Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Mas'uuliyada Culimada

Home
Up

DAWLADA & ISLAAMKA, MASUULIYADA CULIMADA EE UMADA

Yaa sharci-u-dejinta nolosha xaq U leh, Yaa Ehel u ah Hoggaaminta Ummada?, Xukunka Gaalada iyo waxa sharcigu ka qabo, Xukunka Cilmaaniyiinta iyo waxa sharcigu ka qabo.
Culimada iyo hoggaaminta ummada.Sida Culimada hoggaanka looga fogeeyay.
Sidee Culimadu doorkooda u gudan karaan? Talooyin culimada ku wajahan,ahna

HORDHACA

Maqaalkeennii hore ee {Dhagarta Gaalada} waxaynu ku soo falanqaynay sida gaalo aan kala hadhin ay dagaal dhan walba leh umadeenna ugu soo qaaday,ilaa geedkay la rabeen ay ku xidheen .Waxaa kale oo aynu soo cadaynay in dayicidii aynu ku samaynay diinteenii macaanayd ee roone nagu mannaystay ay sabab u ahayd in umaadu u nuglaato shirqoolladii loo maleegay, sidoo kale waxaan ku soo tilmaannay in maqaal dambe aan kaga hadli doonno qaabka dhibka taagan looga bixi karo,kaasoo ah maqaalkankada, aanna ugu magaca daray Mas’uuliyada Culimada iyo Mustaqbalka Umada}. Sida cinwaanka ka muuqatana mustaqbalka iyo aayaha ummada wuxuu noqonayaa oo ku xidhan yahay hadba siday culimadu u dedaalaan oo isu dareensiyaan mas'uuliyada saaran ,oo haday baylihiyaanna ummaadii way dayacmi,haday isxilqaammaanna ummadii way bedbaadi,Laakiin,qaabkee wax u sabato bixin karaa baa imanaysa?. maqaalkana su’aashaa ayuu jawaab u yahay, isagoo ka kooban cutubyada soo socda ee kala ah:

  1. Hordhac

  2. Gogol-dhig

  3. Yaa sharci-u-dejinta nolosha u xaq leh

  4. Yaa Ehel u ah hoggaaminta nolosha ummada?

  5. Xukunka Gaalada iyo wax sharcigu ka qabo

  6. Xukunka Cilmaaniyiinta iyo waxa sharcigu ka qabo.

  7. Culimada iyo hoggaaminta ummada.

  8. Sida Culimada hoggaanka looga fogeeyay.

  9. Sidee Culimadu doorkooda u gudan karaan?

  10. Talooyin culimada ku wajahan,ahna:

1) In la helo midnimo iyo wadajir.

2) In la yeesho aqoon diineed oo qoto dheer.

3) In aqoon loo yeesho waaqaca .

4) In ummadu hesho cilmi iyo tarbiyo .

5 ) In la yeesho bisayl siyaasadeed

6) In go'aannada loo madax bannaanaado

7) In dhulkii iyo ummadiiba la soo dhiciyo

8) In la fahmo qiimaha cunsurka soomaliga ah.

9) Jihaadka nololi noogama sokayso

10) In nasriga Alle kalsooni lagu qabo. (8) & Gebo-gebadii qoraalka

Alle ayaana ka tuugayaa in uu markasta na solonsiiyo sida uu jecel yahay ee raalliga ka yahay, wixii dembi iyo meel ka dhac ahna noo dhaafo oo naga cafiyo.

GOGOLDHIG

Waxaynu maanta ku jirnaa xilli aad u adag oo dhib iyo rafaad badan.

