Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka34

Home
Up

DUULLAANKII SUWEYQ

Markii laga takhallusay Abii Jahal oo ahaa hoggaamiyihii qureysheed iyo in badan oo madaxdii qureysh ah ayaa waxaa qureysh madax u noqday Abuu Sufyaan binu Xarbi. Abuu Sufyaan wuxuu bilaabay tallaabooyin uu ku rabo in uu ku aar guto, wuxuu markaa ku fekeray in uu Madiina tago oo dhib u soo geysto muslimiinta si ay dhoolatus ugu noqoto oo loo arko in uu awood leeyahay, sidaa darteed wuxuu ku nadray in uusan janaabo ka qubeysan ilaa uu ku duulo Nabi Maxammed SCW. Wuxuu markaa soo kexeystay ciidan rakuubley ah oo caddadkoodu yahay Labo boqol oo nin. Wuxuuna isla habeennimadii galay Madiina isaga oo is qarinaya, wuxuuna u tegey Kacab binu Asad, oo ahaa odeygii yahuudii reer banuu Qureyda, albaabka ayuuna ku garaacay laakiin Kacab baqdin uu ka baqayo Nabiga SCW dareed waa uu diidey in uu albaabkii ka furo.
    
     Abuu Sufyaan, markii albaabka laga furi waayey ayuu wuxuu u tegey Salaam ibnu Mashkam, oo ahaa duqii reer banuu Nadiir, keydkoodana hayey. Albaabka ayuu markaa ku garaacay oo ka idan dalbay, wuuna ka furay oo wuu soo dhoweeyey, wuuna u warramay. Ka dibna abuu Sufyaan waa baxay, wuxuuna isla habeennimadiiba ku noqday ciidankiisii, dabadeedna wuxuu direy koox ciidanka ka mid aha si ay wax u soo kharbudaan isla habeennimadaba, maxaa yeelay dhuumaleysi maahane, dagaal caddaan ah uma uusan imaan.
    
     Kooxdii uu direy waxay tageen beer beerihii muslimiinta ka mid ah, markaas ayey dhirtii jareen, beertiina gubeen, labo nin oo muslimiin ah oo beertooda joogeyna way soo dileen, ka dibna si degdeg ah ayey Abuu Sufyaan iyo ciidankiisii Makka ugu noqdeen.
    
     Rasuulku SCW markuu arrintii maqlay ciidan ayuu ka soo daba qaatay, Madiinana wuxu uga soo tagey Abaa Lubaaba ibnu Cabdi-mundir. Dabadeed markii uu marayo Qarqaratu Kadar, oo uu gaari waayey, ayuu dib u soo laabtay. Waqtigaasna wuxuu ahaa bishii Dulqacda, sannadkii 2aad ee hijriga.

DILITAANKII KACAB BINU ASHRAF

Kacab binu Ashraf wuxuu ka mid ahaa dadkii yahuudda ugu dhibka badnaa uguna cadaawadda badnaa islaamka iyo muslimiintaba, wuuna muujistay dhibaatadiisa. Wuxuu ka mid ahaa qabiilka la yiraahdo Dhii oo ka tirsanaa reer banuu Nuhbaan, hooyadiisna waxay ahayd reer banuu Nadiir, wuxuuna ku dhex koray yahuud oo wuu yahuudoobay. Nin maalqabeen ah ayuu ahaa, quruxdana carab oo dhan ayuu caan ka ahaa. Wuxuu degganaa dhinaca koonfur bari ee Madiina oo ka dambaysay meeshii ay yahuuddii reer banuu Nadiir degganaayeen.
    
     Ninkaas oo ahaa nin aad u shar badan markii uu maqlay guushii muslimiinta ee Badar iyo dilitaankii odeyaashii qureysheed ayuu wuxuu yiri, “taasi ma xaq baa?”, kuwaasi waxa ay ahaayeen carab kuwii ugu shaaraf badnaa iyo dadka boqorradoodii, Ilaah baan ku dhaartaye haddii uu Maxammed kuwaas laayey dhulka gudihiisa (Dhimasho) ayaa ka kheyr badan, wuxuuna ammaanay cadowgoodii. Rakuubkiisii (awkiisii) ayuu markaas fuulay ilaa uu ka tegay Makka iyo qureysh. Wuxuu ku degay Mudhalib binu abii Waddaac Al-sahami. Ka dib wuxuu guda galay isaga oo ooyaya in uu gabay ku ammaano raggii mushrikiinta looga laayey Badar, wuxuuna ku booriyey dadka in Nabiga SCW lala dagaallamo oo lala colleytamo.
    
