

| |
ILAALADII MAXAMMED BINU MASLAMA
Markii
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ka soo laabteen duullaammadii Axsaab iyo banuu
Qureyda, ciidankii ugu horreeyey ee Rasuulku SCW diro wuxuu ahaa ilaalo uu
hoggaaminayey Maxammed binu Maslama oo ka koobnayd 30 nin, waxayna ilaaladaasi u
baxday dhinaca Najdi oo uu deggenaa qabiil la yiraahdo banii Bakar, waxaana
meeshaas Madiina looga socon jirey 7 habeen. Waqtigaas taariikhdu waxay ahayd
10kii Muxarram, sannadkii 6aad ee hijriga.
Ciidanki markii ay meesha tageen ayey qabiilkii ka carareen meeshii,
muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen xoolohoodii qaar ka mid ah, waxayna soo
qafaasheen nin la oran jirey Thumaama binu Uthal oo odey u ahaa reer banuu
Xaniif. Waxayna Madiina ku soo laabteen 28kii ama 29kii Muxarram iyagoo wata
Thumaama binu Uthal Al-xanafi. Waxaa ninkaas lagu xiray tiir ka mid ah tiirarka
masaajidka, Nabiga SCW ayaa u yimid oo ku yiri “maxaa haysaa Thumaama?”, wuxuu
yiri “kheyr ayaa agtayda ah Maxammed, haddiii aad i disho nin dhiig leh ayaad
didhey, haddii aad i deysana nin wax mahadiya ayaad deysey, haddii aad maal
dooneysidna i weydiiso wixii aad doontid ayaan ku siinayaa”. Rasuulku SCW wuu ka
tegey, wuxuuna ku soo laabtay mar kale oo ku yiri sidii oo kale, Thumaamana
sidii oo kale ayuu ugu jawaabay. Mar saddexaad ayuu Rasuulku SCW ku soo laabtay
oo sidii oo kale ku yiri, Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu jawaaabay. Ka dibna
Rasuulku SCW wuxuu yiri “sii daaya”, waana la sii daayey.
Markii la sii daayey ayuu intuu baxay oo geed timireed masaajidka u dhowaa
tegey ayuuu soo qubeystay, ka dibna ku soo laabtay Rasuulka SCW oo islaamay,
wuxuuna Rasuulka SCW ku yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa
weji aan ka necbaa wejigaaga, haddana wuxuu noqday wejigaagu kaan ugu jeclahay
wejiyaasha, Ilaah baan ku dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa diin aan ka necbaa
diintaada, haddana waxa ay noqotay midda aan ugu jeclahay diimo oo dhan.
Fardahaaga ayaa i soo qabtay aniga oo cimro u socda”. Markaas ayaa Rasuulku SCW
u bishaareeyey wuxuuna amray in uu cimradiisii guto. Ka dib Thumaama wuxuu aaday
Makka markii uu Qureysh u tegey ayey ku dheheen “Thumaamow waad iilatay”,
markaas ayuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye maya ma iilan ee waan islaamay
Maxammed maciisa (la jirkiisa), Ilaah baan ku dhaartaye Yamaama idinkaga imaan
meyso xabbad raashin ah ilaa Rasuulkii Alle SCW idiin idmo”.
Dabadeed markii uu magaaladiisii ku laabtay ayuu ka joojiyey Makka
raashinkii, markaas ayey Qureysh dhibaatootay oo waxa ay Rasuulka SCW u soo
direen warqad ay ku leeyihiin “riximnimada ayaa wax kugu weydiisaneynaaye
Thumaama warqad u qor oo ha noo soo daayo raashinka na loo soo rarayo”. Rasuulku
SCW wuu ka yeelay oo Thumaama ayuu kala hadlay.
DUULLAANKII BANUU LIXYAAN
Banuu Lixyaan waxa ay ahaayeen qabiilkii khiyaameeyey Rasuulka SCW markii uu
tobankii nin ku daray, ka dibna ay ku dileen meeshii la oran jirey Rajiic.
