| |
SHEEKADII BEEN ABUURASHADA
Qisadan
waxa ay sababteedu ahayd: Rasuulku SCW markii uu duullaan ama meel kaleba aadayo
wuxuu kaxeysan jirey xaasaskiisa mid ka mid ah, wuuna u qori tuuri jirey. Sidaa
darteed markii uu aadayey duullaankii Banii Musdhaliq ayaa waxaa qori tuurkii ku
soo baxay Caa’isha oo raacday.
Markii laga soo laabtay duullaankii ayaa meel la degay, markaas ayey
Caa’isha goor habeen bar ah aaddey bannaanka si ay xaajadeeda u soo gudato,
caadana waxaa u ahaan jirtey dumarkii waqtigaa, weliba kuwii mu’minaatka ahaa ee
aadka u xishoodka badnaa in haddii ay bannaanka aadayaan ay fogaadaan oo
sharqarta ka dhex baxaan, ilaa haddana meelaha uu xishoodku ku dambeeyo waa laga
helayaa.
Markii ay Caa’isha soo laabatay ayaa waxaa ka lumay kuul ay wadatay oo ay
gabar ka soo caariyeysatay, markaas ayey raadkeedii dib ugu laabatay iyada oo
baadi goobeysa hase yeeshee waa meel Ilaahay arrin ka watee intii ay Caa’isha
maqnayd ayaa Rasuulkii SCW amray in la guuro, lagamana war hayn in ay Caa’isha
maqan tahay maxaa yeelay marka la guurayo waxay dhex geli jirtey bahal la
yiraahdo Hawdaj oo loogu talo galay. Hawdajkaas ayaa markaas dhowr nin geesaha
qaban jirtey oo ratiga saari jirtey, sidaa darteed nimankii hawdajka qaadayey
waxay u maleeyeen in Caa’isha ku dhex jirto mana aysan dareemin fudeydkiisa
maxaa yeelay Caa’isha waxa ay ahayd gabar yar oo aan hilib lahayn, sidoo kale
guuritaanka ciidanku waqti dheer ma qaadan maxaa yeelay waxa ay ahaayeen rag
ciidan ah oo aan alaab badan wadan oo nin walba hubkiisa iyo daabbadiisa ayuu
soo qabsanayey.
Caa’isha markii ay soo laabatay iyada oo kuushii soo heshay ayaa waxa ay
timid goobtii oo lagu kala guuray oo wax sii sharqamayana usan jirin, markaas
ayey meesheedii iska fariisatay iyada oo is leh “haddii lagu tebo waa lagu soo
raadinayaa” hase yeeshee sidii ay u fadhiday ayey indheheedii ka qaalib noqdeen
oo ay gama’day. Waagii markii uu baryey ayaa waxaa arkay qofka meesha jiifa
saxaabi la oran jirey Safwaan binu Mucdhil oo ahaa nin hurdo weyn, marar badanna
ciidanka ka dib dhici jirey. Safwaan markii uu meesha yimid ayuu Caa’isha
gartay maxaa yeelay intii aan xijaabka la is amrin ka hor ayuu yiqiinney,
markaas ayuu yiri “Innaa Lilaahi wa inaa ileehi raajicuun, waa xaaskii Rasuulkii
Alle”. Caa’isha ayaa markaas hadalkiisa ku toostay. Safwaan intuu neefkiisii
geela ahaa u arumiyey (fariisiyey) ayuu ka durkay, markii ay fuusheyna wuu ku
waday. Goor harsimadii ah ay ayuu ciidankii oo meel degey ka daba tegey.
Munaafaqii Cabdullaahi binu Ubay markii Madiina la tegey ayuu wuxuu
sameeyey been abuurasho uu ku been abuuranayo Caa’isha iyo Safwaan, dacayad
ayuuna suuqa geliyey, aad ayeyna u dhex dabbaasheen dacaayaddaas isaga iyo
munaafaqiintii kaleba, waxaa kale oo ku simbiriraxday dad wanaagsanaa oo
asxaabta ka mid ahaa sida Misdhax, Xasaan binu Thaabit iyo Xamna bintu Jaxshi.
Caa’isha markii ay Madiina ku soo laabatay ayey xanuunsatay, mana aysan
maqal dacaayaddan been abuuradka ah ee suuqa ku jirta. Maalin dambe ayey
bannaanka aadeen iyada iyo Misdhax hooyadiis. Goor ay meel dhexe marayaan ayey
turaanturrootay duqdii, markaas ayey tiri “Misdhaxow hoog”. Caa’isha ayaa
markaas ka celisay oo tiri “ma nin Badar ka qayb galay ayaad sidaas leedahay?”,
markaas ayey duqdii tiri “miyaadan maqlin waxa uu suuqa wax ka geliyey?”,
Caa’isha waxa ay ku jawaabtay “maya”. Duqdii ayaa markaas u sheegtay qisadii
suuqa ku jirtey ee lagu been abuurtay. Caa’isha oo ahayd gabar cafiifad ah oo
dhawrsan, waxaasna beri ka ahayd, markii ay maqashay warkaas foosha xun ee suuqa
galay ayaa xunuunkii hayey xanuun kale ugu darsamay, waxayna gashay oohin is
daba joog ah. Waxaa kale oo Caa’isha intaas uga sii darnayd in ay aragtay
Rasuulka SCW oo aan u hayn naxariistii uu u hayn jirey, siiba markii ay
xanuunsato, markii uu guriga soo galana wuxu ku gaabsanayey “sidee tahay?”.
