Alimuse.com
Home Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Dawlada

Home
Dhibaatada Muslimiinta
Majlisu-Ashuuraa
Majlisu-ashuuraa2
Majlisu-ashuuraa3
Kitaab & Hub Illaalinaaya
Dastuurka S/Land
Mas'uuliyada Culimada
Sharci Dejinta
Hogaaminta Umada
Xukunka Cilmaaniga

MAS'UULIYADA CULIMADA & MUSTAQBALKA UMADA

Waa Maxay Dawlad?

Erayga Dawlad marka hore waa kalmad af carabi ah, Eray bixinta Soomaali ahaan waxa la yidhaah idinkaan idiin daayay.

DAWLADII U HOREYSAY EE XAQA AHAYD CADDAALAD IYO HORUMAR ADUUNYO IYO AAKHIRABA LAHAYD YAA SAMEEYEY?

Dawlad Caddaalad iyo Kala Dambeyn leh, Dastuur leh, oo Garsoore caadila leh, Umada u simantahay, Qof walibana xuquuqdiisa helo, Badbaaddada shaqsiga iyo umadaba ahay, cidii Caalamka ka hirgaliyay markii u horeysay wuxuu ahaa Rasuulkeenii Sharafta Lahaa ee Suubanaa Muxammad Sanadkii Kowaad ee Hijrada, wuxuuna ka dhisay Madiina. Umadu waxay ahayd dad jaahiliin ah oo qabiilooyin is xooga oo is dulmiya ah. Meelaha qaarna  waxaa ka jiray boqoro jaahiliin ah, oo waxay doonaan uun sameeya dadkana adoon sada.

Sidaad wada ogsoontihiin maanta waxaa caalamka ka jira dawlado badan oo kaladuwan qaar isku mabda'a iyo qaar aan isku mabaadi ahaynba, habka ama nidaamka ay u dhisanyihiin iyo qaabka ay u shaqeeyaana kala duwan yahay. Muuqaalka ay leeyihiin dawladaha maanta caalamka ka jiraa waa mid aad kawada dharagsantihiin ama aad fikir guud ka haysataan waxa ay yihiin iyo sharkooda iyo khayrkoodaba. Ma jecli inaan dawlada/dawladaha maanta jira aan sii sharaxo oo aan wakhtiga idinkaga lumiyo laakiin waxaan u gudbi doonaa Mabaadida Dawladda Islaamka dhabta ah.

Nidaamka Islaamka oo nasiib-darro ah mid dadku jaahil ka yihiin, wuxuu State-ka ama wixii u dhigma u arkaa inuu yahay midkii ka shaqaynlahaa sidii Dadku Naarta uga badbaadi lahaayeen Jannadana u gali lahaayeen. Fahamka State-ka ee Islaamku waa in dawladdu Farto wanaagga xumaantana reebto, dadkana u sahasho, oo u Fududayso oo uga shaqayso sidii ay Jannada u geli lahaayeen iyada oo u salaxaysa wax kasta oo loogu dhawaanayo Jannada kana leexinaysa ama ka awdaysa wax kasta oo Naarta gaynaaya. Yacnii Ujeedada kama dambaysta ahi waa taas. Dawladdu ama State-ku waxa uu ilaalinayaa shanta qasdi (ujdeeddo, objectives, ends) ee diintaba Illaahay usoo dejiyey sida ay culimadii Islaamka ee hore cadeeyeen (maqaasit shariica). Kuwaas oo ah, in dawladda Islaamka ahi damaanad qaaddo ilaalinta Nafta, Maalka, Cirdiga, Diinta iyo Taranka (tacmiirka adduunka).
 

HOGAAMIYAHA DAWLADA ISLAAMKA AH

 Marka hore waxaa haboon inaynu iswaydiino xageebaa laga tixraacaya qaab dhismeedka Dawlad Islaamnimo dhab ah ku dhisan Allena ka raali yahay?

 Dawlad Islaanimo ku dhisani waxaa weeye Dawladii ugu horeysay caalamka ee uu Dhisay Rasuulkii Alle S.C.W taas oo uu ka hisay Magaalada Madiina sanadkii kowaad ee Hijrada. Hogaamiyaheedu wuxuu ahaa Rasuulkii Alle Muxammad (S.C.W), Ciidankeedu wuxuu ahaa Asxaabtii Rasuulka (S.C.W). Kadib 12kii Rabbiicul-Awal, sannadkii 11aad ee hijriga (Geeridii Rasuulka S.C.W). Waxaa hogaaminaayay oo iskaga dambeeyey Khaliifadii Muslimka. Abuubakar, Cumar, Cusmaan iyo Sayid Cali. Markaas Wadan kasta oo muslim ah oo raba Xukun iyo Dawlad Islaamiya inuu dhisto wadada cad ee uu maraayo kana shidaal qaadanayaa waa taas ay Rasuulkii Alle S.C.W. iyo Asaxaabtiisii sharafta lahayd ay Jideeyeen umada Islaamkana u muujiyeen. Cidii ka baydha ama jid ka leexsan marta ee Dawladooda ama Xukunkooda wado kale oo aan taas ahayn mariya waa cid luntay.

