| |
DUULLAAMADII
CIIDAMEED EE KU XIGEY UXUD
Markii dadkii muslimiinta ahaa dhaawac ku soo gaaray Uxud ayaa waxaa
yaraaday cabsidii iyo baqdintii laga biqi jirey muslimiinta, waxaana bilaabmay
guux iyo cadaawad loo muujinayo dadkii muslimiinta ahaa. Guuxaas wuxuu ka
imaanayey gudaha muslimiinta, sida munaafiqiinta, iyo dibedda sida yuhuuddii
Madiina wax ka degganayd iyo qabiilladii reer baadiyaha ee hareeraha Madiina ku
noolaa.
Qolooyinkaas oo dhammi markii ay arkeen in muslimiinta dhaawaca soo gaaray
ayey doobbida listeen, qaarkoodna waxa ay ku hammiyeen in ay muslimiinta
duullaan ku soo qaadaan sida reer banuu Asad oo labo bilood ka dib (Uxud) isu
diyaariyey in ay duullaan Madiina ku soo qaadaan. Sidoo kale qabiilooyinka kala
ah Cadal iyo Qaara waxay afar bilood ka dib sameeyeen shirqool ay ku dileen 10
nin oo asxaabtii Rasuulka SCW ah. Qabiillada banuu Caamir iyo banuu Suleym ayaa
iyaguna sidoo kale waxa ay si khiyaamo ah u dileen 70 nin oo asxaabtii Rasuulka
SCW ah. Sidoo kale qabiiloyinkii reer Qadafaan waxa ay ku hammiyeen in ay
Madiina soo weeraraan.
Haddaba arrimahaas iyo kuwo kaleba waxaa sameyey qabiilooyinkii reer
baadiyaha ahaa oo degganaa Xijaas ilaa Najdi iyagoo doonayey in a islaamka iyo
muslimiinta cirib tiraan maxaa yeelay waxa ay u arkayeen in muslimiintu yihiin
khatar ku soo socata Khaliijiul-carab.
Waxaa iyaguna sidoo kale cadaawad daran muujiyey, har iyo habeenna ku
fekerayey sidii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa dhib u gaarsiin lahaayeen
yahuuddii reer banii Qaynuqaac oo Rasuulku SCW ka raray Madiina iyo yahuuddii
kale oo Madiina ku hartay (banuu Nadiir iyo banuu Qureyda), siiba banuu Nadiir
oo maleegay shirqol ay rabeen in ay ku dilaan Nabiga SCW.
Markii arrimahaas oo dhan gudaha iyo dibeddaba ah ay soo food saareen
muslimiintii ayaa Rasuulku SCW la qaabbilay xikmadiisii iyo kaartadiisii
dagaalka ee wanaagsanayd, wuxuuna muslimiintii ka saaray ciriirigii iyo dhibtii,
Acdaadii Ilaahayna xumaatadoodii iyo makrigoodii ayuu ku celiyey, wuxuuna soo
celiyey cisigii iyo heybaddii muslimiinta.
Tallaabooyinkii uu qaaday Rasuulku SCW waxaa ugu horreeyey duullaankii
Xamraa-ul-Asad oo uu uga daba tegey ciidankii qureysheed ee Uxud ka laabtay,
halkaas oo uu deggenaa saddex maalmood. Waxaa ayna dhammaan acdaadii Ilaah
ogaadeen awoodda iyo geesinnimada muslimiinta iyo sida aysan marnaba u
jixinjixeyn. Haddaba waxa aynu mid mid u xoo qaadanaynaa arrimihii iyo
dhacdooyinkii dhacay intii u dhexeysey dagaalkii horeeyeen inkastoo qaarkood la
isku khilaafo siday ukala horreeyeyn haddaana waxaan qaadanaynaa sida loo badan
yahay.
