Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka35

Home
Up

DAGAALKII UXUD (Qaybtii 1aad)

Ka dib markii uu dhacay dagaalkii Badar, oo ay qureysh u soo hoyatay guul darro iyo jab, lana laayey odeyaashoodii, ayey waxa ay galeen tabaabushe ay u tabaabusheysanayaan sidii ay Nabiga SCW iyo asxaabtiisa uga aarsan lahaayeen. Sidaa darteed waxa ay is amreen in aan loo ooyin dadkii Badar lagu laayey, laguna degdegin furashada dadkii lagu qafaashay Badar. Dadkii ugu xamaasad iyo shaqo badnaa in muslimiinta lala dagaallamo waxaa ka mid ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, Cikrama binu Abii Jaha, Safwaan binu Umaya, Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica. Waxay raggaani soo jeediyeen fikrad ay leeyihiin maalkii saarnaa safarkii Abuu Sufyaan waday oo ka koobnaa 1000 ka rati sababtana u ahaa dagaalkii Badar dadkii iska lahaa waa in aan la hadalnaa. Markii ay dadkii u yimaadeen waxa ay ku dheheen “qureysheey Maxammed waa idin dabar gooyey, akhyaartiinniina wuu laayey, marka maalkan noogu kaalmeeya sidii aan kula dagaallami lahayn, waxaa la arkaa in aan ka aar gudannee”. Maalkaas oo qiimihiisa lagu qiyasay 50,000 oo Diinaar dadkii iska lahaa way oggolaadeen, wayna u riyaaqeen fikraddaas, maxaa yeelay waxaa quluubtoodii buuxiyey ciil iyo caro ay u hayaan Nabi Maxammed SCW. Sidoo waxay hoggaamiyayaashaas qureysh bilaabeen in ay ka ururiyaan dhaqaale cid kasta oo jecel in ay ka qayb qaadato dagaalka lala gelayo muslimiinta, oo u dhashay qabiillada Kinaana, iyo Tuhaama. Allaah SW isagoo ficilkooda tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((KUWA GAALOOBAY WAXAY BIXINAYAAN MAALKOODA SI AY (DADKA) UGA JEEDIYAAN JIDKA ALLE, WAY BIXIN DOONAAN (MAALKA) KA DIB WAXAY KU NOQON DOONTAA SHALLAYTO WAANA LAGA QAALIB NOQON DOONAA, KUWA GAALOOBAY WAXAA LOO KULMIN XAGGA JAHANNAMO)), (Suuratul-Anfaal 36).
    

     Hoggaamiyayaashaa qureysheed waxa ay aad xoogga u saareen ururintii maalka iyo dhiirri gelinta dadkii qureysheed iyo qabiilladi kale ee xulufada la ahaa iyagoo adeegsanaya raggoodii gabayaaga ahaa sida ninkii la oran jirey Abaa Cisa, oo ku jirey dadkii la qafaashay dagaalkii Badar, ka dibna Rasuuku SCW iska cafiyey markuu u dan sheegtay, kulana ballamay in uusan dib dambe islamka uga hor imaanayn, laakiin ballaantii wuu ka baxay. Sababta uu Abaa Cisa ballanta uga baxay waxa ay ahayd waxaa kadiyey Safwaan binu Umaya oo ku yiri “waxaan kaa ballan qaaday, haddii aad dagaalka nabad uga soo labato, in aan qani kaa dhigo, haddii aad ku dhimatana aan gabdhahaaga kafaalo qaado”. Sidaa awgeed ninkii Abaa Cisa ahaa gabaygiisii ayuu qabiillada kala dhex istaagay isaga oo ku boorrinaya la dagaallanka Nabiga SCW iyo asxaabtisa. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Musaafe binu Cabdimunaaf Al-jumxi.
    
