Home Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

cutubka_29.htm

Home

 

RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 29

KAALMEYNTA MUSLIMIINTA BAAHAN

Alle weyne kor Ahaaye wuxuu yiri:

106. “Khayrka iyo samaha fala aad liibaantaane” Suuradda al-Xaj: Aayadda 77.

244. Xadiiskan waxaynu ku soo marnay No.233. Xadiiskan ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu kaga warramayaa Nebigu (S.C.W.) hadalkuu yiri in qof kasta oo muslim ahi u walaal yahay qofka kale ee muslimka ahi, sidaa awgeed muslimiintu ay yihiin walaallo aan isdulmin, cadowna isu gacan gelin. Qofkii danta walaalkii muslimka ah daryeela oo dhibka ka saara inuu helayo kaalmada iyo daryeelka Alle kolkay isaguna dhibaato la soo gudboonaato. Qofkii qof muslim ah dhibaato ka saaraa Allaa kaga saaro dhibaato ka mida dhibaatooyinka maalinta qiyaamaha, qofkii qof muslim ah u ceeb qariyaana, Allaa u ceeb qariya maalinta qiyaamah”.

245. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii qof muslim ah dhibaato ka saara dhibaatooyinka adduunka ah, Allaa ka saara dhibaato ka mida dhibaatooyinka maalinta qiyaamaha. Qofkii qof danaysan taakuleeyana Allaa taakuleeya aakhiro iyo adduunba. Qofkii qof muslim ah u ceeb qariyaana Allaa u ceeb qariya maalinta qiyaamaha. Allena addoonka waa u kaalmaynayaa inta addoonku walaalkiis u kaalmaynayo. Qofkii waddo cilmi raadin awgi u marana, Allaa u sahlo waddo jannada ah. Mar kasta oy qoon ku kulmaan guri guryaha Alle ka mid ah (Masjid) iyagoo kitaabka Alle (Qur’aanka kariimka ah) akhrisanay oo dhexdooda akhrinta wadaagaya xasilooni baa ku soo dagta, naxariis “Alle” baana daboosha, ma laa’igna waxay ku daboosha baalashooda, Allena malaa’igta isaga ag jooga buu u sheegaa. Qofkii camalkiisu reebana dhalashadiisu (yacni nasabkiisu) sooma hormariyo”.

 

Back Home Next

Home

Baro Qur'aanka

Buuga Martida

Dadka Isqarxiya

Baro Diinta Live Macalin Adoo Gurigaaga jooga

Islamic Links

Islamichomeacademy.com

Altaqwaa

Aflax

Ahidaaya

Alxuseyni

Abubakor Islamic

Boqolsoon

Duruus

Daarulcilmi

Qardhaawi

Islamliveone

Maxamed Umal

Maktabad

Naseexo

Nasiixa

Somal Islam.net

Somali Sunah

Warfawebsite

Quranmp3.net

Islam Web

Islam Way

 

 

free-website-hit-counters.com
Website Visitors
Home
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.                                               
Copyright© 2007-2009 Alimuse.com/                                         
06/01/2010 12:09:03