Ka Baro Diinta
Islaamka
Live online Islamic courses |
CUTUBKA 13Wajiyada kala duwan ee khayrka loo sameyn karoAlle kor ahaaye wuxuu yiri:
49. " Wixii khayr ah oo aad fashaanba Alle waa og yahay" Suuradda Al-Baqarah: Aayadda 215 Wuxuu kalooyiri kor ahaaye:
50. " Wixii aad fashaan oo khayr ahba Alle waa ogyahay" Suuradda Al-Baqara; Aayadda 197 Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: 51. "Qofkii fala wax saxar le'egoo khayr ah waa arkayaa" Suuradda al-Zalzalah: Aayadda 7. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:
52. "Kii camal wanaagsan falaa,naftiisaa leh" Suuradda al-Jaathiya: Aayadda 15. Waxaana jira aayado badan oo ka hadlaya mowduucan, iyo axaadiisyo dhowrah oo nabiga ka sugnaaday (S.C.W.). 117. Abuu Darr (A.K.R.) Wuxuu yiri: Waxaan weydiiyey rasuulkii Alle(S.C.W.) camalka kiisa u wanaagsan una ajar badan? Wuxuu yiri: Alloo larumeeyo iyo jidkiisoo loo jihaado (yacni dadaal badan lagu bixiyo sidadiintiisa loo kor yeeli lahaa, taana loo diriro).' Waxaan weydiiyey,addoon la xoreeyana kee u khayr badan? Wuxuu yiri: Tii u lacag badan oodadkeedu u jecel yihiin. 'Waxaan weydiiyey: Haddii aanan karinnainaan saas falo (lacag yaraan awgeed). ' Wuxuu yiri: ' Markaacaawin qof hawl haya ama wax u samee qof wax sameysan la' ama farsamoxumaynaya. ' Waxaan weydiiyey: Qofkii aan taa awoodinna. Wuxuuyiri: Naftaada ka celi oo ka qabo inay cid dhibaato u geysato, waayo sidaaswaxaa ugu sugan ajar iyo kheyr naftaada.' (Bukhaari iyo Muslim) 118. Abuu Darr (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: 'Markiiaad soo kacdo waaberiga sadaqaa lagu leeyahay xubin kasta oo ka mida jirkaaga.Marka Alle hufid walbaa (yacni inaad tiraahdo Subxaanal-Laah) waa sadaqo,Mahdin kastoo oo aad mahdisaa Alle (yacni inaad tiraahdo al-Xamdu Lillaah)waa sadaqo, inaad tiraahdo laa ilaaha illaal Laah waa sadaqo, inaad tiraahdoAllaahu Akbar waa sadaqo, inaad tiraahdo Allaahu Akbar waa sadaqo, Samaanla faraa waa sadaqo, xumaan la reebaa waa sadaqo. Laba rakcadood oo barqadiila tukado baana gudaya oo u dhigma intaa oo dhan.' (Muslim) 119. Abuu Darr (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ' Waxaala i tusay camalka ummaddayda mid xun iyo mid sanba. Camalka san waxaaka mid ahaa oo aan arkay, wixii dhib leh oo laga qaado jidka la maro, camalkaxunna waxaa ka mid ahaa xaako taal ayaadoo aan la xabaalin masjidka'.(Muslim) 120. Abuu Darr (A.K.R.) Wuxuu yiri; Qaar asxaabtii ka mida baa waxayku yiraahdeen nebiga (S.C.W.) dadkii maalka lahaa baa ajarkii oo dhan xaabsaday.Waxay u tukadaan oo u soomaan sidayada oo kale, xoolohooda dheeraadka ahwaa sadaqaystaan (taa oo aan annagu laheyn) Wuxuu yiri: 'Sow idinbala idin ma siin wax aad sadaqaysataan? Alle hufid kastaa (macnaha inaadtiraahdo subxaanal-laah) waa sadaqo, Alle weyneyn kastaa (macnaha inaadtiraahdo Allaahu akbar) waa sadaqo, Alle ammaan kastaa (oo ah inaad tiraahdoal-Xamdu lillaah) waa sadaqo, Alle waxidid