Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Sharci Dejinta

Home
Up

YAA SHARCI- U- DEJINTA UMADA XAQ U LEH ?

 Qaanuun, Sharci, Xeer iyo Diinta Islaamka: Marka shareecada iyo xukunka islaamka la soo hadal qaado,waxaa maanka dad badan ku soo degdega qaadi maxkamad fadhiya oo xukun saaraya dadka xuduudda islaamka ku tuntay, oo kii dhagarooba qisaasaya ama diyo ka qaadaya, kii khamri lagu helana karbaash ku xukuma,ka gogoldhaaf lagu caddeeyana jeedlaya ama rajminaya.iwm. Iyadoo waxaas oo idil ay xukunka shareecada soo hoos gelayaan,hadana macnaha xukunku intaa waa ka mugweyn yahay, kuwaasina waa uun qayb ka mid ah garsoorka loogu talo galay in shareecada inteeda kale lagu waardiyeeyo.

Laakiin xukunka waxaa hoos imanaya dhamaan qaybaha kala duduwan ee nolosha oo ay ugu muhiimsan tahay qiyamta ay shareecadu u dejisay nolosha bulshada.

 Qiyamtaas oo xaddida qaabka iyo midabka ay nolosha umaddu yeelanayso. Masalan innaga aadenaha ah maxaan nahay ? Yaa uunka ina keenay? Maxaa nolosha aduunka loo jooga ? Xagee laga yimid halkeese loo socdaa ? Maxaa la rabaa in la rumeeyo, sideese loo rumayn ? Maxaan la oggolayn in la ictiqaadsho ? Maxaa nolosha waxtar u leh, maxaanse qiimo lahayn, yaase qiimayntaas samaynaya? Maxaa xaq iyo wanaag ah oo la qaataa, maxaase baadhil iyo xumaan ah oo laga tagaa? Maxaa khayr ah, maxaase shar ah ? Yaa sokeeye ah oo la tolaystaa,yaase nacab ah oo la collaystaa ? Waa maxay akhlaaqda fiican, maxaase anshax xumo ah ? .

Jawaabaha su’aalahaana waxay xaddidayaan hadafka ay umaddu leedahay,iyo qiyamta ay nolosheeda ku asasho,waxaanna jawaabahaa helaynaa markaan ka jawaabno su’aasha ah : Yaa jawaabaha saxda ah ka bixin kara su’aalahaas ?

 Marka diinta Alle loo noqdo, cidda keliya ee su'aalahaas sida saxda ah uga jawaabi karta,runta ma dhaafaanka ahna inooga sheegi karta waa Allaha weynee aduunka abuurtay, wax walba oo uunka ka jirana u cilmi leh.

Hadafka uu Alle aadanaha hordhigay ee uu u cadeeyay baana ah midka keliya ee xaqa ah,ee la doonayo in xaqiijintiisa wax kasta loo huro. Hadafka Alle aadenaha u xaddidayna waa in mudada yar ee nolosha aduunka la joogo rillaha Alle la kasbado,si marka aakhiro la tago looga nabadgalo cadaabtiisa, jannadiisana loo helo, taasoo ku imanaysa in isaga keligii loo hogaansamo oo si buuxda la isugu dhiibo.  Hogaansamidaas oo lagu xaqiijinayo in qiyamta nolosha isaga laga gudoomo, waxkastana sida waxyiga Alle loogu bayaanshay loo qaato, waxa waxyiga lagu sheegona waa labo nooc,qayb ah khabar iyo wax la yidhaahdo arrintaa waa sidaa ama caynkaas ma aha, taana waxay waajib ka dhigaysaa in sida waxyigu u sheegay loo rumeeyo.

Qaybna waa xukun la rido oo la leeyahay sidaa ha la yelo ama caynkaas yaan la samayn,iyaduna waxay keensan in waxa la yidhi ha la sameeyo lala yimaado,wixii la iska reebayna laga fogaado. Maxaa yeelay; dhammaan waxa waxyiga Alle ku soo arooray wixii khabar ahna waa run biyo kama dhibcaana,wixii xukun ahna waa cadaalad dhamayst iran sida Alle qur’aankiisa ugu yidhi: { kalimooyinka rabbigaa waxay ku taam noqdeen runnimo iyo cadaalad }Al- ancaam(15).

