Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka36

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

DAGAALKII UXUD (Qaybta: 4aad )

Ciidankii muslimiinta ee 50ka nin ahaa, oo uu Rasuulku SCW u xilsaaray in ay dhabar jebinta ka ilaaliyaan waxaa saddex jeer weerar ku soo qaaday ciidankii fardooleyda gaalada ee Khaalid madaxda u ahaa, uuna la socdo Abii Caamir Al-faasiq, hase yeeshee saddexdii jeerba si xun ayaa loo waabiyey. Sidoo kale ciidan weynihi gaalada oo gaarayey Saddex kun dabada ayuu jeediyey, calankooodiina sidii loo diley 10kii nin ee reer banii Cabdidaar iyo addoonkoodii Sawaab, dhulka ayuu yaallaa, qof dambe oo kor u qaada ama u dhowaadana waa la w aayey, goobtiina waxa qabsaday ciidankii yaraa ee 700 ahaa ee mulimiinta. Waxaana yimid Ilaahay nasrigiisii iyo gargaarkiisii uu u yaboohay ciddii diintiisa u gargaarta. Ciidankii gaaladuna baqo iyo carar ayuu dhabarka jeediyey, haweenkii la socdeyna cararkii ay cararayeen maryihii ayey xayteen ilaa ay dhudhummadoodii ka muuqdeen, oo raggii asxaabta ahaa ay la yaabeen. Halkaas waxaad ka garanaysaa sida ay haweenkii waqtigaa joogey, gaalaba ha ahaadeene, u xishoon jireen laakiin maanta iska daa kuwa aan diinta lahayn ee xayawaanka ka hoos maraye, in badan oo islaamnimo sheeganaysa ayaa xishoodkii geed ku soo wartay iyaga oo arrintaas mooday ilbaxnimo una haysta in gabadhii xishoota oo dhawrsata aysan ilbaxad ahayn.
    
     Xaaladdu markii ay halkaas marayso oo ciidankii muslimiintu uu goobtii la wareegay, qaniimadii iyo xoolihii gaaladana ay ururinayaan, ayaa 50kii nin oo gumaadda ahaa, oo Rasuulku SCW sidii la ogaa ula dardaarmay, kuna adkeeyey in aysan meeshooda ka soo dhaqaaqin haddii ay muslimiinta guul helaan iyo haddii kaleba, ayaa markii ay arkeen in ciidankii muslimiintu guuleystey oo qaniimadii gaalada ururinayo waxaa qaarkood ka xoog badiyey adduunyo jaceyl, markaas ayey ku dheheen qaarkii kale “war qaniimada, qaniimada, raggeennii baa guuleystey ee maxaad sugeysaan?”. Waxaa markaa la hadlay ninkii 50ka nin madaxda u ahaa Cabdullaahi binu Jubeyr, oo xusuusiyey dardaarankii Rasuulka SCW, kuna yiri “war ma hilmaanteen wuxuu Rasuulku SCW idin yiri?”. Hase ahaatee, laab meeli u caddahay meeli ka madow’e, arrinkaaas waxba dheg uma aysan jalaq siin, waxaana yaacay 40 nin, goobtiina waxaa ku haray 10 nin oo uu ku jiro Cabdullaahi binu Jubeyr, oo iyagu amarkii Rasuulka SCW sidii uu ahaa u fuliyey. Waxaa markaa weerar ku soo qaaday Khaalid binu Waliid oo watey ciidankii fardooleyda gaalada, markaa ka horna ay saddex jeer oo hore waabiyeen. Wuxuu Khaalid laayay 10kii nin, markaas ayaa ciidankii gaalada oo awal jabay wuxuu ogaaday in xaaladdii is beddeshay, dib buuna u soo laabtay, calankoodii oo muddaba ciidda iska yaallayna waxaa qaadday haween la oran jirey Camra bintu Calqama, oo ka mid ahayd 15kii haween ee la socday ciidanka gaalada. Ciidankoodii oo dhan wuxuu ku soo ururay meeshii calankoodu ka muuqday, muslimiintiina hore iyo gadaal ayey ka hareereeyeen.
    
     Ciidankii muslimiintu markii ay arrintaasi ku dhacday ayey wareereen oo meel looga yimid garan waayeen. Waxayna u qaybsameen wax buurtii fuula, wax carara oo magaaladii afka saara iyo wax ciidankii gaalada dhex gala oo kala garan waayey gaaladii iyo muslimiintii ilaa ay iyaga laftoodii is laayeen. Ninkii la oran jirey Xudeyfa binu Yamaam, ayaa arkay aabbihiis Yamaam oo muslimiinta ka mid ahaa oo muslimiin kale dileyso, markaasuu qayliyey oo yiri “addoomadii Ilaahayow waa aabbahay, aabbahay”, hase yeeshee cidi ma aysan maqal, wayna ku sii wadeen ilaa ay ka dileen, markaas ayuu Xudeyfa yiri “Allaah ha idiin danbi dhaafo”.
    
     Waxay muslimiintii jahwareerkaas ku jiraanba, waxay arrintii sii kharaaratey markii ay maqleen qaylo oranaysa “Maxammed waa la diley”, markaas ayaa niyad jab ku dhacay ilaa ay raggii qaarkood dagaalkii joojiyeen, ragna dhabarka sii duween. Allaahna isagoo ka hadlaya ragaas cararay ee dhabarka jeediyey waxa uu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((KUWA IDINKA MID AH EE JEESTAY MAALINKII LABADA CIIDAN KULMEEN, WAXAA SIMBIRIXIYEY SHAYDAAN WAXAY KASBADEEN QAARKIISA SABABTEED, ALLESE WAA UU ISKA CAFIYEY, WUXUUNA AHADAY ALLE MID DHAAFA OO DULBADAN)), (Suuratu Aali-Cimraa 155).
    
     Laakiin dad isku mid ma ahane, rag baa wacdaro muujiyey sida Anas binu Nadar oo soo maray rag meel iska jooga, markaas ayuu ku yiri “maxaad sugeysaan?”, waxay dheheen “Rasuulkii SCW waa la diley”, wuxuu yiri “maxaad nolol ku falaysaan gadaashiis? war soo baxa oo ku dhinta wuxuu Rasuulku SCW ku dhintay”, wuuna sii dhaafay isagoo leh “Allahayow waxaan kaaga cudurdaaranayaa waxa ay sameeyeen kuwaan (muslimiinta), waxa aana kaaga beri noqonayaa waxa ay sameeyeen kuwaas (gaalada)”. Wuxuu la kulmay Sacad binu Mucaad, markaas ayaa Sacad yiri “xaggee u socotaa?”, wuxuu Anas yiri “jannada carafteedii ayaan Uxud sokedeeda ka helayaa”, wuxuu Anas ciidankii gaalada ayuu ku dhex dhacay, aad ayuuna u dagaallamay ilaa uu aakhirkii ka shahiidey. Markii uu dagaalku dhammaadayna cid garata ayaa la waayey ilaa ay markii dambe walaashiis ku aqoonsatay farihiisii, waxaana jirkiisa ku yaalley dhowr iyo siddeetan nabar oo isugu jira waran, seef iyo fallaar. Waxaana sida la wariyo sababtiisa ku soo degtay aayadan:
    
     ((MU’MINIINTA WAXAA KA MID AH RAG KU RUN SHEEGAY WAXAY ALLE KULA BALLAMEEN, WAXAA KA MID AH MID GUTAY BALLANTII (SIDA ANAS), WAXAA KA MID AH MID SUGAYA MANA AYSAN BADALIN (GO’AANKODII)), (Suuratul-Axsaab 23).
    

     Sidoo kale Thaabit binu Daxdaax wuxuu u dhawaaqay ansaar oo ku yiri “Ansaareey haddii Maxammed SCW la diley Allaah ayaa nool oo aan dhiman ee u dagaallama diintiinna Allena waa idiin gargaarayaaye”. Koox Ansaar ah ayaa markaa isagii raacday oo la dagaal gashay ilaa isagii iyo iyagiiba la laayey. Sidoo kale nin Muhaajiriinta ka mid ahaa ayaa soo maray nin Ansaar ah oo dhiiggiisa ku dhexgalgalanaya oo naf yari ku jirto, markaas ayaa kii muhaajirka ahaa ku yiri “hebelow Maxammed SCW la diley waa gaarsiiyey (xaqii) ee u dagaallama diintiinna”. Allena SW isagoo tilmaamaya dhaawaca muslimiinta soo gaaray iyo in uusan kaligood gaar ku ahayn, uuna doonayo rag shuhado ah oo jidkiisa ku dhinta, waxa uu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((HA DACIIFININA HANA MURUGOONINA IDINKAA SAREEYA HADAAD MU’MINIIN TIHIIN, HADDII DHAAWAC IDIN TAABTAY NIMANKABA (GAALADA QUREYSH) WAXAA TAABTAY DHAAWAC LA MID AH, WAANA SAAS MAALMUHU OO WAXAAN KU WAREEJINNAA DADKA DHEXDIISA, WAXAANA (AALLE SIDAA U YEELAY IN) UU OGAADO (MUUJIYO) KUWA MU’MINIINTA AH, IDINKANA YEESHO (QAARKIIN) SHUHADO, ALLENA MA JECLA DAALIMIINTA, IYO IN UU ALLE IMTIXAAMO KUWA MU’MINIINTA AH GAALADANA TIRTIRO)), (Suuratu Aali-Cimraan 139-141).
    
     Sidoo kale Alle SW isagoo xusuusinaya mu’miniinta in Nabi Maxammed SCW yahay Rasuul ka mid ah Rusushii uuna dhimanayo sidii Rusushii ka horayseyba ay u dhinteen haddii uu dhintana aan loo baahnayn in la gaaloobo waxa uu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ( (NABI) MAXAMMED SCW MA AHAN WAXAAN RASUUL AHAY, WAXA TEGAY (DHINTAY) HORTIINA RASUULO, (HADDABA) HADDII UU DHINTO AMA LA DILO MA WAXAAD U GADOOMAYSAAN CIRIBTIINII (GAALNIMO), QOFKII U GODOOMA CIRIBTIISA (GAALOOBA) WAXBA KA DHIBI MAHAYO ALLE, WUUNA ABAAL MARINAYAA KUWA KU SHUKRIYA)), (Suuratu Aali-Cimraa 144).
    
