| |
DAGAALKII BADAR (Qaybtii 3aad)
Intaa
ka dib waxaa bilaabmay dagaalkii wuxuuna u bilowday sidan: Nin la oran jirey
Aswad binu Cabdil-asad Al-makhsuumi, oo ka mid ahaa ciidanka gaalada, ahaana
sidiisaba nin akhlaaq xun, ayaa ka soo dhex baxay ciidankii gaalada isagoo leh
“Ilaahay waxaan kula ballamay in aan darkooda ka soo cabbo ama aan soo dumiyo
ama ka soke la igu dilo”. Markii uu soo baxay ayaa waxaa u soo baxay Xamsa binu
Cabdimudhali oo seef ka hor geeyey waxayna seeftii kala goysey dhudhunka, dhabar
dhabar ayuuna u soo dhacay markaasuu xammaartay isagoo doonaya inuu dhaartiisii
fuliyo oo darka gaaro hase yeeshee Xamsa ayaa ka daba tegay oo seef kale ku
dhuftay isagoo darkii ku jira halkaas ayuuna ku naf waayey. Ninkaas ayaan aahaa
ninkii ugu horreerey ee goobtaas Badar ku dhinta.
Waxaa markaas ciidankii qureysh ka soo banbaxay saddex nin oo isku hal qoys
ah lana kala oran jirey Cutba ibnu Rabbiica, Walaalkiis Shayba ibnu Rabbiica iyo
wiilkiisii Waliid ibnu Cutba. Nimankaas oo ahaa halyeeyadii qureysh waxay
dalbadeen in saddex nin dhinaca kale soo banbaxaan. Waxaa markaa Rasuulku SCW u
saaray saddex nin oo Ansaar ah oo kala ahaa Cawf binu Xaarith, walaalkiis Mucaad
binu Xaarith iyo Cabdullaahi binu Rawaaxa. Nimankii qureysh waxay yiraahdeen
iyagoo doonaya inay ogaadaan nimanka loo soo xulay “waa kuwama”, markaasaa loogu
jawaabay “waa koox ansaar ah”, dabadeed waxay yiraahdeen “kuf wanaagsan baad
tihiin danse idinkama lihin ee waxan doonaynaa ilma adeerradayo”, weliba nin
ciidanka gaalada ka mid aha ayaa intuu qayliyey yiri “Maxammadow noo soo saar
rag noo qalma oo ciddayada ah”. Markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu u soo saaray
saddexdii nin ee ciidanka ugu xigey oo kala ahaa Xamsa binu Cabdimudhalib oo
adeerkiis ahaa, Cali binu Abii-dhaalib oo ina adeerkiis ahaa iyo Cubeyda binu
Xaarith oo ina adeerkiis ahaa. Markay saddexdaa nin soo banbexeen ayey haddana
nimankii qureysh yiraahdeen “waa kuwama”, markii ay isu sheegeen ayey yiraahdeen
“waxaad tihiin kuf wanaagsan”. Ka dib ninba nin ayuu ku hagaagay; sida uu Ibnu
Isxaaq weriyey Cubeyda, oo saddexda muslimiinta aha u da’yaaraa, wuxuu u baxay
Cutba, Xamsana wuxuu u baxay Sheyba, Calina wuxuu u baxay Waliid. Hase yeeshee
Axmed binu Xanbal iyo Abii Daa’uud waxay weriyeen in Cubeyda u baxay Waliiid;
Calina u baxay Shayba; Xamsana u baxay Cutba.
Isu banbaxaas ayaa bilaabmay, Xamsa iyo Cali si dhadhso ahba waxay uga
takhaluseen labadii nin ee ku kala aaddanaa, hase yeeshee Cubeyda iyo ninkii ku
beegnaa waxay is dhaafsadeen laba seefood oo laba nabar oo halis ayey isku
dhufteen. Xamsa iyo Cali ayaa markaa u yimid oo ninkii kale is raaciyey,
Cubeydana soo xambaaray hase ahatee dhaawacaas ayuu u dhintay Cubeyda afar ama
shan beri dagaalka ka dib iyadoo ay muslimiintu jidka ku sii jiraan. Cali binu
Abii-dhaalib wuxuu ku dhaaran jirey in ay arrinkaas ku soo degtay aayadan.
