Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Kitaab & Hub Illaalinaaya

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

Diinteenu waa Kitaab Hagaaya iyo Hub Illaalinaaya

Assaasida caddaalada ee dhamaan wadaniyiinta dalka, muslim iyo gaalba in cadaalad lagu xukumo waa ujeedooyinka ugu muhiimsan Dawlada Islaamiga ah. Musuqmaasuqa, Laaluush, Dawlada oo khiyaamo ku shaqaysa, Bulshada oo khilaaf iyo iska horgayn laga dhex abuuro, isku dirka dadka, Jidh-dilka, Dulmi & Dhiig miirasho iyo dhamaan waxyaabaha xun-xun oo dhan ee bulshada waxyeelo u gaysanaya waa waxyaabaha ay Dawlada islaamiga ahi ay ka soo horjeedo waajibna ay tahay inay la dagaalanto oo cidhib tirto.Horumarka umada iyo kobcinta dhaqaalaha, isku naxariisshada bulshada iyo dadka Muslimka oo walaalo dhaba noqdaa waa ujeedooyinka Dawlada Islaamka. Ilaalinta sharafta iyo Cisiga dadka rag iyo dumarba meesha kaliya ee laga helaa waa waa nidaamka Dawlad Islaamnimo ku dhisan.

Dawladii u horaysay ee Islaamka

Dawladii u horaysay ee islaamka ahayd taas oo Rasuulkeena Muxammed SCW uu ka dhisay Madiina sanadkii 1aad ee Hijrada, Waxay ahayd markii u horaysay ee aduunkan caddaalad iyo sinaan lahelo. Ilaa dagaalkii kowaad ee aduunka, waxa jiray khaliif, hogaamiyihii Muslimiinta iyo Dawlada Islaamka ee Khaliifiinta. Dhamaadkii Xukunkii Dawladii Islaamka saldhigeedu ahaa Turkiga ee 1923 (CE) dawladii islaamku way joogsatay. Wakhtigaas wadamada Islaamka badankoodii waxaa si toosa u xukumay oo qabsaday dawladihii reer galbeedka, intii hadhayna ku qalqaaliyey inay nidaamka xukun kooda qaataan. Dawladihii reer galbeedka ee kiristaanka ahaa waxay bareen oo bilaabeen sharcigoodii iyo nidaamkoodii siyaasadeed ee kiristanka ku salaysnaa inay ka bilaabaan oo ka hirgaliyaan  dalalkii kiristaanka ahaa ee galbeedka. Kadibna wadamo badan oo Islaam ah ayaa nidaamkaas reer yurub qaatay oo uu ka hirgaliyay. Dalal badan oo Islmaama ingiriiska ayaa sharcigiisii iyo nidaamkii siyaasadiisa baray oo ka hirgaliyay, qaarna waxay qaateen nidaamkii faransiiska, qaarna nidaamkii Swisarland.

 Dhalanrogii Dawladaha Islaamka

Dalkasta oo Islaam ah, oo dastuurkiisa iyo xeerarkiisu ahaa kidaabka Qur’aanka iyo Sunada Rasuulkii illaahay (SCW) oo kaliya waa la tirtiray oo waxa lagu badalay kii gaalada oo ah waxa ay maanta ugu yeedhaan Dimoqraadiyada. Dhamaadkii qarnigii labaatanaad ilaa hada waxaa layswaydiinaya oo la sugayaa in la helo Dawlad Islaamiya oo dhab ah, oo sharciga illaahay ee dhabta ah ku dhisan oo umada ku xukunta. Kadib markii dadka islaamka iyo dadka islaamkuba inbadan dayaceen xaqii illaahay ku waajibiyay, hadana waxaa maanta jirta in dadka islaamka badidoodu ay iswaydiinayaan sidii loo soo noolayn lahaa Dawlad Islaamiya. Dalkasta oo islaama dadka inta aqoonta iyo islaamnimadu dhabta ka tahay waxay isku dayayaan sidii ay u dhisi lahaayeen dawlad Xaqa oo wax ku xukunta sharciga Illaahay. Arintana waxa la ogaaday kadib markii baadhitaano balaadhan la sameeyay.

