Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Sharafta  Masaakiinta

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

SHARAFTA SARE IYO QIIMAHA AY MASAAKIINTU IYO KUWA LIITA EE TABARTA YAR KU LEEYIHIIN BULSHADA MUSLIMKA AH DHEXDEEDA.

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

112. "La Samir kuwa Rabbigood baryaya galab iyo subaxba oo wejigiisa doonay, indhahaagana iyaga ha dhaafin". Suuradda Al-Kahaf: Aayadda 28.

252. Xaarisa bin Wahab (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay nabiga (S.C.W.) oo leh: Ma idiin sheegaa ehlu jannaha? Waa miskiin kasta oo diciif ah oo hadduu Alle ku dhaarto laga aqbalayo. Haddana ma idiin sheegaa ehlu naarka? waa mid kastoo ah jaahil, waxmatare, xishoodlaawe, isla weyne kibir badan". (Bukhaari iyo Muslim)

253. Abul Cabbaas Sahal ibn Saacid as-Saacidi (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa wuxuu soo ag maray Nebiga (S.C.W.) oo meel fadhiya. Nabigaa wuxuu weydiiyey nin asxaabtiisa ka mida oo la fadhiyey: "Muxuu kula yahay ninkan, hadda ina dhaafay? Saxaabigii rasuulka la fadhiyey wuxuu yiri: Waa nin dadka sharafta lejh ku jira, Alle baan ku dhaaran, hadduu gabar soo doono waa nin la siinayo, hadduu cid wejigiisa wax ugu doonana laga yeelayo. Nabigu (S.C.W.) waa aamusay. Dabadeedna nin kalaa soo maray, Wuxuu yiri nebigu (S.C.W.) Kanna muxuu kula yahay? Wuxuu yiri: Nebi Alloow waa nin fuqarada muslimiinta ka mid ah. Waa nin haddii uu gabar soo doono aan la siiyeen, haddii uu cid wejigiisa wax ugu doonana aan laga yeeleen, haddii uu hadal yiraahdana aan laga maqleen. Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: Kanu (muslimka faqiirka ah) wuxuu ka khayr roon yahay waxa rag dhulka jira ee kuwa aad hadda amaaneysay oo kale ah". (Bukhaari iyo Muslim)

254. Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Dood baa waxay dhexmartay Jannada iyo Naarta. Naartii baa waxay tiri: Waxaa aniga gudaheyga, geli doona jajuubayaashii, khaaÕin kasta iyo isla weynayaasha; Jannadiina waxay tiri: waxaa aniga gudaheyga geli doonna kuwa tabarta yar iyo kuwa la liido ee fuqurada ah. Markaasaa Alle u gar naqay oo yiri: Adigu jannooy, naxariistaydii baad tahay, adiga dhexdaada baana naxariistay ku siin ciddii aan doono. Adiguna naar baad tahay, meel ciqaabeed, adiga dhexdaada baana ku ciqaabayaa ciddii aan doono., mid walbaana inaan buuxiyo bay igu leedahay). (Muslim)

255. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Nin weyn oo buuran baa la hor keenayaa Alle maalinta qiyaamaha, aanse Alle agti culeyskiisu, garab kaneeco ka dhammayn". (Bukhaari iyo Muslim)

256. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Naag madow (ama nin dhallinyaro ah buu ahaa, weriyaha xadiiska baanan hubin) baa masjidka xaaqi jirtay (xaaqi jray). Markaasaa nebigu (S.C.W.) arki waayey (naagtii ama ninkii dhallinyarada ahaa) oo markaa dadkii weyddiiyey. Waxay yiraahdeen waa dhimatay (ama wuu dhintay). Markaasuu nabigu (S.C.W.) yiri maxaad iisoo ogeysiin weydeen. Sida ay asxaabtii yaraysteen oo ayan ahmiyad siin. Markaas buu weydiistay inay tusaan qabriga meydka. Kolkay tuseen qabrigii buu ku dul tukaday oo u duceeyey wuxuuna yiri: Qabuurahan mugdi iyo madow badan baa ka buuxa kuna ay heysaa dadka deggan ee ku jira. Allena wuu u iftiimayaa dadka qubuuraha ku jira salaaddayda iyo ducadeyda awgeed. (Bukhaari iyo Muslim)

257. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Waxaa jira dad badan kuwaasoo u muuqda kuwa basaasan, timo raamo ah leh, iyo wajiyo engagan oo Albaabada laga xirto oo hadday Alle ku dhaartaan laga Aqblayo wixi ay Alle ka dalbeen". (Muslim)

Fiiro gaar ah: Dadkaa tilmaamahaa waxay ku yeesheen baa la yiri sabab jihaad ay ku jiraan, iyo u heegan ahaanti iyo ilaalo iyo gaar ay cadowga ka hayaan, iyagoo isla markaa guta waajibaadkooda kale ee diiniga, sida salaadda, soonka, u diyaargarowga cadowga iwm, taana ay u dheer tahay saboolnimo iyo faqri.

258. Usaamah bin Zayd (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Habeenkii Micraajka (Cirka la ii dheelmiyey) kolkaan istaagay Jannada irridkeeda, baan waxaan arkay in waxa galay ay u badan yihiin masaakiintii. Iyadoo dadkii hodonka ahaa loo diiday gelitaanka. Ehlu Naarkiina waxaa amar lagu bixiyey in naarta loo kaxeeyo, oo lagu takhantakheeyo, markaasaan misna waxaan istaagey naarta irridkeeda, mise waxa galay waxaa u badan dumar". (Bukhaari iyo Muslim)

259. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Reer banii Israa'iil dhexdood) saddex qof keliyaa iyagoo (ilmo dhashay) ah hadlah. Mid wuxuu ahaa nebi Ciise (C.S.) mid kalena wuxuu ahaa Jureyj Saaxiibkiis. Jureyj wuxuu ahaa nin saalix ah oo Cibaado badan, Wuxuu dhistay mowlac yar si uu ugu go'o inuu cibaadeysto. Maalin isagoo salaad ku jira baa hooyadiis u timid oo u yeertay, markaasuu Alle qalbiga ka baryey oo hoos iskula hadlay: Rabbiyoow ma salaaddaan dhammeeyaa mise hooyaday baan uga baxaa (Rabbiyow i solansii sida roon), salaaddii buu doortay oo iska watay, hooyadiina iska tagtay, Maalintii xigtay bay hooyadi u timid isagoo tukanaya oo tiri: "Jureyj" wuxuu iskula hadlay oo Alle ka baryey; Rabbiyoow ma salaaddaan wataa mise hooyaan uga baxaa, salaaddii buu doortay oo iska watay, Maalintii seddexaad bay hooyadii u timid isagoo tukanaya oo tiri: "Jureyj" wuxuu iskula hadlay misna oo Alle ka baryey; Rabbiyoow ma salaaddaan wataa mise hooyaday baan uga baxaa, Salaaddii buu doortay oo iska watay, Duqdii waxay tiri: Alloow ha dilin jeer uu sharmuuto wejigeed arko.

Jurayj iyo cibaadadiisa caan bay noqdeen iyo arrimaha ugu horeeya ay isla dhex maraan oo ay ka sheekeeyaan reer banii Israa'iil, Waxaana ka mid ahaa reer banii IsraaÕiil naag sharmuuto ah, oo quruxdeeda tusaale loo soo qaadan jirey, Waxay tiri: Haddii aad rabtaan anigaa fidmayn kara oo fadeexad u soo jiidi kara, Markaasay isku dayday inay soo jiidato si uu uga dhilleysto ha yeeshee Jurayj waa uu jalleeci waayey, danna uma gelin, Waxay u tagtay qawsaar mowlaca Jurayj ag degganaa, oo intay isu dhiibtay ka dhilleystay uur bayna yeelatay, Markii ay dhashay bay tiri: Jurayj baa dhalay, Reer banii Israa'iil waxay u tageen Jurayj, liideen, meeshii bay ka soo saareen, oo inta mowliciisii dumiyeen, garaaceen Jurayj baa wuxuu weydiiyey: Maxaad sidan iigu galeysaan? Waxay yiraahdeen naagtaan dhillada ah baad ka sinaysatay oo ilmo kuu dhashay, Wuxuu yiri: ilmihii meeya? waa u keeneen, Wuxuu yiri: Ii kaadsha aan tukadee, Markaa buu tukadey, markii uu dhameystay salaaddii, buu ilmihii inta u tagay oo ku fariisiyey dhabtiisii buu weydiiyey: Waa kuma aabbahaa? wiilkii wuxuu yiri: Waa hebel ina hebel, ee qowsaarka ah, Markaasay reer banii Israa'iil oo dhan u yimaadeen Jurayj, iyagoo dhundhunkanaya oo inuu ka raalli noqdo weydiisanaya oo ku yiraahdeen: Mowlacaagii oo dahab ah baan kuu dhisaynaa, Jurayj wuxuu yiri: Mayee dhoobadeedii iiga dhisa oo sideedii ah, waana u dhiseen.