(LABADAANI WAA DOODAYAAL KU DOODAY RABBIGOOD). (Suuratul-Xaj
19).
Nimankii mushrikiinta ahaa markay arkeen sida ay mubaarasadii (isu soo ban
bixiddii) ku dhamaatay, jab iyo guul darro degdeg ahna ay u soo hoyatey, ayna
waayeen saddex oo odeyaashoodii ahaa, kana mid ahaa fardooleydoodii, dagaalkana
wax ka hoggaaminayey, ayey hal mar soo qaadeen weerar ballaaran iyagoo ay ka
muuqato caro daran.
Muslimiintii markay arkeen nasriga iyo guusha degdegga ah ee Ilaaha u soo
hooyey iyo dhinaca gaalada jabka ku dhacay iyo weliba weerarka ay hadda soo
qaadeen ayey galeen difaac iyagoo fulinaya amarkii Rasuulka SCW ee ahaa “dagaal
ha qaadina ilaa aan amar idin siiyo, markay idiin dhawaadaan fallaaraha ku gana,
hana la bixina seefaha ilaa ay idin dul yimaadaan, taasoo ay xikmadda ku jirtaa
tahay in xamaasaddoodu ay jabto weerarkana ay ku hoobtaan sidaad darteed ayaa
waxaa ku dhacay gaaladii khasaare sun.
Rasuulku SCW wuxuu baryayey Rabbigiis, ducadiina wuu ku ilxaaxyey (ku cel
celiyey) isagoo leh “Allahayow i sii wixii aad ii yaboohday, Allahayow waxaan
kugu baryayaa ballaantii iyo yaboohii aad iga qaaday, Allahayow haddaad kooxdan
(muslimiinta) maanta halaagtid dib dhulka lagugu caabudi maayo, Allahayow
haddaad doonto lagu caabudu maayo maanta ka dib weligeed. Aad ayuu Rasuulku SCW
ugu xeeldheeraaday (ducada) isagoo Rabbigiis gargaar weydiisanaya oo isu
dulleynaya ilaa uu go’iisii kor ka dhacay. Abuubakar ayaa u soo qaaday go’ii oo
Rasuulka SCW ku yiri “Rasuulkii Allow kugu filan, Rabbigaana waad ku ilxaaxisay”.
Sidaa oo kale ayaa looga baahan yahay qofka mu’minka ah ee mujaahidkaa markuu
dadal nooc walba ah la yimaaddo inuu Ilaahay baryo oo uu gargaarkiisa weydiisto
uguna tadarruco (isu bihin bihiyo), una arko ciidan iyo awood wax walba oo uu
isu keeno ineysan wax tarayn hadduusan Rabbi u gargaarin.
Intaa ka dib Allaah ayaa u waxyooday Rasuulkiisa SCW oo ku soo dejiyey
aayaddan:
((XUSUUSTA MARKAAD GAG GAAR WAYDIISANAYSEEN RABBIGIIN
OO IDINKU AJIIBAY WAXAAN IDINKU SIYAADIN KUN MALAA’IGTA KA MID AH OO IS RAAC
RAACSAN, ALLENA (ARRINKAAS) WAX KALE UMA YEELIN ILAAA BISHAARO IYO IN AY
QULUUBTIINU KU XASISHO MAAHANE, NASRIGUNA MEEL KALE MA AHAA, ALLE AGTIISA
MA’AHAANE, ALLENA WAXA UU AHAADAY ALLE QAALIB AH OO XAKIIM AH)), (Suuratul-Anfaal
9-10).