 Kalimooyinka waxaa loo jeedaa waxyiga Alle ee qur'aan iyo sunnoba leh. Marka sidaa buuxda nolosha Alle loogu dhiibo,waxaa imanaysa in wax walba isaga laga gudoomo.oo waxaa uun xaq ah wuxuu Alle sheego. wixii khilaafsanna baadhil,wixii uu wanaag iyo khayr ku tilmaamo uun baa wanaag iyo khayr ah, wixii ka soo hadhana waa xumaan iyo shar soocan, wixii uu qiimo u yeelo baa qiimo leh, wixii kalena haba yaraatee qiimo iyo waxtar toona ma leh. Anshaxa iyo akhlaaqda uu ammaano ayaa qurux iyo wanaagba leh, wixii ka horjeedana waa qudhun la doonayo in laga fogaado.Ciddii Alle raalli gelisa ee dariiqiisa raacda ayuun baa sokeeye ah oo tol laga dhiganayaa, ciddii kalese waa cadaw la rabo in lala colloobo.

Arrimahaas oo idil waxay tusayaan sida loo doonayo wax kasta oo nolosha la xidhiidha in Alle looga qaato, ileen warkiisa iyo xukunkiisa uun baa run iyo caddalad ahe ,taas baana ah qaabka xukunka Alle loo qaadanayo ee rillihiisa lagu gaadhayo. Marka islaam la yidhaahdona macnahaas ayaa loo jeedaa,qofka muslimka ahna waa midka noloshiisa Alle gacanta u geliyay ee yidhaahda: Allahayow waatan noloshaydii adiga ayaan kuu dhiibay ee sidaad doonto ugu tasho,si kasta baan kuugu hoggaansamiye, waxaad doontona i far, waxaad rabtona iga reeb,ee rabbiyow naartaada iga nabad geli, jannadaadana igu mannayso oo iigu deeq. Marka arrinta qaabkaa loo eego waxaa muuqanaysa sida macnaha xukunku uga ballaadhan yahay maxkamadaha iyo garsoorka ee ay u soo wada hoos gelayaan gebi ahaanba arrimaha nolosha ee leh ictiqaadka,dhaqanka,qiimaynta iyo qiyamta, iyo wax walba oo ka mid ah nolosha fardiga, tan bulshada, iyo maamulka dawladaba, taasoo la rabo in taladooda Alle keligii laga qaato,oo aan weliba cid kale loo oggolaan oo lala siinnin. Markaynu xukunka ka hadlaynona macnahaas ballaadhan baynnu u jeednaa. waana xaq Alle u gaar ah oo aanay cid kale la wadaagin lana siin Karin.

Caddaynta xaqiiqadaasna waa arrinta uu faah-faahinteeda iyo falan qaynteeda qur’aanku ku faro yaraystay oo ku dheeraaday, balse waa arrinta ugu badan ee qur'aanku ka hadlay. Hadaba,mar hadii nolosha aadenaha ay ka mid tahay aduunka balaadhan ee Alle abuurtay, taladiisa iyo daryeelkiisana aanay cidi la wadaagin, sinaba suurtogal uma aha in xukunka adoomadiisa cid kale wax ku yeelato ama lala wadaago. Allena arrintaa aayado badan ayuu ku bayaanshay, ayna ka mid yihiin;

1) {Miyaadan ogayn in Alle keliya leeyahay boqortooyad cirarka iyo arlada}Albqra(107)

2) {Mana jirto cid Alle boqortooyada la wadaagta}Al- furqaan(2)

3) { Adduun iyo aakhiroba Alle ayaa mahad leh, xukunkana keligii baa u xaq leh.isaga xaggiisa uun baana la idiin celin}Al-qasas-(70}….

4){ Xukunka cid aan Alle ahayn ma lahan.}.Yuusuf(40)

5) { Boqortooyada samooyinka iyo arladaba Alle keligii yay u

sugnaatay,taladoo dhanna isagaa loo celiyaa} Al- xadiid (5)

Sida aayadahaas iyo kuwo kale oo badanba tilmaamayaan,boqortooyada iyo talada adduunka oo ay nolosha insaanku ka mid tahay Alle keliya baa leh. Culimaduna markay arrinta xukunka falanqaynayaan marnaba iskuma khilaafin in xukunka iyo talada nolosha Alle keligii leeyahay oo cid kale aysan faraha lagelin karin.