kastaa ( oo ah inaad tiraahdolaa ilaaha illal laah) waa sadaqo, samaanta oo la is faraa waa sadaqo,xumaanta oo la is ka reebaana waa sadaqo; markii uu qofkiin xaaskiisa ugalmoodaana waa sadaqo. Waxay weydiiyeen: Rasuul Alloow (S.C.W.) ma suuragal baa inta qofkayo xaaskiisa u tago si uu naftiisa ugu raaxeeyo oo ayugu sugnaato arrintaa ajar? ' Wuxuu yiri: 'Haddii uu xaaraanu galmoon lahaa sow ma fuuleen dambi? Sidaasoo kale buu markuu xalaal ugalmoodana u leeyahay ajar". (Muslim) 121. Abuu Darr (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu igu yiri:'Ha u arkin xitaa samaanta tan u yar waxaan wax ku ool aheyn balsewaa wax ku oole fal. Xitaa walaalkaa oo aad waji furan tustid oo aad kulakulantid waa camal san oo sadaqa ah." (Muslim) 122. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:' Sadaqaa lagu leeyahay xubin kasta oo qofka jirkiisa ka mida maalinwalba oo qorraxi soo baxdo, (wayna badan yihiin irdaha kheyrka iyo wejiyadaajar sadaqo lagu helo) tusaale inaad si xaq ah iyo caddaalad ugu garsoortaalaba qof waa sadaqo; inaad ku gacan siisid qof si uu u kaxeysto gaadiidkiisaama kor wax ula saartid waa sadaqo, kelmed wanaagsani waa sadaqo, tallaabokasta oo aad qaaddid adoo salaad u socda waa sadaqo; ka qaadidda wax keenikara dhib oo waddada la maro yaal waa sadaqo." (Bukhaari iyo Muslim) Muslimna wuxuu weriyey oo laga soo xigtay Caa'isha (A.K.R.) inNebigu (S.C.W.) yiri: 'Aadanaha qof walba waxaa loo abuuray 360xubnood, marka qofkii weyneeya Alle (macnaha yiraahda: Allaahu akbar),Allena ammaana (macnaha yiraahdo Alxamdu Lillaah), sugana waxdaaniyadiisa(macnaha yiraahdo laa ilaaha illallaah) oo hufana (macnaha waa yiraahdasubxaanallaah), weydiista Alle dambi dhaaf (macnaha yiraahda astaqfirullaah),ka qaada dhagax ama qodax, ama laf, iwm waddada ay maraan dadka, samaantanafara xumaantana reeba, waxyaabahaasina ay tiro ahaan gaaraan 360 wuxuuqofkaas gabbal dhacsanayaa isagoo naftiisii ka durkiyey (yacni ka fogeeyey)naar". (Bukhaari iyo Muslim) 123. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:' Qofkii masjidka salaad awgeed u kallaha subaxa hore ama u carraabagalabkii, Alle hufnaa oo kor ahaaye, wuxuu ugu diyaariyaa martiqaad jannada,markasta oo uu salaad u socdo'. (Bukhaari iyo Muslim) 124. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) isagoo la hadlayadumarka wuxuu yiri: ' Dumarka muslimadaha ahoow, Ha yareysanninainay middiin kasta oo cid deris la ahi u dirto xitaa waxa wax ugu yar riÕmajinteedbaha ahaatee hadiyad ahaan deriskeeda. (Bukhaari iyo Muslim) 125. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: 'Iimaanku waa dhowr iyo lixdan ama dhowr iyo toddobaatan qayboodwaxaana u sarreeya laa ilaaha illal laah - qiritaanka ilaah ma jiro xaqah aan Alle aheyn - waxaana u hooseeya jidka oo laga qaado wixii dhib leh.xishoodkuna waa qayb iimaanka ka mid ah'. (Bukhaari iyo Muslim) 126. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:' Nin jid hayaa aad u harraaday, wuxuu helay ceel, inta galay buuka soo cabbey biyo oo ka dhergay, markuu soo baxay buu wuxuu arkay Eeyharaadyoonaya oo rayska leef leefaya haraad awgiis. Wuxuu kula hadlay ninkiinaftiisii Alleylehe Eygaan waxaa haya haraad kii i hayey oo kale ah. Wuxuumar labaad galay ceelkii oo kabihiisii buudka ahaa soo buuxiyey oo afkaku soo qaaday oo soo baxay oo Eeygii siiyey suu u cabbo. Markaasaa Allemahadiyey falka ninkan una dembi dhaafay. Nabiga (S.C.W.) ayaa la weydiiyey:Rasuul Alloow ma ajar baan ka heleynaa u naxariisashada xoolaha? Wuxuuyiri: wax kasta oo beer qoyanba u naxariisashadooda ajar bay leedahay'.(Bukhaari iyo Muslim) Werinta Bukhaari wuxuu ku soo gunaanuday: Allaa mahdiyey falkiisa oou dambi dhaafay, jannana geliyey'. (Bukhaari) Werin kale oo xadiiska ah baa waxay iyana ahayd: ' Eey ceel kuwareegaya oo inuu harraad u dhinto u dhow baa naag xun (dhillo) Yuhuudiyadah aragtay, markaasay inta buudkeedii u bixisay bay biyo ugu soo dartay,oo ku waraabisay. Alle, Naxariis badnaha ah, baa ugu dembi dhaafay naxariisteedaasiawgeed. (Bukhaari iyo Muslim) 127. Abuu Hurayray (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:'Waxaan arkay nin jannada ku daansha daanshoonaya, taasna waxaau sabab ahaa geed uu ka gooyey jidka, oo dhibi jirey muslimiinta".(Muslim) Werin kale oo xadiiska waxay ahayd: ' Nin baa wuxuu arkay laanku soo baxday jid. Wuxuu yiri: wallee tan waa aan goynayaa si aysan mislimiintau dhibin. Markaasaa jannada la galiyey falkaa san awgi'. Werin kalenawaxay iyana ahayd: ' Nin dhabbo hayaa wuxuu arkay laan qodox lehoo dhabbada ku soo baxday markaasuu ka banneeyey. Markaasaa Allaa mahdiyeyfalkiisaasi oo u dambi dhaafay'. (Bukhaari iyo Muslim) 128. Abuu Hurayrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:'Qofkii weeseysta oo weesada hagaajiya, dabadeedna salaadda jimcaha aada oo dhegeysta khudbadda Jimcaha si dhug leh oo aamus ah, dambiyadiika dhacay aan kabaa'irta aheyn laga soo bilaabo jimcihii tegey illaaiyo kii kale iyo weliba saddex beri oo dheeraad ah waa loo dhaafaa, qofkiiisku shuqliyaana quruurux waqtiga khudbadda socoto wax san ma uusan falin'. (Muslim) 129. Abuu Hureyrah (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri:Marka uu qofka muslimka ahi weeseysto oo wejiga dhaqo waxaa biyaha raacawixii dembi ahaa oo ay ishiisu fiirisay, markii uu gacmaha dhaqana waxaabiyaha raaca wixii dembi ahaa oo ay gacaniisu fashay, markii uu lugahadhaqana waxaa biyaha raaca wixii dambi ah oo lugihiisu u socdeen, markaasuuahaanayaa qof dembiyada (yar yar aan kabaa'irta aheyn) nadiif kaah'. (Muslim) 130. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: 'Shanta salaadood (oo si rigle iyo joogto ah jamaacad ahaan masjidkaloogu tukado) waxay tiraan dambiyada yar yar, haddii dambiyada kabaaÕirta(halista) ah (sida shirkiga, sixirka, dilka gardarrada ah, dhilleysiga,ribada, dhilleysi ku xamashada dumarka dhowrsoon, u dhabar jeedinta cadowgamaalin dagaal dar Alle ah iwm) la iska jiro markaa waa loo dhaafaa dambiyadayaryar inta u dhaxeyso labo Jimco iyo labo Ramadaan'. (Muslim) 131. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: 'Miyaan idin tusaa wax Alle ku dhaafo dembiyadiina, derejooyinkiinnanaku kor yeelo? Asxaabtii waxay yiraahdeen: Haah Rasuul Alloow (S.C.W.),Wuxuu yiri: waa weesada oo la taam yeelo gooraha la dhibsanayo, iyo aadistamasjidka si noqnoqod leh si aad ugu la soo tukatid (jamaacada) iyo sallaaddiixigtay oo la sugo markay midi dhammaato kaddib. Waa sidan jihaadkiinnadarka Alle ah (ama wataas u heeggan ahaanta jihaadkuye)'. (Muslim)Fiiro gaar ah: Ujeeddada xadiiska waxaa weeye nadaafada (sida weeseysiga,qusliga) salaadaha iyo caabudaadda Alle oo loo guto si dadaal leh iyo dhowris,waa wax wanaagsan sida jihaadka jidka Alle. 132. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) Wuxuu yiri Nebigu (S.C.W.) wuxuuyiri: (qofkii si joogta ah, waqtigii salaadda ugu tukada masjidka (jamaacaahaan) salaadda subax (Fajar) iyo salaada Casar wuxuu geli doonaa jannada'.(Bukhaari iyo Muslim) 133. Abuu Muusaa Al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: 'Nebigu (S.C.W.)wuxuu yiri: 'Markuu addoonku bukoodo ama safro, waxaa loo qoraacamalkii uu fali jiray markii uu fayoobaa ama markii uu negaaÓ.(Bukhaari) 134. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: 'Camalkasta oo wanaagsan waa sadaqo.' (Bukhaari) Muslim wuxuu weriyeyisla xadiiska oo laga soo xigtay Xudayfah. (A.K.R.) 135. Jaabir (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: 'Qofkasta oo muslim ah oo wax beeraa wixii laga cunaaba (oo ay cunaan shimbiroiyo xoolo) waa u sadaqo xaggiisa, wixii laga xadaana sidoo kale waa sadaqo,wixii laga lunshaana waa u sadaqo'. (Muslim) Werin kale waxay leedahay: 'Wixii qofka muslimka ahi beero oodad cuno ama duunyo ama shimbiriba waa u sadaqo, ilaa maalinta qiyaame.(Muslim) Werin kale waxay iyana leedahay: 'Wixii qofka muslimka ahi beeroama tallaalo oo markaas dad ka cuno ama duunyo ama wax kaleba waa u sadaqo, Labadaa xadiisba waxaa ka weriyey rasuulka Anas bin Maalik (A.K.R.). 136. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Reer banii Salamaha yaa damcay inaymasjidka (rasuulka S.C.W.) agtiisa u soo guuraan, markuu ogaaday Nabigu(S.C.W.) wuxuu ku yiri: 'Waxaa ii soo gaaray oo aan ogaaday inaadrabtaan inaad u soo guurtaan masjidka agtiisa? Waxay yiraahdeen: Haah,Rasuul Alloow, waa damacnay sidaas inaan yeelno. 'Wuxuu yiri: 'Reersalamoow, meeshiinna jooga, raadkiinnaa la idiin qoraayaaye'. (Muslim) Werin kale waxay ahayd: 'Tallaabo kastaaba oo aad masjidka uqaaddaan derajo bay kor idiin qaadeysaa. Bukhaarina wuxuu soo weriyey islamacnahaa oo laga soo weriyey Anas (A.K.R.). 