Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Xukunka Cilmaaniga

Home
Up

XUKUNKA CILMAANIYIINTA IYO WAXA SHARCIGU KA QABO

 Waxaan soo caddaynnay in aanay diinta Alle oggolayn in muslimiintu xukun gaalo ku hoos noolaadaan,halkanna waxaan ku lafo guraynnaa waxa sharcigu ka qabo in cilmaaniyiintu ama diin-laaweyaashu talada muslimiinta qabtaan.

Sideedaba halbeega lagu qiimeeyo in xukun jira uu islaam yahay iyo inuu kufri yahay waa hadba sida qolada xukunka haysaayi u dhaqan geliyaan sharciga Alle,oo hadii taliskaasi isagoo rumaysan uu diinta islaamka keliya nolosha ku maamulo,xukunkaasi waa islaam,dadkiisuna Alle agtiisa sharaf iyo ammaan bay ku leeyihiin, hadii kalese waa xukun kufri ah,si kasta dadka hoggaanka haya ha ula baxeen magacyada muslimiinta ee Cali,Axmed iwm.

Haday dastuurka ku qurxistaan qodob qoraya in diinta dalku islaam yahayna waxba kama beddelayso xaqiiqada ah in xukunku kufri yahay,kuwa xukumana gaaloo yihiin. Sababtoo ah,diinta ay meesha ku qorteen ma aha tii Alle soo dejiyay ee uu adoomadiisa uga raalli noqday,se waa diin la macne ah kirishtaanka Reer-Yurubka. Mar hadii xukunka nolosha aan Alle waxba looga oggolayn, axkaamta shareecadana aan maamuulka dawladda la dhex keeni karin,afbuuxana lagu leeyahay:[ Annagaa hawadeenna isku xukumaynna,qofkii masjidka iska tegaya,oo halkaa Alle ku tuugayana waxba loo raacan mayo,laakiin diinta intaa ka badan inay nolosha soo faro geliso waa ka mamnuuc].Taana macneheedu waa in islaamkii Alle soo dejiyay aan la aqoonsana. Kol hadaysan,gaalada iyo daba-dhilifyadu sinaba oggolayn in diinta rabbi nolosha lagu dhaqo,waxba macne kuma fadhido qodobka ay dastuurka ku qorteen,ujeeddada laga leeyahayn ay tahay uun in ma kasta caqliga looga xado.

Allena ma oggola mana aqbalayo wax aan ahayn islaamkii uu soo dejiyay ee addoomada uga raali noqday,mana aqooonsana nidaamka kufriga ah ee inta gaaladu magac islaam siisay loogu talo galay in dadka lagu siro.Saa awgeed, cilmaaniyiinta iyo gaalada soo wakiilatay xagga kufriga ma kala sokeeyaan. Balse iyagaa ka xun oo waa murtadiin shareecadu u dejisay axkaam ka qallafsan kuwa la marsho gaalada kufrigoodu cad yahay. Si ay hadaba innoogu caddaato dhabnimada hadalkaana,aynu is-hordhigno siday raggaas ku soo baxeen oo talada ku qabteen,amaba umada loo dul keenay. Waa la wada soconnaa in gaalada Reer-galbeedka ahi horraantii qarnigii tegey ay dunida muslimka wada qabsadeen welina haystaan,oo gumaystaan.wax la sugina ma aha jnay ka dulqaadaan gumaysiga,jeer la helo quwad islaam oo gaalada qori caaraddii ku kicisa.

Sababaha ugu waaweyn ee gaaladaasi sida gaarka ah ahmiyada ugu siinayaan dunida muslimka ah,una doonayaan inay u sii gumaystaan, waa sadeex arrimood oo kala ah:

1) Iyadoo Alle dhulalkooda dhex dhigay kheyraadka ugu badan ee dunidu ku tiirsan tahay,siiba wershedaha iyo teknolojiyada casriga ah oo tamarta ah.

2) Iyadoo dhulalka muslimiintu u yihiin suuqyada ugu muhiimsan ee ay gaaladu ku khaarijiyaan badeecooyinka ay wershedahooda soo saaraan.

3) Iyagoo ka dheregsan in dunida ay xoogga ku gumaystaan aysan dhambaal khayreed u haynin,se waxayba la socdaan in xadaaradoodu tahay mid gumaysi,dulmi iyo xaqdarro ku dhisan, shucuubta caalamkuna karahsadeen.

Taa caksigeedana waxaa u muuqata in muslimiintu yihiin dad xambaarsan dhambaal (risaalo) aadenaha sacaado iyo liibaan u horseedaysa.Waxay hubaan hadii ay soo baxdo quwad islaamka si dhab ah u matalaysa inay waayayaan amar ku taaglaynta ay adduunka ku hayaan,khayraad badan oo ay dunida ka boobi jireen,suuqyadii ay badeecooyinkooda ku soo harqin jireen,iyo weliba iyagoo dareensan inuu halis gelayo jiritaankooda dulmiga ku dhisan,iyo iyagoo ka dheregsan in la laali doono xadaaradooda wathaniga ah. Sidaad arteed,waxaa ka go'an inaysan muslimiintu sinaba madaxa kor ugula kicin,weliba ku talo galeen inay heymanadoodaa u daa-imto,haday ciidamadooda dalalka muslimiinta kala baxaanna, in dxukunkoodu daaha gedaashiisa ka sii socdo. Taasina waxay ku suurto gelaysaa inay dhulka muslimiimnta ka baxaan oo keliya kolkay hubsadaan inay dhisteen rag ay ku kalsoon yihiin oo inta xukunka u dhiibtaan si buuxda wakiil ugu noqda, kuwaas oo ah dadka loo yaqaan cilmaaniyiinta. .

