Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Salaada Qoraal

Home
Up


Siduu u tukan jirey Rasuulkii Alle (S.C.W.)

naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo kooban

      تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم 


 

       Hordhaca qoraha

Magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar

Waxay mahadi u sugnaatay Eebbe oo aanu ku mahadinayno kaalmo weydiisaneyno dembidhaaf weydiisaneyno, waxaana Eebbe ka magangeleynaa xumaanta nafsadyaalkanaga iyo xumaanta acmaasheena, qofkuu Eebbe hanuuniyo ma baadiyoobo. Waxaana ka marqaati kacayaa inuusan Eebbe jirin Eebbaha keligiis mooyee mana jira qof wax la wadaaga, waxaana ka marqaati kacayaa inuu Maxamed yahay Addoonkiis iyo Rasuulkiisa naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee isaga iyo reerkiis iyo intii raacday,

 Intaas ka dib, wuxuu ii soo jeediyay walaalkey Zuheyr ash-Shaawiish milkiilaha madbacadda

al-Maktab al-Islaami inaan soo koobo kitaabkeygan:

  صفة صلاة النبي صلى الله عليه وسلم" من التكبير إلى التسليم كأنك تراها

 si ay ugu sahlanaato dadweynaha.

 Markaan ogaaday inay tahay talo wanaagsan oo aan anigu nafsad ahaanteyda ku fekerayey isla arinkaas muddo fog. Waxay arinkaasi igu dhiirigelisay inaan ku dhaqaaqo oo aan ka dhabeeyo taladii la ii soo jeediyay intii karaankeyga ah, inkasta oo uu waqtiga aad iigu yar yahay acmaashayda cilmiga oo fara badan darteed, waxaana weydiisanayaa Gargaaraha Kor ahaaye ee Hufnaa inuu ka dhigo mid loo sameeyay Wajigiisa sharafta badan darteed, uuna ka dhigo mid ay ka faaideystaan walaalaheyga Muslimiinta.

 Waxaan ku sheegay kitaabkeygan faaidooyin dhowr ah oo aan ku sheegin kitaabkii aan ka soo koobay ee ahaa " الصفة " oo aan ka gadaal ku baraarugey, jeclaystayna inaan ku sheego kitaabkan aan soo koobay, sidoo kale waxaan xoogga saaray inaan sharxo qaar ka mid ah erayada ku soo arooray qaar ka mid ah weerooyinka xaddiisyada ama adkaarta.

 Waxaana u sameeyay cinwaano lagu garto mowduuca aan ka hadlayo iyo kuwo kale oo fara badan oo aan sii caddeeyay. Waxaan u sameeyay tirooyin taxane ah masaa’ilka uu ka hadlayo kitaabka. Waxaana uga hadlay mas’alad kasta dhinaceeda hadday tahay wax loo baahan yahay ركن iyo waajibba, wixii laga aamusay in la caddeeyo xukunkiisa wuxuu ka mid yahay sunnooyinka, qaar ka mid ahse waxaa laga yaabaa inay noqdaan waajib, in laga qaato go’aankii ugu dambeeyay kan ama kaas wuxuu ka hor imanayaa cilmi-baarista.

الركن: Waa wax loo baahan yahay haddaan lala imaanna arinkaas way bureysaa salaaddii sida tusaale ahaan: rukuucda salaadda waa wax loo baahan yahay, haddii aan lala imaanna ay bureyso salaaddii.

الشرط: Shardi waa sida: الركن oo kale inkastoo uusan salaadda ka tirsaneyn shardigaas sida: weysada tusaale ahaan salaadda oo weyso la’aan la tukadaa ansixi meyso salaadda.

الواجب: Waajibka waa waxa sugan ee la isku faray Kitaabka ama Sunnada, daliilna uusan lahayn inuu yahay mid loo baahan yahay iyo inuu yahay shardi, qofkii sameeyana uu leeyahay ajar loona ciqaabayo qofkii ka taga cudur la’aan.

 Waxaa la mid ah (الفرض):  Fardiga iyo waajibka in la kala saaro waa eraybixin cusub oo aan daliil lahayn.

 السنة: Sunnada waa falal ka mid ah cibaadooyinkii Nabiga n.n.k. uu mar walba samayn jirey ama sida badan, uusanna farin inay waajib tahay, qofkii la imaadana uu leeyahay ajar, qofkii ka tagana aan loo ciqaabeyn.

 Xaddiiskase ay sheegaan qaar ka mid ah Muqalidiinta iyagoo u tiirinaya Nabiga n.n.k. ee oranaya:

 

" من ترك سنتي لم تنله شفاعتي "   Qofkii ka taga Sunnadayda ma helayo Shafaacadayda.

 

Kama sugnaanin Rasuulka n.n.k. hadduu arinka sidaas yahayna lama oggola in loo tiiriyo Nabiga n.n.k. adigoo ka cabsanaya inaad masabidato, oo maxaa yeelay Nabigaa n.n.k. wuxuu yiri:

" من قال عليَّ ما لم أقل فليتبوأ مقعده من النار" . 

Qofkii yiraahda waxaan oran ha u sii diyaar garoobo inuu geli doono Naarta.

 Waxaana hadalka intaas ku darayaa in la sii ogaado inaanan raacin Mad-hab gaar ah oo ka mid ah madaahibta afarta ah ee ay dadku haystaan markaan qorayey kitaabkan midkii aan ka soo koobay ee waxaan raacay mad-habka Ahlu-xaddiiska kuwaasoo ku dhaqmaan Xaddiis kasta oo ka sugnaaday Nabiga n.n.k., sidaas darteed mad-habka Ahlu-xaddiiska waa kan ugu wanaagsan madaahibta oo dhan, sida ay qireen arintaasi kuwa runlowyaasha ah ee ka tirsan mad-hab kasta, waxaana ka mid ah al-Callaama aw Xassanaat al-Laknawi ee Xanafiga ahaa kaasoo oranayey:

" وكيف لا وهم ورثة النبي صلى الله عليه وسلم حقاً. ونواب شرعه صدقاً، حشرنا الله في زمرتهم ، وأماتنا على حبهم وسيرتهم" .  