Wuxuu Allaah sidoo kale u waxyooday malaa’igtii oo ku yiri aayaddan:
((MARKUU RABBIGAA U WAXYOODAY MALAA’IGTA (OO UU YIRI)
ANAA IDINLA JIREE SUGA (XOOJIYA) KUWA MU’MINIITA AH, WAXAAN KU RIDAYAA KUWA
GAALOOBAY QULUUBTOODA ARGAGAX EE KA GARAACA LUQUNTA KORKEEDA, KANA GARAACA XUBIN
WALBA)), (Suuratul-Anfaal 12).
Rasuulku SCW wax yar ayuu markaas lulmooday ka dibna madaxa ayuu kor u
qaaday oo samada eegay wuxuuna yiri “bishaareyso Abuubakarow waxaa kuu yimid
nasrigii Ilaahay, kani waa Jibriil oo faraskiisii wata, wejiga faraskiisuna uu
boor leeyahay”. Riwaayad kale oo Bukhaari weriyey waxay ahayd “bishaarayso
Abuubakarow waxaa kuu yimid narsigii Alle kani waa Jibriil oo ku dheggen
faraskiisa madixiisa oo qalabkisii dagaalka wata”. Rasuuku SCW wuxuu ka soo
baxay waabkiisa isagoo qaba cambuur bireedkiisi, wuxuuna akhrinayay aayaddan:
((WAA LA JABIN JAMACA (CIIDANKA GAALADA) DABADAYNA
JEEDIN)), (Suuratul -qamar 45).
Ka dib wuxuu qaatay cantoobo ciid ah oo ku seyriyey ciidanki gaalada.
Ciiddii ayaa markaa Allaah gaarsiieyey kulligood oo ka gashay indhaha, sanka iyo
afka. Allaahna wuxuu soo dejiyey aayaddan:
((MA IDINNAAN LAYN IYAG (GALADA) EE ALLAAH LAAYEY,
MANA AADAN GANIN MARKAAD GANAYSAY EE ALLAA GANY (OO INDHAHA KAWADA GALIYEY), SI
UU MU’MINIINTA UGU NIMCEEYO NIMCO WANAAGSAN, WUXUUNA ALLE YAHAY (ALLE) WAX MAQLA
OO KU CILMI LEH)), (Suuratul-Anfaal 17).
Rasuulku SCW wuxuu markaa bixiyey amarkii kama dambaysta ahaa wuxuuna amray
in ay weerar qaadaan wuxuuna ku booriyey dagaalka isagoo leh “Allihii Maxamed
naftiisu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye, nin maanta ma dagaallamo oo
lama dilo isagoo sabraya ajarna urursanaya soona jeeda oo aan daba jeedin illaa
Ilaahay Janno ayuu gelinayaa”. Wuxu kaloo yiri “u istaaga Janno ballaarkeedu
le’eg yahay smawaatka iyo dhulka”. Cummayr ibnu Xammaam ayaa markuu hadalkaa
maqlay yiri “bakhin bakhin” (oo uu ula jeedo liibaan liibaan), Rasuulku SCW
wuxuu ku yiri “maxaa kugu xambaaray hadalkan?”, Cummayr ayaa yiri “Rasuulkii
Allow wax kale iguma xambaarin illaa inaan damcayo inaan ehelkeeda (jannada) ka
mid noqdo maahane”. Rasuulku SCW wuxuu yiri “ehelkeeda ayaad ka mid tahay”,
Cummayr timir uu cunayey ayuu tuuray oo yiri “haddaan noolaado intaan timirtan
ka cunayo waa nolol dheer” wuuna dagaallamay ilaa uu ka shahiiday. Sidoo kale
Cawf binu Xaarith ayaa yiri “Rasuulkii Allow maxaa addoonku Rabbigiis ku farax
geliyaa?”. Rasuulku SCW wuxuu ugu jawaabay “Ilaahay waxaa farax geliya inuu arko
addoonkiisa oo gacantiisa dhex geliya cadowga isagoon waxba wadan” (oo uu ula
jeedo dagaalama isagoon wax uu isku difaaco (canbuur bireed) wadan). Markaas
ayuu Cawf orday oo dagaallamay ilaa laga dilay.