Caa’isha waxa ay markaas uga idan qaadatay Rasuulka SCW in ay aaddo guriga
waalidkeed, Rasuulkuna SCW waa u idmay.
Rasuulka SCW markii Madiina lagu soo laabtay wax qur’aan ama waxyi ah oo
arrintaa ka hadlaya laguma soo dejin, wixii arrintaa ka jireyna ma ogeyn maxaa
yeelay Rasuulku SCW qeybka (waxa maqan) kama war hayn, wax Rabbi uu u waxyoodo
maahane. Rasuulku SCW wuxuu markaa arrintii kala tashaday Cali Abii-dhaalib iyo
Usaama binu Seyd oo markaa dhowr iyo toban jir ahaa. Cali wuxuu Rasuulka SCW ku
yiri “dumarka aan iyada ahayn waa badan yihiin, hase yeeshee Usaama wuxuu yiri
“Rasuulkii Allow xaaskaaga wax aan wanaag ahayn kuma ogi ee hayso”. Sidoo kale
wuxuu Rasuulku SCW arrinka Caa’isha ka wareystay gabar jaariyad guriga ka ahayd,
waxayna gabadhaasi tiri “wax xumaan ah ama ceeb ah kuma ogi in ay tahay gabar
yar oo cajiinka ka seexata maahane”. Rasuulku SCW waxaa kale oo uu arrintaa wax
ka weydiiyey xaaskiisii Seynaba bintu Juxshi oo walaasheed dacaayadda wax ka
wadday, waxay Seynaba tiri “wax aan wanaag ahayn kuma ogi Caa’isha”.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu Caa’isha ugu tegey gurigoodii iyada oo ay la
joogaan aabbeheed iyo hooyadeed markaas ayuu ku yiri “Caa’isha arrintaas ayaa
iga kaa soo gaartay, haddii aad beri ka tahay Alle waa ku bari yeeli doonaa,
haddii aad dembigaas ku dhacdayna Alle dembi dhaaf ka dalab oo u toobad keen
maxaa yeelay addoonku haddii uu dembigiisa qirto Allena u toobad keeno Alle waa
ka toobad aqbalaa. Caa’isha waalidkeed ayey marba mid la hadashay iyada oo ku
leh “u jawaab Rasuulka” hase ahaatee mid walba wuxuu yiri “maxaan Rasuulka SCW
ugu jawaabaa?”. Waxay markaas Caa’isha tiri “Ilaah baan ku dhaartaye waan ogahay
in aad sheekada maqasheen ilaa naftinnu ku qanacday oo aad rumeyseen. Hadii aan
marka idin dhaho beri baan ka ahay iima rumeyneysaan, haddii aan idiin qirtana
waad ii rumeyneysaan . Haddaba Alle ayaan ku dhaartaye idiin dhihi maayo wax
kale, sidii Yuusuf aabbihiis yiri oo kale maahane”, waxayna akhriday aayadda
micnaheedu yahay:
((SABIR WANAAGSAN, ALLAANA KA KAALMAYSTAY WAXAAD
SIFAYNEYSAAN)), (Suuratu-Yuusuf 18).
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu ka istaagay memberkii masaajidka isaga oo ka
dacwoonaya Cabdullaahi binu Ubay, markaas ayaa Useyd binu Xudeyr, oo odeygii
reer Aws ahaa, yiri “Rasuulkii Allow haddii uu annaga yahay waan kaa
kaafineynaa oo waan dileynaa, haddii uu walaalahayo Khasraj yahayna amar ha
dilaane”, markaas ayaa Sacad binu Cubaada oo odeygii reer Khasraj ahaa xoogaa
xammiya ihi qaadday oo yiri “waxa aad ogaatay in uu annga (Khasraj) yahay”,
Rasuulka SCW ayaa markaa kala dajiyey. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu tegey gurigii
reer Abuubakar, waxaa markaas ku soo degey waxyi isaga oo la fadhiya, markaas
ayuu yiri “Caa’isha Ilaah waa ku beri yeelay”, markaas ayaa Caa’isha hooyadeed
ku tiri Caa’isha “u istaag Rasuulka” hase yeeshee Caa’isha way diiddey oo waxay
tiri “Ilaah baan ku dhaartaye u istaagi maayo, mana mahadinayo cid aan Alle
ahayn?”.
