Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka29

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

DAGAALKII BADAR [Qaybta 1aad]

Casharka 29aad ee Siirada Nabi Muxammed (S.C.W.)

Waxaan soo marnay inuu Rasuulku SCW muddo hal sano ku dhow uu ciidamo dirayey isagoo rabay inuu qureysh dhaqaaleheeda curyaamiyo oo ka gooyo jidka ganacsigoodu ku xiran yahay maddaama ay xoolihii muslimiinta dheceen, kana soo saareen guryahoodii, maalkoodii iyo ehelkoodii, ayna tahay qureyshi codowga ugu daran islaamka iyo muslimiinta intaasna soo dhibayey. Muslimiinta iyagoo ka jawaabaya falalkaas xun xun ee qureysh waxay ka joojiyeen safaradii u kala socday Shaam iyo Makka oo dhaqaalahoodu ku xirnaa. Qureyshi aad ayey arrintaa uga xumaatay, jidkiina ciriiri ayuu ku noqday ilaa ay ku kalliftay inay maraan badda xeebteeda oo halkaasna looga daba tegey. Waxaa kaloo qureysh ka sii xanaajiyey in Makka duleedkeeda safarradoodii laga ugaarsado. 

Haddaba waxaan soo marnay in Rasuulka SCW iyo ciidan u hoggaaminayo ay bishii Jamaadul Uulaa ku bexeen safar ay qureysh ledahay oo Makka ka tegey Shaamna u sii jeeda, hase yeeshee Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu waa soo wayeen safarkaas, dabadeedna waxay dhowrayeen soo noqodkiisa dambe. Labo bilood ka dib markii la is yiri safarkaasi waa soo gaddoomay ayaa Rasuulku SCW wuxuu diray laba nin oo kala ahaa: Dalxa ibnu Cubeydillaah iyo Saciid ibnu Seyd wuxuuna ku yiri "socda oo baadi gooba soona ogaada meesha ay soo maraayaan iyo waqtiga ay ku soo aaddan yihiin". labadii nin way baxeen dabadeedna waxay gaareen meesha la yiraahdo Xuura, halkaas markay ayaamo joogeen ayaa waxaa soo maray safarkii qureysh oo tijaaro iyo alaab fara badan wada, kana koobnaa kun rati oo ay wadeen 40 nin, uuna madax u ahaa abuu Sufyaan ibnu Xarbi. Si degdeg ah ayay markaa labadii nin u soo noqdeen khabarkii oo dhanna Rasuuka SCW ugu soo gudbiyeen.

Rasuulku SCW wuxuu Madiina ka soo baxay bishii Ramadaan sannadkii 2aad ee hijriga, wuxuuna Madiina madax uga dhigay Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum hase yeeshee markuu marayo Rawxaa' ayaa (rasuulku scw) direy abaa lubaaba oo ku yiri "Madiina madax ka noqo, Cabdullaahina salaadda ha tujiyo". Calanka guud ee muslimiinta wuxuu Rasuulku SCW u dhiibay Muscab ibnu Cumayr, wuxuuna Rasuulku SCW ciidanka u qeybiyey labo qaybood: Muhaajiriin iyo Ansaar. Qaybta Muhaajiriinta wuxuu calankooda u dhiibay Cali binu Abii-dhaalib, qaybta Ansaarna Sacad binu Mucaad. Habka duullaanka ciidanka wuxuu Rasuulku SCW u qeybiyey shan qaybood oo waagaas ciidanka loo qaybin jirey: Midig, bidix, horey, gadaal iyo dhexda. Dhinaca midig wuxuu madax uga dhigay Subeyr binu Cawaam, dhinaca bidixna Miqdaad ibnu-Aswad waana labadii nin oo labada faras ka watay ciidanka. Dhinaca gadaale wuxuu madax uga dhigay Qeys ibnu abii Sacsac.

Rasuulka SCW iyo ciidankiisii way dhaqaaqeen waxayna qaadeen waddadii Makka aadi jirtey hase yeeshee markay u dhow yihiiin ceelka Badar oo ay marayaan meesha la yiraahdo Rawxa' ayey dhinaca midig u leexdeen ka dibna way sii socdeen markay u dhow yihiin meesha la yiraahdo Safraa' ayaa Rasuulku SCW wuxuu ceelkii Badar u diray laba nin oo sahan ah oo la kala oran jirey Basbas ibnu Cumar Aljuhani iyo Cadiyi ibnu Saqbaa Aljuhani, si ay u soo ogaadaan safarkii qureysh iyo meesha uu marayo.