1) ILLAALADII ABUU SALAMA
Markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud oo la joogey labo bilood iyo bar, ayaa
wardoonkii Madiina wuxuu soo gudbiyey in labada nin oo la kala oran jirey Dhalxa
iyo Abuu Salama oo ilma Khuweylid ahaa ay ciddoodii iyo wixii kale oo raacayba
ugu yeereen la dagaallanka Rasuulka SCW. Rasuulku SCW markii uu arrinkaa maqlay
ayuu sidii caadadiisa ahaydba wuxuu diray ciidan gaaraya 150 nin, wuxuuna madax
uga dhigey Abuu Salama. Waqtigaas wuxuu ahaa kowdii bishii Muxarram, sannadkii
4aad ee higriga.
Abuu Salama iyo ciidankiisii markii ay tageen guryihii reer banuu Asad, oo
ahaa qabiilkii duullaanka soo waday, ayaa qabiilkii Ilaahay wuxuu ku ridey rucbi
iyo baqdin meeshiina way ka carareen. Muslimiintii waxa ay meeshaas ka soo
kaxeysteen geel iyo ari ay qabiilkaasu lahaayeen, waxayna soo laabteen iyaga oo
aan dagaal gelin soona qaniimeystey. Abuu Salama oo ciidanka watay, markuu
Madiina ku soo laabtay, ayaa waxaa ku soo kacay nabar ku dhacay dagaalkii Uxud,
muddo yar ka dibna waa uu shahiiday.
2) DILITAANKII KHAALID BINU SUFYAAN AL-HUDALI
Sidoo kale isla bishii Muxarram 5teedii ayaa waxaa Rasuulka SCW loo soo
gudbiyey in ninkii la oran jirey Khaalid binu Sufyaan Al-hudali uu ciidan u
ururinayo la dagaallanka muslimiinta, markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu direy
Cabdullaahi binu Uneys si uu ninkaas uga soo takhalluso. Cabdullaahi wuxuu
Madiina ka maqnaa 18 habeen, wuxuuna Madiina ku soo laabtay iyada oo ay 7 habeen
ka dhiman tahay Muxarram isagoo soo diley Khaalid binu Sufyaan oo madaxiisii
wada, wuxuuna madaxii dhigay Rasuulka SCW hortiisa. Rasuulku SCW arrinkaa wuu ku
farxay, wuxuuna Cabdullaahi siiyey ul uu yiri “tani waa inoocalaamad aniga iyo
adiga maalinka qiyaamaha”. Cabdullaahi ushii wuu hastay jirey ugu dambayntiina
markii uu dhimanayey wuxuu dardaarmay in usha kafantiisa lala geliyo.
MURUGADII RAJIIC
Bishii Safar, isla sannadkii 4aad ee hijriga, ayaa waxaa Rasuulka SCW u
yimid wafdi ka socda labadii qabiil ee la kala oran jirey Cadal iy Qaara,
waxayna Rasuulka SCW u sheegeen in ay soo islaameen, ka dibna waxay codsadeen in
uu ku daro rag diinta bara oo qur’aanka u akhriya. Waxaa markaa Rasuulku SCW ku
daray 10 nin oo asxaabtiisa ka mid ahaa, wuxuuna madax uga dhigay Caasim binu
Thaabit. Markii ay is raaceen oo ay sii marayaan meesha la yiraahdo Rajiic, oo
uu degganaa qabiilka reer Hudeyl, ayaa waxaa maqlay qabiil Hudeyl ka mida ahaa
oo la oran jirey banuu Xayaan, markaas ayey 10kii nin oo asxaabta ahaa ka daba
direen 100 nin. Dabadeedna way hareereeyeen, waxa ayna ku dheheen “ballan baan
idinka qaadaynaa haddii aad is dhiibtaan in aannaan cid idinka dilin”, laakiin
Caasim oo 10kaa madax u ahaa wuu diidey arrinkaas, wuuna dagaallamay isaga iyo
raggiisii ilaa ay ka dhinteen 7 nin oo uu Caasim ku jiray. Mar labaad ayey 3dii
nin oo soo hartay ku yiraahdeen “haddii aad is dhiibtaan waxa aannu idiin
ballanqaadaynaa in aannaan hal nin idinka dilin”. Markii ay 3dii nin is-soo
dhiibeen ayey ula soo baxeen xargo ay rabeen in ay ku xiraan, markaas ayaa nin
3dii ka mid ihi yiri “tani waa ballan jebintii ugu horreysey”, wuuna dagaallamay
ilaa ay ka dileen. Labdii nin oo soo hartay, oo kala ahaa Khubeyb iyo Seyb binu
Dathina, ayey qafaasheen, waxa ayna u geeyeen oo ka iibsadeen reer Makka.