Wuxuuna Rasuulku SCW ugu duuli waayey markii ay arrintaasu dhacday muslimiinta
oo xaalad adag ku jirey oo ay ku furnaayeen duruufo adag sida cadowgi Qureysh
iyo reer baadiyihii Madiina agagaarkeeda degganaa oo Madiina ku soo qamaamayey
iyo yahuuddii Madiina wax ka deggageyd, sidaa darteed Rasuulku SCW maslaxo uma
arag in uu markaas ku duulo. Laakiin markii uu duullaankii Axsaab dhammaaday oo
yahuuddii iyo in badan oo carabtii reer baadiyaha ka mid ahaa uu iska meeleeyey,
qureyshna ay weerarradii joojisey oo difaac gashay, ayaa Rasuulku SCW munaasib u
arkay in uu ku duulo banii Lixyaan oo degganayd Makka duleedkeeda si uu uga
jiseeyo khiyaanadii ay sameeyeen iyo muslimiintii ay laayeen.
Wuxuu markaa Rasuulku SCW baxay bishii Rabbiicul-Awal ama Jamaadul-Awal,
sannadkii 6aad ee hijriga isaga oo wata 200 oo asxaabtiisa ka mid ahayd, Madiina
wuxuu uga tegey Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum, wuxuuna muujiyey in uu dhinaca
Shaam ku duulayo si aysan munaafiqiintu u warramin oo u bixin sirta muslimiinta.
Rasuulku SCW wuxuu markaa tegey meeshii lagu laayey asxaabtiisii oo u dhoweyd
meesha ay degganaayen reer banuu Lixyaan. Markii ay reer banuu lixyaan maqleen
ayey ka carareen degaankoodii, Rasuulkuna SCW wuxuu meeshaa joogey 2 maalmood,
dhinacyadana wuxuu u kala direy ilaalooyin hase yeeshee waxba ma aysan soo helin.
Ka dibna Rasuulku SCW wuxuu ku soo laabtay Madiina, wuxuuna maqnaa 14 habeen.
Waxaa is weydiin leh inta aynaan munaasibadaan ka gudbin Rasuulka SCW
qabiil kasta oo uu ku duulo way kala cararaan isaguna dhulkooda ayuu maalmo
degganaanayey, marka sidee qabiil dhan oo degganaa u sal kacayaan?. Arrintaa
jawaabteedu waxaa weeye Rasuulku SCW markii uu ku duulo qabiil oo ay maqlaan in
aysan ka hor tegi karin, raggooda hubka wataa way kala carari jireen. Sidaa
darteed haddii ay raggii dagaallamayey carareen ma aysan keeni siyaasadda
xakiimka ah ee Rasuulka SCW iyo ciddii raacdaba in maatada la laayo oo la
bililiqeysto ama nin dhulkiisii ka qaxay la daba kaco sida ay maanta ku dhisan
tahay siyaasadda caalamku. Sidoo kale Rasuulka SCW iyo muslimiintu ma dili jirin
ragga aan hubka wadan oo aan dagaallamayn.
ISRAACRAACII ILAALOOYINKA
Waxaa israacraacay duullaamadii iyo ilaalooyinkii uu Rasuulku SCW u kala
dirayey jihooyinka, waxayna ahaayeen sidatan:
1. Wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Rabbiicul-Awal ama Rabbiicul-Aakhir,
sannadkii 6aad ee hijriga koox ilaalo ah oo ka koobnayd 40 nin oo uu
hoggaaminayey Cukaasha binu Muxsin, waxayna aadeen meesha la yiraahdo Qamri oo
reer banii Asad degganaayeen. Cukaasha iyo raggiisii markii ay gaareen meeshii
loo direy ayey qabiilkii kala carareen, muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen
200 oo halaad oo dadkaasi lahaayeen, waxayna ku soo laabteen Madiina.
2. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Awal ama Rabbiicul-Aakhir, , sannadkii
6aad ee hijriga, wuxuu Rasuulku SCW u direy meesha la yiraahdo Dil-qasa oo ay
degganaayeen reer banii Thaclaba koox ilaalo ah oo ka koobnayd 10 nin uuna madax
u ahaa Maxammed binu Maslama. Maxammed binu Maslama iyo kooxdiisi way bexeen,
markii ay meeshii gaareen ayaa iyaga oo hurda waxaa u yimid qabiilkii ay u
socdeen oo 100 nin gaaraya ayaa iyaga ayey wada dileen kooxdii muslimiinta ahayd
ilaa Maxammed binu Maslama oo dhaawac ahaan uga fakaday maahane.
3. Markii la laayey asxaabtii Rasuulka SCW ee uu hoggaaminayey Maxammed
binu Maslama ayaa Rasuulka SCW isla meeshii Dil-qasa ee reer banii Thaclaba u
diray ciidan kale oo gaaraya 40 nin, uuna madax u yahay Abuu Cubeyda ibnu
Jarraax, waqtigaas oo ahaa bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga.