Dhinacii kale ninkii la oran jiray Abuu Sufyaan ibnu Xarbi, oo ahaa ninkii madaxda u ahaa safarkii qureyshee, oo aad u digtoon, ogna waddada uu hayo oo Badar sii martaa ineysan aamin ahayn wuxuu galay wareysi uu wareysanayo cid aala cidduu arko oo uu ku leeyahay "Madiina maxaad wax war aha ka haysaa?", markaasaa ugu dambeyntii waxaa loo sheegay in Nabi Maxammed SCW iyo asxaabtiisii ka soo baxeen Madiina iyagoo raadinaya safarkiisa. Abuu Sufyaan markuu arrintaas maqlay wuxuu ogaaday inuu halis ku jiro sidaa daraaddeed degdeg ayuu Makka ugu diray qaylo dhaamis, wuxuuna diray nin la oran Damdam ibnu Camar Alqafaari. Abuu Sufyaanna safarkii ayuu ka hormaray oo wuxu tegey ceelkii Badar wuxuuna ugu tegay ceelka nin la oran jirey Majdi ibnu Camar, wuxuuna weydiiyey inuu war ka hayo ciidankii Madiina. Majdi wuxuu yiri "cid aan garan waayo ma aanan arag aan ka ahayn laba nin oo neef geel ah watey oo neefkoodii halkaas arumiyey, ceelkana biyo ka dhaansaday dabadeedna iska tegey.

Abuu Sufyan wuxuu tegey meeshii neefka geela ah la arumiyey markaasuu saaladii neefka qaatey oo burburiyey, wuxuuna ka helay laf timireed markaasuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye waa daaqii Madiina", dabadeedna intuu si degdeg ah ugu laabtay safarkii ayuu ka leexiyey waddadii oo dhinaca badda mariyey. Ninkii uu u direy Makka oo Damdam la oran jirey isagoo ordaya oo qeylo dhaamis ah ayuu Makka galay, wuxuuna sameeyey calaamooyin lagu yaqaanno qofka dareenka wada oo qamiiskiisii ayuu jeexay, ratiguu fuushanaana sanka ayuu gooyey, reeryadii ratiga saarnaydna dhinaca kale ayuu u wareejiyey, qeylana afkuu ku shubtay isagoo leh "qureysheey dharbaaxo dharbaaxo, xoolihiinnii Abuu Sufyaan waday Maxammed baa asxaabtiisii ku soo bixiyey una malayn maayo inaad gaaraysaan ee gargaar gargaar".

Qureysh iyagoo awalba u ciil qabay Nabiga SCW iyo asxaabtiisa ayaa markii ay maqleen qeyladaas si degdeg ah u soo baxeen iyagoo faanaya oo leh "Maxammed iyo asxaabtiisu ma waxay u maleeyeen in safarkani yahay safarkii ibnu Xadrami oo kale, ma jirto arrintaasi, Ilaah baan ku dhaarranaye way ogaan doonaan si aan sidaas ahayn". Odeyaashii qureysh madaxda u ahaa Abuu Lahab oo keliya ayaa ka haray isaguna wuxuu u haray xanuun, beddelkiisiina wuxuu diray nin uu deyn ku lahaa oo uu u cafiyey, raggii reer makkana ninkaan bixin beddelkiisii ayuu dirayey. Waxaa Makka ka soo baxay ciidan gaaraya 1300 oo nin oo wata 100 faras iyo 600 oo canbuur bireed iyo awr aad u tiro badan. Ammaanduulaha guud ee ciidanka qureysh wuxuu ahaa Abii Jahal, xagga maamulka iyo raashinka waxaa u qaabbilsanaa 9 nin, maalinkii waxay qalan jireen 9 ama 10 geeel ah.

Ciidankaasi waxay soo baxeen iyagoo uu ka muuqdo kibir iyo is qaad qaad iyo is tus tus siduu Allaahba uu ug caddeeyey aayadan:

((HA NOQONNINA KUWII UGA SOO BAXAY GURYAHOODA KIBIR IYO DADKA IN LA IS TUSO, JIDKA ALLENA LA XIRO, ALLAAHNA WIXII AY CAMAL SAMAYNAYEEN WAA MID KOOBAYA)), (Suuratul-Anfaal 47).

Qureysh waxaa intaa u sii dheerayd caro iyo xiqdi ay u qabeen Nabiga SCW iyo asxaabtiisa iyaga oo rabay iney dabar gooyaan.

