TAARIIKHDII IMAAM NAWAAWI OO KOOBAN
Imaam Muxyadiin Abuu Zakariya bin Sharaf an-Nawawi, wuxuuu caan ku
yahaymagaca Imaam Nawawi, naynaastiisuna waa muxyadiin, kunyadiisuna waa
abuuZakariye (kunya waxaa la yiraahdaa magac qof lagu dhajiyo ee uu
leeyahayaabihii ama hooyadii ama mid ka mid ah ilmahiisa) (Abuu Zakariya
aabihii).Sidoo kale waxaa la oran jiray Xaazim, oo ah magac awoowgiis Xaazim An-nawawi,wuxuu
dhashay imaamka bishii Muxarram, sanadkii 631 (Hijradii kaddib) oowaafaqsan 1233
(dhalashadii Ciise kaddib).
Wuxuu ka dhashay qoys wanaagsan oo ku noolaa Nawa, oo ah tuulo u dhowDimishiq.
Halkaa buuna ku qaatay caruurnimadiisa oo ku qaan gaaray kunaxafiday Qur'aanka
kariimka ah.
Macallin Marashi, oo ah caalim ku noolaa Nawa, wuxuu yiri: 'Waxaan kuarkay
Sheekh Nawawi tuulada Nawaa isagoo 10 jir ah. Wiilasha kale ee lada'da waxay ku
qasbi jireen inuu la ciyaaro, laakiin sheekhuu ma uusanjeclaan jirin inuu la
ciyaaro. Wuxuu ku howlaan jiray waxbarashadiisa..Hadii ay wiilasha ku qasbaan
inuu la ciyaaro sheekhu waxaa dhici jirtayarintaa siduu uga xun yahay iyo in
laga mashquuliyo waxbarashadiisa inuuilmeeyo'. Wuxuu intaa ku daray macalin
Marakash: 'Waxaan bilaabay in aanjeclaado Imaam Nawawi wixii ka bilowday
waqtigaa.
Wuxuu doonayey Imaam Nawawi aabihii inuu howlahiisa iyo shaqooyinkiisawax
kaga dhiibo. Imaam Nawawise isagoo doonayey awgeed inuu waxbarashadaka yool
gaaro ma jecleysan arintaa. Wuxuu Ilaahay u diyaarinayey howl weynoo wanaagsan.
Sidaa awgeed wuxuu muujiyey Imaam Nawawi inuusan niyad uheyn agaasinka xoolaha
aabihi iyo ka shaqeynta howlahiisa ganacsiyeed.
Imaam Nawawi yaraantiisii buu wuxuu ku dhameeyey xifdinta Qur'aankakariimka
ah, kaddibna wuxuu qaaday tilaabooyinkii cilmi raacashada.
Imaam Nawawi Aabihi wuxuu dareemey markaa rabitaanka iyo doonista xoogaleh
iyo garashada iyo garaadka uu Alle ku maneystay wiilkiisa. isagoo
tixgelinayadoonistiisa waxbarashada aabihi wuxuu go'aansaday inuu ka shaqeeyo
sidauu wiilkiisa waxbarasho wanaagsan ku heli lahaa. Sidaa awgeed wuxuu u
qaadayDimishiq, oo aheyd markaa xarunta cilmiga iyo culimada.
