Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Waa in laysku Naseexeeya

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

RIYAADU SAALIXIIN

CUTUBKA 22

WAA IN LAYSU NASEEXEEYAA

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

84. “ Mu’miniinta uun baa walaalo ah’. Suuradda Al-Xujuraat: Aayadda 10.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: oo uu ka soo weriyey inuu Nuux (C.S.) yiri isagoo dadkiisii la hadlaya: 

85. “ Waa aan idiin naseexaynayaa”  Suuradda Al-Acraaf Aayadda 26.

Huud Alle wuxuu sheegay inuu yiri:

85a. “ Waxaan idiin ahay naseexo wadeen aammin ah’. Suuradda Al-Acraaf: Aayadda 68.

181. Tamiim ibn Aws Ad-daari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Diintu waa waano”. Waxaannu niri: Rasuulkii Alloow yay u tahay? Wuxuu yiri: ‘ waxay u tahay Alle, Qur’aanka, rasuulkiisa, iyo muslimiinta- dawladda iyo dadweynaba’. (Muslim)182. Jariir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: “ Waxaan Rasuulka Alle Axdi kula galay inaan salaadda oogo oo sekada bixiyo, iyo inaan wanaag la jeclaado qofkasta oo muslim ah oo u naseexeeyo’. (Bukhaari iyo Muslim)

183. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Qofkiin mu’min dhan noqon mahayo jeer uu walaalkiis Islaamka la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahay”. (Bukhaari iyo Muslim)

 

Back Home Next

Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:14