Allaah SW wuxuu ku beri yeelay Caa’isha oo uu sababteeda ku soo dejiyey
toban aayadood oo Suuratu-nuur ku jira oo uu uga hadlayo been abuurashadan iyo
cidda bilowday, waxaana lagama maarmaan ah in aan soo qaadanno oo macneyno
aayaddahan maxa yeelay arrimahan oo kale maanta aad ayey ugu badan yihiin dadka
muslimiinta ah, in badanna waxaa la arkayaa in dadka munaafiqiinta ah, ee
Cabdullaahi binu Ubay oo kale ah, oo maan jooga oo aan akhlaaqda lahayn ay
gabdhaha asturan oo dhawrsan xuman iyo sino ku ganaan, Allaahna dadka noocaas ah
wuxuu ku ridey nacalad iyo in naxariista Alle laga fogeeyo oo ay cadaab daran
leeyihiin, adduunkana wuxuu ku ciqaabay in aan markhaatigooda laga aqbalin,
siddeetan jeedalna lagu dhufto, ayna yihiin faasiqiin daacadda Alle ka baxay.
Wuxuu Allaah aayadahaas ku yiri:
((KUWA LA YIMID BEEN ABUURASHADA (CAA’ISHA) WAA KOOX IDINKA MID AH, HANA
UMALAYNINA IN AY SHAR IDIIN TAHAY EE WAXAY IDIIN TAHAY KHAYR, QOF WALBA OO IYAGA
KAMID AHNA WAXA UU LEEYAHAY WUXUU KASBADAY OO DAMBI AH, KAN ARRINTA WEYNANKEEDA
TAWALIYEY (IBNU UBEY) OO IYAGA KA MID AHNA WAXA UU LEEYAHAY CADAAB WAYN, MAXAAD
MARKAAD MAQASHEEN MU’MINIINTA IYO MU’MINAATKU UGU MALAYN WAAYEEN NAFTOODA KHAYR
OO AYSAN U DHIHIN KAASI WAA BEEN ABUURASHO CAD, MAXAYSE ULA IMAAN WAAYEEN (MUNAAFAQIINTU)
AFAR MARKHAATI AH, HADDAYSAN LA IMAAN MARKHAATI KUWAASI ILAAHAY AGTIISA IYAGAA
BEENAALAYAAL AH, HADDAYSAN JIRIN FADLIGA ALLE IDIIN TAABAN LAHAA WIXII AAD DHEX
DABAALATEEN SABABTIIS CADAAB WAYN, MARKAAD CARRABKIINA KULA KULMAYSEEN (KU KALA
QAADAYSEEN) OO AAD AFKIINA KU LAHAYDEEN WAX AYDAN OGAYN, UNA MALAYNAYSEEN WAX
FUDUD ISAGOO ALLE AKTIISA KU WAYN, MARKAAD MAQASHEEN MAAD DHAHDAAN NOOMA HABOONA
IN AAN KU HADALNO WAXAAN, ALLAA XUMAAN KA NASAHANE WAXAANI (QADAFKU) WAA BEEN
ABUURASHO WAYN, ALLE WAXA UU IDIN KA WAANINAYAA INAAD U NOQOTAAN ISAGOO KALE
WALIGEED HADDII AAD MU’MINIIN TIHIIN, ALLENA WAA IDIIN CADDEEYEY AAYADKII,
ALLENA WAA (ALLE WAX WALBA) OG OO XAKIIM AH (FAL SUUBAN), KUWA JECEL INAY KU
FAAFTO XUMAANTA MU’MINIINTA DHEXDOODA WAXAY LEEYIHIIN CADAAB DARAN ADDUUN IYO
AAKHIRO, ALLENA WAA OG YAHAY IDINKUSE MA OGIDIN, HADDAYSAN JIRIN FADLIGA ALLE
IDIIN GALAY IYO NAXARIISTIISA IYO IN ALLE YAHAY TURID BADANE NAXARIISTA (WUU
IDIN KA ABAAL MARIN LAHAA INTIINII KA WAY QAADATAY FALKAA XUN)). (Suuratu-Nuur
11-20).
Ka dib waxaa xadkii qadafka laga oofiyey oo 80 jeedal lagu dhuftay saddex
qof oo asxaabtii ka mid ahaa oo dacaayaddaas dhex dabbaashay, waxa ayna kala
ahaayeen: Misdhax, Xasaan binu Thaabit iyo Xamna bintu Jaxshi.
Ninkii munaafaqa ahaa ee arrinta oo dhan been abuuratay lama jeedalin,
sababtana waxa ay culimadu dhaheen: Xadka laga oofiyo qofka dembiga ayuu ka
fududeeyaa, isagana (Cabdullaahi binu Ubay) Alle ayaa isaga oo adduunka jooga u
yaboohay cadaab, iska deyntiisana xikmado badan oo Alle iyo Rasuulkiisu
garanayaan ayaa ku yirey.
Casharada inta hadhay Kitaabka oo
dhan halkan ka
| |
Home Up
Qur'aan Self-Study
Islamic
Links
Isfa Online Academy
Sheekhdirir.com
Houseofquran.com
Duruus
Daarulcilmi.com
|