     Abuu Sufyaan iyo raggii mushrikiinta ahaa waxa ay ku yiraahdeen “ma diintayada ayaa Alle xagiisa loogu jacayl badan yahay mise diinta Maxammed?, labadayada qolose yaa hanuunsan oo Alle u dhaw?”, wuxuu yiri “idinka ayaa ka hanuunsan”, Allaah SW isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri:
    
     ((MA ARAGTAY KUWA KITAABKA QAYBTA LAGA SIYEY OO RUMAYNAYA SIXIR IYO SHAYDAAN, KUNA DHAHAYA KUWA GAALOOBAY “KUWAAN (GAALADA AH) AYAA WADDO UGA HANUUN BADAN KUWA MU’MINIINTA AH, KUWAASI (YAHUUDDA) WAA KUWUU ALLE NACLADAY, CIDDII ALLE NACLADANA U HELI MAYSID GAR GAARE)). (Suuratu-Nisaa’ 51-52).
    
     Kacab intaas ka dib Madiina ayuu ku soo laabtay, wuxuuna tiriyey gabayo uu ku af-lagaadaynayo gabdhihii muslimaatka ahaa isla markaasna uu islaamaka ku dhibayo. Rasuulku SCW, markuu arkay ninkaas iyo sharta uu wada iyo heerka uu gaaray oo ah inuu gabdhihii muslimaatka ahaa af-lagaadeynayo, islaamkana caayayo, ayuu wuxuu asxaabtiisa ku yiri “yaan Kacab binu Ashraf u diraa, Ilaah iyo Rasuulkiisa ayuu dhibaye?”. Waxaa markaas istaagay Maxammed binu Maslama oo yiri “aniga, Rasuulkii Ilaahayow ma jeceshahay in aan dilo?”, Rasuulku SCW wuxuu yiri “haa”. Maxammed binu Maslama ayaa Nabiga SCW ku yiri ii idan haddaba in aan waxaan rabo kaa sheego”, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri “dheh wixii aad doontid”.
    
     Maxammed binu Maslama waxaa markaa raacay dhowr nin oo kala ahaa: Cubaada binu bishir, Xaarith binu Aws, Abuu Cabsa binu Xabir iyo Abuu Naa’ila (sulkaan binu salaam) oo ay Kacab binu Ashraf naas wada nuugeen. Maxammed binu Maslama ayaa markaa Kacab u tegey oo ku yiri “ninkani (Nabi SCW) wuxuu na weydiiyey sadaqo”, Kacab ayaa yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waan filayey”. Maxammed binu Maslama wuxuu yiri “hadda waan raacnay, mana ka harayno ilaa aan aragno meesha ay arrintiisu ku dambayso, waxaan marka kaa dooneynaa in aad na amaahisid jawaan ama labo jawaan (oo raashin ah)”, Kacab baa yiri “rahan (carbuun) ayaan idinka rabaa”, Maxammed ayaa yiri “maxaad doonaysaa?”, Kacab ayaa ku warceliyey “dumarkiina rahan iiga dhiga”. Maxammed ayaa markaa Kacab su’aaley “sidee baan dumarkayaga kuugu rahannaa adigoo carab ugu qurux badan?”, wuxuu Kacab yiri “haddaba wiilashiina ii rahma”, Maxammed ayaa yiri “ma wiilashayada ayaannu kuu rahannaa si hadhow loo caayo oo loo yiraahdo “waa kii jawaanka ama labada jawaan loo rahnay” taasi ceeb bay nagu tahay, laalkiin waxaan kuu rahmaynaa oo kuu dhiibeynaa hubkayaga”. Abuu Naa’ilna sidoo kale ayuu sameeyey.
    
