Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Hogaaminta Umada

Home
Up

YAA EHEL U AH HOGGAAMINTA NOLOSHA UMMADA?

 Qaabka aadenuhu u nool yahay waa uu ka duwan yahay siyaabaha ay xayewaannada u nool yihiin, wuxuuna u dhaqmaa hab bulshoinimo. Saa darteed, waxaa la yidhaahdaa insaanku waa- madaniy u-dhabci- loona jeedo in uusan keli-keli u noolaan karin ee uu bulshaawi yahay. Bulshaduna waxay ka kooban tahay afraad isu tagtay, xidhiidhyo khaas ah ka dhexeeyaan,oo dano isweydaarsaday.Si aanay isugu xad gudbinan dantu ku khasab -tay inay yeeshaan nidaamyo iyo xeerar dadka kala haga nin walbana dawgiisa mariya. Nidaamyadaasuna waxay keensanayaan in qof walba uu bulshada ku yeesho xuquuq ay khasab tahay in loo gudo, isna inuu u doodo xaq u leeyahay. Isagana waxaa waajib ku noqonaya xuquuq ay dadyawga kala duwan ee bulshadu ku yeelanayaan, lagana doonayo inuu ka soo dhalaalo. Waxaana umadkasta aan laga waayaynin qaar aan xaqooda ku qancayn,se waxa dadka kale u hanqal taaga,iskuna daya inay sir iyo caadba ku helaan.Waxaanna la waayaynnin oo kale qaar aan oggolayn inay gutaan xuquuqda bulshadu ku leehay. Taasina waxay bulsho kasta ku laasiminaysaa inay samaysato dad khaas ah oo inta awood gaar ah la siiyo,loo xil saaro ilaalinta iyo hirgelinta nidaam nololeedka bulshadu isku waafaqday in lagu dhaqo. Dadkaas oo ah madaxda bulshada hoggaanka u haysa. Iyaguna waxay ummada ku yeelanayaan xuquuq ay ka mid tahay in la ixtiraamo lana adheeco,waxaana fuulaya waajib ah in awoodda xukun ee loo dhiibtay u adeegsadaan in ay ku fuliyaan nidaamka

bulshada u yaalla.Halkaana waxaa ka cad in bulshooyinka aduunka muslimiin iyo gaaloba aysan ka maarmin nidaam kala haga iyo madax leh awood ay nidaamkaas ku fuliso oo ku ilaaliso. Waxaase bulshooyinka kala sooca,oo muslimiin iyo gaalo u kala saara waa nidaamka nololshay kala aaminsan yihiin ee ay ku kala dhaqmaan. Nidaamkasta oo umadi ku dhaqantana wuxuu ka turjumayaa oo soo bandhigayaa mabaa--di’da iyo qiyamta ay ummaddaasi rumaysan tahay. Masalan, gaaladu nolosha aduunka way iska joogaan,mana garanayaan muraadka iyo danta ay u nool yihiin, halkay ka yimaadeen iyo meeshay u socdaantoona uma cadda. waxayna la mid yihiin dad inta indhaha laga xidhxidhay meel mugdi ah la dhigay looga tegay,aanna aqoon qaabkii saxda ahaa ee loo noolaan lahaa,waxa keliya ee indhahoodu qabteenna waa macmacaanka aduun ee naftu jeceshahay,ee hadii la helo la raaxaysanayo Markaa ayuu hadafkooda noqday sidii loo taabi lahaa wax kasta oo naftu jeceshay oo lagu raaxaysto,sida Alle inoogu sheegay markuu lahaa : kuwa gaaloobay way iska raaxaysanayaan oo iska cunayaan sida xooluhu wax u cunaan,naarta ayaana hooy u ah.} Maxamed (12). Qofka ayaanka leh ee bulshadaas ugu qiimaha badanna waa midka ugu badsada helidda waxyaalahaas naftu jeceshahay ee lagu raaxaysto, qofkii raaxadaa waayana wuxuu isu arkaa dadka kalena ugu muuqdaa ruux hoogay oo ayaan darsaday,sida waaqaca nolosha laga arko kuna cad aayadaha Alle kaga warramayay sida gaaladu nolosha u aragto,sida markuu lahaa:{Marka Alle isagoo insaanka ibtilaynaya karaameeyo una nicmeeyowuxuu odhan rabbigay baa i karaameeyay,markase isagoo ibtilaynaya uu risqiga ku cidhiidhiyo wuxuu odhanayaa rabbigay baa i dulleeyay} Alfajri (15,16). Nidaamka bulshada u yaallana waa mid ku salaysan xaqiijinta hadafkaas,oo wixii raaxo aduun lagu helayo waxaa loo arkaa xalaal dadka u bannaan iyadoon dan iyo muraad laga lahayn cidda ku dhibboonaysa,wixii raaxadaa horjoogsanayana wuxuu agtooda ka yahay xaaraan aan sinaba u bannaanayn,si walboo qurux iyo wanaag u leeyahay.

