Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Xalinta Dhibta

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

Xalinta Dhibaatada

Xalinta dhibaatadu waa qaab kamid ah qabaabka loo fikiro. Iyadoo laysku taxalujinaayo in caqliga laga shaqaysiiyo, habka xalinta dhibaatada waxaa lagu qayaxay inuu yahay nidaam aad u heer saraya oo ku xidhan garashada iyo fahanka qofku leeyahay, nidaamkaas  oo u baahan awood & xirfad uu qofku leeyahay, sida helida dhibta & qaab u yeelida dhibtaada.

Nidaamka xalinta mushkiladaha ee bini aadamku leeyahay waa wax dabeeci ah oo laga bartay dadka cilmi nafsiga ku takhasusay boqolaal sonadood ka hor. Waxana jira habab dhowra oo loo barto xalinta dhibaatada, kuwaas oo ay ka mid yihiin, is-qiimayn naf-ahaaneed (introspection), dabeecadsami (behaviorism), iska dhigid (simulation), qaabka kumbuyuutarka (Computer Modeling) & tijaabo samayn (Experiment).

Marka laga soo bilabo tijaabooyin lasameeyay 1935 oo uu qaaday Nin jarmal ahaa oo la odhan jiray Duncker ilaa xilaagaas dalalka reer galbeedku aad bay iskugu taxalujiyaan xalinta dhibaatooyinka maalin walbana waxay sameeyaan baadhitaano badan oo kala duwan waxaana jira dugsiyo & jaamacado badan oo u furan barashada xalinta mushkiladaha ka dhaca dadka dhex diisa marka laga reebo kuwa aanu bini aadamku waxaba ka qaban karin ee ilaahay mooye cid awoodeeda lehi aanay jirin.  

Abuurida Xalinta Dhibaatada

Abuurida xalinta dhibaatadu waa nadaam bir oo kale ah, oo lagu abuuro xalka dhibaatada jirta, waa qaab gaara oo mushkiladaha lagu xaliyo kaas oo aad baranayso lana qabsanayso inaad xaliso dhib kasta oo aad xalin karto. Hadii aad qaabkan barato waa nidaam aanad u baahanayn inaad mar walba cid ku caawisa raadiso laakiin aad qabatiimayso sidii aad dhibaatada u xalin lahayd. Abuurida xalinta mushkiladuhu waxay had iyo jeer u baahan tahay aqoon iyo fikir. Waxa ay u baahantahay inaad dhib kasta oo ku soo marta aad wax ka baratid si aad hadhowto hadii ay soo noqoto aad uga foojignaato, hawl kasta oo aanad aqoon u lahaynin hadii ay kula kulanto oo ay tahay khasab inaad fulisa waa dhib. Marka aad rabto inaad dhibaato xal u hesho waa inaad su’aalahan iswaydiisa:

  1. Waa maxay dhibaatadu?
  2. Maxay dhibaatadu saamaynaysa?
  3. Maxaa dhibaatada keenay?
  4. Maxaa xal ah?

Waa maxay dhibtu? Su’aashani waxay ku siinaysa dhibaatadu waxay tahay inaad sifiican u fahanto.

Maxay dhibaatadu saamaynaysaa? Tani waxay ku tusinaysaa mushkilada dhibaatadu khasaaraha ay keenayso & cida ay wax yeelayso.

Maxaa xal ah? Su’aashani waxay kuu sahah laysaa xalka dhibaatada inaad hesho xataa hadii anad markaas gacanta ku hayn waxay ku tusaysaa sidii loo helilahaa

 

Lasoco Qaybaha dambe

www.alimuse.com

 

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:15