     Dhinicii Rasuulka SCW waxaa ku haray 9 nin (7 Ansaar ah iyo 2 Muhaajiriin ah), waxaana isku hareereeyey fardooleydii ciidankii gaalada. Rasuulku SCW dagaalyahannimadiisii iyo geesinnimadiisii ayuu muujiyey, wuxuuna sameeyey, isagoo sidaa loo hareereeyey oo cadowgii gaaladu ku soo ururay, ayuu u dhawaaqay muslimiintii, isaga oo og in gaaladu hadalkiisa maqlayso inta aysan muslimiintu maqlin, wuxuuna yiri “addoomadii Allow kaalaya Rasuulkii Alle ayaan ahaye”. Allena isagoo arintaa tilmaamaya waxa uu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((MARKAAD KORAYSEEN (CARAREYSEEN) OO AYDAAN MILICSANAYN QOFNA, RASUULKUNA SCW IDINKAGA YEERAYEY GADAASHIINA WAXAA IDINKU DHACAY MURUG AY LA JIRTO MURUG SI AYDAAN UGA TIIRAAN YOON WIXII ADINKA TEGAY IYO WIXII IDIN ASIIBAY, ALLENA WAA GUN OGYAHAY WAXAAD CAMAL SAMAYNAYSAAN)), (Suuratu Aali-Cimaraa).
    

     Gaaladii ayaa markaa maqashay oo si fiican ugu soo ururtay. Rasuulka SCW waxaa aad u difaacay 9kii nin, waxayna Rasuulka SCW u noqdeen gaashaan, oo leeb iyo waran kasta oo lagu soo tuuro iyaga ayaa isu dhigayey, kii gacan ula yimaada Rasuulkana SCW wey ka difaacayeen. Ciidankii gaaladu si kasta inta ay yeeleen ayey u tegi kari waayeen Rasuulka SCW. Sagaalkii nin sidi ninba mar u shahiidayey waxaa ugu dambayntii ku soo haray labadii nin oo Muhaajiriinta ahaa, Dalxa binu Cubeydillaah iyo Sacad binu abii Waqaas. Waqtigaasna wuxuu ka mid ahaa waqtiyadii ugu dhibka badnaa noloshii Rasuulka SCW, waxayna ahayd fursaddii ugu dhoweyd gaalada in ay Rasuulka SCW dilaan, waxayna u geysteen dhaawacyo dardaran. Waxaa Rasuulka SCW dhagxaan ku soo tuuray nin ciidankii gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey Cutba binu abii Waqaas, oo la dhashay Sacad binu abii Waqaaska Rasuulka SCW difaacayey. Dhagaxaantii qar ka mid ah ayaa ku dhacay Rasuulka SCW oo ka jebiyey foolka hoose ee midig bishinta hoosena ka jeexay.
    
     Sidoo kale nin kale oo gaalada ka mid ahaa, lana oran jirey Cabdullaahi binu Shihaab Suhri, wuxuu isna Rasuulka SCW ka dhaawacay wejiga. Wiil reer Faaris ahaa oo la oran jirey Cabdullaahi ibnu Qum’a ayaa isna sidoo kale Rasuulka SCW seef daran qoorta uga dhuftay hase yeeshee Ilaahay oo ka badbaadiyey iyo Rasuulka SCW oo labo canbuur bireed iyo koofi bir ah qabay seeftaasi gudaha uma gudbin inkastoo Rasuulku SCW muddo bil ka badan uu ka sheegan jirey dhaawacaas. Sidoo kale ninkaasi wuxuu Rasuulka SCW ku dhuftay seef tii hore mid ka daran oo koofiyad bireeddii dhaaftay ilaa ay birihii Rasuulka SCW ka galeen madaxa, wuxuuna yiri markuu seeftaa Rasuulka SCW ku dhuftay “qaado in Qum’a ayaa ahe”. Rasuulku SCW wuxuu ku yiri isago dhiigga sika tiray a “Alla ku hooji”, dabadeedna waxaa ninkaas ku dhacay habaarkii Nabiga SCW oo si xun ayuu u dhintay. Rasuulku SCW sidoo kale wuxuu yiri “sidee u liibaanayaan dad dilaacshay wejigii nabigooda oo jebiyey foolashiisii isagoo xaga Alle ugu yeeraya?”. Alle aya markaa aayadan soo dajiyey.
    
     ((WAXBA AMARKA KUMA LIHID (NABIYOW SCW, ALLENA) AMA WAA KA TAWBAD AQBALIN AMA WUU CADAABIN IYAGA (GAALADA) MAXAA YEELAY IYAGU WAA DAALIMIIN)), (Suuratu Aali-Cimraan 128).
    
     Muddo ka dibna wuxuu Rasuulku SCW yiri “Rabbiyow qowmkayga u dhaaf waxba ma ogee”.
    
     Gaaladii qureysheed waxay aad ugu dadaaleen maalinkaas in ay Rasuulka SCW dilaan, wax ay la hareen oo dagaal ahana ma jirin, si kastana way u dagaallameen, hub kasta oo ay heli kareenna way ku tuureen Rasuulka SCW sida seef, waran, fallaar, dhagax, iwm, laakiin Alle dile ayaa dhinta, waxaa Alle Rasuulkiisa SCW ku ilaaliyey 9kii nin oo toddobo ku shaahiiddey. Labadii nin ee soo hartay, Daxa iyo Sacad, oo ahaa niman aad dagaalka iyo shiishkaba ugu dheereeya waxa ay u beerdhigeen ciidan tiro badan oo doonayey in ay Nabiga SCW dilaan. Waxay labadaa nin isu dhegayeen ama ka celinayeen nabar kasta oo Rasuulka SCW ku socda ilaa ay Dalxa gacantiisii ka qallashay siduu nabar walba ugu dhigayey. Waxaa Dalxa ku dhacay dhowr iyo soddon nabar. Sidoo kale Tarmadi waxa uu wariyay in Rasuulku SCW isagoo Dalxa ka warramaya uu yiri “qofkii eegaya shahiid dhulka korkiisa ku socda, ha eego Dalxa binu Cubeydillaah”. Abuubakarna markuu xusuusto maalinkaa Uxud wuxuu oran jirey maalinkaas oo dhan waxaa iska lahaa Dalxa”. Rasuulku SCW isagoo guubaabinaya Sacad wuxuu yiri “Sacadow gan, aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee”.
    
     Allaah wuxuu soo dejiyey nasrigiisii, waxayna Bukhaari iyo Muslim weriyeen in Sacad yiri “Waxa aan arkay maalinkii Uxud labo nin (malag) oo difaacaya Rasuulkii Alle SCW, waxayna qabeen dhar cad cad, waxayna ahaayeen dagaalyahanno aanan hore iyo gadaal midna u arag”. Riwaayad kale waxay sheegtay in ay ahaayeen Jibriil iyo Makaa’iil. Waxaa sidoo kale nasrigii Allaah kamid ahaa in Alle uu ku dajiyay Rasuulka iyo asxaabta daganaansho iyo xasilooni, kana saaray quluubtooda baqdintii ilaa ay mararka qaarkood ka lulmoonayeen, wuxuuna Bukhaari ka wariyay abuu Dalxa Al-Ansaari in uu yiri “waxaan kamid ahaa kuwii ay lulmadu qabatay maalinkii Uxud ilaa ay marar seeftaydii gacantayda ka dhacday”. Allena isagoo arrinkaas tilmaamaya waxa uu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((WUXUU MARKAA IDINKU SOO DAJIYEY MURUGTIINII KA DIB AAMIN AHAANSHO LULMO DABOOSHAY KOOX IDINKA MID AH, KOOXNA WAXAA WALAACISAY NAFTOODA, WAXAYNA ALLE U MALEEYEEN WAX AAN XAQ AHAYN OO AH MALE JAAHILIYADEED, WAXAYNA LEEYIHIIN AMARKA MIYAAN WAX KU LEENAHAY? WAXAAD DHAHDAA AMARKA DHAMMAANTIIS ALLAA ISKA LEH, WAXAYNA NAFTOODA KU QARINAYAAN WAXAYNA KUU MUUJINAYN, WAXAY LEEYIHIIN HADDAAN AMARKA WAX KU LAHAAN LAHAYN NALA KUMA DILEEN HALKAN, WAXAAD TIRAAHDAA HADDAAD TIHIIN GURYIHIINA DHEXDOODA WAY U SOO BIXI LAHAAYEEN KUWII LOO QORAY DILKA MEESHII LAGU DILI LAHAA, (WUXUUNA ALLE SIDAAS U SAMEEYEY) SI UU U IMTIXAAMO WAXA LAABTIINA DHEXDOODA KU JIRA IYO IN UU KALA SHAANDHEEYO WAXA QULUUBTIINA KU JIRA, ALLENA WAA OG YAHAY WAXA LAABTIINA KU SUGAN)), (Suuratu Aali-Cimraan 154).
    