Dawlada ama Xukuumada Islaamiga Saxdaa

Nidaamka Dawlada Islaamku waxay ku salaysantahay oo asal u ah Qur’aanka iyo Sunaha Rasuulka (SCW), iyo dhaqankiisii suubanaa. Dawlada Islaamka ahi waxay ku haboontahay waxkhtiyo iyo xaalado badan oo kala duwan, waana caddaalada kaliya ee Illaahay SWT uu caalamkan ugu tala galay in lagu kala xukumo oo ay dhaqan, Xeer iyo Nidaam ka dhigtaan.  Dawlada Islaamiga ah, waxaa asaas iyo gundhig u ah, sharcigeeda kitaabka Qur’aanka iyo Sunada Nabiga (SCW). Labadaas ayuunbay fulinaysaa oo wax ku xukumaysaa. Qaabka Dawlada Islaamiga ah loo dhisaayo iyo sida ay u shaqayso waxaa lawaydiinaya oo nidaamkeeda dajinaaya Culimada Diinta Islaamka aqoonta dheer u leh, waliba kuwa daacada ah ee diinta sida wanaagsan ugu dhaqma. Qofka loo dhiibaayo xilka hogaaminta dawlada Islaamiga, Majlisu-Ashuuraa ayaa dooranaaya qofka ugu haboon ee noqon kara iyagaa garanaaya. Marka xaaladu tahay nooca maanta umada Islaamku ku sugan tahay waxaa shacbiga ku waajiba inay marka hore sameeyaan Golaha Latalinta (Majlisu-Ashuuraa) kadibna golahaasu doortaan Khaliifka muslimiinta. Laakiin marnaba ma jireyso qaabkan hada aynu wax u doorano ee ah Wakiilo, Guurti iyo Madaxweyne arrintaas oo ah figrad ka timid gaalada kuna salaysan waxan ay yidhaahdaan Dimuqraadiyad, micnaheeduna yahay Hawadaada Raac Diin La'aan.

 Xukunka Illaahay waa fariintii dhamaan Nabiyadii Alle aadanaha soo gaadhsiiyeen, sidaas daraadeed, Nidaabmka xaqa ah ee Rasuulkeenii sharafta lahaa Muxammed (SCW) inoo sheegay ee ahaa waxyigii Alle u soo dhiibay ayaa Dawlada Islaamka ah sal u ah. Kitaabka Qur’aanka ah, oo hadalkii Illaahay ah, ayaa noqonayaa sharciga Dawlada dalka Islaamkaa waxa aassaas u ah. Arintani waxay ka dhigaysaa in bulshada sharcigeeda asalka ee lagu kala dambeeya noqdo xaqaa cadaalada ah ee Alle. Wax kasta oo la xukumaayo ama lagu dhaqmaayo waa wixii Illaahay uu Qur’aankiisa inoogu sheegay iyo Sunada Rasuulka (SCW) oo kaliya. Go’aan kasta oo dawladu gaadhayso waa inuu ku salaysnaada wixii Alle yidhi oo aan badhax lahayn. Hadii dawladu ay sidaas yeeliwaydo oo wax kale sharci, xeer, xukun ama go’aamadeeda ku goyso, Cid kasta oo sidaas yeesha maaha Islaam. Waxayna noqonayaan  Gaallo, sida Ilaahay SWT uu quraankiisa inoogu cadeeyay (Surah5:44) ayaa daliil cad u ah.

 Lacala, hadii arin laysku qabto taas oo aan markaas ku cadayn diinta, waxaa arintaas loo celinayaa Culimada Diinta Islaamka aqoonta fiican u leh. Kuwaasi waxay soo gooyaan ayuunbana lagu dhaqmayaa. Waxaynu ogsoonahay maanta in dawladaha muslimka ahi ay sharciyo iyo xeerer wax ku xukumaan laakiin waxaas ay wax ku xukumaan maaha wax Qur’aanka lamida ama u dhow, mana ahaa caddaalad ee waa figrado bini aadan oo kolba siday doonaan u rogaan.