     Kacab ayaa markaa kor u hadlay isagoo raba in arrinkaa la maqlo, waxaa markaa lagu yiri “war hooggaagee ina Ashrafow dan baan kuu sheeganay ee noo qari”, Kacabna, arrinkaa waa aqbalay, Abuu Naa’ila ayaa markaa hadlay oo yiri “ninkaani (Rasuulka SCW ) dhib buu noogu yimid oo carab haddaanu nahay caado ayaannu lahayn, hal dhufeys baannu ku wada jirney. Waddooyinkii buu naga gooyey ilaa ay ciyaalkayagii ka caqdaan oo naftayadii ka dhibaatooto oo annaga iyo ciyaalkayagii dhibaato aan ku sugnaano”. Ka dib wuxuu yiri abuu Naa’il “asxaab aan isku fikrad nahay ayaa ila socotay, waxaan doonayaa in aan kuu keeno oo aad wax ka iibisid, wanaajisana”.
    
     Ninkii la oran jirey Kacab binu Ashraf wuu yeelay arrimahaas oo dhan. Waxaa la ballamay habeeennimadii bisha Rabbiicul Awal ahayd 14, sanadkii 3aad ee hijriga. Kooxdii hawshan fulineysey waxa ay isla habeenkiiba u tageen Rasuulku SCW wuuna la soo dardaarmay, wuxuuna ku yiri “ku socda magaca Allaah, Allahayow u kaalmee”. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu ku laabtay gurigiisii oo salaad ayuu galay. Kooxdii waxay tageen aaggii uu degganaa Kacab waxaana u dhawaqay Abaa Naa’ila. Kacab wuu istaagay si uu u baxo, haweentiisii oo uu mar dhow soo guursaday, ayaa ku tiri “xaggee saacaddan u baxaysaa? dhawaaqa aan maqlay waa mid dhiig ka da’ayee”. Wuxuu yiri Kacab “waa walaalkay Maxammed binu Maslama iyo midkaan naska wada nuugnay, Abuu Naa’ila, ninka ragga ahna haddii loogu yeero arrin waa yeelaa”. Markaa ayuu soo baxay isagoo barafuun isku soo shubay oo madaxiisu soo carfayo. Abuu Naa’ila wuxuu saaxiibbadiis ku yiri “markuu yimaado madaxa ayaan qabanayaaye, markii aad aragtaan in aan si fiican u qabtay sefaha ku booba”. Kacab markuu yimid oo mudoo lala sheekeysanayey, ayuu Abuu Naa’ila ku yiri “ka warran ina Ashrafow haddii aannu aadno derbiga duqdii hebla ahayd si aan isaga sheekaysanno habeenka inta nooga hartay”, isna wuxuu yiri “haddii aad doontaan waxba kama qabo”.
    
     Markii la baxay oo dhex la sii marayo ayuu Abuu Naa’ila yiri “caawa oo kale ma arag cid ka catar udgoon Kacab”, markuu hadalkaa maqlay ayuu faan galay oo yiri “dumarka carbeed catarkoodii baa agtayda ah”, Abuu Naa’ila wuxuu yiri “ma ii oggolanaysaa in aan ursado madaxaaga?” Kacab wuxuu yiri “haa”, markaas ayuu Abuu Naa’ila gacanta madaxa ka geliyey oo ursaday, saaxiibbadiisna ursiiyey. Xoogaa ayaa la socday. Abuu Naa’ila ayaa markaa yiri “ma ku celiyaa?”, “haa” ayuu Kacab yiri, sidii oo kale ayuu yeelay. Ka dib markii xoogaa la sii socday oo Kacab is kala dhigtay ayuu Abuu Naa’ila yiri sidii oo kale, markuu Kacab u oggolaadayna, madaxa intuu gacanta ka geliyey ayuu si fiican uga faro buuxsaday, oo yiri “waan hayaa cadowgii Ilaahay”, markaas ayey seefaha ku boobeen hase yeeshee seefihiii waxba waa ka tari waayeen (wey dili waayeen), markaas ayaa Maxammed binu Maslama mindi ka geliyey caloosha ilaa uu ka diley.
    
     Cadawgii Ilaahay ee Kacab, isagoo qaylo aad u daran ku qaylinaya, taas oo ka argagixisay wixii gaararkiisa joogey, ayaa naftii ka baxday oo laga takhalusay.
    
     Ka dib kooxdii way soo laabteen iyagoo seefohoodii qaar ka mid ahi ay dhaawac gaarsiiyeen Xaarith binu Aws, wayna ka soo tageen iyagoo u hasta in ay dhan yihiin hase yeeshee markii ay dhex marayeen ayey ogaadeen in uu Xaarith ka maqan yahay. Meeshii ayey markaa fariisteen oo mudo ku sugeen, markii uu u yimidna way soo xambaareen.
    
