Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Hordhaca

Home
Up

Hordhaca Kitaabka Riyaadu Saalixiin

Sharafta iyo ahmiyadda axadiista rasuulkii Alle, Muxammad (S.C.W.) qiimaharuuxiga iyo adaabeed ay leeyihiin ka sokow, waxaa weyneeya of sharci utahay seddex meeloodoo meel dadka dhulka guudkiisa ku nool.
Hab nololeedkii nabiga (S.C.W.) iyo hadaladiisiina waa u fasir Qur'aanka,iyo dhamaystir. Qofka muslimka ahi waa suura gal inuu weydiiyo sugnaantaxadiis ama fal nebiga laga sheegay, laakiin mar allaale iyo markuu sugnaanteedaogaado, waa ku waajib qofkaa inuu ugu camal falaa sida aayad Qur'aan ah.

Qur'aanka iyo axaadiista nebiga (S.C.W.) waa halka qura ay ka soo fulaansharciga iyo xukunka Islaamka. Qur'aanku waa hadalkii Alle ee loo waxyoodeynebiga (S.C.W.). Wuxuuna u yahay muslimiinta meel iyo waa ay joogaanbaisha koowaad aan ka hadalka leheyn iyo ilaaliyaha xukunka xeerarka oo idil.

Nebigeenii Muxammad (S.C.W.) waa rasuulkii u danbeeyey ee lagu gunaanadeyrusushii Alle, risaaladiisana waa fartiintii u danbeysey ee Alle u soodiro adoomahiisa. Nabi ka danbeeyaana ma jiro. Sidaa awgeed Alle uma waxyoonoo keliya risaaladiisa nebiga, ee wuxuu ka dhigay tusaale wanaagsan ayku daydaan aadanahu, wuxuuna u doortay inuu noqdo rasuulkiisii u danbeeyeyrasuushii (gura dambeyskii rususha) dige iyo hanuuniye u ah dadka.

Wuxuu kulansadey nebiga (S.C.W.) wax kasta oo wanaag ah xagga akhlaaqdaiyo dabeecadda, iyo dhaqanka, wuxuuna ahaa mid ku dhaqma ee ku socda wixiiloogu waxyoodey oo lagu farey Qur'aanka.

Alle wuxuu yiri kor ahaaye:
'Waxaa idiinku sugan rasuulka Alle (Muxammad S.C.W.) tusaale wanaagsanee ku dayasho leh.' Suuradda al-Axsaab:Aayadda 21.

Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu ahaa matal wanaagsan oo lagu daydo lanaraaco, ereyo kale haddaynu ku niraahdo, wuxuu ahaa qur'aanka dhulka kusocda. Dhinac kasta, falalkiisa oo dhan, dhaqankiisa gurigiisa dhexdiisaiyo debediisaba waa wax qoran oo xafidan iyadoo faahfaahsan, si ay u noqotohanuun iyo tusaale iyo ileys aadanuhu iftiinsado.

Hogaamiyihii weynaa ee Hindiya 'M.K.Gandhi' wuxuu yiri: 'Axaadiistanebigii Islaamka waxay ka mid yihiin waxyaalah dhaxal galka ah Aadanuhuheystaan, muslimiinta ka sokow'.,

Liyoo Tolistooy, qoraagii Ruushka ee caanka ahaa iyo mufakirkoodii wuxuuku ogaadey oo ku garowsadey darajadii iyo meeqaankii weynaa ee rasuulkabuugaan 'Riyaadu Saalixiin' ka ee ka ka kooban hadaladii nebiga (S.C.W.)isagoo (Tolistooy) mar waliba wadan jiray buuggaa.