Sheekh Cali Xasballah {aun} isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi: [Muslimiintu iskuma khilaafsana in Alle –cassa-wajalla-uu isagu adoomadiisa u talinayo, dabeedna inta xukun u dejiyo ayuu wuxuu doono amri oo ka reebi.iyagana waxaa waajib ku ah inay u hoggaansamaan, iyagoo adheecidaa lagu abaal marinayo, haday caasiyaanna lagu ciqaabayo} Usuul-tashriicalislaami (979) .

Ilaahnimada iyo rabinimada oo Alle loo waxidona macnahedu waxaa weeye in keligii loo daayo xaq u lahanshaha sharci-u-dejinta nolosha.Sheekh Maxamed

Al-shanqidhi {aun} isagoo fasiraya aayada (26)aad ee Kahaf wuxuu yidhi:

{Alle xukunka cidi lama wadaagto, taladana isagoo qudha ayaa leh, wuxuu xalaaleeyo uun baa xalaal ah,wuxuu xarrimo uun baana reebban,dhaqan iyo xeerna waa wuxuu isagu jideeyo,xukunna waa kuu isagu rido,macnahaasna aayado badan buu Alle ku caddeeyay ayna ka mid yihiin;

1) {Xukunka Alle keliyaa iska leh wuxuuna amar ku bixiyay inaad keligii uhoggaansant-aan, sharcigiisana raacdaan} Yuusuf (40)

2) {Cid aan Alle ahayn xukunka xaq uma leh anna isagaan talo saartay}.yuusuf (67)

3) (Waxkasta oo aad isku qabataan taladiisa Alle uun baa loo celin oo leh }Ashuura (10)

4) {Hadaba waxaa xukunka iska leh Allaha cid kasta ka sarreeya ee weyn}qaafir (12)

5){Talada iyo xukunka isaga keliya ayaa leh xaggiisa ayuun baa la idiin celin} Qasas (88)

6){War ma xukun jaahiliyo ayay rabaan oo yaa Alle ka xukun wanaagsan }Maa-ida (50)

7) { Warma cid aan Alle ahayn baan xaakin ka dhiganayaa isagoo ah ka soo dejiya kitaabka si kasta loo cad-caddeeyay. } Al-ancaam (114} eeg:{adwaaulbayaan 10/292}

Sideedana dawladda islaamka ah ee tawxiidka ku qotonta waxaa gundhig iyo asaas u ah in talada,xukunka iyo sharci dejintaba Alle keligii la siiyo, cid kalena lala wadaajin .Sheekh Abul-acla Al-mawduudina {aun} isagoo macnahaas qeexaya wuxuu leeyahay: { Asaaska ay aragtida siyaasadeed ee islaamku ku qotonto waxaa weeye in aadanaha wadar iyo waaxidba laga faro-maroojiyo, gacantoodana laga bixiyo dhammaan awoodaha talada iyo sharci dejinta,cid aadane ahna aan marnaba loo oggolaan in talo tood ah inta dad kale lagu dhaqo lagu adheeco,ama intay qaynuun dejiyaan dadku ku adheecaan oo lagu raaco, maxaa wacay sharci dejintu waa xaq Alle u gaar ah,cidnana aysan lalahayn. Allena qur’aankuu arrintaa ku cadeeyay oo wuxuu yidhi:

1){Waxay odhanayaan talada wax uun ma ku leenahay? waxaad u sheegtaa in talada Alle keligii leeyahay} Aala-cimraan (154)

2){Marnaba ha ku hadlina beenta carrabkiinnu sifaynayo ee ah kan baa xalaal ah iyo kan baa xaaraan ah oo aad Alle ku been abuurataan…} Anaxli(116)

3) {Ciddaan kitaabka Alle soo dejiyay wax ku xukumin kuwaasi gaalo uun weeye}Maa-ida(44)Aayadahaas waxay si buuxda u cadaynayaan,in Alle keligii uu xukunka leeyahay,sharci dejintana gacantiisa uun loo oggol yahay aadanahana-nebina ha noqdee-aanu gar u lahayn in uu wax amro ama reebo,iyadoo aanu Alle fasax ka haysan . Nebiguna waxaa uu raacayaa uun xaqa loo wax yoo day:{Waxaan uun ku soconayaa wixii la ii waxyooday} yuunis (15)