     Dadkii reer Makka waxay ku jireen diyaargarowgaas iyo hub urursi laga soo bilaabo bishii Ramadaan oo dagaalkii Badar dhacay iilaa laga gaaray Bishii Shawaal ee sannadkii xigay oo dagaalka Uxud dhacay. Waxaa isna cadaawaddii Qureys sii siyaadiyey oo ka caraysiiyey khasaarihii ka soo gaaray safarkii Safwaan, taas oo ku noqotay murugo kale. Ka dib markii la gaaray bishii Shawaal ee sannadkii 3aad ee hijriga oo hal sano laga joogo dagaalkii Badar ayaa waxaa u dhammaaday diyaargarowgoodii dagaalka. Sida darteed waxaa Makka ka soo baxay ciidan gaaraya 3,000 oo nin oo isugu jirey qureysh iyo xulafadooda, waxayna soo kexeysteen 15 dumar ah oo ay ugu talo galeen in ay ciidanka guubaabiyaan oo dhiirri geliyaan si aan ciidanku u baqan oo uu aad ugu dagaallamo.
    
     Hoggamiyaha guud ee ciidanku wuxuu ahaa Abuu Sufyaan binu Xarbi, ciidanka fardooleydana waxaa madax u ahaa Khaalid ibnu Waliid, waxaana kaaliye u ahaa Cikrama ibnu Abii Jahal. Calanka ciidanka waxaa waday waday jilibka reer banii Cabdi-daar, gaadiidkii ay wateen wuxuu ahaa 3,000 oo rati iyo 200 oo faras, dhinaca gaashaanka iyo qalabka difaaca waxa ay wateen 700 oo canbuur bireed. Waxay ka soo ambabexeen Makka oo soo aadeen dhinicii Madiina iyagoo duullaan ah.
    
     Dhinicii muslimiinta Cabbaas binu Cabdimudhalib, oo joogey Makka, had iyo jeerna akhbaarta cadawga u soo gudbin jirey Rasuulka SCW ayaa warqad degdeg ah oo uu ku qoran yahay dhammaan warkooda oo dhan u soo direy. Ninkii warqadda loo soo dhiibey aad ayuu u dheereeyey, wuxuuna ku gooyey masaafada u dhexeysa Makka iyo Madiina oo ah 500 KM, saddex maalmod. Wuxuuna u tegey Rasuulka SCW oo joooga Masaajidka Quba, oo warqaddii ugu geeyey. Waxaa warqaddii Rasuulka SCW u akhriyey Ubay ibnu Kacab, markii uu dhammeeyeyna wuxuu Rasuulku SCW amray in uu qariyo waxa ku yaalla warqadda. Ka dibna Rasuulku SCW si degdeg ah ayuu tegey Madiina, wuxuuna la tashaday odeyaashii Muhaajiriin iyo Ansaar. Magaaladii Madiinana waxaa laga qabtay waardiye, maxaa yeelay cadowgii jidka ayuu ku soo jiray, halisna waxay u tahay in ay kedis ku soo galaan, Rasuulkana SCW si gaar ah ayaa waardiye looga qabtay. Waxaana waardiyaha ka hayey qar ka mid ah odeyaashii Ansaar oo kala ahaa Sacad binu Mucaad, Sacad binu Cubaada iyo Useyd binu Xudeyr. Ciidankii muslimiintuna wuxuu bilaabay war doon iyo in uu maalin walba la socdo meesha uu cadowgii soo marayo.
    
     Ciidanka gaalada wuxuu ka soo baxay Makka, dabadeed markuu marayo meesha la yiraahdo Abwaa, oo Rasuulka SCW hooyadiis qabrigeedu ku yaalley, ayaa islaanta la oran jirey Hinda binu Cutba oo Abii Sufyaan qabay, aabbeheed, walaalkeed iyo adeerkeedna lagu diley Badar, waxa ay soo jeedisey in la faago qabriga Rasuulka SCW hooyadiis hase yeeshee madaxdii ciidanku waa diideen fikradaas, waxayna ka baqeen cirib xummada dambe oo ay reebayso. Ka dib socodkoodii ayey sii socdeen, markii ay marayaan togga la yiraahdo Caqiiqo ayay u leexdeed dhinaca midig, dabadeedna way sii socdeen ilaa ay ka degeen meel u dhow buurta Uxud oo la yiraahdo Cayneyn. Maalinkaas wuxuu ahaa maalin Jimca ah, 6dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga.
    
