Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Khilaafka

Home
Up

Khilaafka, Asbaabaha keena & Sida loo Xalinkaro.

Khilaafku waa mushkilad Muslimiinta ka haysta Nolasha Dhamaanteedba.

In dadku kala nooc noqdaa oo kala rayi noqdaa, oo uu kala midabo noqdaa, oo uu kala wajiyo ahaada, oo cuquushoodu kala midabo ahaataa, siday wax u fahmayaan kala jaad noqotaa. Waa wax kamid ah ilaahay aayadkiisa marka hore. Sida wajigeenu u kala duwan yahay ay maskax deenuna u kala gadisan tahay. In qof qudha dadku wada noqdaa waa qayrul macquul, ilaahay baana SWT ugu tala galay inay sidaas u kala gadisnaadaan, waliba hakala gadisnaate isku garaad maaha, isku in wax kama wada aragto, ilaahay bana qur’aankiisa ku leh (Wa Khuliqal iinsaanu Daciifaa) ducfi ayaa dadka oo dhan iskaga wada jira. Ilaahay baa SWT balan qaaday haduu doonayo dadkan, nolashan & waxan oo dhan mid qudha inuu ka dhigo laakiin uu u doortay sidatan inay ahaadaan, ilaahay baa SWT wuxuu leeyahay haduu doonayo umada oo dhan nooc kaliya ayuu kadhigi lahaa,

ilaahay baa SWT yidhi kama suulayaan inay kuwo iskhilaafsan ahaadaan ka uu Allaah u naxariistay mooyaane. Markaas waa wax caadiya in dadku waxyaabah qaar ku kala gadisan yahay, bal adiga ayaan aragtida aad shalay rumaysnayd inanad maanta rumaysnaan ay dhacdaa, markay aragtidaadu korodho talooyinka & macluumaadka siday shalay kuula muuqdeen si kaduwan inay maanta kuula muuqdaan ayaa dhacda.

khilaafku waa labo nooc ama waxyaabaha dunida yaal iyo bili aadamku laba qaab ayuu u fikiraa. Dadku inta badan wuxuu  is khilaaf sanyahay inta aan xaqiiqada lahaynin ee duhun io shakigu jiro, hadii xaqiiqada lahelo khilaafka io tuhunku wuu dhamaadaa. Matalan sayniska waxyaabahan iyagu inoogu bixiyeen

Culimadu waxay yidhaahdeen khilaafku waa 3 nooc:

in Gaalada lakhilaafaa waa xaq, ama in rayiga lays waydaarsado oo larogrogo si wax bisil meel loo dhigo waa wax banaan

khilaafka mid kamidii waa mid xun (majnuun) waa wixii hawada naftu yeedhiso ikhlaas la’aan baa keentay, kaasi shareecada oo dhan wuu khilaafsanyahay, waa dan qofku rabo inuu dadka u khilaafo si uu gaadho daraadeed

1.    khilaafka mid kamidiina waa mid iska banaan,

Waa marka Daliil xaga diinta ah laysku khilaafsan yahay ee la rabo in lasaxo.

Waxaa iswaydiinleh maxaa keena in layskhilaafo?

Waxaa keena waxyaabahan soo socda:

2.    Shay aan aqoon loolahayn

3.    Sharciga oo laga tago

4.    Diinta oo laysku qabto

5.    dadka oo inbadan Jahli ku suganyahay,

Allaah SWT ayaa Isaga oo Ehlukitaabka inooga waramaaya ina leh : Wixii lafary qayb kamidabay ka tageen jahlibaa ku dhacay dabadeedna ilaahay baa wuxuu leeyahay waxaanu ku imtixaanay cadaawo, is khilaafk & uurxumo baa lagu imtixaamay. Qofku haduu masalo jaahil ka yahay indhahuunbuu ka ridaa inta badan xukunka ka yimaadaa kaf buu iskaga dhacaa, Umad kala tafaraaruqsan hadaad aragto jahlibaa haysta.

Waa iyadoo dadka qaar dana gaara iska wataan

Qofka oo ciduun figradeeda intuu iska qaato u arka inay 100% sax tahay, wixii kalena qalad, ama dhaqan hore oo lahaystay ama idiin caado ha ahaato ama nin caalim ah oo kula wayn ha ahaado.

waa adiga oo yidhaah ma gafo oo marwalba isla saxsan,ilaahay baa wuxuu ku sifaynayaa arinta noocaas ah inay tahay sifada lagu yaqaan dadka ehlukitaabka ah ee anay ahayn calaamadaha dadka muuminiinta ah.