Waxay Qureyshi u soo dhaqaaqeen dhinaca Badar, markii ay dhaafeen togga la yiraahdo Casafaan oo ay marayaan Juxfa ayaa waxaa u timid waraaq uu soo direy Abuu Sufyaan oo uu ku leeyahay "waxaad u soo baxdeen inaad badbaadisaan safarkiina, Allaahna waa idiin badbaadiyey raggiinnii iyo maalkiinnii ee soo laabta". Hase yeeshee Abuu Jahal oo ahaa hoggaamiyihii ciidanka wuu diidey warkaas waraaqda ku qornaa wuxuuna yiri "Ilaah baan ku dhaartaye noqon mayn ilaa aan Badar tagno oo aan saddex beri joogno, geelana ku qalanno, cuntadanaku cunno, khamradana ku cabno, haweenkuna noogu heesaan, carabna ay maqasho socodkayaga iyo awooddayada si aan dib dambe naloogu haweysan". Abii Jahal markuu hadalladaas yiri ayaa waxaa hadlay Akhnas ibnu Sureyq oo madax u ahaa reer banuu Suhra, wuxuuna yiri "haddii uu safarkii nabad galay aan laabanno", markii laga diideyna ciidankii qabiilkiisa oo 300 gaarayey ayuu la laabtay, markii qureysh jabtayna qabiilkiisu aad ayey uga dambayn jireen, wayna jeclaayeen go'aankiisa. Sidoo kale waxa damcay iney laabtaan laftii uu Rasuulku SCW ka dhashay oo awalba aan dagaal dooneyn ee lagu soo khasbay hase yeeshee Abii Jahal ayaa u diidey oo yiri "kooxdani nama cidlaynayso".

Dhinaca ciidankii muslimiinta waxaa loo soo gudbiyey in safarkii fakaday, ciidan aad u xoog badan oo Makka ka yimidna uu yimid isla markaasna aan laga fursan doonin in foodda la is daro, sidaa darteed koox ciidankii muslimiinta ka mid ahayd way dhibsatay xaaladdaas adag maxaa yeelay ciidanka muslimiintu hub sidaa ah ma wadan, dagaalna kuma soo talo gelin, Madiinana rag badan bay uga soo tageen, ujeeddada ay u soo baxeenna waxay ahayd iney soo qabtaan safarkaas qureysh. Kooxdaas siday u kahanaysayna Allaah ayaa qur'aanka ku sheegay oo wuxuu yiri:

(( SIDUU RABBIGAA KAAGA BIXIYEY GURIGAAGA XAQNIMO, KOOX MU'MINIINTA KA MID AHI WAA KAHANAYEEN, XAQA AYEYNA KUGULA DOODAYAAN MARKUU CADDAADEY KA DIB, WAABA IYAGOO DHIMASHO LOO WADO OO FIIRINAYA)), (Suuratul-Anfaal 5-6).

Rasuulku SCW markii uu arkay xaaladdu meesha ay marayso iyo wadciga taagan wuxuu arrintii u bandhigay oo la tashaday asxaabtiisii si ay afkaartooda uga dhiibtaan arrintaas cusub. Abuubakar ayaa markaas istaagay oo si fiican u hadlay, ka dib Cumar binu Khadhaab ayaa hadlay oo bartii loo baahnaa taabtay. Miqdaad ibnu Camar ayaa isaguna hadlay oo yiri "Rasuulkii Allow ku soco waxa Rabbi ku tusay, annaguna waan kula jirnaaye. Ilaahay baan ku dhaartaye kugu dhihi mayno hadalkii ay reer banuu Israa'iil Muuse ku yiraahdeen oo kale, kaas oo ahaa "soco adiga iyo Rabbigaa oo dagaallama, annaguna halkan baan sii fadhiyeynaaye", laakiin waxa aan ku leennahay "soco adiga iyo Rabbigaa oo dagaaallama, annaguna la jirkiinna ayaannu dagaallmaynaaye. Allihii xaq kugu soo saaray baan ku dhaartaye haddii aad nala socotid ilaa aad ku gaartid Barkul-Qamaad, waan kula soconayna oo kula jiraynaa waxa ka sokeeya ilaa aad ka gaartid".

