Ka Baro Diinta
Islaamka
Live online Islamic courses |
Hoyga Barashada Diinta Islaamka!KHAYRKA AYNU ISU KAASHANO IYO SAMAANFALIDAMarkahore Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaah, Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato Rasuulkii Alle Muxammad S.C.W. Intaas kadib: Alle kor ahaaye wuxuu yiri:
" Khayraadka ku tartama" Suuradda al-Baqara: Aayadda 148.Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye: " U tartama dambi dhaafka Rabbiggiin iyo Janno balleceedu le'egyahay cirarka iyo dhulka oo loo diyaariyey kuwa iska dhowra xumaha." Suuradda aali-Cimraan: Aayadda 133.Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ku dadaala Camalka san, waqtina ha luminina aad ku sameyn kartaan camal suubban waxa imaan doona dhowaan fidmooyin iyo fasaad sida habeen madow ah oo qofka waagu u beryayo isagoo Mu'min ah, isagoo gaal ahna gabbalku u dhacayo, ama isagoo mu'min ah gabbalku u dhacayo, isagoo gaal ahna waagu u beryayo. Wuxuu diyaar qofkii u noqon inuu diintiisa siisto xoogaa wax adduun ah'. (Muslim). Alle kor ahaaye wuxuu yiri: " Kuwa daraadayo u dadaaley waxaan hubaashii ku hanuuninaynaa jidadkayaga, Allena wuxuu la jiraa samaanfalayaasha". Suuradda al-Cankabuut: Aayadda 69.Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye: " Qofkii fala waxsaxar le'eg oo khayr ah waa uu Arkayaa'. Suuradda al-Zalzalah:Aayadda 7. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
" Wixii aad Naftiinna u hormarisaanoo khayr ah, Alle agti baad ka helaysaan isagoo sii weyn oo sii khayr badan". Suuradda al-Muzammil: Aayadda 20.
Tafsiir, Muxaadaro, Qur'aan, Kutub, Xadiis, Videos, Audios, Siiro, Guurka, Arimaha Bulshada, Duruus iyo dhamaan Cilmiga Culimada Soomaaliyeed ee kaladuwan kala soco Alimuse.com iyo Alimuse.net.
|
Islamic Links
|
|