Erayga [cilmaaniya]na asalkiisu waa carabi macnihiisu yahay nolol cilmi ku dhisan, laakiin,marka dib loogu noqdo erayga laatiiniga ah ee laga soo turjumay oo ah:{secular}, waxaa muuqanaysa inaysan wax xidhiidh ahba ka dhexaynin macnihiisii hore iyo ka dambe ee loo adeegsaday.Oo erayga {secular} macnihiisu waa diin la’aan. Maa daama ay gaaladu ku talo galeen in muslimiinta looga dhaarto inay diintooda isku xukumaan,lana rabay in la dul dhigo xukunka kufriga ah ee ay dalalkooda ka soo waarideen, loona yaqaanno nidaamka diin la'aanta (secular),nuxurkiisuna yahay:[ in aadenuhu keligii iska leeyahay xukunk arlada, Allena aan waba loogaaqoonsanayn].. waxay gaaladu ka cabsadeen in muslimiintu ka biyo diidaan oo ay liqi waayaan magaca:

(diin la'aan),hadaba si aysan u didin oo caqliga looga xado ayaa diin la'aantii looqurxiyay looguna beddelay erayga cilmaaniya.Kaas oo dadka diintooda ugu fasaxaya gudashada wixii aan khatarta ku ahayn nidaamkooda kufriga ah. Nimanka nidaamka diin la'aanta nolosha ku xukumaya ee loo yaqaan (cilmaaniyiin)ta weeye nimaka gaaladu muslimiinta dul dhigeen. Habka xukunka loogu dhiibayna wuxuu ahaa sidatan soo socota: Maa daama gaaladu burburiyeen khilaafadii islaamka,ayna si buuxda u taabeen dunidii muslimka ahayd,waxay qaadeen tillaabooyin ay ugu talo galeen in xukun islaam oo dambe aanu dhulka muslimiinta ka hirgelin, tillaabooyinkaas oo ahaa:

1) Ugu horrayntiiba waxay baabi’iyeen oo xididdada u siibeen quwadihii hubaysnaa ee jihaadka kala hortagay.

2) Waxay irdaha u laabeen maxkamadihii sharciga ahaa ee nolosha ummada ilaalinaysay.

3) Waxay si toos ah iyo si dadbanba u xidheen xaruumihii diinta lagu baran jiray.

4) Taa beddelkeeda, waxay fureen dugsiyo lagu barto dhaqammadoodii wathaniga ahaa, luqooyinkoodii, xeerarkoodii iyo taariikhahoodii.Dugsiyadaas oo soo saaray jiilal cusub oo innaba aanay diintoodii waxba uga baxsanayn.

Intaa waxaa dheeraa iyadoo tiro aan yarayn loo diray dhulalka kufaarta,si dhaqanka gaalada loogu soo ababiyo,loona soo celiyo iyagoo diintoodii ka jaahil ah,wax qiimayn iyo qadarin ahna aan u haynnnin,dadkoodiina iskala weyn. Kromer oo ka mid ahaa gumeystayaashii ugu khayrka darraa, uguna khayaano badnaa ee Masar dhalan rogay,mar uu ka hadlayay ragga la rabo in xukunka dalkaas loo diyaarsho wuxuu yidhi:{Waayadan muslimka aan dhaqanka iyo akhlaaqda Reer-Yurubka qaadan ma awoodo inuu Masar xukumo,sidaa darted,wasiirrada mustaqbalka waa inay noqdaan Masaarida lagu soo barbaarshay tarbiyada Reer Yurubka}. eeg (the modern egybtp.229/3) Sidoo kale, mar 1906dii ay hey'adaha dhulalka muslimiinta kirishtaanka ku faafiya shir ku qabteen Qudus, ayaa waxaa si buuxda loogu soo bandhigay hawlihii iyo dedaalladii ay soo qabteen baadariyadii shaqooyinkaa waday.

Wararkoodiina wuxuu isugu soo biyo shubtay calaacal ah inaysan jirin amaba ay yar tahay wax u soo xero galay oo ay kirishta--ameeyaan,waxaase shirkii gunaanaday oo hambalyo iyo bogaadin ka soo jeediyay shir guddomiyihii oo ahaa baadari asalkiisu yuhuudi ahaa lana odhan jiray Zuweymar. Wuxuuna wufuudii kaga farxiyay oo ugu bogaadiyay in shaqadii wadamada Masiixiyiinta ahi u soo dirsadeen ay sidii ugu haboonayd uga soo dhalaaleen.Isagoo u sheegay in danta . Isagoo u sheegay in dadka calaacalaya aysan fahmin dantii loo soo diray,wuxuuna u loo soo diray aysan ahayn inay muslimiinta islaamka ka saaraan oo kirishtaan ka dhigaan, taasi wuxuu ku sheegay inayba sharfid tahay,ee waxaa la doonayaa buu yidhi in islaamkana laga bixiyo kirishtaana aan la gelin,se ay noqdaan dad meel dhexe heehaabanaya,aanna Alle wax xidhiidh ah la lahayn,hankooduna dhaafsanayn calool la buuxsho iyo shahwo la baadi goobo oo laga haqab beelo. Dhabtiina gaaladu dadkay rabeen way soo saareen oo tarbiyeeysteen,iyagaas ay sidaas kalsoonida buuxda ugu qabeen bayna umadii talada ugu dhiibeen.