Rasuulku SCW wuu ku farxay hadalkaas wanaagsan ee ay soo jeediyeen saddexdaas nin ee Muhaajiriin kamid ahaa hase yeeshee wuxuu jeclaystay in uu Ansaarna go'aan kooda wax ka maqlo maxaa yeelay ciidanku Ansaar ayuu u badnaa isla markaasna heshiiskii ay Rasuulka SCW la soo galeen ee Baycatu-Caqabadii 2aad kuma jirin duullaan dibadeed ee wuxuu ahaa difaacid cid kasta oo soo weerarta Nabiga SCW iyo muslimiinta. Rasuulku SCW wuxuu yiri "dadyahow ii ishaara" oo uu ula jeeday hadla oo talo keena. Waxaa markaa fahmay hoggaamiyihii Ansaar calan koodana waday, Sacad binu Mucaad, wuxuu yiri "Rasuulkii Allow waxaa la arkaa in aad annaga (Ansaar) noo jeedid?", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "haa". Sacad ayaa yiri "waan ku rumaysan nahay waxaa aannu ka markhaati kacnay in uu xaq yahay waxa aad la timid, waxa aan ku siinnay ballantayadii in aan ku maqalno oo ku adeecno. Ku soco Rasuulkii Allow wixii aad doontid, Allihii xaq kugu soo saaray baan ku dhaartaye haddii aad badda nala aaddo oo aad dabbaalatid waan kula dabaalanaynaa, nin annaga naga mid ahina ka dib dhici maayo, mana kahanayo in aad nala kulansiisid cadowgayaga berri, waan ku sabirnaa dagaalka, waannuna ka run sheegnaa la kulanka, waxaana la arkaa in Allaah uu naga kaa tusiyo wax ay ishaadu ku qabowsato ee ku soco barakada Allaah".

Riwaayad kale waxa ay ahayd in uu Sacad yiri "waxaa la arkaa in aad ka baqdid in Ansaari u aragto in aadan xaq ugu lahayn gargaar guryahooda difaacidooda maahane, waxaanse leeyahay, aniga oo Ansaar u hadlaya "meeshii aad doontid noo hogaaami, ciddii aad doontid xariggeeda xiriiri oo heshiis la samayso, ciddii aad doontid xariggeeda goo, wixii aad doontid maalkayaga ka qaado, wixii aad doontid nasii, waxa aad naga qaadato ayaan ka jecel nahay waxa aad nooga tagtid, amarkayaguna amarkaaga ayuu raacayaa. Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad socotid ilaa aad ka gaartid Qamdaan waan kula soconayanaa, Ilaah baan ku dhaartaye haddii aad badda noo bandhigtid oo aad gashid waan kula gelaynaa".

Rasuulku SCW markii uu hadalladaas iimaanku ka buuxo Sacad ka maqlay wuu ku farxay, waxa ayna ku dhalisay firfircooni, wuxuuna yiri "socda oo bishaaraysta, Allaah SW wuxuu ii ballan qaaday labo arrin midkood in aan ku guuleysanno (Safarka ama dagaalka). Ilaah baan ku dhaartaye waaba aniga oo hadda eegaya meelihii ragga (gaalada) meydkooda la dhig lahaa". Allaah wuxuu qur'aankiisa ku yiri:

((XUSUUSO MARKUU ALLE IDIIN YABOOHAY IN AY IDIIN SUGNAATAY (AAD KU GUULAYSANAYSAAN) LABADII KOOXOOD (CIIDANKII AMA SAFARKII) MIDDOOD, WAXAADSE JECLAYDEEN IN AY IDIIN AHAATO MIDDA DHIBTA YAR, ALLESE WAXA UU DOONAYAA IN UU XAQA KU SUGO KALIMADDIISA OO GOOYO CIRIBTA GALADA)), (Suuratul-Alfaan 7).

Rasuulku SCW ciidankii wuu ka raray meeshii uu deggenaa oo ahayd Dafraan, wuxuuna u kexeeyey Badar. Markii la marayo meel la yiraahdo Diyah oo Badar qarkeeda ah ayaa ciidanki degey. Rasuulka SCW iyo Abuubakar ayaa ka dib sahay u baxay, markii ay dhexda sii marayaan ayey la kulmeen odey dadkii baadiyahaas degganaa ka mid ah. Rasuulka SCW ayaa su'aal weydiiyey oo ku yiri "maxaad war ka haysaa dhinaca qureysh iyo dhinaca Maxammed SCW iyo asxaabtiisa?" hase yeeshee odeygii wuxuu yiri "idiin warami maayo ilaa aad isku kay sheegtaan", Rasuulku SCW wuxuu ku yiri "waan isku kaa sheegaynayaa haddii aad noo warrantid". Odeygii wuxuu markaas yiri "waxaa i soo gaartay in Maxammed iyo asxaabtiisii ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu qofka warkaas ii sheegay run sheegay, maanta halkaas ayey joogaan. Qureyshna waxaa iga soo gaartay in ay soo baxeen maalinkii noocaas ahaa, haddii uu run sheegay qofkii warkan ii soo sheegay, maanta iyaguna halkaas ayey deggan yihiin". Odeygu wuxuu labada ciidanba ku sheegay goobihii ay kala degeen, markii uu hadalkii dhammaystayna wuxuu weydiiyey arrinkii uu sugayey oo ahayd in ay isku sheegaan cidda ay yihiin. Rasuulku SCW wuu u sarbeebay oo wuxuu yiri "biyo ayaan ka nimid" oo uu ula jeeday biyo ayaa nalaga abuuray, ka dibna way iska dhaqaaqeen isaga iyo Abuubakr, odeygiina wuxuu lahaa "biyehee? ma biyihii Ciraaq?" oo wuxuu u qaatay dhul webi leh sida Ciraaq.