Wuxuu wax ka dhigtay ugu horeynba macalin Kamaal bin Axmed
Imaam Nawawi wuxuu yiri: 'Markii aan da' ahaan gaaray 19 sano, aabahaywuxuu
ii kaxeeyey Dimishiq, waxaana halkaa ka galay dugsiga "Rawaax"waxaan dhiganayey
mac-hadkaa labo sano. Intii aan joogay dugsigii Rawaaxa.Waxaan ku noolaa cuntada
laga bixiyo dugsiga. Waxaana i suuragashay inaan4 bilood iyo bar gudahood korta
ka wada qabto buuga la yiraahdo'Tanbiih'dabadeedna waxaan dusha ka qabtay qaybo
ka mid ah kitaabka 'Muhaddab'.laakiinse in badan oo waqtigeyga ka mid ah waxaan
siin jiray hab faaleyntaiyo sharaxaada buugaagta xadiiska iyo sixiddooda. Markii
uu MacalinkeygaIsxaaq Maqrabi (Allaha u naxariistee) arkay horumarka aan
sameeyey iyoniyadda weyn aan u hayo waxbarashada wuxuu bilaabay inuu i jeclaado
oosi gaar ah u daneeyo isagana xilsaaro waxbarashadeyda. Sannadka markuuahaa
650. (Hijrada kaddib) waxaa la xajiyey aabahay dabadeedna waxaan joognaybil iyo
bar magaalada Madiina.
Waxbarashadiisii
Caddaa'ud diin bin Cataar wuxuu sheegay in Sheekh Nawawi uu ku yiri:Waxaan
dhigtaa oo bartaa labo iyo toban maado maalin kasta oo ka qaataamacallimiinteyda.
Waxaa ka mid ah duruusta uu qaadanayey 'Saxiix Muslim'(oo ah buug axaadiis ah),
Naxwo, sarfi, Fiqi iyo kuwo kale; Imaam Nawawiwuxuu kaloo yiri: Alle wuu ii
barakeeyey waqtigeyga iyo xusuusteydaba wuxuunaii suura geliyey inaan gaaro
culuun aan rabay barashadeeda.
Imaamku wuxuu yiri: Waxaan mar is iri waa inaad barataa dhakhtarnimadasi aan
hadafkaa u gaarana waxaan soo iibsaday buugag ka hadlaya daawada,waase wadi kari
waayey markaas baan iska daayey markii aan arkey inaanu janjeerin cilmigaa.
Waana iska iibiyey buugtii aan u soo iibsadey inaanka barto.
Macallimiintisii
Imaam Nawawi wuxuu wax ka bartay cilmiga xadiiska muxadasiin horseedku ahaa
cilmiga xadiiska waqtigaa, fiqigana wuxuu ka bartay culimo waawayn.
Macallimiintii uu wax ka bartay way badnaayeen, waxaana ka mid ahaa:
1. Abuu Ibraahiim Isxaaq bin Axmed al-Maqrabi,
2. Abuu Muxammad Cabdu Raxmaan bin Nuux al-Maqdisi,
3. Abuu Xafs Cumar bin Ascad Ar-Rabiica,
4. Abul Xasan Arbali,
5. Abuu Isxaaq Ibraahiim Muraadi,
6. Abul Baqaa Khaalid bin Yuusuf Nablusi,
7. Diyaa bin Tassaam al-Xanafi,
8. Abul Cabaas Axmed Misri,
9. Abul Cabdullah Jiyaani,
10.Abul Fatax Cumar bin Bandar,
11.Abuu Isxaaq Waasti,
12.Abuu Cabaas Maqribi,
13.Abuu Muxammad Tanuukhi,
14.Abuu Muxammad Cabdur Raxmaan Cambari,
15.Abul Faraj Maqdisi,
16.Abuu Muxammad Ansaari,
iyo kuwo kale oo badan.
Kuwani waa macallimiintii uu wax ka bartay Imaam Nawawi.
Ardaydiisii
Sidii Macallimiintiisii, ardaydii Imaam Nawawi aad bay u badnaayeen.Waxaana
ka mid ahaa ardeydiisii:
1. Calaa'udiin bin Athar 2. Abul Cabaas Axmad bin Ibraahiim 3. Abul
CabaasJacfari 4. Abul Cabaas Axmad bin Faraj 5. Rashiid Ismaaciil bin
Mucallimal-Xanafi 6. Abuu Cabdullahi Xanbili 7. Abul Cabaas Waasti 8.