Allaah SWT wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi (Al-Baqra:30) waxaan abuuri Khaliif dhulka iiga wakiil noqda. Khallifkaas uu Alle inoo sheegay waxaa weeye dadka oo Nabi Aadam (C.S) ka soo fircamay. Taas macnaheedu waxaa weeye dhamaan iisaanka oo dhan ayaa ka masuul ah inay sharciga Illaahay fuliyaan oo Xukun, Xeer iyo nidaam ka dhigtaan Qur’aanka & Sunada Rasuulka (SCW) oo kaliya. Illaahay inama odhanin raaca ama xukun ka dhigta waxa gaallo samaysay oo ah dimoqraadiyad oo macnaheedu yahay “hawadaada raac” ama xeerar figrado aadane ka yimid oo lamida. Dawlada Islaamka ahi maaha wax figrad bini aadam ku dhisan oo kolba waxay doonto samaysa, ee waa wax Illaahay ka yimid oo la raacaayo uun.

Kaladuwanaashaha Aadanaha

 Diinta Islaamka bini aadanka oo dhami way simanyihiin, midna midka kale kama sareeyo. Waxa kaliya ee ay ku kala duwanyihiin kuna kala sareeyaan waxa weeye kaladuwanaantii  Alle SWT uu u sameeyay adoomahiisa oo ah; Heerka Dhawrsanaantooda ee Alle agtiisa. Islaamku ma ogala kaladuwaansho dadka dhexdiisa ah oo ay ku kala duwanyihiin ama ku kala sareeyaan xaga: Jinsiyada, Qabiilka, Nasabka iyo Qaninimada ama maalka. Dadka Muslimka ahi way ka duwanyihiin dadka kale. Waxa kaliya ee ay kaga duwanyihiina waxa weeye ogaanshaha ay ogyihiin muhiimada Adeecida Amarada Alle iyo Cabsida ay Illaahay ka cabsanayaan. Dadka Muslimka ahi waxay rumeeyeen Xaqa Alle & Rasuulkiisa Muxammed SCW. Sidaas daraadeed dadka waxyiga Alle SWT Rasuulkiisa Muxammed SCW ku soo dajiyey rumeeyey waa Islaam, dadka kale ee Xaqa Alle beeniyayna waa gaalo. Markaas umadu waa Muslim & Gaallo labadaas uun weeye.

 Assaasida caddaalada ee dhamaan wadaniyiinta dalka, muslim iyo gaalba in cadaalad lagu xukumo waa ujeedooyinka ugu muhiimsan Dawlada Islaamiga ah. Sidaas awgeed ayuu Alle inoogu soo diray Rususha dhexdeena. Illaahay baa SWT qur’aankiisa wuxuu ina leeyahay: waxaanu idiin soo diray Rusushayadii oo wata calaamado cadcad iyo kutub idiin kala tusaysa Sax iyo Qalad si dadku ay caddaalada ugu toosaan (Al-Xaddiid:Aayada25)

 Ilaahay dadka sidaa uu deeqda badan u siiyay diina wuu siiyay qaaliya oo nicmo weyna. Caddaaladna rususha wuu ku soo diray, kutubtana wuu ku soo dajiyay, caddaaladaas dadka waa loogu baaqay, Illaahay cilmigiisu ku sheegay qur’aankuna waa ka waramay. Cidii ku qanacda ee qaadata way fiicantahay sidii la doonayay bay yeeshay. Cidii taas diidana awoodbaa Illaahay uu faray Rususha iyo Cida ay hogaaminayaan, inay awood kuwaas wax kaga qabtaan, ama ha ahaadeen kuwo dadka muslimiintaa ka baxsan oo cadowgii dibada ee caddaalada muslimiinta duminaayay ama ha ahaadeen dadka muslimiintaa qayb katirsano iyagana xeer ciqaabeedkii iyo xadiidka lagula macaamilaayo. Markaa waa Kitaab iyo Awood wada socda.