Arrinta saddexaad waxay aheyd ilmo hooyadiis nuugaya, Markaa baa waxaa soo ag maray nin fuushan faras dheereynaya oo bilic leh, ninkaa faraska watayna wuxuu labbisnaa dhar aad u qurxoon, Hooyadii baa baryootantay: Alloow wiilkayga iiga dhig sida ninkan, Wiilkii yaraa inta naaskii ka fuqay oo sidaas u fiiriyey ninkii buu yiri: Alloow ha iga dhigin sida ninkan, Dabadeedna naaskii buu isaga noqday oo iska nuugey. Halkan Nebigu (S.C.W.) tusaale buu ka bixiyey markii uu ilmaha nuugmadiisa ka sheekaynayey, oo inta fartiisa murugsatada ah afka geliyey muudsaday, Markaasuu hadalkii sii watay oo wuxuu yiri: Haddana waxaa soo maray dad badan iyo gabar addoonad ah, nimankuna waxay garaacayeen addoontaa iyagoo ku eedeynayey inay dhilleysatay waxna xadday, iyaduna jawaab ahaan laheyd: Xasbiyyallaah wanicmal wakiil' Allaa igu filan oo aan wakiishay, Hooyadii baa tiri: Alloow wiilkayga taasoo kale ha ka dhigin, Markaasuu wiilkii inta naaskii ka fuqay oo sidaas u fiiriyey gabadhii buu yiri: Alloow iga dhig iyadoo kale, Markaasay wada hadallo dhex mareen Hooyadii iyo wiilkii, Waxay tiri hooyadii: Waxaa na soo ag maray nin heybad leh markaasaan waxaan iri: Alloow wiilkayga kanoo kale ka dhig, markaas baad waxaa tiri: Alloow isagoo kale ha iga dhigin, Misna dad baa soo maray iyo addoomad ay garaacayeen iyagoo ku eedaynaya dhilleysi iyo tuugo, Markaasaan waxaan iri Alloow wiilkayga taasoo kale ha ka dhigin, markaasaad waxaa tiri Alloow iyadoo kale iga dhig, Wiilkii baa wuxuu ku jawaabay ninkaasi wuxuu ahaa nin jajuubaa macangag ah, markaa baan kaa hor imid oo waxaan iri: Alloow kaa soo kale ha iga dhigin, Gabadhase ay leeyihiin way dhilleysatay, run ahaantii ma ayan dhilleysan, Waxay ku eedeeyeen inay wax xadday, laakiinse waxna ma ay xadin (oo waa gabar mu'minad ah) Sidaa awgeed baan waxaan iri: Alloow iga dhig iyadoo kale". (Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro gaar ah:

Qur'aanka iyo sunnuha nabigu (S.C.W.) waxay ka hadleen meeqaanka iyo darajada weyn ay leeyihiin dadka fuqurada iyo masaakiinta ah ee ka fog kibirka iyo isla weynida isla markaana dhowra xudduudda Alle, noolna nolol suubban oo ku saleysan Qur'aanka iyo sunnada, Xadiis uu werinayo Tirmidi wuxuu leeyahay, dadkaa oo idil (fuqurada iyo masaakiinta) waxay gali doonaan jannada 500 oo sano ka hor inta ayan galin hodanka iyo kuwii adduunka ku ladnaa. Fuqurada iyo masaakiinta waxay taa ku muteysteen dhibaatadii adduunka ku heysatay awgeed iyagoo aan ku helin nolo raaxo leh oo fudud adduunka.

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:14