Nuskhad Riyaadu Saalixiin ah baa laga helay jubad weyn uu gashadey intuusanu bixin socodkiisii u danbeeyey, isagoo ku dhintay socodkaa beertii uufali jiray. Nuskhad Riyaadu Salixiin ah baa laga helay oo gaaddada ugujidha.
Qur'aanku, shaki li'i waa halka koobaad ay ka soo fuleen xeerarka Islaamka,ha yeeshee qodob kasta oo aan Qur'aanka lagu faahfaahin, waxaa lagu qeexayoo lagu cadeeyey hadalada nebiga ama dhaqankiisa ama hadalada iyo dhaqankaasxaabtiisii uu nebiguna qiray. Hadaladii iyo falalkii nebiga (S.C.W.)waxaa si daryee leh u dhageysan jiray oo ula socdey eheladiisa, iyo asxaabtiisa,kuwaa oo ku xafidey erey ama fal kasta oo ka soo baxa nebiga laabahooda.Waxeyna u gudbiyeen iyagoon waxba ka bedelin facyadii ka danbeeyey. Waxeysi dhab ah u rumeysnaayeen in erey kasta oo afkiisa ka soo baxa, ama fal,uu waxyi Alle yahay.
Aragtida iyo qabitaankaana waxey ka qaateen Qur'aanka kariimka, gaar ahaanaayadahan ku soo arooray Suurada an-Najm:
"Waa igu xidiga markuu hoobto'e, saaxiibkiin (waxaa loola jeedaa nebigaS.C.W.) ma dhumin, xaqana kama leexan. Kuma hadlo hawadiisa iyo hadal tororogah ee hadalkiisu waa waxyi xagga Rabbi uga yimaada. Waxaana wax barey (ooxagga Alle ka soo gaarsiiyey) ku xoog weyn (malag Jibriil)'. Suurada an-Najm:Aayadaha 1-5.

Hadaba iyadoo la eegayo ahmiyada ay u leeyihiin hadalada iyo dhaqankanebiga (S.C.W.) hanuunkeena, waxaa lagamamaarmaan ah in qof kasta oo muslimah ku adkeeya aqoontiisa Qur'aanka oo uu raaciyo taa axaadiista nabiga(S.C.W.).

Waa xaqiiq dhab ah oo jirta in meesha uu Qur'aanku ka yahay hadalkiiAlle, sunnadu sidaa ahayn. Luuqda labadaba way kala duwan yihiin, dadkaaqoonta u leh afka carabiga si fudud bay u kala saari karaan. Qur'aankashaki li'i waa mucjiso sare, aan lala tartami karin isagoo kalena la keenikarin. Insi ama jin ma jiro keeni kara xitaa aayad Qur'aanka ka mid ah.Waa taxaddi joogto ah, cid ku dhacdeyna ayan jirin inay yiraahdaan anigaaisagoo kale keeneyna 1400 sano waqti laga joogo iyo ka badan iyo ilaa maantadala joogo. Qur'aanku waa mucjiso nool iyo xujo muujineysa runta iya xaqnimadanabiga (S.C.W.) iyo Islaamka.

Si kastaba arintu ha ahaatee, luqada axaadiista in kastoo ay heer ahaangaareyn luqadda Qur'aanka, waxey iyaduna ka sareysaa qoraalada iyo dhahdooyinkadadka iyo halcurinadooda oo idil. Waxaa lagu tilmaamaa luuqda axaadiistaluuq sare, murti badan, oo wanaag iyo qurux leh iyo haldhac wanaagsan,wayna ka heersareysaa suugaanta Carabta oo dhan iyo gabayadooda.

Qur'aanka kadib, axaadiista iyo sunnaha nebiga (S.C.W.) waxay ka qaateenkaalin wayn iyo qayb lixaad leh sameynta iyo horumarinta xeerarka iyo sharcigaIslaamka. Waana Qur'aanka iyo sunnada masdarka qura ee diinta haday tahayqabitaan, cibaado, akhlaaq iyo macaamil.Qur'aanku iyo sunnadu waxay kakooban yihiin qodobo iyo mabaadi la xiriira qaybaha kala duwan ee noloshaqofka muslimka ah. Sidaa awgeed hadii uusan qofka muslimka ah aqoon u laheynaxaadiista iyo sunnaha nebiga (S.C.W.) way ku adkaan inuu ku noolaado nololwanaagsan oo aayo leh aduun iyo akhiroba, ama inuu ka hor tago dhibaatooyinkanolosha, ama inuu ogaado xuquuqda uu leeyahay iyo waajibaadka laga rabo.