JamaaludiinSuleymaan bin Cumar al-Daraa'ii 9. Abul Faraj Maqdisi 10. Badar
Muxammadbin Ibraahiim 11. Sulaymaan Muxammad bin Abii Bakar 12. Shihaab
Muxammadbin Cabdul Khaaliq 13. Sharaf Xibbullaah 14. Abul Xajaaj Mazani iyo
kuwokale oo badan.
Taqwadiisii
Imaam Nawawi ma aheyn calaama aqoon oo keliya, wuxuu ahaaa sidoo kaleruux
cibaado iyo Alle ka cabsi badan, oo salaad iyo soon badan. Wuxuu marwaliba raaci
jiray sunaha nebiga (S.C.W.) wuxuuna ku noolaan jiray cuntoyar mana jecleyn
israafka iyo raaxada badan. Dharkiisa wuxuu ahaa dhexdhexaad,culimo iyo caamaba
wuxuu ahaa nimay qadariyaan wanaagiisa darti oo ay kahaybeystaan. Waxay mar
waliba isku dayi jireen inay wax siiyaan wuuse kadiidi jiray. Aduun iyo
raaxadiisna ma doondooni jirin. Sheekhu marnabama yeelin in mishaar loogu qoro
dacwada iyo howlahiisi diineed ama kaalmolagu siiyo iwm.
Imaamku wuxuu ku shuqlanaan jiray fidinta diinta iyo barideeda dadkaama
salaad iyo daacad iwm.
Nasiinadiisu aad bay u yareyd, waxaana dhici jirtay inuu maaalin iyohabeen
dhan ku joogo qado keliya iyo xoogaa biyo ah uu cabay.
Howlahii uu qabtay
Wuxuu noolaa imaam Nawawi oo keliya 46 sano inkastoo ay tahay mudo
gaabanhadana wuxuu sheekhu qoray kutub badan oo mawaadiic kala duwan ka
hadlayaoo mid kasta qiimo iyo dhaxalgal yahay.
Waxaana ka mid ah wax qabadka iyo wax soo saarka Sheekhu:
1. Sharaxida kitaabka 'Saxiixul Muslim' buugan Imaam Nawawi wuxuu kayiri:
Sharaxan waxaan ku soo gudbiyey aqoon wanaagsan iyo cilmi dhaxalgal ah.'
2. Al- Minhaaj fii Sharax Muslim bin al-xajaaj.' Buugan sharaxa ah wuxuuimaam
Nawawi ka yiri: Hadii aan tixgelineyn wahsiga iyo sabar yaraantaakhristayaasha,
waxaan ku dari lahaa buugan arimo badan waxaana gaarsiinlahaa ilaa iyo 100
mujalad, laakiinse sababta aan soo sheegay baa keentayinaan soo koobo. Sharaxa
buugan wuxuu hada ka kooban yahay oo qura labamujaladood. Sheekh Shamsudiin
Muxamad bin Yusuf qunfi al-Xanafi (oo dhintay788 Hijradii kadib) baa isna soo
gaabiyey buugan.
3. Riyaadhu Saalixiin. Tarjumad Soomaali ah oo buugan waa kan aynu halkanku
soo gudbineyno. Waa soo ururin in ku dhow 2000 oo xadiis oo xul iyowada saxiix
ah wax yar maahee. Waxaana la socda aayado Qur'aan ah oo taakuleynaya,lana
xiriira mawaadiicda ay axaadiistu ka hadlayaan.
4. Kitaabur Rawdah.' oo ah soo koobid iyo soo gaabin sharaxa kabiirraafici.'
5.Sharaxa Muhazzab.'
6.Tahdiibul Asmaa wasifaat
7.Kitaabul Azhar
8.Arbaciin (afartan xadiis)
9.'Taqriib'
10.Irshaad fii culuumil Xadiis
11.Kitaabul Mubaahamaat
12.'Cizzah'
13.Baatiyaaan
14.'Manaasik'
15.Sharax Saxiixul Bukhaari (ma dhameystirin oo waa naaqus).
