Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Fadliga Cadayashada

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

FADLIGA KU CADAYASHADA CADAYGA IYO INAY KA MID TAHAY WAXYAALAHA ABUURISTA WANAAGSAN AH

1195. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu S.C.W. wuxuu yiri: Haddii aanan ka baqeyn inay ku dhibtoodaan ummaddeyda waxaan ku faral yeeli lahaa ku cadayashada ilkaha caday Salaad walba horteed. (Bukhaari iyo Muslim).

1196. Xudeyfah A.K.R. wuxuu sheegay in Nebigu (S.C.W.) markii uu hurdada ka tooso uu afka ku jiid-jiidi jirey caday. (Bukhaari iyo Muslim)

1197. Caa’isha A.K.R. waxay tiri: ka hor intuusan Nebiga (S.C.W.) hurdada ka kicin, waxaan u soo diyaarin jirey caday iyo biyo uu ku weeseysto, si markii uu Alle soo toosiyo inta habeenka ah uu S.C.W. intuu cadaydo, u weesaysto oo markaas tukado. (Muslim)

1198. Anas A.K.R. wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaan aad idiinkaga badbadiyey oo idiinkugu adkeeyey cadayasho. (ahmiyadda iyo faa’idada ku cadayashada ilkihiinna caday darteed). (Bukhaari)

1199. Shurayx bin Haani A.K.R. wuxuu yiri: Waxaan weydiiyey Caa’isha A.K.R. waxa ay aheyd waxa ugu horreeya uu Nebiga (S.C.W.) sameyn

Jirey markii uu soo galo gurigiisa? Waxay tiri: Waa cadayan jirey. (Muslim)

1200. Abuu Muusaa Al-Ashcari A.K.R. wuxuu yiri: (Mar) Waxaan aaday Nebiga S.C.W. oo arkay isagoo uu ugu jiro caday afka. (Bukhaari iyo Muslim)

1201. Caa’isha A.K.R. waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Cadaygu wuxuu nadiifiyaa afka, oo raalli geliyaa Alle. (Nisaa’i iyo Ibn Khusaymah, baa ku soo weriyey sened saxiix ah).

1202. Abuu Hureyrah A.K.R. wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Shan waxyaaloodba waa abuurista wanaagsan baa sidaas ah oo keenta: Waxay kala yihiin guditaanka, xiiridda timaha hoose la iska xiiro qaan gaaridda kaddib, iska jaridda cidiyaha, iska rifidda timaha ka soo baxay kilkilaha hoostooda la iska rifo iyo iska gaabinta shaarubbaha la iska gaabiyo. (Bukhaari iyo Muslim)

1203. Caa’isha A.K.R. waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa jira toban wax oo mutadallibaadka abuurista wanaagsan ah (ama diinta xaqa ah_Islaamka). Waxay kala yihiin: Jaridda timaha Shaarubka iyo iska-gaabintooda, Gardaysiga, cadayashada, sandaarsiga, ciddiyo jarashada, farxalashada, rifidda kil-kisha, xiiridda timaha hoose iyo istinjada. Weriyaha xadiiska wuxuu sheegay inuu illaabay midda tobnaad, wuxuuna yiri waxay u badan tahay inay tahay luqluqashada. (Muslim)

1204. Ibn Cumar A.K.R. wuxuu yiri Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Gaabsha shaarubbada oo daaya Gadhka. (Bukhaari iyo Muslim)

Allaah, Haynaga yeelo kuwa waanada maqla oo dhaqma kana runsheega xaqa.

Cali Muuse Jaamac

admin@alimuse.com

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:19