Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Casharka10

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

Kitaabka Siirada Nebiga SCW

HIJRADII LABAAD EE DHULKA XABASHIDA

Markuu cadaadiskii iyo ciqaabkii lagu hayey dadkii muslimiinta ahaa ee joogey Makka oo aad u kordhay iyadoo waxa lagula dagaaallamayey ay ahayd tawxiidka iyo ciqiidada saliimka aha oo ay qaateen ayaa Rasuulku scw amray asxaabtiisii mar labaad iney dhulka Xabashida u hijroodaan oo sidaan soo sheegnayba uu ka talinayey boqor caaddil ah. Waxaa marka baxay oo hijroday 83 rag ah iyo 18 dumar ah oo ku baxay si qarsoodi ah. Ilaahna waa u fududeeyey jidkii oo nabad qab ayey ku gaareen dhulkii Xabashida.

Madaxdii qureysheed markay maqleen in dadkii muslimiinta ahaa ay dhulka xabashida u hijroodeen iyagoo ah caddad tiro badan, oo tegey meel ay diintooda iyo naftooda ku ammaan helayaan, aad ayay u caroodeen waxayna isla markiiba qaateen tallaabo degdeg ah oo ay uga hortegayaan arrintaas. Waxay direen laba nin oo la kala oran jirey Cumar binu Caas iyo Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica, waxayna u dhiibeen hadiyad badan, waxayna ku dheheen "waxaad hadiyaddan u geysaan boqorka Najaashi iyo wasiirradiisa, kuna hormara wasiirrada oo intaad arrinka ka dhaadhicisaan u kaxaysta boqorka, boqorka markaad la kulantaanna waxaad u sheegtaan inuu gacanta idinka soo geliyeo dadkaas isagoo aan ka hadalsiin".

Labadii nin waa ay baxeen iyagoo xoolo badan oo hadiyaad ah daadihinaya, siday arrintu ahaydna waxay ku hormareen wasiirradii, nin walba oo ka mid ahaana waxay siiyeen hadiyad fiican, go'aankii ay wateen way ka dhaadhiciyeen, ka dibna labadii nin iyo wasiirradii oo wada socda ayaa u wada tegey boqorkii ahaa Najaashi, hadiyaddiisiina waa loo geeyey. Ka dibna labadii nin ee wafdiga ahaa mid ka mid ah ayaa istaagay si uu barnaamijkii ay boqork iyo dowladda Xabashida ugu yimaadeen u soo gudbiyo, wuxuu yir "boqorow waxaa dhulkaaga soo galay niman dhallinyaro ah oo aan caqli lahayn oo diintoodii kuwii u sharaf badnaa oo ahaa odeyaashoodii noogana ogaal badan xaalkooda iyo waxa ay ku ceebeynayaan". Intaa markay soo bandhigeen labadii nin ayaa waxaa hadalkii qaatey wasiirradiii, oo sidaan soo sheegnayba ahaa niman xoolo cunay waxayna yiraahdeen: "boqoroow run bay sheegayaane u dhiib ha celiyaane".

Najaashi oo siduu Rasuulka scw sheegayba aha boqor caaddil ah, markuu dhegaystay hadalkii ay soo jeediyeen nimankii wafdiga ahaa ee hadiyadda keenay iyo ayiditaankii wasiirradiisa ma uusan qaadan hadalkoodii kumana kedin arrimaahaasi inu caddaaladda ka tago oo hal dhinac keliya dhegaysto ee wuxuu yiri: "ha la ii keena dhinaca kale". 

Markii loo tegey dadkii muslimiinta ahaa oo loo sheegay in boqorku rabo ayna yimaadeen niman loo soo diray ayey ka wada hadleen siday u qaabbili lahaayeen arrinkaas, ugu dambeyntiina waxay qaateen go'aankii lagu yaqaanney qofka iimaanka macaankiisa dhadhamiya inuusan qofna uga cabsoon Ilaahay diintiisa waxayna go'aansadeen wax kasta oo ku yimaada ineysan diintooda marna ka soo dabcin. 