Waxaynu ku jirraa waqti innaga iyo walaalaheennii muslimiinta ahaa lagu hayo colaado ba'an iyo cidhib tir aad halis u ah,ammin gaalo oo dhan siday nooga cad goosan lahayd u mindinyo lisanayso.Marka la eego waxa muslimiin silac iyo halaag ah ee nala baday ee Somali,Reer-Ciraaq,Reer-Afqaan,Reer-Bakistaan,Reer-Falasdhiin iyo kuwo kaleba la mariyay ilaa maantana lagu hayo, qofka muslimka ah ee damqasho iimaaneed leh waxaa ka hor muuqanaysa sawiro aad looga argagaxo,kuna bixinaysa amakaag iyo yaab,isagoo iswaydiinaya:Maxay umadani cadaawada heerkaa gaadhsan ku mudatay?! Kuwa sidaa bahalnimada leh shucuubtan u cunaya soo isla kuwa gumaysta ee khayraadka dalalkooda booba ee ku faajo-faajooda ma aha?!!Weliba isugu muujiya inay yihiin dad xadaarad leh,xuquuqda insaankana aad u qiimeeya?!Dunida dhanna ku baahshay ururro ay leeyihiin waxay u doodaan danaha dadyawga taagta daran iyo kuwa dulman?!! Runtii waxa socda waa wax qofkast oo garasho iyo xilmi lahaa la wareeray, hurdana la ledi waayay.Waana xaaladii abwaan Nabadoon ka hadlayey markuu lahaa:

1) Adduunkaan ka gees iyo gees-----------gaalku ku adkaaday

2) Gardarrada caddaankaa khalqiga--------lagu gumaadaayo

3) Guud-cirroole waayeel harkii------------gawrac lagu jiiday

4) Gabdhihii xijaabnaa maryaha -----------gacanta loo qaaday

5) Guryihii cibaadada madfaca -------------lala gawaan raacshay

6 ) Geeskastoo aad eegtaba muslimka------laga gol roonaaday

7) Gogol dhaca ujeeddada hadaan ---------gees yar ka iftiinsho

8) Garnaqsiga xanuunka leh hadaan-------idin garwaaqsiiyo

9) Gunnimada intaas le'eg maxaa -------- wada guddoonsiiyay?!!

Bal adba garo maxaa gunnimada wada guddoonsiiyay?!!

Hadana Alle xakiim weeye,waxan oo dhib ahna kolley khayr bay dabada ku wataan Kolkaan dhibka Somaliya ka taagan hoos ugu daadegno,waxaan hadal ka taagnayn in maanta culimo iyo caamaba indhaha lagu wada hayo sida silloon ee wax yihiin, dadweynihiina markuu dhibkaa dhacay waxay noqdeen:

a) Qaybo murtadnimo cadaystay oo inna cadawgii umada soo horkacday, inna gacmo furan ku soo dhowaysay oo si kasta u garab istaagtay.

b) Qayb isku qancisay inaysan beladan ka hortegi karin dabeedna iyagoo dushooda lagu hardamayo quud raadsi mooyee himmi kale yeelan waayay, oo dullinimo iska qaayibay .

c) In badanna – waa siduu cadawgu la rabaye- inta ubadkoodii gacmaha qabsadeen bay dalalka deriska iyo meelo kale oo looga gacan haadinayay u huleeleen,iyagoo hankoodu dhaafsanayn aduunyo raacdaysi, dan iyo muraadna aan ka galayn aayo xumada dambee lala maaggan yahay iyo belada dhulkooda ka taagan.

d) Kuwo kale oo u badan dadka aqoon yahanka loo yaqaannana-kuwooda

gudaha ku jira, inta dalalka deriska joogta iyo kuwa debedaha ku maqanba- way

la socdaan in badan oo ka mid ah shirqoollada dadkoodii loo maleegay iyo cida

dabada ka wada iyo weliba waxa lala maaggan yahay.Laakiin,badankood inta

wareereen oo si wax loo qabto garan waayeen, ama cadawguba la weynaaday

ayuu arrinkoodu dhaafi waayay dhabanno hays iyo allow ur u bixi. Intooda

dareenku ku dambeeyona ma hayaan tabar dhaafsan muujinta hubka nin tabar

waayay ee ah mudaaharadyo iyo cambaarayn .