Labadan nin waxay ka mid ahaayeen asxaabtii dagaalkii Badar ka qayb gashay
oo wax ka laayey madaxdii qureysh. Seyb binu Dathina waxaa gatay Safwaan binu
Umaya oo uu aabihiis diley, Khubeybna wax xireen ka dibna waxay ay ku xikumeen
dil. Waxay khubeyb ka soo bixiyeen xaramka iyaga oo u wada meesha la yiraahdo
Tanciim oo ay rabeen in ay ku dilaan. Wuxuuna ku yiri “i daaya aan labo
rakcadood tukadee”, way u oggolaadeen, markii uu labadii rakco tudadayna wuxuu
yiri “Ilaah baan ku dhaartaye haddii aydaan dhahayn wuu argagaxay waan badsan
lahaa (salaadda)”, sidaa darteed Khubeyb waa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey in
uu qofku labo rakcadood tukado marka la dilayo. Ka dibna Allaah ayuu baryey oo
wuxuu yiri “Allahayow tiradooda koob una laa si kala taksan, axadna ha ka reebin”.
Abuu Sufyaan ayaa markaa ku yiri “Ma ku farax gelineysaa in uu Maxammed nala
joogo oo aan qoorta u dheereyno, adiguna aad reerkaagii la joogtid?”. Khubeyb
wuxuu ku jawaabay “maya, Ilaah baan ku dhaartaye ima farax gelineysto in aan
reerkaygii la joogo, Nabi Maxammedna SCW booskaan aan joogo uu joogo oo qodax
dhibeysaa ay muddo”. Ka dib waxay Khubeyb dilkiisa u saareen Cuqba binu Xaarith,
oo aabihiis uu Khubeyb Badar ku dilay.
Khubeyb intii uu xirnaa waxaa la arkay isaga oo cunaya Canab aan markaa
Makka oollin. Sidoo kale isaga oo xiran ayaa reerkii uu u xirnaa wiil kamid ah u
keenay mindi, markaas ayaa reerkii ka naxeen arrintaas hase yeeshee Khubeyb
waxba ma yeelin wiilkaas.
Qureyshtu waxay cid u dirsadeen meeshii lagu laayey 8dii nin ee kale si
qaby ka mid ah jirkii Caasim, hoggaamiyihii 10ka xaabi loogu keeno maxaa yeelay
Caasim wuxuu maalinkii Badar diley rag badan oo odeyaashii qureysh ka tirsanaa.
Allaah, oo had iyo jeer ah gargaaraha mu’miniinta, wuxuu meydkii Caasim u soo
diray oo isku hareeraysay shinni aad u tiro badan. Markii ay ku dhici kari
waayeen ayey ka tageen oo dheheen galabta aan u soo laabanno hase yeeshee intii
ay maqnaayeen ayaa Alle u soo diray daruur roob ah oo daad ayaa qaaday
meydkiisii, meel uu geeyeyna lama oga. Markii ay gaaladii galabtii u soo
laabteena waxay yimaadeen meeshii oo aan waxba oollin sidaa awgeed shayna
jirkiisii kama aysan helin. Caasim intii uu noolaa wuxuu Ilaahay kula ballamay
in aan mushrik taaban jirkiisa isna uusan taaban.
Cumar binu Khadhaab, oo arrintaas ka hadlaya, wuxuu yiri “Allaah
addoonkiisa mu’minka ah wuu xifdiyaa markii uu dhinto sida uu markaa noolyahayba
u xifdiyo”.
MURUGADII BI’RU MACUUN
Isla bishii Safar ee ay dhacday murugadii Rajiic, ayaa waxaa dhacday murugo
kale oo ka daran, lana yiraahdo Bi’ru Macuun. Sababtuna waxa ay ahayd in nin la
oran jiray Abuu Baraa’ (Caamir binu Maalik) uu Rasuulka SCW Madiina ugu yimid.