Axaadiista iyo sunnuhu waxay ka kooban yihiin qodobo saameynaya qaybahanolosha oo dhan, waxaana weeye dhab ahaantii, khasnada iyo isha laga cabodabeecadaha wanaagsan iyo dhaqanka suuban ee guntoodu tahay horumarintanolosha qofka aduun iyo aakhiroba.

Inaad qaado dhabaha nebiga (S.C.W.) oo raadkiisa raacdo waa inay noqotaahadafka iyo ujeedada aad higsaneyso si aad u gaarto guul iyo liibaan iyobadbaado adduun iyo aakhiroba.

Wuxuu Alle yiri kor ahaaye:
"Ku dheh (Maxammadow S.C.W. dadka) hadii aad Alle jeceshihiin, isooraaca, markaas buu Alle idiin jeclaane." Suurada Aali-Cimraan: Aayadda31

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
"Anagaa ku diray nabiyow si aad marag, bishaareeye, iyo dige u ahaato.Si aad idinkuna dadow Alle u rumeysaan iyo rusuulkiisa, uguna gargaataan,una weyneysaan Allena u huftaan aroor iyo galabba).

Haddana bal aynu ku hadalno ururintii iyo xifdintii axaadiista iyo sunnaha.Waayihii Islaamka ka horeeyey ee jaahiliyada lagu jiray aad bay u yaraayeendadka wax akhrin karay ama qori karay. Taasi waxay ahayd mar aan sameyntabuugaagta habkan casriga la aqoon ayaana jirinna rugag lagu fidiyo qoraalada.Qoraagii Hangeeriyaanka: 'Ignas Goldziher' wuxuu yiri:

'Carabtu ma jecleen akhrinta iyo qorista, waxayna isku haleynayeen oola kaashanayeen si loo xafido taariikhda iyo suugaantooda xusuustooda'.Prof. Nicholsan wuxuu ku yiri buugiisa 'Taariikhda suugaanta Carabta: 'Qoraalkaaad buu ugu yaraa Carabta, gabayadii jaahiliguna oo heer sare ahaa uurkauun baa lagu hayey mana ay diiwaan gashanayn.' Arintaasi waxay keentayinay soo baxaan dad ku caan ah awooda kor wax ka qabashada (yacni xifdinta).

Waxaa ka mid ahaa ragga sidaa lagu yiqiin ee ku caanka ahaa nin Xammaadla oran jiray, ninkaa oo xaraf kasta oo alafbeetada ka mid ah ka tirinkaray gabay aad u dheer. Wuxuuna korka ka hayey 27000 oo gabay. Nin kaleoo la yiraahdo Abuu Zam Zam wuxuu mar tiriyay gabayo ay tiriyeen boqolaalgabayaa ay ku hal qabsadeen magac Cumar la yiraahdo. Waxaana jiray ragawood u lahaa inay tiriyaan gabayo si xiriir ah bil dhan joogsi iyo khaladiyo hakad la'aan ah.

Casrigan aan joogno xitaa waxaa jira rag awood xifdin wayn leh oo lalacajabo.

Beryihii hore axaadiista nabiga (S.C.W.) iyo sunnaha waxaa dusha kaqabtay reerihiisa iyo asxaabtiisa kuwii ugu dhowaa ee helay fursadda iyowanaaga la socodkiisa.

Dadkaa waxay ahaayeen hadaba kuwa meel wanaagsan joogay si ay u maqlaanama u xafidaan dhaqanka iyo hadallada nabiga (S.C.W.).