 Iyagoo weliba u diyaarshay dhaqaalihi ay ku hawl geli lahaayeen,dastuurkii kufriga ahaa ee ay dalalka ku dhaqi lahaayeen,ciidankii ku ilaalin lahaa iyo la taliyeyaal haga intaba. Waxaana si qayaxan loogu sheegay inay ragga xukunka u dhiibtay wakiillo u yihiin,taana waxaa marag cad u sii ah in dalkasta maamulkiisa loo dhiibay isla raggii xilligay dhulalkaa gumaysanayeen iyaga ka hoos shaqaynayay,intii ka dambaysayna rag aan u shaabbadaysnayn xukun kama soo ag-dhowaan.

Markii talada lagu wareejiyayna waxaa amar buuxa lagu siiyay, in iyadoo tabo kala duduwan oo dahsoon la adeegsanayo nolosha ummada si kasta looga fogeeyo oo loogala diriro diinta islaamka,dadka dacwada ku hawllanna si naxariis darro ah loo cidhib tiro. Waxaana la faray in dadweynaha dhegweynta ah riwaayad loo dhigo, laguna maaweeliyo inay xoroobeen,gaaladii gumeysan jirtayna, kadib markii halgan qaxar leh lala galayay baxeen,weliba aysan soo noqon doonin,iyadoo loo sameeyay maalmo la dabbaal dego, laguna magacaabay maalmintii xorriyada,maalintii gumaysiga laga madax bannaanaaday. Hadaba diin la'aanta qawsaarrada gaalada waxaa caddaynaya aaydo badan,sida:

1) {Cidaan kitaabka Alle soo dejiyay wax ku xukumin,kuwaasi iyaga uun baa gaalo ah } (

2) {Cidii aan kitaabka Alle soo dejiyay wax ku xukumin kuwaasi iyaga uun baa daalimiin

3) {Cidii aan kitaabka Alle soo dejiyay wax ku xukumin kuwaas iyaga uun baa faasiqiinah}.Al-maa-ida aayadah(44,45,47). Erayga (faasiqiin)na waxaa loo jeedaa inay xuduuda Alle ka baxeen,wuxuu ku amray iyo wuxuu ka reebayna ay ku gacan sayreen.Erayga (daalimiin)na wuxuu muujinayaa in ka bixidii dhaacada Alle ay u dheer tahay iyagoo xaqii Alle ku tuntay,naftooda cadho Alle u horseeday iyo adoomadii Alle oo ay cadadho Alle iyo ciqaabba u horkeceen.kullina ah dulmi. Erayga (kaafiriin)na wuxuu tusayaa in markay xukunka Alle diideen ay awoodiisa,xaqiisa iyo jiritaankiisaba duugeen, ulana dhaqmeen sidii isagoon jirin. saddexdubana waxay wada tilmaamayaan hal camal oo ragga xukunka haya ku kaceen, ahna inay kitaabka Alle daaqadada ka xooreen oo aysan nolosha ku xukumin.Ciddii sidaa yeeshana xukunnadaas faasiqnima,daalimnima iyo kaafirnimad ayaa qoorta u suran oo dusha ka saaran.

4) { Kuwa markuu hanuunku u cadaaday kadib gaalnimada ku noqday, kuwaas shaydaan baa falkaa u qurxiyay oo hididiilo geliyay,sabatoo ah gaaladii xaqa necbayd bay ku yidhaahdeen talada qaar baan idinku adheecaynaa oo idinku raacaynaa Allena waa ogyahay waxyaalaha u qarsoon} Maxamed (25,26).

Sheekh Maxamed Amiin Al- shanqiidhina (aun) isagoo aayadan ka hadlaya wuxuu yidhi: {Ogow qofkasta oo muslim ah oo sebenka maanta ah jooga inay waajib ku tahay inuu ka fekero oo dhuuxo macnaha aayadaha suurada