Rasuulku SCW wuxuu yiri “Rasuulkii Allow haddii aad asxaabtaada u dirtid reer
Najdi si ay diintaada ugu yeeraan waxaan rajaynayaa in ay yeeli lahaayeen”.
Markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri “asxaabtayda waan uga baqayaa reer Najdi”,
Abaa Baraa’ ayaa yiri “aniga ayaa badbaadinaya”. Waxa uu markaa Rasuulku SCW ku
daray 70 nin oo ka mid ahaa raggii ugu wanaagsanaa qur’aanka, uguna badiyey
asxaabta, wuxuuna madax uga dhigay Mundir binu Camar oo lagu naaneysi jirey (kii
isu xoreeyey dhimashada). Raggani waxa ay ahaayeen kuwo aad u qiimo badan,
habeenkii oo dhan waxa ay u soo jeedi jireen qur’aan akhris iyo salaatu-leyl,
maalintiina inta ay soo xamaalaan ayey cunto u soo gadi jireen dadkii asxaabta
ahaa oo aan waxba haysan.
Abuu Mundir iyo asxaabtii uu hoggaaminayey waxa ay Madiina ka baxeen iyaga
oo ducaad ah oo Ilaahay iyo Rasuulkiisu SCW ay u doorteen dacwadaas islaamka.
Raggaas oo uu la socdo ninkii ahaa Abuu Baraa’ waxaqy degeen meesha la yiraahdo
Bi’ru Macuuna, oo u dhexeysey labadii qabiil ee reer banuu Caamir (qabiilkii
Abuu Baraa’) iyo reer banuu Suleym. Ka dib waxa ay direen Xaraam binu Malxaan,
oo ahaa Ummu Suleym walaalkeed, waxayna u dhiibeen waraaq uu Rasuulku SCW u soo
direy cadowgii Alle ee Caamir binu Dhufeyl oo ka mid ahaa odeyaashii reer banii
Caamir. Cadowgaas Alle markii ay warqaddii Rasuulku SCW u tagtay ma uusan fiirin
ee wuxuu amray in la dilo ninkii waday, Xaraam binu Malxaan. Waran ayey ku
dhufteen, hase yeeshee markii uu arkay nabarkii iyo dhiiggii ayuu yiri “Allaahu
Akbar, waan liibaanay kacbada Rabbigeeda ayaan kudhaartaye”. Ka dib Cadowgii
Alle ee Caamir ahaa wuxuu reer banuu Caamir ka dalbay in ay soo laayaan inta ka
hadhay raggii Abuu Mundir la socday hase yeeshee reer banuu Caamir wey diideen
amarkaas iyagoo tixgelinaya magangelyadii Abaa Baraa’. Wuxuu markaa Caamir u
qeylo dhaansaday reer banuu Suleym, waxaana amarkiisii yeelay oo soo raacay
qabiilooyin ka mid ah banii Suleym oo kala ahaa Rucul, Dakwaan, Lixaan iyo
Cisiya.
Waxay qabiilooyinkaasi ku duuleen oo hareereeyeen asxaabtii Rasuulka SCW.
Asxaabtu way dagaallameen ilaa laga diley 67 nin. Saddexda nin oo soo hartay
waxay kala ahaayeen: Kacab binu Seyd binu Najaar oo labo meyd ku kala dhex jirey,
ayna meyd ahaan uga tageen hase yeeshee noolaa. Wuxuuna ku dhintay dagalkii
Axsaab iyo Caamir binu Umaya iyo Mundir binu Cuqba oo iyagu ka maqnaa goobta.
Markii ay meeshii u soo dhowaayeen ayey arkeen haadda ku degtey meeshii ay ragga
ku ogaayeen, markii ay goobtii soo gaareenna Mundir wuu dagaallamay ilaa laga
diley, Carna way qafaashen. Cadowgii Alle ee Caamir markii uu ogaaday in uu
Camar ka dhashay reer banii Mundir ayuu foodda intuu ka gooyey ku yiri �����waxaan
kuu xoreeyey qoor ay hooyaday xoreyn lahayd” ka dibna wuu sii daayey.