Sababta Alle noogu faradyeelay raacida nebigana waa isagoo xukunkii Alle inoo keenay:{Rasuulka waxaan uun idiinku soo dirnay in amarka Alle lagu adheeco}al-nisa(64). Sida aayadahaa ku cadna, tilmaamaha dawladda islaamka ah u gaarka ahi waa :

1) In qof ,qoys,dabaqad,xisbi iyo cid kale aysan xaq u lahayn xukun u dejinta nolosha iyo taladeeda toona, taliyaha dhabta ahna Alle yahay, awoodda kama dambaysta ahna isaga u gaar tahay.cidii isaga ka soo hadhana ay yihiin raaciyad awooddiisa weyn hoos tagta, aanayna u bannaana daw aan ahayn raacidda amarradiisa .

2) Aarrinta sharci-u-dejinta nolosha cid aan Alle ahayn faraha lama geli karto,muslimiintuna gebi ahaantooda uma bannaana inay qaynuun dejiyaan amaba sharciga Alle wax ka bedelaan.

3) Sharciga islaamka oo keliya ayaa dawladda islaamka ah gundhig iyo asaas u ah ,si kastoo duruufaha noloshu isu bedelaanna xukuumadaha talada haya xaq uma laha in la adheeco, ilaa ay ka fuliyaan oo dhaqan geliyaan kitaabka Alle,markaas uun buuna xukunkoodu sharci noqon } nadariyatul-islam asiyasiya Waa arrin si kasta u fudud oo aanay cidi dafiri karin xaqnimada ah in Alle u sharci dejiyo nolosha bulshada iyo tan dawladaba,siduu ugu sharci dejiyo tanfardiga. In Alle u xaq leeyahay awooda u sarreysa ee talada iyo sharci dejintuna waa arrin salka ku haysa rumaynta qofka muslimka ahi Alle rumaysan yahay.Sababtoo ah,rumaynta Alle looma jeedo in jiritaankiisa la aqoonsado,ama la iska ogaado inuu samooyinka iyo arlada unkay,ama uunka dhan isagu irsaaqo oo daryeelo. Taasi waa arrin fidhri ah oo aadenaha ku wada abuuran,umana ay baahna in laga dhaadhiciyo,Nebiyadiina -naxariis iyo nabad gelyo Allaha siiyeemarnaba looma soo diri jirin inay dadka ka raaridaan jiritaankii Alle.

Waxaana qur’aanka ku cad umadihii hore ee baadida ahaa inay wada aqoon sanaayeen jiritaanka Eebe, aayado wadar ahna wuxuu Alle ku sheegay in Carabtii jaahiliga ahayd ay arrinkaa qirsanaayeen,waxaana aayadahaas ka mid ah:

1){Wallee hadaad waydiiso cida iyaga abuurtay waxay odhan Alle uun} sukhruf (87) 2){Walle hadad waraysato cida abuurtay cirarka iyo arlada waxay odhan Alle}Zumar(38) 3){Walle hadaad su’aasho yaa samada biyo idiinka soo dejiyay markay arlada dhimatay nooleeyay waxay odhan Alle} Cankabut (63 ) Marka waxa doodu ka taaganayd ee inta laga lumay rususha loo soo diri jiray ma ahayn jiritaanka Alle,se arrinka muranku ka taagnaa wuxuu ahaa ilaahnimada Alle ,xataa gaaladu ilaahnimadiisa ma diidanayane waa oggolaayeen , waxayse ka hor jeedeen in ilaahnimada keligii yeesho,oo waxay qabeen in inkasta oo uu ka wada weyn yahay, hadana ay ilaahyo kale ilaahnimada la wadaagaan, intaa waxaa sii dheeraa iyagoo qabay in danta ay ilaahyada kale u caabudaan ay ahayd inay isaga u dhoweeyaan,sida Alle u yidhi:{kuwii Alle sokadiisa ay awliyo –gargaarayaal-ka dhigteen iyagoo leh inay Alle noo dhoweeyaan maahee dan kale uma caabudaynno….}zumar (3) .Rususha Allena –naxariis iyo nabad gelyo Allaha siiyee-waxaa loo soo dhiibay farriin ah in Alle qudha yahay ilaaha xaqa ah,iyadoo ilaahnimada cid kale lala wadaajiyana macneheedu yahay inaan Alle ilaahnimada loo aqoonsanayn,taasayna ahayd arrinta ay iyaga iyo madaxda gaalada isku mari la'aayeen,weligeed la isku diidanaa. Ilaahnimaduna waxay kulansataa afar macnood oo erayga {ilaah} luqada carabiga ku leeyahay kuwaasoo ah= 1) Jeclaan taam ah. 2) Cabsi kaamil ah. 3)Rajayn iyo magan gelid. 4) hoggaansan iyo xukun qaadasho Afartaa macnoodna way isku xidhan yihiin, waxaana isu haya oo midkasta uu ku xidhan yahay awood,oo ciddii awood leh uun baa khalqiga wax u tari karta oo la jeclaadaa. Sidoo kale,ciddii awood leh uun baa wax ku dhibi karta oo lag cabsadaa. Ciddaa awoodda haysata uun baana la magansan waxna laga rajayn. Isla cidda awoodda leh uun baa xooggeeda loogu hogaansami. Taa soo macneheedu yahay,Ciddii awood iyo itaal leh ayuun baa ilaah noqon karta. Xoog iyo awoodlna Alle keliya ayay gacantiisa ku urursan yihiin, ,saa darteed, keligii ayaa ah ilaaha xaqa ah.Cid kasta oo ka soo hadhana,mar hadaysan tabar iyo awoodtoona lahayn, sinabaxaq uma laha hal macne oo ka mid ah macneyaalka ilaahnimada.