Dadkaa ururiya ama weriya axaadiista iyo falalka nabiga waxay ahaayeendad suuban oo aad u dhowrsoon, oo leh dhaqan iyo dabeecad wanaagsan.

Dadkaa daacadda iyo Alle ka cabsiga badan waxey yeeli jireen inay qoraanama korka ka qabtaan axaadiista iyo sunnaha nabiga (S.C.W.).

Baahida loo qabo xadiisyada awgeed waxey dadka aqoonta u leh ee dushaka haya ka akhrin jireen goobo iyo rugag leysugu yimaado oo kala duwan,masaajidda iyo meelaha lagu kulmo.
Inkastoo in badan oo ka mida axaadiista la qoray, tiro badan oo wax kuool ah baa ku xafidnayd quluubta asxaabtii aadka uga ag dhoweyd nabiga(S.C.W.)

Muddo kadib fitnadii ka dhex dhacday taageerayaashii Cali iyo Mucaawiye,waxay qolo waliba bilawdey inay soo saarto axaadiis, amarro, iyo tusaalooyinnabiga (S.C.W.) laga soo xigtay si ay u difaacaan aragtidooda iyo mowqifkooda.Waqtigaa bay bilaabeen kooxo munaafiqiin ah inay soo saaraan axaadiis beenah oo ay u tirinayaan nebiga (S.C.W.). Waxay qolodaa munaafiqiinta ah axaadiisbadan oo been ah ku dhex dareen kuwa run ah.

Si looga hortago arintaa, oo loo joojiyo, waxaa la dareemay baahidaiyo siday lagamamaarmaan u tahay in la soo saaro hab lagu baaro oo loogahor tago faafitaanka xadiisyada aan la hubin oo aan ka sugnaan nebiga (S.C.W.),hab suura geliya in laga sooco xadiisyada saxa ah kuwa beenta ama daciifkaah aan sugnayn.

Sannadkii 101 (hijradii ka dib), Cumar ibn Cabdulcasiis, oo ahaa madaxweyneAlla yaqaan ah oo dhowrsoon ee reer Banii Ummayad ah, baa wuxuu magacaabeyculimo aqoon dheer leh si ay u soo saaraan xadiisyada saxiixa oo uga soocaankuwa kale.

Culimadaa Alle yaqaannada ah waxay dajiyeen xeerar iyo habab lagu helohalka ay ka soo fuleen axaadiista iyo warbaxin la xiriirta nolosha wariyeyaashaxadiiska iyadoo fiiro gaar ah la sii nayey aragtidooda iyo aqoontooda iyoaqoontooda diiniga iyo dhaqankooda.

Dadaalkii culimadaa waxaa ka soo baxay oo ka dhashay culuum ay ka midyihiin "Cilmul Xadiis -aqoonta xadiiska-, Cilmurijaal- aqoonsiga raggaxadiiska wariyey -iyo Cilmul asmaa (cilmiga magacyada)".

Sidaa bayna ku bilaabatay in la marsiiyo xadiis kasta baaritaan adagoo laga eego xagga luqada, qaabka, ereyada iyo macnahaba, dabadeedna fikradaama mowduuciisa sida uu u waafaqayo Qur'aanka iyo axaadiista kale iyo sidauu ula socdo dhacdooyinka taariikhiga ah ee kale ee sugan.

Intaas dabadeedna silsilad kasta oo taxan ee wariyeyaasha xadiiska waxaala marsiinayey baaritaan, taariikhdooda, runtooda, awoodooda xifdinta iyoxusuusta, dhaqankooda, waxaana arintaa asaas iyo saldhig u ahaa xeerarkaiyo qodobada loo dejiyey 'Cilmurijaal'ka, iyo baaritaanka gaarka ee noloshagaarka ee sida faahfaahsan loo hayey ee la xiriiray asxaabtii rasuulkaiyo taabiciintoodii.