Maxamed.iyo inuu si buuxda uga taxadaro goodiga culus ee ay xambaarsan tahay,maxaa wacay, in badan oo ka mid ah dadka muslimiinta ku abtirsada shaki la'aan waxay soo gelayaan dadka aayadani sida ba'an ugu hanjabayso,sababtoo ah,dhammaan gaalada Reer-glbeed iyo Reer-bariba way neceb yihiin xaqa uu Alle rasuulkiisa-naxariis iyo nabad gelyo Allaha siiyee- ku soo dejiyay oo qur'aanka ah,iyo waxa rasuulku-naxariis iyo nabad gelyo Allaha siiyee- ku bayaanshay. marka qofkasta oo gaalada diinta Alle neceb ku yidhaahda;taladiina qaar baan idinku raacaynaa,wuxuu soo gelayaa dadka aayadu u goodinayso,waxaana ka sii daran kuwa ku yidhaahda waxksta waan idinku raacaynaa,sida kuwa ku dhaqma qawaaniinta gaaladu dejisay,iyagoo ku adheecaya kuwa diinta Alle neceb, waana hubaal in kuwaasi ay mala-iktu nafta ka qaadayso iyagoo wejiga iyo dabada ka gaaracaya, ayna raaceen wax Alle cadho geliyay oo rillihiisa naceen, uuna acmaashooda wax kama jiraan ka dhigayo.}adwaa-ul bayaan.( Nimankaa gaalada wakiilka u ahna si buuxday u raacsan yihiin kuwaa xukunka dhiibtay..5):{War hoy dadka xaqa rumeeyow Yuhuuda iyo Nasaarada ha ka dhigannina tol iyo xigto,iyaga ayaa isxiga oo qaarba qaarka kale sokeeye u yihiine,kiinna weli iyo tol ka dhigtana iyaga ayuun buu ka mid yahay}.Maa-ida (51).Macnaha aayaduna waa cad yahay 6):{war hoy kuwa xaqa rumeeyay kuwa diintiinna jees-jees iyo ciyaar ka dhigtay ee ah kuwii kitaabka la siiyay marna ha ka dhigannina sokeeye iyo xigto,Allena ciqqabtiisa iska jira hadaad mu’miniin tihiin}.Maa-ida (57). 7):{War hoy dadka xaqa rumeeyow marna iyadoo mu'miniinta idiin joogaan gaalada xigto iyo sokeeye ha ka dhigannina…}Al-nisa(144). Sida nusuustaa faraha badan iyo kuwo kaleba ku cad ciddii kitaabka Alle wax aan ahayn wax ku xukunta,ama gaalada yuhuuda iyo kirishtada ah tolaysata,oo inta kalsoonidiisa siiya,la dagaallanka mu'miniinta ku garabsada,ama kalgacalo iyo niyad wanaag siiya,kuwaasi waa kufaar cad oo innaba arrinkoodu aanu mugdi ku jirin.

Cilmaaniyiinta nala dul dhigayna waxay si aan kala hambaysi lahayn tol,sokeeye iyo xigto isugu yihiin gaalada Yuhuuda iyo Kirishtaanka ee xukunka u dhiibtay. Waana iyaga dadka ay nusuustaa badan ka hadlayso oo xukunkeedu fuulayo. Laakiin,si gaalada Yurubka iyo adoontooduba u qariyaan xaqiiqooyinkaas, waxay adeeg--sadaan wadaado u adeega ama ay ku shaqaystaan,ha noqdeen kuwo qafladu inta badatay aan dareensanayn inay gaalada u khidmaynayaan,ama ha noqdeen qaar ka dheregsan inay lunsan yihiin,se mansab iyo aduunyo jacayl ay ka indho tireen foolxumooyinka ay ku kacayaan.Kuwaas oo u taagan difaacidda nidaamyadaa kufriga ah,luqunta nusuustana laalaaba oo leeleexiya, si ay ugu daliilsadaan macneyaal baadhil ah oo aanay nusuustaasi tusaynnin,aanna laga fahmaynnin,iyagoo sidaa u yeelaya inay xujo iyo qiil u helaan dhaqannadaa kufriga ah ee raggaas ku kaceen,dadka caamada ahna u hoosaasiyaan, oo uga dhaadhacshaan in aanay belo jirin,ragga xukunka u hayana aysan diinta ka saaraynin inay shareecada nolosha ka fogeeyeen,kol haday dadka la dhasheen, dalkana u dhasheen,diintana nala sheegtaan.

Laakiin, haday raggani iyagoo raalli ah,si calool fayoobi ku jirtana gaalada xigto,sokeeye iyo awliyoba uga dhigteen,iyagoo amarka gaaladaas fulinayana diintii Alle tuureen, noloshana ka fogeeyeen, culimadii diinta faafinaysayna si kastoo qaab daran ula dagaaleen, maxay tahay waxa diinta Alle loogu nanabayo oo inay haystaan oo dadkeedii yihiin qiil iyo xujo loogu raadinayo.?!!! Garannay, oo kuwa madaxda ah ma doonayaan in bulshadu u aragto inay la mid yihiin ragga soo wakiishay,waxayna jecel yihiin in muslimiin saafi ah loo arko.Ee maxaa kuwa magaca culimo huwan ku bixinaya inay kufri cad sifo islaam siiyaan?!!!

Waxaa uun lagu fasiri karaa inay yihiin dad diintoodii adduunyo ku gatay.aakhirona aan dan ka lahayn.Waana sifo ay ka simman yihiin kuwa loo yaqaan:[culimada dawladaha] . Wadaaddadaasna markay mujrimiinta Alle ka goostay difaacayaan waxay markasta daliil ka dhigtaan hadalkii C/lahi Ibnu Cabbaas-Allaha labadaba ka raalli noqdee-ee uu ku yidhi: {Waxaa loo jeedaa kufri ka sokeeya midka diintaka saarayay}. Hadaba,si ay innoogu cadaato in murtadiinta maanta joogta aanu hadalkaas qiil u noqonayn aynu is-hordhigno duruuftii iyo sababtii uu hadalka Ibnu Cabaas ku yimid. Xilligii C/lahi Ibnu Cabaas-labadaba Allaha ka raalli noqdee-ayay khawaarijtu gaalnimo ku xukumeen khulafadii sebenkaas,iyagoo sabab ka dhigaya inay jawr falaan, axkaamta qaarkeedna khilaafaan oo hawadooda ka raacaan, eexasho iyo xadgudubna ku kaca. markaas buu Ibnu Cabaas arrinka ka jawaabay,shubhadaana dadka ka saaray.una cadeeyay in falkaasi inkasta oo meel ka dhac yahay,hadana aanu gaarsanayn heer dadkaasi ay diinta kaga baxaan oo ku gaaloobaan. Marka,in hadalkaasi ku jeeday khulafadii nusuusta qaarkeed khilaafay,hase yeeshee,lahaa sifooyinka ah:

a) Inay diinta Alle si kasta u oggolaayeen,

b) Inta yar ee ay khilaafeen maahee inay sharciga Alle ku dhaqmayeen,

c) Inay faafinta diinta Alle u jihaadi jireen.

d) Inaysan sharci kale sinaba u aqoonsanayn una oggolayn

e) In wilahooda iyo tolaysigoodu Alle iyo mu'minnta keliya ku xidhnaa, oo aysan sinaba u dhici jirin inay gaalo is walaalaystaan.

f) Haday dhacdo inay sharciga khilaafaanna dareensana inay Alle dembi ka galeen.

Hadaba in hadalka Ibn Cabbaas ee duruuftaa ku yimid lagu difaaco ragga maanta ee

a) Sida cad diinta Alle u tuuray,bedelkeedana nolosha qawaaniin kufri ah ku dhaqaya b) Gaalada tol iyo sokeeye ka dhigtay oo wilaagooda si buuxda u siiyay,isuna arka in I iyaga io gaaladu isku doon saaran yihiin.

c) Dadka dacwada islaamka wada u arka inay yihiin cadawgooda ugu khatarsan, sidaa darteed,iyagoo kaashanaya madaxdooda Reer-yurubka ah si kasta ula dagaalay kana dhigay in ay laayaan,qayb ay xabsiyada ku abaadiyaan,iyo qaar darfaha aduunka lagu ugaadhsado.Iyagoo weliba dadkaa ducaadda ah ku shaabbadeeya sifo kasta oo fool xun,kuna sheega inay yihiin macangag,argagixiso,khawarij,takfiir.fidmoleyaal,dad diintu wareerisay iwm.. In hadalkaa Ibnu-Cabbaas dhagar-qabeyaashaa lagu difaaco waa arrin yaab leh oo aan ka daadegi karin maanka qof diin gashay oo iimaan leh,waxayna la mid tahay iyadoo la yidhaahdo ,Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi ::Marka nusuuta diinta la fiiriyo waxaa isku xukun ah boqor C/lle, Buutin,Buush,Mubarak ,Zeynulcabidiin iyo khulafadii xilligiisa.!!! Xaasha !! Ibnu Cabaas hadal caynkaa ah ma odhan,xataa weedhiisa macnahaas lagama fahmi karo, se waa lagu been abuurtay,difaacaasna mujrimiintantada waxba uma tarayso.

Sidaa darted,dhammaan waxa maanta dunida muslimka talada loogu dhiibay way ka simman yihiin murtadnimada iyo inay qawsaarro gaalo yihiin,ha noqdeen kuwa xukunka afgembi milleteri ku qabsaday,kuwa ku helay dhaxaltooyo iyo kuwa ku yimidriwaayadda dimoqradiyadda,hankooduna ma dhaafsana gaalo loo khidmeeyo iyo calool la la ciyaaro Bal u fiirso warkan:Nin heer wasiir gaashaandhig ka gaadhay mid ka mid ah dalalka Carbeed ee saliidda hodanka ku ah ayaa madaxweynahii dalkiisa weydiiyay su’aal ah: War dadka aan xukuno waa dadkeenii,dalkana innagaa iska leh xoolahan baytimaalka ahna waa hantideenii,maxaa hadaa keenay in ummadeenna daaha shishadiisa laga maamulo?!Madaweynihii wuxuu ugu jawaabay:Adeer kuwa daaha shishediisa fadhiya haday adna wasiir-gaashaandhig kaa dhigeen anna madaxweyne,maxaa kaa maqan oo doonaysaa!!.Siday u dhan yihiinna waxa muslimiinta la dul dhigay waa wax sidaa maanka looga adoonsaday,oo caqligaas ku wada fekeraya,dadnimo ay wax ku diidaanna lahayn, marka la amrayo inay diinta ummada la diriraan,culimadeedana shaqo ka qabtaan,halkay diidi lahaayeen ee odhan lahaayeen,war sidee dadkayaga,dhulkayaga iyo diintayada noogu faro gelinaysaan?! Warkoodu wuxuu dhaafi waayay:,hawraarsan iyo warkiinnaa jira.!! Ileen waa dad isu arka in abaal loo galay oo kuraas lagu fadhiisiyaye.