Waxaa fiican inaynu inbadan ka fikiro sidee wax loo xalinkaraya

Labo dariiqo oo wax lagu xaliyaa jira inta badan

  1. Midi waa dariiqada reer galbeedka
  2. Midna waa dariiqada muslimka

                                                                                                                                                               

Waa inaad ogaataa waxa khilaaka kadambeeya.

Waa inaad fahantaa tafaraaruqa & kala daadsanaanta,khilaafka markay timaado waxa ka dambeeya wuxuu yahay. Waa inaad fahantaa khilaaf haduu yimaado oo aan la xalin inaany cid wada joogaysaa iyo wax inaga dhexeeynayaa aanu jiri doonin, markaad taas fahanto ayaad inaad xaliso ka door bidi doontaa.

waxaad maqasheen in la yidhaah maxay ahayd siyaasadii ingiriisku deedna qaar yidhaahdaan  qaybi oo xukun, maaha wax uu ingiriis lahaa ee waa farsamadii Fircoon uu dadka ku gumaysan jiray qaybi oo xukun. Waa mabda’a uu fircoon ka taagnaa maamulka io siyaasada.

Maxaa keena in qof kali ahi dadka ku qooqo oo uu gumaysto? Waxa weeye wuu qayb qaybiyay waxaanu ka dhigay kooxo, bulshadu markay kuu qayb-qaybsanto waad gumaysan kartaa waayo adigaa badi xoogeedu ku racsnyahay badhna kaa soo horjeeda deedna iyaduunbaad isku tumaysaa. Xataa isticmaarkii umay suuroobaynin ilaa uu dadka qayb qaybiyo moyaane, umada midhka ahi ama dhan kaliya ka soo wada jeeda maaha umad lagumaysan karo. Ilaahay baana inoo sheegay hadii dadku qaybsamo inaanu awood lahayn oo anay waxba iska celin karahayn waana taas ta Fircoon fahamay ee reer galbeedkuna qaateen.

Culimada aduunku waxay yidhaahdaan hadii aad aragto dad muran kiisa xadayn kari waaya oo qaab uun u xalin kariwaaya waa umad dhimanaaysa, waa cudurada halista ah ee sheega inay geeridoodi timid. Waxa kale oo ay yidhaahdaan hadii aad aragto umad wax walba ku murmaaysa waa dad jahligii ugu waynaa haysto (Sillince Ignorance). Dadku hadii ay murmaan uun muranka wixii ka dambeeyaa waa dagaal iyo haynu is dilo uun iyo khasaare ku xiga, taasina waa calaamadka lagu garto dadka jahligu haysto.

Waxaan leeyahay hadii aynu umad muslimiin ah nahay waa inaynu masaladan inbadan ka fikirno,oo aynu eegno murankeena inaynu xadeyn karno hadii taasi dhacdo waxaa dhici karaaya inaynu guulaysan karno oo aynu jiritaan yeelan karno. Qabaa’ilka soomaliyeed waxay u baahan yihiin inay muran kooda iyo khilaafkooda xalin karaan, siyaasiyiinta soomaliyeed waxay u baahan yihiin inay muran kooda xalin karaan oo sidii umad caqli & garaadleh u fikiraan. Hadii taas lawaayo waxa ka dambeeyaa waxa weeye uun inaynu duno, waa sababta aynu wax uwada yeelan kariwaynay maanta waxaynu wada ogsoonahay wadan kasta oo dunida kamida inay soomalidu filiqsantahay. Waxaa aad u fudud inaynu isku wada nimaadno oo Urur kaliya dhisano, hadii maalin uun mid khayr qabaa inaga soo dhex baxo oo isku keen soo ururiyo way dhib yartahay, laakiin cabsi waxaan ka qabaa wax kasta oo aynu dhisno in uu bill kaliya dumaayo, waayo waxa aynaan garanahayn marka lays qabto sidii lookala bixi lahaa.Xaalkeenu waxa weeye uun inaynu is dilno, is ashkateeyno, kala guurno ama ninba dhan u dudo qaarna yidhaahdaan inamariya oo mid kale halkaas ka dhisanee.Mar hadii xalka kaliya ee aynu garanaynaa saddex daas uun yahay waxba mawada lahaan karno.