Arrintani waa hab baaritaan sare ay soo saareen culimo muslimiin ahkun sano ka hor, si loo ogaado waxaa inay run tahay ama dhacdo taariikhiah oo sugan iyo in kale.

Waqtigaa reer galbeedku war mahayn, waxayna ku jireen jahli daran iyomugdi wayn, moogaayeenna qaybahan cilmiga muhiimka ah, baaritaanka Islaamigaah wuxuu ahaa wax ku ool iyo hab baarid cilmi ah oo heer sare ah wax loodhigaana jirin, adduunkuna iyadoo kale la arag, ayna u badan tahay inaanayarki doonin.

Baaritaanka iyo shaqadaa adag ay la yimaadeen culimadaa waxaa ka dhashayin la qoro buugaag kala duwan oo faahfaahsan ee ka hadlaya noloshii weriyeyaashagaar ahaan dhaqanka iyo dabeecadoodii, iyo hufnaanta iyo runtoodii.

Habkan waxaa aad laysugu duway cilmigaa qaar ka mid ah ee la xiriiraweriyeyaasha ama ururiyaasha xadiiska oo si wanaagsan looga shaqeeyey ookalsooni leh. Waxaa ka mid ahaa ragii ka shaqeeyey cilmi xadiiska oo gacantawanaagsan ka geystay: Ibni shihaab Azzuhri iyo Abuu Bakar ibn Xazam.

Fikrad la xiriirta sida loogu dadaalay iyo shaqada lagu bixiyey ururintaiyo kala soocidda axaadiista waxay kaaga muuqan karaan tusaalooyinkan soosocda.

Ayuub al-Ansaari wuxuu ka dhoofay madiina oo aaday Masar si uu uga keenohal xadiis; sidoo kale Jaabir bin Cabdullaah wuxuu ahaa safar bil si uuhal xadiis uga keeno Cabdullahi bin Anas. Ururiye kale ee ku howlanaa ururintaaxaadiista nebiga wuxuu ogaadey oo loo sheegay nin hal xadiis haya.. Sidaabuu ugu dhoofay isagoo aad u jecel inuu ninkaa la sheegay la kulmo, markiiuu gaaray degaankiisii buu dadkii waydiiyey ninkii loo sheegay.. Markaasaaloo tilmaamay oo la yiri waa ninkaa. Wuxuu arkay ninkii oo isku dayayainuu qabto faras uu lahaa isagoo ku dagayey si uu u qabto faraskiisa weelmaran ugana digayey faraska inay cows ugu jirto iyo raashin. Ururiyihiimarkuu arkay ninkan, oo markaa dagaya xoolo, wuxuu ka qaatay fikrad ahinuusan ahayn nin buuxinaya shuruudii laga rabay ruuxa laga xigan karohadalladii nebiga. Wuxuu is yiri kani xadiis lagama xigan karo, sidaa buunaisaga laabtay gurigiisii isagoo aan lahadlin ninkii.

Halkaana waxaa kaaga muuqanaya sida loogu dadaalay ururinta axaadiistanebiga iyo sida looga dhowray oo looga hortagay wax kasta oo khalad ahoo la gelin karo, si ay facyada danbe u gaaraan xadiisyada iyagoo suganlagu kalsoon yahay oo aan innaba shaki iyo mugdi laheyn.