Abuu Cubeyda iyo ciidankiisii markii ay gaareen meeshii goor subax ah ayaa reer
banii Thaclaba ka baqday meeshii. Waxay markaa muslimiintu soo kaxeysteen xoolo
ay lahaayeen, ninna way soo qafaasheen, wuuna islaamay ninkaasi.
4. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga wuxuu
Rasuulku SCW diray ciidan uu hoggaaminayo Seyd binu Xaarith, wuxuuna u direy
meesha la yiraahdo Jumuum oo ay deggenaayeen reer banuu Suleym oo ahaa nimankii
Bi’ru Macuuna ku laayey 70kii oo asxaabta Rasuulka SCW aha. Seyd iyo
ciidankiisii markii ay meeshii gaareen ayey waxay qabteen haweeney oo kaxaysteen
si ay u tusto meesha ay joogaan reer banuu Suleym, markii ay tageen meeshii ayey
dadna ka soo qafaasheen xoolona ka soo kaxeysteen.
5. Sidoo kale bishii Jamaadul-Awal isla sannadkii 6aad ee hijriga wuxuu
Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 170 nin oo uu madax uga dhigay Seyd binu
Xaarith, wuxuuna ciidankaas u direy meel la yiraahdo Ciis. Seyd iyo ciidankiisii
way bexeen, waxayna meeshii ka soo qafaasheen safar qureysheed oo uu waday
Abul-Caas, oo ahaa ninkii qabay gabadhii Rasuulka SCW ee Seynab. Markii
safarkii iyo Abul-Caas la keenay Madiina ayaa markii salaadda subax la tukanayey
Seynab ay gadaal ka hadashay oo tiri “dadow aniga ayaa magan geliyey Abul-Caas”,
markaas ayaa Rasuulku SCW asxaabtiisa ku yiri “waad maqasheen waxa ay tiri,
marka waxaan idiinka codsanayaa maalkiisiina haddii aad u celin kartaan in aad u
celisaad”, markaas ayey asxaabti u wada celiyeen maalkiisii, waana la iska sii
daayey isaga iyo maalkiisiiba.
Abul-Caas wuxuu ku laabtay Makka, wuxuuna xoolihii u celiyey dadki lahaa,
ka dibna wuu islaamay oo Madiina ayuu u soo hijrooday. Markii uu Madiina yimidna
Rasuulku SCW wuxuu ku celiyey Seynab, nikaaxoodii hore ayuuna isugu celiyey oo
nikaax kale ma samayn. Waxa ayna kala maqnaayeen saddex sano iyo bar, mana ka
furmin intii uu Abul-Caas gaalnimada ku jirey oo waxay ahayd intii aan
muslimiinta iyo gaalada la kala xarriimin. Laakiin intii muslimiinta iyo gaalada
la kala xarrimay wixii ka dambeeyey haddii labo qof oo is qaba midkood islaamo,
midna gaalnimadii ku haro way kala furmaayaan, waana kala xaaraan in ay is
qabaan labo qof oo midi muslim yahay midna gaal, ismana guursan karaan ilaa waxa
keliya oo laga soo reebay in ragga muslimiinta ahi guursadaan dumarka
Ehlu-kitaabka ah (yahuud iyo nasaara) ee dhowrsan, in kastoo ay ka kheyr badan
tahay in ninka muslimka ihi guursado gabar dhowrsan oo muslim ah. Gabadha
muslimadda ah iyada xaaraam ayey ka tahay in ay guursato nin gaal ah loomana
oggola, nikaaxooduna ma ansaxayo.
6. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Jamaadul-Aakhir, isla
sannadkii 6aad ee hijriga ilaalo uu hoggaaminayo Seyd binu Xaarith oo ka
koobnayd 15 nin, wuxuuna u direy meel la oran jirey Dharifi, oo ay daganaayeen
reer Banii Thaclaba. Hase yeeshee reer Banii Thaclaba waxa ay u maleeyeen in
Rasuulku SCW ku soo baxay markaas ayey carareen. Seyd iyo kooxdiisii waxa ay ku
soo laabteen Madiina, waxa ayna maqnaayeen afar habeen.
7. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW bishii Rajab isla sannadkii 6aad ee
hijriga direy ilaalo ka koobnayd 12 nin oo uu madax u ahaa Seyd binu Xaarith,
wuxuuna u direy meesha la yiraahdo Waadil-Quraa si ay u soo ogaadaan
dhaqdhaqaaqa cadowga, hase yeeshee markii ay meeshii tageen ayaa waxaa weerar ku
soo qaaday dadkii meeshaa degganaa, waxa ayna dileen sagaal nin, saddex uu Seyd
ku jirana way ka baxsadeen.
8. Wuxuu sidoo kale Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 300 oo nin oo uu u
direy in ay ka hortagaan safar qureysheed, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay
Abuu Cubeyda ibnu Jaraax, waxaana ciidankani intii uu maqnaa qabatay gaajo aad u
daran, waxa ayna qasheen saddex neef oo geel ah oo ka mid ahaa gaadiidkii ay
wateen, Abuu Cubeyda oo ahaa amiirkii ciidanka ayaa markaa ka joojiyey arrintaan
ah in ay qashaan gaadiidkooda. Dabadeed baddii ayaa u soo tuurtay Cambar (nibiri)
iska weynaaday oo ay cunayeen bil barkeed, ka dibna waxa ay ku soo laabteen
Madiina iyaga oo hilibkiisii wax ka mid ah wata. Markii ay Rasuulka SCW u
sheegeen wuxuu ku yiri “waa risqi Ilaahay idiin soo saaray ee wax ma ka haysaan
hilibkiisii��, markaas ayey u keeneen.
Waxa aan in badan siirada ku arkaynaa in Rasuulku SCW uu marar badan
dirayey cidamo ilaalooyin ah oo cadadkoodu yar yahay, arintaas oo xikmaddo ku
jirta uu Alle garanayo, waxaa hadana ugu muhiimsanaa sadex qodob oo kala ah
sidan:
1) Ciidanka wayn oo aan had iyo jeer bixi karin, una baahnaa dhaqaale badan
iyo tabaabushe, maxaa yeelay qof walba waa garan karaa dhaqaalaha uu u baahan
yahay ciidan gaaraya 2,000, oo maqnaanaya bil iyo ka badan, maalinkiina qalanaya
20 geel ah.
2) Ciidamadaas la dirayey waxa ay u badnaayeen ilaalooyin cadadkoodu intuu
doono uu noqon karo, ilaalana waa la yaqaannaa maata oo waxaa weeyey ciidan loo
direy arrin, oo aan ahayn dagaal musalax ah, inkasta oo aan arkayno in
ilaalooyinka qaarkood ay ahaayeen ciidan xoog badan oo duullaan qaaday.
3. Waxa ay ahaayeen ciidamadaas ducaad dadka ugu yeeraya diinta Alle,
waxayna muhiimaddooda ahayd in ay dadka gaarsiiyaan dacwada islaamka, iyaga oo
adeegsanaya habkii wanaagsanaa ee Rasuulku SCW u baray, sidaa daraadeed haddii
loo diido in ay xaqii dadka gaarsiiyaan, oo lagula dagaalamo diinta Alle, waxa
ay raggii ducaada ahaa oo jilicsanaa isku badali jireen kumaandoos manexeyaal
ah, oo hoojiya cadawga Alle.
DUULLAANKII BANII MUSDHALIQ
Waxa uu
dhacay duullaankan banii Musdhaliq bishii Shacbaan sannadkii 6aad ee hijriga.
Sababtiisuna waxay ay ahayd: Waxaa Rasuulka SCW soo gaadhay in odeygii reer
banuu Musdhaliq oo la oran jirey Xaarith binu abii Daraar uu qoladiisii iyo
wixii kale oo raacay u diyaarinayo sidii uu Rasuulka SCW ugu soo duuli lahaa.
Wuxuu Rasuulku SCW si uu arrintaa u xaqiiqsado wuxuu direy Bureyda binu Xuseyb
Al-aslami. Bureyda ayaa markaa u tegey oo la hadlay ninkii madaxda u ahaa, ka
dibna ku soo noqday Rasuulka SCW oo warka dhabnimadiisa u soo sheegay. Rasuulku
SCW markii uu arrintii xaqiiqsaday ayuu asxaabtiisiii la soo baxay, wuxuuna
Madiina madax uga soo dhigay Seyd binu Xaarith ama Abaa Dar Al-qafaari ama
Thumayla binu Cabdullaahi Laythi.
