Home Up Tafsiir Muxaadaro Qur'aan Siiro Kutub Contents Contact us

Taqwada

Ka Baro Diinta Islaamka

ISFAACADEMY.NET

Live online Islamic courses

Home
Up

RIYAADU SAALIXIIN CUTUBKA 6          

TAQWADA IYO ALLE KA CABSIGA

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:     :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ

21. "Kuwa Alle  rumeeyow ka Cabsada Alle cabsidiisa Dhabta ah ". (Suuradda aali-Cimraan:Aayadda 102).

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ   

         

22. "Alle ka cabsada intaad kartaan (ee karaankiina ah) ". (Suuradda al-Taghaabun:Aayadda 16).

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:     :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ 

22. " Kuwa Alle rumeeyow ka cabsada Alle, wax sanna ku hadla". (Suuradda al-Axsaab:Aayadda 70).

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:     :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ 

23. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: " Qofkii Alle ka cabsada oo waajibkii iyo xilkii uu saaray guta, irkad buu u yeelayaa, meel uusan filaynna waa ka arsaaqayaa". (Suuradda ad-Dalaaq:Aaydda 2-3).

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:     :قال اﷲ ﺗﻌﻟﻰ 

24. " Kuwa Alle rumeeyow! Haddii aad Alle ka cabsataan oo xilka iyo waajibka uu idin saaray gudataan wuxuu idin siinayaa iftiin aad ku kala saartaan xaqa iyo baadilka, wuxuuna asturayaa xumaanahiinna, wuuna idiin dembi dhaafayaa. Allaa dambi dhaafe deeq badane ahe." (Suuradda al-Anfaal:Aayadda 29).

69. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri Nebiga (S.C.W.) waxaa la weydiiyey: Yaa ugu sharaf iyo xurmad badan dadka dhexdiisa oo ugu mudan? Wuxuu yiri: Kan ugu Alle cabsiga badan. Asxaabtii rasuulka Waxay yiraahdeen: "Sidaa kuma aannu weydiin " Wuxuu yiri: Markaa waa Yuusuf oo nebi ahaa oo ina nebi ahaa (nabi Yacquub) oo ina nabi ka sii ahaa (nabi isxaaq), oo ina nabi ka sii ahaa (nabi Ibraahim), Alle saaxiibkii. Waxay yiraahdeen: Sidaasna kuma aannu weydiin. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Haddaa ma lafaha Carab-baad i weydiiseen. Markaa ogaada kuwaa lahaa sharafta iyo xurmadda Islaamka ka hor, baa sharaf iyo xurmad badan markii ay Islaamaanna, waase markii ay diinta dhuuxaan, oo dhaqan geliyaan.

70. Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebiga (S.C.W.) wuxuu yiri: " Adduunyadu waa doog waana macaan tahay. Allena xilkeedii buu idiin dhiibay, oo inaad danjireyaal ka noqotaan buu idiin doortay, si uu u eego habka aad uga hawlgaleysaan oo aad ugu dhaqataan adduunka. Markaa iska Jira dhaldhalaalka adduunka iyo soo jiidashadeeda dhalanteedka ah, iyo fasaatka ka dhalanaaya ee la xiriira (aan sharci aheyn) ee dumarka (iyo in hawooyinkooda aan sharciga waafaqsaneyn laga yeelo). Reer banii Israa'iil fidnadii u horraysey waxay kaga timid xagga dumarka."                          (Muslim)

71. Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (S.C.W.) ku duceysan jirey: " Alloow waxaan kaa baryayaa hanuun, Dhowris xilka iyo waajibka aad i saartay, dhawrsanaan iyo kheyr xaggaaga ah (iyo ka deeqtonaan Aadane)".         (Muslim)

72. Caddayi ibn Xaatim (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (S.C.W.) yiri: " Haddii uu qof ku dhaarto oo ballan qaado inuu camal falaa oo dabadeed arko camal kale oo ka wanaagsan kii hore, waa inuu falaa camalka wanaagsan ee dambe."         (Muslim)

73. Abuu Umaamah al-Baahili (A.K.R.) wuxuu sheegay inuuu dhageystay khudbadii Nebiga (S.C.W.) uu jeediyey xajkii sagootiga khudbaddaas oo uu ku yiri: " Xurmad iyo tixgelin gaara siiya Alle iyo amarradiisa, oo ooga shanta salaadood maalin waliba, bisha Ramadaan sooma, bixiya sekada, maqlana oo adeeca kuwa xilka iyo mas'uuliyadda idin haya (oo waxaan xumaan aheyn ku adeeca) waxaad geli doontaan markaa Jannada Rabbigiin.  (Tirmiidi) wuxuuna yiri waa xadiis Xasan ah.

Fiiro gaar ah: Luqad ahaan macnaha taqwada waa inaad ka joogto oo aad naftaada ka celiso wixii u xun oo dhib u leh. Xagga Xadiiska iyo Qur'aankase taqwo waxaa loola jeedaa inaad maanka joogto ugu heyso Alle, ood ka cabsato, xusuusnaato daa'in iyo abad, wuxuu ku faray ku fartoonto, wuxuu kaa reebayna ka reebtoonto, taasna waxay kuu horseedeysaa oo ku siineysa aragti iyo ileys aad ku kala saarto samaha iyo xumaanta, dareenka iyo fahamkaasi qofku wuxuu ku hoggaaminayaa xagga samaha iyo kherka, kana hor istaagayaa xumaha iyo sharka oo idil.

 

Back Home Next

admin@alimuse.com 


Home
Up

Qur'aan Self-Study

My status

Sh.Muxammad Sh.Cumar Dirir

 Islamic Links

Isfa Online Academy

Sheekhdirir.com

Houseofquran.com

Duruus

Daarulcilmi.com

 

[Home] [Up] [Tafsiir] [Muxaadaro] [Qur'aan] [Siiro] [Kutub] [Contents] [Contact us]
Hoyga Barashada & Faafinta Diinta Islaamka, Kaalmaynta Dadka Raba inay Cilmiga Diinta Islaamka Bartaan & Baahinta Diinta Islaamka Weeye Hadafkayagu.
                                              
Copyright© 2007 - 2020 Alimuse.com.                                                                
20/06/2020 07:47:13