Ilaahay baa wuxuu ina leeyahay dadka wax isku darsadaa ama wax isku darsadaa inta badan way isku xadgudubtaa,waayo bini aadamka ayaa iska damaac badan, lamana waayo qaab ay iskugu xadgudbaan, kuwa kaliya ee laga soo reebay waa kuwa iimaanka & camalka suuban lagahelay. Hadii aynu soomali nahay waynu ognahay muran & is qabqabsi dhibaatadiisa qof looga waramayaana ma jiro. Caalamka muslim ka ah ayaynu ognahay oo waxa haysta aragnaa & dunida sida looga gumaysto ee ay diciifka ugu yihiin iyaga oo aan laga tira badnayn, laga xoolo badnayn oo aan laga cilmi badnayn.  Waa sheeko dadka qaar iskugu sheekaystaan dhaqaalo iyo teknoolajiyadbaa lagu haystaa, maalin kaliya lagu samayn karaa hadii larabo laakin waxa is waydiinleh yaa ka run sheegaya oo raba in la sameeyo. Wadan yar oo kasta maanta waa lasii burburinyaa, jaamacadul carabaa jiraysa, soomaliba jiraysa waxaasi waa sheeko gaaladu marabaan cid isku timaada xataa indhayarta & kuwaa aan diimo badan lahayn marabaan inay isku yimaadaan oo wuu ilaalinayaa. Waayo iyaga dani ugu majirto. Lakiin iyagu way iskusoo dhawaanayaan waxaanay ku tala jiraan inay isku yimaadaan  iyaga oo kala diimo ah, kala afaf ah waa taas wali waa laysku sii wadaa uun, waa loo sabray oo iyagu hadii ay khilaafaad kooda maanta ku heshiin waayaan waxay ku tala galeen inay sabraan labaatan sano iyo kontan sano. Inteebay socotay waxa EU u taqaanan! Shan dawladood baa bilaabay, maantana waad ogtihiin inay sodon dhadhow marayso sidii kolba mid loogu yeedhaayay. Imikana waxayba ku tala jiraan reer yurub inay dawlad kaliya noqdaan, maalin waxay yidhaahdaan xuduuda aynu isku furo, maalina lacag kaliya aynu wada yeelano, hadhowna waxay ku socotaa inay yidhaahdaan siyaasada aynu ka midowno kadibna aynu dalwad kaliya noqono. Talaabo kasta oo ay qaadaan waxa kaliya ee ay ka fiirsanayaan waxa weeye inaanay qaatin talaabo dunta ee ay hore uun usii socdaan.

Inaganu waxaa laga yaabaa inaynu maalin intaynu xiisoono madaxa ka bilowno, shirkan caawa aynu israacno nidhaano deedna barito ayuunbay hal mushkilada oo yari inaga hor imanaysa oo aynaan xalin karayn. Inaynu kulano maaha mushkilad ama wax inagu adag lakiin inaynu hal mushkilada xalino ayaynaan awoodeeda lahayn, taasina waa mid u baahan samir & tarbiyad, waa arin u baahan samir iyo akhlaaqad, waa mid u baahan caqli iyo fikir fayoow. Inaga wuxuu ilaahay ina siiyay wax aanay gaaladu haysan oo marka maskaxda bini aadamku is khilaafto loo noqdo oo wax walba oo aad garan waydo aad ka helayso taasina waa waxyiga ilaahay samada ka soo dajiyay kaas oo ayna jirin cid isku khilaafaysaa. Ilaahay baa wuxuu inoo sheegay inaynaan inagu wax badan garanayn laakiin isagu wax walba garanaayo (walaayaclamu antu laa taclamuun).  Ilaahay baa wuxuu inoo sheegay waxa maanka bini aadamku garan waayo inuu isagu inakala saaraayo. Allaah baa SWT waxa uu ina leeyahay markaad murantaan ee wax aad garan waydaan Allaah & Rasuulkiisa (SCW) u celiya hadii aad Allaah & Maalinta aakhiro Rumaysantihiin. Kitaabka & sunuhu ama waxyigu wuxuu u yimid inay inaga mideeyaan arimaha maanku inaga midayn kariwaayo. Matalan sayniska ama dawada dhakhtarku fikir bini aadam ku keenay ilaahay wuu ogyahay inaynaan isku khilaafahayn ee aynu markaba islafahmayno laakiin waxa kale ayuu allaah waxyi inoogu soo dajiyay si aynu ugu kala baxno marka aynu is qabsano. Laynama odhanin beenta iyo khurufaadka ay gaalo qorqortay ee maskax bili aadam ah ku kala baxa, gaaladu markay wax isku qabtaan farta taag ayay yidhaahdaan deedna kii 51% hela ayay tiisu socotaa qalad iyo qumaati noocay doonta ha noqotee. Laakiin taas inaga ilaahay inama odhanin ku dhaqma.