Waa maxay Khaliif/a?

Khaliif waxaa weeye kalmad carabi ah oo micnaheedu yahay Hogaamiyaha umada Muslimiinta sida:Abuubakar, Cumar Binu Khadaab , Cusmaan binu Caffaan iyo Cali ibnu Daalib dhamaan tood Ilaahay ha ka raali noqdee. Takale waa bini aadamka, Allaah SWT wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi (Al-Baqra:30) waxaan abuuri Khaliif dhulka iiga wakiil noqda. Khallifkaas uu Alle inoo sheegay waxaa weeye dadka oo Nabi Aadam (C.S) ka soo fircamay. Laakiin hada waxaynu kalmada u isticmaalaynaa Hogaamiyaha Dalka Muslimiinta.

 Waa Maxay Waajibaadka Khaliifku (Hogaamiyaha Dalka Muslimka?)

Khallifka Islaamka ama Dalka muslimka ah hogaamiyihiisa waajibaadkiisa saran hadii aynu wax ka mida soo qaadano waxaa ugu waaweeyn:

  1. Dastuurka iyo Sharciga uu raacaayo waxna ku xukumayaa waa Qur’aanka iyo Sunada Rasuulkii Alle (S.C.W.) oo khaas ah, wixii uu ka waayo Qur’aanka & Sunada wuxuu waydiinaya Culimada Diinta Cilmi iyo Aqoon dheer u leh (Majlisul Shuura) wixii ay go’aamiyaan baanu ku dhaqmayaa (Ijtihaad).
  2. Waa inuu diinta islaamka u ilaaliyo sidii Rasuulkii Alle S.C.W. Dadka ku soo gaadhsiiyey, kana foojignaado in wax aan diinta ku jirin iyo bidco midna lagu soo daro.
  3. Waa inuu u caddaalad fallo dadka dhexdiisa, cidii dambi gashana uu ciqaabo sida diinta islaamku tidhi ha loo ciqaabo.
  4. Waa inuu nabad galyada umada & Dalka oo dhan sugo, siiba Xuduudaha u wadamada dariska laleeyahay hadii ay muslim yihiin iyo hadii ay gaalo yihiinba waa inay nabad galyo jirtaa oo umadu amaan dareento kana werwarin xaga nabadgalyada.
  5. Waa in sugaa nabadgalyada Xuduudaha uu wadamada jaarka laleeyahay oo aan cidina soo daan-daansan isagoo isticmaalaaya Ciidamadiisa Islaamiga ah iyo hamabka kale ee loo baahan yahayba.
  6. Waa inuu difaaco xuquuqda Muslimiinta dibadaha jooga oo ay diinta u faafin karaan si xor ah. Hadii wadamada aan muslimka ahayn diidaan in diinta Islaamka si xora looga dhex faafiyo waa inuu xoog ku isticmaalo oo ku qasbo inta ay ka ogolaanayaan.
  7. Waa inuu dhiso Ciidamo xoog leh oo jihaad u bixikara markasta oo loo baahdo lacala hadii wadamada aan muslimka ahayn diidaan in diinta laga dhex faafiyo ama ku dhaqaaqaan talaabo lid ku ah dalalka muslimka.
  8. Waa inuu soo uruuriyo oo shaqaalo aamina u sameeyo Zakada oo dadka masaakiinta baahana u qaybiyo sida ku cad Qur’aanka iyo Sunada. (hadii loo baahdo wuu isticmaali karaa Ijtihaadka, waa haduu ka waayo Qur’aanka & Sunada).
  9. Waa inuu mushaharka siiyo shaqaalaha sakada soo ururiyay wakhti buuxa too aan habsan lahayn.
  10. Shaqaalaha dawladu qoranayso sida: Wasiirada, ku xigeenada, Xafiisyada iwm waa inuu ahaado shaqaale wanaagsan oo daacad ah, diintana ku dhaqma oo ah dad la aamini karo, waa inay shaqada loo dhiibo karti iyo aqoon xifadeed u leeyihiin. Siiba dadka xafiisyada dawlada hayaa waa inay dad daacada oo aqoon leh oo dadweynaha talobixin iyo caawimo siinkara yihiin.
  11. Hogaamiyaha Umada Muslimiintu waa in sixoogan had iyo jeer uu ula socdo dhamaan waaxaha dawladiisu ogyahayna qofkasta oo shaqo loo dhiibay inuu xilkiisa gudanaayo si aanay u dhicin musuqmaasuq iyo wax kasta oo xaaran ah, dabagalna ku sameeyo.