Camar markii la soo daayey wuxuu soo aaday Madiina, markuu jidka dhexe sii
marayo ayuu geed hoos degay, ka dibna waxaa u yimid oo geedkii la degay labo nin
oo reer banii Kulaba ah. Muslimiinta iyo reer banii Kulaaba waxaa ka dhexeeyey
heshiis. Camar wuxuu u maleeyey in qabiilka labadaas nin uu ka mid ahaa
qabiilladii asxabta wax ka laayey. Camar, oo aan heshiiska Rasuulka SCW iyo reer
banuu Kilaaba ogeyn, ayaa labadii nin markii ay seexdeen diley. Ka dib Camar
wuxuu u tegey Rasuulkii SCW isaga oo wada warkii murugada lahaa iyo ki labadii
nin ee uu soo dileyba. Rasuulku SCW wuxuu markaas yiri “waxa aad dishay labo nin
oo aan magtooda bixinayo”, dabadeedna wuxuu Rasuulku SCW guda galay in uu magtii
ka soo ururinayo muslimiinta.
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa waxaa aad u xanuujisay una murugo gelisay
dhacdadan Bi’ru Macaana isku mar ayuu Rasuulka SCW u yimid. Murugadani waxay ka
weyned tii Uxud maxaa yeelay Uxud dagaal ayaa lagu talo galay, kuwaanse waxay
ahaayeen khiyaamooyin iyo makri ay cadowyada Ilaahay u sameeyeen asxaabtii
Rasuulka SCW. Wuxuu Rasuulku SCW muddo bil ah habaarayey qabiilladii ku kacay
falkaas foosha xun. Bukhaari wuxuu ka weriyey Anas binu Maalik in uu yiri
“Rasuulku SCW wuxuu soddon subax ku habaarayey kuwii asxaabtiisa Bi’ru Macuuna
ku laayey Salaadda Fajar dhexdeeda. Wuxuu habaarayey Rucul, Dakwaan, Lixaan iyo
Cisiya isaga oo leh “Cisiya Ilaah iyo Rasuulkiisa ayey caasiday”. Ilaahay wuxuu
Rasuulkiisa SCW ku soo dejiyey qur’aan aan akhrinnay haddana la nasakhay.
Qur’aankaas wuxuu micnihiisu ahaa (Allahayow gaarsii dadkayagii in aan la
kulannay Rabbigayo oo uu naga raalli noqday annaguna aan ka ralli noqonnay),
markaas ayaa Rasuulku SCW iska daayey Qanuuddii uu salaadda subax oran jirey”.
Sidaa darteed markii ay muslimiinta ku timaaddo musiibo waa shey wanaagsan in
mar mar la qanuudo, laakiin wax daliil ah islaamka kama haysato in salaadda
subax lagu gaaryeelo ama caado looga dhigo salaadda subax. Arrinkaas ah in
salaadda subax la qanuudo ma aysan samayn Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa iyo
dadkii wanwanaagsanaa (Salafu Saalix) ee waddadii Rasuulka SCW qaaday.
DUULLAANKII YAHUUDDII
REER BANUU NADIIR
Sida aan soo marnayba yahuuddii Madiina deggenayd waxa ay islaamka iyo
muslimiinta u hayeen cadaawad iyo xumaan, wax ay ula hareeenna ma jirin, in
aysan dagaal caddaan ah ugu soo bixin mslulimiinta maahane, taasna waxaa u
diidey markii ay arkeen wixii ku dhacay yahuuddii reer bani Qaynuqaac oo Madiina
laga raray iyo dilitaankii cadowgii Alle Kacab binu Ashraf. Arrimahaasina waxay
sababeen in yahuuddu qalaanqalkii iyo rabshadihii xoogaa joojiso, hase yeeshee
markii dagaalkii Uxud dhacay, oo muslimintii xoogaa dhaawac soo gaaray ayey ku
noqdeen sidoodii hore, waxayna muujisteen xumaan iyo cadaawad iyaga oo hoos kala
xiriiraya qureyshtii Makka iyo munaafaqiintii muslimiinta ku dhex jirtey.
