Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Waajibka Soonka

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

WAAJIBNIMADA SOOMIDDA BISHA RAMADAAN FADLIGEEDA IYO ARRIMO KU SAABSAN

Allaah, Subxaanahu Watacaala wuxuu yiri:

 

“ Kuwa xaqa ruyeeyoow waxaa laydinku waajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan (aad xumaha ka joogtaan)." Suurada al-Baqrah:Aayada 183.  Waxa kale oo Allaah SWT yiri:

"Waa Maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamo kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin <quudin> Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u fiican, inaad Soontaan yaana idiin khayrbadan hadaad tihiin kuwo wax og." Suurada al-Baqrah:Aayada184.

 

" Waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Qur'aanka isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin xaqa iyo baadilka, ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Alle fudayd ee idin lama doonayo culays, waana inaad dhamaystirtaan tirada waynaysaanna Allaah wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihiin, ood mudan tihiin inaad mahadisaan Allaah." (Suurada al-Baqrah:Aayada 185)

1214. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yirir: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Allaah, kor ahaaye wuxuu yiri: aadanuhu camalladiisa kale oo idil isagaa leh soonkiisa ma’ahee, kaasi anigaa leh oo anigaa abaalkiisa gudi doona. Soonku waa gaashaan la isaga gudbo xumaan falidda iyo Naarta. Sidaa awgeed markii uu midkiin sooman yahay waa inuu iska hayaa oo ka joogaa af xumo oo ka fogaadaa laqwi ku hadlid iyo hadal xun uu qof dhaafsado. Hadii uu qof la diriro ama caayana ha yiraahdo anigu waan soomanahay. ‘ Waa igu Alle ay nafta Muxammad ku jirto Gacantiisa neefta afka qofka soomman Alle agti waa ka udgoon tahay miskiga caraftiisa.’ Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afuraayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah).                                       (Bukhaari iyo Muslim)

  Tani waa werintii Bukhaari.

Werin kale oo Bukhaari baa waxay intaa raacineysaa: Alle wuxuu yiri: ‘ qofka soommani wuxuu uga tagaa cunid, cabbid iyo hawoodkiisaba (aniga Allaah) dartey, marka anigaa soonka iska leh aniga baana ka abaal gudi doona. Camallada kale ee wanaagsan (ee la falaa bisha Rammadaan ama  bilaha kale) halkii ajar waa la toban laabaa.

Werinta Imaam Muslim waxay leedahay: Qofka camalladiisa wanaagsan waa loo laalaaba wax badan oo halkii samaan waa toban lab ilaa toddoba boqol lab. Alle kor ahaaye wuxuu yiri: ‘Laakiinse kuma jiro soonka, maxaa yeelay waa cibaado ii barax tiran oo loo falaa dartey ( macnaha waa ma laha xad abaal gudka iyo ajarka soonka) Aniga, Keliya, baa ka abaal gudi doona. (Qofka soomman) wuxuu uga tagaa cunid, cabid iyo hawood dartey Aniga (Allaah). Qofka soommani waxaa u sugnaaday laba farxadood, midda hore waa farxad markii uu afurayo midda labaadna waa farxad kale markii uu la kulmo Rabbigiis (Allaah). Neefta afkiisuna ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga.’             (Muslim)

1215. Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Qofkii u bixiya laba joogood ee wax uun ah Alle dartii, waxaa looga yeeri doonaa iridaha Jannada: Addonkii Alloow, albaab kan baa kuu roon. Qofkii reero salaadeed ahaa waxaa looga yeeri doonaa irridka Salaadda, qolooyinkaa ugu heeganaa Jihaadka dar Alle, waxaa looga yeeri doonaa irridka Jihaadka, qofkii reera soon ahaana waxaa looga yeeri doonaa irridka Rayaan (harraad baxa), qofkii reero sadaqo ahaana waxaa looga yeeri doonaa  (inuu ka galo Jannada) irridka Sadaqada. Abuu Bakar (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuul Alloow, kugu furtay aabbahay iyo hooyadeeye, qofkii irridahaas looga yeeraayo ma jiraan wax lama huraan ah oo laga rabo, qof irridahaas oo dhan looga wada yeedhaayo ma jiraa? Nebigu S.C.W. wuxuu ku jawaabay: Waa jiraa, waxaana rajeynayaa inaad adiga (Abuubakari) ahaan doonto mid ka mida. ‘  (Bukhaari iyo Muslim).

1216. Sahal bin Sacad (A.K.R) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Waxaa jira Jannada gudaheeda irrid la yiraahdo Ar-Rayaan oo ehlu soonkii oo keliya geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la oran doonaa: ‘ Meeye ehlu soonkii?  Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga moomaahee. Markii ay galaan, irridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood.                      (Bukhaari iyo Muslim)

1217. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Qofka Muslimka ahi markii uu u soomo hal maalin dar Alle, Alle wuxuu ka fogeeyaa Naarta masaafo toddobaatan sano loo socdo. (Bukhaari iyo Muslim)

1218. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waa laga dhaafi doonaa dembiyadii horey uga dhacay (aan ka baa’irta aheyn.                                                                    (Bukhaari iyo Muslim)

1219. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Markii ay bisha Ramadaan soo gasho iridaha Jannada waa la furaa, iridaha Naartana waa la xiraa, Shayddaammadana waa la xiraa.     Bukhaari iyo Muslim)

1220. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘ Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Ku sooma aragtida bil dhalatay ee Ramadaan oo ku afura aragtida bisha Shawaal (soon fur), haddii bila qaris ay noqotana buuxiya soddonka Shacbaan (Soon dheere)                                (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Imaam Muslim werinaayo waxay intaa ku dareysaa: Sidaa si la mid ah,  haddii bil qaris  ay nqoto (daruuro awgeed) dhamaadka bisha Ramadaan, markaa buuciya soonka (soon qaad) 30 maalmood.

Cali Muuse Jaamac

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:12