Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Wanaajinta Qofka Deriska

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 39

WANAAJINTA QOFKA DERISKA AH IYO DHOWRISTA XUQUUQDIISA

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

127. "Alle Caabuda oo waxba ha u shariig yeelina, labada waalidnawanaajiya (oo naxariis u muujiya), iyo qaraabada iyo agoonta iyo masaakiintaiyo deriska qaraabada ah iyo deriska aan qaraabada aheynba iyo saaxiibkaasafarka iyo tub ku joogga (yacni musaafirka ay ka go'een gaari raacaiyo jid marka) iyo (addoomada) ay gacantaadu hanatay". Suuradda An-nisaa: Aayadda 36.

303. Ibn Cumar iyo Caa'isha (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Nebigu(S.C.W.) wuxuu yiri: "Malag Jibriil wuxuu mar waliba aad igala dardaarmahayey(xuquuqda) deriska, aad buuna arrintaa u daneyn jiray ayna ugu weyneydilaa aan is iri waa intaa oo lagu daro qofka deriskiisa mid ka mida kuwadhaxalkiisa wax ku leh". (Bukhaari iyo Muslim)

304. Abuu Darr (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W) wuxuu yiri: "AbuuDaroow markii aad diyaarineysid maraqa xoogay biyo ah ku kordhi, oo eeghadday dariskaagu wax uga baahan yihiin". (Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: Rafiiqaygii (kheyr doon ahaan buu taau leeyahay) Nabiga (S.C.W.) wuxuu igula dardaarmay: (Markii aad diyaarineysomaraqa ku shub biyo badan, oo badi, dabadeedna soo ogow (xaaladda iyo waxaay ku sugan yihiin) deriskaaga, oo sii xoogaa maraq ah iyagana sidoo kale.

305. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Alle baan ku dhaaran, iimaankiisu ma dhamma", Alle baanku dhaaran muslim fiican ma aha, Alle baan ku dhaaran inuusan rumeyn". Waxaa la weydiiyey: Rasuul Alloow waa cidma? Wuxuu yiri: "Waa qofkiijaarkiisa ayan nabad ka aheyn dhibaha iyo sharkiisa". (Bukhaariiyo Muslim)

Werinta Muslim waxay leedahay: "Kaasi ma geli doono Jannada aanayderiskiisa nabad ka aheyn dhibaha iyo sharkiisa.

306. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: "Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: "Haweenka muslimaadka ahoow! yaysan midiin deriskeeda hoosu eegin oo u arag wax liita xitaa hadday kuu soo dirto ri qanjaa fuusheedka(qoob riyeed) hadiyad ahaan (oo ha ka aqbasho ugana mahad celiso)".(Bukhaari iyo Muslim)

Xadiiskan horay buu noo soo maray laba waji buuna u dhici macna ahaan.wejiga hore inay derisku wax isu hadiyeeyaan, qolo waliba inta karaankooduyahay, iyo in hadiyada ciddii soo dirta laga aqbalo oo looga mahad celiyosi weji furnaan leh xitaa hadday tahay hadiyaddaa wax yar oo qaddar iyoqiimo ahaan la mid ah ri qanjaafuusheedka, qalbigana aan wax loogu qaadin,waxnana laga sheegin waxay soo diraan.

307. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Yuusan derisku u diidin dariskiisu inuu saqaf alwaaxeedkiisa kuqabto darbigiisa". Dabadeedna wuxuu Abuu Hurayrah intaa raaciyey:Hadda waxaan arkaa inaad taa dhabarka u jeedinaysaan, Waanse idinku wadiinan mar waliba idin xusuusiyo". (Bukhaari iyo Muslim)

308. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Qofkii Alle iyo maalinta aakhiro rumeeyey yuusan u geysan wax dhibiyo xumaan ah deriskiisa. Qofkii Alle iyo maalinta aakhiro rumeeyey hasharfo martidiisa. Qofkii Alle iyo maalinta aakhiro rumeeyey khayr ha sheegoama ha iska aamuso". (Bukhaari iyo Muslim)

309. Abuu Shurayx al-Khuzaaci (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: "Qofkii Alle iyo maalinta aakhiro rumeeyey ha wanaajiyo deriskiisa; Qofkii Alle iyo maalinta aakhiro rumeeyey ha wanaajiyo martidiisa; QofkiiAlle iyo maalinta aakhiro rumeeyey ha ku hadlo wax wanaagsan ama ha iskaaamuso". Muslim baa ku wariyey xadiiska ereyadan, halka Bukhaariuu wariyey ereyadan qaarkood.

310. Caa'isha (A.K.R.) waxay tiri: Waxaan weydiiyey Rasuulkii Alle (S.C.W.): Waxaan leeyahay laba daris ee kee baan hadiyad u diraa? Wuxuu yiri: Kii kuu irrid dhaw". (Bukhaari)

311. Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuuyiri: "Saaxiibka wanaagsan Alle agti waa kan u roon saaxiibadiis, Dariska wanaagsanna Alle agti waa kan u roon ee wanaajiya deriskiisa".(Tirmidi) oo yiri waa xadiis xasan ah.

Fiiro gaar ah:

Derisku waa labada qof ee ku nool meelo aad isugu dhow; taana waxaaka iman kara inuu midkood ka kale dhibaato gaarsiiya nooc ay ahaataba dhibaatadaa,marba hadday deggan yihiin meel u soo dhow. Sidaa awgeed, diinta Islaamkawaxay ka shaqeysay inay habeyso xiriirka labadaa qof si jrdaha u goynaysadhibaato kastoo suura gal ah ama iska hor imaad kasta oo dhex mari karalabadaa qofood, si ay markaas ugu noolaadaan nolo wanaagsan oo nabad ah.

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:14