Allena waa kii yidhi:{Kuwa Alle ku kufriyay nolosha aduunyada ayaa loo qurxiyay} Al-baqra(212) .Si kale hadaan u nidhaahno,nidaamka bulshada gaalada u yaalla waa hawo iyo wax dad indho la’ iska jeclaysteen oo inta la qodobeeyay xeer iyo qaynuun lagu magacaabay,waana nidaam nolosha aadanaha hallaynaya oo holcinaya,si kasta kuwa dejistay ha u sheegtaan inay ka baaraan degeen oo dejiyeen aqoon yahanno iyo indheer garad,waa hawo xeerkeedu yahay la jiifiyaana bannaan. Waxa keliya ee noloshaa ka jirayana waa nolosha duur-joogta(jungle life),ee ka xoogga badani ka tabarta yar cunayo,cidkale oo ka sarraysa inta loo dacwoodo kala xaq soorina aanu jirin,sida sheekadii libaaxii,dhurwaagii iyo dawacadii inta ugaadhsi tageen helay biciid,cawl iyo sagaaro,kolkaas uu libaaxii yidhi: Dhurwaa ugaadha qaybi,dhurwaagiina yidhi:Biciidka boqorkaa leh,cawshana aniga sagaaradana dawacada. Dabeed, dhurwaagii dharbaaxo labada indhood la gooyay lana dhul dhacay,weliba ili soo dhacday,kolkaasuu dawacadii ku yidhi:Dayooy adigu qaybi.Say te, biciidku waa qadada boqorka,cawshuna waa cashadiisa,sagaaradun inta u dhaxaysa ha ku faakahaysto. Saa libaaxii inta dhaka faaray buu yidhi: Naa hoogto yaa sidan caddaalada kuu baray?! say te,sayidii waxa isha waraabe ku dhacay baa caddaalada sidan u wanaagsan i bartay. Waxa maanta dulmi iyo xaqdarro ay gaalo aduunka ka wadaan waxay ula muuqataa wanaag iyo cadaalad tii ugu qiimaha badnayd.Heer waxa Maraykan ku hayo Somaliya, Ciraaq,Afqaanistaan,iyo Falasdhiin uu u arko inay maslaxado iyo cadaalad ugu muuqato.

Taana wax lala yaabo ma aha,ileen nolosha dhan waa wax lagu hagayo hawo iyo naf jeclaysi,oo innaba caqli iyo cilmi xag Alle ka yimid aan lagu hagayne. Allena suurada Ancaam aayadaha(135-150) wuxuu kaga warramay xeerarkii ay Carabtii gaalada ahayd isku dhaqi jireen,isagoo ku sheegay inay ahaayeen hawo raacid si kasta caqliga iyo cilmigaba uga fog,taasoo ah tusaale nalugu tusayo in hab-nololeed kasta oo aadanuhu dejisto uu sidaas oo kale hawo ugu dhisan yahay oo u kharriban yahay, Hadaba,mar hadii nidaamka bulshada gaalada yahay mid ku socda hawadaa tilmaanteeda ugu muhiimsani tahay jaahilnimo iyo dulmi badni,wax lala yaabo ma aha in la isku tunto oo la iscuno, qolo walbana tay ka itaal roon tahay siday doonto ka yeesho oo u dulmiso. Waxaana laga yaabaa dad badan oo ku indho sarcaaday xadaarada wathaniga ah ee Reer-galbeedka iyo teklinolojiyada ay ku hormareen inay la dhaka faaraan sawirka aan ka bixiyay nolosha jaahiliyada ah ee gaaladoodu ku nool yihiin ee tan xayawaanka koley ka liidata. Meesha wax lala yaabo ma jiraan,se sidaa baa dhab ah,maxaa yeelay,haday teknolojiyada ku hor mareen,xoolihii ay dunida kale ka biliqaysteenna dadkooda ugu raaxeeyeen,maxay tahay nolosha ay maanta dadkoodu ku nool yihiin?!. Waa nolol ka luntay hadafkii insaankan Alle karaameeyay ee aduunka

ballaadhan loo sakhiray loogu talo galay inuu u jihaysto oo gasad iyo yool ka

dhigto,kaas oo ah in muddada gaaban ee aadanuhu arlada joogo uu dedaalkiisu u

jeediyo siduu rillaha Alle u kasban lahaa, si marka uu aakhiro rabbi hor tago

cadaab uga bedbaado ,jannanna u helo.