Rasuulku SCW intaas oo dhan yahuudda wuu u sabrayey maxaa yeelay
heshiiskiii ay lahaayeen ayuu ilaalinayey, dagaallana way ku furnaayeen,
dhaawacna wuxuu soo gaaray ciidankii muslimiinta oo dhowr bilood gudohood ayaa
waxaa shahiidey 150 asxaabtii Rasuulka SCW ka mid ah. Yahuudna arrintani waxa ay
u siyaadisey qooq iyo xadgudub ilaa ay go’aansadeen in ay Rasuulka SCW dilaan,
sababtuna waxa ay ahayd: Rasuulka SCW ayaa kaxeystay koox asxaabtiisa ka mid ah
oo u tegey reer banii Nadiir, wuxuuna kala hadlay in ay la bixiyaan magtii
labadii nin ee Camar binu Umaya diley, maxaa yeelay heshiiskii u dhexeeyey ayaa
sidaas farayey. Markaas ayey dheheen “waan kuu yeelaynaa Abal-Qaasim halkaan noo
fariiso inta aannu dantaada kaaga fulineyno”. Rasuulku SCW wuxuu fariistay
meeshii ay u tilmaameen oo ahayd derbi guryahooda ka mid ah dhiniciis, isaga oo
sugayo in ay u fuliyaan ballantaas.
Yahuuddii sheydaan ayaa xumaan u qurxiyey, waxayna qaateen shir ay uga
hadlayaan sidii ay ku dili lahaayeen Rasuulka SCW waxayna ugu dambayntii isku
raaceen in ay dilaan Rasuulka SCW maaddaama uu maanta u soo gacan galay. Haddaba
yahuudda oo lagu yaqaanno in aysan si toos ah wax u dilin ee shirqool iyo
dhuumasho wax ku dilaan waxa ay isku raaceen in derbiga gadaashisa inta la
istaago dhagax weyn madaxa looga tuuro Nabiga SCW, markii uu dhintana ay dhaheen
“dhagax ayaa ku soo dhacay oo annagu ma aannaan dilin”. Waxaa markaa hadlay
koodii ugu caqliga badnaa oo la oran jirey Salaam binu Mashkam oo yiri
“arrintaas ha sameynina, Ilaah baan ku dhaartaye waa loo khabrayaa (Rusuulka SCW)
waxa aad damacdeen, ballantii naga dhexeysana way bureysaa”, hase yeeshee
fikraddaas dheg jalaq uma aysan siin, waxayna dhehee “yaa hawshan fulinaya?”,
waxaa markaa yiri “aniga” koodii ugu shar badnaa oo la oran jirey Camar binu
Jaxash. Rasuulka SCW waxaa u yimid Malaku Jibriil oo u sheegay waxa ay
go’aansadeen, markaas ayuu iska tegey oo aaday dhinicii Masaajidka. Rasuulku SCW
wuxuu markaa yahuuddii reer banii Nadiir u soo direy Maxammed binu Maslama
wuxuuna ku soo yiri “ku dheh ka guura Madiina ila degganaan maysaane, waxaanna
idiin qabtay 10 beri, ka dibna qofka aan ku arko oo idinka ah qoorta ayaan u
dheereynayaa”. Yahuuddii amarkii Rasuulka SCW wey diideen, wayna iska sii
deggenaayeen magaalada. Munaafaqii weynaa ee Cabdullaahi binu Ubayna wuu sii
dhiirrigeliyey oo hoosta ayuu kala xiriirey wuxuuna ku yiri “jooga oo ha bixina,
guryihiinnana yaan la idinka saarin, aniguna waxaan hastaa 2000 nin oo
dhufeyskiina idinla gelaysa idinlana dhimanaysa”. Allaahna SW haddalkaas
munaafaqa isaga oo tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
((MA OGTAHAY IN KUWII MUNAAFIQIINTA AHAA KU LEEYIHIIN
WALAALAHOODII GAALOOBAY (YAHUUDA) OO EHELU KITAABKA KA MID AHAA HADDII LA IDIN
BIXIYO WAA IDIINLA BAXAYNAA, QOFNA IDIIN ADEECI MAYNO WELIGEED, HADDII LA IDINLA
DAGAALAMANA WAAN IDIN GAR GAARAYNAA. ALLASE WAA OG YAHAY IN AY (MUNAAFIQIINTU),
HADDII LALA DAGAALAMANA UMA AY GAR GAARAYAAN, HADDII AY ISKU DAYAAN IN AY U GAR
GAARAANA DABADAY JEEDIN KA DIBNA LOOMA GAR GAARO)), (Suuratul-Xashir 11-12).
