Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka25

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

Casharka 25aad ee Kitaabka Siirada Rasuulka Muxammed (S.C.W.)

HESHIISKII UU RASUULKU SCW LA GALAY YAHUUDDII MADIINA

Yahuudii madiina daganayd sidaan soo tilmaanayba waxa ay ka koobnayd sadex qabiilo oo lakala oran jiray Banuu Qaynuqaac, Banuu Nadiir, iyo Banuu Qurayda, sidoo kale waxaa jirtay yahuud kale oo daganayd dhulkaas xijaas sida khaybar iyo agagaarkeeda.

Yahuuddaas oo ka soo guurtay dhinaca Shaam timidna Madiina iyo agagaarkeeda waqti hore waxay barteen luuqaddii carabiga, waxayna qaateen dhaqankii carabta. Saddexdan qabiil ee yahuuddu waxay xulafo la kala ahaayeen labadii qabiil ee carabta ahaa ee Madiina deggenaa (aws iyo khasraj) sidii aan soo sheegnayba.

Yahuuddu carabta waxay u ahaan jireen culimo maxaa yeelay waxa ahaayeen ehlu-kitaab oo diintii Nabi Muuse ayey hasteen. Waxayna markii hore ugu faani jireen "Nabi ayaa aakhiru samanka imaan doona, waana rumeyn doonaa waana idinla dagaallami doonaa" hase yeeshee markii uu Rasuulkii kitaabkooda lagu sheegay yimid oo carab ka soo baxay way diideen, xiqdi iyo xaasidnimo darteed iyagoo oranaya: "anaga ayay rusushu naga soo bixi jirtey". Kitaabkoodii in badan oo ka mid ah way beddeleen siiba intii ka warramaysay Nabiga SCW iyo sifooyinkiisa, waxayna Rasuulka SCW la qaabbileen colaad iyo xumaan.

Markii gaaladii qureyshi weydiiso in Maxammed SCW uu Nabi yahay iyo in kale waxay dhihi jireen "maaha Nabi idinkaana ka toosan oo ka hanuunsan". Ilaahayna isagoo arrinkaas ka warramaya wuxuu yiri:

((MA ARAGTAY KUWA KITAABKA QAYBTA LAGA SIIYEY OO RUMAYNAYA SIXIR IYO SHAYDAAN, KUNA DHAHAYA KUWA GAALOOBAY KUWAAN (GAALADA AH) AYAA JID UGA HANUUN BADAN KUWA MU'MINIINTA AH, KUWAASI (YAHUUDA) WAA KUWUU ALLE NACLADAY, CIDII ALLE NACLADANA U HELI MAYSDI GAR GAARE)), ( Suuratu-Nisaa 51-52).

Sidoo kale mararka qaarkood waxay Rasuula SCW u maleegi jireen shirqoollo ay rabaan iney ku dilaan, Arintaasna weligoodba caan ayey ku ahaayeen oo rususha Ilaahay qaarna way dili jireen qaarna way beenin jireen siduu Ilaahay ku leeyahay Aayadan:

((WAXAA ILMA BANII ISRAA'IIL KA QAADNAY BALAN, WAXAANA U DIRNAY RASUL, MAR WALBA OO RASUUL ULA YIMAADO WAXAYSAN NAFTOODU JECLAYN KOOXNA WAY BEENIYAAN KOOXNA WAY DILAAN)), ( Suuratul-Maai'idah 70).

Haddaba yahuuddu iyagoo sidaas rususha Ilaahay la qabbili jirey haddana Nabigu SCW wuu uga sii xag jirey oo waxay u arkeen iney iyagu rusulnimada uga xaq leeyihiin maaddaama ay rusushu iyaga ka soo bixi jiren. Waxay kale oo ay isu arkayeen siday haddaba aaminsanyihiin iney carabta iyo dadka kaleba ka sarreeyaan oo yihiin dad Ilaahay doortay.

Yahuuda dadka kasoo islaamay way yaraayeen, waxayna noqdeen dadka kuwa ugu cadaawada badan muslimiinta siduu Alleba qur'aanka ugu sheegay, waana arrin ay caan ku ahaayeen ilaa markii ay Ilaahay nacaladiisu ku dhacday, waana soo marnay qisadii Baxiira uu ku yiri Abii-Dhaalib oo ahayd wiilkan ka ilaali Yahuud, maxaa yeelay haddii waxa aan anigu ka fahmay ay ka fahmaan way dilayaan.