Taa beddelkeeda,waxaay gaaladu hadaf ka dhigteen siday raaxo adduun iyo

mataaceeda uga haqab beeli lahayeen,iyagoo nolosha aakhiro ee abadiga ah aan

dan iyo muraadtoona ka lahayn, markaas ayuu qiimo beelay oo xoolaha kolay

ka hoos maray.

Allena wuxuu yidhi:{Khalqiga waxaa Alle agtiisa ugu qiimo daran kuwa

kufriyay ee aan xaqa rumaynayn}Al-anfaal(55). waxaa kale oo uu yidhi:{Kuwa

kufriyay ee ehlu-kitaabka iyo mushrikiinta ah waxay gelayaan naarta jahannamo

kuna waaryaan.kuwaasna waa khalqiga kuwa ugu qiimaha daran}Al-bayina(6).

Marka hadalk Alle war kama dambeeyo,kuwaasna sidaa bay Alle agtiisa uga

dhinteen ugana qiimo beeleen, xoolahana uga liitaan, mar haday hadafkii loo

abuuray seegeen oo ka lumeen,noloshana macne la'aan u joogaan.

Taa caksigeeda,bulshada muslimka ah hadafka ay aduunka u joogto waa u cad

yahay, qorshaheeduna wuxuu ku jihaysan yahay marka nolosha aakhiro la tago

inay ku guulaysato helista rillaha Alle,si ay cadaabtiisa uga bedbaado,

jannadiisana u hesho.

Rillahaasna wuxuu ku imanaya in mudada gaaban ee nolosha aduunka lagu

17

nagyahay isaga keligii talada gacanta laga saaro, noloshana loo cabiidiyo,isla

markaana wuxuu xaq noogu sheego oo keliya xaqnimo loo qaato,wuxuu baadhil

ku tilmaamona la wada tuuro,wuxuu xukmiyana hawraarsan la yidhaahdo oo si

buuxda loo aqbalo, iyadoo weliba lagu talo gelayo in hawada nafta gebi

ahaanteedaba laga xoroobo,talo iyada ka soo fushayna aan dheg loo dhigin.oo

la qaadan.

Halkaana waxaa ka cadaanaya farqiga u dhexeeya nolosha bulshada muslimka

ah iyo tan kufaarta,oo muslimiintu waxay hoggaanka noloshooda oo dhan u

dhiibeen Alle,talada iyo wilahana isagay siiyeen,halka gaaladu ay qabto in

nolosheeda ay xor u tahay,sida la qumanaata oo hawadoodu jeclaysatana ay ku

soconayaan,Allena wax xukun iyo talo ah oo ay u aqoonsan yihiinna aanay

jirin.

Mar hadii muslimiintu hadafkoodu yahay raalli gelinta Alle, dan kalena aysan

nolosha ka lahayn,camalksata oo qofka muslimka ahi samaynayo waa mid laga

doonayo inuu Alle ugu dhowaado,kana dhigo mid dhanna sharcigiisa lagu

salaynayo,dhanna inuu nagu jeclaado looga dan leeyahay.Camalkaasi ganacsi ha

noqdo,ama qur’aan akhris,jihad,soon, taakulayn dad dhibban, xaq dhawr

waalid, salad, booqasho walaal muslim ah oo buka , ka hortegida fasaadka,farida

iyo faafinta wanaagga iwm.

Dadka muslimiinta ahna,maa daama ay rumaysan yihiin oo ku qanacsan yihiin

in Alle keligii uu xukunka iyo sharci-u-dejinta nolosha u xaq leeyahay,isla

markaana hab-nololeedka uu dejiyay oo keliya rillahiisa lagu gaadhayo,mabda'

kasta oo kalena cadaab iyo cadho Alle lagu mudanayo,waxay isku waafaqsan

yihiin inay shareecadaa keligeed

raacaan oo ku dhaqmaan.Madaxda muslimiinta ah ee ay talada u dhiibtaanna

waxay shaqadoodu ku kooban tahay in awoodda xukun ee loo dhiibay u

adeegsadaan hirgelinta sharciga Alle,umadana ku saacidaan inay diinteeda ku

dhaqanto oo rabigeed raalli geliso , kana horjoogsadaan u dhowaanshaha waxa

cadhada Alle iyo ciqaabtiisa u keenaya.