 Maxaysan u ahayn, Ahlu-xaddiisku waa kuwa sida dhabta ah u dhaxlay Nabiga n.n.k., Ahna kuwa matalaya Shareecadiisa dhab ahaan, Eebbana ha nala soo bixiyee, hana dilo anagoo jecel Ahlu-xaddiiska raacaynana jidkoodii.

ورحم الله الإمام أحمد بن حنبل إذ قال:

دين النبي محمد أخبار نعم المطية للفتى آثارُ لا تـرغبن عن الحديث وألـه فالرأي ليـل والـحديث نهـارُ ولربـما جهل الفتى أثر الهدى والشـمس بازغـةٌ لـها أنـوارُ

 Eebbana ha u naxariisto Imaam Axmed ina Xanbal kaasoo yiri:

 Diinta Nabi Maxamed waa wax la soo tebiyey “akhbaar” maxay macno ku fadhidaa dhalinyaraduna waxay u tahay warbixino “aathaar”. Ha ka jeesan Xaddiiska iyo dadkiisa. Ra’yigu waa habeen, Xaddiiskuna waa maalin. Waxaana laga yaabaa qofka dhalinyarada ah inuusan aqoon u lahayn meesha hanuunka yaallo iyadoo qorraxdii soo baxday si aad ahna u ifeyso.

Dimishiq 26.2.1392 Maxamed Naasirud-diin al-Albaani   

Ujeedsashada Kacbada xaggeeda

 1- Haddii aad tukaneysid salaad muslim yahow ujeeso Kacbada xaggeeda meeshii aad joogtidba hadday ahaan lahayd salaad waajib ah iyo sunno, waana tiir ka mid ah tiirarka salaadda taasoo aysan ansaxayn la’aanteed.

 2- Lagama rabo inuu u jeesto Kacbada dadka dagaalamaya markay tukanayaan salaadda cabsida  صلاة الخوف  iyo markuu jiro dagaal daran.

 . Qofkase aan awoodin waa sidii qof xanuunsan oo kale ama qof markab ama gaari ama diyaarad ku jira hadduu ka cabsado inuu waqtiga baxo.

 . Waxaase wanaagsan qofka tukanaya sunno ama Witar isagoo saaran xoolo ama gaadiid hadduu awoodo inuu u jeesto Qiblada xaggeeda markuu xiranayo salaadda, dabadeedna uu qabto wadadiisii.

 3- Waxaa ku waajib ah ku kasta oo arkaya Kacbada inuu u jeesto xaggeeda, qofkase aan arkaynin wuxuu u jeesanayaa dhinaceeda.

 Qofkase u tukada meel aan Kacbada ahayn isagoo garaneynin:

 4- Haddiise uu u tukado meel aan ahayn Qiblada, daruur ama wax kale oo jira darteed, markuu isku dayey ka dib intii karaankiisa ah meesha ay ku aaddan tahay Kacbada, salaaddiisu waa ay ansaxaysaa, mar kalena tukan maayo.

 5- Haddiise uu u yimaado qof uu ku kalsoon yahay isagoo tukanayo oo uu u sheego dhinaceeda, waa inuu u jeesto dhinaceeda, salaaddiisuna waa ay ansaxaysaa.

 Istaagga oo lagu tukado:

 6- Waxaa waajib ah inuu qofka isagoo taagan tukado waana wax loo baahan yahay, qofkaan ka ahayn:

 Qofka tukanaya salaadda cabsida  صلاة الخوف uuna jiro dagaal daran, waa loo oggol yahay inuu tukado isagoo wax saaran, qofka xanuunsan ee aan awoodin inuu istaago, markaasi wuxuu tukanayaa isagoo fadhiyo hadduu awoodo, haddiise uusan awoodin wuxuu u tukanayaa dhinac dhinac. Qofkase tukanaya salaad aan waajib ahayn wuxuu tukan karaa isagoo wax saaran ama fadhiya hadduu doono. Wuxuuna rukuucayaa oo uu sujuudayaa isagoo madaxa hoos u dhigaya, sidaas oo kale qofka xanuunsan, waana inay ahaataa sujuuddiisa mid ka hooseysa rukuucdiisa.

 7- Loomana oggola qofka tukanaya isagoo fadhiya inuu dhigto wax kor uga soo qaadsan dhulka si uu korkiisa ugu sujuudo, ee wuxuu ka dhigayaa sujuuddiisa mid ka hooseysa rukuucdiisa sidaan horey ku soo sheegnay hadduusan awoodin inuu saaro madaxiisa dhulka.

 Go Up     Salaadda lagu tukado doonta iyo diyaaradda:

 8- Wuuna ku tukan karaa salaadda waajibka ah doonta iyo sidoo kale diyaaradda.

 9- Markuu ku tukanayo doonta iyo diyaaradda waa uu fadhiisan karaa hadduu u cabsado nafsaddiisa inuu dhaco.

 10- Waana loo oggol yahay inuu ku tiirsado markuu kacayo tiir ama ul waayeelnimo darteed ama tabar la’aan.

 Salaadda oo lagu tukado istaag iyo fadhi:

 11- Waana loo oggol yahay inuu ku tukado salaadda habeenka istaag ama fadhi cudur-daar la’aan ama uu kulmiyo labadoodaba oo uu tukado akhriyana isagoo fadhiyo, oo uu kaco markuu rukuuci rabo wax yar ka hor akhriyana inta u harsan ee Aayado ah isagoo taagan, dabadeedna rukuuca oo sujuuda, ka dibna sameeya sidaas oo kale Rakcada labaad.

 12- Hadduu ku tukanayo fadhi wuxuu u fadhiisanayaa lugihii oo isdhaafsiisan ama wuxuu u fadhiisanayaa siduu doono.

 Qofka isagoo kabo wata tukanaya:

 13- Waana loo oggol yahay inuu istaago isagoo kabo wadan sidoo kalena waa loo oggol yahay inuu tukado isagoo wata kabo.

 14- Waxaase wanaagsan inuu u tukado marna sidaas marna sida kale, hadba sida u fududaato, isku kalifi maayo inuu gashto kabo si uu u tukado ama iska siibo, ee hadduu kabo wadan sidaas ayuu ku tukanayaa, haddiise kabo uu wato wuxuu ku tukanayaa kabihiisa iney duruufi si ku kalifto mooyee.

