Ka Baro Diinta
Islaamka
Live online Islamic courses |
Casharka 26aad ee Siirada Nebeiga Muxammed(S.C.W.) DHISITAANKII MASJIDKA RASUULKA SCW Rasuulka SCW markuu ku degay reer binu Cabdinajaar, gaar ahaan Abaa Ayuub Al-ansaari , hawl uu bilaabo wuxuu ugu hormariyey dhistaankii masaajidka. Waxaa masaajidka laga dhisay meel u dhow meeshuu Nabigu SCW ku degay oo bohol ahayd, qubuuro iyo geedo timir ihina ku yaalleen ayna lahaayeen laba wiil oo agoomo ahaa oo la kala oran jirey Sahal iyo Suheyl. Waxaana booska bixiyey Mucaad binu Cafraa' oo labadaa wiil mas'uul ka ahaa, oo Rasuulka SCW ku yiri, "Rasuulkii Ilaahow Sahal iyo Suheyl waa laba wiil oo agoon ii ah, anigaana raalli gelinaya ee masaajid ka dhiso", waxay kaloo kutubta qaarkood wariyaan in Rasuulku SCW uu labada wiil booska ka iibiyey. Waxa uu markaa Rasuulku SCW amar ku bixiyey in qubuuraha la faago oo la caro geddiyo, (gaalo ayey ahaayeen) boholahana la duugo, geedahana la jaro. Sidaa ayaa la sameeyey, ka dibna waxaa la guda galay dhisitaankii masaajidka. Habka loo dhisayna waxa u ahaa sidan: derbiyaalkiisa waxaa laga dhigay dhoobo iyo dhagax labin ah, saqafkiisana waxaa lagu daday timirta caleenteeda, tiirarkiisa dhexda ahna waxaa laga dhigay geed timireedka jiridiisa, qibladiisa waxaa loo jeediyey dhinaca woqooyi ee Baytu Maqdis hase yeeshee 18 bilood ka dib, markay soo degeen aayadaha Suuratu Baqara ku jira, ayaa qiblaadii dhinaca Makka loo wareejiyey, halkaas oo ay baaqi ku ahaan doonto ilaa qiyaamaha. Masaajidka gudihiisu wuxuu ahaa ciid, wuxuuna lahaa saddex albaab, dhererka masaajidku, marka laga soo bilaabo dhinaca qiblada ilaa meesha u dambaysa, wuxuu isu jirey 100 dhudhum, ballaciisuna sido kale ayuu ahaa. Rasuulka SCW wuu ka qayb qaatay dhismaha masaajidka, wuxuuna tirinayey gabay yar oo dhiirigelin ah oo macnihiisu yahay "Allahayow ceyshka aakhiro maahee ceysh kale ma jiro ee u dambi dhaaf muhaajiriin iyo ansaar". Asxaabtuna iyagoo aad u shaqeynaya ayey waxay qaadayeen beyt kale oo macnihiisu yahay "haddaan fariisanno Nabiga SCW oo shaqaynaya waa hawl aan wanaagsanayn". Ka dib Rasuulka SCW markuu dhammeeyey dhismihii masaajidka wuxuu dhinacyada masaajidka ka dhisay qowladihiisii, dabadeedna wuu ka soo guuray gurigii Abaa Ayuub Al-nasaari. Rasuulku SCW wuxu ugu hormariyey hawl uu qabto dhismaha masaajidka, ahmiyadda uu leeyahay iyo sida aan looga maarmin darteed. Wuxuuna yahay masaajidku markaska iyo xarunta muslimiinta, sidaa darteed maaddaama ay dowlad cusub oo islaam ahi ka dhalatay Madiina si ay u hesho Xarun ayaa dhismihiisa loogu hormariyey. Wuxuuna masaajidka Rasuulku SCW ahaa meesha salaadda lagu tukado, la isugu yimaado, lagu kala war qaato, diinta lagu barto, wax lagu kala xukumiyo (maxkamad), wufuudda lagu qaabilo, maxaabiista gaalada lagu xiro, dadka masaakiinta ah ay seexdaan mararka qaarkoodna dadka xanuunsan lagu daaweyn jirey. HESHIISKII IBNU UBAY IYO QURAYSHNimankii qureysh ahaa waxay aad uga xumaadeen muslimiinta iyo dhulka ay heleen iyo iney ka hoos bexeen cadaadiskoodii, sidaa darteed waxay mar walba ku dadaalayeen sidii ay muslimiinta dhib ugu geysan lahaayeen. Waxayna sameeyeen handadaado badan oo ay muslimiinta ku leeyihiin "ha moodina haddaad naga fakateen oo aam Madiina tagteen inaad ku nabad gelaysaan". Sidaa