     Muddo yar ka dib asxaabtii qaar ka mid ah waxay arkeen Rasuulka SCW, markaas ayay hal mar ku soo firxadeen. Qofkii u horreeyey oo u yimaada wuxuu ahaa Abuubakar sidiiq. Ibnu Xibbaan wuxuu saxiixiisa ku weriyey in Caa’isha tiri “Abuubakar wuxuu yiri “maalinkii Uxud markii ay dadkii (muslimiintii) oo dhan yaaceen, qofkii ugu horreeyey oo Nabiga SCW u soo laabtay ayaan ahaa, markaas ayaan arkay nin hortiisa ka dagaallamaya oo difaacaya, markaas ayaa iri “aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee noqo (ahow) Dalxa”, waxaa markaa iga daba yimid Abuu Cubeyda Ibnu-Jarraax, markii aan Nabiga SCW u tagnayna waaba Dalxa oo Nabiga SCW hortiisa ku dhacay, markaas ayaa Nabiga SCW yiri “qaada walaalkiin way u waajibtaye (janno)”. Waxaa damcay in aan Nabiga SCW ka siibo birihii madaxa ka galay, Abuu Cubeyda ayaa markaa yiri “Ilaah baan kugu dhaarshaye maad ii deysid Abuubakar”, markaas ayaan u daayey. Ilkihiisii ayuuu intuu ku qabtay soo dhiraandhiriryey si aysan Nabiga SCW u xanuujin. Markuu banaanka birihii u soo bixiyeyna foolkiisii ayaa soo raacay. Waxaan damcay markaa in aan tii (birtii) kale ka soo bixiyo Nabiga SCW, markaas ayuu yiri “Ilaah baan kugu dhaarshaye Abuubakar maad ii deysid”. Ka dib sidii oo kale ayuu u dhiraandhiriyey, markuu soo saarayna foolkiisii kale ayaa soo raacay. Dabadeed waxaan u tagnay Dalxa si aan u daweyno isagoo ay ku taallo dhowr iyo toban seefood”.
    
     Intaa ka dib asxaabtii ayaa meeshii ku soo ururtay, gaaladiina waa ka soo ururtay, aad ayeyna msulimiintii ciriiri u geliyeen ilaa uu Rasuulku SCW ku dhacay bohol uu Abuu Caamir Al-faasiq qoday, oo uu lowga ka murgacday, waana laga soo bixiyey Rasuulka SCW bohoshii. Sidoo kale Rasuulka SCW fallaaruhu dhinac walba ayey uga imaanayeen, Allaahna dhinac ayuu ka marinayey, waana ka indho saabay in badan oo gaalada ka mid ahayd sida Cabdullaahi ibnu Shibaab oo oranyey “i tusiya Maxammed SCW, badbaado uma sugnaane” isaga oo agtiisa maraya oo hadba dhinac u dhaafaya. Ninka la yiraahdo Safwaan binu Umaya sidoo kale wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma aan arag (Nabiga SCW), waxaanna ku dhaaranayaa in uu mamnuuc naga yahay, annaga oo afar nin ah ayaannu ku soo ballannay in aan dilno, mana aannaan gaarin”.
    
     Dagaalkii mar labaad ayuu si daran uga dhacay meeshii Rasuulku SCW joogey, gaaladana wuxuu hadafkoodu ahaa in ay dilaan Rasuulka SCW, iyagoo dadaal dheeraad ah ku bixinaya dilitaankiisa. Hase ahaatee asxaabtii Rasuulka SCW agtiisa ku soo ururtay oo ahaa askar Ilaahay, oo ninkiiba koox u dhigmo, ayaa faro kulul tusay gaaladii, Rasuulkana SCW aad u difaacay, dadaal iyo ragannimana muujiyey.
    
     Ninka la yiraahdo Abuu Dalxa Al-Ansaari wuxuu taagnaa Rasuulka SCW hortiisa, wuxuuna ka ilaalinayey Rasuulka SCW oo uu isu dhigayey fallaaraha gaalada, wuxuuna ahaa nin ganaa ah, maalinkaasna waxaa ka jabay labo qaanso. Sidoo kale Abuu Dujaana wuxuu isna taagnaa Rasuulka SCW hortiisa, dhabarkuuna u dhigayey fallaaraha gaalada, waxaana la yiri leebabka oo dhabarkiisa ku dhacaya ayuusan is dhaqaajineynin. Sacad binu Abii Waqaas sidoo kale wuxuu ku dadaalayey in uu dilo walaalkiis Cutba binu Abii Waqaas, oo ahaa ninkii Rasuulka SCW ka jebiyey foolka. Waxaa hase yeeshee Cutba ceyrsaday oo diley Xaadhib ibnu abii Baltaca, oo ka furtay faraskii iyo seeftiiba. Sahal binu Xunef wuxuu isaguna sidoo kale Rasuulka SCW la galay Beycatul-Mawt.
    
     Sidoo kale Cabdirahmaan ibnu Cawf waxaa ku dhacay maalinkaas labaatan nabar ama in ka badan. Maalik binu Sinaan, oo ahaa Abii Saciidul-khudri aabbihiis, ayaa isna maaalinkaa wacdaro muujiyey. Wuxuu soo nuugay dhiiggii fariistay wejigii Rasuulka SCW ee nabarku ku dhacay, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri “iska tuf” hase yeeshee wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye weligey tufi maayo”. Ka dib dagaalkii buu hore u sii galay, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri “qofkii doonaya in uu fiirsho nin ehlu-Janna ah ha fiirsho ninkaas”. Dabadeed Maalik goobtii ayuu ku shahiiday. Sidoo kale Qataada ibnu Mucmaan isha ayaa nabar uga dhacay markaasuu Rasuulka SCW u yimid Rasuulkuna gacanta ayuu ka mariyay, wayna u raysatay.
    
     Waxaa iyaguna dagaalka qayb wayn ka qaatay qaar ka mid ahaa gabdhihii muslimaatka oo gadaal ka yimid, sida gabadhii la oran jirey Ummu Cammaara (Nusayba bintu Kacab) oo u banbaxday ninkii Rasuulka SCW seefaha ku dhuftay, Ibnu Qum’a, waxayna ku garaacday dhowr seefood laakiin dhaawac weyn ma gaarin maxaa yeelay labo canbuur bireed ayuu iska dul qabay, isaguna hal seef ayuu qoorta uga dhuftay, ka dibna Ummu Cammaara way si dagaallantay waxaana korkeeda ku dhacay labo iyo toban nabar.
    
     Ninkii ahaa Muscab ibnu Cumeyr wuxuu waday calankii muslimiinta, wuxuuna maalinkaas dagaallamay dagaal aad u xeel dheer, ilaa bilowgii dagaalkana calanka muslimiintu gacata ayuu ugu jirey, wuxuuna ka mid ahaa raggii ugu horreeyey ee Rasuulka SCW ku soo laabtay, ka dibna qayb weyn ka qaatay difaaciddii Rasuulka SCW. Ugu dambeyntii waxaa Muscab laga gooyey gacantii midig ee uu calanka ku waday, markaas ayuu gacantii bidix ku qabsaday oo sii dagaallamay ilaa gacantii bidixna laga gooyey. Ka dib wuxuu calankii ku qabsaday xabadka iyo qoorta ilaa uu aakhirkii halkaas ku shahiiday oo waxaa dilay Ibnu Qam’a. Markii uu diley ayuu wuxuu u maleeyey Rasuulkii SCW, markaas ayuu gaaladii ku dhex dhacay oo qeyliyey yirina “Maxammed waan diley”, warkaa beenta ah ayaa ku dhex faafay gaaladii iyo muslimiintii kale ee aan Rasuulka SCW la joogin. Gaaladii markii ay hadalkaas maqleen way farxeen iyaga oo u malaynaya in ay Nabigii SCW dileen oo ay u jeeddadoodii gaareen. Markii Muscab la diley wuxuu Rasuulku SCW calankii muslimiinta u dhiibey Cali binu Abii-dhaalib. Cali aad ayuu u dagaallamay isaga iyo asxaabtii kale ee Rasuulka SCW agtiisa joogtey ilaa ay markii dambe Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii jid banneysteen.
    
     Kacab binu Maalik oo asxaabta ka mid ahaa, uuna gaaray warkii beenta ahaa, ayaa Rasuulkii SCW arkay, markaas ayuu aad u dhawaaqay oo yiri “muslimiineey bishaareysta, waa kan Rasuulkii Allee SCW”. Rasuulka SCW ayaa markaa u tilmaamay in uu aamuso si aan gaaladu u ogaan meesha uu Rasuulku SCW joogo, hase yeeshee qayladii waxay gaartay gaaladii iyo muslimiintiiba, markaas ayaa in badan oo muslimiin ahi ku soo ururtay meeshii, gaaladiina waxa ay kordhiyeen weerarkoodii. Ninka la yiraahdo Cusmaan binu Cabdullaahi, oo ka mid ahaa fardooleyda gaalada, ayaa Rasuulka SCW ku soo baxay isaga oo leh “badbaado kuuma sugnaan”, Rasuulkuna SCW waa la dagaallamay laakiin waxaa kaga hormaray oo ninkaa diley Xaarith binu Sumah. Waxaa isna soo orday ninka la yiraahdo Cabdullaahi binu Jaabir, oo isna fardooleydii gaalada ka mid ahaa, wuxuuna seef qoorta uga dhaawacay Xaarith. Muslimiintii ayaa markaa qaaday Xaarith oo dhaawac ah, ka dibna Abuu Dujaana ayaa si degdeg ah seef qoorta ugaga gooyey Cabdullaahi binu Jaabir.
    
     Rasuulka SCW iyo asxaabtiisi waxay xoog ku jireen gaaladii waxayna fuuleen buurtii, waxaa markaa ka daba tegey Rasuulka SCW nin ciidanki gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey Ubay ibnu khalaf, oo ka mid ahaa dadkii Rasuulka SCD ku dhibi jirey Makka, kuna yiri maalin “Maxammed SCW faras baan u naaxiyaa in aan kugu dilo”, Rasuulkuna SCW wuxuu ugu jawaabay” anigaa ku dili doona haddii Alle idmo”. Markuu Rasuulka SCW ka daba tegey ayuu yiri “meeyey Maxammed SCW magangal kuuma sugnaan”. Rag asxaabta ka mid ah ayaa markaas yiri “Rasuulkii Allow nin aan u saarno”, hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri “iska dhaafa”, isagaana leeb ku dhuftay. Ka dib Ubay ciidankii gaalada ayuuu ku laabtay isagoo dhaawac ah, markaas ayuu qureysh ku yiri “Maxammed baa i diley”, waxay ku dheheen “waad fuleyowday”, maxaa yeelay nabar weyni kuma oollin. Markaas ayuu yiri “markaan Makka joogney ayuu Maxammed i yiri “anigaa ayaa ku dili doona” wuuna i diley”. Dabadeedna Ubay wuxuu dhintay markii uu laabtay ciidankii gaaladu isagoo aan Makka gaarin, waana ninkii keli ahaa ee Rasuulku SCW gacatiisa ku diley.
    
     Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markii ay buurtii fuuleen, waxaa iyaguna buurtii dhinac ka soo fuulay ciidan qureysheed oo ay hoggaaminayaan Abuu Sufwaan iyo Khaalid, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “Allahayow kuwaas awlo uma ahaanin in ay naga kor maraan”. Waxaa markaa la dagaallamay nimankaas Cumar binu Khadhaab iyo koox la jirta ilaa ay buurtii ka dejiyeen. Kaas ayuuna ahaa dagalkii u dambeeyey ee goobtii Uxud ka dhacay.
    
     Ciidankii gaaladu waxa uu intaa ka dib bilaabay in uu isku urursanayo meeshiii uu degganaa dagaalka ka hor, dumarkii la socday iyo raggii qaar ka mid ahaana waxay ku mashquuleen in ay dhalan rog ku sameeyaan oo ay dooriyaan raggii shuhadada ahaa ee lagu laayey goobta. Waxayna jarayeen sanka, dhegaha iyo xubno kaleba. Qaar shuhadadii ka mid ahna waxa ay kala baxeen beerka. Hindu binu Cutba waxay beerka kala baxday Xamsa, markaas qoorxir uga dhigatay ghego iyo sanan ay ka soo jaratay qaar ka mid ah raggii shuhadada ahaa.
    
     Dhinicii gabdhihii muslimaatka ahaa sidii aan soo sheegnayba qaar ka mid ahaa ayaa qayb libaax ka qaatay dagaalka waxayna badankoodii yimaaddeen markuu dagaalku dhammaaday. Qaarkood waxay biyaha soo waraabinayeen ayna daweynayeen dadkii dhawaca ahaa, sida Caa’isha, Umu Sulaym iyo Umu Sulaydh, qaarkoodna way dagaallamayeen sida gabadhii la oran jirey Ummu Ayman oo iyadoo Madiina joogta aragtay rag asxaabtii ka mid ah oo magaalada baqo ku soo galay, markaas ayey mid ka mid ah ku tiri “waad soo baqday, war i sii seeftaada”, ka dibna waxay timid goobtii dagaalka, waxayna wax ka waraabinaysay dadkii dhaawaca ahaa. Dhammaadkii dagaalka waxaa Ummu Ayman leeb ku soo tuuray nin la oran jirey Xibbaan binu Curqa, markaas ayey dhacday (iyada oo dhaawaca ah), maradiina ka feydantay. Qosol ayuu markaas cadowgaas Alle la dhacay, Rasuulka SCW ayaa markaa Sacad binu Abii Waqaas leeb u dhiibay oo ku yiri “ku gan”. Sacad ayaa leebki ku ganay oo dhuunta bartankeeda kala helay, markaas ayuu xabdka u dhacay cawradiina ka feydantay. Markaas ayaa Rasuulku SCW ku qoslay ilaa ay miciyihiisii ka muuqdeen, wuxuuna yiri “Sacad ayaa u gargaaray, Allaahna wuu aqbalay ducadiisii”. Waxaa halkaan iyo meelo kaleba laga qaatay in gabdhaha muslimaatka ahi ka qayb qaadan karaan jihaadka haddii balad islaam lagu soo duulo oo xaaladu ay khatar gaadho, wuxuuna jihaadku ku noqonayaa waajib sida raga, sidoo kale gabadha muslimada ahi way is difaacaysaa haddii nafteeda loogu yimaado.
    
     Ka dib waxaa Rasuulka SCW dhiiggii ka dhaqay gabadhiisii Faadumo, waxaana biyaha ugu shushubayey Cali, Faadumo markii ay aragtay in biyuhu aysan dhiigga joojineyn ayey soo qaadatay caw yar, oo inta ay gubtay meeshii saartay ilaa uu dhiiggii joogsaday. Maxammed binu Maslamana wuxuu Rasuulka SCW u keenay biyo macaan si uu u cabbo. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii tujiyey salaaddii duhur isaga oo fadhiya.
 

DAGAALKII UXUD [Qaybta::: 5aad]

Markii ay ciidanka gaaladu is urursadeen oo ay noqonayeen ayaa hoggaamiyahoodi Abuu Sufyaan fuulay buur oo dhawaaqay isaga oo leh “Maaxammed ma idinku jiraa”, looma jawaabin, markaas ayuu yiri “ina abii Quxaafa (Abuubakar) ma idinku jiraa?” looma jawaabin, markaas ayuu yiri “Cumar binu Khadhaab ma idinku jiraa?”, looma jawaabin. Qof kale ma uusan magacaabin maxaa yeelay wuxuu ogaa booska ay saddexdaasi ka joogeen islaamka iyo haddii ay dhintaan in islaamku halis ku jiro, wuxuu intaas ka dib yiri “kuwaas waa la idinka kaafiyey”. Waxaa markaas is hayn waayey Cumar binu Khadhaab oo yiri “cadowgii Allow kuwaas aad soo sheegtay way nool yihiin, Allena wuxuu u dib dhigay wax ku caro geliya”, markaas ayuu yiri “dadkiinnii la dhalan rogey ma aanan amrin, kamase xumaan”. Ka dib wuxu yiri “hubulow kor noqo”, Rasuulka SCW ayaa asxaabtii ku yiri “miyeydaan u jawaabeyn?”, markaas ayey dheheen “maxaa dhahnaa?” wuxuu yiri dhaha “Allaah baa sarreeya oo weyn”, markaas ayuu Abuu sufyaan yiri “Cusaan leenahay idinkuse Cuse ma lihidin”. Rasuulka SCW ayaa asxaabtii la hadlay oo ku yiri “miyeydaan u jawaabeyn?” waxay dheheen “maxaan dhahnaa?”, wuxuu yiri dhaha “Gargaare ayaanu leennahay idinkuse gargaare ma lihidin”. Wuxuu markaas Abuu Sufyaan yiri “maanta maalintii Badar ayey u dhigantaa, dagaalkuna waa wadaameysi”, Cumar ayaa u jawaabay oo yiri “ma sinnin, dadkayagii la diley jannada ayey ku jiraan, dadkiinniina naar”. Wuxuu markaa Abuu Sufyaan yiri “Kaalay Cumarow”. Rasuulka ayaa Cumar ku yiri “u tag oo fiiri xaalkisa”, Cumar ayaa u tegey Abuu Sufyaan, markaas ayuu Cumar ku yiri “Ilaah baan kugu dhaarshaye Cumarow ma dilnay Maxammed?”, Cumar wuxuu yiri “maya, haddana wuu ku maqlayaa”, wuxuu yiri Abuu Sufyaan “adiga ayaan kaaga rumeyn badnahay ibnu Qum’a”. Abuu Sufyaan iyo ciidankiiisii way baxeen iyagoo oranaya “ballanteennu waa Badar sannadka soo socda”, markaas ayuu Rasuulku SCW nin asxaabtiisa ka mid ah ku yiri “ku dhe waa yehay waa inoo balllan”.
    
     Rasuulku SCW wuxuu markaa ciidankii gaalada ka daba direy Cali binu Abii-dhalib oo ku yiri “daba kac oo fiiri waxa ay samaynayaan iyo waxa ay doonayaan, haddii ay fardaha hogaamiyaan, geelana fuulaan Makka ayey u socdaan, haddii ayse fardaha fuulaan, geelana kexeeyaan Madiina ayey u socdaan, Ilaaha ay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, haddii ay aadaan Madiina waar raacaynaa oo la dagaallamaynaa”. Cali wuu baxay oo daba kacay, wuxuuna arkay fardihiii oo ay hoggaamiyeen iyo geelii oo ay fuuleen, dhinicii Makkana ay aadeen.
    
     Dadkii muslimiinta ahaa waxa ay intaa ka dib fiirfiirin u galeen shuhadadii goobta lagu laayey iyo kuwii dhaawaca ahaa. Seyd binu Thaabit wuxuu yiri “Rasuulka SCW ayaa ii direy maalinkii Uxud in aan raadiyo Sacad binu Rabbiic, wuxuuna igu yiri “haddii aad aragto igu salaan, waxaadna ku tiraahdaa Rasuulkii Alle wuxuu ku leeyahay sidee tahay”. Markaas ayaan dhex qaaday dadkii la laayey, ka dibna waxaan u tegey isagii oo naftii ugu dambeysey ku jirto, ayna ku yaallaan 70 nabar oo isugu jira waran, seef iyo gammuun, markaas ayaan ku iri “Rasuulkii Alle wuu ku salaamayaa wuxuuna ku leeyahay iiga soo warran sida aad tahay”. Sacad wuxuu yiri “ma Rasuulkii Alle ayaa i salaamaya, ku dheh Rasuulkii Allow waxaan helayaa jannada carafteedii, qowmkeygii Ansaarna ku dheh cudurdaar kuma lihidin Ilaahay agtiisa haddii Rasuulka Alle wax la gaarsiiyo idinka oo il qoyani idinku jirto”, ka dibna naftii ayaa deysey Sacad.
    
