| |
DUULLAANKII SUWEYQ
Markii
laga takhallusay Abii Jahal oo ahaa hoggaamiyihii qureysheed iyo in badan oo
madaxdii qureysh ah ayaa waxaa qureysh madax u noqday Abuu Sufyaan binu Xarbi.
Abuu Sufyaan wuxuu bilaabay tallaabooyin uu ku rabo in uu ku aar guto, wuxuu
markaa ku fekeray in uu Madiina tago oo dhib u soo geysto muslimiinta si ay
dhoolatus ugu noqoto oo loo arko in uu awood leeyahay, sidaa darteed wuxuu ku
nadray in uusan janaabo ka qubeysan ilaa uu ku duulo Nabi Maxammed SCW. Wuxuu
markaa soo kexeystay ciidan rakuubley ah oo caddadkoodu yahay Labo boqol oo nin.
Wuxuuna isla habeennimadii galay Madiina isaga oo is qarinaya, wuxuuna u tegey
Kacab binu Asad, oo ahaa odeygii yahuudii reer banuu Qureyda, albaabka ayuuna ku
garaacay laakiin Kacab baqdin uu ka baqayo Nabiga SCW dareed waa uu diidey in uu
albaabkii ka furo.
Abuu Sufyaan, markii albaabka laga furi waayey ayuu wuxuu u tegey Salaam
ibnu Mashkam, oo ahaa duqii reer banuu Nadiir, keydkoodana hayey. Albaabka ayuu
markaa ku garaacay oo ka idan dalbay, wuuna ka furay oo wuu soo dhoweeyey, wuuna
u warramay. Ka dibna abuu Sufyaan waa baxay, wuxuuna isla habeennimadiiba ku
noqday ciidankiisii, dabadeedna wuxuu direy koox ciidanka ka mid aha si ay wax u
soo kharbudaan isla habeennimadaba, maxaa yeelay dhuumaleysi maahane, dagaal
caddaan ah uma uusan imaan.
Kooxdii uu direy waxay tageen beer beerihii muslimiinta ka mid ah, markaas
ayey dhirtii jareen, beertiina gubeen, labo nin oo muslimiin ah oo beertooda
joogeyna way soo dileen, ka dibna si degdeg ah ayey Abuu Sufyaan iyo
ciidankiisii Makka ugu noqdeen.
Rasuulku SCW markuu arrintii maqlay ciidan ayuu ka soo daba qaatay,
Madiinana wuxu uga soo tagey Abaa Lubaaba ibnu Cabdi-mundir. Dabadeed markii uu
marayo Qarqaratu Kadar, oo uu gaari waayey, ayuu dib u soo laabtay. Waqtigaasna
wuxuu ahaa bishii Dulqacda, sannadkii 2aad ee hijriga.
DILITAANKII KACAB BINU ASHRAF
Kacab binu Ashraf wuxuu ka mid ahaa dadkii yahuudda ugu dhibka badnaa uguna
cadaawadda badnaa islaamka iyo muslimiintaba, wuuna muujistay dhibaatadiisa.
Wuxuu ka mid ahaa qabiilka la yiraahdo Dhii oo ka tirsanaa reer banuu Nuhbaan,
hooyadiisna waxay ahayd reer banuu Nadiir, wuxuuna ku dhex koray yahuud oo wuu
yahuudoobay. Nin maalqabeen ah ayuu ahaa, quruxdana carab oo dhan ayuu caan ka
ahaa. Wuxuu degganaa dhinaca koonfur bari ee Madiina oo ka dambaysay meeshii ay
yahuuddii reer banuu Nadiir degganaayeen.
Ninkaas oo ahaa nin aad u shar badan markii uu maqlay guushii muslimiinta
ee Badar iyo dilitaankii odeyaashii qureysheed ayuu wuxuu yiri, “taasi ma xaq
baa?”, kuwaasi waxa ay ahaayeen carab kuwii ugu shaaraf badnaa iyo dadka
boqorradoodii, Ilaah baan ku dhaartaye haddii uu Maxammed kuwaas laayey dhulka
gudihiisa (Dhimasho) ayaa ka kheyr badan, wuxuuna ammaanay cadowgoodii.
Rakuubkiisii (awkiisii) ayuu markaas fuulay ilaa uu ka tegay Makka iyo qureysh.