Casarkii markii la gaaray ayuu Rasuulka SCW koox sahan ah u diray ceelkii Badar, waxaana kooxdaas ka mid ahaa Cali binu Abii-dhaalib, Subeyr ibnu Cawaam iyo Sacad binu Abii Waqaas. Markii ay kooxdaasi tageen ceelkii Badar ayey heleen labo wiil oo ciidankii qureysh biyo u dhaaminaya. Labadii wiil ayey soo kexeeyeen, waxa ayna ula yimaaddeen Rasuulka SCW oo tukanaya. Intii uu Rasuulku SCW tukanayey ayaa labadii wiil su'aalo la weydiiyey oo la yiri "xaggee ka timaaddeen?", waxa ay yiraahdeen "qureysh ayaan biyo u dhaaminaynay". Muslimintii qaar ka mid ah, oo weli rajo ka qabay safarkii qureysh, ayaa labadii wiil garaacay. Wiilashii markii ay xanuun sadeen ayey been sheegeen oo dheheen safarkii (qureysh) baan ka nimid", ka dibna garaacii waa laga daayey.

Rasuulku SCW markii uu salaaddii ka baxay ayuu isaga oo canaanaya ku yiri muslimiintii "markii ay run idiin sheegeen waad disheen, markii ay been idiin sheegeenna waad deyseen. Ilaah baan ku dhaartaye run ayey sheegeen oo qureysh bay ka yimaadeen". Rasuulku SCW wuxuu markaas la hadlay labadii wiil oo ku yiri "ka warrama qureysh?", waxa ay yiraahdeen "duudkaan gadaashiisa ayey joogaan", Rasuulku SCW wuxuu ku yiri "meeqa ayey dhan yihiin?", waxay ay ku jawaabeen "caddadkoodu waa badan yahay", wuxuu Rasuulku SCW ku celiyey "intee buu dhan yahay caddadkoodu?", waxa ay yiraahdeen "ma garanayno caddadkooda". "Intee geel ah ayey qashaan maalintii " ayuu Rasulku SCW weydiiyey, waxa ay yiraahdeen "maalina 9, maalina 10". Markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "waxa ay u dhexeeyaan 900 ilaa 1000". Rasuulku SCW su'aal kale ayuu weydiiyey oo wuxuu yiri "yaa ku jira odeyaashii qureysh?", waxa ay ku jawaabeen "waxaa ku jira Cutba binu Rabbiica, Sheyba binu Rabbiica, Abuu Bakhtari binu Hishaam, Xakiim binu Xisaam, Nawfal binu Khuwaylid, Xaarith binu Caamir, Dhuceyma binu Cadiyi, Nadar binu Xaarith, Samca binu-Aswad, Abuu Jahal binu Hishaam" iyo rag kale oo ay magacaabeen. Rasuulku SCW wuxuu markaas soo qaabilay asxaabtii oo ku yiri "tani waa Makka oo idiin soo tuurtay beerkeeda gobollodiisii".

Habeenkii markii la gaaray waxaa bilaabatay naxariistii Ilaahay oo waxaa yimid roob, kaas oo dhinicii gaalada aad ugu da'ay oo qooyey, dhulkiina faagay, kuna riday gaaladii caajis iyo in ay goobtii u soo hormari kari waayaan. Dhinicii muslimiintana wuxuu ugu da'ay si naraxiis ah oo wuxuu ka daahiray xumaatadii iyo wiswiskii sheydaanka, wuxuuna adkeeyey quluubtoodii, lugohoodiina dhulka ayuu ku sugay. Allena isaga oo arrintaas ka hadlaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:

((XUSUUSTA MARKUU (RABBI) IDINKU DABOOLAY HURDO, AAMIN AHAANSHO XAGGIISA KA AHAATAY, IDINKAGANA SOO DAJIYEY SAMADA BIYO SI UU IDINKUGU DAHIRO, OO UU IDINKAGA TAKSIIYO QURUNKA SHAYDAANKA, UGUNA ADKEEYO QULUUBTIINA OO U SUGO GOMADIHIINA)), (Suuratul-Anfaal 11).