Yahuuda qofkii ka islaama waxa ay la qaabili jireen cadaawad, haddii uu qofkaasi ahaa dadkooda kan ugu sharaf badnaa markii uu islaamo waxay ka dhig jireen kan ugu xun, waxaan bukhaari saxiixiisa ku wariyey in markii uu Rasuulku SCW madiina yimid uu nin ragooda kuwa ugu sharafta badan, uguna cilmiga badan kamid ahaa oo la oran jiray Cabdullaahi binu Salaama uu islaamay markii Rasuulku SCW madiina yimid wuxuu ku yiri: "waxa ay yahuud ogtahay in aan ahay sayidkoodii iyo caalimkoodii uuna i dhalay sayidkoodii iyo caalimkoodii marka u yeer oo wax iga waydii (sidaan dhexdooda ka ahay) intaysan ogaan in aan islaamay maxaa yeelay haddii ay ogaadaan in aan islaamay waxay iga sheegayaan wax aanan ahayn. Rasuulku SCW waa uu u cid diray markay u yimaadeena waxa uu ku yiri: "yahuuday Alle ka baqa, waxaan ku dhaartay Allihii isaga maahane uusan Alle kale jirin waad ogtihiin in aan Rasuulkii Alle oo xaqa ahay, aana la imid xaq ee islaama, waxay dheheen: "m ogin", wuxu yiri: "see Cabdullaahi binu Salaama dhexdiina ku yahay?", waxay dheheen: "wa sayidkaayagii nooguna cilmi badan, waxaana dhalay sayidkayagii ahaana caalimkayagii", wuxu yiri: "ka warama hadii uu islaamo", waxay dheheen: "xaashaa lillaah ma islaamayo (madhacayso)", wuxu yiri: "ka warama haduu islaamo"?, waxay dheheen: "xaashaa lillaah ma islaamayo", wuxuu yiri ina salaamow usoo bax markaasuu soo baxay oo ku yiri: "yahuudey Alle ka baqa Ilaah baan ku dhaartay, Allihii isaga maahane uusan Alle kale jirine waad ogtihiin in uu (Nabi Maxamed) yahay Rasuulkii Alle SCW oo uu xaq la yimid", waxay dheheen: "been baad sheegtay", markaasuu Rasuulku SCW (iyagii) iska bixiyey.

Rasuulku SCW markuu arkay yahuudda iyo cadaawaddooda iyo ineysan xaqa doonayn wuxuu sadexdii qabiil ee yahuudda ahaa la samaystay heshiis ah in la is nabad geliyo, cadowna aan la isugu kaalmayn, Madiinana la wada difaaco, waxayna qodobadii heshiiskaasi ahaayeen sidatan:

1. Yahuudu waxay baxsanaysaa qarashkeeda, (markii magaalada la wada difaacayo) muslimiintuna waxay baxsanayaan qarashkooda.

2. Yahuudu waxbay labixinayaan muminiinta inta ay muminiintu dagaalka ku jiraan.

3. Yahuuda reer banii Cawf waa ummad muminiinta la nool, yahuudu diintooday leeyihiin muslimiintuna diintooday leeyihiin, (yahuudu) waxay leeyihiin ma waalidooda iyo naftooda (waa xor) qofkii dambi gala oo dulmi sameeya maahane, qofkaasuna ma halaagayo waxaan naftiisa iyo reerkiisa ahayn.

4. Yahuuda reer banii Najaar waxay leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer banii Cawf leedahay oo kale.

5. Yahuuda reer banii xaarith waxay leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer banii Cowf leedahay oo kale.

6. Yahuuda reer banii saacida waxay leedahay (xaquuqda) ay yahuuda reer banii Cawf leedahay oo kale.

7. Yahuuda reer banii Jasham waxay leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer banii Cowf leedahay oo kale.

8. Yahuuda reer banii Aws waxay leedahay (xuquuqda) ay yahauuda reer cowf leedahay oo kale.

9. Yahuuda reer banii thaclaba waxa ay leedahay (xuquuqda) ay yahuuda reer Cowf leedahay oo kale, qofkii dulmi la yimaada oo dambi gala ma ahane, isaguna waxaan naftiisa iyo reerkiisa ahayn ma halaagayo.

10. Reer Jafna waxay kamid yihiin (yahuuda) reer thaclaba.

11. Reer banii shudhayba waxa ay leeyihiin (xuquuqda) ay yuhuuda reer banii Cawf leedahay oo kale, samafalkuna xumaantu is hortaagaa.