Yahuuddii markii ay hadalladaas munaafiqiinta maqleen ayey ku kadsoomeen,
wuxuuna ninkii madaxda u ahaa oo la oran jirey Xuyey binu Akhdhab farriin u soo
direy Rasuulka SCW uu ku leeyahay “ka bixi mayno guryahayga ee waxaad doonto
samee”. Rasuulka SCW markii uu warkaasi soo gaaray ayuu takbiirsaday,
asxaabtiisiina way takbiirsadeen, ciidankiisiina wuu soo kexeeyey, calankii
muslimiintana wuxuu u dhiibey Cali binu Abii-dhaalib. Madiinana wuxuu uga so
tegey Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum. Yahuuddii markii ay Rasuulka SCW iyo
ciidammadiisii arkeen ayey dhufeysyadoodii galeen. Rasuulkuna SCW waa dul degey
oo hareereeyey, wuxuuna amray in beerahooda la gooyo oo la gubo si aysan ugu
dhuuman una biilanin. Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:
((WIXII AAD GOYSAAN OO GEED AH (OO CADAWGU LEEYAHAY)
AMA AAD KA TAKTAAN IYADOO KU TAAGAN SALKEEDA WAA IDANKA ALLE IYO IN UU HOOJIYO
FAASIQIINTA)), (Suuratul-Xashir 5).
Munaafaqiintii muslimiinta ku dhex jirtey oo awal ballan qaaday in ay
yahuud dhufeyska la geli doonaan una gargaari doonaan, far ma aysan dhaqaajin.
Sidoo kale yahuuddii reer banii Qureyda oo Madiina wax ka degganayd iyo
qabiilooyinkii reer qadafaan oo ay xulafada ahaayeen midna uma soo dhaqaaqin oo
uma soo gurman. Rasuulku SCW wuxuu ku hareereysnaa 6 beri waxaa kaloo la dhahaa
15 maalmood. Waxaana Ilaahay yahuud quluubtoodii ku ridey rucbi iyo argagax,
wayna is dhiibeen, hubkiina way dhegeen, waxayna u soo cid direen Rasuulka SCW
iyaga oo leh “Madiina waan kaaga guureynaa”. Rasuulkuna SCW wuu ka aqbalay
laakiin wuxuu yiri “waxaad la bixi kartaan naftiina iyo ratigu wuxuu idiin qaado
oo aan hubku ku jirin”. Ka dib sidii ayey yeeleen oo hubkii ayey dhigeen,
guryihiina wixii ay sii kharaabin kareen way sii kharaabiyeen. Allaahna isaga oo
arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri:
((ALLE WAA KAN KA BIXIYAY KUWII GAALOOBAY EE EHELU
KITAABKA KA MIDKA AHAA GURYAHOODII KULMINTII HORABA, MA IDINNAAN MALAYNAYN IN AY
BAXAYAAN, IYANA WAXAY MALEEYEEN IN DHUFAYSYADOODA ALLE KA CELINAYAN, ALLASE WAXA
UU UGA YIMID MEE3L AYSAN FILAYN, WAXA UUNA QULUUBTOODA KU TUURAY ARGAGAX, WAXAY
GURYAHOODII KU KHARAABIYEEN GACMAHOODA IYO GACMAHA MU’MINIINTA, KU CIBRO QAATA
DADKA ARAGTIDA LAHOW (WAXA KU DHACAY DADKII ILAAHAY DIINTIISA LA COLAYTAMAY),
HADDUU ALLE KU XUKUMIN IN AY BAXAAN WAXA UU CADAABI LAHAA ADDUUNKA, AAKHIRANA
WAXA AY LEEYIHIIN CADAAB DARAN, MAXAA YEELAY WAXA AY LA DHINAC TAMEEN ALLE IYO
RASUULKIISA SCW, QOFKII ALLE LA DHINAC TAMANA, ALLE CIQAABTIISU WAA DARAN YAHAY)),
(Suuratyl-Xashar 2-4).