Hadayba dhacdo inay gor-gortamaan ama shuruudo xidhaanna waxay ku baryootamaan oo keliya in hadii sida la rabo wax u hirgeli waayaan,xaaladuna kuxumaato,in dalalka gaalada looga diyaarsho degganaansho iyo meelo ay ku indho qarsadaan . Runtiina raggaasi shaqadii loo dirsaday sidii loogu talo gayay ayay u fuliyeen, gaaladii soo korsatayna way u abaal gudeen oo baarriyaal u noqdeen, Maantana dalkasta waxa la gumaadayo,ama xabsiyadiisa ka buuxa, ama arlada ilaahay lagu er-eryanayo waa dadkii dalkasta ugu khayrka badnaa ee hirgelinta diinta Alle habeen iyo maalinba u taagnaa ,si calankeeda loo taagana wax kasta oo qaali ahhuray. Wakiilladaasna awoodda dawladeed ee gacanta loo geliyay waxay u adeegsadaan oo keliya dhaqan gelinta iyo ilaalinta qawaaniinta kufriga ah ee fulinteeda loo xil saaray,iyo inay kula diriraan diinta Alle iyo culimadaku hawshoon u khidmadaynteeda Maalinkay dhacdo meel dhulalka muslimiinta ka tirsan inay ka hano qaado quwad islaam,wakiilladuna u tabar waayaan, waxaa heegan gelayaa, dagaalkana toos isugu soo shubaya ciidammada gaaladaa wakiilka loo yahay.

Tusaale hadaan soo qaadanno,markay islamiyiintii Aljeeriya ku dagmeen huuhaadii demoqradiyadda ee dalkaas, ayna ka qayb galeen doorashadii 1992kii,weliba ku dhowaadeen inay doorashadaa ku guulaystaan,waa tii ciidankii dalkaas oo markii horeba Baariis laga xukumay,laakiin dadka loogu sheekayn jiray inay dalkaa difaacayaan, waa tii amarka lagu siiyay inay shaqadooda qabsadaan,oo xukunka raggaasna ka hortagaan,natii- Jadana dariishadda ka tuuraan. Waxaase madaxdii Yurub ka wer-wer ku beeray war bixin ay sirdoonkooda ka heleen, tilmaamaysayna inay dalkaasi ka buuxaan islaamiyiin aad u tababaran oo ka soo qalin jebiyay jihaadki Afqaanistaan,taasoo ku keentay shaki ah in ciidanka Aljeeriya uu u babac dhigi karo raggaas iyaga ah, waxayn dani dhaafin wayday inay Tuunisya ku diyaarshaan ciidan soddon kun gaadhaya,si hadii ciidanka Aljeriya xaaladu ku cakiranto ay ugu hiiliyaan dagaalkana ula galaan, islaamiyiintana inta cagta mariyaan, xukunkana raggaa lagu kalsoon yahay gacanta loo geliyo. Taasoo ah isla falkii lagula kacay dhaq-dhaqaaqii Dhaalibaan ee Afqaan, ilaa maantana lagu hayo,jeer Naato iyo Maraykan ku goobteen,iyo weliba wixii lagula kacay maxaakimtii islaamiga ee Somaliya,dhibkii loo gaystayna ilaa maanta uu socdo.

Xaqiiqada biyo kama dhibcaanka ahina waxaa weeye; war sidii horraantii qarnigii tegay gaalo dunida muslimka u qabsatay baa ilaa maanta naloo haystaa oo naloo guumaystaa. Waxa magaca islaam la huwiyay ee xukumana waa qawsaarro iyaga wakiillo u ah,oo ah murtaddiin xadhiga Alle gooyay. Marka sharciga Alle wax lagu qiimeeyona, dhaaquut waa dhaaquut,jinsi iyo midabkuu doono hayeesho, waana isku mid ka Masar iyo ka Yuhuuda,ka Somaliya iyo ka Itoobiya,ka Qadar iyo ka Ruushka. Diidista iyo iska indho tirida xaqiiqadaasna waxay la mid tahay iyadoo la yidhaado khamrada Somaliya ama Masar lagu sameeyo waa xalaal,se ta Talyaaniga ama Ingriiska mar hadii dal gaalo lagu farsameeyay waa xaaraan, ama la yidhaahdo ninka Somaliga ahi haduu gabadh Somaliyeed fara xumeeyo waxba kuma jabna,hadiise uu gaal Talyaani ah ama Jarmal ah la galmoodo waa sino.!!!.Waxaas ma jiraan, khamro waa khamro waana xaaraan meeshay ka timaadaba,sinana waa sino cidii doonta ha samaysee.

Sidoo kale mar hadii sharcigii Alle nolosha laga dhaariyay,cida falkaa samaysa waa dhaaquut,ciduu rabo ha u dhashee.Allena waa kii tilmaamayay in gaaladu isku xukun yhiin mar haday dhaqanka xun ka midoobaan,wuxuuna yidhi::{Warma gaaladiinna ayaa ka wanaagsan kuwiinna hore,mise kutubtaa la idiinku sheegay inaad nabad gelaysaan.}Al-qamar(43)..Maya,waa isku jise,mar haday isku camal noqdeen.. Sidoo kale,haday gaaladan xukunka dhabta ah ee ay leeyihiin ka nabad gelinayso in isku wadan la yahay ama isku jinsi la yahay,waxaa la wada ogyahay in qur’aanka Alle aad loogaga warramay arrinta Fircoon,iyadoo macnuhu yahay in madaxdii Quraysh ay nebiga-naxariis iyo Allaha siiyee-ka istaageen mawqifkii Fircoon iyo raggiisii nebi Muuse-naxariis iyo nabad gelyo Allaha siiyee-ka istaageen. Kolka mar hadii xadhiga Alle la gooyo qowmiyo iyo wadaniyotoona waxba ma tarayaan.

