Alimuse.com
Home Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Xalinta Khilaafka

Home
Maraynta Khilafka
Khilaafka
Xalinta Dhibta
Isgaadhsiints
Kalsoonida

Khilaafku Waa maxay?

Khilaafku waa isfahan la’aan iyo ismaandhaaf dhex mara laba qof, laba koxood, urur, hayadood ama dawladood, waxanu khilaafku (Conflict) yimaada marka shakhsi ama koox ay dareemaan in danahoodii cidkale siqaldan usoo faro galisay ama ay rabaan inyay sikhaldan u maamulaan danahu waxa ay noqankaraan waxyaabo badan sida aduun, figrad, mabaadi ay rumaysanyiin inay saxtahay, cabsi ayqabaan oo ay u arkaan inay dhib soo socota tahay ama cidkale soo weerareyso.

 

Hadaba ma wax jira oo dhaba laysku khilaafikara mise wax aan waxba kajirin?

Mararka qaarkood waxa laysku khilaafi karaa waxjira oo dhaba lakiin intabadan waa wax aan waxba ka jirin, taasoo ay sababtay is fahmiwaa ay isgaadhsiintu xumaato, qolo kastaana tuhun uun ay ku socdaan hadalkana ay si qaloocan ufahamaan deedna daacad daro dhan walba gasho & aamindaro.

 

Maxaa sababa in khilaaf yimaado?

Khilaafka waxa sababa arimo badan markay yimaadaan oo kuwan soo socdaa ku jiraan:

  • Isgaadhsiinta oo liidata (poor communication)
  • Xukun raadis (seeking power)
  • Maammul jilicsan oo aan lagu qanac sanayn
  • Hogaamiye tabar daran oo daciifa (Weak Leader)
  • Daacad daro
  • Hogaamiyaha oo labadalo iyadoon raali laga wada ahayn

Calaamadaha khilaafka lagu garto

  • Farro ku hadal & senyaalayn (Body language)
  • Heshiis la’aan ka dhalata ma’baadida meesha taala
  • War naxdin leh oo laqariyo ama dibada losoosaaro
  • Baaq adag oo kasoo baxa bulshada oo layska dhago tiro
  • Arin aan laysku raacin lagana heshiin oo saxaafadaha laga siidaayo
  • Khilaafka oo lagu baahinayo bulshada dhexdeeda & kutidhi ku teenta
  • Xukun doonis aan sharciga waafaqsanayn
  • Ixtiraam la’aan
  • Ujeedada oo aan lamuujin, daahana lagaga qaadin
  • Wada xaajood aan larabin oo latartamaayo.

 

Hadaba marbuu khilaafku bulshada jabiyaa dhaawac wayn iyo cawaaqib xumana kaga tagaa arlada iyadoo laga yaabo inuu wax yar oo sahlan

ka bilowday markii hore, waana markuu yeesho calaamdahan:

  • Waa marka dadka masuuliyiinta ah iyo wax garadku iska dhaga tiraan muhiimna loo arkiwaayo ee danaha kale laga raacdo
  • Awood daro, niyad jab iyo quus timaado loona arko inaan laxalinkarin
  • Labada dhinac ee is haya oo dadka qaybiba dhan taageerto, wada shaqayntana layareeeyo, tushuushka & kala kaxayntana labadiyo
  • Khilaafka oo noqday in gacanta layskula tago.

[New!]

Home
Maraynta Khilafka
Khilaafka
Xalinta Dhibta
Isgaadhsiints
Kalsoonida

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:34