Marka macneyaalka ilaahnimada iyagoo wada jira Alle keliya la siiyo ayaa Alle ilaahnimadiisa xaqa ah loo aqoonsaday.Hadiise inta la qaybiyo midkood cid kale la siiyo, waa xaq darro aan sinaba loo aqbali karin. Gaaladuna intay qaybiyaan bay saddexda macno ee hore asnaamtooda siiyaan, kuwaas oo dadweynaha makastada ah loo tuso inay awood leeyihiin oo wax tari karaan,ayna mudan yihiin in la jeclaado, ama dhib gaysan karaan ayna tahay in laga cabsado,ama musiibada faydi karaan oo ay gar tahay in la magansado. Samaynta asnaamta iyo beenta ah inay awoodahaas leeyihiin waxaa ka dambeeya oo hindisa madaxda gaalada (mala’a),Sida Alle markuu madaxdaa ka warramayay u lahaa: {..Wuxuuna u sameeya Andaad si uu dadka jidka Alle uga baadiyeeyo..}Zumar (8).Andaadana waxaa loo jeedaa waxa Alle asaag looga dhigo ee lala caabudo.Sidoo kale,dadweynaha iyo madaxda markay naarta isku dhex eedaynayaan waxa madaxda lagu haysto waxaa ka mid ah,in makrigii ay habeen iyo maalin u dhigayeen ee ay ku amrayeen inay Alle ku kufriyaan oo asaagyo(Andaad) lala caabudo u sameeyaan ay manta meeshan xun dhigtay.sida Alle u yidhi:{Waxay kuwii la gumaystay kuwii islaweyna ku yidhaahdeen balse waxaa na amrayseen baadiyeeyay makrigii aad habeen iyo maalin noo dhigayseen markaad na inaan Alle ku gaalowno oo aan Andaad u yeello…}Saba(32) .