Wuxuu ku degay Mudhalib binu abii Waddaac Al-sahami. Ka dib wuxuu guda galay
isaga oo ooyaya in uu gabay ku ammaano raggii mushrikiinta looga laayey Badar,
wuxuuna ku booriyey dadka in Nabiga SCW lala dagaallamo oo lala colleytamo.
Abuu Sufyaan iyo raggii mushrikiinta ahaa waxa ay ku yiraahdeen “ma
diintayada ayaa Alle xagiisa loogu jacayl badan yahay mise diinta Maxammed?,
labadayada qolose yaa hanuunsan oo Alle u dhaw?”, wuxuu yiri “idinka ayaa ka
hanuunsan”, Allaah SW isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri:
((MA ARAGTAY KUWA KITAABKA QAYBTA LAGA SIYEY OO RUMAYNAYA SIXIR IYO
SHAYDAAN, KUNA DHAHAYA KUWA GAALOOBAY “KUWAAN (GAALADA AH) AYAA WADDO UGA HANUUN
BADAN KUWA MU’MINIINTA AH, KUWAASI (YAHUUDDA) WAA KUWUU ALLE NACLADAY, CIDDII
ALLE NACLADANA U HELI MAYSID GAR GAARE)). (Suuratu-Nisaa’ 51-52).
Kacab intaas ka dib Madiina ayuu ku soo laabtay, wuxuuna tiriyey gabayo uu
ku af-lagaadaynayo gabdhihii muslimaatka ahaa isla markaasna uu islaamaka ku
dhibayo. Rasuulku SCW, markuu arkay ninkaas iyo sharta uu wada iyo heerka uu
gaaray oo ah inuu gabdhihii muslimaatka ahaa af-lagaadeynayo, islaamkana caayayo,
ayuu wuxuu asxaabtiisa ku yiri “yaan Kacab binu Ashraf u diraa, Ilaah iyo
Rasuulkiisa ayuu dhibaye?”. Waxaa markaas istaagay Maxammed binu Maslama oo yiri
“aniga, Rasuulkii Ilaahayow ma jeceshahay in aan dilo?”, Rasuulku SCW wuxuu yiri
“haa”. Maxammed binu Maslama ayaa Nabiga SCW ku yiri ii idan haddaba in aan
waxaan rabo kaa sheego”, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri “dheh wixii aad doontid”.
Maxammed binu Maslama waxaa markaa raacay dhowr nin oo kala ahaa: Cubaada
binu bishir, Xaarith binu Aws, Abuu Cabsa binu Xabir iyo Abuu Naa’ila (sulkaan
binu salaam) oo ay Kacab binu Ashraf naas wada nuugeen. Maxammed binu Maslama
ayaa markaa Kacab u tegey oo ku yiri “ninkani (Nabi SCW) wuxuu na weydiiyey
sadaqo”, Kacab ayaa yiri “Ilaah baan ku dhaartaye waan filayey”. Maxammed binu
Maslama wuxuu yiri “hadda waan raacnay, mana ka harayno ilaa aan aragno meesha
ay arrintiisu ku dambayso, waxaan marka kaa dooneynaa in aad na amaahisid jawaan
ama labo jawaan (oo raashin ah)”, Kacab baa yiri “rahan (carbuun) ayaan idinka
rabaa”, Maxammed ayaa yiri “maxaad doonaysaa?”, Kacab ayaa ku warceliyey
“dumarkiina rahan iiga dhiga”. Maxammed ayaa markaa Kacab su’aaley “sidee baan
dumarkayaga kuugu rahannaa adigoo carab ugu qurux badan?”, wuxuu Kacab yiri
“haddaba wiilashiina ii rahma”, Maxammed ayaa yiri “ma wiilashayada ayaannu kuu
rahannaa si hadhow loo caayo oo loo yiraahdo “waa kii jawaanka ama labada jawaan
loo rahnay” taasi ceeb bay nagu tahay, laalkiin waxaan kuu rahmaynaa oo kuu
dhiibeynaa hubkayaga”. Abuu Naa’ilna sidoo kale ayuu sameeyey.
