Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Weynaynta Waxyalaha Caagan

Home
Up

WEYNEYNTA WAXYAALAHA CAAGGAN OO LA REEBAY IN LAGU XADGUDBO, IYO MUUJINTA XURMADDA QOFKA MUSLIMKA IYO CADDEYNTA XAQIISA IYO INAY WAAJIB TAHAY U TURIDDA IYO U NAXARIISASHADIISA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

101. "(Taasi waa xukunkii Alle). Qofkii weyneeya waxyaalaha Alle reebay oo xaaraanta ka dhowrsada iyo inuu xadgudbo, Kheyr baa u ahaan Rabbigiis agti". Suuradda Al-Xaj: Aayadda 30.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

102. "(Taasi waa xukunkii Alle). Qofkii weyneeya xilalka iyo waajibaadkuu Alle saaray iyo waxyaalaha loogu dhowaado, waxay taasi ka mid tahay oo ay muujineysaa iimaanka qofkiisa iyo daacad iyo hufnaan qalbiyada ah". Suuradda Al-Xaj: Aayadda 32.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

103. "Garabkaaga u raarici (jaceyl iyo nugeyl awgi) mu'miniinta". Suuradda Al-Xijr: Aayadda 88.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

104. "Qofkii dila qofaan cedna dilin ama dhul fashaadin wuxuu la mid yahay isagoo dadka oo dhan diley, qofkii qof noloshiisa badbaadiyana wuxuu la mid yahay isagoo dadkoo dhan noloshoodii badbaadiyey". Suuradda Al-Maa'idah: Aayadda 32.

222. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Xiriirka ka dhexeeya labada qof ee muslimka ah waa sida xiriirka ka dhexeeya dhismaha guriga, qaybba ay xoojineyso oo ay heyso qayb kale. Markaa buu is dhex geliyey faraha labadiisa gacmood, si uu aarintaa u biyaamiyo, tusaalena uga bixiyo". (Bukhaari iyo Muslim)

223. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: "Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii la arko isagoo dhex maraya masaajidyada ama waddooyinkayaga isagoo wax fiiq leh sita, sida tusaale ahaan fallaar ama (qori iwm), waa in la joojiyaa, ama la faraa inuu afkeedaa gacanta ku daboolo si ayan dhibaato u gaarsiin qof muslim ah". (Bukhaari iyo Muslim)

224. Nucmaan ibn Bashiir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Muslimiinta isjeceylkooda iyo isu naxariisashadooda iyo isu nixiddooda waa sida jirka qofka oo kale markay xubini ka bukooto ay xubnaha oo dhammi la wadaagayaan dareenka xanuunka xummadda iyo soo jeedka". (Bukhaari iyo Muslim)

225. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Mar waxaa dhacay in Nebigu (S.C.W.) dhunkaday wiilkuu awoowga u ahaa Xasan ibn Cali (A.K.R.) Aqrac ibn Xaabis (A.K.R.) oo markaa la fadhiyey baa arkay, oo yiri: Toban ilmood baan leeyahay weligeyna mid ka mida ah ma dhunkan. Nebigu (S.C.W.) inta fiiriyey buu yiri: ÒQofkii aan naxariis u heyn dadka kale kama mudna naxariis AlleÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

226. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: "Niman reer miyi ah baa Nebiga (S.C.W.) u yimid waxayna weydiiyeen inuu carruurtiisa dhunkado iyo in kale. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ugu jawaabay : Haah, waan dhunkadaa, Waxay yiraahdeen: annaguse marnaba ma dhunkanno! Wuxuu yiri: Sidee laygu raacan karaa oo aan masÕuul uga noqon karaa haddii Alle qalbigiinna ka saaray jaceylkii iyo naxariistii". (Bukhaari iyo Muslim)

227. Jariir ibn Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Alle weynaa oo hufnaaye naxariis uma galo qofkii aan dadka u naxariisanÓ. (Bukhaari iyo Muslim)

228. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Markii ay midkiin la soo gudboonaato munaasabad ah inuu dadka iimaam u noqdo oo uu tujiyo, waa inuu soo gaabiyaa (macnaha waa inuusan dheereyn akhrinta Qur'aanka) maxaa yeelay waxaa dadka ka mid ah oo ku jira qof tabar yar, mid buka, mid waayeel ah. Hayeeshee, markii uu keligii tukanayo qofku ha u dhereysto akhrinta Qur'aanka sidii uu doono". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalena waxay leedahay: "oo waxaa ka mid ah jamaacada tukaneysa qaar dan iyo shaqooyin leh".

229. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: "Nabigu (S.C.W.) waxaa dhici jirtey inuu mararka qaarkood iska daayo camal uu jecel yahay inuu falo, isagoo ka baqaya inay dadku ka daba falaan oo markaas lagu waajibiyo". (Bukhaari iyo Muslim)

230. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: "Nabigu (S.C.W.) jaceyl iyo naxariis iyo turid uu ummaddiisa u turayo awgood wuxuu ka reebay asxaabtiisa soon isku bixis ah (xiriir ah). Waxay yiraahdeen: Nabi Alloow adba waa aad isku bixisaaye? Wuxuu ku jawaabay: Anigu idinkoo kale ma ahi. Habeenkii Rabbigay baa i siiya raashin iyo cabitaan". (Bukhaari iyo Muslim)

Taasi macnaheedu waxaa weeye Alle wuxuu siiyaa awoodda iyo quwadda nin wax cuna oo wax cabba.

231. Abuu Qataadah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Salaad baan u istaagaa anigoo is leh aad dheeraysid. Markaasaan ilmo ooyaya maqlaa, markaa bay waxay noqotaa inaan soo gaabiyo salaaddeyda, anigoo nacaya inay akhrintayda suurad dheer ay ku dhibaatooto ilmaha hooyadood". (Bukhaari)

232. Jundub ibn Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii salaadda subax tukadaa (salaatul Fajar) Alluu ammaan u yahay. Sidaa awgeed waa inaad isku ilaalisaa gudashada salaadda subax (jamaaca ahaan) (oo aad ka dibdhicin gudashadeeda ama ku xadgudbin qof tukatay oo muslim Alle yaqaan ah) si uusan Alle kuugu yeerin xisaab adag oo uusan kuugu raacan ammaanadaa; qokii uu Alle wax ammaandiisa ka mid ah u raacdo, oo uu arkaana inuusan xilkeedii dhowrin oo uu dambiile yahay, Alle waa uu qabanayaa weji wejina ugu harbinayaa naarta Jahannama". (Muslim)

233. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Muslim kasta waa walaalka qofka kale ee muslimka ahi; ma uu dulmiyo mana u gacan geliyo cadowgiisa. Qofkii danta walaalki muslimka ah dar yeelana Alle weyne baa dantiisa dar yeela, qofkii qof muslim ah kurbo ka feydana Alle weyne baa ka feyda mid ka mida kurbooyinka maalinta qiyaamaha. Qofkii qof muslim ah u ceeb asturaana Alle weyne baa u ceeb astura maalinta qiyaamaha". (Bukhaari iyo Muslim)

234. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Muslim kasta waa walaalka qofka kale ee muslimka ah, ma khiyaano; uma sheego been, mana hagrado. Wax kasta oo muslim leeyahay, sharaftiisa, maalkiisa iyo dhiiggiisuba waa ka xaaraan Qof kale ee muslimka ah. Alle ka dhowrsiguna waa halkaan (intuu laabta gacanta saaray). Waa arrin shar ah oo xun inaad yasto qof muslim ah, oo ula dhaqanto sida wax liita oo hooseeya". (Tirmidi baa weriyey oo yiri; waa Xadiis xasan ah).

235. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Ha xasdin walaalkaa Muslimka ah; ha ku fallisnina iibka qof kaloo muslim ah. Hana u qaadin naceyb qof muslim ah, dhabarkana ha u jeedin, oo yuusan qaarkiin ka dul gadan wax qaarkiin uu gadanayey. Addoommadii Alloow walaallo ahaada; Qofka muslimka ahi waa u walaal qofka kale ee muslimka ahi, dhibaato uma geysto kumana eegto, ma liido oo hoos uma eego, maceebeeyo (oo ma hoojiyo) mana hagrado. Alle ka dhowrsiga wuxuu ka soo fulaa oo saldhig u ah laabta (Nabigu (S.C.W.) saddex jeer buu arrintaa ku celceliyey), qofkana waxaa shar ugu filan inuu yaso (yacni quursado) walaalkiis muslimka ah. Qof kastoo muslim ahna waa ka xaaraan inuu waxyeelo dhiigga, maalka iyo sharafta qof kaloo muslim ah". (Muslim)

236. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkiin muslim fiican noqon maayo jeer uu walaalkiis la jeclaado waxa uu la jecel yahay naftiisa". (Bukhaari iyo Muslim)

237. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu kaloo yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Walaalkaa u hiilli gar iyo gardarraba. Nin asxaabtiisii ka mid ahaa baa weydiiyey: Rasuul Alloow (markii uu gar leeyahay waaban u hiilinayaaye, ee fadlan ii sheeg sida aan ugu hiillinayo haddii uu gar daran yahay. Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Gardarrada ka celi. Taasaa hiil u ahe".(Bukhaari)

238. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qof kastoo muslim ahi wuxuu xaq ugu leeyahay shan arrimood qofka kale ee muslimka ah. Waxayna kala yihiin: 1. Ka qaadidda salaantiisa 2. Booqashada markii uu bukoodo. 3. raacidda janaasadiisa (yacni in lagu tukado salaad janaaso ah) markii uu dhinto. 4.Aqbalaadda casumaadiisa, iyo 5. Markii uu hindiso haddii uu yiraahdo Al-Xamdu Lillaah (Allaa mahad leh) waa inaad ku jawaabtaa yarxamukal Laah (Alle ha kuu naxariisto)". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kalaa waxay ahayd oo saxiixul Muslim ku taal:

"Qof kastoo muslim ahi lix arrimood buu xaq ugu leeyahay walaaki kale ee muslimka ah, waxayna kala yihiin: 1.Markii aad la kulanto inaad salaanto adigoo oranayaÓ As-Salaamu caleykum (oo macnaheedu yahay nabad korkaada ha ahaato); 2. Markii uu ku casumo waa inaad aqbasho casumaadiisa. 3. Hadduu talo ku weydiistana, si daacad ah ula tali hagrsaho laÕaan ah. 4. Markii uu hindhiso oo Alxamdu lillaahi uu yiraahdo, dheh yarxamukallaah (oo macnaheedu yahay Alle ha kuu naxariisto). 5. Markii uu bukoodana waa inaad soo booqataa. 6. Markii uu dhintana ka qayb gal oo raac janaasadiisa". (Muslim)

239. Abuu Cumaara al-Baraa ibn Caazib (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu na faray toddoba arrimood, wuxuuna naga reebay toddoba waxyaabood. Wuxuu na faray: (1) inaan booqanno Bukaanka (2) inaan raacno Janaasada; (3) inaan yarxamukallaah niraahno qofka hindhisa haddii uu yiraahdo al-Xamdulillaah; (4) inaan fulinno Dhaaraha iyo nidirka. (5) in loo hiiliyo Dulmanaha; (6) in la aqbalo Casumaadaha; (7) in la faafiyo Salaanta,

Wuxuuna naga reebay (1) xirishada Kaatummada dahabka ah (oo waa ka xaaraan ragga) (2) wax ku cabbidda weelasha qalinka ah, (3) ku fariisiga birkimaha xariirta ah ee cas ee la saaro kurusyada geela ama fardaha (Waxay aheyd caado in la saaro birkimo xariir ah fardaha iyo geela (4) xirishada maryo laga sameeyey nooc dharka ka mid ah oo lagu dheehay xariir iyo cudbi la dhilay, (5) xirishada dharka xariirta soocan ah. (6) Xirishada xariirta adag ee culus (7) iyo xirashada dharka ka sameysan dun xariir midab leh ah ama dahab ama qalin lagu naashnaashay.

Werin kalaa waxay dhigeysay oo ku beddeleysay qodobka ku xusan no.4 ee toddobada waxyaabood hore ee la is faray oo ka dhigeysay halka ah fulinta dhaaraha iyo nidirka: yaboohinta qofka ama waxa lumay ee baadida ah. (Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah:

Waxyaabaha ay danta ugu jidho aadanaha iyo faa'idada waxaa la yiraahdaa waa xuquuqda ay leeyihiin; waajibaadka iyo xilalka la saarayna waxaa la yiraahdaa xilal. Xuquuqda iyo xilalkuba waa is gashan yihiin oo xiriir hoose baa ka dhexeeya. Waxyaabihii ugu horreeyey ee Islaamku faray waxay jideenayeen in qof kasta waajibaad saaran yahay xagga noolaha, dad iyo duunyaba, xitaa waxyaabaha aan noolaha aheyn; waxaa oo idil xuquuq bay leeyihiin qof kastana waxaa laga dooni inuu gutaa oo dhowro xuquuqdooda inta karaankiisa ah. Xuquuqdaa iyo waajibaadka la xiriira waa mabaadida asaaska u ah nidaamka iyo anshaxa Islaamka.

admin@alimuse.com

Back Home Next

hit counter html code
Inta Qof ee Soo Booqday

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:35