137. Abuu Mundir Ubayy ibn Kacab (A.K.R.) Wuxuu yiri: Waxaa jiray ningurigiisu uu xoogaa ka fogaa masjidka, hayeeshee ayasan salaadi dhaafijirin (salaadda jamaacada). Waxaa lagu yiri ama aan aniguba ku iri: Maxaadu gadan weydey dameer aad kaxeysatid markii mugdiga jiro iyo kulaylka?Wuxuu yiri: Ma rabo in gurigayga ku soo dhowaado masjidka. Waxaan rabaain u socodkayga masjidka iyo noqodka aan reerkayga u socdoba la iigu qoroxisaabteyda inay dar Alle tahay. Nebigu (S.C.W.) wuxuu ku yiri ninkaa:��Alle wuxuu kuugu daray waxaasoo idil xisaabtaadii'. (Muslim) Werin kale baa waxay ku dareysaa intaa: 'Arrimaahaas oo idilcamalka san ah waxaa laguugu qoray camal san ahaan xisaabtaada'. 138. Cabdullaah ibn Camar ibn Caas (A.K.R.) Wuxuu yiri: 'Nebigu(S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa jira Afartan nooc oo camal wanaagsan ah - tanu sarraysaa tahay amaah ku bixinta hal caano badan leh, qofkii mid ka midah sameeya isagoo rajeynaya ajarkeeda oo is leh hel waxaa laysu yaboohayoo la isu ballan qaaday waxay ku hoggaamin falaheeda jannada'. (Bukhaari) 139. Caddi ibn Xaatim (A.K.R.) wuxuu yiri: ' Waxaan maqlay Nebiga(S.C.W.) oo leh: 'Ka gaashaanta Naarta, oo kaga gaashaanta xitaabixin xabbad timir ah jabkeed (ama wax le'eg) oo sadaqo ah'.(Bukhaari iyo Muslim) wuxuu kaloo Caddi yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: 'Qof kastaoo idin ka mid ahba Rabbigiisaa la hadli doona iyadoo uusan u dhaxeyn tarjumaan,Wuxuu fiirinayaa qofkii midigtiisa, markaasuu arkayaa camalkiisii; Wuxuufiirinayaa bidixdiisa wuxuuna arki oo keliya camalkiisii. Wuxuu fiirinayaahortiisa wuxuu oo keliya arki doonaa naartii oo hortiisa ka muuqata, eenaarta kaga gaashaanta xabbad timir ah jeexeedba ha ahaatee oo aad sadaqoahaan u bixisaan, qofkii aan heli karinna inuu yiraahdo erey san'.(Bukhaari iyo Muslim) 140. Anas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: 'Markii uu addoonka Alle wax cuno oo uu Alle mahdiyo (macnaha yiaahdo al-xamdulillaah)iyo markii uu wax cabbo oo uu mahadiyo Alle (yacni yiraahdo al-xamdulillaah),sidaa Waxay raalli gelisaa Alle'. (Muslim) 141. Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) Wuxuu yiri: 'Nebigu (S.C.W.)wuxuu yiri: 'Qof kasta oo muslim ah sadaqaa laga rabaa. Waxaa laweydiiyey: Haddii uusan heli karinna? Nabigu (S.C.W.) Wuxuu ku jawaabay:Waa inuu ku shaqeystaa labadiisa gacmood si uu naftiisa wax u taro, ugalanabaxo (waxaas uu shaqeystay wax ka mid ah sadaqo). Asxaabtii waxay yiraahdeenhaddii uusan krinna inuu shaqeysto. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waa inuucaawinaa Qof dhibaateysan oo sabool ah ama baahi qaba. Asxaabtii waxayyiraahdeen haddii uusan karinna taa qudheeda? Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri:Waa inuu faraa dadka kale inay axsaan flaan. Asxaabtii waxay yiraahdeenka warran hadduu taana ka gaabiyo? Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waa inuuka ilaaliyaa naftiisa inuu falo wax xumaan ah ama ka dhaco xadgudub Taasibawaa sadaqo uu naftiisa u hormarsanayo.' (Bukhaari iyo Muslim) |
Islamic Links
|
|