Sida ninkii inta geela laga dhacay colkii u badheedhi waayay,dabeedna inta geed

fuulay caytamay,markuu faro madhanaan reerkii yimid ee wuxuu qabtay la

waydiiyayna yidhi: Intaan geed u fuulay baan cay ugu dhaadhaamiyay,iyagiina

geelii kaxaysteen.

Kuwa debedaha mudaharaadyada ku samayna ma mooggan yihiin in kuwa ay

xafiisyadooda ku hor mudaaharaadayaan ee Maraykan iyo waxa la ollogga ahi

yihiin waxa dhibkan noo gaystay?! Kana midaysan yihiin waxyeellaynta nalala

beegsaday?!!

e) Qolana inta guntiga giijisatay oo maryaha xaydatay bay qaadatay go'aan ah

inay gaalo qurunley meel ku soo kala hadhaan, kuwaas oo si buuxda uga

dheregsan inay maanta kalkoodii tahay aanayna jirin cid kale oo umadda u

maqan ama gurmad laga sugayo, warkooduna ku soo ururayay macnaha ay na

tusayaan tixdan ay gabadh Somaliyed tirisay ee ay ku cabbiraysay sidaysan ula

gudboonayn in la isdhiibo:

1) Inaan gorodda laalaadinnaa------------geeskan kamay dhicine

2) Inaan go’o inuu gaal i dhoc----------- oo is garab yaalla

3) Geeridaan ka doortaa ---------------- - rabbina waygu garab siine

4) Somalidoo gam tidhi baa------------ - runtii gaalku ledayaaye

4

5) Adduunyada geesi baan ---------------u nahay gebi ahaanteede

6) Gaalada axsaan uma galloo------------waynan na garan hayne

7) Gu’yaal soo socda dagaal in-----------aan gelayo go’aha yaw sheega

8) Inaan cadaw na guulguuli -------------karin go’aha yaw sheega

9) Geerida inaynnaan ka baqin ----------go’aha yaw sheega

10) Gunnimada inaannan qaadan----------go’aha yaw sheega

11) Guullaha inaan garansannahay--------go’aha yaw sheega.

Sideedabana marka dhib iyo belaayo dhacaan bay ragga iyo rahu kala

baxaan,halyeyga iyo habacsanaha kala miirmaan, nin karmeedka iyo wax ma

taruhuna kala hadhaan.

Maanta oo umadu xaalad aad u qallafsan maraysana waxaa baahi daran loo

qabaa rag doorkoodii ragannimo la soo baxa oo umada badbaadiya,xaaladuna

waxay taagan tahay tu la mid ah tii uu ka tiiraan yaysnaa hal-abuurkii Dhoodaan

markuu lahaa:

1) Tafantoof dadkeennuba------- -sidii loo tafaafulaye

2) Tahan toobe oo waa ----------- tabtay u tawali yeene

3) Rag bay weli tebaysaa ----------haday soo tircinayaane

Waa in la helo rag u qum sabato bixinta ummadda, kana hortaga aayaha madow ee ku soo wajahan iyo isir-suulinta lala damac san yahay.Maqaalkeenii hore ee:{dhagarta Gaalada} baynuna ku soo sheegnay arrimo ku saabsan waxa maanta socda,iyo dantii laga lahaa. Waxaase su'aal ah:Sidee belaayada taagan looga dabbaashaa oo looga baxaa? Yaase raggeedii ah oo wax ka qaban kara.? Qaabka keliya ee dhibkan looga bixi karayo waa in ugu horrayntaba si dhab ah loo fahmo waxa belada keenay,iyo waxa cadawgu noogu daw galay? Waxa dhibka dhan gundhigga u ah waa baylihinta aan diinta Alle ku samaynnay. Daawaduna waxay ku jirtaa inaan xadhiga Alle si buuxda u qabsano.. Si buuxdana markaan leeyahay,waxaan u jeedaa diintii aan sheeganaynay ayaan kaga camal fallay cibaadooyinka khaaska iyo qaybo ka mid ah axkaamta qoyska. Dayicidaana waxaa ka ratibmay ciqaab laxaw badan oo aan is leeyahay show tanoo kale hore Somali uma soo qabsan.Dadbadanna markay gorfaynayaan dhibka dhacay waxay taxaan sababo badan laakiiin,sabab kasta oo la sheego taasay ka soo farcantay oo hoos imanaysaa. Allena markuu inooga warramayay aafooyinkii noocan oo kale ahaa ee qabsan jiray dadyawgii hore ee kirishtaanka ahaa, wuxuu inoo sheegay inay taa ugu wacnayd iyagoo diintoodii qaybshay, cibaadooyinka khaaska ahaana kaga dhaqmay,intii kalena derbiga gadaashiisa ka xooreen.Allena waa kii lahaa:{Kuwii yidhi nasaaro ayaan nahay ballankii baanu ka qaadnay markaa bay in badan oo ka mid ah xaqii lagu waanshay inay raacaan isaga tageen,kolkaas baanu dhex dhignay cadaawad iyo collaytan ilaa qiyaamo taagan} Maa-ida(14)Ballanka aayadu sheegaysana wuxuu ahaa inay diinta si buuxda ugu haqmaan,se ballankii bay ka baxeen oo axkaamtii nolosha kala hagaysay bay dayaceen oo daaqadda ka tureen, iyagoo naftooda ugu qalbi qaboojiyay inaysan waxba ku jabnayn dayicida axkaamtaa,mar haday cibaadooyinka khaaska ah la yimaadaan. . Allena isagoo falkaa ku ciqaabaya ayuu dhex dhigay belaayo iyo colaado aan dhamaanayn,wuxuuna inoo sheegay in taasi aysan ahayn ciqaab qoladaa ku kooban, se ay tahay sunno joogto ah oo uu nolosha u dejiyay, cidkasta oo diinteeda sidaa qaabka daran u dayacdana isla ciqaabtaas la marinayo.Marka, innooma bannaana daw aan ahayn in aan dib isu saxno,xadhiga Alle si buuxda u qabsanno,habeen iyo maalinna ka shaqaynno sidii arrinkaa loo xaqiijin lahaa.

Waa in aynnu u hawl galno sidaan Alle ugu noqon lahayn,hadaynu arrinkaa ka libkeenno oo ka dhabaynnona,waxaa hubaal ah in la bedbaadayo, mu'aamarooyin badan oo gaalo maleegeenna ay hal bacaad lagu lisay noqonayaan.iyaguna bayuur u dambaynayso.Hadiise dedaalkii la iska rabay ee diinta lagu hirgelin lahaana lala iman waayo, aan oganno in gaalada la is-hayo aan laga sugayn turaal iyo ixsaantoona, waxyeellayntooda aynnaan ka soo waaqsanayn,waana in aan kolkaa innaga is eedno, oo cid kale eedin.Inkasta oo taasi gaalada ka beri' yeelaynnin godobta ay naga galeen..Sababta aynu eeda u

yaalanaynona waxay tahay iyadoo qofka diintiisa gacan bidixeeya ee iimaankiisu daciifo,uu waxyeellooyinka cadawgiisa si kasta ugu nuglaanayo,sida qofka aydhiska qaba uu cudur kasta ugu jilicsan yahay.Sidookale,jeermisyada cudurrada gudbiya hawada ayay ka buuxaan, laakiin waxay qaadsiiyaan qofka jidhkiisu tabar yareeyo ee aan cudur iska caabbin karin.