Rasuulku SCW khiddadii uu isticmaalay, oo ahayd in gaalada la weeraro
markay xamaasaddoodu jabto, waxay ahayd xeelad aad u cajiib badan oo ay
mulimiintu aad ugu faa’iideysteen, gaaladiina ku ridday niyad jab iyo fashil iyo
in safafkoodii kala jabaan.
Waxaa kale oo muslimiinta intaa u sii dheerayd dhiirrigelintii Rasuulka SCW
iyo wacdarihii uu ka muujiyay goobaha dagaalka, iyo sidoo kale malaa’igtii
Ilaahay oo dagaalka ku jirtey oo iyaduna gaalada ka goyneysey luqumaha dushooda
iyo xubin walbaba. Riwaayd laga weriyey Cikrama binu Subaji wuxuu ku yiri
‘maalinkaas waxaa la arkayey madax go’aya iyo gacan finiineysa oo aan la ogeyn
cidda ku dhufatay”.
Abuu Daa’uudal-maasini wuxuu yiri “waxaan ceyrsaday nin mushrikiintii ka
mid ah si aan u dilo, markaasaa madaxiisii soo dhacay seeftaydii oo aan gaarin,
markaasaan ogaaday in cid kale dishay”. Sidoo kale in Ansaartii Rasuulka SCW ka
mid ah ayaa soo qafaashay Nabiga SCW adeerkii Cabbaas binu Cabdimudhalib
markaasuu u keenay Rasuulka SCW, markaasaa Cabbaas yiri “Ilaah baan ku dhaartaye
inuusan kani i soo qafaalin ee waxaa i soo qafaalay nin ka mid ah kuwa ugu weji
qurxoon dadka oo saaran faras, haddan aanan ku dhex arag ciidanka”. Ninkii
saxaabiga ahaa ayaa markaa yiri “anigaa soo qafaalay Rasuulkii Allow”, markaasaa
Rasuulku SCW yiri “aamus Ilaahay baa kugu xoojiyey malak wanaagsane”. Arrimahaas
oo dhan waxay ku tusayaan sida ay malaa’igtii Rabbi uga qayb qaadatay dagaalkaas,
nasrigii Allaahna ugu dhaboobay goobtaas.
Cid walba oo u istaagta manhajka Alle iyo in ay kalimaddiisu kor noqoto
Allaah waa u gargaarayaa, ciddii ka hor timaadda manhajkiisa oo diaacda jidka
sheydaankana Allaah garabkooda ayuu ka baxayaa. Sidaa darteed nimankii qureysh
ahaa garabkooda ayuu Allaah ka baxay, safafkoodiina way kala jajabeen, waxayna
bilaaben carar iyo insixaab (dib u gurasho).
Ninkii la oran jirey sheydaan oo awal isku soo ekeysiiyey Suraaqa ibnu
Maalik sidaan soo sheegnayba oo laga soo bilaabo ilaa Makka la soo socday,
markuu arkay malaa’igtii Allaah oo soo degayso ayuu cararay. Xaarith ibnu
Hishaam, oo ka mid ahaa odeyaashii qureysh, ayaa sheydaankii tafta ku dhegay
isagoo u malaynaya Suraaqa ibnu Maalik, markaasaa sheydaankii xabadka ku dhuftay
oo ku cararay. Ciidankii gaalada qaar ka mid ah ayaa markaa ku qayliyey oo yiri
“xaggee u socotaa Suraaqo?”, miyaadan dhihin waan idinla joogayaa oo idin
faaruqi maayo?”, markaasuu yiri “waxaan arkaa wax aydin arag , aniga Allaah
ayaan ka baqayaa”. Allaahna isagoo arrintaan tilmaamaya wuxuu yiri:
((MARKUU SHAYDAANKU U QURXIYAY CAMALKOODA OO KU YIRI
WAX IDINKA QAALIB NOQON KARA OO AAD DAD AH MAJIRO ANNA WAAN IDIN LA JIRAA,
MARKAY IS ARKEEN LABADII CIIDANNA GADAAL BUU U GURTAY, WUXUUNA YIRI “ANIGA
BARIBAAN IDINKA AHAY WAXAANA ARKAA WAXAYDAAN ARAG, WAXAANA KA BAQAYAA ALLE, OO
WUXUU ALLE AHAADAY MID CIQAABKIISU DARAN YAHAY)), (Suuratul-Anfaal 48).