Waxayna af-hayeen ka dhigteen Jacfar binu abii-dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis, dabadeed boqorkii ayaa loo yimid, hadalkiina waxaa bilaabay Jacfar wuxuuna yiri: "boqoroow waxaan ahaan jirnay dad jaahiliya ah, sanamkaan caabudi jirney, bakhtigana waan cuni jirney, faaxishadana waan la imaan jirney, qaraabadana waan goyn jirney, deriskana waan xumeyn jirney, midkayaga xoogga lehna wuxuu boobi jirey kan tabarta daran, sidaas ayaan ahayn, markaasaa Ilaahay wuxuu no soo diray Rasuul annaga naga mid ah, oo aan naqaan nasabkiisa, runtiisa, ammaanadiisa iyo dhowrsanaantiisa, wuxuuna noogu yeeray Ilaahay keliya inaan waxidno oo aan caabudno kana dhex baxno wixii annaga iyo aabbayaashayo aannu caabudi jirney; sido kale wuxu na amray inaan warka ka run sheegno, ammaanadan gudanno, qaraabdana xiriirinno, deriskana wanaajinno, xaaraamta iyo dhiigga dadkana ka fogaanno; sidoo kale wuxuu naga reebay xumaan oo dhan, markhaati beenaalaha, xoolaha agoonta oo la cuno, gabdhaha dhowrsoon oo la af-lagaadeeyo (qadfo); sidoo kale wuxuu na amray Allaah keliya inaan caabudno oo aanan u shariik yeelin; haddaba Rasuulkaas ayaannu rumeyney waana raacnay wuxuu noo keenay oo Ilaahay diintiisa ah; Ilaah keliya ayaanna caabdunay, waxna ugu shariik yeeli mayno, waanna xarrimnay wuxuu Ilaahay naga xarrimay, waana xalaalaynay wuxuu Alle noo xalaaleeyey; sidaa markaan yeelnay waxaa nagu xad gudbay dadkayagii, way na cadaabeen, diintayadii ayey naga fitneeyeen, waxayna doonayaan inaan bannaysanno xumaataan bannaysan jirnay, markay na dirqiyeen, na dulmiyeen oo ay na ciririyeen oo annaga iyo diintayadii ay kala dhex galeen ayaan waddaankaaga u soo baxsannay oo adiga ku doorannay, derisnimadaadaanna jecel nahay, waxaanna rajayney inaan agtaada nalagu dulmineyn", intaas markuu Jacfar ku soo koobay hadalkiisii aadka u qiimaha badnaa dhinac walbana wax ka ishaaray, ayaa Najaashi su'aal weydiiyey Jacfar oo ku yiri: "waxa uu Nabigaasi xagga Ilaahay ka keenay wax ma ka haysaa", Jacfar wuxuu yiri haa, Najaashi ayaa yiri "akhri", markaasuu Jacfar akhriyey Suuratu Maryam oo si fiican uga hadahsya qisadii Maryam iyo wiilkeedii Nabi Cise.

Najaashi markuu dhegaystey suuraddaas oohin ayuu la dhacay ilaa uu gadhkiisii ka qoyey, wasiirradii meesha fadhiyeynaa sidoo kale way ooyeen markay maqleen Ilaahay aayaatkiisaas. Najaashi ayaa markaas hadlay oo yiri: "waxaad akhriday iyo wixii Nabi Ciise la yimid hal dariishad bay ka soo baxeeen", ka dibnay wuxuu ku jeestey labadii nin ee qureysh soo dirsatay oo ku yiri "Ilaahay ku dhaartaye inaanan idiin dhiibayn dhibna looma geysan karo".

Intaas markuu fadhigii ku dhammaaday oo lagu kala dareeray ayaa Camar binu Caas ku yri saaxiibkiisii Cabdullaahi ibnu Rabbiica "Ilaah ayaan ku dhaartaye shirqool ayaan u samaynayaa dadkaas berrito aan ku dabargooyo markaasoo Cabdullaahi ku yiri "ha samynin arrintaa, maxaa yeelay waa tolkeen haba na khilaafaane', hase yeeshee Camar waa ku adkeystey go'aankiisii wuxuu mar labaad ku laabtay Najaashi isaga iyo saaxiibkiis waxayna ku dheheen "boqoroow dadkaani Ciise ibnu Maryama waxay ka sheegaan hadal weyn", markaasaa mar kale loo yeeray muslimiintii, markay yimaadeenna Najaashi ayaa hadlay oo yiri "maxaad ka aamminsan tihiin Nabi Ciise?", Jacfar ayaa u jawaabay oo yiri 'waxaan ka aamminsannahay wixii Nabigayagu noo sheegay oo ah inuu yahay Ilaahay addoonkiisii, Rasuulkiisii, ruuxdiisii iyo kalimmaddiisii uu Maryama ku riday", markaasaa Najaashi qori yar kor u qaaday oo yiri "iska taga aammin baad ku tihiin dhulkayga qofkii dhib idiin geystana waa dambiile, mana jecli in la siyo buur dahab ah oo qof idinka mid ah dhib loo geysto", labadii nin ee qureysh ka socdeyna wuxuu u yiri "ha loo celiyo hadiyaddooda uma baahniye". 

Ka dibna isagoo hadalkiisii sii wata wuxu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye hadda ka hor markii inqilaabka la igu sameeyey ee Ilaahay iiga gargaaray laaluush igama uusan qaadan, qof bini aadan ahna arrinteyda kalama uusan tashan, aniguna arrintiinna laaluushna ku qaadan maayo qof binu aadan ahna ku raaci maayo". Hadalkaas oo ula jeedo in Ilaahay u gargaaray, asna Ilaahay diintiisa iyo xisbigiisa uu u gargaarayo, sidaas ayaana arrintii ku dhammaatay, wafdigii qureyshna ku laabtay isagoo la murug geliyey, hadiyaddiina lagu soo celiyey, muslimiintiina waxaa Ilaahay siiyey cisso iyo wanaag, waxayna dhulkii Xabashida ku joogeen nabadgelyo iyo wanaag.

Madaxdii qureysheed markii wafdigoodii ku soo laabtay una warramay wixii uu dhulka Xabashida kala soo kulmay ayey aad u caroodeen kana xumaadeen, waxaa kaloo murugo kale ku sii noqotay in Ilaahay diintiisii ay Makka dhaaftay oo ay gaadhay Afrika ammaanna ku heshay, ayna baab'day arrintii ay doonayeen oo ahayd in diintu aysan Makka dhaafin oo ay halkaas ku cabburiyaan.

Back Home Next

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:21