Home Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Ramadaan

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Waajibka Soonka
Fadliga Salaadaha
Fadliga Cadayashada
Fadliga Suxuurta
Afur Dedejinta
Salaada Taraawiixda
Qofka Sooman haysdhowro
Arrimo Soonka kusaabsan
Afurinta Dadka
Ictikaafka Ramadaan
Soonka Axkaamtiisa

SU'AALAHA SOOMKA LAXIDHIIDHA IYO JAWAABAHOODA OO QORAALA

Muxaadarooyinka Soonka SH. DIRIR IYO SH.UMAL

 رمــضـــان الكريـــم

Kitaabka Soonka, Taraawiixda, Zakada  (Flash)  
Waxyaabaha Soonka Buriya Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir
Axkaamta Soonka Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir
Axkamta Soonka Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir
Axkaamta Soonka Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir
Sideebaan Bisha Rammadaan u Qaabilna Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir
Soonka 1 Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir
Soonka 2 Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir
Ramadaanka iyo Axkaamtiisa Sh. Maxamed Umal
Ramadaanka iyo Axkaamtiisa2 Sh. Maxamed Umal
Zakada Fidriga Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir
kalmada Taraawixda Dhexdeeda1 Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir
Siyaasadda iyo Islaamka Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir
Kalmada Taraawixda Dhexdeeda3 Sh. Muxamed Sh.Cumar Dirir

 

SU'AALAHA SOOMKA LAXIDHIIDHA IYO JAWAABAHOODA OO QORAALA

Waxaanu idinka soo diyaarinay jawaabihii uu Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ka bixiyay Su’aalihii dadweynuhu sida isdaba jooga ah u soo waydiiyeen.

SOOMKA
 

1.S. Bisha ramadaan hadii qeybi iga tagtay oo ay bishii kale iga soo gaadho, ma soomi karayaa bishii dambe soonkeedii caadiga ahaa anigoon tii hore qaleyn?
 

J. Bisha ramadaan qalaheeda iyo adaheeda farqi baa u dhaxeeya marka la leeyahay al-adaa waa soomka la soomayo markaa ee waqtigiisu joogo, sida kan iminka aanu ku jirno oo kale, qaduhuna waa mid waqtigiisu uu tegay oo la soo qaleynayo labadaa mustalax bay kala leeyihiin oo la isticmaalaa.

 Hadaba qaduhu wuxuu kaga duwan yahay adaha (ka imika la gudanayo) sida kan iminka la soomayo qalaha ahi wuxuu kaga duwanyahay waajib ma aha in la is raaciyo qalihii iminka ramadaantan aynu ku jirno israac baa waajib ah macnaha in laysku xidhiidhiyaa waajib bay tahay oo khiyaar uma lihid bisha ramadaan maalmana cudur-daar la’aan inaad iska cunto maalmana aad iska soonto, laakiin waajib bay tahay bishu sida ay u dhan tahay inaad wada soonto oo aad isku xidhiidhiso, laakiin qalaha markuu illaahay ka hadlayey wuxuu yidhi: “Qofka haduu buko ama uu musaafir yahay - cudur-daar buu leeyahay, - waxaana laga doonayaa intii maalmood ee ka tagtay in le’eg inuu soo qaleeyo” (Al-Baqra No.184) inay isku xidhiidhsamaan waxba waajib ma aha, sidoo kale deg-deg inuu u soo qaleeyana waajib ma aha.

Waxaa inoo daliil ah Caa’isha oo xaaskii nabiga ah waxa ay tidhi “Waxa iga tagi jiray bishii ramadaan maalmaha qaarkood” (waxa weriyay abu Daa’uud No.2399 Bukhaari No.1950 Muslim No.1146, Tirmidi No.783, Axmed No.6/131, Nasaa’i, Ibnu Maajah No.1669) markaa ilaa ay shacbaanta kale soo galeyso ayaan dib dhigi jiray qalahaa” markaa cudur-daar u haysato sida marka aanay daahir ahayn oo kale, sidaa daraadeed hadii dib udhacan laftiisu ahaa cudur-daar oo uu sidaa darteed u dib dhigay oo bishii ramadaan ee kalena ay soo gashay, ramadaantaas un buu soomayaa qalihiina wuu ka sii dambeysiinayaa oo qadaagii koley kama dhacayo, laakiin jawaabtu macnaheedu waxa weeyaan way soomi kareysaa bishan iminka ramadaantii kal hore wixii ka tegayna markay tan dhamaysataa bay qaleyneysaa.
Allaahu aclam.
 