Dadka islaamka ahi waxay ku kalabaxaan labo shay Kitaabka & Wixii shuruuda ee ay dhigteen, hadii dadka muslimiinta ahi shuruudo & heshiis dhigteen diinta waafaqsan waa inay u hogaasamaan oo raacaan shuruudahaas lakiin taas lafteedu dhaqan iyo in dadka labaro ayay u baahan atahay si ay ugu hogaansamaan.Waxay u baahan tahay in dadka labaro wada noolaanshaha waxa layidhaahdo & in dadka wax lawadaagto oo aan lakala maarmin karin, reer magaalnimada la sheegaa waxa weeyaan uun in qofka labaro wada noolaanshiyo, Ninka reer baadiyihii mataqaan wuxuu sameeyo markay dadka is qabtaan? Gabadha ayuun buu yidhaahdaa naa awrka ii soo qabo deedna wuu ka guuraa uun ileen dhul banaan buu haystaaye, inaga teenu waa tii awrka ii soo qabo oo waa inaad guurtaa marka aad dadka is qabataan. Laakiin reer magaalka daartu daarta ka ag fuqmimaysee maxaad samayn! Waa laasim inaad hesho qaab aad qofkan ula dhaqmi karto oo aad mushkiladiina u xalinkarto waa inaad ku korto ama lagu baro akhlaaqda bulshada waa wax u baahan inaad tijaabiso (practical) runtii wax sahlan maaha markay ku qabsato hadii aanad hore u soo tijaabin kuna soo dhaqmin. Gaalada caruurtooda waxa labaraa xiisad la yidhaahdo wada tashiga ardayda ayaa inta lasoo fadhiisiyo mid layidhaahdaa talo soo jeedi matalan ardayga habsaama maxaynu ku xukunaa deedna inta kalana talada rogrogtaa deedna hadhow mid laysku raacaa. Runtii waa hab fiican oo ilmaha loo toobo baraayo sidii uu maamulka wax uga fahmi lahaa, hadhowna bulshada wax ulaqaybsan lahaa. Inaga waxaa dhici karta inaanu qofku kuba dhagaysan oo aad waydo fursad aad qofkan wax ugu sheegtaba.

Waxaan leeyahay waxaynu u baahanahay dadkan in wax labaro

Waxaynu u baahanahay in la helo akhlaaqul islaamiya oo ah in qofku aanu dadka iska waynayn xaataa hadaad jaamacado kasoo baxday oo aad sidato shahaado badan ama aad wax akhris fiican tahay ee waa inaad ugaata inaad qof bashar ah oo bini aadam ah aad tahay.oo aad gafi karto khaladaadna kaa imin karo.

Waxaynu ubaahanahay inaynu barano in aynaan is xaasidin ee khayrka & samaha isku gargaarno.Waxynu u baahanay inaynu barano in dadka muslimiinta ahi walaalo yihiin oo diinta aynu ka run sheegno, laabtaaduna xaadh naato oo aad walaalkaga islaamka ah aad u calool fayoobaato.waxaynu u baahanay dhaqan islaamiya oo fiican. Waxaa muhiim ah inaynu barano sida mushkilada loo xalin karo (Problem Solution), markaynu heshiis galaynona waa inay wax walba cadaan waadax noqdaan si hadhow hadii layska horyimaado loo kalo baxo. Waxaan ku soo koobaya ilaahay xaqa ha inawaafajiyo.

Alaahu Aclam Wabilaahi Towfiiq.

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:36