Cishihii ka dib ayaa Rasuulku SCW ciidankii soo raray si uu ugu soo hormaro biyihii ceelasha Badar iyo meelihii istiraatijiga ahaa. Markii uu ceelashii afkooda soke marayo ayuu degay. Waxaa markaas istaagay nin la yiraahdo Xubaab binu Mundir oo ahaa nin khibrad u leh xeesha dagaalka, oo yiri "Rasuukii Allow, ma Allaah baa meeshaan ku dejiyey oo markaas nooma ahaanin in aan ka hor marno ama ka dib marno mise waa ra'yi iyo xeel dagaal?", Rasuulku SCW wuxuu yiri "waa ra'yi iyo xeel dagaal", markaas ayuu Xubaab yiri "Rasuulkii Allow, meeshaani meel la dego maahane ee socodsii ciidanka ilaa aan ka gaarno ceelasha ugu dambeeya ee dhinacooda (gaalada) xiga oo aan halkaas ka degno, ceelasha kalena xabaalno, darna aan ka dhisanno oo biyo ka buuxinno. Markii ayuu la dagaallamayno ayeynu biyaha ka cabbaynnaa, iyaguna harraad ha ku joogaan". Rasuulku SCW wuxuu yiri "xaqiiqdii waad ishaartay", ciidankiina wuu kexeeyey ilaa u ka gaaray ceelashii ugu xigay cadowga oo halkaas la degay. Isla habeenkiiba darkii baa la dhisay, ceelashii kalena waa la duugay.

Ka dib Sacad binu Mucaad ayaa fikrad soo jeediyey oo yiri "Nabigii Allow, maan kuu dhisno waab aad joogtid, rakuub kaagana agtaada ku xirno, dabadeedna aan cadowgayaga la kulanno. Haddii Ilaah na ciseeyo oo aan cadowgayaga ka guuleysanno, waa arrintii aan jeclayn, haddii ayse sida kale noqoto, rakuubkaaga ayaad fuuleysaa, waxaadna haleelaysaa raggii naga dambeeyey. Rasuulkii Allow waxaa haray rag aannan annagu jacalkaaga ka badsan, haddii ay malayn lahaayeen dagaalna, kaama ay hareen, iyaga ayaana ku difaacaya oo kuu gargaaraya, kulan jihaadaya".

Rasuulku SCW wuu yeelay fikradii Sacad, wuuna u duceeyey dabadeedna waabkii ayey muslimintu u dhiseen, waxayna ka dhiseen meel xoogaa korreysa oo dhinaca woqooyi bari ka xigta goobtii dagaalka waxaana waardiye qabtay koox Ansaar ah oo Sacad binu Mucaad madax u yahay. Rasuulku SCW habeenkii geed meesha ku yaalley hoostiisa ayuu salaad ku tukanayay ilaa uu waagu ka baryey. Ka dib wuxuu subixii ku dhex socday goobtii dagaalku ka dhici lahaa, wuxuuna sii sheegay qaar ka mid ah madaxdii qureysh meelaha ku nafbixi lahaayeen isagoo gacantiisa ku ishaaraya oo leh "halkaani waa goobta hebel la dhig doono berri haddii Alle idmo, halkaanna waa goobta hebel la dhigi doono berrii hadii Alle idmo". Muslimiintii waxay waabariisteen iyadoo ay dabooshay xasillooni, degganaan iyo aamin ahaansho. Habeenkaasi wuxuu ahaa habeen jimce ah oo bishaa Ramadaan 17 ahayd sannadkii 2aad ee hiriga.

Ciidankii qureysheed wuxuu habeenkaas ku waabariistey dhinicii kore ee Badar, Allena isagoo tilmaamaya wuxuu yiri:

((XUSUUSTA MARKAAD AHAYDEEN DHINICII U DHAWAA (BADAR), IYAGUNA AHAAYEEN DHINICII KA FOGAA (BADAR), SAFARKUNA IDINKA HOOSEEYEY, HADDII AAD BALLAMI LAHAYDEENA WAAD ISKU KHILAAFI LAHAYDEEN BALLANTA, LAAKIIN ALLAA XUKUMAY ARIN UU AHAA MID SAMEEYA, SI CIDDII HALAGSAMIN SI CAD U HALAAGSANTO, CIDDII NOOLAANA SI CAD U NOOLAATO, ALLENA WAXA UU AHAADAY ALLE MAQLA OO OG)), (Suuratul-Anfaal 42).

Ciidankii qureysheed markuu waabariistay ayuu soo guuray oo soo degay goobtii dagaalka, ka dibna koox ka mid ahayd ayaa soo aaday darkii muslimiinta si ay biyo uga cabaan, markaasaa Rasuulku SCW wuxuu asxaabta ku yiri "iska daaya", biyihii ayey ka cabbeen (nimankii) waxayna ku laabteen ciidankoodii. Kooxdaas biyaha cabtay goobtii dagaalka ayaa lagu wada diley illaa Xakiim ibnu Xisaam maahane, isaga lama dilin, ka dibna wuu islaamay, islaamkiisuna wuu wanaag sanaaday, markuu dhaarta ku xeel dheeraanayana wuxuu dhihi jirey Allihii maalinkii Badar iga nabad geliyaan ku dhaartay".