2.S. Qof ayaa soomay lixdii cisho ee shuwaalka isagoo ramadaantii lagaga lahaa qalle haddaba shuwaalkaa uu soomay ma ka gudayaa (ridayaa) qalihii ramadaanta lagaga lahaa?


J. Bisha ramadaan waa waajib arkaanu islaamkiina waa ka mid markaa qofkii haddii ay u suurtoobi waydo inuu soomo isagoo cudur-daar haysta wuu soo qalaynayaa, qaluhu niyo gaar ah ayuu leeyahay sunuhuna niyo gaar ah, oo iyadoo kolayba amaantiisa uu leeyahay maalmahan shawaalka oo la soomo, nabiguna uu lahaa xadiis saxeex ah “qofka soddonka ramadaan sooma lix maalmood oo bisha shuwaal ka mid ahna raaciya wuxuu ka dhigan yahay isaga oo sannad dhan soomay” (Abu Daa’uud No.2423, Muslim No.1164, Tirmidi No.759, Ibnu Maajah No.1716 iyo Axmed) maxaa yeelay lix iyo soddon cisho ayuu soomay cisho waliba waxay ka dhigan tahay isagoo toban cisho soomay marka toban lagu dhufto lix iyo soddon waxay noqonaysaa 360 maalmood markaa sanadkii oo dhan isaga oo soomay ayuu ka dhigan yahay, haddaba soonkaa bisha shuwaal isagoo uu yahay mid amaan badan haddana qadaagii bisha ramadaan kama gudayo (kama ridayo), markaa soonkaa sunaha ahna waa inuu sidiisa u soomaa ramadaantiina waa inuu qaleeyaa intii maalmood ee lagu lahaa oo sunaha iyo faralku waa kala xukun isku miisaan iyo ajarna maaha waxaa ka miisaan culus faradkii isagaana ka ajri badan hadduu qofku faradka ka tagana ciqaab ayuu ku mutaysanayaa laakiin sunaha ciqaab kuma mutaysanayo, markaa kama gudayo shuwaalku qalaha ramadaanta markaa waa inuu midba sidiisa u soomaa.
Alaahu aclam.

3.S. Muddo dheer ayaa soon la igu lahaa soonkaasi oo igu soo beegmi jiray aniga oo uur leh ama ilmo jaqsiinaya, waxa jirta oo kale inaan leeyahay gaastrik markaana uu caafimaadkaygii wax yeelayo haddaba arrintaasi werwer bay igu haysaaye maxay jawaabtu noqonaysaa soonkaa mudada dheer la igu lahaa?


J. Soonku waxa uu ka mid yahay cibaadaadka ilaahay inagu addoonsaday sida salaada oo kale, cibaadadana marka uu qofku kari waayo waxa uu ilaahay siiyay ruqso, marka hore camalkani waa shay la amray oo la go’aamiyay, marka ay ku adkaatana qofkii ilaahay ruqsad buu siiyay ilaahayna wuxuu yidhi “Ilaahay korkiina ma yeelin wax culays ah diinta dhexdeeda”, waxay kaga duwan tahay wax cidhiidhi ah oo dhexdeeda la yeelay baan jirin”. (Suuratu Xaj No.78,) Nabiguna (csw) waxa uu yidhi “waxa ilaahay igu soo diray diin dabacsan oo wixii wanaagsan oo dhan u soo leexanaysa”, (Axmed No.5/266, Dabraani No.7868 waxa sixiixiyay Albaani kitaabkiisa silsilada axaadiista saxeexa ah No.2924) qawaacida islaamku leeyahay ee caamka ah waxa ka mid ah marka mashaqo timaado fudayd bay keentaa markaa qofkii mashaqo ku timaado ilaahay wuu u fudaydiyaa, haddaba ruuxa dumarka ahi marka ay jaqsiinayso ama ay uurka leedahay culimadu waxa ay isku waafaqsan yihiin inay iska afurayso, laba arrimood mid baa imanayoo ama ubadkii u baqdo ama nafteeda u baqdo, haddii labadaa midi timaadoo mashaqo soo gaadhayso ilmihii ama iyadii mashaqo soo gaadhayso way iska afuraysaa oo markaa way iska cunaysaa ramadaantii, waxaanay haysataa ruqsad, haddaba kolka ay ramadaantii dhamaato ee ay wakhti hesho inay soo qalayso weeye markaa, culimada qaarkood waxay sheegaan inay fidyo ku darayso, laakiin qawlka ugu raajixsani waxa weeyaan marka ay haleesho ee ay awoodo inay soo qalayso, xataa haddii laba ramadaan is gaadhaan. Haddaba haddii xanuun kale uu jiro matalan haddii tiibii ku timaado ama xiiqi, gaastari dhakhtarkiina u sheego oo uu yidhaa xanuunkii wuu kugu kordhayaa haddii aad soonto, marka uu soomana xanuunkii sii kordhayo sida gaastariga oo kale, markaa waxa imanaysa runtii inuu bixiyo fidyo, waa haddii xanuunkaa ay mashaqo ka soo gaadhayso. Qofku wuu is tijaabinayaa inta uu karayo wuu soomayaa, laakiin marka uu iska soo taago xanuun kasta ha ahaadee, xanuunkiina in uu ka bogsado aan la rajaynayn markaa wuu iska afurayaa oo fidyo ayuu bixinayaa, fidyadaas oo maaalintiiba noqonaysa nus-kiile, markaa ugu horayn waa in qalaha laga quustaa, mararka qaar waxa dhacda in qofka oo qalaha karaya in uu wahsi iska yimaado markaana la yidhaahdo raashinka uun aan iska bixino.
Alaahu aclam.