Qarnigii labaad ee Hijriyada iyo wixii ka danbeeyeyba culimo badan baaka shaqayshey arrimahan oo ka tegay kayd dhaxal gal ah oo la xiriira calaameyntaiyo hab kala saaridda axaadiista. Waxaa ka mid ahaa culimadaas sharaftabadan Abuu Jurayj oo Makkah deganaa, Imaam Maalik oo deganaa Madiina, ImaamSufyaan asSawri oo deganaa Kuufa (Ciraaq). Imaam Xammaad bin Salma oo deganaaBasra (Ciraaq). Imaam Cabdullahi ibn Mubaarik oo deganaa Khuruusaan (Oosbikistaan),Imaam Owzaaci oo deganaa Suuriya, iyo Imaam Abuu Xaniifa oo deganaa Ciraaq.Imaam Abuu Xaniifa waa aasaasaha mad-habka iyo madarasada Xanafiyada, Imaammaalik waa aasaasaha mad-habka iyo madarasada Maalikiyada, Imaam Shaaficiwaa aasaasaha mad-habka iyo madarasada Shaaficiyada, Imaam Axmed bin Xanbalwuxuu aasaasay mad-habka iyo madarasada Xabaliyada. Ha yeeshee shaqadiila qabtay ilaa markaa oo aad u qiimo badnayd ma ahayn mid dhan. Tusaaleahaan kitaabka al-Muwadda ee uu Imam Maalik uu qoray wuxuu ku soo ururiyeyoo keliya 1700 oo axaadiista nebiga ah (S.C.W.) waxayse taabteen oo quraarrimo la xiriira salaadda, soonka, xajka iwm.

Sidaa awgeed baa waxaa loo baahday in la sameeyo camallo dhan oo dhinackasta taabanaya oo lagu daro mawaadiicda kale oo dhan lana waasiciyo arrimahaay taabanayaan si ay ugu faa'iideystaan dunida muslimka oo dhan. Arrintaaiyagoo ka duulaya bay qaadeen culimo hor leh tillaabooyin hore leh oo lagubaarayo sugnaanta axaadiista.

Waxaana arrintaa u dhaqaaqey Imaam Muslim (181A.H.) iyo Imaam Bukhaari(256H.)..

Muhimmada koowaad ee shaqadooda waxey aheyd in la baaro magacyada silsiladais daba taxan ee xadiiska (yacni in lafiiriyo) (qofba qofkuu ka werinayo)ilaa laga gaaro weriyaha nebiga ka maqlay ama ka werinayo falka, waxaaarrintaa mid mid u eegidda bar bar socotey baaritaan hoose ee dhab loofaaqidayey akhlaaqda, dhaqanka, runta, garashada iyo xusuusta qof kastaoo ka mid ah weriyeyaasha xadiiska. Imaam Bukhaari wuxuu dadaal gaar ahku sii bixiyey inuu ku sameeyo baaritaan qoto dheer kana soo saaro kuwaugu saxsan kumaankunka xadiis ee markaa wareegeysanayey.

Wuxuu kala soo baxay 600,000 oo xadiis oo hortiisa yiil oo keliya 7275xadiis wuxuuna ku qoray kitaabkiisa saxiix al-Bukhaari.

Sidoo kale Imaam Muslim wuxuu ka doortay oo kala soo baxay 300,000 oohortiisa tiil oo keliya 9200 xadiis .. Xadiisyada ay soo doorteen ImaamBukhaari iyo Muslim waa axaadiis ay aad u xurmeeyaan muslimiinta, ugunaweyn. Waxayna u arkaan inay ku xigaan Qur'aanka.

Muddo kaddib, labadaa kitaab waxaa soo raacay afar oo kale oo loo yaqaansunanta afarta ah oo kala ah Imaam Abu Daawuud (275 Hijradii kaddib) ImaamTirmidi (279 Hijradii kaddib) Imaam Ibn Maajah (295 Hijradii kaddib) ImaamNisaa'i (303 Hijradii kaddib).

Waxaa sidoo kale jira ururin muhiim ah uu leeyahay Imaam Axmed bin Xanbal(241 Hijradii kaddib) oo loo yaqaan musnid Imaam Axmed. Ururinta xadiisyadaiyo sunnaha nebiga (S.C.W.) ahmiyaddooda diineed ka sokow waa axaadiissaxiix ah oo sugan iyo qorid maalin kasta ah oo la xiriirta dhacdooyinkataarikheed ee maalmihii hore ee Islaamka. Waa kutub looga faa'iideysankaro xagga taariikhda iwm. Aqoonyahan Hangeeriyaan ah oo la yiraahdo 'IgnazGoldzher' wuxuu ku sheegay qaybta labaad ee buugiisa 'Muslim studies' inayaxaadiistaani ay ifinayaan habka horumarka iyo fiditaanka Islaamka waayahiihore iyo dhacdooyinka taariikheed ee waayahaa hadday tahay xag siyaasad,bulsho, dhaqan iyo dhaqaale.