     Muslimiintu hadba sidii ay ula socdeen wararka cadowga iyo hadba meesha uu soo marayo ayaa ugu dambayntii loo soo gudbiyey in uu soo degey buurta Uxud gadaasheeda, markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu qabtay kulan guud oo uu la tashanayo asxaabtiisa, wuxuuna u sheegay riyo uu arkay oo wuxuu yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waxaan arkay kheyr oo ah; waxaan arkay lo’ la gowracayo, seefteyda oo dhinac ka jabtay iyo aniga oo gacantayda geliyey canbuur bireed adag. Waxaana ku fasirayay lo’da, qayb asxaabtayda ka mid ah oo la layan doono, seeftayda dhinaca ka jabtayna waxa aan ku fasiray nin Ehlu-beytkayga ka mid ah oo la dili doono, canbuur bireedkana waxa aan ku fasiray Madiina”.
    
     Dabadeed waxa uu Rasuulku SCW asxaabta u soo bandhigay ra’yigii uu arkayey oo ahaa in aan Madiina laga bixin oo difaac la galo si cadawga haddii uu magaalada soo weeraro si xun loogu hoojiyo. Waxaa markaa Rasuulka SCW ra’yigiisaa ku raacay qaar ka mid ahaa odeyaashii asxaabta oo u arkay in uu ra’yigaani sax yahay. Sidoo kale waxaa ku raacay munaafiqii weynaa Cabdullaahi binu Ubay oo aan saxnimo ugu raacin ee ugu raacay baqdin uu cadowga ka baqayo iyo in uu ka fogaado dagaal.
    
     Waxaa ra’yigii Rasuulka SCW mid ka duwan qaatay koox ka mid ah asxaabta oo aan ka qayb gelin dagaalkii Badar, aadna ugu xamasadaysnaa in dagaal kale cadowga lala galo iyo in badan oo dagaalkii Badar ka qayb gashay laakiin diiddanaa in cadawga magaalada lagu sugo, waxayna Rasuulka SCW u soo jeediyeen in la baxo oo cadowga meeshiisa loogu tago, aad ayeyna Rasuulka SCW ugu celceliyeen ra’yigaadaas ilaa mid ka mid ihi yiri “maalinkaan war rajaynaynay, Allaah baanuna u baryaynay, waana noo yimid oo waa soo dhowaaday ee u bax cadowgayaga yaysan noo arkin in aan ka baqnaye”. Sidoo kale raggii aadka ugu adadkaa ra’yigan waxaa ka mid ahaa Nabiga SCW adeerkiis Xamsa binu Cabdimudhalib.

DAGAALKII UXUD [Qaybta:2aad]

Ku xiiirsan Qaybtii 1aad ee uxud
     Rasuulku SCW, markii uu arkay in asxaabta badankeedu doonayaan in cadowga goobta loogu tago, ayuu ka noqday ra’yigiisii hore wuxuuna qaatay ra’yigan dambe, isaguuna go’aamiyey. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii tujiyey salaaddii jimcaha wuuna waaniyey, wuxuuna amray in ad-adkaan iyo dadaal lala yimaado, wuxuuna u sheegey in ay nasri helayaan haddii ay sabraan, ka dibna salaaddii casar ayuu tujiyey, dabadeedna wuxuu galay gurigiisa isaga oo ay la socdaan Abuubakar iyo Cumar, hubkiisii ayuu qaatay, laba canbuur bireedna wuu gashaday, wuuna soo baxay. Ciidankiina diyaar bay wada ahaayeen oo isaga ayey sugeyeen. Sacad binu Mucaad iyo Useyd binu Xudeyr ayaa asxaabtii ku yiri “Rasuulka SCW waad ku khasabteen bixitaanka ee isaga talada u daaya”, Markaas ayey ka qoomameeyeen arrintaa ay Rasuulka SCW ku kallifeen, markuu Rasuuulku SCW u yimidna waxa ay ku dheheen “Rasuulkii Allow nooma habboona in aannu ku khilaafno ee samee wixii aad doontid , haddii aad jeceshahay in aad Madiina ku negaatana samee”. Rasuulku SCW wuxuu markaas yiri “uma habboona Nabi haddii uu canbuur bireedkiisa lebisto in uu iska bixiyo ilaa Ilaahay ka kala xukmiyo isaga iyo cadowgiisa”.
    