Mujrimkii weynaa ee Abii Jahal markuu arkay waxa ciidankiisii ku dhacay iyo
waxa uu Suraaqa ninkii uu u heystay sameeyay, ayuu ciidankiisii la hadlay oo ku
yiri ��yeysan idin niyad jebinin khiyaanada Suraaqa, maxaa yeelay Maxammad ayuu
ballan la lahaa, yeysanna idin murug gelinnin dilitaanka Cutba, Shayba iyo
Waliid maxaa yeelay way degdegeen, Laata iyo Cusaan ku dhaartaye noqon mayno
ilaa aan Maxammad iyo dadkiisa xargo ku xirxirno, hama dilina ee soo qabqabta si
aan u ogeysiino xumaatadadii ay sameeyeen”. Hase yeeshee hantaatacaas Abii Jahal
waxba ciidankii uma siyaadin maxaa yeelay xaqiiqdii ayey indhohooda ku arkeen,
meeshoodii ayeyna baqdintii iyo cararkii ka sii wadeen, qoortana looga guray.
Cabdiraxmaan ibnu Cawf wuxuu yiri “maalinkii Badar anigoo safka ku jira
ayaa dhinacayga midig fiiriyey mise waxaa jooga wiil da’yar, dhinacayga bidix
ayaan haddana fiirshey isna waxaa joogey wiil da’yar oo kii hore le’eg ,
markaasaan is iri “waaba anigoo aan aammin ku ahayn booska ay iga joogaan. Ka
dib labadii wiiil midkood ayaa isagoo kii kale ka qarsanaya igu yiri “adeer Abii
Jahal i tus” markaasaan ku iri “adeer maxaad ku samaynaysaa”, wuxuu yiri “waxaaa
la ii sheegay inuu caayi jirey Rasuulka Allaah SCW, Ilaahay ay nafsaddaydu
gacantiisu ku jirtey baan ku dhaartaye haddaan arko inaanan is gefaynin ila
midkayagii horreeyaa dhinto”, markaasaan la yaabay. Kii kale ayaa isna i
qanjaruuftay oo sidii oo kale igu yiri. Muddo yar ka dib waxaan arkay Abii Jahal
oo ciidankii dhex boodaya, markaasaan labadii wiil ku iri “miyeydiinaan u jeedin,
wa kaas saaxiibkiinnii aad i weydineyseen”, markaas ayey hal mark isa sii
daayeen oo seefihii ku boobeen ilaa ay dhulka dhigeen”. Ka dib labdii wiil
Rasuulka SCW ayey u yimaadeen, wuxuu ku yiri “kiinnee diley?”, mid kasta wuxuu
yiri “aniga ayaa diley”, Rasuulku SCW wuxuu yiri “ma masaxdeen seefihiinna?”,
waxay dheheen “maya”, markaas ayaa Rasuulu SCW seefahodii eegay oo ku yiri
“labadiinnuba waa disheen”. Dagaalku markii uu dhammadayna hubkii Abii Jahal
wuxuu siiyey mid ka mid ah labadoodii oo la oran jirey ibnu Camar ibnu Jumuux
maxaa yeelay kii kale oo la oran jirey Mucaad binu Cafraa’ goobtii ayuu ku
shahiidey.
| |
Home Up
Qur'aan Self-Study
Islamic
Links
Isfa Online Academy
Sheekhdirir.com
Houseofquran.com
Duruus
Daarulcilmi.com
|