4. S. Haddii aan bukay bishii ramadaan ee ina dhaaftay oo aan gudan kari waayay xanuun awgii, bishii kalena ay soo dhowdahay haddaba dawooyin baan isticmaalayay intii u dhaxaysay labadaa bilood arrintaasi diinteenu maxay ka qabtaa?


J. Qofku marka uu buko ilaahay baa u fududeeyay “qofka socdaal ah ama buka bisha ramadaan ha iska afuro oo maalmo kale ha qaleeyo” (Al-Baqra No.184) ayuu ilaahay yidhi haddaba haddii ay dhacdo in markuu is idhaahdo soo qalee uu xanuunkii qabanayo, bishii dambena xanuunkii qabanyo waxaa lagu tilmaamayaa inuu yahay ‘xanuun aan la rajaynayn inuu qofkani ka bogsado’ ha ahaado alsar, ama xiiq ama tiibii iyo waxyaabihii qofka ku keenayay inaanu bogsan ee uu ka sii darayo kolka xaaladu caynkaa tahay inuu raashin bixinayo ayay tilmaamaan fuqahadu waayo qofku wuxuu la mid noqonayaa kii gaboobay ee da’da ahaa oo raashin buu bixinayaa laakiin bal horta ha hubiyo mar walba oo soonkii ha isku dayo inuu karayo iyo in kale.
Alaahu aclam.

5. S. Waxaan leeyahay xanuunka la yidhaahdo xiiqda markaasi waxaan isticmaalaa daawada xiiqda ee naqaska, markaa aniga oo sooman haddii aan isticmaalo daawadaasi oo aan ka maarmi waayo miyuu markaa soonkaygii iga jabayaa mise wuu ii xidhan yahay oo siduu ahaa ayuu iigu fulayaa?


J. Soonka waxa jabiya waxa qofka afka iyo meelaha daloola ka gala wax la cuno iyo wax la cabo iyo wax ku milma afkaba daawada culimada islaamka ee mucaasiriinta ahi way ka waramaan waa duwadan la isku buufiyo ee qofka naqaska ka sii daysa way jiraan qaar fityooda inaanay jabinayn qaarkoodna way jabinaysaa bay yidhaahdaan kolayba ma laha wax hagaagsan oo la liqi karo laakiin waa naqas ama hawo uu qofkii qaadanayo markaa kol haddii la isku khilaafo oo lagu murmo waxay ka mid tahay waxyaalaha mutashaabihaadka ah ee markaa nabiguna uu lahaa, sidaa darteed qofkii hadduu xanuusanayo oo uu soonkii xajin karana dee ha iska xamilo haddii kalena ruqsada ilaahay ha ka faa’iidaysto oo ha iska cuno oo markaa ha soo qaleeyo wakhtiga uu ladnaado.
Alaahu aclam.

6. S. Waxaan maqlaa inay dadku yidhaahdaan hadii had iyo goorba saddexda cisho ee ugu dambeeya caadada hadii la soomo in markaasi qofku jidka siraad uu si dhib yar ku marayo oo ka badbaadayo, arrintaasi diinta islaamku maxay ka qabtaa?