Kacab ayaa markaa kor u hadlay isagoo raba in arrinkaa la maqlo, waxaa
markaa lagu yiri “war hooggaagee ina Ashrafow dan baan kuu sheeganay ee noo qari”,
Kacabna, arrinkaa waa aqbalay, Abuu Naa’ila ayaa markaa hadlay oo yiri “ninkaani
(Rasuulka SCW ) dhib buu noogu yimid oo carab haddaanu nahay caado ayaannu
lahayn, hal dhufeys baannu ku wada jirney. Waddooyinkii buu naga gooyey ilaa ay
ciyaalkayagii ka caqdaan oo naftayadii ka dhibaatooto oo annaga iyo
ciyaalkayagii dhibaato aan ku sugnaano”. Ka dib wuxuu yiri abuu Naa’il “asxaab
aan isku fikrad nahay ayaa ila socotay, waxaan doonayaa in aan kuu keeno oo aad
wax ka iibisid, wanaajisana”.
Ninkii la oran jirey Kacab binu Ashraf wuu yeelay arrimahaas oo dhan. Waxaa
la ballamay habeeennimadii bisha Rabbiicul Awal ahayd 14, sanadkii 3aad ee
hijriga. Kooxdii hawshan fulineysey waxa ay isla habeenkiiba u tageen Rasuulku
SCW wuuna la soo dardaarmay, wuxuuna ku yiri “ku socda magaca Allaah, Allahayow
u kaalmee”. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu ku laabtay gurigiisii oo salaad ayuu galay.
Kooxdii waxay tageen aaggii uu degganaa Kacab waxaana u dhawaqay Abaa Naa’ila.
Kacab wuu istaagay si uu u baxo, haweentiisii oo uu mar dhow soo guursaday, ayaa
ku tiri “xaggee saacaddan u baxaysaa? dhawaaqa aan maqlay waa mid dhiig ka
da’ayee”. Wuxuu yiri Kacab “waa walaalkay Maxammed binu Maslama iyo midkaan
naska wada nuugnay, Abuu Naa’ila, ninka ragga ahna haddii loogu yeero arrin waa
yeelaa”. Markaa ayuu soo baxay isagoo barafuun isku soo shubay oo madaxiisu soo
carfayo. Abuu Naa’ila wuxuu saaxiibbadiis ku yiri “markuu yimaado madaxa ayaan
qabanayaaye, markii aad aragtaan in aan si fiican u qabtay sefaha ku booba”.
Kacab markuu yimid oo mudoo lala sheekeysanayey, ayuu Abuu Naa’ila ku yiri “ka
warran ina Ashrafow haddii aannu aadno derbiga duqdii hebla ahayd si aan isaga
sheekaysanno habeenka inta nooga hartay”, isna wuxuu yiri “haddii aad doontaan
waxba kama qabo”.
Markii la baxay oo dhex la sii marayo ayuu Abuu Naa’ila yiri “caawa oo kale
ma arag cid ka catar udgoon Kacab”, markuu hadalkaa maqlay ayuu faan galay oo
yiri “dumarka carbeed catarkoodii baa agtayda ah”, Abuu Naa’ila wuxuu yiri “ma
ii oggolanaysaa in aan ursado madaxaaga?” Kacab wuxuu yiri “haa”, markaas ayuu
Abuu Naa’ila gacanta madaxa ka geliyey oo ursaday, saaxiibbadiisna ursiiyey.
Xoogaa ayaa la socday. Abuu Naa’ila ayaa markaa yiri “ma ku celiyaa?”, “haa”
ayuu Kacab yiri, sidii oo kale ayuu yeelay. Ka dib markii xoogaa la sii socday
oo Kacab is kala dhigtay ayuu Abuu Naa’ila yiri sidii oo kale, markuu Kacab u
oggolaadayna, madaxa intuu gacanta ka geliyey ayuu si fiican uga faro buuxsaday,
oo yiri “waan hayaa cadowgii Ilaahay”, markaas ayey seefaha ku boobeen hase
yeeshee seefihiii waxba waa ka tari waayeen (wey dili waayeen), markaas ayaa
Maxammed binu Maslama mindi ka geliyey caloosha ilaa uu ka diley.
Cadawgii Ilaahay ee Kacab, isagoo qaylo aad u daran ku qaylinaya, taas oo
ka argagixisay wixii gaararkiisa joogey, ayaa naftii ka baxday oo laga
takhalusay.
Ka dib kooxdii way soo laabteen iyagoo seefohoodii qaar ka mid ahi ay
dhaawac gaarsiiyeen Xaarith binu Aws, wayna ka soo tageen iyagoo u hasta in ay
dhan yihiin hase yeeshee markii ay dhex marayeen ayey ogaadeen in uu Xaarith ka
maqan yahay. Meeshii ayey markaa fariisteen oo mudo ku sugeen, markii uu u
yimidna way soo xambaareen.