Xadiisyada la soo ururiyey aad bay u badan yihiin waana qaybo tiro badanann u fudadeyn qof kasta inuu akhriyo, fahmo oo uu xusuusnaado si uu ugucamal falo. Sidaa awgeed waxay aheyd laga maarmaan in la diyaariyo oo laisku dubbarido buug ka kooban axaadiis xul ah oo u muhiim ah nolosah qofkamuslimka ah si ay uga faa'iideystaan kuwaa aan fursada badan u heli karininay akhriyaan oo ka faa'iideystaan buugaagta ee la xiriira axaadiistanebiga (S.C.W.).

Buuga shuruudahaa buuxin kara waa buuga la yiraahdo oo la magac baxay'Riyaadus Salaaxiin' ama 'beertii suubbanayaasha' oo laba qaybood ah. waxaaqoray buugan caalimkii iyo muxadiskii weynaa, Imaam Muxyadiin Abuu ZakariyaYaxyaa bin Sharaf An nawawi oo ku dhashay Nawaa oo ah magaalo ku taal Suuriya.Sheekhaa oo noolaa intii u dhaxeysay 631 Hijradii kaddib (1233 dhalashadiiCiise kaddib) ilaa 676 Hijradii kaddib (1278 dhalashadii Ciise kaddib).

Imaam Nawawi wuxuu ku dadaalay inuu doorto 1900 oo xadiis oo ku jiraMuslim iyo Bukhaari iyo mid ama labo kutubta kale ee axaadiista sida Muwadda'auu qoray Imaam Maalik, Axaadiista buugan oo mas'alooyin kala duwan taabanaya.

Mu'allifkaa caalimka ah wuxuu hor dhac uga axaadiistaa aayado Qur'aanah oo la xiriira axaadiista isla mowduucna yihiin. Wuxuu aayadaha hor dhacuga dhigay cutub walba axaadiista uu ka kooban yahay.

Arrintaasi oo qiimo gaar ah u sii yeeleysa buuga, ayideysana inay sunnadutahay tan fasirta oo faahfaahisa Qur'aanka meelaha uu dulmarka ku sameeyey.Nuskhada asalka ee Carabiga ah axaadiista qaar baa soo noqnoqanaya oo cutubyokala duwan soo hoos galaya, halka tarjumada aan ka deynay wixii soo noqnoqanaya'innagoo tilmaameyna tiradii iyo cutubkii aan ku soo marnay.

Howshan waa tarjumad qaybta koowaad ee Riyaadhka, waxaynuna ku dadaalnayinay tarjumadu naska Carabiga ku dhisnaato xaraf ahaan iyadoo macnihiisi cad loo muujinayo.

Shakhsiyadda Imaam Nawawi uma baahna carrifid, waayo caan buu ka yahayoo waa laga yaqaan dunida Islaamka.

Waxaa innagu filan inuu ka mid yahay culimada waaweyn xagga aqoontaxadiiska, xikmad iyo cilmi badan lagu yaqaan, sharaf iyo xushmad leh oonaf hurid badan. isagoo ka tegay raaxo aduun oo naftiisa u huray fidintadiinta iyo u adeegeeda. Wuxuu ka mid yahay culimada tusaalaha loogu sooqaato arrimo badan.

Imaam Nawawi wuxuu qoray kutub badan, gaar ahaan kutub la xiriira axaadiistaiyo shuruuxdooda. Laakiin kitaabkiisan ah "Riyaadus Saalixiin"Wuxuu ka mid yahay kutubtiisa kuwa ugu mihiimsan, uguna nafac badan, waankitaab caan ah.