16.Sharaxa Sunan abii Daawuud (ma dhameystirin oo waa naaqus).
17.Dabaqaat fuqahaa ashaaficiyah'.
18.Risaalata istixbaab alqiyaam la ahlulfadal
19.Risaalata fii Qiyaamul Ghanaym,'
20.Fatawa.'
21.Jamcus sunnah.'
22. Khulaasatul Axkaam.'
23.Manaaqibu shaafici.'
24.Bustaanul Caarifiin.'
25.Mukhtasir Usudul Ghaabah.'
26.Xilyatul Abraar
27.Al-Asmaa Walluqaat
28.al-Maqaasid
29.At-tabyaan fii Adaabi xamlatal Qur'aan.
Dhimashadiisii
Sanadkii 676 (Hijradii kadib) Imaam Nawawi wuxuu u celiyey kutubtiiu soo
amaahday oo dhan dadkii kala lahaa, dabadeedna wuxuu booqday
qubuurahiimacalimiintiisii iyo culimadii una soo duceeyey. Arinka iyo
munaasabadaaaaad bay u laab kicisay heer ay indhihiisu ilmeeyeen. Markaa kadib
wuxuusoo salaamay saaxiibadiis iyo dadkii uu jeclaa wuxuuna dabadeed u
laabtaymagaaladiisii Nawaa.
Koox macaariftiisa ka mid ah baa markii uu ka baxayey Dimishiq
sagootiday,waxay weydiiyeen: Goormaan kulmeynaa mar labaad.'
Imaam Nawawi wuxuu yiri: Waayo kadib.
Dadkii meesha joogay waxay u qaateen maalinta inuu ula jeedo maalintaqiyaame.
Markaa kadib imaamku wuxuu booqday baytul Maqdis (Qudus ) oo masjidkaal-Aqsaa ku
soo tukaday, dabadeedna booqday qabrigii nebi Ibraahim (C.S.)kadibna wuxuu u
laabtay magaaladiisii Nawaa. Markii uu tagayba waa uu tagaybawaa uu xanuunsaday
wuxuuna dhintay habeen Arbaco 14kii Bishii Rajab 676(Hijradii kadib) aabihii oo
markaa nool.
Markii ay maqleen geeridii Imaamka Reer Dimishiq iyo dadkii ku noolaameelaha
u dhow waxay u soo baxeen ka qayb galka janaasadiisii, muslimiintudhamaantood
waxay ku qaabileen geeridiisa murugo,tiiraanyo, iyo naxdin.
Qaaligii qaaliyaasha (madaxii xeer ilaaliyayaasha ) ee Dimishiq
markaa,Cizzudiin Muxamad bin Saa'igh wuxuu ka qayb galay ku tukashada
janaasadiiimaamka isagoo ay wehliyaan duqey iyo odayaal iyo culimo badan. wayna
uduceeyeen. Gabayo dhowr ah baa laga tiriyey imaamka iyo siday
muslimiintiimarkaa joogtay uga xumaadeen geeridiisa iyo murugada ay ku qaabileen
warkeeda.Sheekh Waliyuduun bin Khadiib (Allaha u naxariistee) oo Ah isku
dubiradahakitaabka Mishkaat wuxuu u hibeeyey buugiisa'Akmal fii asmaaur rijaal)
imaamNawawi.
EREYO LA SOO GAABIYEY IYO WAXA AY KA TAAGAN YIHIIN
S.W.T. ( Subxaanahu watacaalaa)
(Alle hufnaa oo sare ahaaye)
S.C.W. ( Sallal laahu caleyhi wasallam)
(nabad iyo naxariis Alle dushiisa ha ahaato).
A.K.R. ( Alle ha ka Raali noqdee.)
C.S. ( Caleyhi Salaam)
(Nabadi dushiisa ha ahaato)
admin@alimuse.com
|
Dadka soo Booqday Bogan . |
|