Ninkii la oran jirey Xaarith binu Diraar ee madaxda u ahaa reer banii
Musdhaliq wuxuu dirsaday nin jaajuus ah si uu war uga keeno ciidanka muslimiinta
hase yeeshee ciidankii muslimiinta ayaa ninkaa qabtay oo diley. Xaarith iyo
ciidankiisii markii ay maqleen in Rasuulka SCW iyo Ciidankiisii soo baxeeen,
ninkoodii wardoonka ahaana la diley ayaa Ilaahey cabsi ku ridey oo ka baqdeen
meeshii. Muslimiintiina meeshii ayey tageen waxayna soo qafaasheen dumarkoodii,
caruurtoodii iyo maalkoodii. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW qaniimadii iyo dadkii
la soo qafaashay u qaybiyey asxaabtiisii. Dadkaas la soo qafaashay waxaa ka mid
ahayd gabar uu dhalay ninkii madaxda u ahaa qabiilkaas oo la oran jirey
Juweyriya bintu Xaarith, waxaana qayb ahaan u helay Thaabit binu Qays, markaas
ayuu kitaabeeyey, Rasuulka SCW aya markaas xoolihii ka bixiyey oo guursaday.
Markii ay asxaabtii arrinkaa wada arkeen ayey wada xoreeyeen dumarkii ay qayb
ahaanta u heleen oo dheheen “waa xididkii Rasuulka SCW”.
Duullaankan Banii Musadhaliq markii laga soo laabtay waxaa dhacay laba
arrimood oo ay sameeyeen nimankii munaafiqiinta ahaa oo iyagu had iyo jeer
muslimiinta dhexdooda ku rida khalkhal iyo tashwiish, dacaayado been ahna fidiya.
Nimankaas oo sidii aan soo sheegnayba uu hormuud u ahaa Cabdullaahi binu Ubay oo
isagu xiqdi iyo xaasidnimo u hayey islaamka iyo muslimiinta, weliba gaar ahaan
cadaawad gaar ah u hayey Rasuulka SCW maxaa yeelay sidii aan usoo sheegnayba
isaga oo loosharraxayo madaxnimo ayaa islaamku yimid Madiina, markaas ayey
dadkiisi islaamka qaateen, madaxnimadiisiina iska joojiyeen, sidaa darteed wuxuu
u arkayey in islaamku ka qaaday madaxnimadiisii, wuxuuna bilaabay xiqdi iyo
xumaan, laga soo bilaabo markii Rasuulka SCW iyo muhaajirintu ay Madiina
yimaadeen. Waxaana dhacday in Rasuulku SCW markii uu Madiina yimid oo uu muddo
yar joogey uu soo baxay isaga oo raba in uu soo booqdo Sacad binu Cubaada oo
jirran, markaas ayuu isaga oo dameer saaran soo maray meel ay fadhiyeen rag uu
ku jiro Cabdullaahi ibnu Ubay, markaas ayuu qur’aan ku dul akhriyey, dacwadana
ugu yeeray. Cabdullaahi ibnu Ubay intuu sanka qabsaday ayuu Rasuulka SCW ku yiri
“ha na booraynin, gurigaagana joog oo meelaha aan fariisanayno ha noogu imaan”.
Cabdullaahi binu Ubay iyo raggiisu waxa ay gaalnimadoodii ku jiraan waxay
islaameen markii ay arkeen in ay muslimiintu Badar ku guuleysteen hase yeeshee
xumaatadoodii iyo cadaawaddoodii ayey hoos ka wadeen, waxa aanna soo marnay in
uu munaafaqaani ku hagoogtay yahuuddii reer banii Qaynuqaac. Sidoo kale dagaalki
Uxudna wuxuu la laabtay 300 oo nin oo muslimiinta garabkooda ayuu ka baxay.
Sidoo kale munaafaqan iyo munaafaqiinta kaleba waxa ay muujisan jireen wanaag
iyo kheyr, qalbigoodana waxaa buuxiyey nifaaq iyo gaalnimo. Waxaana ka mid ahaa
waxyaabihii uu dadka u muujin jirey marka Rasuulku SCW Jimcaha u istaago ayuu
asxaabta ku dhihi jirey “kani waa Rasuulkii Alle idinku karaameeyey idinkuna
ciseeyey ee u gargaara, xoojiya, maqla oo adeeca” hase yeeshee markii dagaalkii
Uxud dhacay, oo sidii la ogaa uu sameeyey, ayuu Jimcihii ka dambeeyey istaagay
isaga oo raba in uu hadalkiisii oo kale jeediyo, markaas ayaa asxaabtii dharkii
ka jiideen oo dheheen “nafa fariiso cadowgi Allow, ehel uma tihid (arinkane)
wixii aad samaysay baad samaysaye”, markaas ayuu iska baxay isaga oo dadka
luquntooda ka tallaabsanaya, markaas ayaa waxaa ka hor yimid nin asxaabta ka mid
ah wuxuuna ku yir “war hooggaaga ee laabo Rasuulku SCW ha kuu dembi dhaaf
weydiiyee”, markaas ayuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma doonayo in uu ii dembi
dhaaf weydiiyo”.