     Markii ay Rasuulka SCW u soo dhow yihiin ayey takbiirsadeen, Rasuulkuna SCW markii uu maqlay takbiirtooda ayuu fahmay in ay soo dileen cadowgii Ilaahay, markaas ayuu isna takbiirsaday. Markii ay u yimaaddeenna wuxuu yiri “wejiyaal baa liibaanay”, markaa ayey dheheen “wejigaaguna wuu liibaanay Rasuulkii Allow”, ka dibna madaxii Kacab oo ay soo gooyeen ayey Rasuulka SCW hortiisa ku soo tuureen, Rasuulku SCW Allaah ayuu mahadiyey dilitaanka ninkaas la dilay, Xaarithna meeshii nabarka ayuu uga tufay, waan u buskootay.
    
     Yahuuddu markii ay ogaatay waxa ku dhacay Kacab ibnu Ashraf iyo sida khatarta ah oo looga takhallusay, ayaa Ilaahay quluubtooda ku riday baqdin iyo argagax, waxayna ogaadeen in Nabi Maxammed SCW uu awood u isticmaalayo abaalkoodana marinayo ciddii wanaag iyo nabad diidda. Sidaa darteed yahuudi wa ku cibro qaadatay arrinkaan iyo kiii ka horreeyey ee reer banii Qaynuqaac ku dhacay, waxayna joojisay kibbirkii iyo faankii, magaalada Madiinana waxay ku soo laabatay xasiloonideedii, Rasuulka SCW iyo asxaabtiisiina waa ka kala fududaatay dhibaatadii gudaha ka haysatay ka dib markuu labadaan ficil ku dhaqaaqay.

DUULLAANKII DII AMAR

Wardoonkii Madiina ayaa wuxuu soo gudbiyey in qabiilooyinka la kala yiraahdo banii Thaclaba iyo Muxaarib ay isu urursadeen sidii ay Madiina duullaan ugu soo qaadi lahaayeen. Rasuulku SCW markii uu arrintaa ka war helay wuxuu diyaariyey ciidan dhan Afar boqol iyo kontan nin, waxayna taariikhdu ahayd bishii Muxarram, sannadkii 3aad ee hijriga. Rasuulku SCW magaalada Madiina wuxuu madax uga dhigay Cusmaan ibnu Cafaan, dabadeedna ciidankii ayuu la baxay.
    
     Dhex markii la sii marayo ayaa waxaa la qabtay nin u dhashay qabiilkii lagu socday ee reer banii Thaclaba, ninkaas, waxa uu ugu yeeray islaamka, isna waa aqbalay oo waa islaamay. Dabadeedna wuxuu horkacay ciidankii si uu u tuso fariisimaha uu cadowga daggan yahay.
    
     Qabiilooyinkii markii ay maqleen soo bixitaanka Rasuulka SCW ayey ka carareen meeshii ay joogeen oo hawdka galeen.
    
     Rasuulku SCW wuxuu tegey meeshii ay isku urursanayeen, wuxuuna degganaa halkaas bishii Safar oo dhan, si reer baadiyaha jihadaas deggan oo dhan u ogaadaan awoodda muslimiinta. Ka dibna Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxa ay ku soo laabteen Madiin
    
 
     DUULLAANKII BAXRAAN
    
     Bishii Rabbiicul Aakhir, sannadkii 3aad ee hijriga ayaa Rasuulka SCW iyo Saddex boqol oo nin oo uu hogaaminayo u bexeen meesha la yiraahdo Baxraan, oo Xijaas ka mid ah. Wuxuuna u baxay qureysh, meeshii ayuu tegey wuxuuna joogey intii ka dhimanayd bishii Rabbiicul Aakhir iyo bishii ku xigtey ee Jamaadul Uulaa, ka dibna Madiina ayuu ku soo laabtay isaga oo aan wax dagaal ah soo gelin. 