Waxaa kale oo imanaysa,yaa umada inta dinnta barta ku hagto sabato bixin karaysa ? . Jawaabtuna,waa culimada,maxaa wacay,waxa dhacay waa ciqaab Alle, dariiqa ciqaabtaa looga bixi karona waa iyadoo nolosha umada sharciga Allelagu soo dabbaalo. Shaqadaana cid aan culimada ahayn meel ugama bannaana mana qaban karto, waxaana taa marag u ah,iyadoo markasta oo dadyawgii hore ay dariiqa Alle ka baydhaan loo soo diri jiray rusul,si noloshooda loo sabato baxsho oo diinta loogu soo dabbaalo. Maantana shaqadii rususha culimada ayay guudka ka saaran tahay,maxaa yeelay, iyagaa dhaxalkii rususha nasiib u yeeshay,kaas oo dhanna sharfid iyo xulasho ka ah, dhanna xil iyo mas'uuliyad ka ah.Xilkaasoo ah inay umada diinta baraan,ku dhaqaan oo ku hagaan. Way jirtaa in duruufo hore u jiray dartood aanay culimadu xukun u soo qaban amaba ula kac looga dhaariyay,laakiin,taasi waxba kama bedelayso xaqiiqada ah in hawsha sabato bixinta umada ay tahay mid culimada u rahman,oo kaalintooda aanay cid kale buuxin karin. Sidoo kale mar hadaysan culimadu hore maamul u soo qaban,waa jirtaa in aysan khibrad u lahayn sida bulsho loo unko oo loo barbaariyo, ama aysan lahayn waayo aragnimo dawlad lagu maareeyo,laakiin, taasi waa wax u baahan oo keliya inay helaan taba-bar ehel uga dhiga inay xambaaraan oo si hufan u gutaan ammaanada Alle. Culimaduna kolkay u qumayaan gudashada xilkaas,waxay ka duulayaan diin iyo mabaadii',saa darteed waxaan qoraalkan ugu soo bandhigay,weliba ugu faahfaahshay siday u kala muhiimsan yihiin qodobbo badan oo ka mid ah asaasyada diinta,oo aan sinaba looga maarmin inay sida qorraxda oo aan caad saarrayn u caddaadaan. Qoraalkanna wuxuu ku wajahan yahay qofkasta oo dareen islaamnimo iyo danqasho iimaaneed leh,wuxuu weliba si gaar ah ula hadlayaa dadka rabbi u go'ay ee diintu dhab ka tahay,weliba dareensan oo uu gubayo culayska uu leeyahay waajibka dacwo ee saaran guud ahaan muslimiinta gaar ahaanna culimada,kuna baraarugsan in iyaga laga dhawrayo gurmadka umada lagu bedbaadinayo.Dadkaas oo ah kuwa Alle jannada ka iibsaday, siday diintiisa u kor noqon lahaydna ballanna kula galay inay hurayaan wax walba oo qaali ah. Si ay xilkaa u gutaanna ku s ifoobay tilmaamaha nasriga Alle lagu muto,ee ah:

1) Aqoon ballaadhan oo qoto dheer oo ay diinta u leeyihiin

2) Fiqi xeel dheer oo ay u leeyihiin waaqaca lala dhaqmayo..

3) Go'aan aday iyo niyad bir ah oo duruufaha taagan lagu wajaho.

4) Saahidnimo iyo iyadoo diinta Alle daacadnimo loo khidmeeyo

Dadkaas iyaga ah oo jiif iyo hurdoba ledi waayay markay arkeen halka ay ku biyo shubatay mu'aamarooyinkii ummadooda loo qoolay ee ah silaca maanta taagan iyo haadaanta iyo qawraarinta sii salalka madow ee lagu tuuray.Isla markaa ogson in mustaqbalka ummada ay ku xidhan tahay siday ka yeelaan,oo haday u hawl galaanna ummadu bedbaadayso haday dayacaanna ummadu dayacmayso.Dabeedna Alle wacad ugu maray in inta ay nool yihiin hororka dadkooda silaca baday ka hortagayaan ilaa ay sutida u qabtaan oo mudankiisa mariyaan, umadana inta la bedbaadiyo cisi iyo sharaf ku noolaato,ama siday halgankaa iyo jihaadkaa ugu jiraan Alle shahaado ku galladaysto. Dadkaa iyaga ayuu qoraalkan si gaar ula hadlayaa. Nin ragay dardaaran u tahaye------doqon ha moogaado.

Waxaa diyaariyay:Warsame Naalleeye Xassan: cirsankayeer@hotmail.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:35