     Wuxuu Rasuulku SCW ciidankiisii u qaybiyey saddex qaybood oo kala ahaa Ansaar oo uu labo u sii kala qaybiyey iyo Muhaajiriin oo hal qayb ah. Qaybta Muhaajiriinta wuxuu calankoodii u dhiibey Muscab ibnu Cumeyr, kaas oo ahaa calanka guud ee ciidanka, qaybta Awsna wuxuu calankoodii u dhiibey Useyd ibnu Xudeyr, qayba Khasrajna wuxuu calankoodii u dhiibey Xubaab ibnu Mundir. Caddadka ciidanku wuxuu ahaa 1,000 nin, waxayna wateen 100 canbuur bireed, fardahaa ayaa wateen riwaayadaha ku soo arooray way is kala duwan yihiin: qaar waxay leyihiin 50 faras, qaarna waxay leeyihiin Rasuulka SCW iyo Abuu Burda keliya ayaa ka watay, qaar kalena waxay leeyihiin maba wadan. Allaah ayaa garanaya sida ay xaqiiqdu tahay. Rasuulku SCW wuxuu Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum. Waxaa markaa Rasuulku SCW ciidankii ogeysiiyey in la dhaqaaqo, waxaana loo dhaqaaqay dhinicii woqooyi.
    
     Rasuulka SCW waxaa hor socday labo Sacad, markii ay dhaafeen meesha la yiraahdo Thaniyatul Wadaac ayaa wuxuu arkay Rasuulku SCW ciidan meel xoogaa u jirta ka muuqda Markaas ayuu asxaabtii weydiiyey oo ku yiri “maxay yihiin?”, waxaa la yiri “waa yahuuddii ay reer Khasraj xulufoda ahaayeen”, wuxuu yiri ‘ma islaameen?” waxaa la yiri “maya”, markaas ayuu diidey Rasuuku SCW in uu gaal gaal kale u kaalmaysto.
    
     Wuxuu Rasuulku SCW ciidankii ka reebay wiilal yar yar oo aan weli qaangaarin oo ay ka mdi ahaayeen: Cabdullaahi ibnu Cumar, Usaama binu Seyd, Useyd, binu Daahir, Seyd binu Thaabit, Seyd binu Arqam, Caraawa binu Aws, Camar binu Xasam, Abii Saciid Al-Khudri, Seyd binu Xaarith Al-ansaari iyo Sumura ibnu Jundub, wuxuuna dagaalka u oggolaaday Raafic ibnu Khadiija iyo Sumura ibnu Jundub, sababta uu labadaan uga soo reebay dhallinyaradii kalena waxa ay ahayd; Rafiic wuxuu ahaa wiil ganitaanka ku dheereeya oo shiish badan, markaas ayaa Rasuulku SCW u oggolaaday, markaas ayaa Sumura ibnu Jundub yiri “aniga ayaa ka xoog badan oo legda, markaas ayaa Rasuulku SCW amray in ay hortiisa ku legdemaan, markaas ayaa Raafic la legday oo Sumara ayaa xoog batay, sidaas ayuu isna ugu oggolaaday.
    
     Ka dib salaaddii maqrib ayaa ugu soo gashay dhexda, wayna tukadeen, ka dibna cishihii bay tukadeen, dabadeedna way degeen oo habeenkii halkaas ayey beryeen.
    