ILAALADII SEYD BINU XAARITH

Markii la gaaray waqtigii jiilaalka ee qureysh Shaam u safri jirtey ayey qureyshtu isu diyaariyeen safar, markaas ayey ka wada tashadeen waddadii ay safarkooda marin lahaayeen, maxaa yeelay cunaqabatayn ayaa saaran oo waddo kasta oo ay isku dayaan muslimiinta ayaa ugaarsanaya. Waxaa markaa hadlay Safwaan binu Umaya, oo ay u doorteen in uu safarka kexeeyo, wuxuu yiri “ma garanayo wax aanu ku samayno Maxammed iyo asxaabtiisa, dadka xeebta degganna way la heshiiyeen oo badankoodu isaga ayey la jiraan, mana garanayno meel aan marno, haddii aan guryahayaga iska joognana waxa aan cuneynaa lafahayagii oo waxba noo hari mahayaan, noloshayada Makkana waxa ay ku dhisan tahay ganacsiga jiilaalka ee Shaam iyo kan xagaaga ee Yaman”. Arrimahaas markii uu Safwaan ka warramay ayaa laga wada hadlay mawduucii, waxaana fikrad keenay Aswad binu Cabdimudhalib oo ku yiri Safwaan: “iska daa waddada xeebta, waxaadna qaaddaa waddada Ciraaq”, waddadaas Ciraaqna waxa ay ahayd waddo dheer oo sii marta Najdi ilaa Shaam laga gaaro, Madiinana waxaa laga marayaa dhinaca bari ee qorrax ka soo bax oo aad uga fog Madiina, qureyshna ma aqoon waddadaas, mana marin markaas ka hor. Sidoo kale wuxuu Aswad u tilmaamay safwaan in uu kexeysto ninka la yiraahdo Furaat binu Xayaan, oo u dhashay qabiilka la yiraahdo Banii Bakar, si uu safarka waddada u mariyo.
    
     Safwaan iyo safarkiisii waa ay bexeen isagoo wata koox rag ah, waxayna qaateen waddadiii cusbeyd, iyagoo ku baxay si qarsoodi ah. Hase yeeshee sirtoodii waa la helay, sida lagu helayna waxa ay ahayd: nin la yiraahdo Sulayd binu Nucmaan, oo muslim ahaa, iyo nin gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey Naciim binu Mascuud Al-ashjaci, ayaa meel khamro ku wada cabbey (waana intaan khamrada laxarimin). Markii ay sakhraameen ayaa Naciim si tifafiran uga warramay khiddada safarkka iyo meesha uu mari doono, markaas ayaa Suleyd si degdeg ah khabarkii Rasuulka SCW ugu soo gudbiyey. Rasuulku SCW markii loo keenay wuxuu direy ciidan gaaraya Boqol nin oo rakuubley ah, wuxuuna madax uga dhigay Seyd binu Xaarith.
    
     Ciidankii waxay jidka ku sii jiraan waxa ay si kedis ah ku qabteen safarkii. Raggii waday oo uu Safwaan madaxda u ahaana way carareen, muslimiina waxay soo qafaasheen safarkii iyo ninkii la oran jirey Furaat binu Xayaan, oo ahaa ninkii dhul yaqaanka ahaa oo safarka hor socday. Riwaaayadaha qaarkood waxay ku daraan in Furaat iyo laba nin oo kale la qabtay. Ka dib waxa ay ciidankii u tageen Rasuulka SCW iyagoo safarkii wata. Alaabta safarkaa saarnayd waxaa lagu qiyaasay 100,000 oo Diinaar. Rasuulku SCW markii uu ka saaray khumuskii ayuu xoolihii u qeybiyey raggii duullaankaas galay. Ninkii ahaa Furaat ee la soo qabtayna waa uu islaamay.
    
     Nimankii qureysh ahaa waxaa u hoydey murugo iyo calool xumo, waxaana ku caddaatay talo, maxaa yeelay waddada sidaa loogu galay waa waddadii keliya ee ay naf bidayeen. Sidaa darteed waxa ay duruufu kala dooransiisey in aysan safar dambe gelin, oo ay cunaqabatayntaa ku jiraan in ay Rasuulka SCW heshiis la samaystaan iyo in ay dagaallamaan, oo iyaga iyo Nabi Maxammed SCW fooda is daraan. Waxayna doorteen midda u dambeysa oo dagaalka ah, waxay xoojiyeen tabaabulshihii ay ku jiree, waxayn qadeen olole ballaaran sidii ay Rasuulka SCW ula dagaallami lahaayeen.

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:39