Markii ay Rasuulka SCW u soo dhow yihiin ayey takbiirsadeen, Rasuulkuna SCW
markii uu maqlay takbiirtooda ayuu fahmay in ay soo dileen cadowgii Ilaahay,
markaas ayuu isna takbiirsaday. Markii ay u yimaaddeenna wuxuu yiri “wejiyaal
baa liibaanay”, markaa ayey dheheen “wejigaaguna wuu liibaanay Rasuulkii Allow”,
ka dibna madaxii Kacab oo ay soo gooyeen ayey Rasuulka SCW hortiisa ku soo
tuureen, Rasuulku SCW Allaah ayuu mahadiyey dilitaanka ninkaas la dilay,
Xaarithna meeshii nabarka ayuu uga tufay, waan u buskootay.
Yahuuddu markii ay ogaatay waxa ku dhacay Kacab ibnu Ashraf iyo sida
khatarta ah oo looga takhallusay, ayaa Ilaahay quluubtooda ku riday baqdin iyo
argagax, waxayna ogaadeen in Nabi Maxammed SCW uu awood u isticmaalayo
abaalkoodana marinayo ciddii wanaag iyo nabad diidda. Sidaa darteed yahuudi wa
ku cibro qaadatay arrinkaan iyo kiii ka horreeyey ee reer banii Qaynuqaac ku
dhacay, waxayna joojisay kibbirkii iyo faankii, magaalada Madiinana waxay ku soo
laabatay xasiloonideedii, Rasuulka SCW iyo asxaabtiisiina waa ka kala fududaatay
dhibaatadii gudaha ka haysatay ka dib markuu labadaan ficil ku dhaqaaqay.
DUULLAANKII DII AMAR
Wardoonkii Madiina ayaa wuxuu soo gudbiyey in qabiilooyinka la kala yiraahdo
banii Thaclaba iyo Muxaarib ay isu urursadeen sidii ay Madiina duullaan ugu soo
qaadi lahaayeen. Rasuulku SCW markii uu arrintaa ka war helay wuxuu diyaariyey
ciidan dhan Afar boqol iyo kontan nin, waxayna taariikhdu ahayd bishii Muxarram,
sannadkii 3aad ee hijriga. Rasuulku SCW magaalada Madiina wuxuu madax uga dhigay
Cusmaan ibnu Cafaan, dabadeedna ciidankii ayuu la baxay.
Dhex markii la sii marayo ayaa waxaa la qabtay nin u dhashay qabiilkii lagu
socday ee reer banii Thaclaba, ninkaas, waxa uu ugu yeeray islaamka, isna waa
aqbalay oo waa islaamay. Dabadeedna wuxuu horkacay ciidankii si uu u tuso
fariisimaha uu cadowga daggan yahay.
Qabiilooyinkii markii ay maqleen soo bixitaanka Rasuulka SCW ayey ka
carareen meeshii ay joogeen oo hawdka galeen.
Rasuulku SCW wuxuu tegey meeshii ay isku urursanayeen, wuxuuna degganaa
halkaas bishii Safar oo dhan, si reer baadiyaha jihadaas deggan oo dhan u
ogaadaan awoodda muslimiinta. Ka dibna Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxa ay ku
soo laabteen Madiin
DUULLAANKII BAXRAAN
Bishii Rabbiicul Aakhir, sannadkii 3aad ee hijriga ayaa Rasuulka SCW iyo
Saddex boqol oo nin oo uu hogaaminayo u bexeen meesha la yiraahdo Baxraan, oo
Xijaas ka mid ah. Wuxuuna u baxay qureysh, meeshii ayuu tegey wuxuuna joogey
intii ka dhimanayd bishii Rabbiicul Aakhir iyo bishii ku xigtey ee Jamaadul
Uulaa, ka dibna Madiina ayuu ku soo laabtay isaga oo aan wax dagaal ah soo gelin.