Sidoo kale waxa aan soo marnay in markii yahuuddii reer banuu Nadiir ay
ballantii ka baxday oo Rasuulku SCW go’aansaday in uu ku duulo, uu munafaqaani
hoos kala xiriiray oo ku yiri “ha bixina”. Sidoo kale Dagaalkii Axsaab waxa ay
munaafaqaas iyo raggiisu muslimiinta ku dhex fureen tashwiish iyo dacaayado.
Sidoo kale gaaladi qureysheed intaa hoos ayey kala xiriiri jireen.
Haddaba nimankaas munaafaqiinta ah dusha ka sheeganayey islaam, hoostana uu
uga buuxay nifaaq iyo gaalnimo, had iyo jeer dacaayada ku dhex fidinayey dadkii
muslimiinta ahaa sida dacaayaddii ay fidiyeen markii uu Seyd furay Seynaba bintu
Jaxshi oo Rasuulku SCW eeddadiis dhashay, dabadeedna uu Rasuulku SCW guursaday
ayna dheheen “Maxammed wuxuu guursaday gabadhii uu furay wiilkii mowlihiisa ahaa”
arrintaas oo carabta dhexdeeda waqtigii jaahiliga ceeb ka ahaan jirtey, maxaa
yeelay ninku wiilka mowlihiisa ah wuxuu ka soo qaadi jirey wiilkiisii oo kale
sidaa darteed islaamku caadadaas xun wuu baabi’iyey sidii uu caadooyinkii xumaa
oo kaleba u baabi’iyey, waxaan aarrintaan lagu bilaabay Rasuulka SCW laftiisa,
wuxuuna Alle yiri:
((XUSUUSO MARKAAD KU LAHAYD KII ALLE U NIMCEEYEY ADNA
AAD U NIMCAYSAY (SAYD) HAYSO XAASKAAGA ALLENA KA BAQ, WAXAADNA NAFTAADA KU
QARINAYSAY SHAY ALLE MUUJIN DOONO, WAXAADNA KA BAQAYSAY DADKA, ALLAASE U XAQ LEH
IN LAGA BAQO, (HADDABA) MARKII SAYD DANTIISA KA GUTAY (OO UU FURAYNA) AAN KUU
GUURINAY SI AYSAN MU’MINIINTU DHIB UGALA KULMIN HAWEENTA (WIILASHA) AY ISUGU
YEERAY MARKII AY KA DHAMAYSTAAN XAAJADOODA, ALLE AMRKIISUNA WAXA UU AHAADAY MID
LA FULIYO)), (Suuratul-Axsaab 37).
Sidoo kale Seynab waxa ay ahayd haweentii shanaad ee Rasuulku SCW markaas
ayey dheheen “qur’aanku afar haween ah ayuu banneeyey ee maxay tahay haweenta
5aad”. Haddaba nimankaas oo mar walba dacaayad hoosaad ku waday Rasuulka SCW iyo
mu’miniinta waxaa ficilladooda had iyo jeer muujinayey Allaah oo wax walba ka
war haya, wuxuuna Alle yiri isaga oo Rasuulkiisa SCW la hadlaya:
((MUNAAFAQIINTU WAXA AY KA DIGTOON YIHIIN IN AY KU
SOO DEGTO SUURAD KA WARAMAYSA WAXA QULUUBTOODA KU JIRA, WAXAAD TIRAAHDAA ISKA
JEES JEESA ALLE WAA SOO BIXIN WAXA AAD KA DIGTOONTIHIINE, HADDII AAD WAYDIISO
WAXA AY DHAHAYAAN (XOOGAA) BAAN TIIMBANAYNAY OO CIYAARAYNAY, DHEH MA ALLE,
AAYAADKIISA IYO RASUULKIISAAD KU JEES JEESAYSAAN HA CUDURDAARANINA WAAD
GAALAWDEEN IIMAANKIINII KA DIBE, HADDAAN CAFINNO KOOX IDINKA MID AH WAXAA
CADAABAYNAA KOOX MAXAA YEELAY WAXA AY AHAAYEEN MUJIRIMIIN)), (Suuratu-Tawbah
64-66).