 15- Haddiise uu iska siibo kabihiisa yuusan dhigin midigtiisa ee wuxuu dhigayaa bidixdiisa hadduusan ku tukaneynin bidixdiisa qofna, haddiise uu ku tukanayo wuxuu dhigayaa labadiisa lugood dhexdooda  [1], sidaasna waxaa faray oo uu ka sugnaaday Nabiga n.n.k..

 Salaadda oo lagu tukado minbarka korkiisa:

 16- Waa loo oggol yahay Imaamka inuu ku tukado meel dhulka ka sareysa si dadka uu u baro, meeshii ayuu ku dul istaagayaa isagoo xiranaya salaadda ka dibna intuu akhriyo ayuu ku dul rukuucayaa, dabadeed ayuu xagga dambe u soo degayaa si uu dhulka ugu sujuudo Minbarka hoostiisa, ka dibna halkii ayuu ku noqonayaa wuxuu samaynayaa rakcada kale siduu sameeyay rakcadii hore.  

 Waajibnimada salaadda in la dhigto daah loona dhawaado:

 17- Waxaa waajib ah marka uu tukanayo inuu dhigto daah, waana isku mid markuu ku tukanayo masjidka iyo meel kaleba iyo inuu masjidka weyn yahay ama yar yahay sida guud ee Xaddiiska Nabigu n.n.k. tilmaamayo:

 Markaad tukanaysid ha ahaado daah hortaada, yuusan hortaada marin qofna, hadduu ku adkaysto inuu marana, la dagaalan maxaa yeelay wehel buu wataa, ”yacni Shaydaan”

"لا تصل إلا ‘إلى سترة، ولا تدع أحداً يمر بين يديك ، فإن أبى فلتقاتله فإن معه القرين".    

 18- Waxaana waajib ah inuu u dhawaado daaha, maxaa yeelay sidaas waxaa faray Nabiga n.n.k..

 19- Waxaa u dhexeeyay meeshii uu Nabiga n.n.k. ku sujuudayey iyo darbigii uu xaggiisa u tukanayey waxay ahayd meel ku dhawaad ay mari karto uun ido. Sidaas darteed qofkii sidaas sameeya wuxuu la yimid dhawaanshihii waajibka ahaa. [2]

 Dhererka daaha uu ka sareynayo dhulka:

 20- Waa inuu daaha dhulka ka sareeyaa ugu yaraan taako ama labo taako, maxaa yeelay Xaddiiska Nabiga ayaa oranaya:

Hadduu qof hortiisa dhigto sida qaybta dambe ee kooraha geela, ha tukado oo yuusan dan ka gelin wixii ka dambeeya.  

" إذا وضع أحدكم بين يديه مثل مؤخرة [3] الرحل فليصل، ولا يبالي من وراء ذلك".

 21- Wuxuuna ugu jeesanayaa daaha si toos ah, maxaa yeelay waxa muuqata in la is faray marka uu tukanayo inuu u jeesto daaha xaggiisa, haddiise daaha uu uga jeesto midig ama bidix oo uu markaasi si toos ah ugu aaddanayn ma aysan sugnaanin.   

 22- Waana la oggol yahay inuu u tukado xaggeeda ul dhulka ku dhaggan ama wax la mid ah, geed xaggiisa ama tiir iyo xaaskiisa xaggeeda taasoo ku jiifta sariirta oo ku hoos jirta busteheeda iyo xoolaha gaadiidka u ah xaggooda haba ahaadee geel.

 Lama oggola salaadda in loo tukado xabaasha xaggeeda:

 23- Lamana oggola salaadda in loo tukado xabaasha xaggeeda sideedaba hadday ahaan lahaayeen Nabiyaal ama kuwo kaleba.

 Lama ogola in la hormaro qofka tukanaya hortiisa haba ahaatee Masjidka Xaramka:

 24- Lamana oggola in la hor maro qofka tukanaya hortiisa kaasoo horyaala daah, taasna kuma kala duwana masjidka Xaramka iyo masaajidyada kale dhamaantood waa isku mid oo lama oggola Xaddiiska Nabiga n.n.k. macnihiisa guud darteed ee oranaya:

 Hadduu garan lahaa qofka hor maraya qof tukanaya hortiisa ”dambiga” uu ku dhacayo dartiis wuxuu istaagi lahaa afartan oo uu sugi lahaa intuu hormari lahaa. Yacni uu hormaro qofka tukanaya iyo daahiisa dhexdooda.   

" لو يعلم المار بين يدي المصلي ماذا عليه لكان أن يقف أربعين، خيراً له من أن يمر بين يديه". يعني المرور بينه وبين موضع سجوده [4]

 Waajibnimada qofka tukanaya inuu u diido qofka hormaraya haba ahaatee Masjidka Xaramka:

 25- Lamana oggola inuu u oggolaado qofka u  tukanaya daaha xaggiisa inuu hormaro qof  Xaddiiska aan soo dhaafnay dartiis:

" ولا تدع أحداً يمر بين يديك…" iyo Xaddiiskan Nabiga n.n.k. ee oranaya:

Qofka hadduu u tukanayo wax dadka ka daboolaya xaggiisa, uu qof doono inuu hormaro ha iska celiyo oo ha iska riixo oo ha iska celiyo intuu awoodo ... (Xaddiis kale ayaa wuxuu oranayaa: Ha iska celiyo laba jeer), hadduu diidana ha la dagaalamo oo uun Shaydaan weeyee. 

 " إذا صلى أحدكم إلى شيء يستره من الناس، فأراد أحد أن يجتاز بين يديه فليدفع في نحره، وليدرأ ما استطاع، (وفي رواية: فليمنعه مرتين)، فإن أبى فليقاتله فإنما هو شيطان".

 In hore loo socdo si uusan qof u marin hortaada:

 26- Waana loo oggol yahay inuu talaabo horay ugu qaado ama in ka badan si uusan u hormarin hortiisa naflayda aan caqliga lahayn sida xoolo ama caruur si markaasi u maro gadaashiis.  

Waxa burinaya salaadda:

 27- Muhimadda daaha uu leeyahay marka salaadda lagu jiro waxay ka reebeysaa qofka u tukanaya daaha xaggiisa inuu qof hormaro oo aysan salaaddiisa halkaasi ku burin, oo halka qofka daah samaysan ay salaaddiisa ku bureyso, hadday soo hormarto qof dumar ah iyo sidoo kale dameer iyo eey madow.