Maxaa yeelay raggaa muslimiinta madaxda u ah,siiba Amiirka ama Imaamka ee

loo yaqaan {khaliifka} muslimiinta,wuxuu wakiil ka yahay rasuulkii Allenaxariis

iyo nabad gelyo Allaha siiyee-,wuxuuna kaga wakiil yahay shaqadiisii

ahayd ilaalinta diinta iyo in shareecada nolosha lagu dhaqo oo lagu maamulo.

Madaxda keliya maaha ee bulshada muslimka ahi waa mid iyada dhan ay

shareecadu xakamaynayso,markay tillaabo nolosheeda ka mid ah qaadaysana

dhawraysa sharciga Alle,waana dhici kartaa in shakhsiyaad ay hawadooda ka

xoog badiso oo axkaamta wax ka mid ah khilaafaan,taasina dhal aadane ayaa loo

yahay oo dad gefa la waayi mahayo,laakiin, waxaa jira sadex arrimood oo

bulshada iyo afraadeedaba u ah xayn-daab xumaanta ka

horjoogsada,shareecaduna fartay in la xoojiyo,kuwaasoo ah:

18

1) Rumaynta Alle iyo maalinta aakhiro,rumayntaasina ma aha oo keliya in

caqliyan loogu qanco in Alle sifooyin qur-qurux badan iyo magacyo wanwanaagsan

leeyahay,iyo in aakhiro la isa soo bixinayo,ee waa rumayn qancidaas

caqliyeed ay u dheer tahay dareen maanka dadka camira,kana dheregsan:

a) Weynanka Alle,awood badnidiisa,inuu adoonkiisa daalacanayo

b) Waxa abaal ah ee rabi u galay,ee leh abuuris,irsaaqid iyo in khalqiga kale uu ka fadilay c) Xikmad badnidiisa cilmigiisa ballaadhan,iyo shareecadan uu ugu naxariistay si isaga loogu dhahiro,loogu sharfo oo loogaga ilaaliyo in cidhiidhi iyo ayaan darro qabsato.Arrimahaas oo qofka muslimka ah iyo bulshadaba ku dhalinaya dareen ah :Camalkastoo qofka muslimka ahi sameeyo kana soo maaxa iimaanka inuu yahay maslaxadiisa aduun iyo tiisa aakhiroba. Sidoo kale,rumaynta aakhiro,wuxuu qofku mu'minka had iyo goor ishordhigayaa isa soo bixinta,banka xisaabta, quruxda jannada iyo waxa raaxo dhex taalla,cadaabta iyo ayaan darrida dadkeeda haysata, waxaas oo ku dhalinaya cabsi noloshiisa gilgisha una diidda inuu waajibaad dayaco ama shay xaaraan ah ku dhoco,haduu dembi ka dhacana markiiba Alle u noqonaya oo toobad keenaya, isagoo weliba rajo iyo hunguri ka qaba inuu jannadaa qaaliga ah ku guulaysto.Marka iimaanka ammaanan ee la doonayo waa ka qofkiisa ku bixinaya inuu xuduuda sharciga ilaaliyo. 2) Bulshada muslimka ah:Maa daama bulshadu rumaysan tahay in khayrka dhani ku jiro raacida diinta, khilaafidiisana halaag yahay,waxaa xeer u ah inay hor istaagto cidkasta oo hollisa ama isku dayda inay xuduuda shareecada ku tomato,iyadoo adeegsanaysa nidaamyada u yaalla ee xasbada iyo farida wanaaga iyo reebida xumaanta,dadkana xaqa iyo khayrka jeclaysiinaysa,wacdinaysa,tusaysa fool xumada baadhilka. Waxaas oo dhanna waxay keenayaan qofkasta oo iimaankiisu yara daciifo inuusan ku dhiirran bulshada dhexdeeda inuu xumaan iyo wax Alle ka cadhoodo ku sameeyo,haday dhacdo inuu wax sameeyana uu dhuudhuumasho iyo allow ceeb astur ku sameeyo.

3) Dawladda muslimada ah:Mar haday diintu dawlad la’aan dayacmayso,waxaa muslimiinta waajib looga dhigay inay dawladaa dhisaan,taasoo nolosha ummada sharciga Alle ku maamulaysa, khayrka iyo wanaagana faafinaysa,irridkasta oo lagu gaadhi karana umada u furaysa una fuduaynaysa.Xumaanta iyo sharkana ka hor tegaysa dariiq kasta oo dadka u horseedayana awdaysa,ciddii fal xun ku dhaqaaqdana abaalkeeda marinaysa. Taasina waxay keenaysa in ummadu khayrka iyo rillaha Alle u kala beratanto,noloshana laga waayo cid xumaan la ban baxda,ama ku dhiirrata inay meel fagaaro ah ku samayso.

