Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Ceebaha Muslimiinta

Home
Up

 

RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 28AAD

ASTURIDDA CEEBAHA MUSLIMIINTA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

105. “Kuwa jecel in dhilleysiga (iyo waxyaabaha keeni kara sida aflaanta xunxun, buugta jaceyl sheydaanka ka hadla, riwaayadaha xunxun, iyo is dhex galka ragga iyo dumarka aan is gayin iyo sheeko wadaaggood) ay ku dhex faafto bulshada muslimka ah, waxay aakhiro iyo adduunba leeyihiin cadaab xanuun badan”. Suuradda an-Nuur: Aayadda: 19

240. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii asturaa ceebaha iyo meel ka dhacyada qof muslim ah inta adduunka la joogo, ceebaha iyo gefafkiisuu asturaa Alle weyne maalinta qiyaamah”. (Muslim)

241. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri waxaan maqlay Nebigoo (S.C.W.) leh: “Cid kasta oo ka mida ummadeyda waa la cafinayaa marka laga reebo kuwa aan qarin ceebaha dadka ee bannaanka soo dhiga. Waxaana ka mid ah bannaan soo dhigidda in qofku daaha uu ka qaado xumo uu sameeyey habeenkii, isagoo Alle asturay, oo Subaxii yiraahda: Hebeloow xalay sidaas iyo sidaasaan yeelay, wuxuu cawo baryay iyadoo Rabbigi asturayo, markaasuu subaxnimadii isagii qudhiisii wax walba daaha ka qaaday, asturkiina feyday. (Bukhaari iyo Muslim)

(Haddaan tusaale yar ka bixinno arrintaa waa sida wiil xiriir aan bannaaneyn iyo sheeko ay dhex martay gabar uusan meher u dhaxeyn, oo inta habeen la soo sheekeystey oo la fara cayaaray, subaxnimadii uga sheekeeyey saaxibbadiis wuxuu sameeyey habeenkii, kuwaa ku dhiirran xumaha iyo kuwa la midka ee xumaha sheeg sheega, aan qarinna ceebaha naftooda iyo ceebaha dadka kale Alle ma cafiyo.

242. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Addoontu markay dhilleysato oo inay dhilleysatay caddaato mas’uulkeedu ha jeedlo yuusanna canaanan, haddii ay mar labaad dhilleysatana ha jeedlo yuusanna canaanan, haddii ay mar seddexaad dhilleysatana ha iska iibiyo, haba ku iibiyee qiimo dhan xarig timo ah (macnaha waa haba ku iibiyee qiimaha ugu jaban uguna yar e wax lagu iibiyo). (Bukhaari iyo Muslim)

“isagoo u caddeynaya qofka uu ka iibinayo ceebteeda, xadka jeedilada addontuna waa karbaashid konton (50) jeer ah.

243. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin khamro cabbay baa waxaa loo keenay Nabiga (S.C.W.) wuxuu amar ku bixiyey in la garaaco. Markaasaan nin kab ku dhufta iyo nin gacantiisa ku dhufta iyo nin maradiisa ku dhufta noqonnay. Markii uu dadkiisii u tegay baa mid yiri: Alle ha ku hoojiyo oo hoos ha kaa dhigo.

Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Sidaas ha oraninna; oo shaydaanka ha ugu kaalmeynina”. (Bukhaari)

 

Back Home Next

Home
Up

Baro Qur'aanka

Buuga Martida

Dadka Isqarxiya

Baro Diinta Live Macalin Adoo Gurigaaga jooga

Islamic Links

Islamichomeacademy.com

Altaqwaa

Aflax

Ahidaaya

Alxuseyni

Abubakor Islamic

Boqolsoon

Duruus

Daarulcilmi

Qardhaawi

Islamliveone

Maxamed Umal

Maktabad

Naseexo

Nasiixa

Somal Islam.net

Somali Sunah

Warfawebsite

Quranmp3.net

Islam Web

Islam Way

 

 

free-website-hit-counters.com
Website Visitors
Home / Up
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.                                               
Copyright© 2007-2009 Alimuse.com/                                         
06/01/2010 12:09:03