Haddaba ragga arrimahaas samaynaya oo Rasuulkii Alle SCW iyo mu’miniinta
xumaatada kula dhex wareegaya waxa ay Cumar binu Khadhaab iyo rag la mid ihi soo
jeediyeen in la laayo hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW ku yiri Cumar “ma waxaad
dooneysaa in ay dadku ku sheekaystaan Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?” maxaa
yeelay dadka dibedda ahi waxa ay u haysteen in munaafiqiintaasi asxaabta ka mid
yihiin.
Haddaba haddii aan usoo laabano labadii dhacdo oo ay sameeyeen
munaafiqiintu duullaankan reer banii Musdhaliq waxa ay ahaayeen:
1. Markii la aday duullaankii ayey raaceen cidankii iyaga oo aan u
siyaadineyn ciidanka wax aan ka ahaydn culeys iyo fitno sidii uu Allaahba ku
sheegay aayaaddan:
((HADDAY BAXAAN DHEXDIINA (OO AY IDIN RAACAAN) IDIIN
SIYAADIN MA HAYAAN WAXAAN KA AHAYN XUMAAN IYO (SHAR) WAXAYNA U DAGDAGI LAHAAYEEN
FITNAYNTA DHEXDIINNA IYAGOO IDINKA DOONAYA FITNO, WAXAANA IDINKA MID AH (MUSLIMIINTIINNA)
KUWA MAQLAYA (OO QAADANAYA WARKA MUNAAFAQIINTA)), (Suuratu-Tawbah 47).
Haddaba markii la soo laabtay ayaa meel la degey, markaas ayaa meel biyo
laga dhaansanayey waxaa ku dagaallamay labo wiil, mid Cumar binu Khadhaab adeege
u ahaa lana oran jirey Jahjaahul-qafaari iyo mid Ansaari ah oo la oran jirey
Sinnaan binu Wabar Al-juhani, markaas ayaa Sinnaan yiri “yaa Ansaar ahey”,
Jahjaahna yiri “yaa Muhaajiriin aheey”. Arrintii ayaa waxaa maqlay munaafaqii
Cabdullaahi binu Ubay oo la fadhiya koox raggiisii ah oo uu ku jirey Seyd binu
arqam oo wiil yara, markaa ayuu munaafaqaasi carooday oo yiri “ma sidaas ayey
sameeyeen (muhaajiriin)?. Magaaladayadii ayey ku faafeen oo ku bateen Ilaah baan
ku dhaartaye annaga iyo iyagu waxaan isku nahay sidii hore loo yiri oo ahayd
“naaxi eygaaga ha ku cunee”. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aan Madiina ku
noqonno kan casiiska ihi (isagaa iska wada) waxa uu ka saari doonaa Madiina kan
dulliga ah (oo uu ula jeedo Rasuulka SCW)”, markaas ayuu lahadlay kuwii la
fadhiyey oo ku yiri “tani waa wixii aad naftiinna ku samayseen, magaaladiinnii
baad u oggolaateen, maalkiinniina waad la qaybsateen. Ilaah baan ku dhaartaye
haddii aad waxa gacantiina ku jira ka haysan lahaydeen meel kale ayey idiin
dhaafi lahaayeen”.