     Raggii asxaabta ahaa oo ku dhex wareegayey meydkii iyo dhaawicii meesha yaalley, waxa ay arkeen nin la oran jirey Camar binu Thaabit oo loo yaqaanay Usayram oo naf yar ku jirto, markaa ka horna ay islamka u bandhigi jireen oo diidey. Markaas ayey isku dheheen “Useyramkan maxaa keenay, maxaa yeelay waxa aannu ka soo tagnay isaga oo xumaan u arka arrinkan (islaamka)?”. Ka dib way u tageen oo weydiiyeen, waxayna dheheen “maxaa ku keenay, ma ficiliaa mise waa jacayl islaam”, wuxuu yiri “jacayl islaam ayaa i keenay, Alle iyo Rasuulkiisa ayaan rumeeyey, ka dibna Rasuulka SCW la jirkiisa ayaan dagaallamay ilaa waxa aad aragtaan igu dheceen”, wax yar ka dibna waa dhintay. Rasuulka SCW markii loo sheegay wuxuu yiri “waa Ehlu-Janno”. Abuu Hureyra isaga oo ninkaa arrinkiisa ka hadlaya wuxuu yiri “hal salaad Alle uma tukan”.
    
     Qofku markuu islaamo isaga oo aan shey cibaado ah samayn haddii uu jihaad galo oo ku dhinto waa Ehlu-Janno, laakiin haddii uu islaam iska sheegto oo uusan tukan jihaadba ha ku dhintee wax ka soo qaad ma leh maxaa yeelay wuxuu jihaadkiisu ansaxayaa qofkii Ilaahay ku xiran oo muslim ah una dagaallama in ay kalimadda Alle kor noqoto, haddiise ay niyadiisa wax kale ku jiraan sida xukun, ficilo, wadanimo, is tus tus, maal raadis iyo dan adduunyo, waxba laga aqbali maayo. Mana ahan jihaadka kaliya ee waa acmaasha islaamka oo dhan.
    
     Sidoo kale dadkii asxaabta ahaa oo ku dhex wareegayey meydkii iyo dhaawacii meesha yaalley waxa ay soo mareen ninkii ahaa Qasmaan, oo aadka u dagaallamay, dileyna 7 ilaa 8 nin oo ciidankii gaalada ahaa, oo meel yaalla oo dhaawac culus ah. Markaas ayey u bishaareeyeen waxayna u qaadeen magaaladii Madiina. Wuxuu yiri Qasmaan “Ilaah baan ku dhaartaye wax kale uma dagaallamin ee sharafta reer tolkey ayaan u dirirayey, haddiise aanay arritaasu jirin ma dagaallameen”, ka dib markii uu xanuunkii ka batay wuu is diley. Rasuulka SCW markii loo sheegay arrinkaa wuxuu yiri “Ehlu-Naarka ayuu ka mid yahay”. Arrinkaas, oo ah abaalmarinta qof walba oo u dagaallama wax aan ahayn kalimadda Alle in ay kor noqoto, haba ku jiro ciidankii muslimiinta oo u dagaallamayey kor ahaanshaha kalimadda Alle wuxuu u qaaday niyaddiisii xumeyd oo ahayd u dagaallanka xamiyada (qabiilka), arrinkaas oo ah arrin ay dad badan oo muslimiin sheeganayaa ay ku jiraan, ciribtiisu waa sidaas Allena wuxuu u ballan qaaday cid walba oo ku dhimata naar.
    
     Sidoo kale waxaa jirey nin yahuudi ahaa oo ka mid ahaa dadkii la laayey, waxana la yiri markii uu dagaalku dhacay ayuu yahuuddii uu ka dhashay ku yiri “yahuudey Ilaah baan ku dhaartaye xaq bay dushiinna ku tahay in aad Maxammed u gargaartaan”, markaas ayey dheheen “maanta waa Sabti”, markaas ayuu ku yiri “Sabti beela”, wuxuuna qaatay seeftiisii oo is diyaariyey, wuxuuna iyagii ku yiri “haddii aan dhinto malkayga Maxammed ayaa iska leh wuxuu doono ha ku sameeyo”, horeyna dagaalkii ayuu u galay ilaa uu ka shahiidey. Ninkaas oo magaciisa la oran jirey Mukheyriiq waxaa Rasuulku SCW yiri isagoo ka hadlaya “Mukheyriqq waa yahuud kii ugu kheyr roonaa”.
    
     Rasuulku SCW wuxuu eegay dadkii shuhadada ahaa markaas ayuu yiri “kuwaan aniga ayaa markhaati ka ah, qof Ilaahay dartiis loo dhaawacayna ma jiro ilaa Ilaahay wuxuu qiyaamaha soo bixinayaa nabarkii oo dhiigaya, oo midabkiisu yahay midab dhiig riixdiisuna tahay Miskiga”. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu maqlay qaar asxaabtii ka mid ah oo Madiina u qaaday raggii shuhadada ahaa qaarkood, markaas ayuu Rasuulku SCW amray in la soo celiyo oo lagu duugo meeshii ay ku dhinteen, isla markaana aan ladhiqin, laguna duugo dharkooda. Ka dib markii laga bixiyo wixii bir ama harag ahaa ee ay xirnaayeen, waxana loo xabaalay labo labo iyo saddex saddex, maxaa yeelay ragga ayaa badnaa. Markii laba nin qabri la wada gelinayana wuxuu lahaa “kee baa qur’aanka badiya”, markii loo sheegana midka qur’aanka badiya ayuu ku hormarinayey iilka. Wuxuuna isla xabaalay Cabdullaahi binu Camar binu Xaraam iyo Camar binu Jumuux oo ay ka dhexayn jirtey saasxiibtinnimo iyo jaceyl. Sidoo kale waxaa la isla xabaalay Xamsa binu Cabdimudhalib iyo Cabdullaahi binu Jaxshi oo uu abti u ahaa.
    
     Markii shuhadadii la xabaalayey waxaa la waayey meydii Xandhala, markaas ayaa la raadiyey. Waxaa la soo helay isagii oo biyo ka da’ayaan. Rasuulka SCW markii arrintii loo sheegayna wuxuu yiri “malaa’ig baa dhaqdaye bal xaaskiisa weydiiya”. Markii xaaska arrinkiisa la weydiiyeyna waxa ay sheegtay in uu janaabo qabay sidaa darteed waxaa xandhala lagu magacaabay kii ay malaa’igtu dhaqday. Xandhala waxaa dhalay ninkii uu Rasuulku SCW u bixiyey Abuu Caamir Al-faasiq oo dhinaca gaalada ka soo jeeday.
    
     Rasuulku SCW markuu arkay adeerkiis Xamsa iyo sida loo dhalan rogay aad ayuu uga murugooday ugana xumaaday, ka dibna waxaa timid Rasuulka SCW eeddadiis Safiya oo dhashay Subeyr ibnu Cawaam, markaas ayuu Rasuulku SCW amray wiilkeedii Subeyr in uu ka celiyaa oo aysan arag meydka Xamsa. Safiya ayaa tiri “sababtee la iiga celinayaa, way i soo gaartay in walaalkay la dhalan rogaye, Ilaahay dartiis haddii aanan ku raalli noqonse maxaa kale oo aan ku raali noqon, waan sabri oo ajar gurubsan haddii Alle idmo”, ka dib inta ay u tagtay oo fiirisay ayey u duceysey, dambi dhaafna Alle u weydiisey, waxayna tiri “INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN”.
    
     Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii goobta ku shahiiday Cabdullaahi ibnu camar ibnu xaraam (jabar aabihii) , wuxuu yiri Cabdullaahi “dagaalka Uxud ka hor ayaan riyo ku arkay Mubshir binu Cabdi Mundir oo i oranaya waad noo imaanaysaa markaasan ku iri oo xaggee joogtaa? wuxuu yiri “janada dhexdeeda ayaan saan doono ugu soconaa”, waxaan ku iri “oo sawtii maalinkii badar lagu dilay” wuxuu yiri “haa, ka dib ayaase la i nooleeyey”. Arrinkaas ayuu Cabdullaahi Rasuulka SCW u sheegay, Rasuulkuna SCW waxa uu ku yiri “taasi waa shahaado abaa jaabirow”.
    
     Waxaa isna kamid ahaa dadkii goobta ku shahiiday Khaythama (abuu Sacad) oo wiilkiisii Sacad ku shahiiday dagaalkii badar, waxa uu yiri khaythama “waxaa igafay dagaalkii badar, Ilaah ayaanna ku dhaartaye waan ku dadaalayey (inaan ka qayb galo dagaalkaas) laakiin waxaan qori tuuranay wiilkaygii markaasaa qorigiisii soo baxay (oo isagii dagaalkii aaday) waxaana lagu irsaaqay shahaado, xalayto ayaan markaa riyo ku arkay isagoo suurad tan ugu wanaagsan ah oo dhex jooga mirihii janada iyo wabiyadeedii, wuxuuna i yiri “nasoo haleel aan janada dhexdeeda ku rafiiqnee, waxaan helay wixii Rabbigay ii yaboohay isagoo xaq ah”, Haddaba Rasuulkii Allow SCW waxaan waabariistay anigoo doonaya rafiiqnimadiisa janada dhexdeeda, da daydiina waa waynaatay, lafahaygiina waa gaboobeen, waxaana jeclahay Rabbigay la kulankiisa, ee Alle ii bari Rasuulkii Allow SCW in uu shahaado igu irsaaqo Sacadna (wiilkiisii) aan janada kula rafiiqo. “Alle ayuu markaa Rasuulku SCW u baryey, wuxuuna ku shahiiday dagaalkan Uxud.
    
     Waxaa sidoo kale ka mid ahaa raggii goobta ku shahiiday Cabdullaahi ibnu Jaxash oo ay Nabiga SCW eeddadiis dhashay ahaana ninkii watay ilaaladii uu Rasuulku SCW u diri jiray Nakhla (Makka iyo Dhaa’if dhexdooda) waxa uu yiri Cabdullaahi intuusan dagaalku dhicin “Allahayow waxaan kuugu dhaaranayaa in aan barri cadowga la kulmo oo ay i dilaan ka dibna ay calooshayda soo bixiyaan, ayna jaraan sankayga iyo dhagtayda, dabadeed aad (qiyaamaha ) i waydiiso sababta ay arrintaasi ku dhacday, anna aan kugu iraahdo daraadaa.
    