Waxa ay rarteen 600 oo rati, in badan oo iyaga ka mid ahaa oo ay ku jireen
odeyaashoodii waxa ay u guureen Khaybar, qaarkii kalena waxa ay u guureen
dhinaca Shaam. Waxaa dadkaas ka islaamay laba nin oo keliya, waxayna kala
ahaayeen Yamin binu Camar iyo Abuu Sacad binu Wahab. Labadaa nin xoolohoodii waa
loo celiyey.
Waxaa Rasuulku SCW la wareegay guryahoodii, dhulkoodi, beerahoodii,
maalkoodii iyo hubkoodii. Qaniimadaas laga helay reer banii Nadiir waxay khaas
ku ahayd Rasuulka SCW in uu sidii uu doono yeelo, khumusna lagama bixin,
ciidankiina looma qaybin, maxaa yeelay dagaal laguma soo qabsan. Allaahna wuxuu
arrintaa ku magacaabay “Fey” (Feygu waa xolaha cadawga laga furto iyada oo aan
dagaal dhicin). Rasuulku SCW wuxuu qaniimadaas u qaybiyey Muhaajiriin keliya,
Ansaarna wuxuu ka siiyey labo nin oo keliya, labaad oo ceyr ahaa, kalana ahaa
Abuu Dujaana iyo Sahal binu Xuneyf. Waxaa kale oo Rasuulku SCW ka nafaqeeyey
xaasaskiisa oo sannad biilkood ugu dhigay, xoolaha intoodii kalena wuxuu
Rasuulku SCW geliyey hub iyo wixii loogu diyaar garoobi lahaa jihaadka jidka
Allaah.
Duullaankaas reer banii Nadiir wuxuu dhacay bishii Rabbiicul Awal,
sannadkii 4aad ee hijriga, waxaana Ilaahay duullaankaas ugu warramay
Suuratul-Xashar, wuxuuna Allaah suuraddaas ku sifeeyey yahuuddii reer banii
Nadiir iyo munaafiqiintii muslimiinta ku dhex jirteyba, wuxuuna Cabdullaahi ibnu
Cabbas dhihi jirey suuraddaan “Suuradu-Nadiir”. Waxaa kale oo Allaah uu
suuraddaas ku caddeeyey axkaamta Feyga iyo cidda la siinayo, wuxuuna ku ammaanay
Muhaajiriin iyo Ansaar, wuxuuna caddeeyey in ay bannaan tahay in la gooyo oo la
gubo dhulka cadowga Alle, haddii maslaxad dagaal ay keento, oo aysan arrintaasi
ahayn israaf iyo xadgudub. Aakhirka Suuradda wxuu Allaah ugu dardaarmay in ay
xojiyaan Taqwada Allaah una diyaar garoobaan Aakhiro.
DULLAANKII NAJDI
Ka dib markii Alle u gargaaray Rasuulkiisii SCW uuna hoojiyey acdaa’dii
Ilaah ee reer banii Nadiir ayaa wardoonkii soo gudbiyeen in qabiilooyin reer
baadiye ah oo ka mid ahaa reer Qadafaan, lana kala oran jirey Banii Xaarith iyo
banii Thaclaba ay isku urursanayaan si ay Madiina ugu soo duullaan. Markaas ayaa
Rasuulka S.C.W ciidankii kaxaystay uguna teteg meeshii ay degganaayeen hase
yeeshee acdaa’dii Ilaahay markii ay maqleen ciidammadii Alle ayey buuraha iyo
kaymaha kala galeen, waxaana Alle ku riday baqdin iyo argagax, ka dibna
ciidankii musimiiintu waxa uu ku soo laabtay Madiina isaga oo aan wax dagaal ah
la soo kulmin, wuxuna dhacay duullaankani bishii Rabbiicul-Aakhir ama bishii
Jamaadul-Uulaa midkood.
| |
Home Up
Qur'aan Self-Study
Islamic
Links
Isfa Online Academy
Sheekhdirir.com
Houseofquran.com
Duruus
Daarulcilmi.com
|