Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Kafakaridda Uunka Alle

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

CUTUBKA 9

Ka fakaridda uunka Ilaahay iyo Waxyaabaha inagu hareersan.

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

Ka fakaridda uunka Ilaahay iyo Waxyaabaha inagu hareersan

36. ‘Ku dheh (Muxammadow) Waxaan idinku waaninayaa hal mas’alo, waa inaad dar Alla laba labo iyo mid mid ugu istaagtaan dabadeedna fekertaan.” Suuradda Saba: Aayadda 46.

Wuxuu kaloo yiri: kor ahaaye:

37. 'Abuurista cirarka iyo dhulka iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta, calaamooyinbaa ku jira muujinaya (awoodda iyo ku keli ahaanshada Alle maamulka uunka iyo mulkigiisa iyo mudnaantiisa keligi cibaadada) waxayna ugu jirtaa kuwa wax garadka ah. Kuwa xusa Alle, joog, fadhi, iyo jiifba, oo ka fakara abuurista cirarka iyo dhulka oo (yiraahda) Rabbiyoow waxakan dheel uma aadan abuuran. Adaa Hufan! Innaga dhowr cadaabta naarta. Suuradda aali-Cimraan: Aayadaha 190 - 191.

Wuxuu kaloo yiri Alle hufnaaye:

38. 'Ma waysan fiirinay geela, sida loo abuuray? iyo cirka, sida loo bilay? iyo buuraha, sida loo qotomiyey? iyo dhulka, sida loo goglay? Waani, waaniye kaliyaad tahaye.' Suuradda Al-Qaashiya: Aayadaha 17 - 21.

Wuxuu kaloo yiri Alle weyne:

39. 'Ma weysan dhulka marin oo fiirin ciribta qoomankii iyaga ka horreeyey? Suuradda Muxammad; Aayadda 10.

Back Home Next

 

admin@alimuse.com

 


Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:13