Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Khayr ku Dadaalidda

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

CUTUBKA 10

Khayr ku dadaalidda

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

 40. " Khayraadka ku tartama" Suuradda al-Baqara: Aayadda 148.

Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye:

41. " U tartama dambi dhaafka Rabbiggiin iyo Janno balleceedu le'egyahay cirarka iyo dhulka oo loo diyaariyey kuwa iska dhowra xumaha." Suuradda aali-Cimraan: Aayadda 133.

87. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ku dadaala Camalka san, waqtina ha luminina aad ku sameyn kartaan camal suubban waxa imaan doona dhowaan fidmooyin iyo fasaad sida habeen madow ah oo qofka waagu u beryayo isagoo Mu'min ah, isagoo gaal ahna gabbalku u dhacayo, ama isagoo mu'min ah gabbalku u dhacayo, isagoo gaal ahna waagu u beryayo. Wuxuu diyaar qofkii u noqon inuu diintiisa siisto xoogaa wax adduun ah'. (Muslim).

88. Cuqbah ibn Xaaris (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan kula tukadey Nebiga (S.C.W.) Salaad Casar magaalada Madiina. Markii uu salaama naqsaday buu inta deg deg u kacay oo dadkii dhexmaray buu wuxuu aadey guryahiisii. Markii deg degtiisa la arkay baa la naxay. Kolkuu soo laabtay, buu wuxuu yiri isagoo sharxaya waxa uu keenay degdegta: Waxaan xusuustay wax xoogaa qalin ama dahab ceeriin ah oo guriga yiil, marka arrintaa baa i welwel gelisay. Waxaan hadda soo qorsheeyey in la qaybsahaa'. (Bukhaari)

Werin kale oo xadiiska waxay ahayd: ' Waxaan guriga uga soo tegey wax xoogaa dahab ceeriin ah oo sadaqo ah, marka waxaanan rabin inuu igu baryo'. (Bukhaari)

89. Jaabir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa maalintii Uxud Nebiga (S.C.W.) wuxuu ku yiri: Haddii la igu dilo dagaalka xaggee aadayaa? Wuxuu ugu jawaabay: "Jannada" Ninkii xabbado timir ah oo gacantiisa ku jirey buu inta tuuray dagaalkii galay dirirayna jeer u shahiiday. (Bukhaari iyo Muslim)

90. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin baa Nebiga (S.C.W.) u yimid oo weydiiyey: Sadaqada teebaa u ajar badan? Wuxuu ku jawaabay (S.C.W): ' Tii aad bixiso adoo caafimaad qaba, oo lexe jeclo ku hayso, oo faqri ka baqaya, inaad wax kororsataana ay kugu jirto oo jecel. Ha u dib dhigin bixinta sadaqada inta ay naftu dhuunta ka imanayso, markaasna aad dhahdo: hebel baa intaas leh, hebelna intaas, oo ah goor ay iyadii yeesheen hebel iyo hebel.' (Bukhaari iyo Muslim)

91. Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu kor u qaaday seef maalintii Uxud oo yiri: Yaa seeftan iga qabanaya? Nin walbaa inta soo taagey gacmaha buu yiri: Aniga, Aniga. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Yaa mudankeeda ku qaadanaya oo gudanaya xilkeeda?" Saa waa la is buurtay. Abuu Dujaanah (A.K.R.) baa yiri: " Anigaa mudankeeda ku qaadanaya oo gudanaya xilkeeda? Markaasuu weecda kaga dhigay mushrikiintii."  (Muslim)

92. Zubayr ibn Caddiy wuxuu yiri: waxaan u tagnay Anas ibn Maalik annagoo uga eed sheeganayna dhibta Xajjaaj bin Yuusuf (oo ahaa xaakim daalim ah waqtigii xukunkii reer Ummaya). Wuxuu innagula taliyey inaan sabarno yirina: Saman waliba kan xiga ka shar badan oo ka xun. Waxaan sidaas ka maqlay Nebigii (S.C.W.). (Bukhaari)

93. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waqti ha luminina oo fasha camal san ka hor intaan toddoba arrimood oo dhib ah idin qabsan middood. Dabadeed ka digid awgeed buu u tiriyey, faqri feker leh, ama maal kibir leh, ama bugtu silic leh, ama gobow Cantatab leh, ama geeri kedis ah, ama soo ifbaxa Dajjaalka. Waxyaabahaas oo idil waa wax la sugo oo shar badan; ama Saacadda qiyaame, saacaddaana adag oo daran!". (Tirmidi baa weriyey oo yiri; waa xadiis xasan ah)

Xadiiskan sanadkiisa dacfi baa ku jira sidaa waxaa yiri alBaani.

94. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Maalintii dagaalkii Khaybar, nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaan u dhiibayaa calanka nin Alle iyo rasuulkiisuba jecel yihiin oo guusha Alle isaga raacin doono. Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Marnaba ma doonin madaxnimo, laakiinse maalintaas keliyaan jeclaaday in fursaddaas la i siiyo. Wuxuuse nebigu (S.C.W.) u yeeray Cali ibn abii Daalib una dhiibey calankii oo yiri: " Soco oo gadaal ha soo dhugan jeer guusha Alle ku siiyoÓ Cali (A.K.R.) markii sidaa lagu yiriba, inta xoogaa socday oo markaa istaagey isagoo aan gadaal soo dhugan ku weydiiyey cod sare suÕaashan: Rasuulkii Alloow (S.C.W.) maxaan dadka ku la diriraa? Wuxuu ku jawaabay: " La dirir intay ka qiraan inuusan jirin cid caabudaad mudan Alle maahee, iyo in Muxammad yahay rasuulkiisii. Haddii ay sidaas yeelaan, dhiiggooda iyo maalkoodiiba waa in la nabad geliyaa oo aan lagu xadgudbin. (dabcan) waxaa saaran wixii xil iyo waajib ah oo shareecadu fartay sharcigaana lala tiigsan haddii ay la yimaadaan ashahaadada wax waxyeelaya, Waxayna saaran tahay xisaabintooda oo ku shaq leh wixii u qarsoon Alle. (Muslim)

Back Home Next

admin@alimuse.com


Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:13