Labadii ciidanba dagaal ayey isu diyaariyeen iyadoo ciidan walbaba xeeladdiisa dagaal isticmaalayo. Ciidankii qureyshtu waxay direen nin ciidankoodii ka mid ah oo la oran jirey Cumeyr binu Wahab Al-jumaxi si uu u soo kormeero una soo qiyaaso ciidanka muslimiint caddadkooda iyo hubkooda. Cumeyr faraskiisii intuu ku dhacay oo ciidankii muslimiinta ku soo wareegay ayuu soo laabtay, markaasuu yiri "Waa 300 oo nin, ama wax yar bay ka badan yihiin ama wax yar yihiin, laakiin bal ii suga aan soo hubiyo in wax gurmad ahi gadaal u jiro", cabbaar markuu socday oo uu waxba soo waayey ayuu soo laabtay oo yiri "waxba ma soo arag, laakiin qureysheey waxaan soo arkay geel mayd xambaarsan, geeli Madiina u aroori jirey oo mayd xambaarsan, Ilaah baan ku dhaartaye iima muuqato in nin laga dilayo ilaa ay nin idinka dilaan, haddii ay wax gaarsiiyaan tiradiinna oo ay la tagaan (dilaad) caddadkooda in le'eg nolol kheyr leh ma arag". Xakiim ibnu Xisaam, oo ah ninka ka badbaadi doona raggii biyaha soo cabbay, marku hadalkaas maqlay wuxuu u tegey Cutba ibnu Rabbiica oo uu ku yiri "Abaa Waliidow qureysh duqeedii baad tahay, waana lagu maqlayaa ee ma rabtaa in khayrka maanta lagugu sheego waligaa?", Cutba wuxuu yiri "muxuu yahay kaasi Xakiimow?". Wuxuu yiri Xakiim "ciidanka celi, ninkii aad xulafada la ahayd oo la oran jirey Camar ibnu Xadrami arrintiisa dusha saaro". Cutba arrinkii wuu u riyaqay wuxuuna yuiri "xaliifkaygii buu ahaa, diyadiisii iyo maalkii laga qaatayba waa dusheyda ee Xakiimow u tag ibnu Xandaliyah (Abii Jahal) maxaa yeelay amarka ciidanka cid kale ma hayso". Ka dibna Cutba ciidankii buu u khudbeeyey oo yiri "qureysheey Ilaah baan ku dhaartaye inaad Maxammed iyo asxaabtiisa la kulantaan waxba idiin tari mayso, Ilaah baan ku dhaartay haddii aad la dagaallantaan ka suuli maysaan ninku in uu ninka kale wajigiisa fiirin waayo, maxaa yeelay ina adeerkiis buu dilay ama ina abtigiis ama qaraabadiis, haddaba laabta oo isu daaya Maxammed iyo carabtaas kale oo hadii ay ka adkaadaan waa sidii aad rabteen, hadduuu ka adkaado oo boqortooyo helana idinkoo aan wax dambi ah ka gelin ayuu idiin imaanayaa, idinkuuna idinka dhashay".

Xakiim wuxuu u tegay Abii Jahal oo canbuur bireedkiisii haysta oo ku yiri "Cutba ayaa ii soo kaa diray oo sidaas i soo yiri. Abii Jahal wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye sambabaduu ka bararay (Cutba) markuu arkay Maxammed iyo ciidankiisa ee ma jirto arrintaasi, Ilaah baan ku dhartaye ma laabanayo ilaa Ilaahay nakala xukmiyo annaga iyo Maxammed, Cutbana wuxuu arkay in Maxammed iyo asxaabtiisu yihiin rudmo hilib ah, waxaana ku jira ciidanka Maxammed wiilkiisii Xudeyfa ibnu Cutba oo uu idinkaga baqayo inaad ka dishaan". Cutba markuu hadalkii Abii Jahal maqlay wuxuu yiri "wuu ogaan doonaa kaayagii fulayoobay ani iyo isaga". Abii Jahal si degdeg ah ayuu u istaagay isagoo ka baqay in fikraddaan laabashada ah ay ciidanka ku dhex fiddo, wuxuuna u cid diray Caamir ibnu Xadrami, oo la dhashay ninkii la dili jirey ee Camar ibnu Xadrami, wuxuuna ku yiri "xiliifkaagii (Cutba) wuxuu doonayaa inuu ciidanka celiyo markaad aragtay aarkaagii aad aarsan lahayd ee orod oo qayli", markaasuu Caamir ku dhex orday ciidanii isagoo qaylinay aoo leh "waa Camaray".