 Niyada:

 28- Waxaa laga maarmaan ah qofka tukanaya inuu qalbiga ka niyeysto salaadda uu tukanayo sida salaadda duhurka ama casirka ee waajibka ah ama tusaale ahaan sunnooyinkooda, waana shardi ama waa tiir. Haddiise uu qofku afka kaga dhawaaqo salaadda uu tukanayo taasi waa Bidco oo kuma soo aroorin Sunnada, mana oran sidaas mid ka mid ah imaamyada ay raacaan kuwa  Muqalidiinta ah.

 Takbiirta:

 29- Ka dibna wuxuu ku bilaabanayaa salaaddiisa isagoo leh: " الله أكبر" waana tiir sida uu dhigayo Xaddiiska Nabiga n.n.k. ee oranaya:

 Furaha salaadda waa daahirnimada, waxaana salaadda lagu xirtaa Takbiirta: “Allaahu akbar”, waxaana salaadda looga baxaa adigoo salaama naqsada.

"مفتاح الصلاة الطهور، وتحريمها  التكبير، وتحليلها التسليم".

 30- Korna uguma qaadayo codkiisa Takbiirta  salaad kasta inuu Imaam yahay mooyee. 

 31- Waana la oggol yahay inuu Muaddinka gaarsiiyo dadka Takbiirta imaamka haddii sidaas loo baahdo sida inuu imaamka xanuunsanayo, codkiisa uu hooseeyo ama ay badan yihiin dadka gadaashiis ku tukanaya.

 32- Ma oranaya qofka la tujinaya Takbiirta marka uu imaamka yiraahdo ka dib mooyee.

 Kor u qaadidda gacmaha iyo sida loo qaadayo:

 33- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa markuu Takbiiranayo ama ka hor ama ka dib intaba waxay ku soo arooreen Sunnada.

 34- Waxaana kor loo qaadayaa gacmaha iyagoo farahooda fidsan yihiin.

 35- Wuxuuna u dhaweynayaa gacmihiisa “baabacadiisa” isagoo la simaya garabkiisa, mararka qaarkoodna gacmihiisa intaas wuu ka sii sareysiinayaa isagoo la simaya dhinacyada dhegihiisa. 

 Gacmo saaridda iyo sida loo saarayo:

 36- Dabadeedna wuxuu gacantiisa midig saarayaa gacantiisa bidix korkeeda markuu Takbiirto ka dib, waxayna ka mid tahay sunnooyinka Nabiyaalka n.n.k., wuxuuna Rasuulka Eebbe faray sidaas Asxaabtiisa ee lama oggola inuu qofka  gacmihiisa laalaadiyo

 37- Wuxuu gacantiisa midig saarayaa gacantiisa bidix korkeeda, curcurkiisa iyo dhudhunkiisa.

 38- Marna gacantiisa midig wuxuu ku qabanayaa gacantiisa bidix [5].

  Meesha gacmaha la saarayo:

 39- Gacmihiisa wuxuu saarayaa xabadkiisa oo kaliya, arinkaasna way ka siman yihiin ragga iyo dumarka.  

 40- Lamana oggola inuu saaro gacantiisa midig sabarkiisa ”dhexda qofka”.

 In la khushuuco oo la eego goobta lagu tukanayo:

 41- Marka uu tukanayo waa inuu khushuucsanaadaa, waana inuu iska ilaaliyaa waxa u diidaya inuu feejignaado hadday ahaan lahaayeen naqshado ama wax sharsharaxan, yuusanna tukan iyadoo hortaalo cunto uu jecel yahay ama uu isku celinayo kaadi iyo xaar.  

 42- Wuxuuna eegayaa marka uu taagan yahay goobta uu ku sujuudayo.

 43- Mana u jeesanayo midigta iyo bidixdaba maxaa yeelay u jeesashada waa dafid uu xadayo Shaydaanka addoonka salaaddiisa.

  44- Lamana oggola inuu eego cirka.

 Ducada lagu furanayo salaadda:

 45- Dabadeed wuxuu ku bilaabanayaa akhrinta qaar ka mid ah ducooyinka ka sugnaaday Nabiga n.n.k. wayna fara badan yihiin waxaana ugu caansan: 

" سبحانك اللهم وبحمدك، وتبارك اسمك، وتعالى جدك، ولا إله غيرك".

Waxaana sugnaatay inuu Nabiga n.n.k. sidaas faray, waana in la sameeyaa.

 Akhrinta:

 45- Dabadeed waxaa waajib ah qofka tukanaya inuu Eebbe ka magangalo Shaydaanka waana dembi hadduu ka tago.   

 46- Waxaana Sunna ah inuu yiraahdo mar:

   " أعوذ بالله من الشيطان الرجيم، من همزه ونفخه، ونفثه"

48- Marna wuxuu leeyahay:

" أعوذ بالله السميع العليم، من الشيطان…" الخ.  

 49- Dabadeedna wuxuu si hoos ah u leeyahay salaadda kor loo akhriyo iyo midda hoos loo akhriyaba:

" بسم الله الرحمن الرحيم ". 

 Akhrinta Faatixada:

 50- Ka dibna wuxuu akhrinayaa suuradda Faatixada siday u dhan tahay, Bismillaahina iyaday ka tirsan tahay, waana tiir salaadna ma ansaxayso Faatixada la’aanteed, waana ku waajib dadka aan ku hadlin afka carabiga ”Cajamta” inay kor ka bartaan.

 51- Qofkase aan awoodin waxaa ku filan inuu yiraahdo:

   " سبحان الله، والحمد لله، ولا إله إلا الله، الله أكبر ولا حول ولا      قوة إلا بالله ".   

                               52- Waxaana Sunna ah marka uu akhrinayo Faatixada inuu Aayad Aayad u akhriyo, uu ku dul istaago Aayad kasta bilowgeeda, oo uu yiraahdo:

(بسم الله الرحمن الرحيم)

 dabadeed istaago, haddana yiraahdo:

(الحمد لله رب العالمين )

 dabadeed istaago, haddana yiraahdo:

(الرحمن الرحيم)

 dabadeed istaago, haddana yiraahdo: 

(مالك يوم الدين)

 dabadeed istaago, sidaas ayuuna ku wadayaa ilaa dhamaadkeeda.