Seyd binu Arqam ayaa markaas arrintii adeerkiis u sheegay, adeerkiisna
wuxuu u sheegay Rasuulka SCW oo uu la joogo Cumar binu Khadhaab, Camar ayaa
markaas yiri “Rasuulkii Allow amar Cubaada binu Bishir ha dilee (munaafaqaas)”,
markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “Cumar ma waxa aad doonaysaa in uu dadku ku
sheekeysto Maxammed asxaabtiisa ayuu laayaa?” (maxaa yeelay dadka dibadu waxa ay
u qabaan in uu asxaabta ka mid yahay) ka dib wuxuu Rasuulku SCW amray in la
guuro waqtigaas oo aad u kululaa oo uusan Rasuulku SCW guuri jirin, markaas ayaa
Useyd binu Xudeyr oo nin odeya ahaa u yimid Rasuulka SCW oo ku yiri “Rasuulkii
Allow waxaad guurtay waqti xun”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “miyeysan ku soo
gaarin waxa uu saaxiibkiin yiri?”, Useyd wuxuu yiri “muxuu yiri?”, markaas ayaa
Rasuulku SCW yiri “wuxuu sheegtay in haddii uu Madiina ku laabto kan casiiska
ihi ka saari doono Madiina kan dulliga ah”, markaas ayuu Useyd yiri “Rasuulkii
Allow adiga ayaa haddii aad doontid Madiina ka saaraya. Ilaah baan ku dhaartaye
isaga ayaa dulli ah adiguna casiis baad tahay”, ka dib wuxuu yiri Useyd
“Rasuulkii Allow isaga tartiibi, Ilaah baan ku dhaartaye Allaah ayaa noo kaa
keenay isaga oo reerkiisu madaxtinimo u diyaarinayaan sidaa darteed wuxuu u
arkaa in aad boqortooyadiisii kala wareegtay”. Rasuulku SCW geeddigii ayuu ku
jirey ilaa laga gaaray maalinkii dambe duhurkii oo uu degey, markaas ayey
asxaabtii geedaha ku kala yaaceen oo daateen, Rasuulkuna SCW wuxuu arrinkaan u
sameeyey si aan warka munaafiqa loogu sheekeysan oo looga mashquulo, asxaabta
dhexdeedana aysan fitno ugu noqon.
Cabdullaahi binu Ubay markii uu arkay in talo faro ka baxday ayuu inkiray
hadalkii oo sidii munaafaqiinta lagu yaqaaney dhaar been ah maray isaga oo leh
“Ilaah baan ku dhaartaye ma dhihin”, markaas ayaa asxaabtii qaar ka mid ahi
Rasuulka SCW ku dheheen “Rasuulkii Allow waxaa la arkaa in wiilka yari is
moodsiiyey oo uusan weelayn oraahdii ninka” hase ahaatee Allaah SW oo wax kasta
la socday ayaa u rumeeyey seyd hadalkii uu ka sheegay munaafaqaas, wuxuuna ku
soo dajiyey Suuratul-Munaafiquun oo ay ku jiraan aayadahaan:
((MUNAAFAQIINTU WAA KUWA LEH HAQUDININA KUWA RASUULKA
SCW LA JOOGA ILAA AY KA KALA TAGAAN, ALLAA ISKA LEH KHASNADAHA SAMAWAADKA IYO
DHULKA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA FAHMAYAAN, WAA KUWA LEH HADDII AAN MADIINA KU
NOQONNO WAA IN KAN CASIISKA IHI KA BIXIYOAA (MADIINA) KAN DALIILKA AH, WAXAA
CISA ISKA LEH ALLE, RASUULKIISA IYO MU’MINIITA LAAKIIN MUNAAFAQIINTU MA OGA)), (Suuratul-Munaafaqiin
7-8).
Waxa ay saxiixaynku wariyeen in markii ay suuradaan soo dagtay uu Rasuulku
SCW u cid direy Seyd markii uu u yimidna uu ku dul akhriyey suuradan Munaafiquun,
kuna yiri “Alle wuu kuu rumeeyey (hadalkaagii) Seydow.
Sheekadii waxaa maqlay wiil uu dhalay munaafaqaas oo la oran jirey
Cabdullaahi binu Cabdullaahi binu Ubay oo ahaa nin saxaabi ah oo wanaagsan.
Markaas ayaa markii Madiina la soo gelayey Cabdullaahi seeftiisii galka kala
baxay oo aabbihiis hor istaagay kuna yiri “Ilaah baan ku dhaartaye in aadan
meeshaan dhaafayn ilaa Rasuulkii Alle kuu idmo, isaga ayaana casiis ah adiguna
dulli baad tahay”. Rasuulku SCW markii uu meeshii soo maray ayuu u idmay, ka dib
Cabdullaahi Rasuulka SCW ayuu u tegey oo ku yiri “Rasuulkii Allow waxa aan
maqlay in aad rabtid in aad dishid aabbahay. Ilaah baan ku dhaartaye reerkayagu
waa og yihiin in nin aabbihiis iiga baarrisani uusan jirin, marka haddii uu qof
dilo waxaa laga yaabaa in aan wax u qaado qofkaas ee haddii aad doontid in aad
disho aniga i amar, Ilaah baan ku dhaartaye madaxiisa ayaan kuu keenayaa”.
 | |
Home Up
Qur'aan Self-Study




Islamic
Links
Isfa Online Academy
Sheekhdirir.com
Houseofquran.com
Duruus
Daarulcilmi.com
|