Alimuse.com
Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Qabyaalada4

Home
Up

Mushkilada Qabyaalada

 Waxaynu helikarnaa wadada xalka qabyaalada marka aynu tixgalino 3 shay kuwaas oo ina siin kara xal u helida mustaqbalka aynu rabno.

  • waa maxay qabyaaladu
  • waa maxay dhibaatada qabyaaladu inoo gaysatay wakhtigii tagay
  • waa maxay mushkilada qabyaaladu hada inagu haysaa

Qabyaalada

Qabyaaladu waa dareen qolonimo iyo udaacad ahaansho sad ka badsiga iyo dulminta dadka intiisa kale.Hadii sikale aynu u nidhaahno: Waa Qofka oo qaba figrad ah in awooda dalka & talada iyo faa’iidada oo dhami ku kobnaato qabiilka uu yahay.

 Qeexida Qofka Qabyaalada Aaminsan:

  • Qofku ku xisaabtamimaayo faaa’iidada iyo qasaaraha ugu jira fal kasta uu ku kaacyo asagoo meel iska dhigaayo cadiifada qabiilka oo caqliga ku tiirsanaaya.
  • Qofku ma’oga baahida uu uqabo bulsho mideysan (qabilooyinka oo midooba)
  • Qofkani marka uu cid taageeraayo ama doorasho timaado wuxuu taageeraa qofka qabiilkiisa ah oo kaliya xataa isaga oo og inuu xunyahay waxna u qaban doonin waxa kaliya ee uu ka diriraya waa yaan reer hebel helin
  • Qofkani wuxuu isku taxalujiyaa sidii uu ubaran lahaa gabayada & heesaha dhaliilaaya qabiilada kale si uu ugu caayo una yaso
  • Qofku wuxuu dad u arkaa dadka qabiilkooda oo kaliya, dadka kalena wax aan muhiim ahayn

 Mushkilada Qabyaaladu inoo gaysatay wakhtigii tagay?

 Taariikhda Somalida inta lagaranaayo waxaynu u noolayn hab qolo qolo iyo qabilooyin reer miyi ah oo aan waligood yeelanin dawlad iyo maamul ka dhexeeya midna. Qabiilooyinku iyaga oo walaal ah ayay hadana midba kakale col la’ahaa, waanay dagaalami jireen geela & xoolahana kala dhici jireen.

Qabiilooyinka gudahooda ayaa iskala saari jiray oo qabiilk qudha ayaa intuu kala baxo midba kakale uu ladagaalamijiray.

 Arintaas qabiilooyinka yaryar, jees-jeeska iyo kali u noolaashuhu waxay keentay quwad & awood isku duuban inay yeelan waayaan deedna cadaw shisheeye uu dalkoodii soo hungureeyo isagoo arkay in umada dalka iskalehba ay qabiilooyin yaryar oo kala daadsan yihiin. Kadib dawladihii cadowgii reer yurub ayaa dhulkii kala boobay oo iniba in qaadatay, Qabiiladii Soomaaliduna waxay noqdeen qayb uu gooni ulaheshiiyo, qayb uu laayo, qayb inta uu hubsiiyo iyaga isku diro oo islaaya.

 Dawladihii reer yurub ee Ingiriiska, Talyaaniga & Faransiiku dhulkii Soomaalidu lahayd ayay qaybsadeen wax ale wixii khayraad ah ee ay doonayeena waay kala baxeen, xataa intay soomaalida reer miyiga ah xoolohoodii qasab kaga qaadeen ayay ciidamadooda raashin uga dhigi jireen. Talyaanigu intuu dadka soomaalida ah soo ururiyo ayuu beeraha ku qodi jiray kuwaas oo saraca ka baxana uu dalkiisa ku masruufijiray. Waxa akle oo uu talyaanigu dalka meelo badan ka sameysatay warshado uu dalkiisa dhaqaale uga soo saarijiray, dadka soomalidana wuuxuu ku qasbay inay bilaash ugu shaqeeyaan isagoo geeloodii & adhigoodina ka qaaday.

 Akhirkii dawladihii reer yurub markay dhulkii ka dhargeen waxay doonayeena ku sameeyeen baaqigii waxay u qaybiyeen dalalkii inala jaarka ahaa (Kenya & Ethiopia) oo ilaa maanta dhulkeenii bilaash ku haysta iyo Jabuuti oo ay faransiiska siiyeen kadibna gooni u gooyay.