Markii labadii ciidan fagaarihii isugu soo baxeen ayaa Rasuulku SCW Allaah baryey oo yiri "Allahayow tani waa qureysh oo kibirkeedii iyo faankeedii la soo qaabishay la dagaallankaaga iyo beeninta Rasuulkaaga, Allahayow saaka halaaji". Intaa ka dib Rasuulku SCW wuxuu isha mariyey gaaladii markaasuu wuxuu arkay Cutba oo rati guduudan saaran markaas ayuu asxaabtiisii ku yiri "haddii ragga nin kheyr leh uu ku jiro waa ninkaas ratiga guduudan saaran haddii ay adeecaana way hanuunayaan".

Ka dib Rasuusku SCW wuxuu gudo galay inuu safayo ciidankii muslimiinta isagoo gacanta ku wata gammuun. Waxaa markaa safkii ka soo baxay nin la oran jirey Sawaad ibnu Qays, markaasaa Rasuulku SCW gamuun caloosha uga muday oo ku yiri "Sawaas is toosi", Sawaad ayaa hadlay oo yiri "Rasuulkii Allow waad i xanuujisay ee ii qisaas", Rasuulku SCW intuu calooshiisii fayday ayuu yiri "ka aarso", Sawaad intuu Rasuulka SCW isku duubay ayuu caloosha ka dhunkaday. Rasuulka SCW ayaa waydiiyey "Sawaadow maxaa arrinkaa kugu xambaaray?" Sawaad wuxuu yiri "Rasuulkii Allow waxaan u jeedo ayaa yimid, sidaa darteed waxaan jeclaystay inuu ahaado waqtiga iigu kaa dambeeya jirkeyga oo jirkaaga taabta", markaas ayaa Rasuuku SCW kheyr ugu duceeyey. Ka dib markii uu Rasuulku SCW safiddii dhammeeyey ayuu ciidankiisii amray in aysan dagaalka bilaabin ilaa uu amar kama dambays ah bixiyo. Waxaa kale oo uu u sharraxay arrin ka mid ah bilowga dagaalka oo wuxuu yiri "haddii ay idin hareereeyaan gammuunadiinna ku gana, seefahana ha siibannina ilaa ay idin dul yimaaddaan", ka dib wuxuu aaday waabkii isaga iyo Abuubakar, Sacad ibnu Mucaad iyo koox uu watana waardiye ka qabteen.

Dhinaca mushrikiintana Abii Jahal oo hoggaamiye ahaa ayaa Ilaahay baryay oo yiri "Allahayow kaayagii qaraabada gooyey oo waxaannaan aqoon la yimid saaka halaaji, Allahayow kaayagii loogu kalgacayl badan yahay agtaada oo loogu raalli ahaansho badan yahay maanta u gargaar", arrintaas Ilaahay wuu ka aqbalay oo Abii Jahal wuxuu baryeyey ayuu helay, Allena isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu qur'aankiisa ku yiri:

((HADAAD KALA XUKUMID DALABTEEN (GAALO) WAXAA IDIIN YIMID GARGAARKII (ALLE UU U GALAY RASUULKIISA SCW), WAXAANA IDIIN KHAYR INAAD REEBTOONAATAAN, HADDIISE AAD KU NOQOTAAN (LA COLAYTANKA DIINTA ALLE) ANAGUNA WAANU KU NOQON (U GAR GAARIDDA RASUULKA SCW), WAXNA IDIIN TARI MAYSO KOOXDIINU (CIIDANKIINU) HABA BATEE, ALLENA WAXA UU LA JIRAA MU'MINIINTA)), (Suuratul-Anfaal 19).

Waxaa la yaab ah in Abii Jahal isagoo Ilaahay iyo Rasuulkiisii la dagaallamaya uu haddana hadalladaas ku duceysanayo oo uu weliba isu arko inuu isaga xaq ku taagan yahay. Taani waxay la mid tahay maahmaahda soomaaliyeed oo ah; Nin walba qumanihiisaa qoorta ugu jira. Sida badanna qofku haduu og yahay inuu baadil ku taagan yahay wuu ka haraa mid caniid ah (madax adag) oo hoogey maahane, laakiin haddii uu isu haysto in uu xaq ku taagan yahay waligiis kama haro, qolo walbana waxay leedahay; anagaa xaq ku taagan", hase yeeshee xaqu ma qarsoomo, mana qaybsamo, Ilaahay baana ummadda kala saari doona. Akhriso Qaybta 2aad

Back Home Next

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:22