Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Majlisu-Ashuuraa

Home
Up

Sideebaa  Hogaamiyaha Dalka Islaamka ah Loo Dooranayaa? (Khaliif)

Waxaa jira seddex nooc oo umada Muslimka ahi ay u dooran karaan hogaamiyahooda cusub. Seddexda nooc mid kasta ha loo doortee dadka muslimka ah waxaa ku waajib ah inay heshiis la galaan hogaamiyaha cusub ee xilka loo doortay inta aanu xilka qaban (Beeycad). Dadku waxay dirsan karaan wakiilo matala oo heshiiska ula gala khaliifka hadii dadweynuhu aad ubadan yahay. Seddexda noocna waxay kala yihiin: Doorasho, Magacaabid iyo Xoog.

1. Habka Doorashada: Waxaa dooran kara Hogaamiyaha Dalka Islaamka oo kaliya Majlisul-Shuuuraa. Majlis-Ashuuraa waa koox bulshada ka mid ah kuwaas oo ah kuwa bulshada dhexdeeda ugu cilmiga badan xaga diinta Islaamka, ugu dhaqan wanaagsan xaga diinta, uguna tixgalin badan bulshada dhex-deeda ahna dad lagu yaqaan diin, Akhlaaq iyo Aaminaad. Majlisul-Shuuraa maaha dad food looga qaadaayo bulshada dhex-deeda ee waxaa iyagana dooranaaya dad diinta islaamka khibrad u leh, oo aad ubartay diinta. Waayo Caamo caamaday fahantaa, qofka cilmiga lehna ka cilmiga leh. Majlis-Ashuuraa micnaheedu waxa weeye Golaha Talada Siinaaya Hogaamiyaha Dalka Islaamka. Hadii Bulshada oo dhan ama badideedu diido Hogaamiyaha ay golaha shuuradu soo doorteen, markaas golaha shuuradu waa inuu raadiyaa oo ogaadaa sababta dadku u diidan yahay, iyadoo labada dhinac midna aanu sharciga ilaahay jabin karahayn hadana marwalba waa in golaha shuuradu arinta xal iyo wanaag ku dhameeyo, dadkana sifiican dhexdhexaadin ula sameeyo. Waligeed maydhicin in bulshada oo dhan ka hortimaado majlisu-shuura.

Majlis-Ashuura ugu yaraan waa inuu noqdaa 3 Qof ama wax ka badan si jamacu u buuxsamo. Al-Mawardi  wuxuu qoray: Hadii xaalad khatari jirto oo aan Hogaamiye Islaam iyo Majlis-Ashuuraa midna jirin (sida maanta muslimiintu ku suganyihiin oo kale), waa in dadku sameeyo labo kooxood oo kooxi tahay Majli-Ashuuraa mida kalena tahay Diwaan ay ku qoranyihiin dadka u tartamaaya Jagada Khaliifka (Hogaamiyaha Muslimka). Dabadeedna waa in Majlis-Ashuuraa kala soo dhex baxo qofka ay rabaan inay u doortaan Hogaamiyaha Muslimiinta diwaankaa ay ku qoranyihiin dadka u tartamaaya jagada Hogaaminta Muslimiinta.

2. Habka Magacaabida: Waa marka Hogaamiye Islaamiyii jiro, dawladuna tahay Xukumad Islaamiya, deedna Hogaamiyaha Islaamka (Khaliifa) uu xilka ku wareejiyo qofka maamulkiisa ugu dhaw ee u qalma xilka sidii Abuubakar Sidiiq xilka ugu wareejiyay Cumar binu Khadaab (A.K.R.).Dadku waa inaanay wax hadala ka keenin markiibana sidaas ku aqbalaan, waayo waa arin aan ka hadal lahayn oo Asxaabtii Nebiga (S.C.W.) ka sugnaatay. Laakiin hadii Hogaamiyaha hore (Khalifa) xilka ku wareejiyo qof aan u qalmin ama dadku anay aaminsanayn oo ka shakisanyiin , Shacbiga Muslimiintii xaqbay u leeyihiin inay diidaan.

3. Xoog kuqabsasho: Hadii Hogaamiyaha Muslimiinta ee markaas xilka umada hayaa (Khalifa) ku qasbo shacbiga qof uu rabo inuu noqdo Hogaamiyaha Muslimiinta ee dambe; Qofkaasi hadii uu yahay qof saxa oo umada hogaamin kara, cadowga gaalada iyo dhan walbana ka difaaci kara, waa in Shacbigu aqbalaan qofkaas inta uu saxan yahay. Laakiin hadii anu jirin Hogaamiye Muslim ahi sida; Xaaladu tahay maanta ee aan meelna caalamul Islaam ka jirin Dawlad Xukun Islaamnimo ku dhisan oo Kitaabka Qur’aanka iyo Sunada Rasuulka (S.C.W.) oo kaliya wax ku xukunta, wadamadii Islaamka ahaana xaalkoodii noqday in Caddaaladii iyo Nuurkii Ilaahay STW ugu deeqay ka doortaan qaanuun gaallo iyo mid jaahilnimo.

Marka xaaladu noocan tahay. Diinta Islaamku waxay u ogoshahay in qof ama koox xoog ku qabsado xukunka jira deedna uu ku dhawaaqo inuu isagu yahay Khalifka Hogaaminaaya Umada Muslimiinta ah, Dawladunu tahay dawlad Islaamiya. Markaas hadii uu dadka shacabka ah u cadeeyo inuu yahay Khaliif dhaba oo u balanqaado inuu Sharciga Islaamka oo khaasa ku soconaayo dalkana diinta Islaamka ku hogaaminaayo waxaa dadka waajib ku ah inay heshiis lagalaan, sifiicana u adeecaan. Hadii arrintan oo kale dhacdo qof walba oo muslim ah waa ku waajib inuu adeeco. Qofkii muslim ah ee markaas diida ee raba dawladii hore ee aan diinta islaamka wax ku xukumayn wuxuu ku sugan yahay xaalad khatar ah. (Laakiin u fiirso casharada dambe iyo shuruudaha khuseeya) Akhriso: .Gudi Latalineed (Majlis-Ashuuraa)

Q: Cali Muse

Admin@alimuse.com

Dadka soo bookhday maanta:Hit Counter

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:38