Saddexdaa arrimood waxay bulshada muslimka ah ka dhigayayaan mid nadiif ah,oo qudhunka kufriga ka dhahiran, wasakhda macassidana ka hufan. Sidaa darteed,marka la isu eego labadaa bulsho ee dunida ka jirta, mida ay shareecadu oggoshay inay talada aduunka qabato waa ta muslimka ah,looguna talo galay inay aduunka hagaajiyaan oo ku islaaxiyaan diinta, taana waxaa ugu wacan iyadoo diinta Alle tahay nidaam caalami ah oo aadenahoo dhan loogu talo galay inay ku hoos noolaadaan , hadhkiisana sacaado iyo liibaanna ku helaan. Iyadoo hadafkaa laga duulayo nebiga-naxariius iyo nabad gelyo Allaha siiyemarkay dawladiisii xididaysatay waa kii madaxdii dunida ee xilligiisii inta warqado u qoray ugu baaqay inay diinta soo galaan oo islaamaan. Sidaa si la mid ah, waa tii khulafadii ka dambaysa isla farriimahaas oo kale u diri jiray boqorradii sebenkooda,ilaa ugu dambayntii khilaafadii Cusmaaniyada ay islaamka ku fidisay dalal badan oo dunida ka tirsan,muslimiintuna si raaxo leh diintooda loogu dhaqayay gaalada maganta ahna(ahli-dimah) nabad iyo naruuro ku qabeen .

Laakiin maalinkii calankii khilaafadu dhacay hoggaankii dunidana gaalo gacanta u galay ayay bulshooyinkii aduunka isla hoogeen,oo gaal iyo islaamba silac iyo saxariir la mutay. Iyadoo fasaadka akhlaaqeed,burburka iyo kala firxadka qoysaska,dulmiga iyo xaq duudsiga bulshada ka dhextaagan,daroogooyinka iyo maandooriyeyaasha baahsan iyo aafooyin badan ay jiraan waxaa hadana, dunida lagu aafeeyay dagaallo aan tiro lahayn. Bal ka warraan waxa qarnigii labaatanaad dagaal dunida laga shiday .?!!! Ka soo qaad labadii dagaal ee dunida kii 1aad iyo kii 2aad,imisaa naf ku qudh baxday, imisaase ku dhaawacantay.?! Imisaa hanti lagu burburshay ?! Waxaas oo dhibaato aadane la marshay waxaa uun dano maan la'aan ku dhisan ku watay kooxo faro ku tiris ah oo hawo aduun oo aan laga dhergayn hor ordayso. Imisaa dagaallo kuwaa ka dambeeyay arlada lagu gubay?! Meeqaa dadyaw iska deggan oo nabad qaba hunguri xumo darteed dab loogu shiday?! Waxaas oo belaayo ah waxaa sabab u ah iyadoo ay hoggaanka qabatay umad cawaan ah oo xadaaradadeedu jaahiliya heerkeedii ugu hooseeyay ka gaadhay,ahna Reer- Yurubka dunida ka amar ku taagleeya. Gaaladaa damaca waalan dulmigooda ugu badanna dadyawga muslimiinta ah ayuu ku dhacaa,siiba markay daciifto ama aysanba jirin khilaafo islaam oo dadkeeda difaacda. Oo taniyo dhamaadkii qarnigii 19aad,ahaana waqtigii ay daciiftay khilaafadii islaamka ee Cusmaaniyada iyo markii la burburiyayba,dhibabka iyo dulmiyada aduunka ugu badan muslimiinta ayaa lala beegsanayay oo ku dhacayeen,waxaanna tusaale kuugu filan waxa maanta ka taagan Somaliya, Ciraaq, Afqaanistaa, Shiishaaan, Falasdhiin iyo meelo kale oo aan tiro lahayn,se dhiiga qofka muslimka ah maanta waa looma ooyaan,aan bisad bakhtiday qiimo dhaamin,waana iyaga waxa dacallada dunida la xasuuqo ee la gumaado. Sidaa awgeed,si nolosha aadenaha loo bedbaadiyo waa in muslimiinta oo cida keliya ee shareecadu tilmaantay inay aammin yihiin,ehelna u yihiin inay hoggaanka bashariyada qabtaan,iyadoo culimadoodu yihiin cidda sida gaarka ah kalsoonida loogu qabo ee la doonayo inay muslimiinta hoggaanshaan.

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:35