J. Sunihii nabigey ka mid ahayd inuu soomo ayaamaha cad-cad maalmahaa cad-cadina waa saddexda cishee iftiinka dayaxu ugu roonyahay, waa saddex iyo toban, afar iyo Toban iyo shan iyo toban, markaa saddexdaa cisho soomkoodu waxa uu ka dhigan yahay inuu bishii oo dhan soomay oo kale waayo qofku waxaa loogu dhuftaa xasanaadka uu sameeyaba toban, markaa saddexdii cisho min toban bay ka dhiganyihiin, marka uu qofku bil walba saddex cisho ka sooma wuxuu ka dhiganyahay boqol soon oo kale, laakiin xadiisku kuma darin in jidka siraad lagu dhaafayo sida aad u sheegtay, marleybase camalka saalixa ah qofka ku dadaala illaahay baa u saqiraya jidka siraad ama soon ha ahaado wuxuu ku dadaalayaa ama salaad iyo cibaado, markaa caam ahaanba cibaadadu way fududeysaa ciqaabka alle oo allaa kaga nabad geliya adoonka soonkuna waxyaabaha ugu qiimo badan ayuun buu ka mid yahay
Allaahu aclam.

7. S. Bisha ramadaan inta aan la gaadhin wakhtiga suxuurta waxaanu ku soo jeednaa inaanu ciyaarno dubnad, laadhuu ama filim aanu wakhtiga isku dhaafino si aanan u luloon markaa wax dhibaato ahi ma ku jiraan?


J. Waxa aad u fiican walaalayaal inaynu isla fahano qiimaha uu wakhtigu leeyahay, wakhtigu qiimaha uu leeyahay aad iyo aad buu u heer sareeyaa waxaaba daliil kuugu ah maalinta qiyaamaha marka qofku xabaasha uu ka soo baxo afarta su’aalood ee la waydiinayo ee ugu horeeya ayuu ka mid yahay wakhtigu: jidh qaaliya buu ilaahay qofka siiyay iyo dhalinyaranimo, waxa la siiyay cimri, maalkiisii halka uu ka soo kasbaday iyo halka uu ku bixiyay iyo wakhtigiisii halka uu ku dhameeyay qofku waa la su’aalayaa, sidaa darteed baa asxaabtii iyo taabiciyiintii hore inyar oo wakhti ahi dhulka ugamay dhici jirin, nabigu wakhtigiisa waxa uu u qaybinayay saaca wa saaca, waa inuu saacad saacad wakhtigii noqdaa oo uu qofku yeeshaa jadwal camali ah oo uu ku hawl galo: saacad uu shaqaysanayo, saacad uu ilaahay caabudayo, saacad uu wax baranayo, saacad uu dadka buka soo booqanayo, saacad uu xaaska iyo carruurta raali galinayo wakhtigii waa inuu sidaa u qaybsanaadaa.