 Sidaas ayeyna ahayd akhrinta Nabiga n.n.k. dhamaanteed, wuxuu ku istaagi jirey Aayadaha bilowgooda, kumana qaban jirin midda ka dambeysa, haba la xiriirto macno ahaan.

53- Waana loo akhrin karaa labadoodaba:

 (مالكِ)  iyo (مَلِكِ).

 Akhrinta qofka ku daba tukanaya:

 54- Waana in qofka la tujinayo uu imaamka gadaashiis uu akhriyaa salaadda hoos loo akhriyo. Iyo sidoo kale salaadda kor loo akhriyo hadduusan maqlaynin akhrinta imaamka amase uu yara aamuso imaamka markuu akhriyey ka dib aamusid uu akhrin karo, inkasta oo aynu qabno aamusiddaasi ineysan ku sugnaanin Sunnada.

 Akhrinta Faatixada ka dib:

 55- Waxaa Sunna ah in la akhriyo Faatixada ka dib Suurad kale xattaa salaadda Janaazada ama qaar ka mid ah Aayado labada rakco ee hore.

 56- Waana la dheereynayaa akhrinta Faatixada ka dib mararka qaarkood, marmarna waxaa loo gaabinayaa safar dartiis ama qufac ama xanuun  ama oohinta ilmaha.

 57- Akhrintana waxay ku xiran tahay salaadda oo salaadda subax akhrinteeda waa midda ugu dheer salaadaha shanta ah, dabadeedna sidan ayey iskugu xigaan duhurka, casirka, cishaha iyo maqribka sida badan.

 58- Akhrinta salaadda habeenka ayaa ugu dheer intoodaba.

 59- Waxaana Sunna ah akhrinta inay rakcada koowaad ka dheer tahay midda labaad. 

 60- Waana iney akhrinta labada rakco ee u dambeeya ahaadaan kuwo ka gaaban labada hore ku dhawaad bar.

 Akhrinta Faatixada rakcad kasta:

 61- Waana in la akhriyaa Faatixada rakcad kasta.

 62- Waxaana Sunno ah Faatixada ka dib in la akhriyo akhrin kale labada rakco ee u dambeeya sidoo kale mararka qaarkood.

 63- Lamana oggola inuu imaamka akhrinta ka dheereeyo intii ku soo aroortay Sunnada, maxaa yeelay waa intaasoo uu dhibsadaa qof ku daba tukanaya oo waayeel ah ama xanuunsan ama qof dumar ah oo ilmo nuujisa ama qof dan leh.

 Kor u qaadidda iyo hoos u dhigidda akhrinta:

 64- Wuxuu kor u qaadayaa akhrinta salaadda subax, Jimcada, labada Ciid, Roob-doonka, Qorrax-madoobaadka iyo labada rakco ee Maqribka iyo cishaha.

 Wuxuuna hoos u akhrinayaa salaadda Duhur iyo casir iyo rakcada saddaxaad ee maqribka iyo labada rakcad ee ugu dambeeya cishaha.

 65- Wuuna maqashiin karaa imaamka salaadda hoos loo akhriyo Aayad mararka qaarkood.

 66- Witarkase iyo salaadda habeenka marna hoos ayuu u akhrinayaa marna kor ayuu u akhrinayaa, waana inuu dhexdhexaad ka dhigaa kor u qaadidda codka.

 Inuu qurxiyo akhrinta oo uusan degdeg ku akhrin:

 67- Waxaa Sunna ah in Qur’aanka lagu akhriyo si degdeg ahayn, lana degdegeynin, hase ahaatee akhrin loo fahmayo xaraf xaraf, waana in lagu akhriyaa cod quruxsan, isaga oo ugu akhrinayo cod waafaqsan xeerarka Tajwiidka, lamana doonayo in loo akhriyo si aan waafaqsanayn axkaamtaas.

 In la saxo imaamka:

 68- Waana loo oggol yahay qofka la tujinaya inuu saxo imaamka hadduu akhrinta isku qaso.

 Rukuucda:

 69- Marka uu dhameeyo akhrinta wuxuu aamusayaa xoogaa, inta ay ka noqoneyso neefsashadiisa caadi.

 70- Dabadeedna wuxuu kor ugu qaadayaa gacmihiisa sidaan kor ku soo sheegnay markii uu salaadda xiranayey ee uu lahaa Takbiirta.

 71- Waxaana waajib ah inuu Takbiirto yiraahdo ”Allaahu akbar”.

 72- Dabadeedna wuu rukuucayaa inta ay ka xasilayaan isgoysyadiisa, xubin kastana ay ahaaneyso meesheeda, sidaasna waa tiir.

 Sida loo rukuuco:

 73- Gacmihiisna wuxuu u dul saarayaa jilbihiisa si adag, wuxuuna kala feydayaa farihiisa sidii inuu qabanayo jilbihiisa, sidaas oo dhanna waa waajib.

 74- Wuxuuna dheereynayaa dhabarkiisa uuna simayaa, sida xattaa haddii dhabarkiisa lagu kor shubo biyo ay ku xasili lahaayeen, sidaasna waa waajib.   

 75- Madaxiisa hoos uma dhigayo korna uma qaadayo hase ahaatee wuxuu ka dhigayaa mid la siman dhabarkiisa.

 76- Wuxuuna ka fogeynayaa labadiisa xusul dhinacyadiisa.

 77- Wuxuuna leeyahay markuu rukuucsan yahay:

" سبحان ربي العظيم "  

 saddax mar ama in ka badan.

 In laga dhigo tiirarka isku dherer.

78- Waxaana Sunna ah in laga dhigo tiirarka xagga dhererka isku mid oo ay noqdaan rukuucdiisa, sujuuddiisa iyo fadhigiisa u dhexeeya labada sujuud mid isku dherer ah.

 79- Lama oggola in lagu akhriyo Qur’aanka rukuucda iyo sujuudda.

 In la istoosiyo rukuucda ka dib:

 80- Dabadeed waa inuu kor u kacaa oo uu toosiyaa dhabarkiisa rukuucda ka dib, sidaasna waa tiir.

 81- Waxaana waajib ah inuu yiraahdo marka uu kor u qaadayo dhabarkiisa:

 سمع الله لمن حمده 

 82- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa markuu kor u kacayo sidaan horay ugu soo gudubnay.