Culimada ay diintu daacada ka tahay ee doonaya inay si lillaahi ah sharciga ugu khidmeeyaan waa inay runta abbaaraan,dadkana bannaanka u soo dhigaan xaqiiqada xukunnada gaaladu dul dhigeen,loona tuso in dhaaquutyadii iyo Fircoonkii Alle uga digayay ay kuwan laftooda yihin,waana in umada loo qeexo dadka baadiyoobay iyo kuwa loo cadhooday ee habeen iyo maalinba ay salaada dhexdeeda Alle kaga tuugaan inuu dariiqyadooda marinnin inay ka mid yihiin nidaamyada magaca islaam loo huwiyay ee maanta gaaladu dul dhigeen,se lagu fulinayo gacanta kuwo iyaga ka dhashay . Allena markuu nebiga – naxariis iyo nabad gelyo Allaha siiyee- - arrimaha dacwada kala dardaarmayay waa kii ku lahaa:{Adkayso,ballankii rabbi kuu qaaday waa hubaale oo yaysan ku fududaysan kuwa aan waxba yaqiininaynnin.} ruum (60). Nebiga –naxariis iyo nabadgelyo Allaha siiyee-waxaa aayadan lagu farayaa inuu sabro oo ku kalsoonaado ballankii loo qaaday ee ahaa in loo gargaarayo,waxaana looga digay in wax iyaguba liita oo doqommo ahi aysan sirin oo caqliga ka xadin, ahdaafta iyo qorsheyaalka dacwo ee u xididanna aanay ka jeedin oo ka marin habaabinnin.

Sidaa oo kale culimadu iyagoo waanadaa Alle ee aayadaas ku cad ka ambaqaadaya waa inay ka mustewa sarreeyaan inay daba dhilifyada gaalada ee iyaguba sufaho ah caqliga ka xadaan,hadafkooda dhabta ahna ka marin habaabiyaan.oo iyadoo kufriga iyo fasaadka nolosha umada lagu hayo ay si kasta u muuqato,in wax ka qabashadeeda laga mashquuliyo laguna jeediyo ka hadalka iyo cambaaraynta dhibabka lagu hayo muslimiin-- ta kale,sida Shiishan, Falasdhiin,iyo Kashmir,sida iyadoo dhulkooda aanay belo ka jirin Masalan,maxaa lagu fasiri karaa marka dad ka tirsan dhaqdhaqaaqyada islaamka oo kontomeeyo kun ka badan xabsiyada Masar ka buuxaan, iyagoo dembi looga dhigayo inay dacwo wadeen oo diinta Alle koryeeli rabeen,isla markaana culimadii dalkaa iyo xarakooyinkiiba ay ka mudaaharadayaan dad gaalo meel kale ku laysay.?!! Maxaa iyadana lagu ay macnayn karaa xukuumada Sacuudiga oo qaynuun kufri ah wax ku dhaqaysa, iyadoo gaalada wakiilka u tahay ku raalli gelinaysana ducaadii dalkaa ka dhigay wax la dilay,in xabsiyada ka buuxa,qaar la caydhcaydhsanayo iyo kuwo inta afka laga xidhay loo hanjabay lagu yidhi:hadaad xaqa sheegtaan idinkaa cirka roob ku og!!. Hadana culimadoodii lagu mashquuliyay caydh-caydhsiga suufiyada iyo soo faaqida reddinta firqooyinkii hore,laguna jeediyay dagaal aan cadaw lala hardamo lahayn?! Haday dhaafi weydana ah kooxo aan maanta wax awood ah lahayn.

Waxaana culimada iyo xarakooyinka Masar iyo Sacuudiga tusaale ugu soo qaatay iyadoo labadaasba ay xarakooyinka Somalida saamayn weyn ku leeyihiin, kana shidaal qaataan. Marka arrimahaas lagu jeedinayose,maxay tahay belaayada ka weyn in umada diinteeda lagala diriro oo inay sharciga Alle raacdo, rabigeedna raalli geliso loo diido?! Iyadoo si kastana loogu fududaynayo inay samayso waxyaalaha Alle ka cadhoodo?!! Maxaase musiibo ah oo ka daran in bulshada naar Alle loo horkaco?!!. Soo qur'aanka Alle ee sharafta badan laguma caddayn in dadkoo diintooda laga halleeyo ay ka xun tahay oo ka khatarsan tahay in la laayo oo la gumaado. Runtuna waxay tahay in aan gaalada laga xoroobayn,diinta Allena si sharaf leh oo xarrago ku jirto loogu dhaqmayn inta la kala soocayo dadka uu sharciga Alle isku xukunka saaray ee ah gaalada iyo murtadiinta ay ummada dul dhiigeen.