Danta ay samaynta asnaamta ka leeyihiinna waxaa weeye inay dareenka dadka ka jeediyaan,oo aanay u arag xaq darrada iyo dulmiga ay ku kacaan, ayna ugu weyn tahay ilaahnimada macneheeda afraad ee ay isa siiyeen. Marka asnaamta madaxdu sameeyaan qaabkaa loo eego,waxay ula mid yihiin tuubbooyin ay dhiigga dadka ku jaqaan,sidaa darted,waa iyaga cidda ugu dhibka badan ee had iyo goor u taagan difaaca asnaamta been-beenta ah.Ileen waxay dareensan yihiin in hadii saddexda macnee hore inta asnaamta laga qaado Alle la siiyo,inay khasab noqonayso in macnaha afraadna Alle keliya la siinayo,iyaguna meesha ka baxayaan,taasoo macneheedu yahay,inay isku xidhan yihiin jiritaanka asnaamta iyo xukunka nolosha oo ay haystaan. Isla madaxdaa gaalada ee Alle {mala'a} ku magacaabay ayay ahaayeen kuwii diiday ee hortaagnaa in macnahaa afraad ee ilaahnimada Alle xaq u leeyahay oo keligii la siiyo. Weliba rusushii Alle-naxariis iyo nabad gelyo Allaha siiyee-dagaal iyo colaadin kala hortegi jiray,si aysan u hirgelinnin oo ugu fulin farriintii loo soo dhiibay ee ahayd in ilaahnimada Alle keligii xaq u leeyahay,oo aan cid kale lala wadaajin karin. Saa darteed,cidda sheegata inay xukunka iyo sharci-u- dejinta nolosha iyadu u xaq leedahay waa cid ilaahnimo iyo rabinimo sheegatay,qofkii madaxdaas arrinkaa u aqoonsadana waa cid ilaahyo iyo rabiyo ka dhigatay,xaq aysan lahaynna iisay. In waxa raggaas loo aqoonsaday rabinimo iyo ilaahnimo tahayna waxaa marag u ah: 1) Alle oo inoo sheegay in sababahay u gaaloobeen dadyawgii yuhuuda iyo kirishtaanka ahaa ay ka mid ahayd inay culimadooda iyo baaderiyadoodii rabbiyo ka dhigteen,waana kii yidhii: {Culimadadoodii iyo ruhbaantoodii ayay rabiyaal ka dhigteen} Atawba (31) Rabbinimada lagu eedeeyay inays raggaas siiyeena waa inay ku raaceen sharciyaday u dejiyeen,ee waxyigii Alle khilaafsanaa.Waxaana macnaha aayadan sii caddeeyay xadiiskii Cadiyi Ibn Xaatim –Allaha ka raalli noqdee-markuu lahaa,waxaan u galay rasuulkii Allenaxariis iyo nabad gelyo Allaha siiyee – isagoo aayadan akhrinaya, markaa baa waxaan ku idhi:rasuul Allow,waa sidee maannan caabudi jirine?! Kolkaa ayuu igu yidhi:haa waad caabudi jirteen,soo wixii Alle idinka xarrimay idiinma xalaalayn, wuxuu idiin xalaaleeyayna idinkama xarrimin oo kuma aydan raacin? Waana taas caabudista aad caabudeen.Taasoo loo jeedo in rabbinimada la siiyay ay tahay qaynuunka ay u dejiyeen ee dadku ku raaceen. 2) Wuxuu Alle aayad kale ku yidhi:{Balse waxay leeyihiin kuwo ay Alle ilaahnimada la wadaajiyeen kuwaasoo u dejiyay xeer iyo hab-nololeed uusan Alle idmin } Shuura(21).

Erayga (diin) ee aayada ku soo aroorayna waxaa loo jeedaa xukunka iyo qaynuunka umad lagu dhaqo,sida isla macnahaas ugu yimid aayada suurada Yuusuf ku jirta ee (76) markuu Alle lahaa :{Uma habboonayn mana yeeleen – yacni nebi yuusuf-in walaalkii uu ku ciqaabo diintii boqorka} oo loo jeedo qaynuunkii boqorka.Sheekh Maxamed Amiin Al-shinqiidhina(aun), mar uu macnaha aayadan ka hadlaya wuxuu yidhi:{Qofkasta oo raaca sharci aan ahayn kuu Alle soo dejiyay qofkaasi cidda qaynuunkaa dejisay ayuu rabbi ka dhigtay oo Alle ayuu rabbinimada la wadaajiyay} Adwaa (169/7). Dulucda hadalkuna waa in Alle keliya uu xaq leeyahay xukunka iyo talada nolosha,saa darteed keligii la siiyo,cid kalena aysan faraha la soo geli karin, taasoo la macne ah in ilaahnimada isaga u gaar tahay oo cid kale aanay waxba ku lahayn. Xaqiiqadaana in badan baa qur'aanka Alle lagaga warramay,iyadoo qaabka looga hadlay tahayd in aad loogu dheeraaday ka hadlida tilmaamaha

Alle,magacyadiisa wanaagsan iyo afcaashiisa quruxda badan,si kastana loo faah faahiyay,lana caddeeyay in awoodda keligii gacanta ugu jirto,aduunka dhanna maamulkiisa iyo tasarufkiisa hoos yimaadaan,taa soo keenaysa in dhamman macneyaalka ilaahnimada aanay cid kale wax ku lahayn.

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:35