 83- Dabadeedna waa inuu u istaagaa si toos ah oo ay degganaansho ku jirto, inta laf kasta ay kaga noqoneyso meesheedii, sidaasna waa tiir.

 84- Wuxuuna oranayaa istaaggaas:

" ربنا ولك الحمد "

 waana waajib saaran qof kasta oo tukanaya haba ahaadee qof la tujinaya, maxaa yeelay sidaas waxaa lagu sheegay istaagga, tii ka horeysayse waxaa lagu sheegay marka la kacayo.

 85- Waana inuu istaagnaadaa intuu rukuucsanaa oo kale sida horey lagu soo sheegay.

 86- Dabadeed waxaa waajib ah inuu yiraahdo:

  الله أكبر”.

 87- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

 Sujuudda:

 Waa in gacmaha la hor dhigaa intaan la sujuudin:

 88- Dabadeed markuu sujuudayo ayuu gacmaha dhulka dhigayaa ka hor jilbihiisa, sidaas ayuuna faray Rasuulka Eebbe n.n.k. wayna ka sugan tahay inuu sidaas sameeyay, wuxuuna dadka ka reebay inay dhigtaan jilibka sida geela u dhigto jilibka, geeluna wuxuu dhigtaa jilbaha kuwaasoo ah lugihiisa hortooda- marka hore.    

 89- Hadduu sujuudo -waana tiir- wuxuu dhulka dhigayaa gacmihiisa wuuna fidinayaa.

 90- Waxaana la isku dhejinayaa faraha.

 91- Waxaana gacmaha loo jeedinayaa Qiblada.

 92- Wuxuuna gacmihiisa la simayaa garbihiisa.

 93- Mararka qaarkoodna wuxuu la simayaa dhegihiisa.

 94- Waxaana waajib ah inuu dhulka kor uga qaado xusulkiisa, uusanna ku fidin dhulka siduu eeyga u fidiyo oo kale.

 95- Waana inuu si adag dhulka u dhigaa sankiisa iyo foolkiisa, sidaasna waa tiir.

 96- Sidoo kale waa inuu si adag dhulka u dhigaa jilbihiisa.  

 97- Sidoo kalena faraha cagahiisa.

 98- Cagihiisa waa inuu dhulka u dhigaa si taagan oo toos ah, sidaas oo dhanna waa waajib.

 99- Wuxuuna u jeedinayaa faraha cagtiisa Qiblada xaggeeda.

 100- Wuxuuna isku dhejinayaa cirbihiisa.

 In lagu xasilo sujuudda:

 101- Waxaa waajib ah inuu ku xasilo sujuuddiisa, sidaasna waxay ku noqoneysaa inuu xubnaha taabanaya dhulka qofka markuu tukanayo u dhigo si isla siman. Kuwaasna waa: foolka iyo sanka oo wada socda, labada gacan, labada jilib iyo faraha cagta.

 102- Qofkii sidaas ugu xasilo sujuuddiisa, run ahaantii markaasi wuxuu helay degganaanshihii loo baahnaa, in lagu xasilo sujuudda waa tiir sidoo kale.

 103- Wuxuuna oranayaa markuu sujuudsan yahay:

 " سبحان ربي الأعلى "  

 saddax mar ama in ka badan.

 104- Waxaana wanaagsan intuu sujuudsan

yahay inuu badiyo ducada, maxaa yeelay waxaa loo badiyaa in laga aqbalo.

 105- Wuxuuna sujuudayaa intuu rukuucsanaa oo kale sida horey lagu soo sheegay.

 106- Waana loo oggol yahay inuu ku sujuudo dhulka, ama uu dul saaran yahay dhar, katiifad, derin ama wax la mid ah.

 107- Mana la oggola in la akhriyo Qur’aanka adigoo sujuudsan.

 Inta la simo lugta bidix oo lagu fadhiisto: الافتراش

iyo in la fadhiisto cirbaha oo kor loo qaaday: الإقعاء

ee u dhexeysa labada sujuud:

 108- Dabadeed wuxuu kor u qaadayaa madaxiisa isagoo oranaya الله أكبر ” sidaas ayaana waajib ah.

 109- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

 110- Ka dibna wuxuu fadhiisanayaa isagoo xasillan inta laf kasta ay kaga noqoneyso meesheedii, sidaasna waa tiir.

 111- Waana inuu cagtiisa bidix simaa hoosteedana ku dul fadhiistaa, taasna waa waajib.

 112- Waana inuu cagtiisa midig dhulka ku toosiyaa.

 113- Waxaana loo jeedinayaa faraha Qiblada.

 114- Waa loo oggol yahay inuu ku fadhiisto cirbaha mararka qaarkood, waana inuu ku fadhiisto cirbihiisa labada cagna ay taagan yihiin.

 115- Wuxuuna oranayaa isagoo fadhiya:

         " اللهم اغفر لي، وارحمني، واجبرني، وارفعني، وعافني، وارزقني ".

 116- Hadduu doonana wuxuu leeyahay:

                    " رب اغفر لي، رب اغفر لي ".

 117- Wuxuu fadhiisanayaa intuu sujuudsanaa oo kale.

 Sujuudda labaad:

 118- Dabadeed waxaa waajib ah inuu yiraahdo

الله أكبر

 119- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa isagoo oranaya الله أكبر ” mararka qaarkood.

 120- Wuxuuna sujuudayaa sujuudda labaad, waana tiir sidoo kale.

 121- Wuxuuna sameynayaa siduu sameeyay markii hore oo kale.

 Fadhiga nasashada:

 122- Marka uu madaxiisa kor uga soo qaado sujuudda labaad, oo uu doono inuu u kaco rakcada labaad waxaa waajib ah inuu yiraahdo الله أكبر ”.

 123- Wuxuu kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

 124- Wuxuuna fadhiisanayaa ”wax yar” isagoo toosan, oo ku fadhiya cagtiisa bidix, inta laf kasta ay ku noqoneyso meesheedii.

 Rakcada labaad:

 125- Dabadeedna wuxuu kacayaa isagoo ku tiirsanaya gacmihiisa dhulka iyaga oo uu isku qabtay, sida uu iskugu qabto gacmaha kan wax cajiima, wuxuuna u kacayaa rakcada labaad, iyadana waa tiir.