Sida baabul culumaa lahaayeen Diinteenu waa 2: Wa kitaabu yahdii Wa sayfiyixnii,. Kitaab Hagaaya & Hub illaalinaaya. Kitaab dadka hagaaya, Dawlada hagaaya iyo Hubkii oo ilaalinaaya. Hadii labadaas lakalareebo waxba ma soconayaan. Hadii dadku yidhaahdo kitaabka ayuunbanu haysaneynaa oo dad wanaagsan oo islaamanu nahay oo aan awood lahayn, taasi wax soconaaya maaha ee kitaabka laftiisaa lagaa turayaa, waana lagaa laabaya. Hadii awoodi jirto oo aanu kitaab jirina awooda wuxuun baa lagu fasahaadiyaa, kolbana meel aan u qalmin ayaa lagula kufayaa. Diin iyo Dawladnimo waa laba is illaalinaaya. Diintu waxay illaalinaysaa Dawladnimada oo waxay u diidaysa inay fasahaad, dulmi iyo xadgudub samayso. Waxaa fasahaad & dulmi dunidu maanta ka qaylinayso ee wareeriyee ka dhacayaa waa dawlad iyo awood aan diin lahayn.

 Dawladnimadu waxay ilaalinaysa diinta oo diin aan dawlad lahayni gidaarkaas gudbi mayso. Waa ducfiga & dulinimada haysata dadka muslimiinta ah maanta. Labadaas baa wada shaqeeya oo Illaahay iskugu tala galay. Caddaaladuna waxay ku xasilaysaa cududaa cilmiga samaawigaa wadata, bal aayadan u fiirso, Alle wuxuu yidhi SWT: Rusushayadii baanu soo dirnay, waxaanu ku soo dirnay mucjisaad cadcad oo ay wataan markhaati u ah risaaladooda, waxaanu iyaga u soo dajinay oo aanu siinay kutub, miisaana waa lala soo dajiyay oo caddaalad bay la socdaan Rususha iyo waxyiguba, si dadku ay caddaalada ugu toosaan, Birta ayaanu soo dajinay billaayo daran baana ku sugan, munaafacaadna waa ugu  suganyahay dadka, iyo si Rabi u ogaado cida Illaahay (diinta) iyo Rasuulkiisa u hiilinaysa iyaga oo aan Illaahay arkaynin, Allaah kii awood badane weeye amaan oo dhana iskaleh. (57:25)

 Dawlad aan diin wadan meel uunbaa lala kambadhuudhsanaya oo dadka dulmi iyo dulinimo wax aan ahayn u soo kordhimayso iyo inay arlada fasahaadiso. Marka dawladu aanay diin wadanin waxaad sugtaa waa hoog aakhiro iyo aduunba leh. Musuqmaasuqa, Dulmiga,Jidh-dilka, Laaluushka, Dawlad khaayinimo ku shaqaysa, Oogida khilaafka iyo isku dirka bulshada hadii ay koox tahay iyo hadii ay shaqsiyo tahayba iyo dhamaan waxyaalaha xunxun oo dhan waa wax ka soo horjeeda Nidaamka  Islaamka.

 Waxa weeyaan waajibaad saaran & masuuliyadiisa qof kasta oo muslim ah, inuu ka dagaalamo oo la jihaado cidii caddaalad darro latimaada. Waa waajib saaran iyo masuuliyad Dawlad iyo Qof Muslim ahba inay ladagaalanto caddaalad darada kana hortagto wax alaale wixii qofka muslimkaa iyo diintiisaba dhibaato u geysanaaya ama ka hor imanaaya. Sida Dimoqraadiyada, Qabyaalada, Dulmiga, Musuqa waxaas oo dhami waa wax uu Illaahay xarimay oo diinta ka soo horjeeda. Dadka muslimiinta ah iyo dawladooduba waa inay isku taxalujiyaan oo xooga saaraan caddaalada iyo ku sugnaanta jidka xaqa ah ee Alle, habeen iyo maalinba.