12. Xulufada reer banii Thaclaba iyagay ka mid yihiin.

13. Saaxiibada yahuud iyagay la mid yihiin (oo xuquuqdoodo kale ayey leeyihiin).

14. Qof iyaga (yahuuda) ka mid ah oo bixi karaa ma jiro, in uu Maxamed SCW u idmo ma ahane.

15. Qof loo qaban karo ma jiro dhaawac hore aargudashadiis, qofkii dhib sameeyana waxa uu halaagay naftiisa iyo reerkiisa, qofkii la dulmiyey maahane, Allena raali ayuu ka yahay kaas.

16. Cidda waraaqdaan kala qoratay way iska kaashanayaan cidii la dagaasha, waxaana ka dhexeeya waanin, waano iyo samafal xumaanta joojiya.

17. Qofna loo qaban mahayo xiliifkiisa (dambiga uu sameeyo), gargaarkana waxaa iska leh ciddii la dulmiyo.

18. Yahuudu waxay qarashka labixinayaan mumininta inta ay muminiintu dagaalka ku jiraan, (maxaa yeelay magaalda waa la wada daganaa mumiminiintaana difaaceysay).

19. Yathrib gudaheeda waa ka xaaraam (in ay ku xadgudubto) cidda waraaqdaan kala qoratay.

20. Midka la magan galiyo waxa uu la mid yahay qofka kale hadduusan dhib la imaan, dambina galin.

21. Madiina cid la guma magan galin karo in dadkeeda (Rasuulka SCW) looga idan qaato ma ahane.

22. Wixii cusub ee ku soo kordha dadka warqaddaan kala qortay ama khilaaf laga baqayo in uu wax fasahaadiyo waxaa loo celinayaa Allaah iyo Rasuulka Alle ee Maxamed SCW Allena waxa warqaddaan ku qoran iyo wanaagiisa raali buu ka yahay.

23. Lama magan galin karo qureysh iyo ciddii garabsiisa.

24. Dadka warqaddaan kala qortay way isugu tagayaan ciddii yathrib ku soo duusha.

25. Haddii (yahuud) loogu yeero heshiis ay (cid kale) la galayaan oo ay samaysanayaan, waa ay galayaan wayna samaysanayaan, iyaguna sidaas oo kale hadday (muminiinta) ugu yeeraan xaq ayey ugu leeyihiin muminiinta waxaan ka ahayn cid Ilaahay diintiisa la dagaalamaysa.

26. Qolo walba waxaa dusheeda ahaaday in ay (difaacdo) dhinaceeda.

27. Yahuuda reer Aws waa xor naftooda iyo ma-waalidooduba, sida ay xor u yihiin dadka saxiifaddaan (kala qortay), waxayna wanaag barax la' kula joogayaan dadka saxiifaddaan ehelkeeda ah, samafalkuna waa in uu xumaanta ka soko maraa, kii xumaan sameeyana isagay dushiisa ahaatay. Allena waxa uu rumaynayaa (karaali yahay) waxa waraaqdaan ku yaala iyo wanaagiisa.

28. Is ma hor taago waraaqdaan qof aan daalim ahayn ama aan dambiille ahayn.

29. Qofkii Madiina ka baxaya waa aamin kii joogayana waa aamin waxaan ka ahayn daalim ama dambiile. Allena waa magan galinayaa qofkii samafala oo dhawrsada Rasuulka Alle ee Maxamedna waa magan galiyaa.

Sidaas ayuu ahaa heshiiskii uu Rasuuku SCW la galay yahuudii Madiina daganayd isaga oo u caddeeyey wax walba, kana dalbay in nabad gelyo loogu wada noolaado Madiina oo aan la isku xadgudbin, lana wada difaacdo magaaladaas la wada dagan yahay, hase yeeshee yahuud oo ilaa waqtigaasba caan ku ahayd dhagar iyo ballan ka bax ma aysan ilaalin ballaantaas ay Alle iyo Rasuulkiisa SCW la galeen muddo yar ka dibna waxay ay bilaabeen ballan jebin, intii hore waxa ay dusha ka huwanaayeen heshiiskaas hoostana waxay ka wadeen xumaan, waana arrinta haddaba lagu yaqaano oo ay caalamka ka dhaadhicisay hase yeeshee islaamku u yaqaano munaafaqnimo, waxaase la yaab ah in dad badan oo muslimiin sheeganaya ay siyaasaddaas sahyuuniyadda ee laba wajiilanimada ah u haystaan tan kaliya ee saxda ah iyaga oo ka indho la siyaasadda wanaagsan ee islaamka, haddaba sadexdii qabiilo ee yahuudda ahaa mid walba mar ayuu ka baxay, waxaynuna kaga hadli doonaa siday ugu bexeen ballantaas iyo siduu Rasuulku SCW u galay qeybaha soo socda.

Back Home Next

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:22