 126- Wuxuuna samaynayaa siduu sameeyay markii hore oo kale.

 127- Inkastoo uusan akhrineynin ducada salaadda lagu furto.

 128- Waana inay ahaataa rakcada labaad mid ka gaaban rakcada hore.

 In loo fadhiisto at-Taxiyaadka:

 129- Marka uu dhameeyo Rakcada labaad, waxaa waajib ah inuu u fadhiisto at-Taxiyaadka.

 130- Wuxuuna ku dul fadhiisanayaa intuu simo lugta bidix, sidii aan ku soo marnay labada sujuud dhexdooda.

 131- Hase ahaatee lama oggola in lagu dul fadhiisto labada cirib fadhigan.

 132- Wuxuuna gacantiisa midig saarayaa bowdadiisa iyo jilibkiisa midig, xusulkiisa midig dhamaadkiisana wuxuu saarayaa bowdadiisa, kamana fogeynayo.

 133- Wuxuuna gacantiisa bidix ku dul fidinayaa bowdadiisa iyo jilibkiisa bidix.

 134- Lamana oggola inuu fadhiisto isagoo ku tiirsan gacantiisa, gaar ahaan bidixda.

 Far-dhaqdhaqaajinta iyo iyadoo la eegayo farta:

 135- Wuxuuna isku qabanayaa faraha gacantiisa midig dhamaan. Suulkana uu saarayo fartiisa dhexe mar.

 136- Marna uu goobo ka dhigayo suulka iyo farta dhexe oo is wata.

 137- Wuxuuna ku tilmaamayaa farta (Murugsatada) xagga Qiblada.

 138- Wuxuuna eegayaa fartaas iyada ah.

 139- Wuxuuna dhaqdhaqaajinayaa fartaas isagoo duceysanaya at-Taxiyaadka bilowgiisa ilaa dhamaadkiisa.

 140- Mana ku tilmaamayo fartiisa gacanta bidix.

 141- Wuxuuna sidaas oo dhanna sameynayaa at-Taxiyaadka kasta.

 Qaabka at-Taxiyaadka iyo ducada ka dib:

 142- At-taxiyaadkana waa waajib oo haddii uu hilmaamo wuxuu sujuudayaa labada sujuud ee hilmaamka. 

 143- Wuxuuna u akhrinayaa si hoos ah.

 144- At-Taxiyaadka qaabka loo akhrinayana waa:

" التحيات لله، والصلوات، والطيبات، السلام على النبي  ورحمة الله وبركاته، السلام علينا وعلى عباد الله الصالحين، أشهد أن لا إله إلا الله، وأشهد أن محمد عبده ورسوله " 

 145- At-Taxiyaadka ka dibna wuxuu ku salinayaa Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo wuxuu leeyahay:

" اللهم صل على محمد، وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.

اللهم بارك على محمد، وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم، وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد ".   

 146- Haddaad doontana waxaad ku soo gaabsaneysaa adigoo leh:

" اللهم صل على محمد، وعلى آل محمد، وبارك على محمد، وعلى آل محمد، كما صليت وباركت على إبراهيم، وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد" 

                                                                        147- Dabadeedna wuxuu ku duceysanayaa ducooyinka ku soo arooray at-Taxiyaadka mid kuu jeclaysto, iyada ayuuna Eebbe kaga duceysanayaa.

 Rakcada saddaxaad iyo afaraad:

 148- Dabadeed waxaa waajib ah inuu yiraahdo Takbiirta, waxaana Sunna ah inuu yiraahdo Takbiirta isagoo fadhiya.

 149- Wuxuuna kor u qaadayaa gacmihiisa mararka qaarkood.

 150- Dabadeed wuxuu u kacayaa rakcada saddaxaad, waana tiir sida midda ka dambeysa oo kale.

 151- Sidaas oo kale ayuuna samaynayaa hadduu doono inuu u kaco rakcada afaraad.

 152- Hase ahaatee ka hor intuusan kicin, waa inuu u fadhiistaa si toos ah, isagoo ku fadhiya cagtiisa bidix, inta laf kasta ku noqoneyso meesheedii.

 153- Dabadeed wuxuu kacayaa isagoo ku tiirsan gacantiisa siduu sameeyay markuu u kacayey rakcadii labaad.

 154- Dabadeed wuxuu akhrinayaa rakcada saddaxaad iyo afaraad kol kasta Faatixada waana waajib.

 155- Wuxuuna ku darayaa Aayad ama ka badan mararka qaarkood.

 Qunuutka arin darteed iyo marka lala imaanayo:

 156- Waxaa Sunna ah inuu Qunuudo oo uu u duceeyo Muslimiinta Dhibaato ku dhacday darteed.

 157- Wuxuuna u duceynayaa markuu rukuuco ka dib oo uu yiraahdo:

. " ربنا ولك الحمد "

158- Mana jirto duco u gaar ah oo uu ugu duceynayo ee wuxuu ugu duceynayaa hadba ducadii ku habboon dhibaatadaas.

 159- Markuu duceynayana wuxuu kor u qaadayaa gacmihiisa.

 160- Ducadana kor ayuu u qaadayaa hadduu yahay imaam.

161- Dadka ku daba tukanayana waxay oranayaan Aamiin.

 162- Markuu ducada dhameeyana wuxuu leeyahay takbiirta dabadeedna sujuudayaa.

 Qunuutka Witarka iyo marka lala imaanayo iyo qaabkiisa:

 163- Qunuutka Witarka ahse waa la oggol yahay mararka qaarkood.

 164- Waxaana la Qunuudayaa rukuucda ka hor, waana uu ka duwan yahay Qunuutka haddii dhibaato dhacdo lala yimaado.

 165- Wuxuuna ku duceysanayaa ducadan:  

" اللهم اهدني فيمن هديت، وعافني فيمن عافيت، وتولني فيمن توليت، وبارك لي فيما أعطيت، وقني شر ما قضيت، فإنك تقضي ولا يقضى عليك، وإنه لا يذل من واليت، ولا يعز من عاديت، تباركت ربنا وتعاليت، ولا منجا منك إلا إليك ".

 166- Ducadaas ayuuna Nabiga n.n.k. dadka baray, sidaas darteed intaas lagama kordhin karo, in lagu saliyo Nabiga n.n.k. mooyee, saligase waa la oggol yahay maaddaama uu ka sugnaaday Asxaabtiisa Eebbe ha ka raalli ahaadee.   