     Waardiyaha ciidanka habeenkaas waxaa loo xilsaaray 50 nin oo uu madax u yahay Maxammed ibnu Maslama, oo ahaa ninkii madaxda u ahaa kooxdii Kacab binu Ashraf dishay, reer Dakwaan binu Cabdiqaysna waxay gaar ahaan ugu istaageen ilaaalinta Rasuulka SCW. Fajarkii ka hor ayaa la kacay, wax yar ayaana hore loo sii socday ilaa laga gaarey meel cadowgii u muuqata oo la isku jeedo, halkaas oo salaadii subax lagu tukaday. Muddo yar ka dibna munaafiqii weynaa Cabdullaahi ibnu Ubay ayaa wuxuu la laabtay Sadex boqol oo nin oo ahaa ciidan Rasuulku SCW watay saddex meelood meel ahaan, wuxuuna yiri munaafiqasi “ma garanayno waxa aanu naftayada u dilayno” isaga oo ku andacoonaya in ra’yigiisii Rasuulku SCW khilaafay oo uu wiilal yar yar ra’yigood qaatay, laakiin ujeeddadiisu waxay ahayd in uu kala jebiyo ciidanka muslimiinta kuna rido niyad jab iyo is khilaaf, in badanna ay Rasuulka SCW iyo intii ku hadha, dabadeedna ay Madiina sideedii hore ku laabato, isna loo soo celiyo madaxtinnimadiisii, maxaa yeelay wuxuu rumeysnaa in madaxtinnimadiisii uu Rasuulku SCW ka qaatay, wuxuuna intaa xaqa uga soo hor jeeday oo Alle iyo Rasuulkisa SCW ula dhinactameyey in uu madaxnimo helo sida ay maantaba in badan oo muslimiin sheeganayaa uga horyimaaddaan xaqa si ay madaxtinimo ama dan gaar ah u gaaaraan. Munaafaqaani waxa uu sigey inuu hir galiyo wixii uu ku haminayey, maxaa yeelay isla markiiba waxaa damcay in ay laabtaan labo reer oo muslimiinta ka mid ahaa, kuwaas oo kala ahaa jilibka banuu Xaarith oo Aws ka mid ahaa iyo banuu Salama oo Khasraj ka mid ahaa hase yeeshee Allaah ayaa amarkoodii tawalliyey oo xaqii ku sugay, kana badbaadiyey simbirixashadaas sheydaanka. Allaahna isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur’aankiisa ku yiri:
    
     ((WAXA IDINKU DHACAY MAALINKA AY LABADA CIIDAN KULMEEEN WAA ALLE IDANKIIS IYO IN OGAADO MU’MINIINTA, (SIDA KALE) IN LA OGAADO KUWA MUNAAFAQOOBAY, EE LOO YIRI “KAALAYA OO KU DAGAALAMA JIDKA ALLE AMA DIFAACA” WAXAYNA DHEHEEN HADDAAN OGNAHAY DAGAAL WAAN IDIN RAACI LAHAYN, IYAGU GAALNIMDAY MAALINKAAS UGA DHAWAAYEEN IIMAANKA, WAXAY AFKOODA KA DHAHAYAAN WAXAAN QULUUBTOODA KU JIRIN, ALLENA WAA OG YAHAY WAXAY QARINAYAAN, WAA KUWA KU YIRI WALAALAHOOD HADDAY NA ADEECI LAHAAYEEN LAMA DILEEN, WAXAAD DHAHDAA NAFTIINA DHIMASHO KA REEBA HADDAAR RUN SHEEGAYSAAN)), (Suuratu Aali Cimraan 166-168).
    
     Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankii muslimiinta oo ah 700 oo nin waxay u dhaqaaqeen dhinicii cadowga, cadowguna wuxuu ka sokeeyey buurta Uxud, wuxuu markaa Rasuulku SCW yiri “ninkee ayaa naga dhex bixinaya oo na geynaya dushooda buurta xigta?”. Abuu Khaythama ayaa yiri “Aniga, Rasuulkii Allow”, wuxuuna abuu Khaythama ciidankii mariyey waddo gaaban oo buurta Uxud gasha, waxayna sii dhex mareen beer uu lahaa nin la oran jirey Murabac binu Qaydi oo munaafaq ahaa, indhahana aan wax qumman ka arkin, hase yeeshee markii uu dareemay ciidankii muslimiinta ayuu ciid ku seyriyey, wuxuuna ku yiri Rasuulka SCW “xalaal kuuma aha in aad soo gashid beertayda haddii aad Rasuul tahay”. Rag asxaabta ka mid ah ayaa markaa damcay in ay dilaan hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu yiri “ha dilina qalbiga iyo indhahaba waa ka indho la’yahay”. Ka dib waxay muslimiintii degeen meel istaraatiiji ah, oo buurta Uxud degaandeggeed ah, waxayna dhabark u duween buurtii, Madiinana way soo qaabbileen. Ciidankii gaaladuna waa ka hooseeyey oo wuxuu xigsaday dhinicii Madiina oo u dhaxaysey ciidankii muslimiinta iyo Madiina. Ka dib Rasuulka SCW ciidankiisii ayuu dagaalka u diyaariyey wuxuuna soo soocay 50 nin oo gummaad ah (gana yaal ah) oo ku dheereysey shiishka iyo wax ganidda, wuxuuna u direy kooxdaas dhinaca bidix oo koonfur bari ka xigtay ciidankii muslimiinta una jirtey 150 Mitir, meeshaas oo ahayd meel buurta Uxud karin gaabo ku lahayd. Ciidankaas 50ka nin ah wuxuu Rasuulku SCW madax uga dhigay Cabdullaahi binu Jubeyr binu Nucmaan, wuxuuna 50kaa nin ugu talo galay in ay dhabar jabinta ciidanka fardooleyda ah aee gaalada oo Khaalid binu Waliid wato ka ilaaliyaan. Wuxuuna Rasuulku SCW la dardaarmay ninkii madaxda u ahaa 50kii nin oo uu ku yiri “naga joojiya fardaha yeysan gadaal nooga imaanine, haddaan guuleysanno iyo haddii nalaga guuleystaba meshiina jooga, yaan dhiniciinna nalaka soo gelin”. Kontonkii nina wuxuu ku yiri “dhabarka naga ilaaliya, haddii aad aragtaan in nala laynayo ha noo gargaarinina, haddii aad aragtaan in aan qaniimeysanaynana ha nala wadaagsannina, haddii aad aragtaan in ay shimbiruhu na kala dafayaan booskiinaas ha ka soo dhaqaaqina ilaa aan idin soo cid diro, haddii aad aragtaan in aan jebinney oo aan ceyrsanaynana ha soo bixina ilaa aan idiin soo cid diro”.
    
     Rasuulku SCW wuxuu hadalkaas cad iyo dardaarankaas siiyey nimankii gumaadda ahaa si aan fardooleyda gaaladu dhabar jebin ugu samayn, meeshaas oo ahayd meesha kali ah ee laga dhabar jebin karayey, maxaa yeelay gadaal iyo dhinaca midigba buurta ayaa ka xigtay, hortoodana cadowga ayaa ka xigey. Dabadeed wuxuu Rasuulku SCW qaybiyey ciidankiisii, dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Mundir ibnu Camar, dhinaca bidixna Subeyr ibnu Cawaam oo uu kaaliye u yahay Miqdaad ibnul-aswad, safafka hore ee ciidanka wuxuu u doortay rag khatar ah. Khidaddaas heerka sare ah ayuu Rasuulku SCW u dejiyey ciidankiisii subaxaas wuxuu ahaa subax Sabii ah, 7dii bishii Shawaal, sannadkii 3aad ee hijriga.
    
     Wuxuu Rasuulku SCW ciidankiisii ka reebay in ay dagaal bilaabaan ilaa uu ka amro, wuxuuna ku booriyey dagal iyo in ay ku sabraan markay la kulmaan cadowga, aad ayuuna u xamaasa geliyey, ka dibna wuxuu kor u qaaday seef oo yiri “yaa seeftaan xaqeeda ku qaaday?”. Rag ayaa markaa istaagay ay ka mid ahaayee Cali binu Abii-dhaalib, Subeyr ibnu Cawaam, Cumar binu Khadhaab iyo abuu Dujaana, wuxuu markaa Abuu Dujaana yiri “muxuu yahay xaqeedu Rasuulkii Allow?”, wuxuu yiri Rasuulku SCW “waa in aad ku garaacdo wejiyada cadowga”, wuxu yiri Abuu Dujaan “aniga ayaa ku qaadaya xaqeeda Rasuulkii Allow”, markaas ayuu siiyey Abuu Dujaana.
    
     Abuu Dujaana wuxuu ahaa nin geesi ah oo is qaad qaada marka dagaalka lagu jiro, wuxuu lahaa maro guduudan oo hadduu madaxa ku xiro dadku ay ogaan jireen in uu dagaallamayo dagaal wacdaro leh. Markii uu seeftii qaaday ayuu madaxa ku xirtay maradii guduudnayd waana is qaad qaaday, wuxuu Rasuulku SCW markaa yiri “waa socod Ilaahay ka caroodo markaan oo kale (jihaadka) ma ahane”.
 

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:39