SHARDIGA QOFKA KHALIIF LOO DOORANAAYO  MUSLIMIINTA OO DHAN AMA WADAN QUDHA KHALIIF HA U NOQDEE WAA ISKU SHARDI,

Culimada Muslimiinta ah ee Diinta Islaamka Aqoonta weyn u leh ee soo bartay iskuulana uga soo baxay ayaa go’aan ka gaadhaya qofka Khaliifka/Hogaamiyaha Muslimiinta loo dooran karo. Waxyaabaha ay ku tixgalinayaan qofkii la yimaada inuu Umada Muslimka ah  hogaamin karo ama Madax u noqon karo waxaa ka mid ah:

1.      Hogaamiyahu (Khaliifku) waa inuu Muslim yahay.

2.      Waa inuu Nin yahay oo aanu haweenay ahayn, sida ku cad xadiiskii Nebiga (S.C.W.) yidhi: Umad Muslim ahi haweenay kama dhigan karto Hogaamiye (Leader).

3.      Waa inuu leeyahay Cilmiga diinta Islaamka oo uu yahay mid go’aan gaadhi kara kalidii hadii ay lama maarmaan noqoto.

4.      Waa inuu yahay qof caadil ah, Akhlaaqad wanaagsan oo Xumaha iyo Samaha kala saari kara, Qof la aamini karo laguna kalsoonaan karo.

5.      Waa inuu yahay Qof caafimaadkiisu dhanyahay, Geesi ah, Caawimaad badan oo Umada ka difaaci kara cadow kasta oo soo weerara, Indhahiisa, Dhagahiisa, Carabkiisa iyo dhamaan xubnaha jidhkiisa oo dhami waa inay u fayoowyihiin oo sifiican u shaqaynayaan. (micnaha maaha in qofka lagu nacaayo xanuun ama dhaawac xaga Rabbi uga yimid laakiin waxaa la eegayaa Xilka Umada loo qabanayo waa mid intaas ka culuis xag aakhiro iyo aduunba).

6.      Waa inuu aqoon iyo khibrad u leeyahay Siyaasada aduunka, Milatariga iyo Maamulka.

Hogaamiyuhu haduu yahay mid Guud oo Islaamka oo dhan, Culimida qaarbaa leh Qofka Khaliif loo dooranayaa waa inuu ku abtirsado qabiilka Qureysh maxaa yeelay waa qabiilkii muslimiinta hogaamin jiray, Hogaamiyayaashii Muslimiinta oo dhamina waxay ahaayeen quresh, Nebiguna SCW wuxuu yidhi: “Hogaamiyayaasha Muslimku waa quresh.” Sikastaba ha noqotee; Culimoda Islaamka  qaar badan oo ka midi way ka faalo bixiyaan shardigan. Al-Mawaardi wuxuu qoray:  Khaliifku waa inuu ahaadaa qureesh isagoo soo qaadanayaa odhaahdii Abubakar yidhi: Hogaamiyaha Muslimiintu waa qureesh, wasiiradiisuna waa dadka kale ee aan qureeshta ahayn, Culimada diinta Islaamka aqoonta dheer u leh intooda badani figradan bay qabaan. Abu Bakr Al-Baqlaani  wuxuu yidhi: Hogaamiyaha Muslimiintu waa inuu ka yimaado Umada inteeda badan iyadoon la eegin qabiil. Muxammad Riyaa-Ad-Diin iyo Abu Xanifa waxay qoreen: Hogaamiyaha Muslimiintu waa inuu ka yimaado aqlabiyada badan micnaha dalalka muslimka intooda ugu badan ee isku dhinac aaminsan si ay u fududaato in amarkiisa la raaco oo lagu kalsoonaado. Lakiin hadii hogaamiyahu yahay mid dal qudha sida Somaliland/Somaliya shardigan 7aad ee qabiilku wuu kabaxayaa meesha shardiyada kale ayuunbaa la dhamaystirayaa

Lasoco Qaybaha dambe hadii Eebe Idmo.


Home
Dhibaatada Muslimiinta
Majlisu-Ashuuraa
Majlisu-ashuuraa2
Majlisu-ashuuraa3
Kitaab & Hub Illaalinaaya
Dastuurka S/Land
Mas'uuliyada Culimada
Sharci Dejinta
Hogaaminta Umada
Xukunka Cilmaaniga

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:35