Ka Baro Diinta
Islaamka
Live online Islamic courses |
RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 44QADDARINTA CULIMADA, EHELU DIINKA, IYO WAX GARADKA SAMAHA KA TALIYA, IYO IN LAGA HORMARIYO KUWA KALE OO LA MUUJIYO SHARAFTA IYO MEEQAANKOODA Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri: 139. "Ku dheh (iyagaa, Muxammadow S.C.W.): Ma siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan wax aqoonin? Mayee kuwa waxgaradka ah oo keliya baa waansamaya, oo dareemaya wanaagga iyo kheyrka". Suuradda az-Zumar: Aayadda9 348. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-Badri-al-Ansaari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ÒQofka ugu habboon inuu tujiyo oo uu imam ka noqdo salaadaha jamaacada waa kooda kitaabka Alle u badiya, uguna wanaagsan akhrinta QurÕaanka kariimka ah; haddii inta goob joogga ahi, ay isku mid ka yihiin arrintaa, markaas waxaa la eegi kan sunnaha u badiya; haddii ay dhacdo inay isku mid ka yihiin xagga sunnaha sidoo kale, markaa waxaa iimaam noqon kan u soo hor haajiray (yacni kan kheyrka ku horreeyey), haddii ay ka sinnaadeen dhammaantood arrintanna, markaas kan u da'a weyn waa inuu tujiyaa oo imaam u noqdaa. Qofnana waa inuusan iimaam ka noqon qof kale meeshi hadduusan u idmin, sidoo kalena waa inuusan qofna kaga fariisan qof kale fadhigi hadduusan u idmin". (Muslim) Werin kale oo Muslim dhigayo ba leh: Kooda u hor islaamay, halka ah kooda u da' weyn". Werin kale baa iyana ah: "Dadka ninka tujinaya waa inuu ahaadaa kooda kitaabka Alle u badiya oo u akhrin og; haddii ay akhriska isku mid ka yihiinna kan u soo hor haajirey baa tujinaya; haddii ay haajirida isku mid ka yihiinna, kan u da'weyn ha tujiyo". 349. Abuu Mascuud Cuqbah ibn Camar al-Badri al-Ansaari wuxuu kaloo sheegay in Nebigu (S.C.W.) saari jiray gacmahiisa garbahayaga markaan u safaneyno salaadda wuxuuna oran jirey: Safafka toosiya oo sima oo khilaaf dhexdiina ha yeelina, haddii kale quluubtiinnaa is dhaafeysa heshiis la'aan iyo khilaaf darti. Kuwa i xiga ee igu dhow ha ahaadeen kuwa daÕda ah, cilmiga iyo caqligana leh, iyo kuwa ku soo xiga ee tilmaamahaa oo kale leh, misna kuwa ku soo xiga oo tilmaan ahaan u dhow. (Muslim) 350. Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Salaadda markaynu tukaneyno ha igu soo xigeen dadka waaweyn ee cilmiga iyo caqliga leh, Kuwa kuwaas xigana ha ahaadeen kuwo u dhow xagga tilmaamahaa da'da, cilmiga iyo caqliga, (seddex jeer buu sidaa yiri) wuxuuna raaciyey intaa: Iska jira oo ha ku hadlina hadallada xunxun ee suuqa markaad masjidka joogtaan". (Muslim) 351. Abuu Yaxya ama Abuu Muxammad Sahal ibn Abii Xathmah al-Ansaari (A.K.R.) wuxuu yiri: Cabdullaah ibn Sahal iyo Muxayyisah ibn Mascuud baa waxay aadeen Khaybar intii lagu jiray heshiiskii dagaal joojinta, waa kala leexdeen oo nin walba dantiisii iyo howshii uu halkaa u yimid raacday. Dabadeed Muxayyisah baa wuxuu u yimid Cabdullaah oo la diley, dhiigiisiina uu qooyay. Inta xabaalay buu Madiina ku laabtay. Markaa kaddib Cabdur Raxmaan ibn Sahal iyo Muxayyisah iyo Xuwayyasah, oo ilma Mascuud ahaa, baa markaas Nebiga (S.C.W.) aaday Cabdiraxmaan oo u cod karsanaa intooda baa hadalkii bilaabay; markaasuu Nebigu (S.C.W.) yiri: Kan idiinku weyn ha hadlo; markaasuu Cabdur Raxmaan oo ugu daÕ yaraa seddexda hadalkii joojiyey oo uu aamusay oo labadii kale nabiga la hadleen. Nabiguna wuxuu ku yiri: Ma ku dhaaranaysaan arrintaa, oo iga dalbaneysaan in qofkii wax idin ka diley caddaaladda la hor keeno wuxuuna weriyey xaddiska oo dhan. (Bukhaari iyo Muslim) 352. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Markuu dhammaaday dagaalkii Uxud kaddib, Nebigu (S.C.W.) wuxuu iskula xabaalayey laba kasta oo shuhadada ka mida hal qabri. Mar kasta oo uu labo xabaalayana wuxuuna dadka weydiinayey: Kee ba labadooda in badan QurÕaanka dusha ka qabtay? Kii loo sheego buuna hor gelinayey iilka. (Bukhaari) 353. Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Waxaan ku riyooday in anoo cadayanaya - laba nin ii timid, oo midi ka weyn yahay kan kale; Waxaan damcay inaan siiyo cadaygii kii yaraa markaasaa waxaa la i yiri sii cadayga kan weyn, markaasaan kii weynaa siiyeyÓ. (Bukhaari iyo Muslim) 354. Abuu Muusaa (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Dhab ahaantii waa xusid iyo weyneyn Alle inaad ciseysid ciroolaha muslimka ah; sidoo kale ciseysid Qur'aan yaqaanka ama fasiraha macaanida Qur'aanka; waxaase shardi ah in qofkaa Qur'aan yaqaanka ama fasiraha macaanidiisa ah uusan ku kordhin Qur'aanka waxaan ka mid aheyn uusanna ku khilaafin ficilka iyo dhaqankiisa; sidoo kale waa ciseyn iyo weyneyn Alle inaad xurmeyso suldaanka caadilka ah". (Abuu Daawuud) Waa xadiis xasan ah oo sanad wanaagsan leh. 355. Camar ibn Shucayb (A.K.R.) wuxuu ka wariyey aabahay oo isna ka soo xigtay aabihii, in Nebigu (S.C.W.) yiri: Qofka aan naxariis u heyn carruurtayada aan xurmeynna waayeelkayaga naga mid maÕaha. (Abuu Daawuud iyo Tirmidi) Tirmidi wuxuu yiri waa xadiis xasan ah. Werinta Imaam Daawuud waxay leedahay keennii aan aqoonsan xaqa waayeelkayga, halka ah aan xurmeyn waayeelkayga. 356. Maymuun ibn Abii Shabiib Allaha u naxariistee wuxuu yiri: Nin baa wuxuu weydiistay Caa'isha sadaqo waxayna siisay jab rooti ah. Markaasaa nin kaloo wanaag ka muuqda baa u yimid markaa bay ugu yeertay inuu fariisto raashin iyo cuntona siisay. Markii la weydiiyey sida kala duwan ay ula dhaqantay, waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu na faray: Dejiya qof kasta meeqaanka uu leeyahay". (Abuu Daawuud) Xadiiskan waxaa lagu cilleeyey kala go' waayo Maymuun ma soo garin Caa'isha, sidaa awgeed waa daciif. Laakiinse qaybta dambe ee xadiiska wuxuu ku soo arooray Saxiixu Muslimka waana qaybta ka billaabaneysa wuxuu na faray nabiga oo yiri dejiya qof kasta meeqaanka uu leeyahay. 357. Xadiiskan waxaan ku soo marnay cutubka 3, waana xadiiska tiradiisu tahay 50. 358. Abuu Saciid Samuurah ibn Jundub (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan ahaa wiil yar waqtigii Nebiga (S.C.W.) waxaana xafidi jiray axaadiista nabiga (S.C.W.) ha yeeshee ma werin jirin wixii aan ka xafiday, waayo waxaa joogay dad iga waaweyn. (Bukhaari iyo Muslim) 359. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Hadduu nin dhallin yaro ah xurmeeyo ruux sheyb ah da'diisa awgeed, Wuxuu Alle u bixiyaa qof xurmeeya goortuu da'diisa oo kale gaaro". (Tirmidi) Imaam Tirmidi wuxuu yiri: Xadiiskani ma aha xadiis xoog leh, macnaha siduu yiri sh. al-Baani waa daciif aan xujo iyo cuskasho gelin.
|
Islamic Links
|
|