     Waxaa isna mid ahaa asxaabtii goobta ku shahiiday Camar ibnu Jamuux oo ahaa nin lug la, wuxuuna lahaa Afar inan oo dhalinyaro ah oo Rasuulka SCW la jihaad gasha, markii Uxud la soo aadayey ayuu damcay in uu Rasuulka SCW soo raaco markaasay wiilashiisii ku dheheen “maad iska joogtid anagaa kaa kaafinay (jihaadka), Allena waxa uu ku siiyay rukhso oo jihaad kaama uu rabo”. Rasuulka SCW ayuu u yimid oo ku yiri “Rasuulkii Allow SCW wiilashaydaani waxa ay ii diidayaan in aan ku raaco, Ilaah baan ku dhaartaye waxaan rajaynayaa in aan ku shahiido (dagaalka) oo lug la’aantaydaan aan janada dhexdeeda ku dhutiyo”. Wuxuu Rasuulku SCW ku yiri “adiga Alle jihaadka waa kaa daayey”, wiilashiisiina waxa uu ku yiri “maad iska daysaan, waxaa la arkaa in Alle shahaado ku irsaaqee”. Rasuulka SCW ayuu soo raacay (oo dagaalkii uxud ayuu ka wayb galay) wuuna shahiiday.
     
     Waxaa isna ka mid ahaa raggii goobta ku shahiiday Muscab binu Cumeyr oo ahaa macallinkii reer Madiina, wuxuuna waday calankii muslimiinta Badar iyo Uxudba, islaamkana waxyaalo badan ayuu u soo qabtay. Muscab, oo ahaa islaamka ka hor nin dhallinyaro ah oo qurxoon aadna u xarrago badnaa, kana dhashay reer xoolo leh, Makkana caan ka ahaa oo dharka hadba nooc qaadan jirey ayaa markii uu Uxud ku shahiidey waxaa deeqi waayey kafantiisii maxaa yeelay wuxuu qabay hal go’, markii lagu soo daboolo waxaa bannaanaanayey lugaha, markii lugaha lagu soo daboolna waxaa bannaanaanayey madaxa. Rasuulku SCW aad ayuu markaa uga murugooday wuxuuna yiri “madaxa ku soo daboola (kafanta), lugahan geedka Idkhirka la yiraahdo saara”.
    
     Ragii Muscab aqoon jirey markii ay soo xusuustaan aad ayey uga tiiraanyoon jireen noloshii uu ku sugnaan jirey Muscab iyo dhimashadiisii, Cabdirahmaan binu Cawf ayaa waqtigii khulafaa’ul-Raashidiinka waxaa galab loo keenay afur markaasuu yiri “waxaa la dilay (dagaalkii Uxud) Muscab binu Cumeyr waana iga khayr badnaa, waxaa lagu kafnay go’iisi (markaasuu deeqi waayey) markii lugaha laga saaro madaxa ayaa banaanaanayey, markii madaxa laga saarana lugaha ayaa banaanaanayey, (sidoo kale) waxaa la dilay Xamsa wuuna iga khayr badnaa, dabadeed aduunyada ayaa naloo fidiyey waxaana ka baqayaa in xasanaadkayagii naloo soo hor mariyey”, markaasuu ooyey oo cuntadii iskaga tegey.
    
     Sidaas ayeyna ahaayeen asxaabtya Rasuulka SCW oo adduunyo iyo dhal dhalaalkeeda waxay ka doorteen Alle iyo nolosha dabte ah ee aakhiro, raggii muhaajiriinta ahaa waxa ay maalin cad ka dhaqaaqeen xoolohoodii, xaasaskoodii, carruurtoodii iyo qaraabadoodii, waxayna Madiina tageen iyagoo aan waxba haysan, ka dibna waxay u istaageen Ilaahay diintiisa iyagoo mararka qaarkood gaajo darteed dhagaxa ay caloosha ku xiran jireen.
    
     Adduunyaduna haddii ay Ilaahay agtiisa qiimo ku leedahay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa ayuu u doori lahaa. Rasuulkuna SCW wuxuu yiri isaga oo adduunyada ka hadlaya “haddii ay adduunyadu Ilaahay agtiisa garab kaneeco u dhiganto, gaalka kabbo biyo ah kama uusan waraabiyeen”. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW Ilaahay ka baryey in risqiga reer Maxammed noqdo quutul-yawm.
    
     Asxaabta Rasuulkuna SCW waxa ay adduunyada furteen iyagoo qeydad iyo go’yaal qaba, waxa ayna ka run sheegeen islaamnimadoodii, waxayna waqtigoodii ku lumiyeen una dhinteen Alle dartiis.
    
     Rasuulku SCW dagaalkii ka dib waa uu istaagay isaga oo Rabbigiis mahadinaya oo ammaanaya, asxaabtuna gadaashiisa ayey safteen, wuxuuna yiri “Allahayow adiga ayaa mahad kulligeed iska leh, Allahayow kii aad disho cid baajin kartaa ma jirto, kii aad baajisana cid dili karta ma jirto, kii aad baadiyeysana cid hanuuninn kartaa ma jirto, kii aad hanuunisana cid baadiyeyn kartaa ma jirto, wixii aad diiddana cid bixin kartaa ma jirto, wixii aad bixisanah cid diidi kartaa ma jirt, midkii aad fogeysid cid dhoweyn kartaa ma jirto, kii aad dhoweysana cid dheereyn kartaa ma jirto, Allahayow dushayada ku fidi barakaadkaaga, naxariistaada, fadligaaga iyo risqigaaga, Allahayow waxaan ku weydiisanayaa nimco daa’im ah oo aan la teedi karin, dhammaanayn, Allahayow waxaan ku weydiisanayaa kaalmo maalinka dhibka iyo nabadgelyo maalinka cabsida. Allahayow waxaan kaa magan gelayaa waxa aad na siisey shartooda iyo waxa aad naga celisay shartooda, Allahayow noo jeclow iimaanka, kuna qurxi quluubtayada, noona nac gaalnimo, fisqi iyo caasinnimo, nagan yeel kuwa hanuunsan, Allahayow nagu oofso muslinimnimo, naguna noolee muslimnimo, nana haleeshii kuwii wanwanaagsanaa oo aan hoogin lana fitneyn, Allahayow laa gaalada, kuwa Rasuulkaaga beeniyey, jidkaagana jeedinaya (leexinaya), korkoodana yeel rijsigaaga iyo cadaabkaaga, Allahayow kufriga laa kuwa kitaabka la siiyey”.
    
     Ka dib Rasuulku SCW markuu dhammeeyey duugitaankii shuhadada iyo ducadaanba waxa ay u gaddoomeen isaga iyo ciiidankisa dhinicii Madiina, markii ay laabteenna waxaa ka hor yimid gabdhihii mu’minaatka ahaa. Waxa ay la kulmeeen gabadha la yiraahdo Xamna bintu Jaxshi, markaas ayaa loo sheegay in uu shahiidey walaalkeed, cabdullaahi binu Jaxshi, waxay tiri “INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN” dambi dhaafna waa u weydiisey. Markaas ayaa haddana loo sheegay abtigeed Xamsa waxay tiri “INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN” dambi dhaafna waa u weydiisey. Markaas ayaa sidoo kale loo sheegay in uu shahiidey ninkeedii Muscab binu Cumeyr, markaas ayey qaylisay oo jeedsatay, wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri “ninku haweenta meel buu kaga yaal”. Ka dib waxa ay soo mareen haweenay reer banii Diinaar ah oo ay shahideen ninkeedii, aabbeheed iyo walaalkeed. Markii loo sheegay dhimashadooda, ayey tiri “Ka warama Rasuulkii Alle SCW?”, markaas ayey dheheen kheyr buu ku sugan yahay Ummu hebeleey,, Alle mahaddii buu ku sugan yahay iyo sida aad jeceshahay”, markaas ayey tiri “ii dhoweeya aan arkee”, markii ay aragtay ayey tiri “dhibaato kasta gadaashaa way yar tahay”.
    
     Ka dibna waxay soo mareen Sacad binu Mucaad hooyadiis, Sacadna faraska Rasuulka SCW ayuu hoggaanka u hayey, markaas ayuu Sacad yiri “Rasuulkii Allow SCW waa hooyaday”, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri “soo dhaweeya”, markii la soo dhoweeyeyna wuu la istaagay, waxaana loo sheegay wiilkeedii Camar binu Mucaad in uu shahiiday, markaas ayey tiri “Mar haddii aan ku arkay adiga (Nabiga SCW) oo nabad qaba waan yaraystay dhibtii”.
    
     Wuxuu Rasuulku SCW intaa ka dib u yeeray dadkii shuhadada ahaa ehelkoodii wuxuuna yiri “dadkii la laayey waxa ay dhammaantood rafiiq ku yihiin Jannada, wayna u shafeeco qaadayaan ehelkooda oo dhan”. Sacad hooyadisna wuxuu ku yiri “bishaarayso una bishaaree (dadka)”, markaas ayey tiri “waan raalli noqonnay Rasuulkii Allow SCW”, waxa kale oo ay tiri “Rasuulkii Allow SCW u bari dadkii ka haray (shuhadadii)”, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri “Allahayow quluubtooda ka tagsii murugta kana ajar sii dhibaatadood, wanaajina kuwa haray haraagooda”.
    
     Dadkii muslimiinta ahaa ee ku shahaday dagaalkii Uxud waxa ay ahaayeen 70 nin, waxayna kala ahaayeen hal nin oo yahuudii kasoo islaamay, 4 muhaajiriin ah iyo 65 ansaar ah (41 Khasraj ah iyo 24 Aws ah). Dhinaca gaalada dadka laga laayey khilaaf ayaa ku jira. Ibnu Isxaaq wuxuu sheegay in ay 22 ahaayeen laakiin Mubar Kafuuri, wuxuu kitaabkiisa Raxiiqul-Makhtuumka ku leeyahay markii la sameeyey baaritaan daqiiq ah oo la fiirshay dhammaan tafaasiishii goobta iyo arrimihii la xiriirey dadkii gaalada laga laayey marxaladihii kala duwanaa ee dagaalka, waxaa laga faa’iideysanayaa in ay ka dhimatay 37 nin ee ma aha 22 nin. Calaa kulli xaal Ilaah baa ku cilmi leh intuu caddodkoodu ahaa.
    
     Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu waxa ay ku soo laabteem Madiina galabtii Sabtida isla maalinkuu dagaalku dhacay oo ahayd 7dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga, waxa ayna habeenkii Axadda baryeen Madiina iyaga oo aad u ilaalinaya magaalada, gaar ahaan Rasuulka SCW.
    
     Rasuulku SCW wuxuu ka yaabay in gaaladu ku fekeraan oo ay dhahaan “waxba ma aannu soo faa’iideysan oo goobtii intaanu ku guuleysannay baannu iska soo tagnay annaga oo aan nimankii dabar goyn oo Maxammed iyo raggi odeyaasha ahaaba joogaan ee aan laabanno”. Wuxuu markaa Rasuulku SCW isug yeeray cidankiisi markii la gaaray subaxii Axadda, 8dii Shawaal, wuxuuna amray ciidanka in cadowgii laga daba tago si haddii ay Madiina dib ugu soo laabtaan loola dagaallamo, wuxuuna yiri “qof aan shalay dagaalkii Uxud nala gelin nama raacayo”. Markaas ayuu munaafaqii weynaa, Cabdullahi ibnu Ubey yiri “aan ku raaco” hase yeeshee Rasuulku SCW wuu u diidey. Waxaa keliya oo Rasuulku SCW u oggolaaday in uu raaco Jaabbir ibnu Cabdullaahi, oo aabbihis Uxud lagu diley, oo Rasuulka SCW ku yiri “Rasuulkii Allow waan jeclaa in aan goob kasta kula jiro, laakiin aabbahay ayaa iiga tegey gabdhihiisii”.
    
     Asxaabtii Rasuulka SCW iyagoo ay ka muuqato daal iyo diif, badankoodna dhaawac yihiin, ayey si dhakhso ah ugu hoggaansameen amarkii Rasuulka SCW. Dabadeedna cadowgi ayaa la daba galay, markii ay muddo socdeen oo ay marayaan meel Madiina u jirta 8 mayl oo la yiraahdo Xamraa-ul-Asad ayey degeen, waxaa markaa soo maray nin la oran jirey Macbad ibnu abii Macbad oo reer Khusaaci ahaa oo islaamay. Wuxuu ninkaasu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye Maxammedow way na dhibtay waxa adiga iyo asxaabtaada idin soo gaaray waxa aannu jecel nahay in Ilaahay kaa caafiyo”. Rasuulku SCW wuxuu markaa amaray in uu ka daba tago Abuu Sufyaan oo dhagro.
    
     Ciidamadii qureysheed ee Abuu Sufyaan watay waxa ay arrintoodii noqotay sidii uu Rasuulku SCW filayey oo markii ay 36 mayl ka socdeen Madiina ayey qaarkood qaarka kale u dheheen “waxba ma aydin samayn maxaa yeelay inta aad jebiseen (muslimiintii) ayaad ka soo tagteen iyaga oo ay u hareen madax mar kale dagaal idiin ururineysa, war laabta ilaa aan soo cirib tirno”. Arrinkaas waxaa khilaafay Safwaan ibnu Umaya oo yiri “ha samaynina sidaa maxaa yeelay waxa aan ka baqayaa in auu idiin soo kulmiyo dadkii awal ka haray, war laabta idinka ayaa guusha lehe, haddii aad laabataan anigu mas’uul kama ihi haddii la idinka guuleysto’, hase ahaatee fikraddaa Safwaan ciidanka badankiisu way diideen waxayna go’aansadeen in ay Madiina ku laabtaan, laakiin intii uuusan Abuu Sufyaan ciidankii dhaqaajin ayaa waxaa soo maray Macbad ibnu abii Macbad Al-khusaaci. Markaas ayaa Abuu Sufyaan ku yiri “war Macbad maxaad haysaa?”, wuxuu yiri “Maxammed wuxuu la soo baxay asxaabtiisa isaga oo idin raadinaya oo wata ciidan tiradiisa aanan hore u arag, wuxuu soo urursaday dadkii ka haray maalinkii Uxud iyagoo ka qoomameysan fursaddii ay dayaceen”. Abuu Sufyaan markii uu hadalkaas maqlay ayuu baqay wuxuuna yiri “war hooge maxaad sheegaysaa?”, wuxu Macbad yiri “Ilaah baan ku dhaartaye ma arko in aad guuraysaan ilaa aad aragtaan fardaha fooddooda ama uu idinkaga soo baxo ciidanka horraantiisu duudkaan gadaashiisa”. Abuu Sufyaan wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waxa aannu isku raacnay in aan ku laabanno oo aan soo dabargoyno”, Macbad ayaa yiri “waan kula talinayaaye sidaa ha sameynin”.
    
     Abuu Sufyaan iyo ciidankiisii waxaa ku dhacay cabsi iyo argagax waxa ayna ka baqeen in Nabi Maxammed SCW ka daba yimaaddo oo intuu warjeefo uu guusha ka qaato, sidaa darteed iyaga oo baqo ah ayey si degdeg ah ugu kaceen Makka. Waxaa markaa ka hor yimid niman rakuubley ah oo reer Cabdiqays ah oo u socda Madiina, markaas ayaa Abuu Sufyaan u sameeyey dacaayad uu rabo in uu Nabi Maxammed SCW iyo ciidankiisa ku celiyo, kuna rido cabsi iyo baqdin si aysan uga daba imaan. Nimankii ayuu ku yiri “ma iga gaarsiinaysaan Maxammed farriin, markaas aad Makka timaaddaan ayaan awrtiinna idinkaga buuxinayaa sabiib”, waxay dheheen “waayahay”, markaa ayuu yiri waxaad iga gaarsiisaan Maxammed in aannu isku raacnay in aannu soo laabano si isaga iyo asxaabtiisa aannu u dabar goyno. Nimankii way soo ambabexeen, markii ay soo gaareen Rasuulka SCW iyo asxaabtiiisii oo joogay Xamraa-ul-Asad ayey u sheegeen farriintii Abuu Sufyaan oo ay ku dheheen “waa la idiin soo kulmaye ka carara meesha”, hase yeeshee arrintaasi waxa ay u siyaadisay muslimiintii iiman, waxa ayna dheheen “Alle ayaa nagu filan, isaga ayaa talo saarasho u nimco lahaaday”. Allaahna isaga oo arrintaas tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((WAA KUWA AJIIBAY ALLE IYO RASUULKIISA KA DIB MARKUU ASIIBAY DHAAWAC, KUWA WANAAGA SAMEEYEY EE KA MID AH (MUSLIMIINTA) OO DHAWRSADAY WAXA AY LEEYIHIIN AJAR WAYN, WAA KUWA DADKU KU YIRI “DADKII AYAA IDIIN SOO KULMAY EE KA BAQA OO AY ARRINTAASI U SIYAADISAY IIMAAN, WAXAYNA DHEHEEN ALLAA NAGU FILAN ISAGAANA U NIMCO LAHAADAY WAKIILNIMO, WAXAY LA NOQDEEN NIMCO ALLE IYO FADLI (IYAGOO) AYSAN TAABAN XUMAAN OOLA NOQDAY RAALI AHAANSHAHA ALLE, ALLENA WAXA UU U SAAXIIB YAHAY FADLI WAYN, KAAS (IDIN LEH WAA LA IDIIN SOO KULMAY) HANA KA BIQININA EE ANIGA IGA CABSADA HADAAD MU’MINIIN TIHIIN)), (Suuratu Aali-Cimraan 172-175).
    
     Rasuulku SCW wuxuu meeshii Xamraa-ul-Asad degganaa saddex beri, dabadeedna maalinkii Arbacada oo bisha Shawaal ahayd 11 ayey meeshaa ka soo tageen. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markii ay soo laabteen ayaa Rasuulku SCW qabtay ninkii la oran jirey Abaa Cisa Al-jumaxi oo ahaa ninkii aan soo sheegnay oo ka mid ahaa dadkii Badar lagu qafaashay, Rasuulkuna SCW iska cafiyey markuu u dan sheegtay, ballanna ka qaaday in uusan islaamka ka hor imaanayn laakiin ballantii ka baxay, kana soo qayb glay dagaalkii Uxud. Markii ninkaas la qabtay oo Rasuulka SCW loo keenay ayuu yiri “Maxamedow i sii daa oo i galladayso, ballan baan kaa qaadayaa in aanan ku laaban wixii aan sameeyey oo kale”, hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri “dib dambe Makka ugu mushaaxi maysid oo oran maysid Maxammed baan laba jeer soo khiyaameeyey, lagamana qaniino mu’minka god laba jeer”. Wuxuu markaa Rasuulku SCW amray Subeyr binu Cawaam ama Caaskim binu Thaabit in uu qoorta u dheereeyo, sidaas ayaana ninkaas qoorta loogu dheereeyey.
    
     Sidoo kale markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud ayaa waxaa Madiina yimid nin jaajuus u ah reer Makka oo la oran jirey Mucaawiya binu abii Muqiira binu Caas. Ninkaasi wuxuu ku soo degey oo magangalay Cusmaan binu Cafaan, oo ay ilma adeer ahaayeen. Cusmaan Rasuulka SCW ayuu magangal u weydiiyey, Rasuulkuna SCW wuxuu magangal siiyey saddex maalmood, wuxuuna u sheegay in uu dilayo hadduu saddex maalmood ka dib Madiina ku arko. Markii Rasuulka SCW iyo ciidankiisii ay qureysh ka daba tageen, oo ay saddex malmood Xamraa-ul-Asad degganaayeen, maalinkii xigayna ay jidka ku sii jireen, ayuu ninkii muddadii la siiyey ka badsaday oo afar maalmood Madiina joogey si uu sir badan u ururiyo. Markii ciidankii muslimiintu soo laabteen ayuu cararay, markaas ayaa Rasuulku SCW ka daba diray Seyd binu Xaarith iyo Cammaar binu Yaasir wuxuun amray in ay soo dilaan, markaas ayey ka daba tageen oo soo dileen.
    