Culimada raggaa asal iyo midab islaam oo aan waxba ka jirin ku aslayana Alle ha ka baqeen oo dadka caamada ah yaanay cadowga u hoosaasinnin,hana ogaadeen in markay waxaas ku kacayaan ay ku dhex jiraan xumaantii Alle reebay markuu culimada Yuhuuda la hadlayay ee uu ku lahaa: {;Xaqana ha ku dheehina baadhilka,taana ay keento in aad xaqa qarisaan idinkoo weliba ogsoon foolxumada waxa aad ku kacaysaan } Albaqra(42). Culimadii Yuhuudana mar hore ayay dhamaadeen,ee cidda lala hadlayo ee aayadu u digayso waa culimada muslimiinta. Sidoo kale, ha xusuustaan inay Alle ballan kula galeen inay diinta caddaynayaan oo aysan qarinayn, kaas oo ay galeen markii iimaanka iyo cilmiga diinta lagugalladaystay.

Sida Alle u leeyahay:{Dadka uga sheekee markuu Alle kuwii kitaabka la siiyay ballanka kaga qaaday inaad dadka diinta u caddaynaysaan oo aydan qarinaynninayna dhabarkooda gadaashiisa ka tuureen,oo dheef yar ku gateen.waxa ay gadanayaan baana xumaan badan} Aal-cimraan (187)..Aayadu waxay ka hadlaysay culimadii Yuhuuda,laakiin hada hadalku wuxuu ku jihaysan yahay culimada muslimiinta. Marka waa waajib in dadka xaqa loo caddeeyo, xukunnada kufriga ah ee la dul dhigayna wejigooda runta ah la faydo,si ummadu mawqifka sharciga ah uga qaadato,kaas oo ah in Loo arko inay yihiin dhaaquutyo, hadii xukunkooda la raaco naar Alle lagu mudanayo. Waana mas’alo sharci ah in mu’miniintu u caddaadaan habdhaqanka,mu'aamarooyinka, iyo tabaha gaaladu adeegsadaan. War bixin badan oo nimankaa nalaga siiyay ujeeddada laga leeyahay waxay ahayd in waxa gaalada iyo madaxdoodu yihiin iyo waxa ay maaggan yihiinba si fiican looga dheregsanaado. Allena waa kii yidhi:

{Sidaa oo kale ayaan aayadaha u kala dhig-dhignaa,iyo weliba si ay u caddaato dariiqa mujrimiinta} Al-ancaam(55). Waxaana laga yaabaa inay dad qiil ka dhigaan in nimanka madaxda xoog loo sheegto, oo ay baqayaan,sidaa darteed ay khasban yihiin (mukrihiin),taasina waxba kama jiraan labo sabab dartood,waa ta hore iyagaaba addoonnimada u haliilaya, si kastana diyaar ugu ah inay gaalada u adeegaan,una qabtaan wax walba oo raalli gelinaya,waa tan labaade, waxaa isu bar-bar yimid inay gaalada ka beri’ noqdaan oo diintoodii qabsadaan iyo inay gaalada raacaan oo si kasta u raalli gelyaan,ta dambe ayayna doorteen.

Allena wuxuu kuwaa iyo wixii la nooc ah ka yidhi:{Arrinku wuxuu caynkaa u yahay iyagoo nolosha adduunyada ka doortay aakhiro,Allena uusan hanuuninnin qoomka gaalada ah} Annaxli (107). Falkoodaana wuxuu la mid yahay kii Hiraqle-boqorkii Ruum- ee loo keenay dhambaalkii nebiga- naxariis iyo nabad gelyo Allaha siiyee-,markuu damcay inuu rumeeyana ay baadariyadiisii ku kaceen,markuu xukunkiisii u baqayna gaalnimadiisii ku sii socday, sidaasuuna diintii xaqa ahayd ee uu dhabnimadeeda arkay aduunyo iyo xukun uga doortay.kuwanna waa tebinkiisii. Raggaasna waxay isku dhaqan yihiin kuwii Sayid Maxamed ka hadlayay markuu lahaa:

1) Nin aqdaami faranjiya---- maantiyo abuuriin 2) Ama aaladuu sida--------- ama awrtaba u rara 3) Ama adhiga buu qala -----ama laba ugaarsada 4) Ama uba ilaalo ah -----ama uurka kala jira 5) Ashahaado beeniyo ---islaamnimo ha lagu dhaqo Ilaahayna nama odhan---anna ma oggolaan karo.

Marka waxaa lagu khasban yahay in gaalada kufrigooda caddaystay iyo qawsaarradooa murtaddiinta ah aan la kala soocin,mar haday Alle agtiisa hal xukun ku leeyihiin. Maalinka raggaa ay gaaladu gabbaadka ka dhigatay iyo iyaga laftooda iska goob la joojiy oo isku si loola dagaallamo,maalinkaa buu nasri Alle dhaw yahay,oo soo degdegi. Laakiin,maalinta wadaniyo,qowmiyo iyo qabiil la tixgeliyo,ama cilmaaniyiintaa sufahada ah inta caqliga naga xadaan,ay dagaallo aan dhab ahayn nagu mashquuliyaan,waxaa hubaal ah inay arrintu murgayso,dhibka iyo rafaadkuna sii daba dheeraanayo. Dhiigkasta oo diinta loo huro iyo dedaalkasta oo dacwada lagu bixiyona midho dhal noqon mahayaan inta tubta saxda ah ee dacwada aan si dhab ah loo abbaaraynnin

Fadlan halkan ka dajiso buuga mawduucan oo dhan


Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:39