ILAALADII SEYD BINU XAARITH
Markii la gaaray waqtigii jiilaalka ee qureysh Shaam u safri jirtey ayey
qureyshtu isu diyaariyeen safar, markaas ayey ka wada tashadeen waddadii ay
safarkooda marin lahaayeen, maxaa yeelay cunaqabatayn ayaa saaran oo waddo kasta
oo ay isku dayaan muslimiinta ayaa ugaarsanaya. Waxaa markaa hadlay Safwaan binu
Umaya, oo ay u doorteen in uu safarka kexeeyo, wuxuu yiri “ma garanayo wax aanu
ku samayno Maxammed iyo asxaabtiisa, dadka xeebta degganna way la heshiiyeen oo
badankoodu isaga ayey la jiraan, mana garanayno meel aan marno, haddii aan
guryahayaga iska joognana waxa aan cuneynaa lafahayagii oo waxba noo hari
mahayaan, noloshayada Makkana waxa ay ku dhisan tahay ganacsiga jiilaalka ee
Shaam iyo kan xagaaga ee Yaman”. Arrimahaas markii uu Safwaan ka warramay ayaa
laga wada hadlay mawduucii, waxaana fikrad keenay Aswad binu Cabdimudhalib oo ku
yiri Safwaan: “iska daa waddada xeebta, waxaadna qaaddaa waddada Ciraaq”,
waddadaas Ciraaqna waxa ay ahayd waddo dheer oo sii marta Najdi ilaa Shaam laga
gaaro, Madiinana waxaa laga marayaa dhinaca bari ee qorrax ka soo bax oo aad uga
fog Madiina, qureyshna ma aqoon waddadaas, mana marin markaas ka hor. Sidoo kale
wuxuu Aswad u tilmaamay safwaan in uu kexeysto ninka la yiraahdo Furaat binu
Xayaan, oo u dhashay qabiilka la yiraahdo Banii Bakar, si uu safarka waddada u
mariyo.
Safwaan iyo safarkiisii waa ay bexeen isagoo wata koox rag ah, waxayna
qaateen waddadiii cusbeyd, iyagoo ku baxay si qarsoodi ah. Hase yeeshee
sirtoodii waa la helay, sida lagu helayna waxa ay ahayd: nin la yiraahdo Sulayd
binu Nucmaan, oo muslim ahaa, iyo nin gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey
Naciim binu Mascuud Al-ashjaci, ayaa meel khamro ku wada cabbey (waana intaan
khamrada laxarimin). Markii ay sakhraameen ayaa Naciim si tifafiran uga warramay
khiddada safarkka iyo meesha uu mari doono, markaas ayaa Suleyd si degdeg ah
khabarkii Rasuulka SCW ugu soo gudbiyey. Rasuulku SCW markii loo keenay wuxuu
direy ciidan gaaraya Boqol nin oo rakuubley ah, wuxuuna madax uga dhigay Seyd
binu Xaarith.
Ciidankii waxay jidka ku sii jiraan waxa ay si kedis ah ku qabteen safarkii.
Raggii waday oo uu Safwaan madaxda u ahaana way carareen, muslimiina waxay soo
qafaasheen safarkii iyo ninkii la oran jirey Furaat binu Xayaan, oo ahaa ninkii
dhul yaqaanka ahaa oo safarka hor socday. Riwaaayadaha qaarkood waxay ku daraan
in Furaat iyo laba nin oo kale la qabtay. Ka dib waxa ay ciidankii u tageen
Rasuulka SCW iyagoo safarkii wata. Alaabta safarkaa saarnayd waxaa lagu qiyaasay
100,000 oo Diinaar. Rasuulku SCW markii uu ka saaray khumuskii ayuu xoolihii u
qeybiyey raggii duullaankaas galay. Ninkii ahaa Furaat ee la soo qabtayna waa uu
islaamay.
Nimankii qureysh ahaa waxaa u hoydey murugo iyo calool xumo, waxaana ku
caddaatay talo, maxaa yeelay waddada sidaa loogu galay waa waddadii keliya ee ay
naf bidayeen. Sidaa darteed waxa ay duruufu kala dooransiisey in aysan safar
dambe gelin, oo ay cunaqabatayntaa ku jiraan in ay Rasuulka SCW heshiis la
samaystaan iyo in ay dagaallamaan, oo iyaga iyo Nabi Maxammed SCW fooda is
daraan. Waxayna doorteen midda u dambeysa oo dagaalka ah, waxay xoojiyeen
tabaabulshihii ay ku jiree, waxayn qadeen olole ballaaran sidii ay Rasuulka SCW
ula dagaallami lahaayeen.
| |
Home Up
Qur'aan Self-Study
Islamic
Links
Isfa Online Academy
Sheekhdirir.com
Houseofquran.com
Duruus
Daarulcilmi.com
|