     Dagaalkan Uxud waxa ay in badan oo culimada islaamka kamid ihi ka hadlaan in natiijada dagaalku ay jab ku ahayd muslimiinta iyo in kale. Waxaa aan shaki lahayn in awoodda ciidameed ee dagaalku ay doorkii labad u wareegtay dhinaca gaalada, goobtii dagaalkana ay saydareeyeen, dhimashaduna u badnayd dhinaca muslimiinta, koox muslimiinta ka mid ahina ay baqdeen, laakiin waxaa haddanaj irey arrimo badan oo gaalada u diidey nasri iyo guul. Arrimahaas oo kala ah:
    
     1. Ciidankii gaalada awood uma helin in uu qabsado fariisinkii ama goobtii muslimiinta.
     2. In badan oo ciidanka muslimiinta ka mid ihi uma cararin Madiina.
     3. Ciidankii muslimiintu waxa ay ugu dambayntii ku soo urureen goobtii dagaalka.
     4. Qof ciidanka msulimiinta ka mid ah gaaladu ma aysan qafaalan.
     5. Qaniimo lagama furan ciidankii muslimiinta.
     6. Caadadii waagaas waxa ay ahayd in ciddii guuleysata ay saddex maalmood goobta jooogto hase yeeshee ciidankii gaaladu isla markiiba way carareen oo goobtii dagaalka waxaa u haray ciidankii muslimiita.
     7. Ciidankii muslimiinta ayaa maalinkii oo dhan meesha joogey o meydkoodii aastay.
     8. Ciidankii gaaladu kuma dhiiran in uu aado Madiino oo wax yeelleeyo dadkii musliminta ahaa.
     9. Markii ay ciidankii muslimiintu ka daba tageen gaalada oo gaareen Xamraa-ul-Asad, ciidankii gaaladu ma soo laaban ee waxay fidiyeen dacaayad, wayna sii baqdeen.
     10. Ciidankii muslimiintu waxa ay Xamraa-ul-Asad degganaayeen saddex maalmood oo dadkii carradas deganaa oo dhan ogadeen.
     Haddaba arrimahaas oo dhan waxa ay ina tusinayaan oo laga qaadanayaa in ciidankii gaaladu aysan guuleysan ee arrintu ahayd in muslimiintu dhimasho badnaayeen hase ahaatee ay qaybo badan ku guuleysteen. Labada qolona khasaare uu soo gaaray. Allaahna isaga oo tilmaamaya in labada qoloba uu khasaare soo gaaray wuxu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((HADDUU IDIN TAABTAY DHAAWAC WAXAA XAQIIQDII NIMANKANA TAABTAY DHIB LA MID AH)), (Suuratu Aali-Cimraa 140).
    
     Dagaalka Uxud waxaa si aad ah uga hadashay una qaadaa dhigtay Suuratu Aali-Cimraan oo Allaah uga hadlay in ku dhow 60 aayadood marka laga bilaabo aayadda 121 ilaa lagu dhawaado dhamaadka suuradda. Sidoo kale dagaalkaas wuxuu Ilaah ka muujiyey calaamooyin wuxuuna ku kala saaray mu’miniintii iimaankoodu dhabta ahaa iyo munaafaqiintii iimaankooodu beenta ahaa. Allaahna wuxuu yiri:
    
     ((MA AHAANIN ALLE MID UGA TAGAYA MU’MINIINTA WAXAAD KU SUGASN TIHIIN ILAA UU KALA SOOCO KAN XUN IYO KAN WANAAGSAN, ALLENA MA AHAN KII IDIN TUSINAYA WAXA MAQAN, HASE YEESHEE WUXUU ALLE RUSUSHIISA U DOORTAA CIDDUU DOONO, MARKA RUMEEYA ALLE IYO RASUULKIISA, HADDII AAD RUMAYSAAN (ALLE IYO RASUULKIISA SCW) OO AAD BAQDAAN WAXAAD LEEDIHIN AJAR WAYN)), (Suuratu Aali-Cimraan 179).
    
     Culimada islaamku aad ayey uga hadlaan xikmadaha iyo faa’iidooyinka ku sugnaa dagaalkaas iyo sida Rabbi uu u kala saaray mu’miniintii iyo munaafaqiintii. Ibnu Qaymi Al-jawsi wuxuu uga hadlayaa kitaabkiisa Saadul-Macaadka isaga oo waliba aad u sharaxaya xikmadahaas, cadeeyeyna faa’iidooyinka ku jira iyo waxa laga qaatay, sidoo kale Ibnu Xajar Al-casqalaani wuxuu uga hadlay kitaabkiisa Fatxul Baariga, Mubaar kafaarina Raxiiqa ayuu ku soo sardinayaa hadalkaas Ibnu Xajar, wuxuuna yiri Ibnu Xajar “waxa ay culimada islaamku dheheen qisada Uxud iyo waxa ku dhacay muslimiinta oo ah faa’iidoyin iyo xikmo Rabbaani ah iyo arrimo waaweyn, waxaa ka mid ah; musliminta oo ogaatay cirib xummada ya leedahay mcaasida iyo amarka Rasuulka SCW oo la khilaafo, maxa yelay raggii gumaadda ahaa (50kii nin) markii ay ta’wiiliyeen amarkii Rasuulka SCW oo ay khilaafeen ayaa msulimiinta jabkii ku yimid”. Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((XAQIIQDII ALLE WUU IDIINKU RUN SHEEGAY YABOOHIISII MARKAAD KU DILAYSEEN IDANKIISA ILAA AAD FASHILANTEEN OO AAD AMARKA KU DOODEEN AADNA CAASIDEEN (AMARKA RASUULKA SCW) KA DIB MARKII AAD ARAGTEEN WAXAAD JECESHIHIIN, WAXAA IDINKA MID AH QOF ADUUNYO DOONAYA, WAXAANA IDINKA MID AH QOF AAKHIRO DOONAYA, MARKAASUU IDINKA JEEDIYEY XAGGOODA SI U IDIIN IMTIXAAMO KA DIBNA WUU IDINKA CAFIYEY, ALLENA WUU KU FADLI LEEYAHAY MU’MINIINTA)), (Suuratu Aali-Cimraan 152).
    
     Waxaa haddaba maanta jira in dad badan oo muslimiin ah ay khilaafayaan amarkii Alle iyo kii Rasuulkaba SCW, waxay naftooda iyo sheydaan u qurxiyaanna ay sameynayaan isla markaasna ay doonayaan in Alle u gargaaro. Allaahna wuxuu qur’aankiisa ku sheegay aayado badan oo ka hadlaya raacitaanka Allaah iyo Rasuulka SCW, wuxuuna ka digey in Rasuulka SCW la khilaafo sida ay aayaddani caddeyneysaba:
    
     ((HAKA DIKTOONAADAAN KUWA KHILAAFAYA (RASUULKA SCW) AMARKIISA IN AY ASIIBO FIDNO (MUSIIBO) AMA UU U YIMAADO CDAAB DARAN)), (Suuratu-Nuur 63).
    

     Sidoo kale wuxuu Ibnu Xajar Fatxul Baariga ku yiri “Xikmadaha kale ee laga qaadanayo dagaalkaas waxa ka mid ah in weligeedba caadada Rususha iyo dadka raacaba ay ahayd in marka hore la imtixaamo, cirib dambeedkana ay iyagu lahaadaan. Sidoo kale waxa ay xikmad kale tahay in haddii mar kasta ay muslimiintu guuleystaan ay dhici karto in dadka qaarkood is cajabiyaan oo ay hilmaamaan nasriga Alle iyagoo u heysta in ay iyagu guusha keensadeen”.
    
     Xikmadda ugu dambaysa waxa ay tahay in haddii muslimiintu ay mar walba guuleystaan ay ku dhex dhuuman kari lahaayeen dad badan oo aan ka mid ahayn, mana ay kala soocmeen kuwa iimaankooda ka run sheegaya iyo kuwa aan ka run sheegayn, waana sida Cabdullaahi binu Ubay iyo kooxdiisii ay ku soo galeen islaamka ka dib markii ay maqleen in muslimiintii ay ku guuleysteen Badar oo jebiyeen nimankii xoogga badnaa ee qureysh, waxa ayna muslimiinta dhexdooda ku qarsanayeen gaalnimo iyagoo muujisanaya islaam, laakin wuxuu Ilaahay bannaanka sirtoodii soo dhigay dagaalkii Uxud markii ay dhibtu timid, waxayna muslimiintii ogaadeen in ay gudahooda cadow ku leeyihiin, ka dibna way ka digtoonaadeen oo u diyaar garoobeen, sideedana dadku marka hore ee nabadda way isku dhex jiraan oo qof walba islaamnimo ayuu muujisanayaa, laakiin markii fitno iyo imtixam yimaaddaan ayaa la kala baxayaa, lana kala ogaanayaa ciddii uu iimaanku dhab ka ahaa iyo ciddii uusan dhab ka ahayn. Allaahna isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((DADKU MA WAXA U MALEEYEEYEY IN LOOGA TAGAYO WAAN RUMAYNAY IYAGOON LA IMTIXAAMIN, XAQIIQDII WAAN IMTIXAANAY KUWII KA HOREEYEY, ALLENA WAA UU KALA MUUJIYEY KUWII RUNTA SHEEGAY IYO KUWII BEENTA SHEEGAY)), (Suurtul-Cankabuut 1-2).

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:23