Boqollaalkii sano ee u dambeeyey oo dhan wuxuu ahaa kitaab loo noqdooo lala kaashado fidinta diinta iyo hirgelinteeda.

Maadaama uuna kitaabka asalkiisu Carabi yahay, uma suura galeyso dadbadan oo Muslimiin ah oo aan afka Carabiga aqoon u laheyn inay faa'iidokala baxaan. Inkastoo kitaabkan loo turjumay afaf badan, hadana waa markiiugu horreysay uu ku soo baxo Carabi-Somaali. Hadaba waxaan u soo gudbineynaatarjumadan Soomaaliga ah ee kitaabka 'Riyaadus Salaaxiin' dadka Soomaalidaah meelay joogaanba.

Buugan sidoo kale wuxuu aad u kaalmeyn doonaa Alle idanki dhallinyaradaSoomaliyeed wiilal iyo gabdhaba ee dadaalka ugu jira barashada diinta.Kuwaa oo ku kala nool Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, iyo meelo kaladuwan ee Afrikada ah, Yurub, Aasiya, Carabta, iyo Ameerika.

Wuxuu u suura gelin doonaa inshaa Alaah inay ku saleeyaan nolosha iyodhaqaankooda diinta Islaamka.

Waa in maanka iyo maskaxda lagu hayaa in aqoon Islaami ah oo sax ahay dhiseyso nolol macno iyo qiimo leh oo mira dhalisa, laguna liibaanoaduun iyo aakhiraba.

Islaamka waa manhaj dhan iyo hannaan dhisaya qayb kasta oo nolosha kamid ah waayo waa risaaladii u dambeysay ee ka timaada xagga Rabbi, Allekor ahaaye.

Islaamku wuxuu u dejiyey nidaam iyo xeer, oo u jeexay dhabo wanaagsandhinac kasta nolosha, waana hannaan iyo hab nololeed sare iyo caqiido wanaagsanoo miro leh iyo camal fal.

Walaalaheen Soomaaliyeed ee ku nool dalalka shisheeyaha waxay la kulmaandhibaatooyin kala duwan, kuma noola oo keliya dhul fog oo shisheeye, eewaxaa taa ugu sii daran inay ku dhex nool yihiin degaan aan Islaam aheyn,oo aan laga aqoon dhaqanka iyo caadooyinka muslimiinta. Nolosha lagu noolaadodalalkaa shaki li'i waxay leedahay soo jiidasho maadaamay ka hormareenxagga culuunta maadiga ah iyo tiknoolajiyada taa oo farxad iyo rayraynku abuuri karta qofka halkaa taga isagoo ka yimi Soomaaliya.

Waase in la ogaado in quruxda iyo dhaldhalaalka dunidaasi ku hormartayculuunta maadiga oo lagu daganaado, dabadeedna iyagii la iska daba galooo waxooda oo dhan xaq la moodo ay tahay arrin u horseedeysa facyadaa halkaatagay wareer, baaba'a iyo burbur. Waxaasu iyo quruxdaasi waa dhalanteediyo wirwir sideeda wax waarayana maaha, qiimo ay leeyihiin baaba iska yarhadii ayan qofku u wehlin taa imaan iyo caqiido suuban iyo u camal falashoaakhiro iyo dabeecad san iyo xushood.

Waxaynu ognahay inay dad badan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin dalalkala duwan oo Yurubta iyo Maraykanka ah. Dadkaa way ku adkaan inay diintoodadhowrtaan haddayan helin oo aan la barin diinta haday tahay caqiido, cibaadaad,akhlaaq, macaamil, iwm.

Waxaan rajeynayaa in buugan uu u suuragelin doono dadka Soomaaliyeedwaa iyo meel ay joogaanba inay diintooda ku dhaqmaan.

Cabdulcasiis Xasan Yacquub

Back Home Next

info@alimuse.com


Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:35