii loogu diyaar garoobi lahaa jihaadka jidka Allaah.
    
     Duullaankaas reer banii Nadiir wuxuu dhacay bishii Rabbiicul Awal, sannadkii 4aad ee hijriga, waxaana Ilaahay duullaankaas ugu warramay Suuratul-Xashar, wuxuuna Allaah suuraddaas ku sifeeyey yahuuddii reer banii Nadiir iyo munaafiqiintii muslimiinta ku dhex jirteyba, wuxuuna Cabdullaahi ibnu Cabbas dhihi jirey suuraddaan “Suuradu-Nadiir”. Waxaa kale oo Allaah uu suuraddaas ku caddeeyey axkaamta Feyga iyo cidda la siinayo, wuxuuna ku ammaanay Muhaajiriin iyo Ansaar, wuxuuna caddeeyey in ay bannaan tahay in la gooyo oo la gubo dhulka cadowga Alle, haddii maslaxad dagaal ay keento, oo aysan arrintaasi ahayn israaf iyo xadgudub. Aakhirka Suuradda wxuu Allaah ugu dardaarmay in ay xojiyaan Taqwada Allaah una diyaar garoobaan Aakhiro.

DULLAANKII NAJDI

Ka dib markii Alle u gargaaray Rasuulkiisii SCW uuna hoojiyey acdaa’dii Ilaah ee reer banii Nadiir ayaa wardoonkii soo gudbiyeen in qabiilooyin reer baadiye ah oo ka mid ahaa reer Qadafaan, lana kala oran jirey Banii Xaarith iyo banii Thaclaba ay isku urursanayaan si ay Madiina ugu soo duullaan. Markaas ayaa Rasuulka S.C.W ciidankii kaxaystay uguna teteg meeshii ay degganaayeen hase yeeshee acdaa’dii Ilaahay markii ay maqleen ciidammadii Alle ayey buuraha iyo kaymaha kala galeen, waxaana Alle ku riday baqdin iyo argagax, ka dibna ciidankii musimiiintu waxa uu ku soo laabtay Madiina isaga oo aan wax dagaal ah la soo kulmin, wuxuna dhacay duullaankani bishii Rabbiicul-Aakhir ama bishii Jamaadul-Uulaa midkood.

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:39