Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Timo Taxashadu waaxaaraan

Home
Up

WAA XAARAAN TIMAHA OO TIMO KALE LAGU TAXDO, QORRIDDA ILKKAHA, FANAX ISU YEELKA, IWM.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Allaah, Subxaanahu Watacaallaa wuxuu yidhi: Waxay u yeedhaan (Alle) beddelki dheddigood, Waxay u yeedhaan wax kale maahee waa uun Shayddaan, fallaago ah, oo Alle nacladay, wuxuuna yidhi: Hubaashii waxaan ka qaadan doonaa addoommadaada saami go’an. Waxaana hubaashii u horseedi doonaa iyaga habow, waxaana hubaashii gelin doonaa hawooyin, oo hubaashii waxaan amri doonaa, waxayna jari doonaan dhegaha xoolaha, oo hubaashii waa amri doonaa iyaga oo waxay doorin doonaan abuurta Alle. (Suurada al-Nissaa Aayadda117-119)

1641. Asmaa A.K.R. waxaa laga soo weriyey in haweeney ay weydiisey Nebiga (S.C.W.): Rasuul Alloow! Gabadhaydii timaha gubataa ka gashay oo waa ka jarmeen timuhu. Haatan nin baan ku darnay, ee ma ugu taxi karaa baruuko timaheeda? Nebigu (S.C.W.) wuxuu yidhi: Alle waa nacladay tii timaha timo ku taxata iyo tii ugu taxdaba. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale waxay leedahay Nebigu S.C.W. waa nacladay cidda sameysa baruukada iyo ciddii doonata baruuko.

Caa’isha A.K.R. waxay werisey isagoo kale oo Mutafaq ah.

1642. Xumayd bin Cabdur Raxmaan A.K.R. waxaa laga soo weriyey inuu maqlay Mucaawiyah oo ka leh minbarka sannadii uu xajinayey, intuu ka qaaday cuntub tin ah adeegihiisa: Reer Maddiinoow meeday culimmadiinii? Waxaan maqlay Nebigoo S.C.W. oo reebaya isticmaalka baruukadan oo leh: Banii Israa’iil waxaa la rogay markii ay haweenkoodii qaateen waxa kan oo kale. (Timaha been abuurka ah ay samaysteen). (Bukhaari iyo Muslim)

1643. Ibn. Cumar A.K.R. waxaa laga soo weriyey in Nebigu (S.C.W.) nacladay timo taxatada iyo u taxadada iyo tan ilkaha qorata iyo tan u qorta. (Bukhaari iyo Muslim).

1644. Ibn Mascuud A.K.R. wuxuu yidhi: Alle waa nacladay ilka qortooyinka iyo qorooyinka iyo kuwa sunniyahooda ku falaada iyo kuwa ilkahooda fanaxaha u yeela iyagoo qurux ula jeeda, oo abuurta Alle dooriya, Haweenay (Umm Yacquub) baa waxay weydiisey Ibn Mascuud A.K.R.: Waa maxay waxaa oo dhan? Wuxuu ku jawaabay: Maxaanan u nacladeyn kuwaa uu Raslkii Alle S.C.W. nacladay? Iyadoo kitaabka Alle (Qur’aanka) leeyahay: Wixii uu Rasuulka Alle idin siiyo qaata, wixii uu idinka reebana iska daaya. (59:7)      (Bukhaari iyo Muslim).

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:39