 Hadii caddaalad darro iyo isdulmintu ku faafto bulshada muslimka ah. Cid ka dagaalamaysa oo cambaaraynaysaana jirin, Bulshada iyo Dawladooduba waxay ku xadgudbeen Sharcigii Illaahay. Wadankuna wuxuu noqonayaa wadan aan muslim ahayn, maadama ay bulshada ama aqlibiyada badani xadgudubka diinta Islaamka lagu xadgudbay iyo sharcigii Alle ee laga baydhay oo xukun & dastuurna lagadhigi waayay Qur’aanka iyo Sunada ay raali kawada yihiin. Shaqsiyaadka diinta islaamku dhabta katahay ee aan dulmiga & caddaalad darrada raali ka ahayn laakiinse aan waxba ka qaban karin waxaay noqonayaan dad aan awood lahayn oo wadan gaallo ku nool oo kale.

 Meesha caddaalad darradu ku faaftay nabadgalyo iyo xasiloonina kama jirikarto. Quraanka ayaa inooga digay in umado hore lagu rogay caddaalad darro iyo dulmigan oo kale.

 Dadka muslimiinta dhabtaa ah ee Alle rumeeyay iyo maalinta Qiyaame lamamid aha gaalada lumay lumid fog xaqii Alle na beeniyay, Rasuulkii Alle na ku wacad furay (SCW), ee way kaduwanyihiin. Sidaas ay muslimiintu uga duwanyihiin gaalada ayay Dawladahooduna uga duwanyihiin dawladaha gaalada. Dawlada muslimka ahi kama dhigato dastuur iyo xeerar figrado bini aadam sameeyay iyo wixii hawadoodu doonto. Kamana dhigato dastuur dimoqraadiyad iyo sharciyada gaalada iyo yuhuuda. Umada Islaamka dhabtaa ahi waxay dhistaan dawlad xukunka Alle oo qudha ku shaqaysa. Dastuurkeeduna yahay Dastuurka Alle (Qur’aanka & Sunada) oo astaanteedu tahay caddaalad, sinaan iyo Alle ka cabsi.

Dawladaha maanta kajira dalalka muslimka laguma sheegi karo muslim waxna kama duwana kuwa gaalada.

 Dawlada Muslimka ahi waa wada tashi, iskaalmayn, isjeclaan iyo isgargaarid. Sidaasbayna diinta Islaamku fari dadka. Iscaawinta & wada tashigu waa waxyaabaha qiimo wayn ku leh islaamka dhexdiisa, taasna waxaa inoo cadaynaaya aayadan qur’aanka ah: “ Waana kuwa maqlay Eebahood oogayna Salaada amarkooduna tashi yahay dhexdooda waxaan ku arzaaqnayna wax ka bixiya.” (42:38). Laakiin wada tashigu waa inaanay wax diinta khilaafsani ku jirin.

 War hooyaay, waxaan idinka digaynaa inaad khilaaftaan Sharciga Alle, markaas aad kamid noqotaan ehelka Jahanamo oo ah Naar olol daran. Dadka Muslimiinta ahoow ha dooranina yuhuud iyo gaalo aad ka qiima badantihiin, Rabi swt waxa uu idin siiyay wax ka qiimo badan oo ah rumeeynta Xaqa Alle iyo Rasuulkiisa Muxammed SCW. Cadow bay idiin yihiin gaaladu wax aan ahayn dhibaato oo ay idinladoonayaan majirto. Qof aan caqli lahayn ayaa Qur’aanka & Sunada Rusuulka SCW ka taga oo doorta dimoqraadiyad iyo xeererka gaalada. Rabina SWT waa idin waydiin doonaa Xilalka & Masuuliyaduu idin saaray oo ah inaad sharcigiisa iyo amaradiisa u hogaasantaan hogaasamid.

Lasoco Qaybaha Danbe hadii Eebe idmo.

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:15