Waxaynu odhan karnaa maanta waxa wakhtiga aad u fahmay dadka gaalada ah wakhtiga u sameeyeen saacad wareegaysa way ka sii yareeyeen oo daqiiqad bay u sameeyeen way ka sii yareeyeen oo il-bidhiqsi bay u sameeyeen, waa laga yaabaa qofka haddii aad tidhaa lacag I sii inuu ku siin karo, laakiin wakhtiga uu ku yidhaa wakhti kuuma hayo heerkaasuu caalamku marayaa maanta, inagana waxa dhacda dubnad in la ciyaaro, qayilaad la soo fadhiisto oo wakhtiga la isku dhaafiyo muran iyo kaftan bilaa macne ah ayaa dhacda, oo aynaan uga faa’iidaysan camal adduunyo iyo mid aakhiro toona, waxaan ku soo dhawaanayaa su’aasha. Bishan Ramadaan waa fursad qaali ah matalan ganacsiga waxa loo eegaa wakhtiyo marka ay ascaartu qaaliga tahay ee ay baxayso waa loo wada gucleeyaa oo nin waliba waxa uu yidhaahdaa alaabta ayaan ka soo gaadhsiinayaa ciida waa inta kaliya ee ay soconayso. Camalkaagana intaad ka gaadhsiinaysaa waa taa, haddaba waxaad ku buuxisaa arrimo dhowr ah 1) wakhti aad soo shaqaysanayso iyo 2) wakhti aad naftii u raaxaynayso oo aad yara jiifsanayso, iyo adigoo waxbaranaya iyo adigoo cibaadaysanaya, quraan akhrinaya intaa ha kugu dhaafo. Sidaa darteed matalan qofku marka uu salaada taraawiixda soo tukado nabigu waxa uu lahaa “Qofka bisha Ramadaan sooma waxa laga dhaafayaa dambigii hore oo dhan” (Bukhaari kitaabka soonka No.38 ama 1901 iyo Muslim No.1219) markaad cashaa’igii iyo taraawiixdii soo tukato eed cashayso dee waabad seexanaysaa kolkaa si aad habeenkii salaada Tahajutka iyo suxuurtaba ugu kici karto, ha la iska daayo odhaahda soomaaliyeed ee odhanaysa ‘shan iyo tobanka hore ee bishana suxuurta waa la qadimaa oo laba iyo tobanada ayaa la suxuurtaa shan iyo tobanka dambena waagaa la iska ilaaliyaa taasi waa maah-maah jeebkeena ah, laakiin suxuurta mar walba xagga waaga ayaa lagu dhawaynayaa iyo salaada subax, markaa qofku ha iska seexdo bacda cashaa’igii kadibna suxuurta ha u soo kaco afarta ilaa afartiyo badhka habeenimo markay saacadu gaadho suxuurta kadibna salaada subax ha tago intaa ka dibna hore ha ka shaqo tago, waxan la ciyaaro ee shaxda, shan-taralka iyo dubnadana nabigu wuxuu ku shabahay hilib doofaar nin faraha kula jira ileen waxay dilayaan wakhtigiiye. Dhinaca telefishanka iyo waxyaalaha la daawanayo wixii wanaagsan ee mubaax ah waa laga daawan karaa wixii faa’iido iyo cilmi leh wax xun in laga daawadaana waa xaaraan.
Alaahu aclam.

8.S. Haddii la igu leeyahay dhowr ramadaan qalahood oo tiradii qalaha la igu lahaa iga kala luntay maxaa la iiga baahan yahay inaan soomo?
 

J. Qofka xanuusanaya ama safar ku jira ama cudur daar leh wuxuu islaamku u fasaxayaa inuu iska cuno bisha ramadaan, oo cudur daar buu leeyahay, laakiin intii maalmood ee uu cunay in le’eg buu soo qalaynayaa, sida uu ilaahay aayada quraanka ah ku yidhi “Qofka buka ama socdaal ah ramadaan dhexdeeda wuu iska afurayaa, kadibna maalmo intii leeg buu soo qalaynayaa”, (Al-Baqra No.184) haddaba haddii uu shaki ka galo inta maalmood ee ay ahayd ma toban bay ahayd mise shan bay ahayd? Waxa uu qaadanayaa tirada bilaa shakiga ah ee tobanka ah iyada oo uu dedaalayo kolayba shayga yaqiinta ah ayuu raacayaa oo nabigu wuxuu yidhi “waxa aad ka tagtaa wixii ku shaki galinaya oo shayga shakiga ah iska dhaaf oo waxaad raacda ka yaqiinta ah” (Tirmidi No.2518 kitaabka sifada qiyaamaha iyo Nasaa’I, waxa saxiixiyay Albaani kitaabka irwaaga No.12 ama 3074) matalan qofku hadduu isagoo salaadii ku jira uu yidhaa ma laba ayaad tukatay mise saddex labada ayuu raacayaa dabeeto intii u hadhayna wuu la imanayaa sujuudu sahwina wuu la imanayaa sidaas oo kale soonkii haddii uu shakiyay oo uu is yidhi ma shan baa lagugu lahaa mise toban, ha qaato tobanka iyo dhinaca dedaalka badan, shakigana qofku ha ka saaro meesha sidaasaa sidaas ayaanu ku bari noqonayaa, sidaasuu markaa qalihii kaga bari noqon karayaa.
Alaahu aclam.


ALIMUSE.COM

 

Home
Waajibka Soonka
Fadliga Salaadaha
Fadliga Cadayashada
Fadliga Suxuurta
Afur Dedejinta
Salaada Taraawiixda
Qofka Sooman haysdhowro
Arrimo Soonka kusaabsan
Afurinta Dadka
Ictikaafka Ramadaan
Soonka Axkaamtiisa

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:12