 Soomalidu markii ay xornimadoodii ka qaateen gumastayaashii (British & Italy) 1960 kii waxay samaysteen dawladii ugu horaysay ee somali yeelato magaceeduna yahay Jamhuuriyada Somaliya (The  Somali Republic) oo Madaxweeyne uu kayahay Adan Cade & Ra’isal wasaarahana waxaa noqday C/Rashiid Sharma arke. Dhismihii dawlada kadib waxaa abuurmay dhibaatatii qabyaalada oo lamoodaayay in laga gudbay maadama dawladi dalkii ka dhalatay, waxaana muran iyo hadal ka dhashay qaybsigii kuraasta baarlamaanka iyo wasiirada oo reer waliba saluugay intii ku soo hagaagtay. 1967 Markii dorashadii labaad soo dhawaatay waxaa bilaabmay 68 urur oo mid waliba qabiil ka socdo lakiin waxaa codkii ugu badnaa helay ururka (SYL)  waxaana M/weeyne loo dortay C/Rashiid M. X.I. Cigaal oo Ra’isal wasaare ah. Wax yar kadib iyadoo xaladii qabiil wax ku doonku aad u siixumaatay ayaa nin ka mida dadkii qabiilka wax ku doonaayay dilay M/weynihii wadanka (C/Rashiid) wax yar kadibna waxa dhacay inqilaabkii kacaankii siyaad bare kaas oo dalka u hogaamiyay 21 sano oo madoow.

 Dhibaatooyinkii aan laqiyaasi karahayn ee Siyaad Bare dadka & dalka u gaystay kuna simay inuu haysto 21 sano waxaa u sabab ahaa dadka Soomaliyeed oo aan marnaba midaysnayn oo qabilooyin iskawada soo horjeeda ahaa.

 1991 kii markii Xukunkii habaarka qabay ee Siyaad Bare burburay waxaa dalka qabsaday jabhado kuligood wata ma’aadi qabyaaladeed oo midwaliba reer ka socdo lakiin marnaba anay ku jirin Somalinimo iyo figrad wanaagsan oo bini aadamnimo. Taasina waa taa hogaamisay in milyano soomali ah macna daro loo dilo badhna gaajo u dhintaan, somaliland iyadu goonibay u goosatay lakiin koonfur soomaliya wataa noqotay xalad aan aduunkan casriga ah ka dhicin mudo 16 sano ahna aan dawladi ka jirin waxaas oo dhana waxaa ugu wacan qabyaalada dadka soomalida lafta kaga jirta ee anu qofku ka fikirahayn waxa naftiisa dan & faa’iido u ah lakiin uu ku fikiraayo qabiil taageerid aan wax faa’iido ahi isaga ugu jirin.

 Somaliland oo iyadu dawlad ahayd mudo 16 sano ah sharci & nidaamna ka jiray inkastoo aanu caalamku aqoon san hadana wax horumar ah oo lasheegi karo kama jiro marka loo eego mudada ay fursad wax lagu dhiso haysatay. Wax qabad la’aantaas waxaa ugu wacan xukumada oo aan dadkeeda daacad u ahayn sharcigana si badheedh ah u jabinaysa.

 Caalamkan casriga ah marka dalku leeyahay dawlad dimuqraadi ah iyo dastuur dalka u yaala hadii dawladu wax qalad ah latimaado dadkana wax u qaban waydo waa inay dadka shacbiga ahi kalsoonida kala noqdaan. Sababta xukuumada u sahlaysa inay waxay doonto samayso waxaa weeye dadka reer Somaliland ee shicibka oo aan sirasmiya u midaysnayn qof walbana ay ka buuxod qabyaalad iyo qolo usocod.

waa maxay mushkilada qabyaaladu hada inagu haysaa

horumarla’aanta iyo dawlad daacad ah oo sharciga wadanka u hogaansan dadkana cadaalad ku kala xukunta waxa inaga hortaagani waa Qabyaalada dadka Somalida ah dhamaan lafta kaga jirta sababta oo ah dadku wax kasta oo ay kamidaysan yihiin wuu qabsoomaa hogaamiye xun oo kastaa haduu dalku yeesho lakiin dadku midaysanyahay waxba kama qaado.

Lasoco qaybaha dambe

Admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

Islamic Media Share, Alimuse.net

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Islamic Media Share

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Abubakor Islamic

Duruus

SomaliQuraan.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu. Fadlal waxaad nagala soo xidhiidhikartaa info@alimuse.com
                                              
Copyright© 2014 Alimuse.com/                                                                  
13/01/2015 01:33:37