Ka Baro Diinta
Islaamka
Live online Islamic courses |
Dhawrista Sunnada iyo HabkeedaAlle Subxaanahu Watacaalaa wuxuu yiri:
1.“ Wixii uu Rasuulku idin siiyo ama idin faro qaata, wixii uu idinka reebana ka hadha, Alle na waa in laga dhowrsado, maxaa yeelay Ciqaabtiisu waa darantahay”. (Suurada Al-Xashar:Aayada:7). Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri: 2. “ Hawadiisa ku hadli maayo ee waa waxyi loo waxyoodey”. (Suurada An-Najam:Aayada:3-4). Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri: 3.“ Ku dheh (Muxammadow S.C.W., dadka) hadii aad Alle jeceshihiin I soo raaca: Alle wuu idiin jeclaan oo idiin dembi dhaafiye”. (Suurada Al-Cimraan:Aayada:31). Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri: 4.“ Rasuulka Alle ku dayasho wanaagsan baa idiinku sugnaatay, waa qofkii ay ku weyn yihiin Alle iyo maalinta Aakhiro, Eebana xusa in badan”. (Suurada Al-Axsaab:Aayada:21). Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri: 5. “ Waa igu Rabbigaaye rumayn maayaan jeer ay kuugu yimaadaan xugminta wixii ay isku qabtaan, dabadeedna wixii aad go’aamiso ku qancaan oyan wax dhibsi iyo culeys ah iska dareemin, hoggaansamidna u hoggaansamaan wixii aad go’aamiso”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:65). Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri: 6.“Kuwa Xaqa Rumeeyow Adeeca Ilaahay oo Adeeca Rasuulka iyo kuwa Amarka leh, oo idinka mid ah. Hadii aad ku doodaan Arrin (wax isku qabataan) Ula noqda Alle iyo Rasuulkiisa (yacni u bandhiga Qur’aanka iyo sunnada), haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Alle iyo Maalinta Aakhiro (Qiyaamada), sidaasbana khayr roon oo wanaag badan Xagga Abaalmarinta”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:59). Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri: 7.“ Qofkii Rasuulka Adeecaa wuxuu Dhab u Addeecay Alle, Qofkii jeedsadana kuugu maanaan dirin Ilaaliye ”. (Suurada An-Nisaa:Aayada:80). Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:
8.“ Adiguna Nabiyoow (Muxammadow S.C.W.) Waxaad wax ku hanuuninaysaa Jid toosan”. (Suurada Ash-Shuuraa:Aayada:53). Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri:
9.“ Ha iska jireen kuwa amarkiisa khilaafaya inay fidmo, ama cadaab xanuun badani ku dhacdo”. (Suurada An-Nuur:Aayada:63). Alle Subxaanahu Watacaalaa Waxa kaloo yiri: 10.“ Jooga guryihiinna (dumarka muslimka ahoow, oo waxaan dan weyn ahayn ha u bixina) oo ha u muujinnina quruxda iyo bilicdiinna ( intii la banneeyey inaad u muujin kartaan maahee) oo ha ku dayannina dumarka jaahilka ah ee jirkooda u muujiya ( ragga gayaankooda ah ), Daa’imana dumarka muslimka ahoow oogida salaadda oo bixiya sakada, addeecana oo maqla Alle iyo rasuulkiisa oo waxay idin fareen maqla, waxay idinka reebeenna ka reebtooma, xusana oo barta waxa guryihiinna Aayado Alle iyo xigmad lagu akhriyaayo.Ilaahayna waa wax walba oge Xeeldheer”. (Suurada:Al-Axaab;Aayada:34). 1. Abu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Ha igu dhibina weydiimo la xiriira waxyaalo aan ka hadlin,maxaa yeelay umadihii idinka horeeyey waxaa rogay su’aal badnidoodii(iyo weydiintoodii weydiimo badan oo aan loo baahnayn, bar faa’iido ahna lagu arag) iyo ku dhiiranaantoodii inay khilaafaan nebiyadoodii. Sidaa awgeed wixii aan idinka reebo ka fogaada, wixii aan idin farana fuliya intii karaankin ah”. (Bukhaari iyo Muslim) 2. Abuu Najiix Cirbaad bin Saariyah (A.K.R.) wuxuu yiri: “ Nebigaa (S.C.W.) wuxuu na wacdiyey wacdi ilmo naga keenay oo cabsi gelisay qalbiyadeenna. Waxaan ku niri waxaad mooddaa wacdigan inuu yahay dardaarankii u dambeeyey, ee noo dardaaran waxabadan oo wanaag iyo waano ah. Markaas buu wuxuu yiri: Waxaan idinkula dardaarmayaa cabsida Alle iyo ( dhowrista xilalka iyo waxyaalaha uu indinku waajibiyey iyo ka fogaanshaha wuxuu idinka reebay) iyo is maqal iyo is addeecid xitaa hadii addoon madax la iddiinkaga dhigo. Tankale qofkiinnii sii noolaadaa wuxuu arki doonaa iskhilaaf tira badan ee waxaan idinku ogahay sunnadayda iyo sunnada hogaamiyeyaasha hanuunsan ( Abuubalar, Cumar, Cusmaan iyo Cali), gows dambeedyada ku qabsada, arrimaha gadaal ka imaadka ahna (ee bidcada diinta lagu kordhiyo ama laga nusqaamiyo ah) iska jira, maxaa yeelay bidca kastaa baadi bay salka ku heysaa oo ay kugu hogaamin”. ( Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri: waa xadiis xasan saxiix ah) 3. Abuu Hurayrah (A.KR.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Ummadeyda jannaday wada gelaysaa kuwii igu tacadiya maahee oo diida jannada. Waxaa la weydiiyey: Rasuulkii Alloow (S.C.W.) oo waa kuwee kuwaasu? Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: Qofkii I adeecaa jannaduu geli doonaa, qofkii caasi igu noqdaana waa qof taxaddi igu sameeyey oo janada ma gali doono. (Bukhaari) 4. Nucmaan bin
Bashiir (A.K.R.) wuxuu yiri: "Waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: Waa inaad
toosisaan oo sintaan safafka (kolka salaadda) haddii aydaan sidaa yeelinna Alle
dhexdiinna coolaad iyo khilaaf buu dhigayaa ( macnaha taa waxay idinka dhex
abuureysaa cadaawad iyo khilaaf". (Bukhaasri iyo Muslim) Allaahu Aclam Lasoco Mawducyada dambe hadii Eebe Yidhaahdo. Who's Online Now: |
Islamic Links
|
|