 167- Dabadeed wuu rukuucayaa oo sujuudayaa labo sujuud sida horay lagu soo sheegay.

 At-Taxiyaadka dambe iyo ku fadhiisadka misigta bidix adigoo ku fadhiya dhulka:

التشهد الأخير والتورك

 168- Dabadeedna wuu fadhiisanayaa si uu u akhriyo at-Taxiyaadka dambe labada at-Taxiyaadna waa waajib.

 169- Wuxuuna samaynayaa sidii uu sameeyay

at-Taxiyaadkii hore oo kale.   

 170- Inkasta oo uu ku fadhiisanayo misigta bidix isagoo ku fadhiya dhulka, labadiisa cagoodna ay yihiin dhinaciisa midig, cagtiisa bidixna wuxuu hoos dhigayaa kubkiisa midig.   

 171- Cagtiisa midigna waa inuu ku toosiyaa dhulka korkiisa.

 172- Waana loo oggol yahay inuu simo mararka qaarkood.

 173- Waana inuu xoog ugu tiirsado jilibkiisa bidix iyadoo uu ku dul hayo gacantiisa bidix.

Waajibnimada in lagu saliyo Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee iyo in laga nabadgalo afar:

 174- Waxaana waajib ah at-Taxiyaadkan inuu qofka ku saliyo Nabiga n.n.k., waxaana ku soo sheegnay qaar ka mid ah qaababka loogu saliyo at-Taxiyaadkii hore.

 175- Waana inuu Eebbe ka magangalaa afar isagoo oranaya:

" اللهم إني أعوذ بك من عذاب جهنم، ومن عذاب القبر، ومن فتنة المحيا والممات، ومن شر فتنة المسيح الدجال ". 

 Ducada ka hor intaan la salaama naqsan:

 176- Ka dibna wuxuu ku duceysanayaa wuxuu doono oo ku sugnaaday Kitaabka iyo Sunnada, waana ducooyin badan, hadduusan waxba ka garaneyn ducooyinkaasi, wuxuu ku duceysanayaa duco anfacaysa diintiisa iyo adduunyadiisa.

 Salaama naqsiga iyo jaadadkeeda:

 177- Dabadeed waxaa tiir ah intuu midig u jeesto inuu salaama naqsado ilaa laga arkayo dhabankiisa cad ee midig.

178- Wuxuuna u jeesanayaa bidix ilaa laga arkayo dhabankiisa cad ee bidix, haba ahaatee salaadda Janaazada.  

179- Imaamka wuxuu salaama naqsanayaa isagoo codka kor u qaadayo, waxaan ka ahayn salaadda Janaazada.

180- Waxaana loo salaama naqsadaa jaadadkan kala duwan:

Koowaad: Wuxuu leeyahay markuu u jeesto dhinaca midig:

 السلام عليكم ورحمة الله وبركاته ,

markuu u jeestana dhinaca bidix:

 السلام عليكم ورحمة الله

Labaad: Wuxuuna leeyahay isla sidii oo kale iyadoo aysan la socon:  " وبركاته "

Saddaxaad: Wuxuu leeyahay markuu u jeesto dhinaciisa midig:

 السلام عليكم ورحمة الله ,

 markuu u jeestana dhinaciisa bidix:

 . السلام عليكم

Afaraad: Wuxuu salaama naqsanayaa hal salaama naqsi xaggiisa hore isagoo u jeesanaya midigtiisa wax yar.

_____________

Walaalkey muslimka ahow! intaas waa intii aan awooday inaan idinkugu soo koobo kitaabkeygan:

 ”Siduu u tukan jirey Nabiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee oo kooban:

         تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم   

Aniga oo isku dayayey inaad fahamto sida loo tukado ee sugan. haddaad u tukato sidaan kuu tilmaamay ee uu u tukan jirey Nebiga naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee, markaasi waxaan Eebbe Kor ahaaye kaaga rajeynayaa inuu kaa aqbalo, maxaa yeelay haddaad sidaas sameyso waxaad ka dhabeysay dhab ahaantii hadalkii Nebiga n.n.k.:

                          صلوا كما رأيتموني أصلي

”U tukada sidaad igu aragtaan inaan u tukado”

Intaas ka dibna waxaa lagaaga baahan yahay inaadan hilmaamin inaad ku dadaasho inuu qalbigaaga joogo oo aad khushuucsanaanto marka aad tukanaysid, maxaa yeelay waa hadafka ugu weyn ee ku jira is hortaagga addoonka Eebbaha Kor ahaaye hortiisa, iyo inta aad ka dhabayso khushuucii aan kuu tilmaamay iyo inaad u tukato siduu u tukan jirey Nabiga n.n.k. ayaad u heleysaa miraha la rajeynayo ee uu noo sheegay Barbaariyaheena Kor ahaaye isagoo leh:

Run ahaantii salaaddu waxay reebtaa xumaanta iyo dembiga.

 " إن الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر".

Ugu dambeyntii waxaan weydiisanayaa Eebbe Kor ahaaye inuu naga aqbalo salaaddeena iyo acmaasheena kaleba, uuna ajarkeeda noo keydiyo maalinta aan la kulmeyno ...

(Maalinta aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn –qof Eebbe kula kulmaya mooyee isagoo ka maran qalbigiisa inuu wax la wadaajiyo caabudidiisa).

( يوم لا ينفع مال ولا بنون إلا من أتى الله بقلب سليم).

Waxaana mahad iska leh Eebbe Barbaariyaha uumanka.

                      الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات                                

Waxaa mahad iska leh Eebbe kaa soo galaddiisu ku dhammaadaan wanaagyaalku


1 Waxaan leeyahay: Yuusan dhigin kabaha hortiisa!

2 Waxaan leeyahay: Dad badan ayaan sidaas ku dhaqmin.

3 Xariiqda dhulka lagu xariiqdana kuma filna daah ahaan.

4 Nabigase n.n.k. ma tukan daah la' aan, dadkana ay hormarayaan isagoo tukanaya.

5 Dadkase gacmahooda isa saaraya haddana isku qabanaya, wax sugnaaday ma aha.   

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
03/12/2014 16:32:10