darteed waxay warqad u soo direen Cabdullaahi ibnu Ubay oo ay ku leeyihiin "waan ognahay inaad soo dhooweyseen Maxammed iyo dadkii la socday oo aad u ballan qaaddeen inaad u hiilineysaan, haddaba ama iska saara dadkaas ama duullaan ayaan idinku soo qaadaynaa oo iyaga iyo idinkaba waan idin dabar goynaynaa'. Cabdullaahi ibnu Ubay, oo aan weli muujisan islaamka, ayaa jawaab degdeg ah ku celiyey qureysh wuxuuna u sheegay in uu Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa la dagaallamayo, qureyshna la jiro. Rasuulka SCW markuu arrintaa maqlay, khudbad ayuu u jeediyey muslimiintii, wuxuuna ku yiri "dhagarta iyo khiyaamada ay qureysh idinku waddo waxaa ka daran tan aad idinka dhexdiinna isku waddaan (Aws iyo Khasraj)". Markaas ayaa muslimiintii ansaar ka hortageen arrintii Cabdullaahi ibnu Ubay, halkaas ayaana arrintiisii ku fashilantay, maxaa yeelay wuxuu rabay inuu qabiil ahaan u kiciyo Aws iy Khasraj oo Rasuulka SCW iyo muhaajiriinta ka horgeeyo. Sidoo kale qureysh waxay soo saareen go'aan ay xaramka uga joojinayaan dadkii reer Madiina. Xaalka oo sidaas ah ayaa waxaa baxay Sacad binu Mucaad oo muslimiita ka tirsanaa, ahaana odeygii Aws, wuxuuna aaday Makka si uu u soo cumreysto. Markuu tegey Makka ayuu wuxuu ku degay Umaya ibnu Khalaf oo ay jaahiligii saaxiibo ahaan jireen, oo markuu Umaya Madiina tago wuxuu ku dagi jirey Sacad, sido kale markuu sacad Makka tago wuxuu ku dagi jirey Umaya. Wuxuu Sacad Umaya ku yiri "waxaad ii eegtaa waqti ay kacbadu firaaqo tahay si aan u dawaafo". Markii ay kacbadii firaaqo noqotay ayey is raaceen oo kacbadii tageen. Goor ay dawaafayaan ayaa waxaa arkay Abii Jahal, markaasuu yiri "Umayow waa kuma ninkan kula socda", Umaya wuxuu yiri "waa Sacad binu Macaad". Markaas ayuu Abii Jahal ku yiri Sacad "Ilaah baan ku dhaartaye hadduusan Abuu Safwaan (Umaya) kula socon lahayn inaadan nabad ku laabateen maxaa yeelay intaad dadkayagii iishey (bidcoobey) u yeerateen oo dejiseen miyaad haddana dooneysaan inaad kacbada dhawaaftaan". Sacad ayaa marka hadlay oo ku yiri 'haddaad kacbada ii diiddo wax ka daran ayaan anna kuu diidayaa oo ah safarkiinna Shaam oo dhaqaalihiinnu ku xiran yahay ayaan waddada ka goyn doonaa", Umaya ayaa markaas Sacad ku yiri "Sacadow codka kor ha ugu dhigin abal xakam waa sayidka dadka toggan jooga'e" markaasaa Sacad ku yiri "na dhaaf Umaya Ilaah ayaan ku dhaartaye waxaan maqlay Rasuulkii Alle oo sheegaya in ay ku dili doonaan (muslimiinta), Umaya waxa uu yiri: "ma makay (igu dili doonaan)?" Sacad ayaa yiri: "ma ogi", Umaya hadalkaas si daran ayuu uga argagaxay, markuu reerkiisii u laabtayna waxa uu xaaskiisii ku yiri: "ma waadan ogayn waxa u Sacad igu yiri? waxay tiri muxuu kugu yiri? waxa uu yiri Maxamed ayaa u sheegay in ay i dili doonaan, markaasaan ku iri Makka miyaa, wuxuu yiri ma ogi. Ka dib Umaya wuxuu yiri: "Ilaahbaan ku dhaartaye inaanan Makka meelna uga baxayn, hase yeeshee dagaalkii badar ayaa Abii Jahal soo khasbay isagoo ka-hanaya, waxay haweentisii ku tiri: 'ma hilmaantay wixii walaalkaagii reer yathrib kugu yiri, wuxuu yiri meel dhow ayaan uga soo harayaa, dabadeedna ciidankii ayuu raacay intii dhex la sii socdayna gaadiidkiisu diyaar ayuu u ahaa ilaa uu badar tagay oo uu dagaalkii ka qaby galay laguna dilay. |
Islamic Links
|
|